Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. For years, Fartun Weli has been frustrated with the way low-income Somali Muslims in Minnesota have been targeted by shady home sellers edging their way into the community -- by exploiting a principle of Islam meant to protect the poor. Source: Hiiraan Online
  2. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa uu hayo qorshe xal u ah khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiska badda ee horaantii sanadkan dhex-maray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso marin biyood iyo sidoo kale deked, si xiisadda loo soo afkaro. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dekeddaas ay noqon doono dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, isla markaana leh waddo horay loo dhisay. “Markaa marin-u-helidda badda ee Itoobiya dhib kuma ahaan doono” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hindisahan uu madaxweyne Geelle uu la wadaagi doono Madaxweynaha Xasan Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare biy Axmed inta uu socdo shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka furmaya 4-ta bisha September ee sanadkan. Hadalkan kasoo yeeray Jauuti ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii tahay xiisadda Addis Ababa iyo Muqdisho, waxaana fashil kusoo dhamaaday labada kulan oo ay labada dhinac ku yeesheen magaalada Ankara, si ay uga wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah. Si kastaba, Itoobiya ayaa marar badan ku cel-celisay inay lama huraan tahay inay hesho marin biyood iyo deked, lamana oga sida ay arrintan wax uga beddali doonto xiisadda taagan iyo heshiiskii uu Abiy la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay carada Soomaaliya. The post JABUUTI oo keentay qorshe dekad xal u ah khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  3. Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dekad buuxda siiso dalka Itoobiya, si loo ilaaliyo madax-bannaanida Soomaaliya, islamarkaana loo dajiyo xiisadda labada dhinaca. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlayay BBC-da ayaa shaaciyay in dalkiisu uu hayo hindise lagu xallin karo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, asagoo sheegay inay Jabuuti ay marin badeed siinayso Itoobiya, islamarkaana la dhisayo waddo cusub oo Itoobiya iyo baddaas isku xirta. Waxa uu intaa ku daray ay dekedda ay Itoobiya siinayaani ay noqon doonto dekedda Tadjoura oo 100KM u jirta xuduudka Itoobiya, taas oo xal u moqan doonta xiisadda culus ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, islamarkaana ay Itoobiya weli ku adkaysanayso damaceedii guracnaa ee ay ku doonaysay qeyb kamida badda Soomaaliya, waxaana u hiillinteeda Soomaaliya Jabuuti loo arkaa dal halis dhaqaale ay ka soo gaari karto damaca Itoobiya. Source: goobjoog.com
  4. Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo jeedisay in mudda laba sano ah loo kordhiyo xafiiska UNSOM, oo hadda loo bixiyay magaca UNATMIS. Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee hadda loo bixiyay UNATMIS ayaa mudadaasi waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha taageerada dib u dhiska hay’adaha dowladda, gargaarka bini’aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga. Qorshahaasi UNATMIS ayaa filayaa in uu bilowdo bisha November ee sannadkan 2024, islamarkaana uu soo geba gaboobo sannadka 2026-ka, waxaana xiligaasi kadib si rasmi ah u xirmi doona xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo jeedisay in laba loo kordhiyo xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) — Suspected al-Shabab militants set off explosions in the Garasbaley district of Mogadishu on Saturday morning, igniting a fire that engulfed the Tabeela Sheikh Ibrahim neighbourhood market. Source: Hiiraan Online
