Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 451243687_1516907422366934_3978612447472613229_n Qaran News
  2. Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xilli ay qeyb ka ahaayeen xubnaha dilalka qorshaysan u qaabilsan kooxda Alshabaab. Xubnaha dilka lagu fuliyay ayaa kamida tiro maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka, kuwaas oo loo haysta Alshabaabnimo, ayagoo falal amniga lid ku ah ka geystay gobollada iyo magaalooyinka dalka. Dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa isugu jira mid hibaysan oo ka socda furimaha hore, mid dhinaca caddaaladda ah oo lagu fuliyo xubnaha gacanta lagu soo dhigo, iyo olole dhanka hab fakarka ah. Source: goobjoog.com
  3. The area in Goojacadde where locals found ammunition, weapons and explosives last week. Laascaanood (PP News Desk) — On the outskirts of Laascaanood district, near the former military base of Gojacadde last week locals found a cache of weapons of different calibres, ammunition, thirteen anti-personnel and anti-vehicle mines and twenty hand grenades, eleven months after SSCK forces overran the base that housed more than 4,000 Somaliland Administration soldiers. The weapons and ammunition were loaded onto three mid-sized lorries. Shortly after locals found the weapons and ammunitions buried in Goojacadde barracks, more people, oblivious to the safety concerns, flocked to the site, hoping to find additional buried arms supplies. A former Somali lieutenant colonel told Puntland Post that Somaliland Administration forces were using Goojacadde as a temporary armoury between 2018 and 2023. “The area was off-limits to nomads and civilians and became the site to which Somaliland forces initially retreated to lay a six-month siege on Laascaanood in 2023. There may be landmines buried in the area. Authorities in Laascaanood should ask for humanitarian demining assistance. Several children died from wounds sustained from ammunitions they found. Mine awareness campaign is urgently needed,’ said the retired soldier. © Puntland Post 2024 The post Weapons and explosives discovery in Goojacadde alerts authorities to potential buried landmines appeared first on Puntland Post.
  4. Bayaanka Wadajirka ee Ankara (Joint Ankara Statement) ee ka soo baxay Shirkii Dowladda Turkiga ku martigelisay Magaalada Ankara, 1da Luulyo 2024, labo wafdi oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowladda Ethiopia si ay uga wada hadlaan, ugana heshiiyaan ku xadgudubka dowladda Ethiopia Gobannimada iyo Midnimo-dhuleedka Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya (JFS) wuxuu muujinaya: Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii habeen hore ka dhacay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay sirdoon iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Kooxda ayaa sheegtay in maqaayadda la bartilmaameedsaday ay ku caweeynayeen howl-waddeeno ka tirsan wasaaradaha, sirdoonka iyo ilaalada xarumaha muhiimka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraxa Al-Shabaab oo u muuqday is-xasuusin iyo inay muujiso in weli Muqdisho ka sameysan karto waxay rabto, maadaama ay bartilmaameedsatay goob ku taalla meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo, xilli ay bilihii u dambeeyay reer Muqdisho ka nasteen qaraxyada argagixisada. Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari ay kooxda ku soo rareen waxyaabaha qarxa, kaasi oo la dhigay banaanka maqaayadda, sida lagu ogaaday warbixinta hordhaca ah ee Booliska. Goobta la weeraray ayaa waxaa ciyaar ku daawaneysay qaar kamid ah dhalinyarada caasimadda. Waxaana weerarka uu sababay dhimashada illaa 5 qof iyo dhaawaca 20 kale oo dad shacab ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay talisa ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Markii laga soo tago khasaaraha soo gaaray dadkii ku sugnaa maqaayadda la weeraray, waxaa sidoo kale jira khasaare soo gaaray dadkii saarnaa gaadiid Mooto Bajaaj u badan oo marayey jidka, gaar ahaan laamiga isku xira isgoyska Shabeelle ee Daljirka iyo isgoyska Jubba. Si kastaba, halka uu qaraxani ka dhacay waa goobtii 2021 lagu qarxiyey Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, waxaana laga furay maqaayad cusub oo lagu magacaabo Top Coffee, taas oo xalay iyana la beegsaday. The post Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay qarixii Top Coffee appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 3.5 million waxaa dowladda Federalka uu ka helaa 15% oo kaliya dakhliga Dekedda ,halka 85% dakhliga guud ee dhammaan inta canshuur la qaado uu ku baxo dowladda Federalka ah oo aan ognahay iney matalaad u tahay Soomaali oo idil. Wasaaradda Maaliyaddu dakhli kama hesho maamulada kale sida: Puntland Somaliland Koofur Galbeed Jubbaland Hirshabeelle Galmudug Magaalada sidaas canshuurta u bixiso ma jirto wax adeeg ah oo bilaash oo dowladdu bixiso marki laga soo tago Jaamacadda Ummadda iyo Iskuulo waxbarsho oo dowli ah oo qaarkood si billaash lagu dhigto, gaar ahaan Dugsiyada hoose iyo dhexe. Intaas waxaa u sii dheer mashaariic ay Wasaaradda Maaliyaddu ka warheyso oo dakhligeeda ınta badan bannaanka lagu maamusho oo shirkado gaar ah maamulaan, iyadoo ay dowladda Federaalka ah ay leedahay ku dhawaad 6,000 oo shaqaale rayid ah, haddana howlaha canshurH ıyo adeegyadii ay laheyd waxaa qabta shirkado gaar loo leeyahay. Haddaba Wasaaraddu iyadoo gabtay wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa waxay rabtaa inay khaladkeeda ku qariso inay canshuur dul dhigto dadka reer Muqdisho oo kaliya. Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka waa in lagula xisaabtamo oo Maamulka Gobolka Banaadir qorsha cad ka yeeshaa sidii canshuurta loogu celin lahaa ugu yaraan 40% magaalada Caasimadda ah si bulshada degan u hesho adeeg dadweyne iyo Kaabayaal Dhaqaale oo heerkoodu sarreeyo, si canshuurta maalin walba joogtada loogu kordhiyo ay u bixin karaan. Sidoo kale Wasiirka waxaa laga rabaa inuu dadajiyo sharciga mideynta canshuuraha (Fiscal Federalism Law) taas oo fududeyneyso in dakhliga dowladda kordho ,adeegga dowladduna ugu baaho maamul goboleedyada, si gobol walba wixi uu keensado waxna laga siiyo waxna Federaalka lagu soo celiyo taas oo Muqdisho culeyska hadda saaran ka yareyn karta. Dhinaca kale khudbadii uu jeediyay Wasiirka Maaliyadda waxaa uu ku dooday inay dalalka deriska ah canshuurtooda gadista (VAT) ay qaadaan 16% iyo ka badan, isaguna uu 5% soo rogay, hase ahaatee waxaa uu Wasiirka indhaha ka qarsanayaa in dalalkaas canshuurta laga qaado loogu fuliyo adeegyo bulsho sida nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada, gaadiidka, waddooyin iyo ammaanka oo dadkooda sida ay rabaan iyo goorta ay rabaan shaqeysan karaan. Xamar jid ma leh jiiro kastaa waa god, luuq walba waxaa taallo isbaaro dowladeed ama mid ciidan oo lacag lagu rabo. Waxaa kale intaas dheer boqolkiiba shanta 5% ee la rabo in laga qaado ayaa kun jeer ka badan tan dalalkaas waayo 5% waxaa lagu dhuftaa waa dollar oo lama eka 16% oo Shilling Keyna ah ama birta Itoobiya ah, waayo lacag adag ayaa lagu dhuftay tan Soomaaliya. Laakiin Kenya waxaa loogu dhuftay lacagtooda Kenyan Shilings, waxaa halkaas ka muuqdo farqi aad u weyn, sidaas darteed waa in canshuurta wasaaradda soo rogtay ee iibka lagu qaado 5% Shilling Soomaali, taas indhaha waa laga qabsan karaa marka canshuur ahaan loo qaado Shilinka Soomaaliga oo aan culeys badan ku dareemeyn shacabka Muqdisho. W/Q: Abdiaziz Golfyare The post DF oo dhalleeceyn weyn kala kulmeysa tallaabo ay qaaday oo ku gaar ah reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  7. Mogadishu (HOL) - The Chief of the Somali Correctional Forces, Gen. Mahad Abdirahman Adan, suspended Somalia central prison chief Brigadier General Dahir Abdulle Rageh and initiated an investigation following a jailbreak attempt by militant inmates on July 13. Source: Hiiraan Online
