Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. PM Barre, speaking at an event to present the achievements of the country’s financial management, noted that Somalia today has a strong, modern and reliable system, which has led to the forgiveness of its debt, and is leading to change in terms of financial and real development. Source: Hiiraan Online
  2. Gaza (Caasimada Online) — Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn lagu garaacay deegaanka Al-Mawasi ee Khan Yuunis “in lagu bar-tilmaameedsaday Mohammed Dayf,” oo ah taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, kuwa kalena waa lagu dhaawacay xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay bartilmaansadeen Mohammed al-Dayf iyo Rafex Salama, kuwaasi oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kuwii lahaa qorshayaashii weerarkii 7-dii October. Warka ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in duqeynta ay ka fuliyeen goob xiran oo ay maamulaan Xamaas, halkaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen Xamaas oo kaliya balse aysan jirin shacab ah. “Ma jirto wax xaqiijin ah oo sheegaya in hoggaamiyaha ka tirsan Xamaas Mohammed Dayf lagu dilay duqeynta ka dhacday koonfurta Qasa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id qabtay. Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in “eedaynta Israa’iil inay tahay isku day ay ku qarinayso baaxadda xasuuqii foosha xumaa.” Kooxda ayaa ku tilmaantay duqeynta Al-Mawaasi mid aad u fool xun. Waa kuma Maxamed Al-Dayf Maxamed Dayib Almasri, waa Falastiini ku dhashay Qasa sanadkii 1965-tii intii agaas ay gacanta ku hayeen Masar. Qoyskiisa ayaa ahaa qaxooti sanadkii 1948-dii ka soo barakacay tuulada Al-Qubeyba una guuray Qasa, halkaasoo uu ku soo koray xerada qaxootiga Khan Yuunis, wuxuuna ku sugnaa halkaas noloshiisa oo dhan. Wuxuu ka soo jeeedaa qoys sabool ah, waxaana uu kala shaqayn jiray aabihiis samaynta alababta guryaha. Waxa kale oo uu sameeyay beer lagu dhaqo digaagga oo uu kaga shaqayn jiray darawalnimo. Mararka qaar Dayf, waxaa uu joojin jiray waxbarashada si uu qoyskiisa ugu caawiyo baahiyaha asaasiga ah. Muxamed Al-Dayf, waxa lagu naanaysi jiray “Abu Khaled”, naanaystani waxay ka raacday markii uu door jilid ah ka qaatay mid ka mid ahaa riwaayadihii wakhtigii uu jaamacada ku jiray, taas oo ahayd ruwaayadii “The Clown”, taas oo uu ku jilay doorka “Abuu Khaled”. Sheekada riwaayada ayaa xambaarsanayd nin taariikh lahaa oo noolaa xilligii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta. Waxaa kale oo mararka qaar loogu yeeri jiray sarbeeb ahaan ‘Marti’ oo loola jeeday in qaab nololeedkiisa oo dhan ahaa mid guur guura si uu uga badbaado duqaymaa Israa’iil. Inkasta oo qoyskiisa ay faqri yihiin, Maxamed Al-Day, f aabihiis ayaa ku adkaystay in carruurtiisu ay waxbarasho helaan. Wuxuu shahaadada heerka kowaad ka qaatay jaamacada Islaamig aah ee Qasa, halkaas oo uu ku bartay cilmiga fiisigiska, kimisteriga iyo biology-ga. Wuxuu lahaa xiiso sarreeya oo dhank fanka ah intii uu jaamacada dhiganyey. Ku biiritaankiisii ururka Xamaas Al-Dayf, intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku milmay “fikir Islaami ah”, sidaa awgeed waxa uu ku