Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN ) – Waxaa M/Muqdisho si aad ah ugu sii yaraanaya isticmaalka Gaari Gacanka oo ay Qoysas badan ku tiirsan tahay noloshooda. Arrimahan ayey Gaari Gacanleydu u sababeeyeen in Bajaajtu ka saartay Suuqa, islamarkaana haatan ay soo wajahday shaqo la’aan xoogan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/war-bixin-sofesane-gaar-gacan_1.mp3 View the full article
  2. Two Sudanese rebel leaders were arrested early on Saturday, opposition sources said, shortly after meeting visiting Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, who is trying to mediate in a crisis threatening a transition to democracy. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgeli doonaan shir weynaha shaqaalaha Adduunka. Safarkan uu Wasiirku ku tagaya Magaalada Geneva ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka socda Ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha Soomaaliya, si ay halkaasi ugu soo bandhigaan baahiyaha shaqo ee Dalka ka jira. Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo heer Madaxweyne ah kana kala socda Dalalka caalamka, ayaa lagu wadaa inuu Wasiir Warfaa ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta Dalka iyo sidii looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaaddiniinta. Wasiirka ayaa sababta ay ahmiyadda u siinayaan qodobbadaasi ku ku sheegay in la xalliyo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida haysata bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in Dhallinyarada shaqooyin loo abuuro. “Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh, waxaan haddana gudbiyay codsi Dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin Lacagta xubin-nimada ee Ururka oo Sanad walba looga baahanyahay inay bixiyaan Dowladaha , waxaan codsannay in maaddama Dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in Lacagta laga cafiyo , si aan u helno codka aan ku lahayn .” ayuu yiri wasiir Sadiiq. Wasiirka ayaa sheegay inuu dedaal badan ku bixinayo sidii Soomaaliya ay dib ugu soo ceshan lahayd codka ay ku lahayd Ururka shaqaalaha adduunka, wuxuuna inta ku daray inuu kulan doceedyo la qaadanayo madaxda shirka ka qeybgalaya si loo helo barnaamijyo u sahlaya Bulshada Soomaaliyeed inay shaqooyin ku helaan Dalka. Shir weynaha shaqaalaha adduunka ayaa Geneva ka furmaya Tobanka June, wuxuu soconaya illaa 21 -da Bishan,iyadoo shir weynaha shaqaalaha Adduunka uu u dabaal-deggayo Sannad-guurradii Boqolaad. Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa casuumad rasmi ah ka helay wasiirka dhaqaalaha iyo horumarka Dowladda Jarmalka oo ay ka wada-hadli doonaan kor u qaadidda xirfadda Gacanta iyo sidii arrinta ay Dowladda Jarmalka uga caawin lahayd Soomaaliya, waxaana Wasiirka uu booqasho ku tegi doonaa Magaalada Bonn ee Dalka Jarmalka. Wasiir Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay inuu wada-hadalka uga faa’iideysan doono sidii Dowladda Jarmalka ay uga caawin lahayd Soomaaliya in dib loo furo Iskuulkii farsamadda Gacanta ee Muqdisho iyo sidii loo dhisi lahaa Machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii Dalkeenna ay si wada-jir ah ugu dhisi lahaayeen, iyagoo xoogga saarayo waxyaabaha ka dhaxeeya Bulshada. View the full article
  4. Baladweyne (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kagu soo warramayaa in maanta ay ka taagan tahay gmagaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Xiisadani ayaa u dhexeyso mas’uul ku wada sugan Baladweyne, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Arrintan waxa ay timid, kadib markii xilka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi. Dabageed ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu Hiiraan ka leeyahay dano gaar ah, kuna tagri falayo dhaqaalaha gobolkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cali Maxamed Caraale ayaa la sheegay in xabsi Guri haatan looga dhigay magaalada Baladweyne. Wararka qaar ayaa sheegaya in wax dhaq dhaqaaq ah uusan sameyn karin, guddoomiye Caraale oo uu xilkaasi u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in isku dhacyo ay ka dhacaan halkaasi. View the full article
  5. Kusimaha Madaxweynaha dowaldda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka. Guddigan oo ka shaqaynaysa waxkaqabashada waxyeeladii fatahaadaha Roobabkii da’ay ay gaysteen, kuwaas oo tan iyo markii la magacaabay Juun 02 2019 shaqo badan ka qabtay waddooyinkii go’ay. Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey kulanka. “Kulanka oo uu shir Guddoomiyey Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa la isla wadaagay xogta ilaa iyo haatan waxyaabihii qabsoomay, sida waxlooga qabtay waddooyinkii roobabku gooyeen oo loo sameeyey waddooyin qaab dhismeed kumeel gaar ah leh, si isu socodka gaadiidku si toos ah ugu socdo” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey dedaalada wax ku oolka ah ee ay qabteen guddigu iyo siday har iyo habeenba ugu heelanyihiin u adeegidda shacabkooda, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan shaqadaasi, ayna joogteeyaan kormeerka waddooyinka sida kumeel gaarka ah loo dhisay iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyaan guud ahaan wadada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka appeared first on Puntland Post.