  8. Guddiga doorashada Rwanda ayaa sheegay in doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Isniintii shalay uu ku guuleystay madaxweyne Paul Kagame. Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame, taasoo sii dheereyneysa xukunkiia 30 gu’jirsaday, ee dalkaasi dhaca Bariga Africa. Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay. Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa. Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July. Paul Kagame oo ah 66-jir ayaa soo xakumayay Rwanda tan iyo dhamaadki xasuuqi 1994-ki ee dalkaasi. Waxana uu ka mid yahay madaxda ugu waqtiga dheer Africa ee xilligaan. Dadka naqdiya siyaasaddiisa ayaa sheegay, in ay iska caddeyd natiijada doorashada ka hor inta aanan la aadin sanaadiiqda codadka, sababtoo ah, xakumadda Kagame ayaa u diidday in ay tartamaan, laba murashax oo ka mid ahaa kuwi ugu cadcaddaa mucaaridka Rwanda. Rwanda oo ka mid ah dalalka aanan badda laheyn ee Africa ayaa waxaa ku nool 14 milyan oo qof. Wuxuu ka mid yahay dalalka sida aadka ah u sii koraya ee Africa, waxana lagu tiriyaa dalalka ugu xasilloon uguna horumarsan Bariga Africa. Source
  9. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in duqeyn lagu garaacay deegaanka Al-Mawasi ee Khan Yuunis “in lagu bar-tilmaameedsaday Mohammed Dayf,” oo ah taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas. Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay tobaneeyo qof, kuwa kalena waa lagu dhaawacay xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta. Ciidamada Israa’iil ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay bartilmaansadeen Mohammed al-Dayf iyo Rafex Salama, kuwaasi oo ka mid ahaa sida ay sheegeen kuwii lahaa qorshayaashii weerarkii 7-dii October. Warka ka soo baxay ciidamada Israa’iil ayaa intaa ku daray in duqeynta ay ka fuliyeen goob xidhan oo ay maamulaan Xamaas, halkaas oo ay sheegeen inay ku sugnaayeen Xamaas oo kaliya balse ayna jirin shacab ah. “Ma jirto wax xaqiijin ah oo sheegaya in hoggaamiyaha ka tirsan Xamaas Mohammed Dayf lagu dilay duqeynta ka dhacday koonfurta Qasa,” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id qabtay. Xamaas ayaa dhankeeda sheegtay in “eedaynta Israa’iil inay tahay isku day ay ku qarinayso baaxadda xasuuqii foosha xumaa.” Kooxda ayaa ku tilmaantay duqeynta Al-Mawaasi mid aad u fool xun. Waa kuma Maxamed Al-Dayf Maxamed Dayib Almasri, waa Falastiini ku dhashay Qasa sanadkii 1965-tii intii agaas ay gacanta ku hayeen Masar. Qoyskiisa ayaa ahaa qaxooti sanadkii 1948-dii ka soo barakacay tuulada Al-Qubeyba una guuray Qasa, halkaasoo uu ku soo koray xerada qaxootiga Khan Yuunis, wuxuuna ku sugnaa halkaas noloshiisa oo dhan. Wuxuu ka soo jeeedaa qoys sabool ah, waxaana uu kala shaqayn jiray aabihiis samaynta alababta guryaha. Waxa kale oo uu sameeyay beer lagu dhaqo digaagga oo uu kaga shaqayn jiray darawalnimo. Mararka qaar Dayf, waxaa uu joojin jiray waxbarashada si uu qoyskiisa ugu caawiyo baahiyaha asaasiga ah. Muxamed Al-Dayf, waxa lagu naanaysi jiray “Abu Khaled”, naanaystani waxay ka raacday markii uu door jilid ah ka qaatay mid ka mid ahaa riwaayadihii wakhtigii uu jaamacada ku jiray, taas oo ahayd ruwaayadii “The Clown”, taas oo uu ku jilay doorka “Abuu Khaled”. Sheekada riwaayada ayaa xambaarsanayd nin taariikh lahaa oo noolaa xilligii Umawiyiinta iyo Cabbaasiyiinta. Waxaa kale oo mararka qaar loogu yeeri jiray sarbeeb ahaan ‘Marti’ oo loola jeeday in qaab nololeedkiisa oo dhan ahaa mid guur guura si uu uga badbaado duqaymaa Israa’iil. Inkasta oo qoyskiisa ay faqri yihiin, Maxamed Al-Day, f aabihiis ayaa ku adkaystay in carruurtiisu ay waxbarasho helaan. Wuxuu shahaadada heerka kowaad ka qaatay jaamacada Islaamig aah ee Qasa, halkaas oo uu ku bartay cilmiga fiisigiska, kimisteriga iyo biology-ga. Wuxuu lahaa xiiso sarreeya oo dhank fanka ah intii uu jaamacada dhiganyey. Ku biiritaankiisii ururka Xamaas Al-Dayf, intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa Jaamacadeed waxa uu ku milmay “fikir Islaami ah”, sidaa awgeed waxa uu ku biiray Ikhwaanul Muslimiinka oo uu ka mid ahaa hawl-wadeenadii ugu caansanaa ee wakhtigaas ka hawl-geli jiray Isbahaysiga Islaamka. Source
  10. Donald Trump ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka kala qeyb galaya ee xisbiga Jamhuuriga Senator-ka Ohio JD Vance. Ergada Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga (RNC) ayaa si rasmi ah u doortay Mr Vance, oo 39 jir ah, Isniintii ka dib markii Trump uu ku shaaciyay barahiisa bulshada . Mr Vance waa maalqabeen wax ku bartay Yale, waana qoraa filimkii loogu iibinta badnaa ee Hillbilly Elegy. Source
  11. Mogadishu (HOL) - At least 50 al-Shabab militants were killed in military operations conducted by Somali army forces, supported by local militia and international partners, in the Galgadud region over the last few days. Source: Hiiraan Online
  12. Markii aad marayso jidadka waaweyn ee magaalada ama aad ku sugantahay goobaha ay dadku ku badanyihiin waxaad arkaysaa carruur yar yar oo koonbada caseeya wata, islamarkaana ku oranaya” kabaha ma kuu hagaajiyaa?”. Sidoo kale waxaa kaa soo hor baxaya qaar kale oo lows iyo waxyaabo kale garabka ku sita ama gacanta ku wada, ayagoo kun shillin iyo wax ka sii yar ku iibinaya, haddana la lugaynaya oo magaalada gees iyo gees ku wareejinaya, qof kasta u soo bandhigaya si uu uga gato. Carruurta caynkaas ah markii aad muuqaalkooda eegto waxaa kaaga muuqanaya dacdarro iyo diin ay nafaqa darrada iyo nolosha adagi badeen, sidoo kale waxaad ku arkaysaa arad kabo la’aan iyo dhar xumo isugu jira oo ay intooda badani ka simanyihiin. Adigu degdeg ayaad ku dhaaftaa oo inta badan waxba kama iibsatid, il naxariis lehna kuma eegtid, balse ma is weydiisay cidda ay yihiin iyo ujeedada ay ka leeyihiin alaabaha yar yar oo ay maalintii oo dhan wareejintooda ku xiiqayaan. Anigaa ku barayee intooda badan waa agoon iyo kuwo qoysas danyar ah oo barakacayaal ah ka dhashay, islamarkaana dadaal ugu jira maareynta noloshooda aas-aasiga ah oo ay cuntada iyo biyuhu ugu horreeyaan, kuwaas oo haddii ay waayaan ay u dhiman karaan, cid kaloo bilaash ku siinaysaahina Alle ka sokow aysan jirin. Kama fakaraan waxbarashado, dhar qurxoon, caafimaad wanaagsan, iyo wixii lamid ah, balse maskaxdooda waxaa culays igu filan ka welwelidda wixii ay caawo ku cashayn lahaayeen, ama berito ay ku quraacan lahaayeen, wax intaas dhaafsiisanna heliddoodu uma fududa, rajo weyna kama qabaan. Habeenkii waxay ku buushash cooshada ka sameysan oo aan dhaxanta iyo dhumacda qorraxda midna si feecan uga celin karin, xilliyada roobkana nolol iyo geeri labada way Fishaan, maxaa yeelay gabaad ay ka galaan ma haystaan, daadadku inay qaadaanna way u nugulyihiin. Cuntadoodu waa hal waqti ama laba xilli oo cariiri ah, waxyaabaha nafaqada iyo duxda lehna ma awoodaane mushaari, soor, gallay, iyo caloolay ay kawaanleyaashu iskoood u