Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka warbixiyey shir ku saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana. Indhaqarshe ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga. Isaga oo sii hadlaya ayuu tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka. “Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.” Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono. View the full article
  2. Xiraale (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaare Soomaaliya oo Booqasho ku tagay deegaanka Xeraale ayaa halkaas kala kulmay soo dhaweyn aad u sareyso. Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka ku sugnaa Sanadyadii ugu dambeeyay. Maleeshiyaadkaan hubeysan ayaa dagaal kula jiray Ciidanka Ahlusunna oo ay sheegeen in ay dhowr jeer degaanka ay soo wareereen,islamarkaana ay ku laayeen dad Shacab ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dhalinyaradda degaanka ah dhaqancelin loo sameyn doono,islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana sidoo kale dowladda ay la wareegi doono Ciidanka Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday inay ciidamadaas gacanta ku heyn doonto Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Ra’isulwasaaraha iyo Odaayasha dhaqanka ayaa isku soo hadal qaaday arrimo doorashada Galmudug, waxayna ballan qaadeyn inay ka qeyb qaadan doonaan.
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in xaaladaha colaadeed ee ka soo fool leh gobalka Bariga Dhexe ay samaayn fool xun ku yeelan karto amniga Somaliland. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka digay in colaaddaas ka huraysa Bariga dhexe ay saamayn dhaqaale iyo mid amniba ku yeelan karto Somaliland oo dhinaca kale ka kulaalaysa badda cas. Waxa aanu dawladda Imaaraadka ku canaantay, wax laga xumaadana ku tilmaamay in ay Berbera ka samaysatay saldhig iyada oo aan la iman diyaargarow amniga dekedda lagu ilaalin lahaa. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dawladda Imaaraadku heshiiskii maalgashiga dekedda Berebra ee DP World, ay ugu dhex gabbatay heshiiska kale ee ay ku heshay saldhigga Berbera. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo khamiistii 27 June u warramayey talefishanka CBA, ayaa intaas ku daray, bilowgii markii ay Somaliland heshiiska saldhigga shaacisay, in uu isaguna ka digay in dhibaato dhinaca ammaanka ahi ay ka iman karto saldhiggaas, suurtagalna ay tahay in dagaal meel kale ka socda loo soo waaridayo Somaliland. Waxa uu tilmaamay in khilaafka u dhexeeya isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo Dawladda Iiraan oo ay la socdaan kooxaha hubaysan ee ay taageerto, sida Xuutiyiinta reer Yemen, haddii uu dagaal qarxo ay keeni karto khatar amni darro, oo ka dhalatay weerarro aargoosi ah oo ay Xuutiyiinta iyo kooxaha Iiraan taageersani ku kacaan, iyo dhibaato labaad oo ah in Somaliland ay ku yeelato saamayn dhaqaale iyo nololeed, maadaama oo ay colaadu keeni karto in ay xidhanto badda oo ah marinka ay Somaliland wax u soo maraan. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dekedda Berbera oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee Somaliland iyo haamaha kaydka shidaalka oo ah kuwa keliya ee ay leedahay Somaliland ay labaduba ku yaallaan meel isu dhow oo si fudud ay u gaadhi karaan weerarrada Xuutiyiintu, isaga oo tusaale u soo qaatay sida dawladda Sucuudiga ee haysata gantaalaha difaaca cirka ee casriga ahi ay isaga celin kari weyday diyaaradaha is-wada iyo gantaalaha ay Xuutiyiintu ku weerarayaan. Waxa uu ka digay in haddii saldhiggaas la furo oo ciidamo la keeno, in Somaliland ay khatar u tahay weerarradaas Xuutiyiinta iyo kooxaha Iiraan taageerto. Waxa aanu dawladda Imaaraadka Carabta si kulul ugu canaantay in ay saldhigga diyaarisay iyada oo aan Berebra keenin qalab lagaga difaaci karo gantaalaha iyo diyaaradaha is wada ee weerarka ah. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland kula taliyey in dib loo dhigo furitaanka saldhigga ciidan ee imaaraadka Carabtu ka samaystay Berbera. Lagana horreysiiyo in la keeno hubkii difaac u noqon lahaa dekedda iyo haamahaha kaydka shidaalka ee Berbera. Arrintaas oo uu sheegay in ay u baahan tahay in talo dambe laga yeesho. Dhinaca kalana mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dhibaato cunto ay Somaliland soo waajihi doonto haddii colaadi ka dhacdo bariga Dhexe. Isaga oo intaas ku daray in daraasad ay xukuumaddii madaxweyne Rayaale ee uu ku xigeenka ka ahaa ku samaysay kaydka raashin ee dalka, lagu ogaaday in raashinka dalka yaallaa uu bil keliya ku filan yahay. isaga oo sheegay in intaas wixii ka dambeeyana ay umaddu cunto la’aan waajahayso, hilibka xooluhuna aanu noqon Karin cuntada keliya ee la isticmaalo. Waxa uu sheegay in taariikhda inta la ogyahay laba jeer ay xidhantay dekedda Berbera, mar waxa uu ahaa xilligii dagaalkii lala galay dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo ay dadku ka qaxeen gudaha dalka, cuntana ka heleen beesha caalamka iyo hay’adaha adduunka ee gargaarka qaxoontiyada. Marka labaadna ay ahayd sannadkii 1945 kii markii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in uu madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu uga sheekeeyey duruuftii adkayd ee cunto la’aanta ahayd ee xilligaas ka dhacday Somaliland. isaga oo u sheegay in safarro awr ah raashin lagaga doontay magaalada Jigjiga ee gobalak Soomaalida Itoobiya. Source
  4. Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlada Gogoleed Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Kulamo Gaar Gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kawada hadlay sidii loola shaqeyn lahaa Maamulka ayna qeyb uga qaadan lahaayeen Odayaashu Hormarka Galmudug. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in loo baahanyahay in lala shaqeeyo Hay’addaha Amni si aaysan kooxaha Cadawga ah ugu faa’iideysan oo aysan u helin fursado ay ku dhibaateeyaan shacabka waxa kale oo uu intaas ku daray in shacabka reer Cadaado iyo Odayaasha dhaqankaba wax walba oo dhacay looga baahanyahay in laga noqdo xalay dhalay Tabasho walba oo ay qabaana uu diyaar uu u yahay in la xaliyo. Odayaasha dhaqanka ayaana kaga mahadceliyay Madaxweynaha sida uu diyaarka ugu yahay in la xaliyo waxba walba oo ay qabeen Reer Cadaado iyaguna ay marwalba ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyna Maamulka.
  5. (SLT-Muqdisho)-Alshabaab Oo Dishay Nin La Sheegay in Uu Wada Guursaday Gabadh iyo Hooyadeed, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Baashe Cali Jaamac, oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Biyaha, haddana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka Xisbiyada, Doorashada, iyo wada hadalada Somaliya. Wasiirkii hore Biyaha Baashe Cali Jaamac oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya khilaafka XIsbiyada yidhi “Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waa laba Xisbi, Doorashana labadoodu ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na kuma qasbi karaan Doorashada, Doorashada Golaha Wakiiladu waxay ku qabsoomaysaa iyadoo marka hore la kala diro Komishanka hadda jooga, maxaa yeelay komishankan waa laga kalsooni baxay, Doorasho dambe oo ay inoo qaban karaana ma jirto, UCID iyo Kulmiyena waxaan leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho xalaal oo sharciya ayuu diyaar u yahay, Guurtidu dhawr iyo labaatan sanno ayey joogaan, Wakiiladuna dhawr iyo toban sanno ayey joogaan, markaas dhaxal umay helin,waa in la xaliya khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana tanaasulka looga baahan yahay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, madaama Xisbiga Waddani uu sharciga ku taagan yahay, ta kale waa in Dastuurka la furaa, waa in saami –qaybsigii