-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha. Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal, Kuna magacaabay masuul cusub. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Muumin Muuse Ducaale; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay hubkii maalin kahor lagu bililiqeystay gudaha degmadaasi, kaas oo ka yimid dhinaca dalka Itooiya Agaasimaha amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Caabudwaaq Nasteex Cabdi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa garab istaag u muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu aanay ku dhiiran karin inay xoog kusoo weerarto. Nasteex ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay inay la timaado qorshe kale oo hubkaasi lagu maareyn karo, maadaama markii horeba sharci darro lagu keenay. “Maamulka degmo oo awood leh maleeshiyaad qabiil inta weeraraan ay hub ka qaadaan in aysan jirin ayaan aaminsanahay xitta dowladda dhexe ee Soomaaliya kuma dhiiran karto shacab meel dagan intay weerarto oo ay gumaado” ayuu wareysiga ku yiri Nasteex Cabdi. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay in la raadiyo farsamo aan gacan ka hadal hayn oo hubkaas lagu soo celin karo, ayada oo la adeegsanayo xeelad. “Arirntan waxay u baahan tahay farsamo ee ma ahan wax u baahan awood iyo in lagu xeel dheeraado” ayuu mar kale yiri Agaasimaha amniga iyo siyaasadda degmada Caabudwaaq. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in cidda u baahan in tallaabo laga qaado ay tahay tan hubka soo gelisay gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in markii horeba aan laga dalban Caabudwaaq. “Caabudwaaq lagama lahayn, mana dalban waa dareemi kartaa sharci darro ayuu ku socday, waxaana loo baahan yahay in sharciga la horgeeyo ciida soo gelisay” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda ka dhalatay hubka lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana dowladda dhexe oo ciidamo dheeraad ah u dirtay halkaas ay sheegtay inay ka go’an tahay in hubkaasi laga soo celiyo shacabka. The post Maamulka Caabudwaaq oo war culus kasoo saaray hubkii la bililiqeystay, lana saftay… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay hubkii lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay shacabka ku dhaqan gudaha degmada Caabudwaaq. Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubkaas, waxayna tilmaamtay inay ka imaan karto halis saameyn karta gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya. “Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa tilmaamtay inay ka digeyso halis ka dhalan karta hubkan oo ay xustay inay gaari karto waddamda dariska ah, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay ka dalbaday beesha caalamka inay dib eegis u sameysyo go’aankii cunaqabateynta huba looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore 2023-kii. Horay dowladda federaalka oo uga hadashay hubkan ayaa sheegtay inay dalka soo galiyeen ganacsato si sharci darro uga ganacsada hubka, kadibna ay ka war heleen ciidamada ammaanka, balse markii ay qabteen hubkaas ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan sidaasna lagu bililiqeystay. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, isla markaana ay tallaabi ka qaadi doonto cid kastaa oo ku lug yeelatay falkaasi. The post Somaliland oo dalab culus soo saartay kadib hubkii lagu dhacay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (HOL) — A government soldier and a civilian were killed in a landmine explosion at a restaurant in Beledweyne's Hawo Tako neighbourhood, specifically in the Guufaale area, on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Shil bas oo ka dhacay buuraleyda Andes ee dalka Peru ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi. shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa ku dhibtoonaya inay gaaraan goobta uu shilku ka dhacay buuraha qalafsan iyo isgaarsiin xumada xagga gaadiidka ah ayaana xaaladda sii cakiraya, taasoo keentay in si fudud lagu tagi waayo meesha ay musiibadu ka dhacday. Qoraal ay baraha bulshada ku daabacday wasaaradda guduhu ayaa lagu sheegay in booliska Peru ay wadeen hawl-gal baaritaan iyo sama-tabbixin isugu jira ka dib shilkii ka dhacay gobolka Ayacucho, oo ku yaal koonfurta-dhexe ee buuralayda Andes, sidoo kalena waxaa qoraalka lagu sheegay in 13 qof oo dhaawac ah ayaa laga soo badbaadiyay goobta shilku ka dhacay. Jhonny Rolando Valderrama oo ah madaxa qaybta ilaalinta waddooyinka Peru ayaa u sheegay idaacadda RPP in shilku uu ka dhacay waddada weyn ee Los Libertadores ee gobolka Ayacucho, kuwaas oo ku yaalla figta sare ee buuraleyda Andes. Baska oo ay saarnaayeen in ka badan 40 qof ayaa ku wajahnaa Ayacucho asagoo ka yimi caasimadda Lima, wuxuuna ku dhacay dhagax weyn oo ku dhow 200m am 656 cagood sida uu sheegay Valderrama, wayna adag tahay in la galo in kooxaha gurmadku ay goobta gaaraan, jidadka halkaas gala oo aad u liita awgood. Sawiro ay faafiyeen wakaaladaha wararka iyo warbaahinta gudaha Peru ayaa muujinaya bas waxyeelo soo gaartay oo dhinac u yaalla meel doog ah, qashinna uu daadsan yahay hereerihiisa. Waddooyinka mara dhulka buuraleyda ah ee Peru ayaa kamida kuwa ugu halista badan dunida, ayadoo ay shilalku si joogto ah ugu dhacaan, hayeeshee kumanaan dalxiiseyaal iyo dadka deegaanka isugu jira ayaa socdaal maalinle ah ku mara jidadkaas. Source: goobjoog.com