biiray Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka mid ahaa hawl-wadeenadii ugu caansanaa ee wakhtigaas ka hawl-geli jiray Isbahaysiga Islaamka. Markii u ururka Xamaas asaasmay sanadkii 1987-dii, Al Dayf, kama laba labayn inuu ku biiro safkeeda hore. Maamulka Israa’iil ayaa xiray sannadkii 1989-kii, waxaana uu 16 bilood ku qaatay xabsiga isagoo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaan jiray ciidamada Xamaas. Intii uu xabsiga ku jiray xilligaas, Al-Dayf, waxa uu Zakaria Al-Shorbagy iyo Salah Shehadeh kula heshiiyey in la sameeyo dhaqdhaqaaq ka gooni ah Xamaas oo ujeeddadiisu ahayd “qabsashada askarta gumaysiga ,” waxayna ahayd guutada Izz ad-Din al-Qassam. Markii xabsiga laga sii daayey Dayf, waxaa bilowday dhismaha guutooyinka Izzaadiin Al_Qassam oo u dhismay qaab ciidan ah. Ka dib, Al-Dayf, waxa uu u guuray Daanta Galbeed isaga iyo tiro ka mid ah madaxda guutooyinka Qassam ee Marinka Qasa, waxaanu ku sugnaa in muddo ah, halkaas oo uu ku kormeeray samaynta laan ka mid ah guutooyinka Qassam ee Daanta Galbeed, waxaanu noqday Hogaamiyeheedii ka dib dilkii Imad Caql 1993kii. Sannadkii 2000, bilawgiisii maamulka Falastiin ayaa xidhay Mohammed Daif, laakiin wuu baxsaday ama waa la sii daayay wax yar ka dib, sida ay sheegtay Wakaaladda AFP. Sannadkii 2002-dii, Al-Dayf, waxa uu noqday taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, ka dib markii taliyihii isaga ka horreeyay ee Salah Shehadeh lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay. Sannadkii 2015-kii, Al-Dayf, ayaa lagu daray liiska Maraykanka ee “argagixisada caalamiga ah”, waxaana bishii December ee la soo dhaafay sidoo kale lagu daray liiska argagixisada Midowga Yurub. Ninkan ayaa leh taariikh ciidan oo aad u dheer, taasoo soo bilaabatay 1980-meeyadii. Muddo ku dhow 30 sano, ninkan ayaa ka qaybqaatay dhawr hawlgal oo militari oo ka dhan ahaa Israa’iil, oo uu ka bilaabay afduubka askarta iyo weerarrada gantaalaha, waxaana ugu danbeeyey weerarkii 7-dii Oktoobar. Tan iyo intii uu la waregay guutada ciidamada ee ka tirsan garabka militari ee Xamasa y, Maxamed Dayf, waxaa lagu tiriyaa inuu naqshadeyey hubka ugu caansan ee Xamaas sida gantaalka Qassam, iyo shabakada diyaarisa gododka dhulka hoostiisa ee Qasa. Godadkan ayaa ah halka la rumeysan yahay in ninkan uu ku qaato inta badan waqtigiisa, isaga oo ka dhuumanaya militariga Israa’iil, isla markaana ka hagaya hawlgalada Xamaas. Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Xamaas, ayaa sheegtay in ninkan uu leeyahay sifooyin ay ka mid yihiin go’aan qaadasho , taxadar, xeelado gaara. Al-Dayf oo tobannaan sano ay Israa’iil ku raad joogtay ayaa waxa u suurta-gashay in uu ka badbaado todobo isku day dil oo isaga lagu bartilmaameesaday kuwaas oo la fuliyay sannadihii 2001,2002,2003,2006,2014 iyo 2021,markii Israa’iil ay isku dayday in ay disho laba jeer. Balse kii ugu darnaa ee la isku dayey in lagu dilo ayaa dhacay sanadkii 2022-kii kaas oo Dayf, u si mucjiso lahayd uga badbaaday. Weerarkaas waxaa la sheegay inuu ku waayey mid ka mida indhihisa iyadoo Israa’iilna ay sheegtay inu sidoo kale lug ku waayey. Isha: BBC The post Maxamed Al-Dayf: Ninka sida weyn u raadiso Israel oo la bartilmaameedsaday appeared first on Caasimada Online.