neceen ama ay lacag yar ku xaraashayaan ayaa quud maalinle ah u ah badankooda. Waa run oo dalka wax bay ku leeyihiin, in wax loo qabto oo la daryeelo, si lamid ah carruurta kalena ay adeegyo waxbarasho, kuwo caafimaad, iyo guud ahaan kaabeyaasha nolosha helaanna way mudanyihiin, balse lama oga xilliga ay heli doonaan. Si caadiga ah dalka 100-kii sano fac ama jiil ayaa iska hel dhammaantoodna way u simanyihiin waxyaabaha danta guud ah, kheyraadka iyo hantida dowladdana way wada leeyihiin, mana jirto qof marti ah oo laga xigo adeegyada iyo waxqabadka maamul ee ay canshuurta iyo iskaashiga dadweynuhu u dub dhexaadka u yihiin. Madaxda dalka ayaa sidoo kale hoggaan u wada u ah ayni walba, islamarkaana waxay masuul ka yihiin, una dhaarteen bedqabkooda iyo daryeelkooda, sidoo kale dastuurka ayaa qeexaya xaqa ay dhammaan muwaadiniintu dalka ku leeyihiin iyo waajibaadka ayaga qudhooda saaran. Haddaba danyartu daryeel iyo damqasho ayay mudanyihiin, mana jiro qorshe qaran oo ka muhiimsan u adeegidda bulshada iyo maareynta baahiyahooda intii la awoodo. Source: goobjoog.com
  13. Ninka ugu taajirsan Afrika, Aliko Dangote, ayaa ka yaabiyay dad badan oo reer Nigeria ah ka dib markii uu sheegay in aanu guri ku lahayn meel ka baxsan dalkiisa. Mr Dangote ayaa sheegay in uu laba guri ku lahaa – magaaladii uu ku dhashay ee Kano, iyo Lagos – uuna ku noolaa guri kiro ah mar kasta oo uu booqdo caasimadda Abuja. Hadaladiisa ayaa ka yaabiyay dad badan oo ku nool waddan ay dadka taajiriinta ah ku sifoobeen qaab nololeedka raaxada. Maalqabeen badan oo reer Nigeria ah ayaa guryo ku leh London, Dubai iyo Atlanta. Waxa uu bishii June majaladda Forbes ku dartay ninka ugu taajirsan Afrika sannadkii 13-aad oo xidhiidh ah inkastoo uu dalkiisa ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale. Hantidiisa ayaa kor u kacday $400m sannadkii hore, taasoo dhan wadar ahaan $13.sida ay majalada Forbes sheegtay. Source
  14. Warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 134 qof ay u dhinteen cudurka daacuunka , sidoo kalena cudurka uu soo ritay 16,231 qof tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan. Kiisaska waxaa sii kordhiyay roobabkii ka da’ay dalka ee dhawaan iyo daadadka ka dhacay meelaha wabiyada u dhow sida ay dawladdu sheegtay Isniintii. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 10,273 xaaladood, ama 63% wadarta guud, lagu sifeeyay kuwo daran. “Waxaa wax laga xumaado ah in 134 dhimasho ah la diiwaan galiyay inta lagu guda jiro warbixintan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in kiisaska daacuunka ee Soomaaliya ku soo badanaya ay sabab u tahay tirada sii kordhaysa ee dadka aan helin biyo nadiif ah iyo nadaafad wanaagsan. Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan dalka Soomaaliya ayuu si ba’an u saameeyay cudurka daacuunka, iyadoo degmada Kismaayo laga diiwaan geliyay tiradii ugu badneyd ee uu soo haleelay cudurkaasi, waxayna wasaaraddu sheegtay in tirada dadka uu soo ritay ay gaarayaan 2,567, taasoo u dhiganta 16 boqolkiiba kiisaska oo dhan “Iyadoo laga jawaabayo dillaaca daacuun caloolaha, olole ballaaran oo tallaalka daacuunka afka laga qaato ayaa la hirgeliyay, kaas oo lagu bartilmaameedsaday 920,913 qof oo ku kala nool dhowr degmo oo uu si weyn u saameeyay,” ayay wasaaraddu tiri. Ololaha, oo lagu bartilmaameedsaday saddex kooxood oo da’doodu tahay — carruurta da’doodu tahay 14 sano, kuwa da’doodu tahay 5-15 sano, iyo shakhsiyaad ka weyn 15 sano — ayaa si guul leh u tallaalay 895,680 qof. Sannadkii 2023, in ka badan 18,304 xaaladood oo daacuun ah iyo 46 dhimasho ah ayaa laga soo sheegay Soomaaliya, iyadoo in ka badan kala badh ay ahaayeen carruur da’doodu ka yar tahay shan sano. Source: goobjoog.com
