-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgallada oo ahaa kuwa Milatari ayaa waxa ay ciidamadu kula wareegeen deegaanka Madax Gise oo dhaca duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al Shabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaankaasi, kadib iska hor imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada la wareegay deegaankaasi ayaa ka baxay fariisimo ay ku lahaayeen deegaanada Qalimow iyo Ceelka Geelow ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga oo aan la xariirnay ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan uu yahay mid Al Shabaab looga saarayo deegaanada gobolkaasi. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab howlgalladaasi iyo iska hor imaadka ka dhacay halkaasi. Dhinaca kale wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa waxaa la sheegay in dagaal toos ah labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay Madaafiic ku garaaceen Tuulada Raqayle oo hoostagta deegaankaasi, waxaana la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Bariire oo qiyaas ahaa 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Hase ahaatee waxaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya Al Shabaab oo wlei ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-30062019-sx.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulkan Puntland ayaa qaatay mid kamid ah go’aanadii ugu adkaa ee ka dhan ah maamulka Somaliland oo muddo badan raadinayo madax banaani. Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Puntland ayaa canshuur xad dhaaf ah kusoo rogtay badeecadaha laga keeno deegaanada Maamulka Somailand. War saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa lagu sheegay in badeecadaha daruuriga ah ee laga soo geliyo dhanka Somaliland lagu qaadi doono Canshuur 100%. War saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in waxyaabaha daruuriga ah ay kamid tahay Agabyada muhiimka u ah Nolosha dadka, Shidaalka Gadiidka iyo Gaaska Diyaaradaha. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in badeecadaha aan daruuriga aheyn laga qaadi doono canshuur 200% . Wasaaradda ayaa Badeecadaha aan daruuriga aheyn ku sheegtay inay kamid yihiin: Qalabka xafiisyada, guwa Guryaha iyo Qalabka Korontada. Waraaqdaan kasoo baxday Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxaa loo kala diray Madaxda Gobolada Karkaar, Sanaag iyo Sool kuwaas oo la faray inay fuliyaan amarka kasoo baxay Wasaaradda. Waraaqdaan Wasaaradda kasoo baxday ayaa waxaa ogeysiis ahaan loogu diray madaxtooyada Puntland, Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xisaabiyaha guud ee Maamulkaas. Go’aankaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa kusoo aadayo kadib markii Somaliland ay canshuur dhaaf xoog leh u sameysay Konteenarada kasoo dago Dekadda Berbera oo ay qaarkood leeyihiin ganacsato kasoo jeedo Puntland oo halkaas ganacsigooda kasoo dajista. Puntland ayaa ka cabsatay canshuur dhaafka ay Somailand u sameysay ganacstada wax kasoo dajista Dekadda Berbera inuu saameyn ku yeesho wax soo saarka Dekadda Boosaaso inkastoo aysan Dekadda Boosaaso laheyn Qeybta Konteenarada. Canshuur dhaafka ay sameysay Somaliland ayaa buuq iyo khilaafka dhex abuuray ganacstada reer Puntland oo qaarkood ay go’aan ku gaareen inay Dekadda Berbera u wareegaan, waana go’aanka keenay inay Puntland canshuur xad dhaaf ah kusoo rogto ganacsiga kasoo galo dhanka Somaliland. Go’aankaan ayaa laga yaabaa inuu sare usii qaado xiisadda ka dhaxeyso labada maamul iyadoo maalmihii dambe ay saraakiil badan kasoo goosteen Maamulka Somaliand kuwaas oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey Garoowe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb galay maalinta caalamiga ah ee Yoogada oo ah jimicsi fudud inta badana maanta laga xusayo dunida. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo uu weheliyo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra ayaa kala qeyb galay munaasibadda maalinta caalamiga ah ee Yoogada dhallinyaro ciyaaraysa jimicsiga fudud ee ciyaartaasi, waxaa lagu qabtay garoonka cagaaran ee Chief oo ku yaalla xaafadda Kowda Ogos ee caasimadda Garoowe. Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey in la taageera jimicsiga ka qayb qaadanaya caafimaadka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada. “Runtii Jimicsiga noocaan ah dalku aad buu ugu baahan yahay, nolosha Soomaalidu waxay u badan tahay fadhi iyo socod, dhaqamada Caafimaadka ku saabsan in aan horumarino aad bay muhiim u tahay, hadda ka dibna idinka macalimiin noqon doona”. “Waan soo dhowaynayaa safiirka iyo wafdiga la socda iyo maalinta caalamiga ah ee Yoogada, tani waxay astaan u tahay wanaajinta xiriirka ay Hindiya la leedahay Soomaaliya, in dhaqanka wanaagsan ee caalamka la soo minguuriyo aad bay muhiim u tahay, wixii nolosheena faa’iidada u leh, dhaqamada xun xuna aan ka dheeraano”Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka Qaybgalay Munaasibadda Maalinta Caalamiga Ah ee Yoogada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa maanta gelinka dambe waxaa lagu wadaa inuu soo gaaro Magalada Muqdisho. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay heshiis ku gaareen Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, taasi oo ku aadan in doorasho laga qabto deegaanada Maamulka Galmduug, si ay dhibaatada kaga baxaan shacabka ku nool reer Galmudug. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho uu kulamo la qaada doono madaxda dowladda Federaalka. Xaaf ayaa la filayaa inuu dowladda Soomaaliya kala hadlo fulinta ballamihii la galay, oo ay ugu horeyso inuu qaato lacagtii ay dowladda Soomaaliya kula heshiisay in la siiyo si uu doorasho u qabto. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa kulan ay ku qaateen Magaalada Cadaado lagu kala saxiixday heshiisyo aan saxaafadda lala wadaagin. Heshiisyadii la kala saxiixday ayaa waxaa kamid ahaa inuu Xaaf yimaado Muqdisho isla markaasna uu la fariisto madaxda ugu sareeyo dalka si loo dhameystiro heshiiska labada dhinac. Madaxweyne Xaaf ayaa dhawaan sheegay inuu hal sano tagin Muqdisho iyo gurigiisa halkaas ku yaalay taasina ay sabab u aheyd khilaafka kala dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda u muuqdo in xal laga gaaray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Jugta Qarax Xoogan ayaa waxaa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha. Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan,isla markaana waxaa la dhigay kasoo horjeedka Xarunta Dahabshiiil ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi uu ku qarxay. Inta la xaqiijiyay haweeney ayey ku geeriyooray taasoo saarneyd Bajaaj meel u dhow gaariga mareysay. Sidoo kale waxaa qarax ku dhaawacmay laba qof oo kale, waxaana goobta gaaray Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya. Dhaawacyadda ayaa lasoo qaaday Isbitaal, waxaana hadda halkaasi howlgallo ka wadda Ciidanka Booliska. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana dib usoo noqday dhaq dhaqaaqa suuqa oo daqiiqado xayirnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somali police have arrested a man in connection with the murder of a woman in Mogadishu. Speaking to the media, Somali police deputy chief, Zakiya Hussein said they detained a man suspected to be involved in the killing of Suleka Yussuf Ahmed. According to the commissioner, the police launch investigation into the murder which took place at Amir Hotel in Mogadishu mid this week. The police identified the suspect as Bashir Abdirisack Mohamed. “Somali police especially the department of the CID has succeeded to arrest a person of interest Bashir Abdirisack Mohamed suspected to have