-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Cabdi-Raxmaan Guul-Wade qayb kama noqon karo shirka lagula hadlayo maamulka Somaliland! Adduun waa un la daali!…Bal amarka Ilaahay burburkii siduu u dhacay nin kasta madax-weyne iyo ra’iisal wazaare waan ka dhiganay, shacab la dulmiyay Gaalo iyo Muslimba, magacyo loo soo adeegsaday si aysan u garan cidda dulminaysa, Qarammada Midobay, Beesha Caalamka, Sama-Fal, Maal-Gashadayaal, Deeq-Bixiyaal, Taba-Barayaal, markaasaa nasiib-darrada dhacday siyaasigii la keenaba wuxuu noqday mid doonaya inuu u shaqeeyo oo uu wax ku ahaado magacyadaas!… Ma aha sida dadku qaar moodayaan in magacyadaas ay qasbi karaan dadka Soomaaliyeed ee siyaasi kasta baa rumaysan in xilka aan huwinay uu xiriir kula samaysto magacyadaas!… Wali ma u fiirsatay?!…Bal adigu ka waran madax-weyne, ra’iisal-wazaare, waziir, Business-Card iska leh oo madaxda aajnabiga ah ee ay kulmaan kolay safiir ku tahay siinaya xiriirkiisa shakhsiyadeed! Maba xumaateen haddii ay yihiin madax dalkoodu warshado leeyahay, ama maal qaabeeno ah!…Laakiin nin isagiiba dalal shisheeye ah mushaarka iga baxiya leh oo business card madax kale siinaya, bal qiyaas, maxay u qaadanayaan inuu ka rabo?!… Siyaasiyiin badan baa keenistooda lagu khaldamay, waxaan xasuusnahay iyadoo SHiikh SHariif Axmed aqoon ahaan iyo khibrad yari lagu dhaliilayo baa Xasan SHiikh Max’ud ha layska qaato la yiri, markii Xasan SHiikh Xoolihii dalka Mood iyo Noolba uu boobay baa la yiri yaan isaga fujinaa…Bal adigu ka waran saliiddii karaysay ka bood oo dabkii ku dhac!…kud ka guur oo qanje u guur! Waa maalin kasta!… Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, in kuwii doortay ay ku khaldameenna iyagaa afkooda ka sheegaya oo meel kasta la taagan, laakiin guddiga uu u xil-saaray wada hadallada lala galayo maamulka Muuse Biixi sabab dhab ah oo uu ku saleeyay soo xuliddooda ma jirto, waxaana la moodaa in dadka uu guddigaas u magaacaabay qaarkood uu yaqaan laakin uusan dan ka lahayn waxay ahaayeen, gaar ahaan General Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen Guul-Wade!… May 27, 1988, maalin Jimce ah, ayaa si isku mid ah dagaalkii SNM-ta uga qarxay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxaana adkayd in warar sugan laga helo xaaladdii halkaas ka jirtay, war-faafinta dowladdana wax weyn kama aysan dhigeyn. Subaxdii xigtay ee maalintii Sabtiga ayaan xafiiska war-geyskii Xiddigtii Oktoobar waxaan ugu immid tafaf-tirihii war-geyska, Cabdi Idriis Ducaale (Alle ha u naxariistee) wuxuuna ii sheegay baaxadda dhibaatada iyo in labadaas magaalo ay cidlo yihiin, walina meelaha qaarkood uu dagaalku ka socdo, isagoo run ahaantii tilmaamaya inaysan haboonayn in jabhaduhu dagaalka ka bilaabaan magaalooyinka iyo deegaannada dadka shacabka ah!…Wax badan oo uu sheegay baan aad ii damqiyay, meeshii aan fadhiyay baan qoraal kooban ku sameeyay anigoo markaas is leh wax baad maldahaysaa, laakiin aad u xamaasadaysan, markaasaan u dhiibay Cabdi Idiriis si loo shaaciyo, intuu aqriyay buu qoslay oo igu yiri “ Maalmahan oo kale waxba lama qoro!…xataa sheeko jacayl ah”… “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin!” Waxaan bilaabay inaan aad isula hadlo, waxay ila noqotay ama ii soo baxay in loo baahanyahay war-faafin dad-weynaha si madax bannaan wax ugu sheegta, ama xataa in la helo meel kolba xaaladaha taagan xaqiiqdooda looga waramo, fikir dheer oo maalmo qaatay waxaa ii soo baxday inaan ka faa’idaysan karo oo aan isticmaali karo barnaamij ka bixi jiray Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da oo ay soo wada jeedin jireen Cabdi-Salaam Hereri iyo Yuusuf Xasan maalmaha Axadaha ah oo la oran jiray Waxay Ila Tahay!…Boostada si aan warqadaha uga diro, ayaa ahayd hawl adag oo aan soo maray, waan ogaa go’aanka aan qaatay khatartiisa, laakiin waxaa ii muuqday khatarta inaysan marna baaqanayn!…waxaan arkayay in dabkii gubay Burco iyo Hargeysa uu ku soo fidayo Muqdisho!