  15. Baarlamaanka jaamacada Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan,kadib markii weerar lagu qaaday goob lagu daawanayay ciyaar lagu daawanayay. Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda ula garab taagan tahay dhacdadii xanuunka badneyd ee dhacday, iyagoo garab istaagaya la dagaalanka Argagixisada. Baarlamaanka ayaa sheegay in ay taageerayaan dhammaan tallaabooyinka looga hortagayo kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah. Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku dhintay qaraxaas, iyagoo u rajeeyay kuwa dhaawaca ah inuu bogsiiyo Alle. Ugu yaraan Shan ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 25 ruuxna waa ku dhaawacmeen Qaraxii ka dhacay Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla Meel u dhow Taalada daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere . Source: goobjoog.com
  16. Wararka ka imaanaya dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegaya in dad carruur u badan lagu diley duqeyn ka dhacday dalkaa, sida ay ila maxalli ahi Warbaahinta u sheegeen, kadib weerar ay fallaagada ay soo qaadeen. Fallaagada M23 iyo dowladda ayaa ayaa ku dagaalamaya gobollo badan oo dalkaas kamida, waxayna dhacdadani timid ayadoo 5-tii bishan uu Maraykanku ku dhawaaqay xabbad joojin bini’aadantinimo oo laga hirgeliyo dalkan ay colaadu daashadeen ee ku yaalla bartamaha Afrika. Xabbad-joojinta la dhex dhigay xukuumadda Kinshasa iyo jabhadda M23 ayaa la qorsheeyay inay socato illaa 19-ka bishan July, balse dagaal xooggan oo labada dhinac aanay waxba iskula harin dib u qarxay Jimcihii la soo dhaafay. Afhayeen u hadlay mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee taageeraya ciidamada dowladda DRC ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay meel 70km u jirta magaala madaxda gobolka gobolka Waqooyiga ku yaalla ee Kivu, islamarkaana uu ku fiday illaa magaalada Bweremana oo 15km u jirta magaalada Gomo. Dadka dhintay waxaa ku jira labo caruur ah oo isku qoys ah, sida uu sheegay Innocent Mwitehofu Mumbara, oo ah hogaamiye bulshada rayidka ah ee deegaanka, waxaana la soo warinayaa tiro kaloo dhimasho ah iyo dhaawacyo kala duwan. Dalka Congo DRC ayaa qalalaase ku soo jiray taniyo 1970-meeyadii, waxaana goobaha qaar jooga ciidamo shisheeye oo ka socda Qaramada Midoobay, halka dowladda ay gacanta ku hayso caasimadda Kinshasa iyo meelo kale. Source: goobjoog.com
  17. Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray maalmaha mucayinka ah ee qorsh-haweedka doorashada ee 2024-ka, kaasi oo ay ku soo bandhigeen jaantuus ay ku taariikhaysan yihiin dhammaan hawlaha la qabanayo wakhtiyad soo socda eek u aadan doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta siyaasadda. Komishanka doorashooyinka ayaa qorshe-hawleedkan la wadaagay dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka iyo bulshada Somaliland oo u dhag taagaysay inay ogaadaan halka ay wax marayaan iyo wax uu yahay qorshada Komishanku. Qorshahan ayaa waxa ku cad hawl-qabadka maalinlaha ah ee doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Asxaabta siyaasadda, waxaana si cad loogu sheegay xiliga ay liisanka gudbinayaan liistada Xisbiyadda iyo urrurada siyaasadda, sidoo kale waxa lagu sheegay wakhiga la bilaabayo ololaha doorashooyinka iyo wakhtiga lagu dhawaaqayo natiijada hordhaca ah ilaa wakhtiga loo gudbinayo natiijadaasi Maxkamadda sare. Qorshe-hawleedka maalmaha mucayinka ah ee doorashada 2024-ka ee ay Komishanka doorashooyinku soo-saareen ayaa waxa uu u dhina yahay sida tan:- 12 August soo gudbinta liistada xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda 12 September soo gudbinta murashaxiinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha 24 October soo gudbinta Muraaqibiinta Xisbiyadda iyo Urrurada siyaasadda Xx October bilawga ololaha doorashada 10 November dhammaadka ololaha 13 November maalinta codbixinta 20 November soo-saarista natiijadda ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda siyaasadda 21 November u gudbinta Maxkamadda sare natiijada ku meel-gaadhka ah ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyadda Qaranka. Source