  3. ABU DHABI, 15th July, 2024 (WAM) – The UAE has strongly condemned the terrorist attack in Somalia’s capital, Mogadishu, which resulted in a number of deaths and injuries to innocent people. In a statement, the Ministry of Foreign Affairs (MoFA) affirmed that the UAE expresses its strong condemnation of these criminal acts and its permanent rejection of all forms of violence and terrorism aimed at undermining security and stability in contravention of international law. The Ministry expressed its sincere condolences and sympathy to the government and people of the Federal Republic of Somalia, and to the families of the victims of this heinous crime, as well as its wishes for a speedy recovery for all the injured. Source: Hiiraan Online
  4. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Shacabka iyo maleeshiyaadka hubeysan ee degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa bililiqeystay hubkii ugu badnaa oo dhanka Itoobiya laga soo geliyey deegaanada Galmudug, kadib markii ay jidka u istaageen gaadiidkii waday. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ugu yaraan 3 gaari oo nooca xamuulka qaada ah ayaa lagu waday hubkaas, waxaana laga keenay gudaha dalka Itoobiya. Si rasmi ah looma oga cidda iska leh hubkaas, balse xogaha hoose ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegayaan in siyaasiyiin reer Galmudug ay soo iibsadeen, isla markaana ay doonayeen inay geystaan Dhuusamareeb oo doorashada soo socota ee Galmudug ay ku boobaan. Ragga hubkaas iska leh oo dhowr group ah, waxaa la sheegay inay u badan yihiin kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana hubkaan gudaha Itoobiya ka soo iibiyey Kulane Jiis oo ka mid ah xildhibaanadii kuraasta soo boobay, sida ay noo xaqiijiyeen xubno xog ogaal ah. Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ee qeybta Galmudug ayaa hubkaas u diray ciidan ka soo gudbiya deegaanada u dhaxeeya Dhuusamareeb ilaa xaduuda Itoobiya, balse maleeshiyaad aad u hubeysan ayaa u galay duleedka Caabudwaaq, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday ciidankii hubka gelbinayey ee NISA. Askar badan ayaa laga dilay ciidanka NISA ee gelbinayey gaadiidkii hubka siday, waxaana maleeshiyaadkii u suurtagashay inay la wareegaan gaadiidkii hubka ka keenay dhanka Itoobiya, intaas kadibna waxaa bilaabatay bililiqo culus. Hubkii uu siday gaadiidkaas ee ciidanka NISA ay gelbinayeen oo u badnaa AK47, BKM, Dhashiike iyo Bistoolado ayaa gacanta u galay maleeshiyaadka, kuwaas oo muuqaalo iska soo duubay iyagoo hubka kala boobaya, isla markaana ula firxanaya dhanka magaalada. Xogaha ay Caasimada Online heleyso waxay intaas ku darayaan in dowladda federaalka aysan waxba kala socon hubkaas laga soo daabulay gudaha dalka Itoobiya ee galabta lagu bililiqeystay duleedka Caabudwaaq. Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa caawa loo heystaa sababta uu ciidan soo gudbiya ugu diray hubkaas, si gudaha dalka loo soo geliyo, isagoo aan la wadaagin Taliska guud ee hey’adda NISA, Taliyaha oo lagu magacaabo Feysal Caanood wuxuu ka soo jeedaa isla Caabudwaaq. Xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa caawa kacsan, inta badan dadka ku nool degmadaas waxaa gacanta u galay hub aad u badan, waxaana Caabudwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ka taagan colaado qabaa’il, xitaa beesha Mareexaan ee degta Caabudwaaq ayaa jifo-jifo u dirirta. Dhinaca kale, Dhuusamareeb oo ay joogaan siyaasiyiintii loo waday hubkaas ayuu caawa ka taagan yahay guux badan oo siyaasadeed, wararka soo baxaya waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor iyo musharax Liibaan Shuluq ay wax ka ogyihiin hubkaas laga keenay Itoobiya ee loo soo waday Dhuusamareeb, balse lagu dhacay Caabudwaaq. Ma jiro hal siyaasi oo ku dhiiran kara in milkiyadda hubkaas uu sheegto, waxayna caawa xaaladu ku cakiran tahay ragii lahaa hubkaas oo ku cayrtoobay, halka sarkaalkii ugu sareeyey NISA ee wax ka ogaa ay DF u heysato sababta uu u qariyey xogta hubkaas ee hadana uu ciidan soo gelbiya ugu diray. The post Xog xasaasi ah: Hub laga keenay Itoobiya oo lagu bililiqeystay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  5. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ku eedaysnaa in aybka tirsan yihiim maleeshiyaadka Al-shabaab. Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaasi horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xili ay qeyb ka ahaayeen waxa Khawaarijta ay ugu yeeraan madax jabiska. Gacan kudhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Abuukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xasan ay iyaguna si wadajir ah u fuliyeen dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geeddi. Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali oo warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa sheegay in cid kasta oo macna darro ku disha qof kale caddaaladda la hor geyn doono. PUNTLAND POST The post Shan ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu toogtay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  6. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in J.D. Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio, uu noqon doono madaxweyne ku xigeenkiisa, haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadkaan. “Ka madaxweyne ku xigeen, J.D. wuxuu sii wadi doonaa inuu u dagaallamo dastuurkeenna, wuxuu garab istaagi doonaa ciidamadeenna,” ayuu yiri Trump oo markale u ordaya xilka u sareeya Mareykanka. Waxa uu intaas kusii daray “J.D Vance wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu kari karo si uu iiga caawiyo in aan Ameerika mar kale ka dhigto mid weyn.” Vance, oo 39 jir ah, ayaa mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadkii 2016-kii marki uu Trump u tartamayay doorashadi uu ku guuleystay, wuxuu Vance kamid ahaa dadkii mucaaridksanaa, hase yeeshee wixii markaasi ka danbeeyay wuxuu kamid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump. Waxyar kaddib marki uu Trump ku dhawaaqay in JD Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka socdo shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabadh asal ahaan kasoo jeeda Hindiya. J.D. Vance ayaa ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu kamid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq. Wuxuu markii danbe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadkii 2020-kii. Isaga oo sannadki 2022-kii loo doortay mudane ka tirsan Golaha Senatka Mareykanka oo uu kasoo galay gobolka Ohio. The post TRUMP oo ku dhowaaqay madaxweyne ku-xigeenkiisa – Waa kuma shaqsiga uu xushay? appeared first on Caasimada Online.