la sameeya, waa in cadalaada iyo sinaanta la ilaaliya, ”. Baashe Cali Jaamac, ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya wuxuu yidhi ”Mar haddii uu yimaado wada hadal Somaliland iyo Somaliya, waa in go’aan ay umadda Somaliland ku midaysan tahay oo raali laga wada yahay lagula hadlaa, qodobada ay Somaliland la tagayso Somaliya waa inay ahaadan qodobo Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan raali ka wada yihiin”. Dhanka kale Baashe Cali Jaamac, wuxuu Xukuumadda ugu baaqay in aanay ku xad gudbin madax banaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawalka, waxaa kale oo uu ku taliyey in Badhasaabada Gobolada Sool iyo Sanaag la siiyo Xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu labadaas Gobol cododka ugu badan uu ka helay Source
  7. Muqdisho (SMN) – Kulankan uu Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu la qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxa uu ahaa kulan looga hadlayay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka wada shaqayn ee Aqalka Sare Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Habdhowraha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ay ka wada hadleen arrimaha Baarlaamanka, tan Dowlad Goboleedyada iyo doorashooyinka dhawaan ka dhacayo Dowlad Goboleedyada. Senator Cabdikaafi Macalin Xasan Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka uu u safray dalka Ruushka, isagoo casuumad ka helay Baarlamaanka Dalka Ruushka. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde Airport waxaa ku sagootiyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka sare iyo howl wadeenada Golaha. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Xabsiga loo taxaabay illaa 9 Mas’uul oo madax ka kala ahaa qeybaha kala duwan ee Canshuuraha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintaas ayaa markii hore waxaa lagu xiray Saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Aadan Cadde kadib markii sidaas lasoo amray. Waxaa guuldareystay isku dayo lagu doonayey in lagu sii daayo mas’uuliyiintaas kadib markii la ogaaday in kiiska lagu heysto uu yahay mid culus oo la mid ah midkii dhawaan ka dhacay Dekadda Muqdisho. Mas’uuliyiintaas ayaa Galabta gelinkii dambe waxaa loo soo wareejiyey Xarunta Dambi Baarista CID oo ku taal Nambar Afar. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan CID-da, oobiga mas’uuliyiintaas ayaa waxaa lagu qoray inay ku eedeysan yihiin Musuq maasuq Maaliyeed. Sidoo kale oobiga ayaa lagu qoray inay ku eedeysan yihiin dhac loo geystay xoolo dadweyne. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay kasoo muuqdaan maxkamad isla markaasna lagu soo eedeeyey musuq maasuq ka dhacay canshuuraha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Inkastoo dadka la xiray ay yihiin illaa 9 qof, haddana Shabakadda Caasimadda Online waxaa u suurta gashay inay kaliya hesho magacyada iyo xilalka 4 kamid ah oo kala ah: Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ka hadlay muddo dhaafka doorashada golaha wakiillada Somaliland, waxaanu ku baaqay in sharciga lala tiigsadi maayiradda Burco iyo Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyayay deegaannada, Xarar-dheere, Huurshe iyo Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Khayre ayaa waxaa uu la kulmay ciidamo maleyshiyaad ah, kuwaasi oo uu kala hadlay joojinta colaad beeleedyo mudooyinkii dambe halkaasi ka taagnaa, isaga oo ugu baaqey in ay ka shaqeeyaan nabada. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa la filayaa in uu berri oo Axad ah uu tago tuulooyin ah, taasi oo qeyb socdaal dheer oo uu ku marayo gobolada toos-taga maamulka Galmudug. View the full article