  6. ISTANBUL - Turkish President Recep Tayyip Erdogan on Friday said: "We have not, and will not give in to those trying to confine us to shallow waters." Source: Hiiraan Online
  7. Soomaaliya waxay qaadatay hannaanka Federaalka muddo haatan laga joogo 20 sano ka hor, waana mid kamida natiijooyinkii ka dhashay dagaalladii sokeeye ee sanadaha badan socday iyo maamullo deegaanada qaar ka hana-qaaday oo diidanaa dhismaha dowlad dhexe oo awoodda fulintoo dhan wada yeelata. Asal ahaan yaa keenay ? Soomaaliya’se ma ku habboonyahay waa weydiimo aan weli warcelin lagu qanci karo loo hayn, balse federaalku waa hannaan maamul oo dunida inteeda badan ka jira, kaas oo loogu talo-galay in xukunka iyo adeegyada hormarinta lagu gaarsiiyo dadweynaha ku nool gobollada iyo degmooyinka. Dowlaha gobolladu waxay leeyihiin awood sharci oo ay ku maamuuli karaan adeegyada nolosha dadweynaha iyo hormarinta deegaanka ku saabsan sida caafimaadka, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay dhismaha jidadka ugu horreeyaan, iyo arrimaha garsoorka. Dadweynaha gobollada ku nool ayaa dooranaya cidda hoggaaminaysa oo daboolidda baahiyadooda gacanta maamul u baahan ka shaqaynaysa, ka sokow intii ay sugi lahaayeen waxqabadka dowladda dhexe oo dalkoo dhan masuul ka ah culaysyo badani ay haysan karaan. Federaalka inta badan Waxaa qaata dalalka ay ku noolyihiin dadka diimaha iyo isirka ku kala duwan oo doonaya inay qolo waliba gaarkeeda isku maamusho, danta guud iyo qaranimadana ay ilaashadaan sida Itoobiya oo ay deganyihiin in ka badan 80 qoymiyadood oo Af ahaan, diin ahaan iyo dhalasho ahaanba kula gadisani. Haddaba qaabka ay Soomaalidu u fahamtay federaalka ayaa u muuqda in dowladda dhexe iyo midda gobolku ay leeyihiin awood siman, mararka qaarna ay sidii laba dal oo kala madax-bannaan u dhaqmi karaan, walibana midka kale xariirka u jari karo. Tusaalaha ugu dhow ee arrintaas laga dheehan karo ayaa ah in ayadoo cadow dibedda ah sida Itoobiya ay dowladdeena is hayaan, islamarkaana qeyb kamida dhulka Soomaaliya la doonayo in boob lagu qaado, ayaa haddana meelaha qaar waxaa laga taageerayaa cadowgii oo laga dhiganayo gacal aan laga maarmin. Haddaba waa su’aal is weydiin mudane ma Soomaalida ayaa si kala u fahantay mise mooca Federaalka ee la qaatay ayaa kala qeybsanaan maamul iyo israac la’aan dadweyne ku qotoma? Source: goobjoog.com
  8. Dowladda Jabuuti ayaa markii u horraysay soo bandhigtay tallaabo xal u noqon karta khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii badda ee Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi. Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso deked ay maamulato 100% si meesha looga saaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay MOU-gii badda. Wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo wareysi siiyay BBC News ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Itoobiya in ay siiyaan dekedda Tojora oo 62 Mile u jirta xadka Itoobiya “Waxaanu diyaar u nahay inaanu Itoobiya siino Dekkad ay iyadu maamulato 100% waana dekkada Tojora oo 62 Mile u jirta xadka Itoobiya si xal loogu helo khilaafka Soomaliya iyo Itoobiya” ayuu yiri wasiir Maxamed Cali Yuusuf. PUNTLAND POST The post Jabuuti oo sheegtay in ay deked siinayso Itoobiya si loo xalliyo Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  9. Mogadishu (HOL) — Somali police in Mogadishu arrested Abdikhani Dahir Shire, a bulldozer driver, for deliberately cutting down large trees during the reconstruction of a main road in the Gubta area of Deyniile district. Source: Hiiraan Online