  7. Musharrax Madaxweyne Trump ayaa sida la sugayay wuxuu soo bandhigay cidda Madaxweyne ku-xigeen u noqon doonta haddii uu doorashada November ku guuleysto. Waxaa jirtay in dhawr xubnood oo ay madow ku jireen loo saadaalinayay jagadaasi, balse wuxuu magacaabay inuu xilka Madaxweyne ku-xigeenka uu qabanayo JD Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio. Vance, waa 39 jir ah, wuxuu mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadki 2016-kii markii uu Trump u tartamayay doorashadii uu ku guuleystay, wuxuu Vance ka mid ahaa dadkii aadka u diiddanaa, hase yeeshee wixii markaa ka dambeeyay wuxuu ka mid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump. Waxyar kaddib markii uu Trump ku dhawaaqay in DJ Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka lagu qabtay shirweynaha xisbiga Jamhuuriga oo ka dhacay magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabar asal ahaan kasoo jeeda Hindiya. Vance, wuxuu ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu ka mid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq.Wuxuu markii dambe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadkii 2020-kii. PUNTLAND POST The post Musharrax Madaxweyne Trump oo soo bandhigay cidda u noqonaysa Madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ka soo saartay dagaal galabta lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud, gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeya deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne, halkaas oo lagu weeraray Shabaab is uruursanayey. Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta DF: In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaasha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud. Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah, waxaana howlgalku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas. Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naftooda la baxsadaan. Dhanka kale, maalmihii ugu danbeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed waxay cadowga jab xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka kuwaas oo hadda shacabka ku nool ay gaartay neecawda dowladnimada. Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeena, dadkeena iyo diinteena. The post DF oo war rasmi ah ka soo saartay khasaaraha dagaal maanta lagu laayey Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa howl-gal ka dhan ah Kooxda Alshabaab ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Howl-galka waxay Ciidanku ku burburiyeen goobo ay xubno Alshabaab ahi ku sugnaayeen, islamarkaana ku qoran jireen dhalinyarada ay askarta ka dhiganayaan sida lagu sheegay war ay baahisay warbaahinta dawladdu. Taliyaha Guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Dhamme Axmed Sheekh Cabdiraxmaan oo hogaaminayay howlgalka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in howl-galka lagu burburiyay goobo ay Alshabaab xarumo ku lahaayeen, isla markaana ay ku sii raad-joogaan xubno kale oo aaggaas ku sugan. Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ay ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku wadaan ayaa kordhay bilihii la soo dhaafay, ayadoo uu gulufku ka socda Koonfur Galbeed, Jubbland, Hirshabelle, iyo Galmudug. Source: goobjoog.com
  10. Kulan ballaaran oo ay soo agaasintay Waaxda Maalgashiga ee Wasaaradda Qorsheynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ah Kulankii ugu horeeyay ee Madasha Isbahaysiga Horumarinta, oo ah madal lagu soo nooleeynayo suuqyada muhiimka ah, ayadoo oo la adeegsanayo maalgashi ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasadda furitaanka ayaa waxaa isugu yimid hay’adaha dowladda ee ka tirsan isbahaysigan iyo Iskaashatada Warshadaha Soomaaliyeed. Waaxda Maalgashiga ayaa ugu talagashay Madasha Isbahaysiga Horumarinta in lagu dardargeliyo koboca dhaqaalaha ee ay hogaaminayaan ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo ay dowladdu fududeyneyso hab iskaashi oo aan cidna ka tageynin. Maalgashiga warshadaha waa mid ka mid ah meelaha mudnaanta leh. Wakiillo ka socday Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Ganacsiga, Shaqada, Amniga Gudaha iyo sidoo kale guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa madasha ka qayb galay. Dhinacyadu waxay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan wada shaqaynta iyo iskaashiga. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale o oculus, wuxuuna shaqada ka joojiyey oo baaritaan u diray Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Daahir Cabdulle Raage, talaabadaan ayaa salka ku heysa weerarkii ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe maalin ka hor. Taliyaha ayaa Xabsiga Dhexe si ku meel gaar ah ugu magacaabay sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed, Sidoo kale Taliska Asluubta ayaa ka tacsiyeeyey wixii dhacay 13-kii bishaan. Dhinaca kale, Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa magacaabay guddi baaris oo dhinacyo badan leh, kuwaas oo warbixin ka keeni doona sidii uu u dhacay weerarkii Xabsiga Dhexe. Guddiga baaritaanka kiiskaas loo xil-saaray waxaa guddoomiye looga dhigay Jeneraal Maxamed Xuseen Axmed, iyadoo ku xigeen looga dhigay G/Sare Xasan Kulmiye, dhamaan xubnaha guddigaan ayaa ah saraakiil ciidan. Saraakiisha soo baareysa kiiskaas ayaa ka kala tirsan Booliska, Asluubta iyo maxkamadaha ciidamada, waxaana bilaabatay barista kiiskaas oo ahaa mid aad looga argaagaxay khasaare badana geystay. Shan maxbuus oo kuwii weerarka fuliyey ah ayaa la dilay, halka ayaguna ay dileen 3 askar, sidoo kale waxaa dhaawacmay 18 maxbuus iyo 3 askari, xaaladda xabsiga ayaa qalqal gashay, muddo saacado ah. Ragga weerarka geystay dhamaantood waxay ku xukunaayeen dil toogasho ah, waxayna ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse waxay isku dayeen inay baxsadaan. Baaritaanka socda waxaa lagu ogaanayaa sidii ay hubka ku heleen ragaas oo ku xiraa qeybta dadka ku eedeysan denbiyada culus ama dil sugayaasha ah. Hoos ka daawo The post DF oo qaaday tallaabo culus la xiriirta weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar + Video appeared first on Caasimada Online.
  12. Dr. Kaan Devecioğlu: “Türkiye’s mediation efforts and investments in Somalia’s stability are valuable for long-term development and governance.” Dr. Kaan Devecioğlu is the Coordinator for North African Studies at Center for Middle Eastern Studies (ORSAM), He completed his PhD at Istanbul Medeniyet University, Department of International Relations, with his thesis on “U.S. – China Competition in the Bab-el-Mandeb Strait from the Perspective of Power Transition Theory (2011 – 2021)”. He conducted field research on sustainable development in North Africa and in Red Sea at Sudan, Tunisia, and Algeria. His research interests include politics, economy, security, and terrorism developments in Africa, with a special focus on Africa in Turkish foreign policy, the Bab-el-Mandeb Strait, Sudan, and the Sahel. His articles and book chapters have been published in peer-reviewed journals, and his analyses and opinions have appeared in the media and in many international publications. He coauthored Turkey showcases growing mediation role through Ethiopia-Somalia talks in The Africa Report magazine. Puntland Post interviewed Dr Kaan. Do the talks held in Türkiye convey the message that Ethiopia, in principle, respects the sovereignty of Somalia? Ethiopia’s participation in the talks held in Türkiye indicates a willingness to engage diplomatically and respect Somalia’s sovereignty. These discussions on neutral ground underscore the importance of open dialogue for resolving sensitive issues and highlight Ethiopia’s commitment to finding a mutually acceptable solution. However, it is also beneficial to assess this question from both Ethiopia’s and Somalia’s perspectives to better understand the issue. From Ethiopia’s viewpoint, under Prime Minister Abiy Ahmed’s administration, there is a need to establish engagement beyond Djibouti for access to the sea and to maintain balance in both domestic and regional politics. The Houthi threat has made it unavoidable for Ethiopia to seek alternatives to the Djibouti port. Additionally, Ethiopia’s rapprochement with Somalia is crucial in balancing relations with Egypt in the context of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). Despite the resolution of the Tigray crisis, Ethiopia still faces potential threats domestically. These parameters necessitate Ethiopia’s rational choice to negotiate with Somalia through the mediation of Türkiye, a country with which it has good relations. From Somalia’s perspective, engaging with Ethiopia is appealing in terms of counter-terrorism, regional stability, and economic gains from the Ethiopian market. Regional stability contributes to Somalia’s development and success in counter-terrorism efforts. Thus, Somalia, which has deepening relations with Türkiye, views dialogue with Ethiopia as a rational choice for regional stability. In conclusion, Ethiopia has not definitively promised to recognize Somaliland but has implied the possibility. Somaliland has used this implication to its advantage. Therefore, Ethiopia’s participation in the Ankara talks signals its acknowledgment of Somalia’s territorial integrity. How is Türkiye’s role contributing