  6. Soomaalidu marka ay jaaha soo jiidashsda leh tilmaamayaan waxa ay odhan jireen hebel ama heblaayo “jinni” buu leeyahay ama leedahay. Haweenka ku welfey ee qabatimay is marinta kiimikada dubka mudhxisa waxa aad mooddaa caag caag, waayo waxa sii dhimanaya ama dhintey dareenkii dubka. Irbadda marka qofka aadmiga ah lagu mudo waxa uu xanuunka dareemaa marka irbaddu dubka ama maqaarka sare taabato, marka se ay jidhka hore u gasho dareenka xunuunku waa uu dhammaadaa. Halka aadmigu ka nool yahay waa dubkaas sare, waana ta dhakhaatiirtu tidhaa marka qof gubtey loo keeno haddii uu qaylinayo “rejo ayuu leeyahay oo dubkii baa nool ee ha werwerina”, haddii uu aamusan yahay waa ka yidhaa “rejo uma laabna ee iska daaya”, waayo maqaarkii baa aya dabku dhaafay oo dhintay. Aqoontan waxa ayay culimada caafimaadku ogaadeen qarnigii hore ee aynu dhowaan sagootinney. 1400 sannadood ka hor ayaa Alle Qur’aanka inoogu sheegay in marka qofka la cadaabayo in marka uu kulaylka dareemo ba dib loogu abuuro dub kale oo cusub si uu kulaylka u sii dsreemo. Dubka qiimahaas leh in cayasyir loo mudhxiyaa marna waxa ay noqon kartaa jaahilnimo, mar kalena waa kalsooni darro. Nus qarni ku dhowaad ayay caadadan foosha xun ee halista ahi dhulkeenna taallaa oo ay hadda si ba’an ugu baahdey, guri kasta u gashay. Hobollada Djibouti ayaa 1980-aadkii, iyaga dhaqankaas silloon ka digaya ku heeshay: Jaah ka faanto Jidh ka kooke! Wax kasta oo asalkiisii laga dooriyaa waxa uu u ekaadaa wax kale oo aanu ahayn. Geenyada Madoow iyo geenyooyinka kale ee la aragtida ahi waxa ay qaadeen tallaabo ku dayasho mudan. Mohamed Bashe Xaaji Xasan Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka u furmay Guddiga joogtada ayaa waxaa Shir guddoominay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galay inta badan xubnaha Guddiga joogta ah. Ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa ee Maagaalada Muqdisho. Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa la badii asbuuc oo u dambeysay Fasax ku jiraya waxaana loo fasaxay 10 ka dambe ee Ramadaan,waxaana Guduga joogtada ah ka arinsanayaan sidii dib loogu furilahaa. Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaan dhowr xeer oo ay u soo gudbiyeen Golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dhawaan kulan la qaatay Gudoonka labada Gole ee barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in dadajiyaan sharciyada horyaala. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Boosaaso (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in Saaka Al Shabaab ay la waregeen gacan ku heynta deegaanka Af Urur ee gobolkaasi. War ka soo baxay Al Shabaab, laguna baahiyay barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay si nabdoon ku qabsadeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada maamulka Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Dagaalyahannada Al Shabaab baaritaano xoogan ay ka sameeyeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Puntland ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Carmo ee isla gobolka Bari Af Urur oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa ku yaalla Buuraleyda Golis, waxaana uu 30 KM u jiraa Laamiga dheer ee soo gala magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Xaaladda ayaa haatan kacan, waxaana haatan dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Bari. View the full article