  10. Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay duufaan lagu magacaabo Shanshan oo ku dhifatay bari ee dalka Japan, iyadoo saamaysay dhul ballaaran oo ay ka da’een roobab mahiigaan ah, waxayna dhalisay dhul go’ iyo fatahaado laga cabsi qabo inay waxyeello u geystaan deegaanno boqolaal kilo mitir u jira goobta ay ka billaabatay duufaantu. Muuqaallo ay soo duubtay Warbaahinta qaranka ee NHK ayaa muujinayay guryo saqafyo leh oo qayb ahaan biyo ku dhex go’doonsan, halka baabuurtu ay taayirro dheer dheer ku marayaan waddooyinka daadku qarqiyeen ee koonfur-galbeed ee dalka. Duufaanta ayaa ku soo dhacday jasiiradda Kyushu maalintii Khamiista, taasoo keentay heerarkii ugu badnaa ee roobabka inay dhulkaas ka da’aan, hal qof ayaana la la’yahay, halka in ka badan 100 kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay Hay’adda Dabdemiska iyo Masiibooyinka ee Japan. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed ayaa si adag uga hadlay dibad-baxii ay shalay soo abaabushay Koonfur Galbeed ee ka dhacay degmada Xudur, kaas oo lagu diiday ciidamada Masar, balse lagu soo dhaweeyay ciidanka Itoobiya. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday i n arrintaan aysan raalli ka ahayn, isla markaana shacabka ay metalaan looga faa’iideystay daruuf amni oo ku geedaaman, wuxuuna xusay in Itoobiya ay tahay midda kusoo xadgubtan madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. “Maanta Itoobiya iyada ayaa ka gar darran Soomaaliya oo aduunkana waa ogyahay Soomaalina waa og tahay in madax banaanideeda qarameed iyo baddeeda lagu soo gar darooday wax Soomaali raali ku noqoneyso ma’aha, shacabka aan mataleyno raalli kama ah daruufbaa looga faa’iideystay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ka hortegto arrintan, isla markaana ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab iyo Gorgor ay si deg-deg ah ku geyso gobolka Bakool. “Hal farriin baan rabaa inaan halkan ka diro dowladda Soomaaliyeed waajib baa idinka saaran sida hadaba laga bilaabay gobollada ciidamada Soomaaliyeed maanta la tababaray amnigooda ay ku filan yihiin waxaan codsaneynaa in si deg-deg ah gobolka Bool ciidamo loo geeyo, weliba ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo Danab iyo Gorgor ay kamid yihiin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Abuukar. Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa shaaca ka qaaday in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe, go’aanka ciidamada baxaya iyo kuwa imaanayana laga rabo iyada, wuxuuna xusay in dowlad goboleed uusan geli karin arrin ku saabsan ciidamada shisheeye. “Dowladda Soomaaliyeed waddankan iyada ayaa mas’uul ka ah ciidankii joogi lahaa iyo ciidankii ka bixi lahaaba dowladda Soomaaliyeed ayaa mas’uul ka ah dowlad goboleed gaar ulama geli karo dowlad ciidankii joogi lahaa iyo kuwii la keeni lahaaba” ayuu sii raaciyay. Isku soo wada duubo, arrimahan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ay dooneyso inay ka saarto ciidamada Itoobiya howl-galka nabad ilaalinta, iyadoo u aragta xukuumadda Addis Ababa inay ku xad-gudubtay qaranimada Soomaaliya kadib is-afgaradkii badda ee la saxiixatay Somaliland, kaas oo illaa hadda aysan ka noqon. The post DF oo laga dalbaday inay ciidamo gayso Bakool kadib tallaabadii maamulka Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  12. MOGADISHU, Somalia (AP) — Ethiopia is increasingly concerned over a recent defense deal between Egypt and Somalia, two countries that Addis Ababa is embroiled in disputes with amid rising tensions in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