to the state-building initiatives in the Federal Republic of Somalia? As highlighted in your question, Türkiye’s multifaceted agreements with Somalia (economic, defense, educational) significantly contribute to Somalia’s state-building efforts. As a NATO member and a key international partner of Somalia, Türkiye provides critical support that enhances Somalia’s institutional capacity and infrastructure development. A pivotal moment was President Recep Tayyip Erdoğan’s visit to Somalia with his family in 2011 when he was Prime Minister. Since then, Türkiye has provided extensive support to Somalia, from infrastructure to addressing environmental issues and security. This background underscores that Türkiye’s mediation efforts and investments in Somalia’s stability are valuable for long-term development and governance. To what extent is the rules-based order effective in the Global South in tackling potential inter-state conflict over sovereignty issues? While the rules-based international order plays a significant role in managing inter-state conflicts over sovereignty issues in the Global South, its effectiveness faces various challenges. Many states in the Global South perceive this order as unequal and serving the interests of major powers. However, this order offers some key advantages. International organizations influence state behavior, promote cooperation, and reduce the risk of inter-state conflict. These organizations can coordinate international action for common benefit. Yet, the order’s effectiveness is threatened by shifts in global power dynamics and rising populist nationalism. Creating a more inclusive and representative international system, particularly increasing representation for regions like Africa in international institutions, is crucial for enhancing the fairness and effectiveness of the rules-based order. In this context, President Recep Tayyip Erdoğan’s assertion that “The world is bigger than five” reflects the growing sentiment that the current system is insufficient in addressing global challenges. The intense competition among global powers in sub-regions like Africa often triggers conflicts. Türkiye’s mediation between Ethiopia and Somalia in the Horn of Africa is significant. It demonstrates Türkiye’s lack of a hidden agenda in Africa and its role as a contributor to regional stability. Consequently, Türkiye is seen as a reliable actor by regional countries. Could the United Nations Security Council view Ethiopia’s potential annexation of a Somali coastal district to gain access to the sea as a global threat? Given the United States’ position as a dominant power in the international system, it is expected to take initiative in any international political dispute. Ethiopia’s potential annexation of a Somali coastal district would naturally be perceived as a significant global threat by the United Nations Security Council (UNSC). Such an action not only violates Somalia’s sovereignty but also poses a serious risk to regional stability. The UNSC, tasked with maintaining international peace and security, would likely view such an annexation attempt as a broader threat to global stability. Moreover, the UNSC has a crucial role in upholding international law and norms. Ethiopia’s annexation for sea access would constitute a violation of international law and set a negative precedent for other countries. This undermines trust in the rule of law internationally and could lead to similar violations elsewhere. The UNSC is expected to intervene in such situations to uphold international norms. Such an annexation would also negatively impact counter-terrorism operations in the region, complicating the security situation further. Therefore, it is critical for the international community, and particularly the UNSC, to take a strong stance against such violations. Why are major countries wary of supporting the maritime MoU between Ethiopia and the secessionist administration, Somaliland? Major countries in international politics are cautious about supporting the MoU between Ethiopia and Somaliland because it contradicts international norms regarding Somalia’s sovereignty and territorial integrity. Supporting such an agreement could further destabilize the region and undermine the legitimacy of internationally recognized borders established since the 1960s. Türkiye’s support for Somalia’s sovereignty aligns with these global norms and emphasizes the importance of maintaining established borders. © Puntland Post, 2024 The post An Interview with Dr. Kaan Devecioğlu on Somalia-Ethiopia Talks in Türkiye appeared first on Puntland Post.