  9. Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-08062019.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay Mas’uul sare oo ka tirsanaa Xukuumadda kadib markii uu ku biiray Xisbi Siyaasadeed. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Xasan Canshuur ayaa xilkii ka qaaday Cali Ibraahim (Cali Shaam) oo kamid ahaa Guddiga Madaxa banaan ee Isgaarsiinta Qaranka . Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa baahisay warka ku saabsan in xil ka qaadis lagu sameeyey Mas’uulkaan, iyadoo sheegtay inay heyso waraaqda xilka looga qaaday oo uu ku saxiixan yahay Wasiir Canshuur. Cali Ibraahim (Shaam) ayaa la sheegay inuu ku biiray Xisbiga Horusocod, waxaana lagu arkay Liiska Xisbigaas. Mas’uulka xilka laga qaaday illaa hadda ma uusan ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kalana wasaaradda weli si rasmi ah uma soo bandhigin waraaqda xilka looga qaaday. Guddiga madaxa banaan ee Isgaasiinta Qaranka ayaa waxaa dhistay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaana ka hor imaaday qaar ka tirsan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Unknown assailants have shot and killed a local district official in Jowhar town, located some 90 kilometers northwest of Mogadishu, the Somali capital, witnesses said. Abdirashid Haji, the deputy administrator of Gambole village in Middle Shabelle region was gunned down inside the city by men armed with pistols who managed to escape the scene. HirShabelle stat security forces have sealed off the shooting site and launched an investigation into the murder as the killers are on the run. There was no claim of responsibility for the assassination, however, local police pointed the finger of blame at Al-Shabaab, the Somalia-based Al-Al-Qaida-linked militant group. View the full article
  12. (SLT-Muqdisho)-Nin da’diisa lagu qiyaasay dhowr iyo afartan jir ayaa xalay saqdii dhexe ka soo dhacayay Dabaq ku yaalla degmada Xamar weyne, isagoo hurdayay. Ninkan ayaa la sheegay in xilliga uu soo dhacyay uu Qarway ama Sasay, waxaana saaka aroortii laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu degenaa oo ku dhow Hotelka Muna. Waaxda Gurmadka deg-deg ee gobolka Banaadir ayaa u soo gurmatay oo ugu dambeyn halkaasi ka qaadeen, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jidhkiisa ka mid ah. Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Cabdifitaax Xalane ayaa sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen. Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Cisbitaalada Muqdisho la geeyay oo xaaladiisa lagu baxnaaninayo, waxaana uu dadka Muqdisho ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhismayaasha dabaqa ah ee dariishadaha u furan, taasna ay sababi karto qof hurda oo qarwa inuu ka soo dhaco. Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen baraha bulshada. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo maanta lagu aasay Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Falastiin)-Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay maamulka Falastiiniyiinta ee aan lacagta badan haysan ee hadana la ogaaday in wasiirradii hore ee xukuumaddu si qarsoodi ah mushaharka iskugu kordhiyeen 67%. Waraaqo sir ah oo soo baxay ayaa muujiyey in mushaharkooda oo ahaa 3000 oo doolar ay sannadkii 2017-kii korodhsadeen oo ka dhigteen 5000 oo doolar. Ergeyga Qaramada Midoobay ee nabadda Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa sheegay in falka noocaas ahi aanu “caqli gal ahayn dadkana ka cadhaysiiyey” iyada oo Falastiiniyiintu la daalaa dhacayaan dhibaatooyin dhaqaale. Waxaanu intaa ku daray in ra’isal wasaare Maxamed Ishtaayeh aqbalay in hab dhaqankaa la joojiyo. Ishtaayeh oo qudhiisu ah dhaqaaleyahan ayaa xilka la wareegay bishii Abriil, waxaanu amar ku bixiyey in la baadho arintaa, inta uu socdona wasiirada la siin doono kala badh mushaharkooda. Waraysi uu siiyey wargeyska New York Times Arbacadii ayuu Ishtaayeh kaga dayriyey duurfaha adag ee