  11. Hadda kadib reer Garowe uma baahna fiise "Hadda kadib reer Puntland uma safri doonaan Nairobi si ay u helaan fiisaha Hindiya, halkan ayaa lagu siin [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-habeen-29062019.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allah ha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax, oo ka mid ahaa raggii siyaasadda Soomaaliya magacoodu ku sidkamay. Maxamed Qanyare wuxu ku dhashay degmada Ceel-Buur bishii Ogost 1941-kii, halkaas ayuu ku koray kana galay malcaamad Quraanka, ka dibna waxa uu tagay magaalada Xamar oo uu waxbarashada ilaa dugsiga dhexe uu ku dhamaystay. Tacliintii dugsiga dhexe markii uu dhamaystay waxa la qoray booliska, waxaanu ahaa askari ka tirsan booliska, muddo ka dibna wuu ka tagay. Marxuumku wuxu markii dambe u wareegay dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsi ka bilaabay sannadii 74-kii muddo dheerna ku noolaa. Maxamed Qanyare ayaa lagu yaqaanay inuu ahaa nin aan jecleyn Itoobiya isla markaasna aan wax xiriir ah la sameysan intii uu awooda lahaa iyo markii dambe oo uu noqday tabar la’aan, waxayna taas aheyd arrin uu kaga duwanaa hoggaamiye kooxeedyadii kale kuwaas oo hub badan kasoo heli jiray kuna xirnaa Itoobiya. Maxamed Qanyare oo waqtigii la dhisayey ururkii la dagaalanka argagixisada kulan Nairobi kula qaatay CIA-da Mareykanka ayaa diiday in Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha Soomaaliya lasoo geliyo si loosoo qabqabto dad uu Mareykanka raadinayey oo ku sugnaa Soomaaliya kuwaas oo ka dambeeyey qaraxyadii lala beegsaday Safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania. Sida uu VOA u sheegay waqti hore Cawsley oo ahaan ninkii u kala turjumayey Hoggaamiye kooxeedyadii iyo CIA-da Mareykanka, Qanayre ayaa CIA-da ku yiri ‘Ma rabno Itoobiyaanka inay soo laabtaan waayo waa caddowga dadkeena, sidoo kalena ma rabo Ameerikaanka inuu soo laabto, waxaan idiin sheegeynaa inaan anaga la dagaalameyno kuwa aad rabtiin in gacanta lagu soo dhigo.” Qanyare ayaa lagu xasuustaa inuu si weyn uga soo horjeeday dowladii Itoobiya ee ay hoggaaminayeen Tigreega laga soo bilaabo 1990 ilaa 2018, wuxuuna dhawr jeer diiday wadahadalo ay ka codsadeyn Itoobiya. Maxamed Qanyare oo la hadlayey saxaafadda markii ay maxkamadaha la wareegeen Muqdisho isagoo ku sugan degaanka Derri ee Gobolka Galgaduud ayaa Maxkamadaha ugu baaqay inay dalka ka difaacaan Itoobiya, wuxuuna hadalkaas muujiyey meesha ay kala joogeyn Qanare iyo Itoobiye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has on Saturday, 29th June distanced itself from claims that the Organization’s name has been changed and termed the move as ‘null and void’. Omar Faruk Osman, the Secretary-General of NUSOJ said “no name change”, adding that individuals who in the past claimed illicitly claimed the organization now decided to go with another new name. “If you have been going around with false claim; you’re until now sticking to it. NUSOJ is a widely recognized association that its members are in the regions of the country and abroad. There is no hoax greater than that someone who has never been a member of the union to claim this,” said Osman. “We are hearing is that they opted to penitence about their prior fake claims of NUSOJ control which led to the person who did this being on trial and charged with serious crimes,” he added. NUSOJ Secretary General termed “unfortunate” the individuals who argue to be journalists are creating confusion and frustrating their colleagues in order to cause hatred between the government and NUSOJ as well as bring shame on the country. “We will continue defending Somali journalists, their freedom and the rights, without anyone being misled,” added NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. NUSOJ which is the one and only union in Somalia that IFJ recognized was set up in August 2002 by Journalists in the country with the aim to defend the interests and rights of journalists, wherever they are. Since inception, the Union has been effectively fighting for journalists’ pay and conditions, their working rights, and their professional freedom View the full article