  13. Mesegawaay (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee gobolka Galgaduud ayaa galabta Khawaarijta ku qaaday weerar culus oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Cawsweyne iyo Mesegawaay, waxaana dhacay dagaalkii ugu cuslaa. Muuqaal ay soo duubeen askarta dagaalka ku jirtay ayaa muujinaya in gacanta la isula tegay oo dagaal la isku riiqmay uu ka dhacay goobta, waxaana goobihii lagu dagaalamay la wareegay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka. Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi oo la hadlay TV-ga dowladda ayaa sheegay in tirada Shabaab-ka lagu dilay dagaalkii galabta uu kor u dhaafayo 50 xubnood. Taliyaha ayaa sheegay inay ka war-heleen in Shabaab ay isku uruursanayaan dhulka howdka ah ee bariga gobolka Galgaduud, isla markaana ay ku waadeen weerar culus. “Dhagarqabayaasha la dilay waxaa ka mid ah Horjooge Xuseen Cali oo ahaa nin caanka ah oo hoggaamiya jabhadaha, shartiisa maanta ayaan soo afjarnay, sidoo kale Horjooge Ayman oo ka mid ahaa dhagarqabayaasha dadka dhibay ayaa dhaawac culus ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidanka dhulka. Al-Shabaab oo galabta lagu jebiyey dagaalkii dhacay ayaa la sheegay inay u firxadeen dhanka deegaanka Cawsweyne ee gobolka Galgaduud. Xogaha madaxa-banaan ee Caasimada Online ay ka heshay dagaalkaas waxay sheegeysaa in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka dhaawacmeen 8 askari, kuwaas oo diyaarad ciidanka looga soo qaaday goobtii dagaalka. Waxaa aad u yaraa khasaraha gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, markii la eego kan gaaray Al-Shabaab oo halkaas uga cararay meydad tiro beel ah. Sidoo kale Taliyaha ciidanka dhulka ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maalintii labaad ka socda deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, wuxuuna sheegay in maanta lagu guuleystay in Shabaab dhanka galbeed loo dhaafiyo Wabiga Shabeelle. Hoos ka dhageyso wareysiga The post 50 Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaalkii ugu cuslaa oo galabta ka dhacay Galgaduud appeared first on Caasimada Online.
  14. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay xogta maaliyadda dalka ee 10-kii sanoo la soo dhaafay ayaa sheegay in canshuuraha ganacsada iyo dadweynahq Soomaaliyeed laga qaado 70% lagu bixiyo nabad-galyada dalk. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay wado qorshe wax looga qabanayo saameynta ay roobabku u geystaan jidadka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dadweynaha caasimaddu ay xaq u leeyihiin in wax loogu qabto lacagaha canshuurta ah ee laga qaado. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan uu ku dhawaaqay hannaan cusub oo canshuuraha wax kala iibsiga lagu qaadi doono, islamarkaana ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa lugaha la galay faddeexad horleh kadib markii ay soo baxday inuu siyaasadeeyay mashruuc muhiim u ah caasimadda. Mashruucan oo ah mid wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada Muqdisho si xal loogu helo saamaynta roobabka ku keenaan caasimadda ayuu maanta sheegay inay xukuumadda bilowday iyada oo ka duuleysa in shacabka Muqdisho dib loogu celiyo canshuurtooda. Mashruucan ayaa waxaa soo baxday in aysan wax dhaqaale ah uga baxeyn dowladda, oo uu yahay mashruuc deeq ah, waxaana lacagtiisa bixinayo Bangiga Adduunka, sida uu shaaciyay agaasimaha guud ee waaxda qorsheynta gobolka Banaadir. Agaasime Cabdiqaadir Dalxa ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid lagu marin-habaabinayo shacabka, islamarkaana aysan jirin lacag cayiman oo ay dowladda dhexe bixinayso oo ku aadan mashruucan, uuna yahay deeq Bangiga Adduunka. Wasiirka Maaliyadda oo tan iyo markii uu ku dhowaaqay in lasoo rogay canshuur cusub oo iibka, taas oo dhan 5%, lagana jaranayo lacagaha qofku ka diro Evc, eDahab iyo Wallet-yada ayaa la kulmayey dhalleeceyn xooggan, wuxuuna hadda lugaha la galay faddeexad horleh, maadaama uu siyaasadeeyay mashruuc deeq ah oo uuna ka been abuuray. Hoos ka aqriso qoraalka agaasimaha ku beeniyay sheegashada wasiirka maaliyadda Ma jecleyn in aan ka falceliyo warka Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda dhexe ee Fadaraalka balse Waxaa lagama maarmaan ah in aan ilaalino dhagaha dadkeena dagan Banaadir oo aan la marin habaabin. Wasiirka mashruuca uu sheegay ee biyo mareenada wax looga qabanayo waa DEEQ lacageed ee uu bixinayo Bank ga Adduunka (Somali Urban Resilience Project-SURP-PH2 under World Bank) qaabka mashaariicda ah ee lagu taageero Soomaaliya ee ma jirto lacag cayiman oo ay Dawladda dhexe bixinayso oo ka muuqato Miisaaniyadda 2024 