Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nabi yuunas cs waxaa loo diray qoomkiisii inuu hanuunka iyo wadada toosan ee ILAAHAY ummadihiisa u jeexay uu ku hago. Muddo dheer ayuu ugu yeedhayey Diinta Islaamka iyo wanaaga jidka wanaagsan lkn qoomkiisu wuxuu ahaa qoom aad uga madax adaygay qaadashada Dacwada uu ugu yeedhayo markuu wakhti dheer waday ayuu ku daalay oo ka niyad jabbay. Wuxuu go’aansaday inuu iskaga tago qoomkan madaxa adag ee uu la dhibaatooday u sheegista dacwada, ugu danbayntii wuu ka dhaqaajiyey qoomkiisii taasoo ahayd qaladka uu galay waayo Allah muu siinin go’aanka uu kaligii qaatay. Ugu dambayn wuxuu raacay Doon si uu uga tago qoomkiisii, markii doontii shiraacatay oo ay dhex mushaaxday biyihii ayaa waxa ku kacday mawjado waaweyn waxaana doontii ka luntay dheeli tirkii waxaana go’aan lagu gaadhay in la yareeyo culayska saaran doonta waxaana la daadiyey alaabadii lkn waxaa nasiibdaro noqotay in aanay wali doonto dheeli tirmayn waxaana go’aan lagu gaadhay in qof ka mida dadka doonta laga tuuro si dadka kale ee saarani u badbaadaan. waxaa go’aan noqotay in la qori tuuro oo qofka nasiibkiisu uu ku dhaco doonta laga tuuro waxaana la bilaabay, qori tuurkii wuxuu ku dhacay nabi Yuunas cs lkn dadkii doonta ayaa yidhi ha lagu celiyo waayo ninkani wuxuu leeyahay haybad ama waji qof wanaagsan. Mar labaad ayaa lagu celiyey nasiib daro se isagii uun bay ku dhacday, mar sadexaad ayaa lagu celiyey waxa ay ku dhacaday isla Nabi Yuunas CS waxaana laga tuuray doonidii markiiba waxa qabtay oo liqay Nibiri. Nabi Yuunus waxa uu galay calooshii Xuudka ama nibiriga, waxa uu umaleeyey inuu geeriyooday, markaasuu dhaqdhaqaajiyey lugihiisa, kadibna waxa uu dareemay inuu noolyahay. Nabi Yuunus sadex maddow oo isku dhex jira ayuu kusii hoos jiray madowga habeenka Madowga badda madowga caloosha nibiriga. isagoo madowyadaa dhexdood ku jira ayuu u sujuuday Allah,Isaga oo leh Ilaahayow waxaan kuugu sujuuday meel aan waligii bashar kuugu sujuudin, ee iga tawbad aqbal. Waxaana kalmadihii qaaliga ahaa ee uu Allah ku baryey ka mid ahaa (لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين). Oo macnaheedu yahay “ALLAH ADIGA AH MOOYEE ALLAH KALE MA JIRO ANIGUNA WAXAAN KA MID AHAY KUWA GEFEY” kalmadii wanaagsanayd ayaa sare u kacday, waxayna gaadhay samooyinka, kadib waxa maqlay malaa’iktii waxayna yidhaahdeen, Rabbiyoow waxaan maqalaynaa cod aanu garanayno balse ka hadlaya meel annagu aananu garanayn. Ilaahay waxa uu yidhi waa adoonkaygii Yuunus oo ku sugan sadex mugdi dhexdood, mugdigii habeenka, mugdigii badda iyo mugdigii Nibiriga dhexdiisa. Malaa’igtii waxay Allah ka dalbadeen inuu koryeelo Nabi Yuunus. Allahna wuxuu u waxyooday kalluunkii inuu sii daayo Yuunus, geeyana xeebta. Xuudkii ama nibirigii waxa uu ku tuuray xeebtii isaga oo buka, gaajoonaya, oo harraadan sidoo kale qorraxdu ay hayso diirkii oo dhana ka baxay jidhkiisa. markaasuu Allah kasoo bixiyey geed la yidhaa Yaqdiin xeebtii, markaasuu Nabi Yuunu cunay midhihii geedka, waana hadhsaday sidoo kale waxa u imanaysey maalin kasta Garanuug ama deero, kadibna waxa uu cabi jirey caanaheeda. Nabi Yuunus (N.N.K.H) waa caafimaaday kadiba waxa la faray inuu ku noqdo qoomkiisii, markuu ku noqday qoomkiisii ayuu la kulmay mucjiso, dhammaantood way rumeeyeen waanay soo dhaweeyeen Nabi Yuunus cs. Haddaba akhriste sheekadan waxa ku jirta aayad duco ah oo haddii aad akhrido dhibkasta Ilaahay kaa qaadayo ا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين). Waa duco mustaajabo ah oo hadaad akhrido ilaahayna ku barrido lagaa dul qaadayo wax kasta oo ku saarnaa. Qalinkii Cabdi Cawiye. Shaywaal12@gmail.com +252634115877 Qaran News