  15. (SLT- Manchester)-Gabadh lagu magacaabi jirey Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxa ay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaalada Bury ee Greater Manchester ee gobalka England ee dalka Britain. Saraakiisha Booliska Manchester weyn ayaa loo yeedhay markii ay gabadha ku hafatay Webiga, iyadoo Kooxaha Quusayaasha soo heleen maydkeeda. Gabadhaasi oo ardayad ahayd ayaa la rumeysan yahay inay iyada iyo hooyadeeda dalka Britain tageen bil ka hor, sida ay qaar ka mid ah Qaraabadeeda u sheegeen Wargeyska The Manchester Evening News. Marxuumadda adeerkeeda oo lagu magacaabo Mustafa Omar waxa uu u sheegay Wargeyska The Manchester Evening News in ayna gabadha aqoonin qaabka loo dabaasho, wuxuuna xusay inay Hooyadeeda ka argagaxday geerida gabadheeda yar. Waxa uu intaasi ku daray inay ahayd gabadh fiican oo qaxooti ahaan u timid dalka Britain, isla markaana ay ku cusbayd Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Britain. Dhinaca kale, Maama Zamzam Tuure oo iyadoo la ilmeynaysa la hadashay isla Wargeyskaasi waxay sheegtay inay gabadheeda ahayd qof cajiib ah, deggan oo rajo wacan lahayd, isla markaana ay wada tebi doonaan iyada iyo Walaalaheeda Geerida Shukri Yaxye Cabdi, waxa uu ku soo beegmay saacado kadib, markii 2 nin oo da’dooda kala ahayd 25-jir iyo 26-jir maydkooda laga soo saaray Xeebta magaalada Devon oo ah magaalada 4-aad ee ugu weyn Gobalka England ee dalka Britain. Xilligan oo ay dalka Britain iyo dalal kale ee Europe ka jirto Kulayl daran ayaa waxay dadka inta badan ku dabaashaan Webiyadda, Harrooyinka iyo Badda, iyagoo qabow ka raadsanaya, iyadoo heer-kulku Britain gaadhay ugu yaraan 30 digirii oo Sentigareedh ama 80 digirii oo Ferenhayt ah. Source
  16. Lamu (Caasimadda Online) – Dowlada Kenya ayaa ka qaaday xayiraadii saarneyd kalluumeysatada Lamu ee hore looga joojiyay inay ka jillaabtaan meelo ku dhow xadka Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan Maamulka xeebaha dalka Kenya John Elung ayaa sheegay in ammaanka sare loo qaaday lana geeyay xeebaha ciidamo Milatari ah. Dowlada Kenya ayaa ka mamnuucday horaantii bishan kalluumeysatada Kenya meelaha u dhow dhow xadka dalka Soomaaliya gaar ahaan Ras Kamboni sababo amni awgeed. Mamnuucida ay hore ugaga mamnuucday dowlada Kenya kalluueysatada Lamu ayaa ka mid ahayd tallaabooyin is xig-xiga oo ay dowlada Kenya qaaday kuwaasoo loogaga soo horjeedo dowlada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Indho Indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in la joojiyo Dawada dumarku isku Qurxiyaan laakiin Guddoomiyaha guurtida ayaa ka soo horjeestay arrinkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Falanqayn ku saabsan Xidhiidhka Somaliland Iyo Kenya Oo Xoogaysanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Khartoum)-Guddiga Millateriga ah ee Suudaan sida ku meel-gaadhka ah u xukuma ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedinta Midowga Afrika iyo Itoobiya ee ah in dhinaca Suudaan isku hayaan dib u bilaabaan Wada-hadalladii u dhexeeyay ee joogsaday. Generallada hoggaamiyaha Suudaan iyo Isbahaysiga Mucaaradka ayaa isku dhacsanaa toddobaaddo ka dib, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii muddada dheer soo xukumayey Suudaan ee Cumar Xasan Al-bashiir. Dhexdhexaadiyeyaasha ay hoggaaminayaan Ururka Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa illaa xilligaa isku dayayey inay jebiyaan (khilaafka) oo labada dhinac dib ugu laabtaan Wada-hadalladoodii tooska ahaa ee u dhexeeyay. Dibed-baxayaasha Suudaan ayaa hore u aqbalay qorshaha Raysal-wasaaraha Itoobiya ee siyaasadda ku meel-gaadhka ah. soo jeedinta Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa wax yar kaga duwan soo jeedintii hore ee Itoobiya, taasi oo isbahaysiga dibed-baxayaashu soo dhaweeyeen ama aqbaleen, sida ay ku warrantay Reuters. “Guud ahaan, Waa soo jeedin habboon in wada-xaajoodyada laga gaadho heshiis nagu hoggaamiya in la aasaaso Hay’ado ku meel-gaadh ah oo Sharci ah..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Taliska Ku meel-gaadhka ah ee Suudaan, Lieutenant General Shams al-Din Kabashi Source