  18. Guddiga doorashada Rwanda ayaa shaaciyay in doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday uu mar kale ku guuleystay madaxweyne Paul Kagame. Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada Rwanda sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame oo xilkaasi hayay tan iyo sannadkii 2000. Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay. Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa. Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July waxaana Paul Kagame mar kale loo caleema-saari doono madaxweynaha dalka Rwanda. PUNTLAND POST The post Paul Kagame oo mar kale ku guulaystay Madaxweynaha dalka Rwanda appeared first on Puntland Post.
  19. In ka badan 50 dagaalame oo Alshabaab ka tirsan ah ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka xoogga dalka, kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaanka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Masagaway iyo deegaanka Cawsweyne ee gobalka Galgaduud, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay dowladdu soo saartay. Xubnaha lagu laayay howlgalka ayaa isugu jira hoggaamiyaal sar sare iyo xubno Alshabab, waxayna dhacdadani timid ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanku ay heleen xogta dagaalamayaashan oo isku aruursanayay halkaas, sida warka ay dowladdu soo saartay lagu yiri. Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sugan goobihii dagaalku ka dhacay, iyadoo weli lagu raad joogo xubno kale oo aaggaas ka dhow, wuxuuna howl-galkani qeyb ka yahay guluf ballaaran oo dalkoo dhan ka socda, kaas oo ka dhan ah kooxda Alsha Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa gelinkii danbe ee dorraad sheegay in uu dhaawac ka soo gaadhay dhagta midig, kaddib marki uu qof hubeysani rasaas u soo furay dhankiisa, xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax dadweyne oo qeyb ka ahaa ololaihiisa doorashada, gudaha gobolka Pennsylvania. Trump waxay rasaastu kaga dhacday qeybta sare ee dhagtiisa midig, waxaa la toogtay isaga oo hadal ka jeedinayay fagaare ay buuxeen taageerayaashiisa Jamhuuriga oo ku taalla degmada Butler oo 35 mile dhanka waqooyi uga beegan magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania. Laba xabbadood ayaa la maqlay, kaddibna waxaa xigay rasaas u muuqatay jawaab. Markiiba waxaa hadalkii joojiyay oo qoorta qabsaday kaddibna dhulka ku dhacay Donald Trump. Taasi ayaa goobta ka dhalisay argagax iyo qeylo dhaan ay sameeyeen dadki goobta joogay. Ciidanka ilaa gaarka ah ee Secret service loo yaqaanno ayaa ku hagoogtay Trump, waxana la arkayay madaxweynihi hore oo wajiga ka dhiigaya isla markaana gacanta kor u taaqaya, isaga oo u muuqday inuu ku qeylinayay erayo aanan la maqli kareyn. Bayaan ay markiiba soo saareen ciidanka goobta ilaalinayay ee loo yaqaanno ilaalada qarsoon ayay ku sheegeen in la dilay qofki weeraray madaxweyne Trump. Sidoo kale waxay sheegeen in qof ka mid ahaa dadki joogay isu soo baxa dadweyne uu isna dhintay, isla markaana laba kale ay dhaawac halis ah yihiin. Dhacdadaan ayaa markiiba waxaa cambaareeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, madaxweyne ku xigeenka marwo Kamala Harris iyo madaxweynihi hore ee Mareykanka Barack