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarunta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad. Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaaray wuxuu salaan Ciidan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta. Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Ciidamada oo ay ka qeyb-galeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Daraawiishta, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Saraakiishii hore ee soo shaqeeyay xiligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladdihii kala danbeeyay ee Puntland. Waxaana ka mid ah Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Gen. Maxmed Xirsi Morgan, waxaana kulankaas ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani. ” Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Dowladda Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni”. ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani. Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni ayaa bogaadiyey Ciidamada Dowladda ee habeen iyo maalin u heelan amniga iyo difaaca dalka, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan Saraakiisha in la fududeeyo si dhakhso ah hirgelinta tayeynta Ciidamada Dowladda. Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muhiimad gaar ah siinaysa Dhismaha Ciidamada, Waxaana Madaxweyne Deni intii uu xafiiska joogay uu sameeyay kormeero iyo kulamo ku saabsan hirgelinta qorshaha dib-u-habeynta Ciidamada Dowladda Puntland. Kormeerka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Deni oo booqday Taliska guud ee ciidamada Difaaca Dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulllaahi Cumar Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in marnaba aanay raali ka ahayn doorasho ka dhacday degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaan Cabdulllaahi oo ka tirsan beesha Saleebaan islamarkaana wareysi siiyey idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in dadka ku dhaqan degmada Cadaado ay ugu horreyn raali ka yihiin dib u heshiisiinta iyo sidoo kale in doorashada ay ka dhacdo xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, wuxuu sheegay in loo baahan yahay Cadaado in la siiyo xaqeeda oo aan Dhuusamareeb la isugu darin ku qabashada shirka dib u heshiisiinta, doorashada, caasimadda Galmudug iyo caasimadda Galgduud. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadka Cadaado, odayaasha iyo siyaasiyiintooda aysan ka qeyb-gali doonin doorashada. Go’aanka doorashada ay uga dhaceyso Dhuusomareeb ayaa waxaa qaatay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo dhowaan heshiis la galay kooxda Ahlu-Sunna, taasi oo aad uga carreysiiyey bulshada Cadaado. Xildhibaan Cabdulllaahi ayaa a’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in wax laga bedalo sida ay hadda wax ku socdaan si loo helo Galmudug oo mideysan. Halkaan hoose ka dhageyso waryesiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/WAREEYSI-XILDHIBAAN-CLLAAHI-CUMAR-MAXAMUUD-.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. The African Union’s top envoy in Somalia has hailed Burundian troops for their efforts in stabilizing Somalia. Francisco Madeira, the special representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), saluted AMISOM’s Burundi contingent for their pivotal role in liberating Somalia and defeating armed opposition groups. “AMISOM salutes the government and people of Burundi for the unquantifiable efforts and sacrifice, which has led to considerable stabilization of Somalia,” Madeira said in a statement issued on Tuesday after joining Burundian troops in Mogadishu to mark Burundi’s 57th Independence anniversary. Burundi gained independence from Belgium on July 1, 1962. Burundi deployed troops in Somalia to serve under AMISOM in December 2007. The Burundi contingent secures Somalia’s Middle Shabelle region, with headquarters in Jowhar town. Other AMISOM troop-contributing countries include Djibouti, Ethiopia, Kenya, and Uganda. View the full article
  5. Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre has held talks with traditional leaders and community representatives in Guriel on Tuesday. The premier made a stopover at the town as his tour to criss-cross the Galmudug region continues. Kheyre and cultural leader, Ugas Hassan Ugas Mohamed Ugas Nur discussed the role of the traditional leaders in reconciliation and re-establishment of government services in the region. The PM underlined that his tour in the region is solely based on the resumption of government services, the institution of state with a strong foundation with good working relations with the federal government. Ugas Hassan Ugas Mohamed Ugas Nur thanked the PM efforts in peacebuilding and reconciliation while presenting him a horse as a reward for his recommendable actions. View the full article