maaliyadeed ee haysta oo uu yidhi “xaaladdu burbur bay qarka u saarantahay” waxaana dhici karta in xukuumaddu musalafto bisha Juulaay ama Ogost. Culayska maaliyadeed ee haystaa wuxu ka sii daray bishii Feeberwari markii xawillaada cashuuraha ee Israel u ururiso Maamulka Falastiiniyiinta ay isku khilaafeen. Israel ayaa sheegtay in ay hakinayso oo aanay u soo daynayn 139 milyan oo doolar, lacagtaas oo u dhiganta bay tidhi dhaqaalihii Maamulka Falastiiniyiintu siiyey sannadkii 2018 qoysaska Falastiiniyiinta ku jira jeelasha Israel ama la dilay iyaga oo weerarro ku qaadaya. Waxaanay saraakiisha Israel sheegeen in lacagtaasi dhiirri geliso argagixisada, laakiin Maamulka Falastiiniyiintu wuxu ku adkaystay in ay tahay daryeel bulsho oo la siiyo ehelada maxaabiista iyo “shuhadada”. Ishtaayeh ayaa oo arinta ka dardaar weriyey ayaa sheegay hadii Maamulka Falastiiniyiinta maaliyad la’aani ku habsato in ay ciidamada nabadgelyada ee ka hawl gala Daanta Galbeed ee la haysto ay ku kala diri doonaan fasax bilaa mushahar ah. Ra’isal wasaaruhu waxa kale oo uu dhaleeceeyey isku dayada cadaadiska “baqe ku maalka” ah ee la saarayo hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta si wadaxaajoodyada dib ugu bilaabaan ka hor inta aanu furmin shirka mudada dheer la sugayey ee dib loogu bilaabayo geedi socodka nabadda Bariga Dhexe. Sannadkii 2018-kii ayaa Maraykanku jaray taageeradii uu tooska u siinayey Falastiiniyiinta iyo qaadhaankii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka Falastiinyihiinta ee UNRWA. Go’aannadaasna wuxu Maraykanku qaatay markii Maamulka Falastiiniyiintu xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyey hakiyey, taas oo uu kaga falcelinayey go’aankii Madaxweyne Trump magaalada Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay magaalo madaxda Israel ee uu safaaradda Maraykanka kaga raray magaalada Tel Aviv. Hase yeeshee ergayga gaarka ah ee Trump u qaabilsan wadaxaajoodyada caalamiga ah, Jason Greenblatt, ayaa ganafka ku dhuftay dayrada Ishtaayeh ee ah duruufta maaliyadeed ee haysata Maamulka Falastiiniyiinta. Source
  15. Maymuuna Cabdi 28 jir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, sida FBga. Wararka hablahan oo sumcada qaranka Somaliland aad ugu xun, ayaa ah in lagu xidhay Hargeysa, iyadoo lagu eedeeyay markii hore inay maandooriye cabeen, kadib, markii ay tacadi iyo iyadoo loo diiday waxay xuquuq lahaayeenoo dhan aan la siin, si lama filaan looga sii daayay xabsiga. Xukuumadda Somaliland ayaan ilaa iyo hadda ka hadal sababta xadhiga hablahan,iyadoo ay muddo bil ku dhawaad ah warka xadhiga habalahani uu haystay warbaahinta iyo fagaarayaasha laysku dhaafsado xogaha ee social media ha. Dhabahaantii waa waajib saaran xukuumadda Muuse Biixi inuu wax ka qabto talaabooyinka sumcad dilista ah ee dalkeena u ekaysiinaaya meel lagu tacadiyo xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo aynu ognahay in tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweynaha muddada koobani xilkiisii uga hadhsan tahay in ay xabsiyo muteen dad dalkan u dhashay oo qaarkood markii muddo xabsiyada lagu hayay layska sii daayay, qaar la masaafuriyay,halka in badan oo kalena ay wakhtigan xabsiyada ugu jiraan oo keliya fikir ay cabireen. Tacadiyada xuquuqiga ah ee ay xukuumaddani ku kacayso ayaa sababay in qaar ka mid ah dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka iyo dumuqraadiyadu ay ka fiirsanayaan sidii ay ula sii shaqayn lahaayeen Somaliland, iyadoo sida laga soo xigtay Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya arrimaha Soomaalida Nayroobi uu soo hadal qaaday haddii xukuumadda Muuse Biixi ay wax ka bedeli weydo hawlahan in ay ku soo