-
Content Count
212,165 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa saaka xabsi ku yaalla magaalada Galkacyo la dhigay 5 ka mid ah 11 askari oo 9 qof oo rayid ahaa dil wadareed ugu geystay magaalada Galkacyo. Weriyaha Goobjoog News ee Galkacyo waxaa uu sheegay in arrintaasi ay ka dambeysay kadib dadaallo tan iyo jimcihii ay wadeen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah oo goobta gaaray. Askarta wax dishay oo tiro ahaan gaarey 11 qof, mid booliis ah oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Galmudug horay ayaa loo xiray halka 10 kale oo xoogga dalka ahaa maanta lagu guuleystay in la xiro 5 askari, weli waxaa maqan 5 kale. Xildhibaannada ayaa si wado kullamada ay la leeyihiin waxgaradka, waxaana hadda la sheegayaa in ay la fadhiyaan odayaal ka socda Shabeelada dhexe. Wararka arrimahan la xiriira halkan kala soco. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) — The Latest on unrest in Ethiopia. (all times local):11:30 a.m. A spokesman for Ethiopia’s prime minister says the head of the country’s military has been shot dead …. Source: Hiiraan Online
-
(SLT- Minnesota)-Maxkamad ku taallo dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay falal xatooyo qaran ku saleysan. Maxamed Khaliif oo 21-jir ah ayaa waxaa la soo taagay Maxkamad ku taalla Gobalka Minnesota, isagoo lagu eedeeyey in uu xaday Xogta Kaadhdhka Lacagta, iyo inuu iibinayey qalab ku kaydsanaa Heshiis Maaliyadeed. Eedeysanaha waxaa la sheegay inuu qirtay dembiyadda lagu soo oogay. Garsooraha Maxkamadda, Mathiyo Istewart waxa uu ku xukumay Eedeysanaha Xabsi ilaa 4-sanno ah iyo in Maraykanka laga mustaafuriyo marka uu dhammaysto Xukunkiisa. Source
-
Click here Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online ) – Faah faahin dheeri ah ayaa laga helayaa afgambi fashilmay iyo rabshado ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Amxaarada. Warbaahinta gudaha ayaa shaacisay in la dilay Madaxweynihii gobolka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisii sare, kuwaas oo ay toogteen rag hubeysan. Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale saaka xaqiijiyay in rabshadahaasi lagu dilay taliyihii guud ee Ciidamada Itoobiya General Seare Mekonnen. Wara qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisul wasaaruhu ayaa waxa uu ku cambaareeyay afgambiga dhicisoobay iyo toogashadaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dowladda Itoobiya ayaa sheegay in lagu soo xadgudbay madaxbanaanida shacabka iyo Dastuurka Itoobiya. Waxa kale oo u digniin u diray kooxihii horboodayay xasaradahaasi, isaga oo carabka ku dhuftay in xukuumaddiisa ay ka qaadi doonto tallaabo adag. Dhinaca kale war ka soo baxay xisbiga maamula gobolka Amxaarada ayaa dhacdadan ku eedeeyey taliyihii hore ee ammaanka, kaas oo Ra’iisul wasaaruhu xabsiga ka saadaayay, markuu xukunka qabtay. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshee waxaa heegan buuxa ku jira qeybaha kala duwan ciidamada federaalka ee Itoobiya. Abiy Axmed ayaa tan iyo markii 2018-kii loo doortay xilkan waxa uu isbedal weyn ku sameeyay siyaasadda Itoobiya, waxaana uu soo afmeeray cadaadisyo xoogan oo ka jiray dalkaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxaa la dilay madaxweynihii dowlad degaanka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisa Ezez Wasie kadib iskudey afgambi oo ka dhacay deegaanka Amxaarada. Dhankiisa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay in sidoo kale la dilay taliyihii guud ee ciidamada General General Seare Mekonnen, isaga oo intaasi raaciyey in ay toogteen dad isaga ku dhowaa. Dadka deggan Bahir Dar ayaa sheegaya iney rasaas maqleen, waxaa kale oo jirta in safaaradda Mareykanka ay soo saartay qoraal la xidhiidha digniin in rasaas laga maqlay Adis. Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay, balse wararkan ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com Source
-