  6. KHARTUUM (SMN) – Madaxa Golaha Ciidamada ku meel-gaarka ah ee dalka Suudaan ayaa xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisa dhamaaday. Warsaxaafadeed uu soo saaray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayuu ku xusay qoto dheerida xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna intaasiraaciyay inuu kaga mahadcelinayo Madaxa Golaha Ciidamada, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii walaalahooda dhabta ah ee Soomaaliya, sidoo kalana ay Soomaaliya taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, wuxuuna Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud xiriirka labada dal ku tilmaamay mid soo jireen ah. Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ayaa shacbiga Walaalaha ee Suudaan u rajeeyay midnimo ,wadajir iyo Xasillooni, Wuxuuna yiri “ qofka caaqilka ah waa kan ku tusaale qaata duruufaha dadka hareerihiisa la kulmaan” waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in wax laga barto xaaladaha adag ee soo maray qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Suudaan. Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayaa ugu danbayntii warsaxaafadeedkiisa ugu mahadceliyay xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintii wanaagsanayd uu ka helay muddo xileedkiisii danjirannimo, Shacbiga Suudaanna wuxuu u rajeeyay degenaansho iyo barwaaqo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. BOOSAASO (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay ka dhacday qeybo ka mid ah gobolka Bari ee maamulka Puntland. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday agagaarka degmada Iskushuban oo ay ku xoogan tahay kooxda Daacish. Ma cadda khasaraha ka dhashay duqeyntaasi, lamana oga illaa iyo hadda cida fulisay weerarkaasi dhanka cirka ah. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan duqeyntaasi. Dhanka kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ilaalo u ah koox Tahriibka ka shaqeysa oo ku sugan halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka ay weerareen maleeshiyaadkan oo xarun ku lahaa deegaanka Mareero ee gobolka Bari. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay illaa 2 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo ay ku jiraan dad rayid ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxdani lagu tuhmay dil shalay askari ka tirsanaa ciidamada Puntland loogu gaystay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan dagan, basle ciidamada Puntland ayaa la wareegay gabi ahaan goobihii lagu dagaalamay View the full article
  8. MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha. Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-03072019.mp3 View the full article
  10. Lixi ruuxoo katirsan malayshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish ayaa kagu dilay duqeyn ka dhacday buuralayda Galgala ee gobolka Bari. Duqeyntan ayaa dhacaday shalay [...] Source
  11. Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaal saaka ka dhacay deegaanka Mareero ee gobolka Bari. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inta laxaqiijiyay laba askari oo [...] Source
  12. written by David GoldmanJuly 3, 2019 Strategic Intelligence Summary “ ● An intelligence report issued on the 1st day of the 1st week of July 2019, [...] Source
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu baaqday kulan uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad . Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa looga wacay Wariyeyaasha gudaha iyo dibadda, iyadoo loo sheegan inay kasoo qeybalaan shir jaraa’id oo uu qabanayo Wasiirka. Saacad ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday kulankii uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirka soo saari doono war saxaafadeed qoraal ah. Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu wasiirka ka hadli rabay booqashada Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Guinea iyo maqaamka soo dhoweynta ee loo sameeyay taasoo ka careysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayey illo wareedyadaas xaqiijiyeen inay dacwad ka dhan ah Dalka Guinea u gudbineyso Midowga Afrika maadaama ficilkaas ay u aragtay inuu yahay mid ay Dowladda Guinea ku aqoonsaneyso Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen. Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa Garoonka caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure. Intaa kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa Garoonka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (Helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Kheyre iyo Mahad Salaad Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ahaa xildhibaanada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeeday dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa hadda ka mid noqday muxaafadka daacada ah. Mahad Salaad oo kamid ah Golaha shacabka ayaa har iyo jeer dhaliili jiray siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Waasaare Kheyre, wuxuuna inta badan eedeymo kulul u marin jiray baraha bulshadu ku xiriirto, gaar ahaan Fcebook-ga Twitter-ka . Mahad Salaad waxay aad isugu dhawaayeen Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dowladiisii kasoo qabtay xilal wasiirnimo, sidoo kale wuxuu kamid ahaa xisbiga muraadka UPD ee hogaamiyo Xasan Sheekh. Iyadoo ay sidaas tahay ayuu Xildhibaan Mahad Salaad mar qura ka soo dhexmuuqday madal ay ku sugnaayeen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo qaar kamid ah golihiisa xukuumadda oo lagu xusayay 1-dii Luuliyo, taas oo ka dhacday Dhuusamareeb, waxayna taasi muujisay in ay si hoose u heshiiyeen, maadaama ay horey u kala aragti fogaayeen. Sidoo kale wuxuu Nabad iyo Nolol taageero weyn ugu muujiyay baraha bulshadu ku xiriirto oo uu horey uga mucaaradi jiray siyaasadeeda. Is fahamka Kheyre iyo Mahad Salaad ayaa ku soo aaday, iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Galmudug ay dhawaan heshiis ku gaareen Cadaado, iyo sidoo kale Kheyre oo booqasho ku marayo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo laga soo doortay Xildhibaan Mahad. Is fahamkan ayaa la aaminsan yahay in uu yahay isku danaysi, maadaama labadooduba ay dano siyaasadeed leeyihiin mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa hoos u dhigay mucaaradkiisii, iyadoo uu heshiis la gaaray qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ahaa xukuumaddiisa. Inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ee mucaaradka noqda ma ahan kuwo siyaasad ahaan doonaya inay wax saxaan, ee waxay ku fushadaan mucaaradnimada dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa iyaduna kuwa siyaasad ahaan ka soo horjeeda u isticmaasha ereyo ay ka mid yihiin “qaran dumis” shisheeye kalkaal” iyo dowlad diid, waxayna wakhta badan ku bixisaa sidii ay ula dagaalami lahayd mucaaradka, taas oo ay ku ilowday howlo badan oo horyaalay. Dowladda hada jirta waxaa muddo xiliyeedkeedii uga haray sanad iyo bar ah, waxaana muuqada in aysan intoodii badnaa fulin ballan-qaadyadii ay horey u sameysay. PUNTLAND POST The post Maxay ku midoobeen Kheyre iyo Mahad Salaad? appeared first on Puntland Post.
  15. Dozens of people have been killed in an air raid at a detention centre for refugees and migrants in the Libyan capital, Tripoli, according to health and emergency officials. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta abaal mariyay guddigii qaban qaabada munaasabadaha xuska maalmaha Xorriyadda ee 26-ka Juun iyo kowda Luulyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada ku guddoonsiiyay xubnaha guddigaasi billad sharaf oo ay ku muteysteen howshii ay qabteen. Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay u qabteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Waxa kale oo uu guddigu ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha. Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-London)-Marxuumkaasi oo la odhan jirey Sheekh Maxamed Bin Sultaan Bin Maxamed Al-qaasimi ayaa la sheegay in maydkiisa laga helay Suuliga Hoygiisa oo ku yaalla DegmaddaEast Grinstead oo dhanka Koonfur kaga toosan magaalada London. Marxuumka oo 39-jir ahaa waxa uu Milkiyad u lahaa Rugta Naqshadaynta Istaylka Labiska ee “Qaasimi”, wuxuuna ganacsigaasi ku soo dhex jiray tan iyo sannadkii 2008-dii. Wargeyska The Sun ee ka soo baxa London ayaa qoray in Marxumka maydkiisa shalay laga dhex helay Suuliga Qubeyska ee Dhismihii uu degganaa, iyadoo ay hareerahiisa daadsanaayeen Cirbadaha duritaanka, iyo Taay si xoogan ugu xidhnaa gacantiisa. Dowladda Imaaraadka waxay ku dhawaaqday 3 maalmood oo baroor-diiq Qaran, waxaana hoos loo dhigay Calanka dalkaasi. Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Khalifa Bin Zayed Al-nahyan waxa uu ka tacsideeyey geerida Marxuumkaasi. Source