-
Five Al-Shabaab militants executed in Kismayo public square
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kismayo (HOL) — Five men affiliated with the militant group Al-Shabaab were executed by the Jubbaland Military Court on Tuesday morning in a public square in Kismayo. Source: Hiiraan Online -
NAIROBI, Kenya (HOL) — Embattled Dadaab Member of Parliament Farah Maalim presented himself before the National Cohesion and Integration Commission (NCIC) on Tuesday following a summons issued on July 10. The summons came in response to a viral video in which Maalim allegedly made inflammatory statements against Gen Z protestors involved in recent anti-tax demonstrations. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad badan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafada Xaawo Taako ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Laba qof ayaa goobta ku dhimatay oo uu mid kamid ah ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka kan kale uu ahaa qof shacab ah oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay. Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray haweeneydii maqaayadda lahayd oo la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgallo kooban, waxayna xireen waddada uu qaraxu ka dhacay, si ay u hubiyaan amniga goobta. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee sababay khasaaraha. Beledweyne ayaa waxaa horay sidaan oo kale qaraxyo uga gaysatay kooxda Al-Shabaab. Magaaladan ayaa waxa ay xudun u tahay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ku fiday gobollada kale e dalka. The post Faah-faahinta khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
-
Somali cultural hub in Toronto faces stiff local resistance
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
TORONTO, Canada (HOL) — Toronto's Somali community is facing major hurdles in their efforts to establish a cultural and recreational center in Etobicoke, as local residents and political figures express strong opposition to the proposed location in Buttonwood Park. The Somali Centre for Culture and Recreation (SCCR), envisioned as a vital hub for cultural exchange and community support, has become a focal point of controversy, reflecting broader issues of urban planning and community development. Source: Hiiraan Online -
Saaka xaalka ganacsiga Somaliland waa barigga dhexe. Sarifkii xadhkaha ayuu goostay oo $1 wuxu gaadhay 9600slsh. Shidaalkii na Berbera foostada Petrol ah $14 baa ku kordhay, waa hadii la helo ba. Maamulka soo qaban kari waayey raggii dalka keenay Appkii ‘Jiif oo.Jaq’ ee ummada lagu dhacay, miyaad ka filiysaa inay xal waara ka keeni karaan sarifka Waqda laga maamulo. 400slsh ayaa sarifka Waqda iyo Baanka u dhexeeya. Hadii $500,000 maalintii Waqda laga sarifto, waxay maalintii faaiidaan 200,000,000slsh. Xisaabta intaa leeg ee rag badani ka subkadaan, waxay ku korodhay maciishadeena. Cabdixakiim Shugri Jaamac Qaran News
-
U.S. intelligence recently detected an Iranian plot against former President Donald Trump, U.S. officials tell CBS News — although intelligence officials haven't found any ties between Saturday's failed attempt on Trump's life by 20-year-old shooter Thomas Matthew Crooks and any foreign or domestic accomplice. Source: Hiiraan Online
-
LONDON, United Kingdom (HOL) — Nadifa Mohamed, the celebrated Somali-British author, has been nominated for the 2024 Edinburgh TV Festival Award for Best Factual Presenter for her documentary "Britain's Human Zoos." The winners will be announced on August 22nd at the Edinburgh International Conference Centre (EICC). Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud. Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray. “Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan. Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay. “Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug. Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi. “Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka. The post GALMUDUG oo shaacisay waxa ay sameynayso kadib hubki lagu boobay Cabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay shil gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay. Wararka ayaa tilmaamaya in shilkaasi uu galay gaari Leyla Calaawi ah, oo ay leedahay shirkadda Safarada Al-ixsaan, kaasi oo shalay subax ka baxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kuna sii jeeday magaalada Qabri-dahar ee gobolka Qorraxeey (DDS). Inta la xaqiijiyay saddex qof oo uu ku jiro agaasime ku xigeenkii Maxjarada Puntland Maxamed Shire Cismaan Sayroon ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halkay ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof oo kale, kuwaasi oo u badan haween. PUNTLAND POST The post Agaasime ku xigeenkii Maxjarrada Puntland oo ku geeriyooday shil gaari appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray aya digniin culus kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Thabit ayaa ayaan darro ku tilmaaay in qaadistii cunaqabateyna hubka uu ka dhasho qulqulka hub sharci darro ah oo uu tilmaanay inuu halis ku yahay xasilloonida dalka. Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka uu ka yimid hubkan oo kasoo galay dhinaca Itoobiya isaga oo sheegay in xilligan aanu wax xariir ah nagala dhexeyn dalkaasi. “Qaadistii cunaqabateynta hubka ma ahayn in ay dhasho qulqul hub sharci darro oo halis ku ah xasilloonida iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, oo wiliba ay wararku sheegayaan in xadka Itoobiya ee Dowlad Gobolleedka Galmudug kasoo galay iyadoo wax xiriir ah uusan nagala dhexeyn Itoobiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Thabit Cabdi Maxamed. Duqii hore ee Muqdisho ayaa intaasi kadib farriin u diray saddex dhinac oo kala ah dowladda dhexe, Galmudug iyo baarlaamanka inay arrintaan jawaab ka keenaan, si loo ogaad cidda ka dambeystay halistaas ee hubka sharci darrada ah soo gelisay waddanka. “Waxay sharafdhac ku tahay dowladnimada, hagardaamineysaa hannaanka xakameynta hubka, waana in si daahfuran baaritaan rasmi ah loo sameeyaa, si gaar ah Dowladda Galmudug hay’addaha ay quseyso lana horkeenaa sharciga cidkasta oo ku lug leh jarriimadan qaran ee Soomaliya iyo GalMudug-ba la rabo in lagu sharaf dilo”. ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddiga Difaaca iyo Amniga ee BJFS waajib ayaa ka saaran in ay islaxisaabtan ku sameeyaan Laanta Fulinta ee DFS.” Hadalkan kasoo baxay Thabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad xoogan ay ka dhalatay hubkan oo u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, waxaana dowladda federaalka iyo Galmudug ay sheegeen inay ku dadaalayaan soo celinta hubkaasi. The post Thabit oo ka digay halista wixii ka dhacay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka gacanta u galay maleeshiiyo beeleedka degmada Caabudwaaq ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in qaadistii cunaqabataynta hubka Soomaaliya anay ahayn go’aan sax ah. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in saddexdii billood ee lasoo dhaafay ay kooxda Al Shabaab dowlada ka qabsatay hub tiro badan. “Sidoo kale, dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yidhi qoraalka. Qoraalku waxa kale oo lagu sheegay in xaalada hada soo cusboonaatay ay tahay mid digniin u diraysa wadamada jaarka la ah Soomaaliya, ayna muujinayso in go’aankii cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya aanu ahayn mid xikmad ku dhisan. Ugu danbayn, waxay Somaliland beesha caalamka ugu baaqaysa in dibu-qiimayn lagu sameeyo cunaqabataynta hubka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase kale ayaa lagu yidhi qoraalka. Maleeshiyo beeleed ayaa Isniintii gacanta ku dhigay laba baabuur oo hub ah degmada Caabudwaaq, dhaca hubka ayaa imanaysa kadib markii cunaqabatayntii 30 jirsatay ee hubka laga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore. Source
-
Dalka Kenya, salaasadii shalay waxaa mar kale dib u billaamay bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah. Degmada Kitengela, ee nawaaxiga koofureed ee magaalada Nairobi, booliska ayaa si xidhiidh ah rasaas ugu riday jihada boqollaal qof oo mudaaharaadayay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters. Dadka qaar ayaa iyaguna dhagxaan ku tuurayay booliska, halka kuwo kalana ay gubayeen taayarro. Wakaaladda wararka Rueters ayaa ku warrantay in deegaanka Kitengela lagu dilay qof ka mid ahaa dadki mudaaharaadka dhigayay. Hase yeeshee booliska oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaanan bixin wax jawaab ah. Bannaanbaxyada oo ay horboodayeen dhalinyaro ayaa marki hore ku billaamay si nabad ah, balse markii danbe isu baddalay rabsho, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joog ah. Dadka bannaanbaxa dhigayy ayaa ruxayay calanka Kenya kuna qeylinayay “Ruto ha dhaco!” Meelaha kale ee ay iskudhacyada booliska iyo kooxaha mudaaharaadka dhigayay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa, badhtamaha Nairobi, halkaas oo ay ciidanka booliska adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa. Wariyaasha ayaa sheegay in dhowr qof lagu dhaawacay isku hor-imaadyada booliska iyo bannaanbaxayaasha ee Nairobi. Bannaanbaxyo kuwan la mid ah oo Kenya ka dhacay bishi hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale. Dibadbixi shalay ayaa imanaya saddex todobaad kaddib markii uu madaxweynaha Kenya, William Ruto uu 26-ki June ka laabtay qorshihiisii cashuur kordhinta qaran. Source
-
In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Israa’iil salaasadii shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo badhtamaha Gaza. Meelaha ay ciidanka Israa’iil gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Israa’iil u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan. Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa salaasadii shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi. Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof. Duqeymo kale oo Isniintii iyo salaasadii ay Israa’iil ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee badhtamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay. Saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah. Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Israa’iil dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen. Israa’iil ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas. Hase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay gadhwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Source