… Waxaan bilaabay inaan waraaqo u qoro barnaamijkii waxay ila tahay, anigoo adeegsanaya magaca Alle-Yaqaan, muddo ayaan qoraaladaas u dirayay BBC-da anigoo Muqdisho ka qoraya, aadna u baqaya,haddii laygu ogaadana aan shaki iiga jirin inay naftayda ku kici lahayd. Muddo kooban gudaheed waxaa Muqdisho soo buuxiyay dadkii ka soo cararay ama ku soo ceyrtoobay magaalooyinkii dagaalladu ka dhaceen, waxay ahayd musiibo dalka ku soo waa-bariisatay, Muqdisho iyo guud ahaan magaaloyinka dalka intooda badan ma aysan ku baraarugsanayn waxa dhacay iyo dhibaatada baaxadda ay leedahay waxaana intii hore oo dhan loo haystay rabshado yar-yar war-baahin xogta laga qaato amaba raadin karta, ama haday hesha sheegi karta ma aysan jirin!…Waxaa arrin naxdin leh ahayd markii la arkay faraha dadka soo qaxay, mana jirin wax xil iska saaray dowlad ahaan, hasa yeeshee guud ahaan shacabkii Soomaaliyeed ayaa dadkaas u kacay oo u gurmaday haddii ay ahayd Laas-Caano, Garowe, soo wad ilaa ay Muqdisho ka imaanayeen, waa ay jireen dhacdooyin gaar ahaa oo dadkaas la soo gudboonaaday oo meelaha qaar laga soo sheegay laakiin aan badnayn. DHaqaalaha iyo tabartu ha iska yaraadaan guud ahaanse wax laga hagraday dadkaas ma jirin. Cabdi-Raxmaan Cabdi Xuseen, wuxuu ahaa taliyihii ciidanka booliska Soomaaliyeed xilligaas, way iska muuqatay in dadkii soo qaxay ee ka soo tegay guryahoodii, hantidoodii, iyo deegannadoodii ay ku dayacnaayeen magaallada Muqdisho, waxaase arrin naxdin leh ahayd in Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade uu dad-weynihii Muqdisho ugu baaqay inaysan dadkaas soo dhoweyn!…Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, bishii Oktoobar 23, 1989 wuxuu qabtay shir jaraa’id isagoo eedaynaya shacabkii ka soo qaxay Burco iyo Hargeysa, una sheegaya shacabka Muqdisho inaysan soo dhoweyn oraahda ugu xanuunka badanyd ee aan wali xasuusnahay waxay ahayd “Dad-weynaha magaallada Muqdisho waxaan u sheegayaa, dad guryahoodii soo gubay yeysan guryihiinna gubin” waliba qaab digniin ah, waxaan filayaa codkaas in wali la raadin karayo, sidaas daraadeed Cabdi-Raxmaan Guul-Wade kaalin uguma bannaanna kulan kasta oo dib u heshiisiin Soomaaliyeed khuseeya, gaar ahaan gobollada Woqooyi ee Soomaaliya, waayo ninka sidaas u hadlay isagoo dowlad ah oo aan jabhad ahayn, oo ku shaqaynaya in uu u dhaartay sugidda amniga ummadda… Dowladdii baa dhacday Cabdi-Raxmaan Guul-Wade oo wali raadinaya Alle-Yaqaan! Maalintaas markii uu shirka saxaafadeed qabtay isla habeenimadaas baan ka diyaariyay qoraal jawaab u ahaa hadalkiisa oo aan u diray BBC-da iyadoo magacaygu yahay Alle-Yaqaan, oo aan isticmaalayay 1988 markii dagaalladu ka dhaceen gobollada Woqooyi ilaa ay dowladdii dhacday…Inkastoo aan baqdin ku joogay oo aan hortiis madaxdii dalka BBC-da jawaab u mariyay waxayse iigu darnayd maalinkii aan isaga u jawaabay!… Waa marka horee isla markiiba wuxuu amar ku bixiyay in la soo qabto si dhaqso Alle-Yaqaan, waxaa baaritaan lagu sameeyo SONNA, Radio Muqdisho, iyo Xiddigta Oktoobar qorayaashooda, weriyeyaal saaxiibaday ahaa oo joogay SONNA iyo Raadiyo Muqdisho oo aan ogeyn inaan aniga ahay Alle-Yaqaan oo qaarkood ay hadda ku noolyihiin Kanada iyo Yurub baa si sheeko ah iigu sheegay inay u yimaadeen saraakiil kala duwan oo ka kala socday NSS iyo CID oo ka wareystay waxa ay ka yaqaanaan ama ay kala socdaan Alle-Yaqaan, waxayse iigu darnayd markuu nin ka tirsan boliiskii Soomaaliyeed oo CID ahaa oo aan magaciisa hore keliya aan garanayo oo la oran jiray Daahir uu habeen inooga sheekeeyay in dowladda oo dhan ay raadinayso nin Alle-Yaqaan la yiraahdo laakiin Gen. Guul-Wade uu ku dhaartay……..laakiin Alle kama dhigin tiisii….. DHinaca kale, marka la eego xubnaha kale ee guddigan uu madax-weyne Farmaajo ula baxay Guddiga Qaranka ee Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaad u moodaa inuu ku xushay rabitaankiisa shakhsiyadeed, oo uu inkiray dadkii sida qotada dheer taariikh ahaan ula socday anaaniyadda beenta ku salaysan ee madaxda maamulkaas qaarkood ku eedeeyaan shacabka Soomaaliyeed, taasi waxba kama duwan sidii ay u dhaqmayeen Xasan SHiikh Max’ud iyo SHiikh SHariif oo iyagu dhaqan ka dhigtay inay shir kasta oo maamulkaas qolaaca lala geliyay ay u diraan saaxiibbadood!