  18. (SLT- Kagoshima)-Magaalada Kagoshima oo ku taala dalka Japan ayaa laga saaray dhamaan dadkii deganaa oo gaadhaya 600,000 qof, iyadoo laga cabsi qabo roobab xoogle oo da’a halkaasi. Dadkan degan magaalada Kagoshima oo ku taala koonfurta dalkaasi Japan ayaa loo sheegay inay gabaad ka raadsadaan oo loo daad gureeyey badhtamaha dalkaasi goobo ay kaga badbaadaan masiibo ka dhalata daadad soo rogmada oo soo jara dhulka. Deegaankaasi dadka laga daad gureeyey ayaa maalmihii u dambeeyey wajahay roobab heerkoodu aanu caadi ahayn. Taas oo lagu qiyaaso 900mm (35 inches) oo roob ahi inay da’ayo koonfurta badidoodu ay tahay Kyushu tan iyo bishii June sida ay baahisay warbaahinta NHK. Roobabkan calculus ayaa la saadaalinayaa inay sii socdaan ilaa maalinta khamista ah. Tiro ka badan 200 qof ayaa ku dhintay galbeedka dalka Japan July-dii sanadki hore, markii ay da’een roobab soo rogay daadad dhul farabadan soo jaray. Source
  19. Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si adag uga hadashay warqad cabasho ah oo Dowlada Federaalku uga gudbisay dowladda Kenya, taasi oo ku aaddan farriin qoraal ah oo la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya oo Somaliland ugu yeertay ‘Dal’. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya maalintii Isniintii ayaa lagu sheegay in dowladdu u gudbisay Kenya warqad cabasho ah oo ku aaddan qoraalka ay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ku baahisay barteeda Twitter-ka. Xukuumada Somaliland ayaa iyaduna War-saxafadeed kaga jawaabtay cabashadaasi ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay, iyadoona sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo awood u leh inuu xiriir la sameeyo dalalka caalamka. War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay ku naaloonaysay dawlad wanaag isla markaana ay ahayd dal madax-bannaan oo walaalnimo iyo iskaashi la wadaaga Wadammada jaarka la ah. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waxyeelo ku yihiin iskaashiga gobolleedka dalalka Geeska Afrika ee u heellan inay wax wada qabsadaan. Wasaaradda ayaa war-saxaafadeedkeeda waxay ugu baaqday Soomaaliya inay wax ka qabato caqabadaha ka haysta dhinaca Horumarka, Nabadgelyada iyo Bini’aadanimada ee ka jirta gudaheeda, intii ay farogelin laheyd dalalka madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin Kenya iyo Somaliland. War-saxaafadeedka ayaa waxa lagu yiri: “Dawladda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday Soomaaliya, taasi oo ay ku faro-gelinayso xidhiidhka Dawladaha Somaliland iyo Kenya”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddiga wanaag farista Somaliland ayaa ka warbixiyay kulan ay la yeesheen golaha guurtida Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Ceel-afweyn)-Mudaharaad Salmi ah ayaa goordhawayd ka bilaamay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn Waxaana Mudaharaadkaa dhigay Haweenka Ku Dhaqan Degmadaas. Haweenka ayaa ka soo hor-Jeestay rasaas xalay ka dhacaysay gudaha Degmadda Ceel-Afweyn taas oo ay is waydaarsaneey labadii Beelood ee hore halkaa Dagaalku Ku Dhex-maray. Illa hadda ma cadda in wax khasaare ah ka dhashay rasaastan xalay laga maqlayay deegaanka Ceel-afweyn oo hore dagaal dad badan ku dhinteen uu ugu dhex-maray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega deegaankaasi. Xukuumadda Somaliland, hay’adda amniga iyo maamulka degmadu wali kama hadal arrintan Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Somalilandtoday Source
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl. Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha. Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyay Guddigii Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda appeared first on Puntland Post.