  20. Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa kusii qul qulaya Odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Jubbaland si ay u soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland. Maalmaha nasoo aadan ayaa lagu wadaa in soo xulista Xildhibanada cusub ee maamulkaas ay ka bilaabato magaalada Kismaayo, halkaas oo loogu diyaariyey goobihii lagu qaban lahaa doorashooyinka maamulkaas. Waxaa jiro loolan adag uu dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo inuu mar kale kusoo laabto xilka madaxweynimo ee Maamulkaas. Axmed Madoobe ayaa u diiday dowladda Soomaaliya inay ku lug yeelato doorashada ka dhici doonto Kismaayo, waxayna taas keentay inay dowladda Soomaaliy raadiso duleelo kale oo ay ugu lug lahaan laheyd Doorashadaas. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf salka ku haya hanaanka loomarayo soo xulista Xildhibanada ee Jubbaland, waxaana wali la shaacin xalka laga gaaray iyo qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub. C/rashiid Xasan Cabdi (C/rashiid Janan) oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan ay ku soo fool leedahay doorasho ayaa si qarsoodi ah ku imaaday Magaalada Muqdisho taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo ay wado Dowladda Soomaaliya. Wasiir C/rashiid Janan ayaa la dejiyay Xarunta NISA, waxaana wararku sheegayaan in dowladda Federaalka kala hadli doono arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso albaab ay ka gasho. Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Qareen Mustaf Maxamed Jaaamac Mid kamid ah Qareennada difaacaya saddexda nin ee ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal u goysay waaran lagu soo xirayo, maalmo kadib markii arrima ku saabsan kiiskan loo xiray, taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali. Xeer ilaalinta gobolka Nugaal, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka 27—dii bishan u gudbisay, dawcad ka dhan ah Mustaf Maxamed Jaamac oo kamid ah, Qareennada difaacaya ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas, waxaana Xeer-ilaalintu Qareenka ku eedaysay aflagaaddo, cay iyo iska’ horkeenid shacabka iyo dowladda Puntland. Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay, in xabsi ku hayn loogu sameeyo Qareenka, iyadoo maxkamadduna codsigaasi ogolaatay, islamarkaana ay waaran lagu xirayo u jartay Mustaf. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen oo soo saaray waaranka, ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ku amray, in uu xabsiga ku hayo Qareenka Mustaf Maxamed Jaaamac. Dhinaca kale, maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa Sabtida maanta ku dhawaaqday, in ay maalinta berriya go’aan ka gaari doonto, saddexda eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha Ilyaas, kuwaasi oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ay xukun dil ah ku ridday. PUNTLAND POST The post Qareenkii difaacayey saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha oo isagii waaran loo jaray appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay xaafada Mac-macaanka ee degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca baabuurta lagu dhejiyo ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyoodey hal ruux oo gaariga saarnaa. Shaqigaasi ayay wararku la tilmaamayaan in uu ahaa macalin dadka bara sida loo kaxeeyo baabuurta. Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan oo aysan wali ka hadlin hay’addaha nabad-gelyadda Soomaaliya. View the full article