balse waxa ay ugu jirtaa Miisaaniyadda Dawladda dhexe DEEQ bank ga Aduunka ah. Doodda dadka Muqdisho ay qabaan ayaa ah in lacagaha Canshuuraha faraha badan oo ay Dawladda dhexe ka aruuriso barriga magaalo madaxda (Inland tax- Ganacsiga, Guryaha iyo Gaadiidka) ay ka bixiso qoondo lacageed oo lagu celsho dadka Muqdisho waxna looga qabto Dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo shaqo abuurka. Marka Waxaan codsanaynaa in uu Wasiirka noo sheego qoondada miisaaniyadeed ee Canshuurta bariga oo ay Dawladda dhexe Ku celinayso Muqdisho maadama iyada laga aruuriyay oo aysan jirin magaalo kale oo Soomaaliya ah oo ay Dawladda dhexe Canshuur ka aruuriso. The post Wasiirka Maaliyadda oo lugaha la galay fadeexad hor leh kadib mashruuc uu… appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howl-gal culus ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka howdka ah ee kala qeybiya gobollada Baay iyo Bakool. Howl-galkan oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayey ciidanka ku bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yahaannada cusub, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka oo hoggaaminayay howl-galka. Sidoo kale waxaa howl-galka lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacabka ah ee mara wadooyinka isku xira gobollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab. Taliye Dhamme Axmed Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay inay kusii raad-joogaan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii socon doonaan howl-gallada. Laba maalin kahor ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray ciidanka iyo Al-Shabaab. Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuumaaleysi kusoo galay deegaanka Beerayabaal ee gobolkaasi, waxayna dowladda sheegtay in lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shabaab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka. The post Goobo kooxda Al-Shabaab ay ku qoranayeen dagaal-yahaano oo la bur-buriyay appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo. “Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay. Source: goobjoog.com
  18. Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayaa maanta ka billaabatay dalka Rwanda. Doorashada ayaa la filaya in uu si aqlabiyad leh xilka madaxweynaha ku guuleysto Paul Kagame, oo 24 sanno ee u dambeysay xilkaasi hayay. Kagame, ayaa doorasho kasta ku guuleysanayay tan iyo markii uu madaxweyne noqday 2000, isaga oo helayay in ka badan 90% codadka. Sannadkii 2017 waxa uu ku guulaystay 99%. Kagame, oo 66 jir ah, ayaa wajahaya labada musharax ee kaliya oo loo oggalaaday in ay tartamaan. Waxay musharaxiintaasi kala yihiin Frank Habineza iyo Philippe Mpayimana waxaase musharixiinta kale diiday guddiga doorashada. PUNTLAND POST The post Paul Kagame oo la filayo in uu mar kale ku guulaysto xilka Madaxweynaha dalka Rwanda appeared first on Puntland Post.
  19. Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan golaha Shacabku ay carqaladaynayaan, islamarkaana ay ku cayaarayaan shaqada golaha. Guddoomiyaha ayaa xusay in mudaneyaal magaalada Muqdisho ku sugani ay caadaysdeen inay fadhiyada golaha ka maqnaadaan, ayagoo caafimaad qaba, cudurdaarna aan lahayn, taas oo mararka qaar keenta in tirada loo baahanyahay markii xeer la ansixinayo ama arrin laga doodayo ay buuxsami wayso. Shiikh Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in xildhibaanadaas magacyadooda uu yeerin doono, islamarkaana tillaabada xeer hoosaadka goluhu qabo laga qaadi doono wuxii hadda ka dambeeya. Xubnaha golaha Shacabka oo kamida kuwa ugu mushaarka badan masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa qaarkood lagu eedeynayaa inay imaanshaha fadhiyada muhiimka ah ee Baarlamaanka dhayalsadaan oo aanay soo xaadirin. Guddoomiyaha oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri””Xildhibaanada Shaqadeena waxaa naga muuqato Daal badan,Xildhibaano Magaalo joogo ayaa ku ciyaarayo Baarlamaanka”, hadalkiisa ayaa imaanaya xilli kalfadhigii5-aad ee golaha la furay. Source: goobjoog.com
  20. 451243609_1208625380169002_4937937248753537744_n Qaran News
  21. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday. Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo. “Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”. Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay dib-u-casriyeynta hannaanka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Mogadishu (HOL) - The Al-Shabab militant group claimed responsibility for Sunday's suicide attack on a café in the Somali capital of Mogadishu, which killed nine people and wounded 20 others. Source: Hiiraan Online