  13. Somaliland ayaa si adag uga hortimid taageerada milliteri ee ay dowladda Masar u fidisay Soomaaliya, oo ay ku tilmaantay mid halis ku ah xasiloonida gobolka. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayay kaga digtay taageerada milliteri ee dowladda Masar siinayso Soomaaliya taasi oo ay ku micneysay mid khatar ku ah xasiloonida gobolka geeska Afrika. Somaliland waxay sidoo kale walaac ka muujisay ciidamada Masar ee la sheegay in ay imaanayaan Soomaaliya waxaana ay Beesha Caalamka ugu baaqday in ay Cambaareeyaan tallaabadaasi kana horyimaadaan si aysan halis ugu noqon xasiloonida gobolka. Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in tallaabada ay qaaday Masar ay khatar weyn ku tahay amniga Geeska Afrika oo saamaynaya Somaliland sidaasi darteedna aanay daawade ka noqonaynin. Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa hore u wada saxiixday heshiis difaac iyo mid amni waxaana tallaabadaasi ay dhashay in Masar ay Soomaaliya soo gaarsiiso taageeradii milateri ee ugu horraysay muddo afartan sannadood ah. PUNTLAND POST The post Somaliland oo si adag uga hortimid taageerada milliteri ee Masar siinayso dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Somalia’s Minister of Defence Abdulkadir Mohamed Nur has termed Ethiopia’s comments over the deployment of Egyptian soldiers in the country as destabilizing to the region. Source: Hiiraan Online
  15. The ongoing violence and instability in Somalia are symptoms of a broken government system marked by corruption and a lack of accountability. Without radical reform, Somalia will be stuck in a cycle of bloodshed, writes Abdirashid Fidow. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU - Egypt has opted for a riskier approach in its showdown with Ethiopia over the Nile Dam by delivering its first military aid to Somalia in more than four decades, a move likely to deepen strains between the two countries and Ethiopia, and could spark a proxy-conflict in eastern Africa. Source: Hiiraan Online
  17. Members of the Somali Parliament who recently visited North China's Beijing, Tianjin, and Shanxi province have expressed admiration for China's progress. Source: Hiiraan Online
  18. Erigabo (HOL) — The Sanaag Regional Security Committee has imposed a stricter curfew in Ceerigaabo, aiming to curb a mass exodus sparked by clan-related revenge killings. Source: Hiiraan Online
  19. ADDIS ABABA, Ethiopia - Somaliland President Muse Bihi Abdi on Thursday officially accepted the credentials of Ethiopia’s newly appointed ambassador, Teshome Shunde Hamito, during a formal ceremony at the presidential palace in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  20. A military alliance between Somalia and Egypt is ruffling feathers in the fragile Horn of Africa, upsetting Ethiopia in particular - and there are worries the fallout could become more than a war of words. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo saaka laga maqlay xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho, kaas oo lala beegsaday goobaha ganacsi ee ku yaalla suuqa xaafaddaasi oo ka tirsan degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir. Qaraxyada oo labo ahaa ayaa gilgilay Tabeelaha, waxaana xigtay gubashada suuq wayn oo ku yaalla halkaas oo uu dab xoogan qabsaday, kadib qaraxyada lala eegtay. Suuqaan oo aad u camirnaa, isla-markaana hanti badan ay dhextiilay ayaa lasoo wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay beegsatay goobahaasi ganacsi, kadib markii la sheegay in lagu xiray Caamirooyinka qarsoon ee CC TV. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu howlanyahay daminta dabka ka kacay suuqaan oo ah mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan. Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo isna ahaa qaraxyo lala eegtay goobo ganacsi oo gebi ahaanba gubtay. Si kastaba, dhacdooyinkan is xig-xiga ayaa imaanaya, xilli Ceelasha Biyaha iyo deegaanada u dhow ay maalmahan howlgallo culus ka wadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya. The post Al-Shabaab oo qarxiyay suuqa Tabeelaha Sheekh Ibraahim appeared first on Caasimada Online.