  23. (SLT-Dubai)-Imaaraadka Carabta ayaa dhinac iskaga leexiyey lahaanshaha hub laga helay dalka Libya kadib markii Senator ka tirsan dalka Maraykanku uu dal baday in baadhitaan lagu sameeyo warbixin sheegaysa in gantaalo maraykanku sameeyey lagu qabtay saldhig uu leeyahay Taliyaha milatariga ee Khalifa Haftar. Wasiirka arimaha dibada ee dawlada Imaaraadka Carabta ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku beeninayo arintaasi, isagoo intaasi ku daray inay ilaalinayaan cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay dalka Libya. “Imaaraadku Carabtu wuxuu ugu baaqayaa in dhinacyadu ay xiisada hoos u dhigaan iyo in loo hogaansamo hanaankii siyaasada ee qaramada Midoobay ay waday,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Qaramada Midoobay. Dhawaaqan ayaa yimid maalmo ka dib markii ciidamada dawlada Libya ee beesha caalamku ay aqoonsan tahay ay todobaadkii la soo dhaafay ay sheegeen inay qabteen hub uu sameeyey dalka Maraykanki, hubkaas oo lagu qabtay buuraha koonfureed ee caasimada dalka Libya ee Tripoli. Hubka la qabtay ayaa ay ka mid yihiin tiro gantaalada lidka taangiyada ah, sida uu sheegay Afhayeen Maxamed Qununu oo u hadlay uu hadlay milatariga dalkaasi, kaas oo sidoo kale sheegay in hubkan ay ku calaamadsan tahay calaamada ciidamada Imaaraadka carabta oo iyagu soo dhoofsaday hubkaasi. Source
  24. Ra’isul wasaaraha Itoobiya dr Abiy Axmed ayaa sheegay inta uu xilka hayey in marar badan la isku dayay in la afgambiyo balse shacabka ay ka war heleen oo keli kii toddobaadkii hore dhacay. Dr Abiy Axmed oo golaha wakiillada shacabka ee dalka Itoobiya hordhigay warbixinta ku saabsan afgambigi dhicisoobay iyo xaaladda uu dalku hadda ku sugan yahay ayaa warbixintiisa waxyaaba badan kaga hadlay. Wuxuuna ra’isulwasaaraha uu ku horreeyey dadka loo qabqabtay iney ku lug lahaayeen afgambigi dhicisoobay oo lagu khaarijiyey qaar ka mid ah madaxda deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil Ciidan oo dowladda dhexe ka tirsan. “Sida uu dhigayo dastuurka JDFI qodobkiisa 9(3) oo keli ah ayaa xukunka dalkan Itoobiya lagu qabsan karaa wixi intaa ka baxsan waa sharci darro wuxuuna ka horimanayaa dastuurka dalka.” “Haddaba kooxaha madaxdaasi dilay, qaarna afduubtay, xafiisya dowladeedna la wareegay oo si aan gabbasha iyo cabsi laheen walaalahood u laayey oo waxay isku dayeen iney warbaahinta la wadaagaan oo ay dhahaan waxaan tallaabba sharci ka qaadnay madax dowladeed, afgambi ha dhihina, oo afgambi deegaan kama dhaco ayey dad qaar leeyihiin.” “Golaha sharafta leh waxaan jeclahay inaan u sheego dadkii afgambiga dhicisoobay qorsheeyey, diyaariyey, ee qoray qorshahooda iney na soo gaarsiinin, intii la dhihi lahaa sidaa ma aha iyaga ayey kaga habbooneyd iney noo sheegaan waxaasaan damacsaneen.” “Khiyaanada ay damacsanaayeen inagu ma garan karno annaga waxaan ognahay oo keli ayaa waxay tahay in arrin sharci darra ah oo nidaamka dastuurika ka horimanayo la sameeyey.” Haddii aad i weydiisaan afgambiga aad sheegeysaan halkeed ka keenteen? Afgambigii 1961-kii dhacay mid la mid ah ayaa dhacay oo jeneraal dowladda ka tirsanaa ayaa laayey ciidama ama madax dowladdi boqortooyada ka