Obama. Ciidanka ammaanka ayaa dhacadadani ku tilmaamay isku day dil, iyaga oo sheegay in ay baadhitaan ku sameyn doonaan. Dhacadadani ayaa sidoo kale laga yaabaa in ay sii murjiso loolanka madaxtinimo Mareykanka ee awalba adkaa. War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto. “Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun,” ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yidhi bayaan uu soo saaray. “Wuu fiican yahay, waxaana lagu baadhayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.” Madaxweyne Joe Biden ayaa yidhi “qof walba waa inuu cambaareeyaa” weerarka. “Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika,” “Waa wax xun. “Waa wax xun.” Madaxweyne Biden oo ku sugnaa gobolka uu kasoo jeedo ee Delaware marki uu weerarka dhacayay ayaa soo gaabiyay joogitaankiisa halkaasi, kuna soo laabanaya magaalada Washington D.C. Hay’adda dambi baadhista gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa sheegtay in ay la wareegi doonaan hogaaminta baadhitaanka isku daygii dil ee madaxweynihii hore Donald Trump. Xeer Ilaaliyaha Guud Mareykanka Merrick Garland ayaa isna sheegay in xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee degmada Galbeedka Pennsylvania iyo waaxda amniga qaranka ee waaxda cadaaladda ay sidoo kale ku biirayaan baadhitaanka. Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay olalaha Trump, xaaladda caafimaad ee madaxweynihi hore ayaa wanaagsan, waxaase ay dhacdadani imaneysaa xilli ay kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn ay ka jirto Mareykanka, iyo sidoo kale waqti uu meel xasaasi ah marayo ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee lagu wado in ay dhacdo 5-ta bisha November ee sannadkaan. Doorashadaas ayaa waxaa ku loollami doona, madaxweynaha xiligan Joe Biden oo dimoqraadi ah iyo madaxweynihi ka horreeyay Donald Trump oo Jamhuuri ah. Source
  21. In a remarkable display of ingenuity and determination, a Somali army solider has achieved what many thought to be impossible by building a helicopter completely from scratch. VOA’s Najib Ahmed has the story from Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  22. While many people in Somalia squeezed into cafes and homes on Sunday night to watch the Euro football final, hundreds of Mogadishu’s most stylish residents gathered in the beachside Elite Hotel for another competition: Miss Somalia. Source: Hiiraan Online
  23. Somalia's economy registered a 4.2 percent growth in 2023, buoyed by a surge in livestock exports, increased investments, and a boom in the construction industry. Source: Hiiraan Online
  24. CAIRO: Egypt on Monday condemned the terrorist bombing that targeted a cafe in Somalia’s capital Mogadishu late on Sunday. Source: Hiiraan Online
  25. Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa weli saaka laga dareemaya magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud. Xiisadda ayaa timid kadib markii shalay dad hubaysan oo ka soo jeeda degmadaasi ay qabsadeen gaadiid hub siday oo ka yimid dhinaca Itoobiya. Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda Caabudwaaq ayaa iska hor-imaad khasaare dhaliyay dhexmaray ka hor inta aysan qabsan hubkaasi. Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkii shalay uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba ah balse tiro sugan lama sheegin weli. Dhaqdhaaqyo iska soo horjeeda ayaa saaka laga soo warinayaa Caabudwaaq kuwaas oo kala ah in ciidanka dowladda oo doonaya in ay hubkii dib u qabsadaan iyo dadka degaanka oo difaacaya hubkaasi. PUNTLAND POST The post Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo saaka ka taagan degmada Caabudwaaq appeared first on Puntland Post.