rogi doonaan xayiraad xagga socdaalka ah. Si kastaba xaalku ha noqdee waxa xukuumadda looga fadhiyaa inay cadeeyaan sababta hablahaa loo xidhay, haddii la waayo wax cad oo lagu xabisayna waa in madaxweynuhu tallaabo ka qaadaa cidii xadhigooda ka danbeysay, si loo ilaaliyo sumcada qaranka Somaliland uu ku leeyahay fagaarayaasha caalamiga ah,sidoo kalena ooda laga qaadaa maxaabiista ra’yigooda u xidhan oo dhan. Mustafe Ciise (Mustafe Shiine)Maymuuna Cabdi 28 jir ah iyo Kariima 24 ah oo haysta dhalashada dalka Canada, ayaa maalmahan warkoodu aad u dhex socdaa warbaahinta iyo boggaga Arrimaha bulshada, Qaran News
  16. Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in garoonkan uu noqon doono midkii ugu horreeyey ee degmadaasi oo waliba si wanaagsan loo dhisi doono. Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkan, isaga oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi doono garoonkaasi. “Waxaan dhagax-dhignay garoonka diyaaradaha Ceel-waaq oo noqon doona kii ugu horreeyey, waxaana jecelnahay in sida ugu dhaqsiyaha badan aan ku dhisno” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Maxamuud Sayid Aadan ayaa maalmahan dambe wuxuu socod ku marayaa deegaanno ka tirsan gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in wax badan ay ka qabteen amniga guud ee magaalada Gaalkacyo, kadib howlgallo ay ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee magaaladaasi. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, C/weli Jaamac Barre oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in maalmihii uu madaxweyne Xaaf ku sugnaa Gaalkacyo ka shaqeeyey arrimo badan. Wuxuu tilmaamay agaasimaha in ciidamada ammaanka Galmudug io sidoo kale kuwa isku dhafka ah ay ka shaqeeyeen sidii shacabka Gaalkacyo nabad ugu seexan lahaayeen. “Wax badan ayaa u qabsoomay madaxweynaha, sidaad ogtahay xukuumadda Xaaf waxaa ka go’an wax ka qabashada ammaanka, iyadoo madaxweynaha uu ku guuleystay in Gaalkacyo uu xasiliyo” ayuu yiri C/weli. Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe amni ahaan soo hagaageysay, in kastoo mararka qaar magaalada ay ka dhacayeen falal amniga liddi ku ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka K/galbeed ayaa sheegtay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo lagu furayo waddooyinka ay xirteen Al-shabaab. Wasiir ku xigeenka wasaaraddan, Maxamed Isaaq Barrow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dulqaadi doonaan degmooyinka ay go’doomiyeen, lana badbaadin doono dadka shacabka ah. Barrow ayaa tilmaamay in shacabka K/galbeed dhankooda looga baahan yahay iney ciidamada ammaanka garab ku siiyaan howlgallada la sameyn doono. Al-shabaab ayaa go’doomiyey degmooyin badan oo ku yaalla gobollada K/galbeed, mana jirto gaadiid iyo cid dhanka lugta ku geli karta degmooyinkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Wazirka-Kuxigeenka-Amniga-Kgs-Howgalada.wav Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Wararka ka imaanaya tuulada Afurur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay saaka oo sabtiya la wareegeen degaanka Afurur ee gobolka Bari kadib markii halkaasi ay maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo saldhig ciidan ku lahaa. Dadka degaanka ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in aan wax dagaal ah ka dhicin tuulada Afurur ee Bari maadaama halkaasi aysan joogin wax ciidana islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Al-shabaab yimaadeen. Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka soo galeen saldhigii ciidamada Daraawiishta Puntland ee degaankaasi Afurur. Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen kooxaha Al-shabaab ee qabsaday degaanka Afurur ee gobolka Bari. Faahfaahinta Puntland Post The post Al-shabaab oo la wareegay degaanka Afurur ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirul dawalaha Iskaashiga caalamiga ah dalka UK, Mr. Rory Stewart, ayaa ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid tallaabasatay Guullo wax ku ool ah, waxaanu caddeeyey inay kala shaqeyn doonaan Doorashada Baarlamaanka ee soo socota. File photo dated 12/05/15 of Africa minister Rory Stewart who has said the end of the “brutal tragedy” of Robert Mugabe’s rule in Zimbabwe could transform the country, but his departure cannot be taken for granted. PRESS ASSOCIATION Photo. Issue date: Monday November 20, 2017. See PA story POLITICS Zimbabwe. Photo credit should read: John Stillwell/PA Wire Wasiirul-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Ingiriisku wuxuu sidaasi ka sheegay fadhi uu maanta yeeshay baarlamaanka UK , oo Xildhibaan Stephen Doughty oo ka mid ah saaxiibada Somaliland ee laga soo doorto Koonfurta Cardiff uu wax waydiiday inay Dawladda UK Somaliland kala shaqeynayso Saameynta isbeddelka Cimilada Adduunka, Doorashada soo socota ee Baarlamaanka iyo Wadahadalkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya. Siday werisay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), Mr. Rory Stewart wuxuu Somaliland ku sheegay inay ku taallo bad ay dhibaatooyin badani ka jiraan, waxaanu qiray inay guullo badan gaadhay, halka uu Soomaaliyana ku tilmaamay mid ay taagan tahay xaalad adagi. Mr. Rory Stewart Wasiirul-dawlaha Iskaashiga caalamiga ah Ingiriisku wuxuu sheegay in Dawladda UK ay Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeysay Doorashadii u dambeysay ee Madaxtooyadda, isla markaana ay ka taageerayaan Doorashada soo socota ee Baarlamaanka Somaliland. “Nasiib wanaag waxaan la kulmay booqashadaydii u dambeysay ee aan ku tagay Somaliland, madaxweynaha hadda talada qabtay. Waxaan filayaa inay jiraan wax badan oo aynu la qaban karno Somaliland, waxaan ku faraxsan nahay inaan la fadhiisan doono xildhibaannada si aanu uga wada hadalno qoddobada Somaliland khuseeya,”ayuu yidhi Mr. Rory Stewart. Source
  21. Warbixin uu qoray Wargeyska The Indean Ocean oo soo baxday maanta oo jimce ah, ayaa lagu sheegay in magaalada Hargeysa ay noqon doonto sannadka 2020ka marka ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinnimada Soomaaliya goob dhaqaalaha imaaraadka iyo Sucuudiga ka imanaya loogu qaybiyo musharraxiinta ay wataan. Warbixinta waxaa lagu sheegay in olole ka dhan ah madaxweyne Farmaajo laga abaabuli doono magaalada Hargeysa, xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka 2020ka. Qorshahan ayuu wargeysku sheegay in uu magaalada Hargeysa u yimid safiirka dalka Sucudiga u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Khayat, labadii bishii May ee sannadkan. Warbixintu waxaa kale oo ay xustay in Maxamed Kaahin Axmed oo ay ku sheegtay raysal-wasaare uu kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Nairobi siyaasiyiinta ka soo horjeeda madaxweyne Farmaajo. Kulanka qarsoodiga ah ee Nairobi ay ku yeesheen mucaaridka dawladda Farmaajo iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa la iskula qaatay in la go’doomiyo siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan ba xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Ugu dambeyntii, haddii xulafada mucaaridka ku ah Farmaajo ay ku guulaysato doorashada madaxtinnimada Soomaaliya waxaa diblomaasi ahaan ay Kenya aqoonsan doontaa Somaliland, taas baddelkeedana waxaa dawladda cusub ee Soomaaiya ay Kenya kala shaqeyn doontaa xallinta khilaafka badda. Source