tirsaneyd, ciidan dowladda daacad u ah ayaa ka hor yimid sidaa ayuuna ku dhicisoobay. Afgambigii hadda dhacay inta aan ka ogahay kooxda afgambi sameeysay ciidamo xoog badan ayey deegaanka Benishangul soo geliyeen, Baxardar waxay ka sameeyeena waad aragteen, Addis Ababana sida oo kale. “Waxyaabihii aan dhicin ama dadkii la damcsanaa in la khaarijiyo haddii ay nasiib wanaag ay dhimanin oo ay badbaadeen ha dhihina afgambi ama nidaamka dastuuriga ayaa meel looga dhacay ha dhihina waa khalad aad u weyn.” “Deegaannada Benishaangul iyo Oromada dadka aan ka soo qabqabannay waxaa ka mid ah ciidamo loo soo tababaray khaarijinta madaxda hay’adaha amniga .” Waxaan idiin sheegayaa dadka afgambiga dhicisoobay ka qayb qaatay waxaa ka mid ah ciidama aan yareen oo ka mid ahaa ciidamadi hadda ka hor xafiiskeyga iigu timid. Wasaaradda gaashaandhigga marka ay ciidamadaasi qiimeyn ku sameeysay oo qaarkood la xiray kaddib ayey wasaaraddu cafis u fidisay maadaamaa ay dhalinyaro ahaayeen, afgambigan ciidamadi noocaasi ahaana wey adeegsadeen. Marka dad baa isku dayaya iney noo sheegaan waxa dhacay inuusan afgambi dowladeed eheen, caqli gal ma tahay taa?, haddii ay qiil ka dhiganayaan dowlad deegaan ayaa afgambi lagu sameyey sharcigee u banneeyey in dowladda dhexe Afgambi lagu sameeyo. ayuu yiri Dr Abiy Xaqiiqada ayaan idiin sheegayaa wakhti xaadirkan xaaladda dalkeenna uu ku sugan yahay cidna talada dowladda xoog kuma qabsan karto bin la isku dhammaada iney horseeddo mooyee. Nidaamka wakhti xaadirkan dalka uu ku dhaqamaya ee Fedraalka ku dhisan ciddi isku daydo iney dowlad dhexe afgambiso uma suura galeyso inaan horseedno masiibo ay subax walba boqollaal kun ku dhintaan moyee dowlad marnaba afgambi kuma noqon karo. Dadkii Afgambiga ku lug lahaa, sameeysay, ka dambeysay ama gacan ka geysatay intey doontaba hanagu qaadatee waan shaacin doonnaa shacabkana waan u soo bandhigeynaa. “Dadka waxaa isaga qasan Dastuurka Federaalka iyo kan deegaanka, dastuurka deegaannadda waxaa laga soo minguuriyey kan dowladda dhexe haddii u ka degaanka jirinna kan dowladda dhexe ma jirayo”. “Dowladda jamhuuriyadda Dimuqraadiga federaalka Itoobiya uu fadhigeedu yahay Adis Ababa ma jiri karto haddii uu deegaan ka mid ah uu ka maqan yahay dowladda dhexe ” ayuu yiri. “Weerar kasta oo deegaan ka mid ah deegaannada dowladda dhexe dhisay waxay la mid tahay weerar lagu soo qaaday dowladda itobiya. Ra’isul wasaarae Dr Abiy Axmed oo warbixintiisa sii wato wuxuu golaha uu u sheegay sannadki la soo dhaafay iney isku day iyo afgambiyo aad u fool xun ay dalka Itoobiya ka dhaceen, inta aan la ogeen idiinma sheegayee inta la ogyahay aan idiin sheego. July 23, 2018-kii iyada oo isbeddelku uu labo bilood oo keli ah jiro oo aan wax badan dalka ka qaban isbeddelkana uu curdun yahay waxaa la sameeyey falki foosha xumaa iyo qarixii lagu doonayey madaxda dowladda in lagu khaarijiyo. Inta aan dadkii dambiilayaasha ee falkaasi ka dambeeyey aan kala saarin oo aan baritaankoda ku gudajirno, haddana laba bilood gudahood, oo afar bilood oo keli ah aan xilka hayo deegaanka Soomaalida waxaa ka dhacay arrin halis ah oo midnimada Itoobiya caqbad ku noqoneysa oo aad u abaabulan, ciidadamo