Somaliland: A Banking & Financial Conference Held In Hargeisa The President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, opened a two day banking and financial conference in Hargeisa. The conference which was jointly organized by the Somaliland Central Bank and the Finance ministry was convened to discuss the relationship between the public and private sectors of Somaliland’s economic arena. Speaking to the gathered delegates, the President stressed the need for co-operation between the Central bank and the private financial institutions in order to foster a stable business environment and to combat the spiralling inflation, money laundering, profiteering and the erratic foreign exchange market. The Praident encouraged the participants to create a new formula to assist small businesses to generate more employment opportunities for Somaliland’s graduates. The two day conference also included a business exhibition forum were many financial institutions, such as Amal Bank, Dara Salaam Bank, Dahabshiil Bank, Premier Bank, and many other prominent Somaliland businesses showcased their services and tools. The President also too the opportunity to visit some of Hargeisa informal money exchangers, who took the opportunity to convey their concerns to the government. As welcome as the conference is, it is worth remembering that the Somaliland Banking bill has been before the moribund parliament for the past few years. The main source of contention is between those who favour the Islamic Sharia law for banking services and those who prefer the conventional international banking procedures. Qarannews.com Qaran News
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu noqon doono saaxiibka ugu wanaagsan ee dalka Iiraan. Trump ayaa tilmaamay in saaxiibnimaadan ay ku xidhan tahay oo kaliya marka uu dalkaan joojiyo dadaalada uu ku hormarinayo hubka wax gumaada ee Nuclear-ka. Hogaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay bil ka hor in ay hormarinayaan hubkooda maadama Mareykanka uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen 2015-kii Tehraan. Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay afaafka hore ee aqalka cad ayaa wuxuu sheegay hadii ay Iiraan garato arintaan ay raali galin doonto Mareykanka. Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ku dhaleeceyay Trump cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo ay sheegeen dal doonayo Nabada. Source
-
(SLT-Bahar Dar)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Isku day afgambi oo ka dhacay Gobolka Amxaarada Itoobiya, kaddib markii ay Ciidamo Hubeysan ay isku dayeen inay la wareegaan hoggaanka maamulkaas. Rasaas ayaa laga maqlay magaalada Bahar Dar, waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada iyo Kooxo Hubeysan oo waday afgambiga. Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Negusu Tilahun ayaa u sheegay Telefishinka Qaranka in isku day afgambi guuldareystay uu ka dhacay magaalada Bahar Dar. Waxaa uu sheegay inay socdaan dadaalo la doonayo in lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay afgambiga, inkastoo aanay weli caddeyn cida ka dmabeysa, mana jirin koox sheegatay isku dayga afgambiga. Dad kala duwan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rasaas culus laga maqlay saacado magaalada Bahar Dar, xaaladana waxay aheyd mid kacsan oo aan kala cadeyn sida wax u socdeen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya uu dhaawac ku soo gaadhay rasaasta, halka warar kalena sheegayaan in dhaawacu u dhintay, weli wararkaas ma cada, waxaana baraha Twitter-ka lagu qoray in Taliyaha uu geeriyooday. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la kulmayay caqabado kaga imaanaya siyaasadda gudaha ee dalkaas, gaar ahaan nidaamkii hore talada u hayay ee TPLF. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in howlgallo iyo dhaqaaqyo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab Ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa howlgalkii ugu dambeeyay kula wareegay deegaanka Xarshanley oo u dhow magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Deegaankan oo muddo ay ka talinayeen Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo abaabuli jireen inta badan weerarada ay fuliyaan. Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyay howlgalladan ayaa u mahadceliyay ciidamadii fuliyay. Sidoo kale Najax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan dagaallada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab. “Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka” ayuu yiri guddoomiye Najax. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa kordhiyaya howlgallada ka socda koonfurta Soomaaliya, waxaana shalay Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxaa la dilay madaxweynihii dowlad degaanka Amxaarada Ambachew Mekonnen iyo la taliyihiisa Ezez Wasie kadib iskudey afgambi oo ka dhacay deegaanka Amxaarada. Dhankiisa ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay in sidoo kale la dilay taliyihii guud ee ciidamada General General Seare Mekonnen, isaga oo intaasi raaciyey in ay toogteen dad isaga ku dhowaa. Dadka deggan Bahir Dar ayaa sheegaya iney rasaas maqleen, waxaa kale oo jirta in safaaradda Mareykanka ay soo saartay qoraal la xiriira digniin in rasaas laga maqlay Adis. Ilaa hadda ma cadda cidda ka dambeysay, balse wararkan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac oo la hadlayay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’doon uu ku jiro Madaxweynihii maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Wasiirka ayaa shaaciyay in Madaxweynuhu u go’doonsan yahay dad uu ku sheegay in ay ballantii uga baxeen, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Snna Waljamaaca. Waxa kale uu tilmaamay in aysan nabad aheyn Dhuusamareeb, islamarkaana ay xoog ku soo furan doonaan Madaxweyne Xaaf. Shirwac oo hoggaaminayo ciidamo haatan ku sugan duleedka Dhuusamareeb ayaa xusay in ay awood u leeyihiin in ay gudaha u galaan magaalada, islamarkaana ay soo badbaadiyaan Madaxweynahooda, sida uu hadaka u dhigay. Jahwareer iyo xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Galmudug, taas oo ka dhalatay doorashada maamulkaasi oo ay dowladdu sheegtay in la qaban doono bisha July ee soo socota. Wararkii ugu dambeeyay ee haatan ka imaanaya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in kulamo isdaba joog ay weli ka socdaan halkaasi. Kulamadan ayaa xal loogu raadinayaa khilaafka jira, inkastoo weli uusan ka qeyb galin Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf). Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/06/Shirwac.mp3
-
Taliyaha ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland ee degmada Towfiiq oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, G/sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa muuqaal uu soo duubay si adag uga jawaabay, hadal ka soo yeeray jaaliyadda Galmudug ee dalka Sweden, oo sheegtay in degmadaasi ay ka tirsantahay dowlad goboleedka Galmudug. Taliye Gacayte, ayaa siyaasiyiinta Galmudug digniin ku siiyay, in ay ka waantoobaan sheegashadooda degmada Towfiiq oo ka tirsan dhulka dowladda Puntland, isagoo ku hanjabay in guryahooda la isku’ wareysan doono, haddii aysan joojin daan-daansiga ay ka wadaan xuduudaha Puntland. G/sare Maxamed Maxamuud Gacayte, ayaa sheegay in aysan dulqaad dambe u yeelan doonin, carqadda iyo daan-daansiga siyaasiyiinta Galmudug ku hayaan degmada Towfiiq, iyo sheegashadooda ku aaddan in ay leeyihiin degmada, isagoo ka digay in mas’uuliyadda wixii ka yimaada ay Galmudug yeelan doonto. Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay, xilli dhowaan siyaasiyiin iyo qurba-joog u dhashay Galmudug ay warbaahinta ka sheegeen, in degmada Towfiiq ay ka tirsantahay degaannada dowlad goboleedka Galmudug, hadalkaasi oo muran iyo dood badan ka dhaliyay baraha bulshada. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee taliyaha PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo sheegay in gudaha Galmudug la isku waraysan doono appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) –Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon Maxamed Xasan (Xaad) oo la hadlay Shabelle ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee weli ka taagan deegaanada maamulka Galmudug. Nabadoon Xaad ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo dadallada nabadeed ee ay wado dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in si deg deg ah xal looga gaaro arrimahaasi, si loo badbaadiyo maamulka iyo shacabka Galmudug. DFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa kulamo xal loogu raadinaya Galmudug haatan ka wada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgauud. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa ka warbixiyay heshiisyo xukuumadda Soomaaliya ay la gashay shirkado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha Shidaalka. Ugu horreyn wasiir Hilaal ayaa beeniyay in heshiisyada la galay ay qeexayaan in la sameeyo sahmin cusub iyo soo saarida xermooyin Shidaal. Wasiir ku xigeenka W/ macdanta iyo batroolka ayaa tilmaamay in hehsiisyadan kaliya ay ku aadan yihiin dhameystirka heshiisyo AY horay u gashay dowladdiI dhexe ee dalka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay XFS ay heshiisyo dhinaca shidaalka ay la saxiixatay labo shirkadood oo laga kala leeyahay dalalka Mareykanka iyo Holand. View the full article
-
owhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay agagaarka degmada Jowhar ee xarunta HirShabelle. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga dareemayaa Tuulooyin galbeedka ka xiga magaladaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in xiisadani ay salka ku heyso arrimo la xariira dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi. Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qarxo, maadaama la dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan. Ma jiro illaa iyo haatan wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan xiisadaasi. Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa inta badan ku soo laa laabta dagaallo u dhexeeya beelo wada daga deegaanada gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho ( SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Subax-230619.mp3 View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online ) – War ka soo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weeraro iyo qarax saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Baay. Al-Shabaab ayaa bogagooda ku baahiyay in weerarka koowaad uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolkaasi. Qoraalkan ayey ku sheegeen in halkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Koonfur Galbeed, kuna dhaawaceen 7 kale. Askarta geeriyootay oo la socotay gaari Cabdi Bile ah ayey tilmaameen in uu ku jiray taliyihii ciidamada deegaanka Daynuunaay oo ay magaciisa ku soo koobeen Axmed Dheere. Dhinaca kale weerararka labaad oo jidgal ahaa ayaa ka dhacay duleedka degmada Buurhakaha ee gobolka Baay, waxaana Al-Shabaab ay sheegteen in ay ku dileen illaa saddex askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamuka Baydhabo oo ku aadan weeraradaasi. Inta badan Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada Ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa dhex-maray dood ka dhalatay go’aankii Kenya madax looga dhigay kooxda xiriirka caalamiga ah ee qaabilsan burcad badeedda xeebaha Soomaaliya (Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), xilli ay xiisad kala dhaxeyo Soomaaliya. Kenya ayaa hoggaamin doonta dadallada caalamiga ah ee ilaalinta xeebaha si dusha loogala socdo dhaqdhaqaaqyada amniga muddo laba sano ah oo ka billaabata bisha Janaayo ee 2020. Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Farmaajo ayaa ku canaantay Cawad inuusan is hor-taagan in Kenya ay madax ka noqotay guddigan xilli labada dal uu ka dhex oogan yahay khilaaf ka dhashay sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay, haddii Soomaaliya ay diidmo ka dhan ah Kenya u gudbin lahayd hay’adda QM ee UNDOC, Kenya looma ogolaan lahayn inay madax ka noqoto kooxda Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS), hase yeeshee waxaa shaqadaas gabay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Cawad uu uga aamusay arrintan. Xubnaha dowladda ee qaar ayaa aaminsan inay ahayd qalad uu wasiirka yareystay muhiimadda arrintan, halka qaar aaminsan yihiin inuu si ku talo-gal ah u sameeyey. Cawad ayaa waxaa qoyskiisa ay degan yihiin Kenya, waxaana inta badan uu u safraa Naiorbi, isaga oo xitaa aan saddex beri oo isku xigta ka badan ku sugneyn Muqdisho, taasi oo shaki abuureysa. Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. Dacwad ku saabsan murankan ayaa hor taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ), taasoo laga dhuur sugayo iney dhageysato, ka dibna go’aan kasoo saarto. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com