…Waana sababta wada hadaladaas marna horay ugu socon waayeen ama wax natiijo ah oo run ku salaysan looga maqli waayay… Waxaa hubaal ah in Farmaajo uu si ula kac ah ugu daray guddigaas General Cabdi-Raxmaan Guul-Wade, isagoo ka dheregsan xogtiisa intii uu safiirka ka haa dalalka shisheeyaha ah siiba intii uu safiirka ka ahaa dalka Sacuudiga markaas dadka laga soo tarxiilayo dalkaas waraaqaha guri-aadista (Go-Home letter) oo safaaraduhu lacag la’aan ku bixiyaan uu kaga iibin jiray lacag gaaraysa 500 dollar!… Mana dhicin isaga ka hor safiiradii soo maray dalkaas inay waraaqahaas muwaadhiniinta laga soo tarxiilayo dalkaas. Waxaana xusid mudan in maamulka Somaliland uusan marna arag madax ay ka daacad tahay wada hadallada ama wada xaajoodka la galiyo, waxaan sida marar badan la sheego wada hadalo kasta oo furmo looga ahdli jiray waxyaabo ka sokeeya magaca wada hadallada ay huwanyihiin iyo ujeeddada lagu sheegay in loo qabanayo. Waxaa marar badan dhacday in wada hadalladaas ujeeddadoodii la bedelo oo ay noqdaan kuwo looga hadlayo dano dhaqaale oo markaas ay madaxda federal-ka ay u fasaxdo maamulkaas arrimo ama mashaariic kaga xiran madaxda federalka iyadoo taas bedelkeeda ay madaxda federal-ka mashruuca ay fasaxday ka qaadanayso saami lacageed, marka maamulkaas iyo siyaasiyiintiisa waxay in badan dareensanyihin ama ka dhaadhacsan inaysan jirin wax dowlad fedral ah oo ay ka dhab tahay inay la xaajooto, wuxuna ay iska yihiin shirar lacag lagu wada samaynayo, haddii aan taas la bedelinna waligeed arrintu waxay ahaanaysaa I Jiid aan ku jiidee ilaa uu dalka sidaas ku kala go’o!… The post Gen. Cabdi-Raxmaan Guul-Wade: Dad guryahoodii soo gubay yeeysan guryihina gubin! appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga madaxabanaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadalo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo waxaa uu intaas ku daray in dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud. Qaar kamid ah musharaxiinta kasoo qaybqaatay halgankii Jubbaland looso maray ayuu ku booriyay in ay dib u eegan halka laga yimid iyo dhibkii looso maray dhismaha Jubbaland isla markana aanay u durbaan tumin shaqsiyaad kor ka yimid oo aan ka warqabin duruufaha dadka ree Jubbaland. Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ku adkeeyay in ay nabadgalyadooda ilaashadan oo doorashooyinkooda ay qabsadaan isla markana aanay dib ugu noqon wixii lasoo maray. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo isu diiwaan geliyay doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta oo sabti ah qaatay shahaadada musharraxnimada madaxweyne ee maamulkaasi. Axmed Madoobe ayaa buuxiyey shuruudihii dhowaan ay soo gudbiyeen guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa intaas kadib Saxaafada kula hadlay banaanka Xarunta gudiga isagoo sheegay in uu maray hanaanka sharciga ah ee looga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharaxiinta kale in ay wadadaas maraan oo aanay bulshada ku abuurin hadallo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba usoo kordhin doonin. Madaxweynahu wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magacaabista gudiga doorashooyinka iyo xuduudaha balse isaga iyo musharaxiinta kale ay u siman yihiin, loona baahan yahay in loo hoggaansamo wuxuuna intaas ku daray in dhammaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gor-gortan galaynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xasiloonida guud. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (SMM) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyn culs u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala kulmeen dhibaatadii ugu darneyd 28-kii sano ee la soo dhaafay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dhinac walba ka cunaqabateeyay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Somaliland.