kumannaan ah oo tababaran oo siyaasadda iyo dhaqaalaba ka dhisan ay ka qayb qaateen. Falkaasina dhalinyaro badana ayaa ku nafweyday, kaniisado ayaa lagu gubay, dhibaata aad u badana ayaana ka dhalatay, taa marki aan ka soo gudubnayna ciidama aad u hubeysan oo aan yareen ayaa xafiiskeyga igu soo weeraray, oo aan si maskax ah kaga baxsannay. Ciidamadaasi markii aan si aqli iyo xeelad ku jirto aan dib isaga celinnay laba biloodba inta ay ka soo wareegin haddana galbeedka dalka wixi ka dhacay waad ogeeydeen. Waxaa galbeedka Itoobiya ka abuurmay xoogag ku dhawaaqay iney seddex bilood ay dowlad ku noqonayaan tallaabbada adag oo aan xooggagaasi ku nadiifineyno ayaan qaadnay wakhti badanna naguma qaadan, balse inta aan howshaasi si buuxda u soo afjarin, waxaa qayba badan oo dalka ka mid ah ka abuurmay xoogag qas wadayaal ah si ay shacabka u barakacaan. Xaalka halkaa marka uu marayo haddana waxay xeeladdooda u beddeleen iney shaqaalaha dowladda adegsadaan sida macallimiinta iyo dhakhaatiirta oo ay shaqa joojin sameeyaan iyaga oo sababa uga dhiganaya mushaarka oo ku yar iwm, balse arrintu waxay ahayd mid siyaasadeysan. Xilligaasi Itoobiya xaaladda dhaqaale ee ay ku sugneyd ma aha xilli dowladda mushaar kordhin la weydiisto qaar kooban ayaa dib ka fahmay waxa arrintaasi ka dambeeyey balse badankood meysan fahmin. Dadki noocaasi ahaa marki aan la fadhiisannay oo aan qancinnay una sheegnay inaan la joogin xilli mushaar iyo xuquuq la weydiisto, haddana waxaa nagu billaawday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhan walba dowladda lagala dagaallamay. Iyada oo la leeyahay waddankiba Oromo ayuu gacanta u galay, ciidanki oo dhan oOroma ayaa qabsatay jagooyinka dhan oromo ayaa isku koobtay iwm, oo xaqiiqda ka fog. Waxaanna golaha sharafta leh u sheegayaa dhammaan hay’adaha dowladda intey baaraan haddii ay soo saaraan xil dheeri ah oo ay qowmiyadda oromada xaq u lahayn oo ay haysato, laga billaabo aniga waxaan diyaar u ahay in tallaabbo la iga qaado. Ujeeddada laga leeyahay ayaa waxay tahay in shacabka miskiinka ah wararkaasi beenta ah la isaga horkeeno waxaan idiin sheegay habayaraatee iney jirin kursi dheeraad ah oo ay qowmiyadda Oromada haysato. Marki ay kooxa dalka dhibka ka wado arrimahaasi oo dhan ay u suurageli weyday oo ay ku guul darreysteen ayay magaalada Baxirdar iyo Addis Ababa wixi foosha xumaa ee ka dhacay ayey sameeyeen. Shacabka Itoobiya waxaan u sheegayaa isbeddelka inuu yahay mid run ah, isbeddelkanna wuxuu dawo u yahay dalkan Itoobiya, isbeddelkan ma aha mid Itoobiya midnimo u horseedayo balse waa mid muwaaddiniinta Itoobiya oo dhan sharaf iyo horumar u horseedaya. Dadka isbeddelkan hoggaanka u hayo waxaan u sheegayaa maadaamaa ay runta nala jirto iney cidana na joojin karin, cidna nama joojin karto. Imtixaan kasta oo nala soo darso adadeyga ayaan ka sii qaadeynaa haba yaraatee nama daciifinayo, shucuubta dalkana waxaan u sheegayaa iney ka wada qayb qaataan sidi dalka dimuqraadiyad buuxda aan u gaarsiin laheen. Cid kasta oo isku daydo midnimada iyo qaranimada Itoobiya iney wiiqdo kulama dagaallamayo qalin oo keli ah ee waxaan diyaar u ahay inaan qori qaato oo aan la dagaallamo. BNN Qaran News