  22. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdi Casiis Lafta-gareen ayaa waxaa uu UK iyo Turkey u magacaabay wakiil u gaar maamulkiisa. Abuubakar Maxamed Cali Hatimay ayaa loo magacaabay inuu dowlad goboleedka Koonfur galbeed wakiil uga noqday dalakaasi. Sababo la xiriira xiriirka dhaqaalaha ayaa lagu sheegay. Ilo ka tirsan xafiiska madaxweyne Cabdi Casis Lafta-gareen ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, iyaga oo intaasi ku daray in dhaqaale ku koobantahay. Akhriso: Qoraalka: Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhaawac halis ah uu soo gaaray ruux kasoo dhacay dabaq (Dhisme dheer) oo ku yaala agagaarka Hotel Muna. Ruuxa kasoo dhacay dabaqa labaad qol uu ka deganaa ayaa la sheegay inuu qarwaayay (riyoonayay) markii uu kasoo dhacay qeybta uu ka deganaa dhismaha ku yaala agagaarka Hotel Muna. Kadib waxaa la sheegay inuu ku dhacay qeybka koowaad ee dhismaha, waxaana soo gaaray dhaawac daran kadib markii ay waxyeelo gaareen qaar kamid ah lafaha qeybta midig ee jirkiisa. Sidoo kale waxaa la sheegay inay laf Dhabarta waxyeelo ay gaartay, iyadoo markii dambe laga soo saaray dhismaha Koowaad ee uu kusoo dhacay. Abaaro 03:00 Habenimo ayaa la sheegay inuu falkaan dhacay, waxaana saaka aroortii ruuxaasi u gurmaday waaxda gurmadka deg dega ee gobolka Banaadir, iyadoo baaritaan lagu bilaabay siday wax u dhaceen. Dhacdadaan ayaa noqoneysa middii labaad oo saacado gudahood ka dhacdo degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, waxaana shalay aad loo hadal hayay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la sheegay inuu isku daldalay Muqdisho, walow markii dambe warar kale ay soo baxeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad adag ay ka taagan tahay xarunta maamulka Gobolka oo ku taala bartamaha magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Yuusuf Dabageed oo xilka laga qaaday uu gabi ahaanba diiday xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo inuu xilka wareejiyo. Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Shacabka Hiiraan ay ka tashadeen madaxweyne Waare, islamarkaana uusan aqbalsaneyn xil ka qaadista lagu sameeyay. Arinta ugu weyn ee guddoomiye Dabageed iyo madaxweyne Waare isku qabteen ayaa ah maareynta dhaqaalaha badan ee kasoo xarooda gobolka Hiiraan, waxaana madaxweynaha uu doonayaa in lacagta ka timaado Beledweyne Toos loogu shubo Bangiga maamulka Hirshabeelle oo isaga uu maamulo. Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa wadda dadaalo looga hortagayo in Khilaafka Yuusuf Dabageed iyo Madaxweyne Waare uu sii xoogeysto. Yuusuf Dabageed ayaa shalay ku dhawaaqay in dadka kunool degaanada gobolka Hiiraan ay ka tashadeen Madaxweyne Waare ka dib markii uu sheegay in uu si weyn uga soo horjeeddo horumarinta gobolka iyo dagaalka Al-Shabaab. Xiisadaasi ayaa maanta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaana la ogeyn ida saacad kastaa xaalka uu noqon karo. Caasimada online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  25. The deputy commissioner of the Somali police force, Zakia Hussein announced that an investigation has been launched to find out reasons behind the death of an officer who committed suicide in Mogadishu. Lieutenant colonel Abdi Ali Seed killed himself by handing inside a police academy in the capital on Friday. His death has sparked a suspicion that forced authorities to begin a probe into the tragedy. The officer was found dead with a rope tied around his neck in the local police station. Some of Seed’s family members believe that the officer has been killed and asked the police to properly investigate his death which ignited an outrage as many reacted on the social media platforms. View the full article