  22. Sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo waxaa gubanaya Suuqa weyn ee Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaleey ee Muqdisho. Suuqaan oo ahaa mid si weyn u camiran waxaa ku ganacsanayay boqolaal ganacsato u badan Danyar. Sida ay noo xaqiijiyeen Goobjoogaayaal inta badan waxaa gubtay Suuqa qeybihiisa kala duwan. Dabka Suuqa ayaa ka dhashay ka dib markii gudahiisa ay ka dhaceen qaraxyo. wararka qaar ayaa sheegaya in Suuqa lagu xiray Miinooyin. Waxaa loogu howlanyahay daminta suuqaan inkastoo dabka qabsaday uu yahay mid weyn oo illaa iyo iminka maareentiisu ay qaadatay waqti badan. Dhawaan ayay aheyd markii guud ahaan ay gubteen Suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha ka dib markii qaraxyo lagu xiray. Source: goobjoog.com
  23. Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa muddo dheer ka taagnaa gobolka, waxaana arrintan ka dhashay isbeddelo muhiim ah oo saameyn weyn ku leh xaaladda siyaasadeed iyo amniga gobolka. Khilaafkani wuxuu salka ku hayaa arrimo gaar ah oo ka dhashay xadgudubyo iyo heshiisyo kala duwan. Xadgudubka Itoobiya ee Madax-banaanida Soomaaliya Khilaafka ayaa ka dhashay markii Itoobiya ay si cad ugu xadgudubtay madax-banaanida Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqatay mid aasaasi u ah muranka hadda jira, iyadoo Itoobiya ay si toos ah uga qayb qaadatay arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyada oo aan haysan ogolaansho caalami ah ama mid Soomaali ah. Xadgudubkaasi ayaa soo bandhigay sida Itoobiya ay u dooneyso inay saameyn ku yeelato siyaasadda iyo amniga Soomaaliya. Difaaca Dowladda Federaalka iyo Guulaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si guul leh u difaacday madax-banaanideeda iyo badda iyada oo ka hortagtay xadgudubyada Itoobiya. Soomaaliya ayaa ka adkaatay Itoobiya taasoo ku guuleysatay taageero caalami ah. Guushan ayaa qayb weyn ka qaadatay sida Soomaaliya ay u xoojisay booskeeda iyo difaaca xuquuqdeeda. Shalayn iyo Raadinta Heshiiska Maanta, Itoobiya waxay ka shalaynaysaa go’aankii heshiiska ay ula gashay Somaliland, taasoo sii xumeysay xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya. Maamulka Abiy Axmed ayaa hadda raadinaya heshiis uu la galo dowladda Soomaaliya si loo dejiyo xiisadda ka taagan gobolka. Itoobiya waxay isku dayeysaa inay dib u habeyso siyaasaddeeda iyo xiriirkeeda Soomaaliya iyadoo raadinaysa habab lagu xallinayo khilaafka. Hawlaha Itoobiya ee Soomaaliya iyo Saameynta Masar Itoobiya ayaa isku dayaysa inay sii xoojiso joogitaankeeda gudaha Soomaaliya iyadoo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay taageersan yihiin ciidamada Itoobiya. Si kastaba, xaqiiqada gudaha ayaa muujinaysa in taageerada shacabka Soomaaliyeed si cad uga soo horjeedo Itoobiya balse shalay ay si xoog kusoo aruuriyeen dad kooban oo ku sugnaa magaalada Xudur si qasab ah, Sawiradii shalay ay qaadeen waxa ay muujisay cabsida Itoobiya iyo handadaada meelaha kooban ee ay ku harsan yihiin. Waxaa sidoo kale la sheegay in Masar ay ciidamadeeda soo galeen gudaha Soomaaliya, taasoo keentay in Itoobiya ay cabsi weyn ka qabto saamaynta Masar ee gobolka. Saameyntan waxay tilmaamaysaa sida Itoobiya ay uga walwalsan tahay awoodda shisheeyaha iyo khataraha ka imanaya dhinaca Masar. Khilaafka Masar iyo Itoobiya Khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ayaa muddo dheer saameyn ku leh gobolka, gaar ahaan marka la eego arrimaha biyo-xidheenka Niilka Buluugga ah. Xaaladani waxay hadda sii adkaatay kadib markii Masar ay ciidankeeda soo gelisay gudaha Soomaaliya, iyadoo ujeedadu tahay inay taageero siiso shacabka Soomaaliyeed. Cabsida Itoobiya iyo Arrimaha Dibadda Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Taye Atskeselassie, ayaa shalay si cad u muujiyay cabsi uu ka qabo guulaha dibadda ee dowladda Soomaaliya iyo taageerada Masar. Taye ayaa tilmaamay in guulaha Soomaaliya ee caalamiga ah, iyo gaar ahaan taageerada Masar, ay keeni karto khatar weyn oo saameyn karta qorshayaasha Itoobiya ee gobolka. Itoobiya waxay si weyn uga walwalsan tahay saameynta ay Masar ku yeelan karto xaaladda gudaha Soomaaliya iyo gobolka oo dhan. Source: goobjoog.com