killed late Suleka Yussuf Ahmed,” the commissioner said. According to reports, the man arrested is said to have a relationship with the victim. It is yet unclear the motive behind the killing of this woman. Suleka, 28, was said to have completed her secondary education and was planning to pursue further education. She is a widow and mother of four children from the late husband who was killed by al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo iibi geynta xirmooyinka Shidaalka ee Soomaaliya. Wasiirka Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inaysan dowladda Soomaaliya we helin shirkado ka ogolaada in ay qaataan xirmooyinka shidaalka ee la hubiyey in dalka leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay inaysan weli wax shirkad ah helin balse ay weli wasaaradda iyo dowladda ay wadaan halgan ku aadan sidii loo suuq geyn lahaa Xirmooyinka shidaalka ee laga helay Soomaaliya. Wuxuu sheegay wasiirka inay suuq u raadinayaan 50 Milyan oo Fuusto Saliid ah oo la ogaaday inuu dalka Soomaaliya heysto isla markaasna ay socoto ololaah suuq geynta. Qeyb kamid ah fuustooyinkaasi ayaa waxay ku jiraan dhanka ay muranka gelisay Kenya taasi oo dacwadeeda ay haatan hortaalo Maxkamada Cadaalada Aduunka. Balse “annga ayaase leh,” ayuu wasiirku yiri. “Maya,” ayuu mar kale ku jawaabay markii la waydiiyey hadii ay dowladda heshay shirkado qaata xirmooyinkaasi. Isaga raaciyey “Waxaan rajeynayaa in aan heli doono, maadaama ay heshiisyo cusub gelnay”. Wasiirka ayaa xusay inay jiraan shirkado ay Dowladda Soomaaliya habi fiican ka qabto inay iibsadaan xirmooyinka shidaalka, wuxuuna sheegay inay kamid yihiin Shell iyo Exxon Mobil kuwaasi qeyb kamida xirmooyinka ay siisey dowladii kacaanka. Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waqtiga ay qaadan karto in shirkadahaan iyo kuwa kale lagu qanciyo inay iibsadaan xirmooyinka Shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhiogay Shirkii ka dhacay Magaalada London Bishii February. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa ayaa waxa ay shaacisay inay xayiraadii ka qaaday TV-yada Eryal iyo Horyaal. Xukuumadda Somaliland oo ay hore u xayirtay labadan telefishan ee kala ah Eryal iyo Horyaal, balse waxa maalmihii u dambeeyay socday waanwaan la doonayay in lagu xaliyo arrintan, waxaana socday wada-hadalo u dhexeeyay xukuumadda iyo mulkiilayaasha labada Telefishan. Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA iyo Xarunta Xuquuqal Insaanka JSL ayaa hore u cambaareeyay xadhiga Telefishanada Horyaal iyo ERYAL waxa ay ku tilmaameen mid sharci darro ah oo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday. Source
-
Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland Xassan Shire Cabdi, ayaa canshuur laban-laab ah saaray badeecadaha ka yimaada maamulka Somaliland. Dikreeto Sabtidii shalay ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda, oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta Dakhliga gobollada Sool, sanaag iyo Karkaar ee Puntland, islamarkaana la ogaysiiyay xisaabiyaha guud ee Puntland, agaasimaha wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha, ayaa lagu amray in beecadaha daruuriga ah ee ka imaanaya Somaliland laga qaado canshuur dhammaystiran 100%. Beedacadaha aan daruuriga ahayn ee ka yimaada Somaliland, ayaa sidoo kale wasiirku amray in laga qaado-canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%, si loo yareeyo badeecadaha aan daruuriga ahayn eek a soo geliya dhanka Somaliland. Dikreetada wasiirka ayaa lagu caddeeyay in go’aankan loo qaatay, si loo ilaaliyo xuquuqda ganacsatada Puntland,loona yareeyo ganacsiga aan muhiimka ahayn ee Puntland kaga soo furmay dhinaca Somaliland. Halkaan hoose ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Puntland oo cansuur laba-jibbaaran saartay badeecadaha ka