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane; Thabo Mbeki, ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Thabo Mbeki, ayaa hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane; Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira iyo madax kale. Wafdigani ka socda Midowga Africa ayaa soo maray Nairobi halkaasi oo ay kula kula soo kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi. Lama shaacin weli u jeedada rasmiga ah oo uu salka ku hayo socdaalkooda, waxaana saacadaha soo socda ay la kulmi doonaan madaxda sare ee dalka. Booqashada guddigan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan khilaaf uu jiro u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay muranka badda ee labada dal. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Mudane Thabo Mbeki ayaa hoggaaminaya guddi sare oo ka socda Ururka Midowga Africa. Sida ay ogaatay Caasimada Online guddigan ayaa u yimid arrimo la xariira dhex dhexaadinta dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo uu haatan ka dhexeeyo khilaaf xoogan. Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay kulan kula qaataan xarunta Madaxtooyada Qaranka, sida ay xaqiijiiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Xubnahani ka socda Midowga Africa ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa ayaa Nairobi kula soo kulmay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Munica Juma. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay ka wada hadleen arrimo la xariira Badda, nabadda, xasilloonida, is dhexgalka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika. Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in wax wada-hadal ah aysan ka geli doonin muranka Badda, islamarkaana ay ka war sugi doonto go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare jaamac Guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee caasimadda Garoowe, ayaa shaaciyay in ay heshiis la galeen shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaaarin iyo qurxin ugu samayso garoonka. Qoraal xalay lagu daabacay bogga uu guddiga ku leeyahay Facebook-ga, ayey ku sheegeen in ay todobaadkii hore heshiis rasmiya la saxiixdeen, shirkadda TTN ee waddanka Turkiga, si ay cagaarin iyo casriyayn ugu samayso garoonka kubadda cagta Mire Awaare. “Shirkad TTN oo ah Shirkadda Turki ah iyo Guddiga Garoonka Mire-Awaare ayaa Todobaadkii Lasoo Dhaafay Kala-Saxiixday Heshiis Rasmi ah, Kaaso oo Shirkadu TTN Ku Cagaarin-doonto Garoonka Mire-Awaare, Islamarkaasna Rooga Ladhigayo Garoonka ayaa ah mid Laga Fakaray oo ah Roog Casri ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in shirkadda TTN ay durba dalka Turkiga ka dalbatay, rooggii cagaarnaa iyo qalabkii kale ee lagu samayn lahaa roog-dhigidda, qurxinta iyo casriyaynta garoonka. “Masuuliyiinta Shirkadda ayaa Durbadiiba Dalbay Roogii iyo Qalab-Kale oo Loogu talagalay Cagaarinta Garoomada Casriga ah” ayaa la sii raaciyay qoraalka guddiga. Shirkadda TTN ee dalka Turkiga, ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha Garoowe ee Gen Maxamed Abshir Hamaan iyo laamiga wasaaradaha u baxa, waxaana ay haatan gacanta ku haysa waddooyin laamiya oo laga hirgelin doono caasimadda Garoowe. Dhinaca kale, guddiga ayaa xaqiijiyay in lacag dhan $200,000 Dollar oo loo uruuriyay qurxinta garoonka Mire Awaare iyo qalab dheeriya oo ay bixisay hay’adda World-Vision, ay ku jiraan gacanta guddiga,si loogu qabto hawlaha roog-dhigidda iyo qurxinta garoonka. Waxaa kale oo guddiga Dib-u-habaynta iyo Qurxinta garoonka Mire Awaare ay beeniyeen, warar baraha bulshada lagu arkay, oo sheegaya in guddigu ay musuq maasuq iyo is-daba-marin ku sameeyeen lacagtii loo uruuriyay garoonka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxaa ka jira in la musuq maasuqay lacagtii loo uruuriyay garoonka kubadda Cagta Mire Awaare? appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi. Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in howlgalkani lagu dilay saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu soo qabtay mid kale, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku sugnaayeen goob ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn guddigii uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wadahadallada Somaliland iyo dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in guddigan ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland, islamarkaana iyagu aysan la fariisan doonin cid Somaliland kasoo jeedda, balse ka socota dowladda federaalka. Sidoo kale, Muuse ayaa tilmaamay in guddigan Labada qodob ee uu sheegay madaxweyne Farmaajo iney ka shaqeyn doonaan aanay dhankooda waxbo ka quseyn, isaga oo quus ka muujiyey in wadahadallo furmaan inta madaxweyne Farmaajo uu joogo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Madaxweynaha-somaliland-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub fara badan iyo lacago sharci darro oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ismaamulkaasi. Hubka iyo lacagtani ayey ciidamadu ku soo qabteen howlagllo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee dowlad deegaanka Zakariye Cabdi Khaliif ayaa hubka ay soo qabteen tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka mid yihiin 20 qoryaha Machine-gunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPG-ga oo tiro badan. Sidoo kale lacagta ayuu sheegay inay ka badan tahay $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah. Zakariye ma shaacin in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi, balse wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan baaritaanadooda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi bishii hore ayaa waxaa lagu dilay taliyihii Ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada Dr. Ambachew Mekonnen. Dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada hoostaga ayaa waxaa tan iyo markaasi kadib ay ku dhaqaaqeen howlgallo lagu soo qabtay hub, kuwaas oo laga sameeyey gobollada Oromada, Amxaarada iyo Cafarta ee dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
Xildhibaanno ka tirsan Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo jeeda Somaliland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar ay sheegtay xukuumadda federaalka, kuwaasi oo ah iney fasaxday markab siday xoolo badan, kaasi oo ku xayirnaa Sacuudiga. Waxay sheegeen Mudanayaashan, in xukuumadda Kheyre ay isku dayeeso iney cunaqabateyn saarto Somaliland, islamarkaana marar badan isku dayeen in si awood ah lagu keeno maamulkaasi. Dhanka kale, Xildhibaannadan qaarkood ayaa kahor yimid guddi dhowaan uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wadahadallada dowladda dhexe iyo Somaliland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Xildhibaanno-iyo-Sanatarro-kasoo-jeeda-Soomaaliland-oo-DF-ku-eedeeyey-inay-cu.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (SMN) – Maamulka Puntland ayaa ka horyimid, islamarkaana qaadacay guddigii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hanaanka loo maray ku dhawaaqista guddigaasi uusan waafaqsaneyn Dastuurka KMG dalka. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-20072019.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Xubnaha Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Wafdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka Ugaas Nuur waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, kan Degmada iyo qeybaha bulshada ee degmada. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Jimcaale oo la hadlay wafdiga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga, ayna ku soo dhaweynayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. “Xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ku soo dhawaada caasimadda Galmudug, ku soo dhawaada shaqadii aad u socoteen, qofkasta kaalin ayuu ka qaadan doonaa, gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud. Maxamed Maxamuud Gacmo Dheere oo ka tirsan xubnaha guddiga ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha dib u heshiisiinta. “Anaga oo dooneyna mas’uuliyadda ay Xukuumadda noo magacaawday oo ah dib u heshiisiinta, waxaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb qaadano dhemeystirka shaqada aad wadeen, waana wada joognaa, inti tababarteena howlaha dib u heshiisiinta ayaan xoojineynaa” ayuu yiri Maxamed Gacmo dheere oo ka tirsan xubnaha Guddiga. Guddiga ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo ah dib u heshiisiinta, waxaana magaalada Dhuusamareeb ay marti gelineysaa shirka arrimaha dib u heshiisiinta looga hadlayo. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay dowladda federaalka, iyaga oo teegeero u muujiyey maamulka Somaliland. Xildhibaanadan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay cunaqabateyn saartay Somaliland. Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah xildhibaanadaasi ayaa ka hadlay Markab Xoolo siday oo ka shiraacday Dekedda magaalada Berbera, kaas oo dhawaan dowladda Sucuudi Carabiya ku xayirtay magaalada Jiddah. Wuxuu sheegay in Markabkaas aan lagu sii daayin amar ka soo baxay dowladda Federaalka ah, balse dowladdu ay tahay waxa cunaqabateynta saaray Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ka horyimid guddiga uu dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Xildhibaanada ayaa tilmaamay in aan lagala tashan ku dhawaaqista guddigaasi, madaama ay iyagu matalaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe ay sii xoogeysaneyso xiisada siyaasadeed ee uu dhexeysa Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo ka sii dartay markii dowladda federaalka ay gabi ahaan xiriirkii u jartay dalka Guinea. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaanadda kasoo jeedda deegaanada Somaliland ee ku jira labadda aqal ee baarlamaanka Dowladda Somalia, ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee dalka, iyagoo ku eedeeyay eedeeyeen inay cuna-qabateyn saareen maamulka Somaliland. Mudanayaashan ayaa beeniyay hadalkii Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed ee ahaa in Dowladda Somalia ay fasaxday markabkii ku xayirnaa dekedda Jeddah ee dalka Sucuudiga oo waday tiro badan oo xoolaha nool ah. Sidoo kale, Xuseen Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu cunna-qabateyn saaray maamulka Somaliland tan iyo xilka loo doortay. “Madaxda dalka hoggaaminaysa waxay caqabad ku yihiin Somaliland, waxaan halkan ka caddeynayaa in Madaxweyne Farmaajo oo ugu sarreeya uu qaadayay tan iyo markii lasoo doortay tallaabooyin ka dhan ah maamulka Somaliland oo aan kasoo jeedno,” ayuu yiri Xildhibaan Carab Ciise oo ka mid ah xildhibaannada ugu afka dheer baarlamaanka Soomaaliya. Dhanka kale, Xildhibaanku wuxuu xusay in Dowladda Somalia ay baabi’isay heshiisyaddii ay horay u wada-gaareen maamulka Somaliland iyo Dowladda Dhexe ee Somalia, kuwaasoo uu xusay inay ahaayeen kuwo lagu doonayay in la isugu soo dhaweeyo labada dhinac. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dhankiisa hadlay ayaa ka dhawaajiyay in madaxweynaha Somalia Farmaajo oo tan iyo markii xilka loo doortay uu hagar-daamo ku hayya Somaliland oo uu sheegay inay horumar iyo nabad-galyo aan la dhayalsan karin ay ku tallaabsatay. Ugu dabeyn, Xildhibaanadda ayaa sheegay n aysan jirin door ay Dowladda Somalia ku leedahay hannaankii lagu sii-daayay markabkii xoolaha siday ee ku xayirnaa boqortooyadda Saudi Arabia. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia ayaa lagu eedeeyay inay fara-gelin ku hayso doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan Jubbaland, iyadoo mas’uuliyiin ka hadlay arrintan ay dalbadeen in la joojiyo fara-gelinta ay DF ku hayso doorashooyinka maamulkaas. Waxgaradka deegaanada Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa si weyn uga soo hor-jeestay fara-galinta ay sheegeen in Dowladda dhexe ee Soalia ay ku heyso doorashadda Jubbaland. Odayaasha-dhaqanka ayaa sheegay inaysan aqbalayn in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo nabad-galiyadda ka jira Jubbaland, loona baahan yahay in fara-gelinta loo bedelo taageero iyo garab-istaag. Sidoo kale, wax-garadka Jubbaland ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii soo dhisay Dowladda Federaalka Somalia, waxayna xuseen inaysan aqbalayn fara-gelinta ay dowladdu ku hayso doorashada Jubbaland ee la filanayo inay dhawaan dhacdo. Dhanka kale, Odayaasha-dhaqanka maamulka Jubbaland waxay caddeeyeen inay taageer-sanyihiin sida ay guddiga madaxa-bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan. Hadalka odayaasha-dhaqanka Jubbaland ayaa imaanaya xilli musharraxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen guddiga doorashooyinka Jubbaland, iyagoo ku eedeeyay inay afduubteen doorashadda Jubbaland. Ugu dambeyn, Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa lagu wadaa inay bisha soo socota ka dhacdo doorasho, taasoo lagu soo xulayo xildhibaanno kuwaas oo dooran doona madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaas oo ay isku soo taageen musharraxiin fara badan. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay in fara-gelin ay ku hayso Doorashooyinka Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU,-- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has lauded Ugandan troops for their contribution to peace and stability in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
The European Union is preparing to offer Boris Johnson, the favourite to be Britain’s next prime minister, a no-deal Brexit extension beyond Oct. 31, the Guardian newspaper reported on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka billaabatay diiwaan gelinta dad la soo xulay kuwaas oo u badan dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar. Si rasmi ah looma ah oga waxa laga damacsan yahay dadkaan balse waxaa dadkaan soo xulaya xubno ka tirsan Xoogagga Wadaniyiinta Gobalka Banaadir, oo ah Urur sanad ka hor ay dhistay Villa Somalia, iyo Saraakiil ka tirsan Xisbigii Tayo ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Dadka la soo xulayo ma ahan kuwa ku soo baxa imtixaan balse waxay ku yimaadaan is garasho, waxaana laga iibiyaa fikir ah taageerada Dowladda iyo garabsiinta Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale dadkaan ayaa u badan beelo gaar ah waxaana laga qorayaa magacyo iyo Numbero, waxaana sidoo kale laga reebayaa Sawiro iyadoo lagu wargelinayo in uu taageero Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ma jirto wax lacag ah ilaa hadda u bilaabatay balse waxa ugu weyn ee loo balan qaaday ayaa ah ka mid noqoshada Xisbiga Madaxweynaha iyo in la siin doono Fursado shaqo halka qaarkoodna loo balan qaaday lacag iyo jagooyin sare. Xog intaas dhaafsiisan oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso in doorashada Soomaaliya ay noqoto qof iyo cod islamarkaana laga qabto magaalooyinka ay dagan yihiin Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir waxaana dadka codeyn doona ay noqon doonaan dad aan aad u tira badneen. Dadka ay diiwaan gelintooda ka bilaatay Muqdisho waxaa lagu wadaa in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee qaata kaararka codeynta iyo sidoo kale in ay noqdaan kuwa ugu badan ee la diiwaan geliyo si Madaxtooyada Soomaaliya mar kale u guuleysato. Barnaamijkaan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga bilaabo magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar iyadoo sidoo kale qorshuhu yahay in la gaarsiiyo Dhuusamareeb oo xarun u ah Galmudug. Wali lama shaacin nuuca doorasho ee ka dhici doonta Soomaaliya balse waxaa la filayaa in ay laba mid noqoto kuwaas oo kala ah. In loo codeeyo qof iyo cod islamarkaana laga codeeyo magaalooyin cayiman oo laga diiwaan geliyo dhowr kun oo qof magaaladiiba. Iyo in la kordhiyo tiradii hore ee 51-da qof lana gaarsiiyo 250 qof kuwaas oo soo daarta Baarlamaanka kadibna Baarlamaanka ay doortaan Madaxweynaha balse qodobkaan waa adagtahay sida lagu qaato. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa u harsan 18 bil oo kaliya walina ma cada nuuca doorasho oo ka dhici doonto Soomaaliya waxaayna dad badan ay qabaan in aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho waqtigeeda lagu qabto. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu waqtigeeda ka dhinaa 2 sano waxaa la shaaciyay nuuca doorasho ee ka dhici doonto Soomaaliya taas oo aheyd in xildhibaanada kusoo doortaan madaxweynaha 50+1 oo hadda lagu soo doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Halkaan ka daawo Lafta gareen oo xaday nashqadii Villa Somalia & duqeyn lagu diley saraakiil Shabaab ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