  24. Bathesda (Caasimada Online) – Maxkamad federal oo Mareykan ah ayaa laashay kiis dacwadeed ay dowladda Mareykanka kusoo oogtay qareen degan gobolka Maryland, oo ku eedeysnaa inuu dhacay hantida dowladda Soomaaliya. Jeremy Wyeth Schulman, oo ah 48 jir, ayaa December 2020 lagu soo oogay dacwado la xiriira inuu ku lug yeeshay qorshe si khiyaano ah looga soo qaaday hay’ado maaliyadeed lacag gaareysa 12.5 milyan oo dollar, oo ka mid ah hantida dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu boqolaal kun oo dollar siiyay shirkad sharci oo qaadatay in ka badan 3 milyan oo dollar oo lacagtaas ka mid ah. Dacwadaha loo haystay Schulman ayaa waxaa ka mid ahaa musuq-maasuq banki, been xalaaleyn lacag, iyo lacago si sharci-darro ah la isaga gudbiyey banki. Si kastaba, garoosre Paula Xinis, oo ah xaakimka maxkamadda federaalka Mareykanka ee degmada Maryland, ayaa Jimcihii shalay laashay kiiska ka dhanka ah Schulman kadib markii ay sidaas codsatay dowladda Mareykanka, oo ka laabatay dacwadda oo soo socota muddo saddex sano ka badan. Warqadda kasoo baxday garsooraha laguma shaacin sababta ay dowladda Mareykanka u codsatay in kiiska la laalo. Dacwadda markii hore lagu soo oogay Schulman iyo xubno kale ayaa waxaa ka mid ahaa; in ay isku dayeen inay si sharci-darro ah gacanta ugu dhigaan maamulka boqolaal milyan oo dollar ah oo ka mid ah hantida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ee taalla bankiyada caalami ah, taasi oo la hakiyey markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii. Sida ku xusneyd dacwadda la laalay, Schulman ayaa bankiyadaas u geeyey dokumentiyo lagu sheegay in la been-abuuray, si uu gacanta ugu dhigo maamulka malaayiin dollar oo ah hantida dowladda Soomaaliyeed, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2014. Schulman ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu boqolaal kun oo dollar oo magdhow ah ka qaatay shirkad sharci, taasi oo si aan sax aheyn u qaadatay 3.3 milyan oo dollar oo ka mid ah lacagta dowladda Soomaaliya. Schulman ayaa horey dowladda federaalka Soomaaliya ugu matalay kiisas dhowr ah, oo ay ka mid yihiin baaritaanka eedeymo musuq-maasuq oo ay soo jeediyeen kooxda QM ee kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group for Somalia and Eritrea). The post Dacwaddii loo haystay nin lagu eedeeyey inuu lacag ka dhacay DF oo la laalay appeared first on Caasimada Online.
  25. Wax ka ogow bariiska laga soo saaro deegaanka Soomaalida ee dabooli doona cunno-yarida Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhowr jeer ku celceliyey in dowladdiisu xoogga saarayso isku filnaanshaha cunnada ee gudaha dalka lana xoojinayo wax soo saarka beeralayda dalka sida horraan uu ka sheegay baarlamaanka dalkiisa. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka Bariga Afrika ku yaalla ee leh dhul beereed baaxad leh. Deegaannada ismaamullada Itoobiya ee hadda xoogga saaraya soo saarista noocyo kala duwan oo cunooyin ah oo dabooli kara baahida cunnada dalkaas waxaa ka mid ah Dowlad-deegaanka Soomaalida. Sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Iimaan Maxamuud oo ah madaxa xafiiska beeraha ee Dowlad-deeganka Soomalida, waxay qorshynayaan soo saairsta bariis kaafin kara baahida deegaanka iyo Itoobiya. Hindisahan wax-soo-saar oo dhanka bariiska ah ayuu Xafiiska beeraha ee degaanku sheegay inay filayaan inay wax-ka-beddesho cunta yarida sarena loogu qaadayo yoolka ay dowlad deegaanku ku hiigsanayso isku-filnaansho cunto. “Mashruucan waa qayb ka mid ah barnaamijka dib u casriyeyna ama xoojinta wax soo saarka oo qorshihiisu yahay 10 sano,” ayuu yiri Cabdiqaadir Iimaan. Bariiska ayaa ka mid ah cunnooyinka rasmiga ah ee ay Soomaalidu isticmaasho balse inta badan dalalka ku yaalla qaaradda ugu yimaada dibadda. Madaxa xafiiska Beeradah Cabdiqaadir Iimaan Maxamuud, wuxuu BBC-da u sheegay in mashruucan looga goleeyahay in lagu dhimo ku-tiirsanaanta badeecadaha cunada ee dibadda laga keeno. Deegaanada laga beeray bariiska Mashruucan ayaa wejigiisa koobaad laga sameynayaa dhul gaaraya ilaa 3,000 hektar basle bilowgii ayuu mashruucu la kulmay caqabado ka dhashay fatahaado ka dhacay deegaanka sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadri Iimaan madaxa y xafiiska beeraha ee dowlada deegaanka Soomaalida. Wuxuu sheegay in caqabado ay dhaliyen fatahaado ka dhacay deegaanka owgeed ay u suura gashay in la beero dhul dhan ilaa 600 hektar. Cabdiqaadir, wuxuu sheegay in habkan wax soo saarka bariiska loo adeegsanayo qalabyo casri ah oo ay ka mid yihiin cagaf cagafyo, abuur tayo leh iyo waraab xoog leh. “Mashruucan in la beero oo si fiican loo beero oo shacabku beeraan oo dhul badan laga beero sanadkan ayuu bilaabay bishii may ayaan bilownay” ayuu yiri Cabdiqaadir. Xafiiska beeraha ee dowlad deegaanka ayaa sheegay in sheegay in labo xilli oo kala ah Dhammaadka bisha Abril iyo bilowga bishada Oktoobar ay yihiin xilliyada ugu haboob ee beerashada bariiska dowlad deegaanka. Degmooyinka Qalaafe, Godey, Caddeley iyo Beer-caano oo ka tirsan gobolka Shabeelle iyo degmada Hadha-gale oo ka tirsan gobolka Siti ay yihiin deegaanada ku yaalla dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ee laga beeray bariiska. Halka bariiska ugu badan laga beeray waa degmada Beer-caano sida uu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Muumin. Qaybtii ugu horreysay ee goynta bariiska ayaa bilaabatay toddobaadkii hore iyadoo wali ay socot deeganadaas ka socoto goynta bariiska. Noocyada bariiska laga beeray Dowlad-deegaanka Madaxa xafiiska beeradaha dowlad deegaanka Cabdiqaadir Iimaan ayaa BBC-da u sheegay inay ogaadeen in deegaano badan oo dhulkaasi ah uu yahay meelo ku haboob in bariiska laga beero. Machadka cilbi barista beeraha iyo xoolaha ee deegaanka Soomaalida ayuu Cabdiqaadir sheegay in daraasaadyo uu sameeyey lana tijaabiyey laguna guulaystay noocyada bariiska ee ka ka bixi kara deegaanka. “Sagaal nooc oo bariis ka mid kuwaas oo la hubiyey inay deeganaka ka bixi karaan si fiican ugu bixi karaan, waxayna u diwaan gashan yihiin deegaanka Soomaalida oo layiraaho waa bariiskii Soomaalida loo yaqaan oo ka mida 35 nooc oo bariisa oo dalka ka jira” ayuu BBC-da u sheegay Cabdiqaadir Iimaan. Xafiisku wuxuu intaa ku daray in qorshahooda mudda fog ay tahay kordhiyaan dhulka laga beerayo barista oo la gaarsiiyo ilaa 20 kun oo hektor. Isagoo ka jawaabayey sida ay isugu maareynayaan beeraha iyo deegaanka oo caan ku ahaa xoolaha dhaqatada ayuu sheegay “ in cimilada is beddeshay waxay keenaysaa in beertii noqoto mid calafkiina cunatadii kale ee la quunadayeyna beerta marka qorshaha dowladu waxaa weeye in wax soosaarka xoolaha la hormariyo kan beraha la hormariyo labada la isku wado” Wuxuu intaa ku daray in muddo kooban deegaanka marka ugu horreysa soo saro waxaa isagu u baahan yahay shacabka ku dhaqani ka dibna soo saaro wax soo saar la dhoofin karayo. Bbcsomali Qaran News