yimaada Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Somaliland: All Three Political Parties Gather For Discussions Representatives from the three Somaliland political parties, Kulmiye, Waddani and UCID met at the Gulaid Hotel conference centre in Hargeisa. The meeting which came about after a direct appeal to all parties by the Somaliland President, Muse Bihi Abdi, was held in order to find a way forward through the political impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local council elections slated for December, 12th, 2019. The main stumbling block between the parties is the composition of the current National Elections Commission, in which, Waddani, Somaliland’s main opposition party had refused to work with as it is currently constituted. The current commission’s mandate expires prior to the scheduled elections. Speaking to the media after the meeting, all the spokespersons for the parties, declared their satisfaction with the manner the talks were conducted and express their intentions to hold further discussions. All three parties have committed to the democratic process in Somaliland and are willing to participate in the upcoming elections, providing individual party concerns are resolved. Qarannews.com Qaran News
-
Isutagga Saxafiyinta Soomaaliyeed ee dhowaan ka guuray NUSOJ ayaa waxaa ay madax u doorteen ururka cusub ee Federation of Somali Journalists (FESOJ). Maxamed Ibraahim Nuur Macalimuu, oo horay madax uga ahaa NUSOJ, kana soo shaqeeyey goobo ay BBC-da ku jirto ayaa si aqlabiyad ah loogu doortay xogheyaha guud ee Isutagga Saxafiyinta Soomaaliyeed FESOJ kadib markii uu tanaasulay Amiin Yuusuf oo la tartamayey. Gudddoomiyaha FESOJ oo ay ku tartameen Maahir Jaamac Aadan, Abaadir Cabdqadir Cilmi, iyo Cali Ibrahim Qoobey, waxaa ku 60 cod ku guuleystay Abaadir Cabdqadir Cilmi halka Maahir Jaamac Aadan uu helay 16 cod iyo Qaabey oo aan waxbo helin. Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa ku guuleystay Muxyudin Xasan Maxamed, sida la sheegayo cidna kulama tartamin Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad waxaa ku tartamay Cabdfitax Xasan Faarax , Cumar Cayrdus Axmed, ninka hore ayaa waxaa uu helay 58 halka Caydaruus uu helay 17, 2 cod ayaa halaabay. Doorashada oo si hufan u dhacday, waxaa korjooge ka ahaa garsoore ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saciid Axmed. 77 saxafi oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa maalmahan ku shirayey Muqdisho, isaga oo shirkoodii guud ku badalay magaca ururka, kadibna doortay madax hoggaamin-doonta sanadaha soo socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Dubai)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xaaska Hoggaamiyaha Dubai, ahna Madaxweyne ku-xigeenka iyo Raysal-wasaaraha Imaaraadka Carabta ay ka baxsatay Imaaraadka Carabta, iyadoo doonaysa inay Magangalyo waydiisato dalalka Yurub. Madaxda Dawladda Imaaraadka Carabtu weli wax War kama soo saarin Xogta sheegaysa in Xaaska Hoggaamiyaha Dubai ay ka carartay Dalka. Amiirad Haya bint Hussein ayaa ka mid ahayd lix Xaas oo uu guursaday Sheekh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waxayna kaga carartay Wiil 7 Sano jir ah iyo Gabadh 11 jir ah oo ay isaga u dhashay, sida laga soo xigtay Daily Beast. Haya oo xilligan da’deedu tahay 45 Jir ayaa waxa dhalay Boqorkii Geeriyooday ee Dalka Jordan, boqor Xuseen. Xogtu waxay intaa ku daraysaa in Xaya bint Hussein ay u baxsatay Jarmalka, iyadoo hore u sii qaadatay Lacag gaadhaysa 40 Million dollar, si ay nolol cusub halkaa uga bilowdo. Markii ugu dambaysa ee la arko Haweenaydan ayaa ahayd bishii May ee sannadkan, xilligaasi oo ay Magangalyo ka codsatay Jarmalka, codsigaasi oo laga ogolaaday, sida ay ku warrantay Daily Beast. Berlin ayaa lagu eedeeyay inay diidday Codsi uga yimid Sheikh Maktoum, kaasi oo ahaa in Xaaskiisa dib loogu soo celiyo Dubai. Tallaabadaas ayaa keeni karta qalalaase diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex gala. Waxa la sheegay in xilligan ay Xaaska Sheikh Maktoum ay isku qarinayso goob qarsoodi ah oo ku taalla London. Akoonnadii ay ku lahayd Baraha Bulshada ayaan shaqaynayn illaa bishii February ee Sannadkan. Waxa la soo weriyey inay Haya raadinayso sidii ay iskaga furi lahayd Ninkeeda reer Boqor, kaasi oo ay is-guursadeen sannadkii 2004-tii. Source
-
(SLT-Garoowe)-Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Nugaal ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Saaka go’aan ka gaadhay kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo gaystay caasho ilyaas Aadan. Maxkamadda ayaa ku raacday xukunkii ay eedaysaneyaasha ku riday maxkamadda Darajada Koowaad, kaasi oo ahaa in Saddexda eedaysane dil toogasho ah lagu fuliyo. Maxkamadda Derajada koowaad ee Puntland ayaa hore Saddex Nin ugu xukuntay dil, ka dib markii lagu eedeeyay kufsiga iyo dilka loo geystay Caasha Ilyaas Aadan oo reer Gaalkacayo ahayd. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Toddobaadadii ugu dambeeyay waxaa si xooggan loo maqlayay idaacad kale oo laga hirgaliyay guddaha Somaliland, taas oo baahinaysa warar lidi ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland. Idaacadan ayaa ah Fm waxaanay taalaa magaalada Badhan iyadoo si toos ah ugu xidhiidhsan Radio Garoowe. Idaacaddan oo ay xaqiijiyeen jiritaankeeda dadka dagan deegaankaasi ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in ay baahiso warar lagu kala fogaynayo dadka halkaasi daga iyo xukumadda Somaliland. Wali ma jirto cid ka hadashay idaacadan oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland. Labadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxaa magaaladaasi Badhan ka talinayay Maamulka Garoowe. Dhinaca kale dadwaynaha ka taga dhanka Somaliland ayaa sheegay in ay cabsi wayni la soo daristay oo mararka qaar xataa gaadiidka ay wataan ka sii furaan Taarikada Somaliland. Geesta kale shacabkan ayaa qayb ka mid ahi sheegeen inay tabayaan dhagaysiga idaacadii waynayd ee qaranka Somaliland oo muddo dheer hawada ka maqan, taas ay ku fashilmeen xukuumadda tallada haysa ee hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Source
-
Maxkamadda racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa waxay maanta oo Axad ah xukun dil ah ku riddey Saddex qof oo ku eedeysnaa dilka iyo Kufsiga Caasha Ilyaas. Waxay maxkamaddu sheegtay in raggan kala ah C/fitaax C/raxmaan Warsame oo 34-sano jir ah, C/salaan C/raxmaan Warsame oo 24-sano jir ah, C/shakuur Maxamed Dige oo 43-sano jir ah lagu helay dambiga ay galeen, kuna raacday xukunkii maxkamadda Derajada Koowaad. Maxkamadda derajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa 12-kii bishii May 2019 ku riidey raggan xukun ah dil toogasho ah. Kiiskan ayaa aadi doona maxkamadda sare oo ugu dambeyn soo saari doonta go’aanka kama dambeysta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland, hase yeeshee Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Warbaahintu heshay ayaa xaqiijiyay in Wasiir Faratoon oo shalay ka soo degay Madaarka Hargeysa, kadib markii uu ka soo laabtay wada-hadalkii Fashilmay ee Somaliland iyo Soomaaliya ku ballansanaayeen inuu ka dhaco Nairobi uu warqad iscasilaada u gudbiyay Madaxweyne Muuse Biixi. Warku wuxuu intaa ku daray In iscasilaada Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland salka ku hayso canaan xoog badan oo uga tumi Madaxweynaha Somaliland oo ka biyo diiday kulan uu Wasiirku Nairobi kula yeeshay Wasiirrada ka soo jeeda beeshiisa ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Lama saadaalin karo in Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbalo iscasilaada iyo in loo diro ergo lad-qabaysa. Source
-
Popular Contributors
