Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ka warbixiyey howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaa oo ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Odowaa Yuuruf Raage, taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadu ay la wareegeen deegaanno ay muddo ku sugnaayeen Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay in Al-shabaab laga saaray deegaanno hoostaga magaalada Marka, sidoo kalena ku wajahan yihiin deegaanno kale. Meelaha ay ciidanku la wareegeen ayuu taliyaha ku sheegay iney ka mid yihiin, Mooro Gaabey, Ceel la helay iyo deegaanno kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/taliska-ciidmada-xooga-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Maamulka cusub ee degmada B/xaawo, gobolka Gedo ayaa sheegay iney wax badan ka qaban doonaan xaaladda ammaanka ee degmadaasi. C/casiis Xareed C/laahi, guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in haddii ay wadashaqeyn buuxda ka helaan shacabka degmada B/xaawo ay aad u sahlanaaneyso in laga shaqeeyo amniga. Guddoomiyahan ayaa dhanka kale u mahadceliyey maamulkii isaga ka horreeyay oo uu sheegay in wax badan uu ka qabtay degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/gudoomiyaha-cusub-ee-balad-xaawo-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. MUQDISHO (SMN) – Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary sanadkan ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud ee dilalka lagu geysto. Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Al-Shabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore, Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu sheegay in ay ku qanciyeen ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab. Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu ugu kala dhiibayay qeyba ka mid ah Xaafada Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Al-Shabaab, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd markii sedaxaad ay suura gashay in ay qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu ku waday Boorsooyinka Xarragada. Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer). Bishii Afaraad dabayaaqadeedii ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay. Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay. Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  4. Xarakada Al-shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose waxay ku toogteen Shan qof oo ay sheegeen iney la shaqeynayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka taageera dowladda. Waxa ay Al-shabaab halka ay raggan ku dilayeen ay isugu keeneen dadweyne badan oo laga soo bixiyey goobaha ay ka deganaayeen deegaanka Xagar. Ragga la dilay ayaa kala ahaa: Cismaan Cabdulle C/laahi, waxaa lagu eedeeyey la shaqeynta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maraykanka. C/kariin Muumin Axmed, waxaa lagu eedeeyay inuu u shaqeynayey hay’adaha sirdoonka dalka. Xasan Barre Isaaq waxay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey ciidanka Kenya ee AMISOM. Cumar Xasan Axmed, waxay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey CIA-da Maraykanka. Axmed C/laahi Warsame waxay Al-shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayey CIA-da Maraykanka. Al-shabaab ayaa horey sidan oo kale waxay deegaannada ay maamulaan ugu toogteen rag ay sheegeen iney la shaqeynayeen dowladda federaalka iyo sidoo kale dowladaha taageerada DF. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in shalay gelinkii dambe in Al-Shabaab 5 qof ay ku toogteen gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa xubnahan ku eedeeyeen inay Jawaasiis u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya. Fagaare ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu toogtay raggaasi, waxaana goobta ku sugnaa dadweyne fara badan iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Raga la toogtay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa Al-Shabaab magacyadooda ay ku kala sheegeen: 1-Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay Maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee bangaraafta loo yaqaan. 2-Cabdikariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan PS 3-Xasan Barre Isxaaq (Jiirow Barrow) oo 35 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay dowladda Kenya 4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da 5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa wuxuu u basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dil ka fuliya deegaanada ay ka arrimiyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  6. Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Banaadir ayaa markii ugu horreysay amar culus kusoo rogay dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, amarkaas oo nqoonaya kii ugu horreeyay noociisa tan iyo burburkii dalka. Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Arrimaha Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Mahad-Alle ayaa sheegay in qof walba oo ka baxa garoonka Muqdisho laga doonayo inuu haysto buug caafimaad, kaasoo uu qiimihiisa ku sheegay inuu ku kici doono 10-doollar. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in arrintaan lagu soo qaaday kulan uu maamulku yeeshay xalay, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid ka timid dhanka shacabka ee aysan ahayn mid uu go’aansaday maamulka gobolka Banaadir. “Caalamka oo dhan dadku markay baxayaan waxaa laga rabaa inay wataan buug caafimaad, kaasoo muujinaya bad-qabka caafimaad ee qofkaas dalka ka dhoofaya, innagana maadaama aan dowlad jirta nahay waa lagama maar-maan in dadka dhoofaya ay wataan bug caafimaad,” ayuu Ibaahim Dheer eku yiri hadal uu jeediyay. Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in buuga caafimaadka lagu billaabi doono dadka sannadkan aadaya xajka, balse wixii markaas ka dambeeya qof walba oo ka dhoofaya garoonka Muqdisho laga doonayo inuu wato buug caafimaad, haddii kale uusan ka bixi doono garoonka Xamar. “Buugga caafimaadka wuxuu qofku ka qaadan karaa garoonka diyaaradaha ama meelaha tikidhada lagu iibiyo,” ayuu hadalkiisa daba dhigay, isagoo ku nuun-nuuxsaday in taallaabadan ay tahay mid la doonayo inay weligeed ka shaqeyso dalka oo aanay muddo kooban ku ekaan. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan lagu soo rogay dadka dalka ka dhoofaya inay la yimaadaan warqado lagu xaqiijnayo inaysan dalka dambi ka gelin, kuwaasoo dhibaato badan laga maro sidii lagu heli lahaa. DHAGYSO: Codka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar cusub kusoo rogay Dadka ka Dhoofaya Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Maxkamada darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia, ayaa waxay ku riday nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa ururka Al-shabaab, isla markaana hubka u kala gudbin jiray. Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse oo loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray bishii Feberaayo sanadkan 2019-ka inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, gaar ahaan kooxda hubka fudud ee dilalka lagu geysto kala gudbiya. Sida uu ku sheegtay caddeymaha ay ka qoreen hay’adaha baarista amniga Al-shabaab wuxuu ku biiray bilowgii bishii Ogoosto 2018-kii, Laba kale oo ka tirsan ehelkiisa ayuu sheegay inay ku qanciyeen ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab. Tiro saddex jeer ah ayuu sheegay inuu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeellada Hoose, wuxuu ugu kala dhiibayay qeyba ka mid ah xaafadda Towfiiq shaqsiyaad kale oo ay kuwada jiraan kooxda Al-Shabaab, carafaad iyo Suuqa xoolaha oo u ahayd markii seddaxaad ay suura-gashay inay qabtaan ciidamada amniga isagoo hub ku waday boorso uu watay. Hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay in eedeysane, Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) lagu soo qabtay; laba bastoolad, seddax qasnad iyo 23-xabo oo rasaas ah, kuwaasoo uu ku watay boorso uu xambaarsanaa. Dabayaaqadii bishii afaraad ee sannadkan ayaa loo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, wuxuuna xilligaas wixii ka dambeeyay ku gudo-jiray xafiisku dhamaystirka baarista kiiskan si cadaalada loo horgeeyo, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay xabsiga dhexe. Xafisika xeer-ilaalinta ayaa maxkamadda horgeeyay dambi muujinaya hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo boorsadii uu ku qarinaaye, qiraalka eedeysanaha iyo markaatiyaal ay ku jiraan ciidamadii amniga ee soo qabtay. Sidoo kale, Xafiiska ayaa ku dooday in eedeysanahu ahaa keyd haya hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Al-shabaab dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay kusoo eedeeyeen. Dhanka kale, Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku doodaya inuusan Maxamed C/llaahi geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn karin gacansiin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay eedeysanaha, waxayna garsoorka ciidamada weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Garsoorayaasha maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, iyadoo lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta G/sare Xasan Cali Nuur [Shuute] guddoomiyaha mxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida. Ugu dambeyn, Xukunka Maxamed C/llaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) oo dhacay maanta ayaa la sheegay inuu haysto fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo Xukun ku Ridday Ruux lagu eedeeyay Dambi Culus appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka u wakiishay doorashada Galmudug. Hay’adaha kala ee Galmudug ayuu faray iney sii wataan waajibaadkooda shaqo, balse arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka u wakiishay wasaaradda arrimaha gudaha. Xaaf ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo inta uu magaalada joogay la kulmay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, halka Ra’iisul wasaaraha uu kula soo kulmay magaalada Cadaado. Halkaan hoos ka akhriso qoraalka: Source: goobjoog.com
  9. MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Ducaale Geelle ayaa markii u horreysay shaaciyay inuu ogolaaday in XFS, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ay hoggaamiso geeddi socodka arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka maamulkaasi. War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayuu ku sheegay in markii uu arkay qodobka 50aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka dowlad giboleedka Galmudug, baahida loo qabo in dadajiyo arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyo markii uu tixgeliyay xaaladda cakiran ee maamulkaasui uu go’aansaday in geeddi socodka doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta uu u wakiishay wasaaradda arrimaha Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article
  10. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-040719.mp3 View the full article
  11. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riddey shaqsi la sheegay inuu ka mid ahaa Al-shabaab, sidoo kalena u kala gudbin jiray hubka. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan lagu yiri: Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qayb u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada. Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore, Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab. Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu ugu kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd markii sedaxaad ay suura gashay in ay qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday Boorsooyinka Xarragada. Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer). Bishii Afaraad dabayaaqadeedii ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan. Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay. Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay. Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa. Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan. Source: goobjoog.com
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Lugta dowladda General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahiyey howlgallo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Odowaa ayaa sheegay in ciidamadu ay weerareen saldhigyo Kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen agagaarka degmada Xudur ee gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaal xoogan labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi, islamarkaana ay guullo ka gaareen ciidamada dowladda. Taliyaha ciidanka Lugta ayaa intaasi ku daray in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo u badnaa Ajaaniib, inkastoo uusan shaacin tiradooda. Waxa kale uu xusay in qabsadeen hub iyo saanad ay Al-Shabaab uga tageen saldhigyadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xoogaga Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, hayeeshii ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa gobollada Shebeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ka jiray xiisado dagaal oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Odawa.mp3Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  13. Over the past three months the authorities in Somaliland appear to have stepped up their attack on dissenting voices by shutting down media houses, arbitrarily arresting and prosecuting individuals perceived as critical of government policies and officials, Amnesty International said today. Source: Hiiraan Online
  14. Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa gelinkii dambe ee shalay fagaare ku yaalla degaanka Xagar ee gobolka Jubada hoose, waxay ku toogteen 5 nin oo ay ku sheegeen basaasiin. Al-shabaab ayaa 5-ta nin ku eedaysay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka, waxaana dhammaantood lagu toogtay goob fagaare ah, kadib markii ay xukuntay maxkamadda Shabaab ee gobollada Jubbooyinka. Cismaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sano jir ah iyo Cabdikariin Mu’min Axmed oo da’diisu tahay 48 sano, ayaa Al-shabaab sheegtay in ay u shaqeynayeen Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Halka Cumar xassan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sano jir ah iyo Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sano jir ah, ay Al-shabaab sheegtay in ay u shaqeynayeen C.I.A Maraykanka. Sidoo kale, ninka shanaad oo magaciisa Al-shabaab ku sheegtay Xassan Barre Isxaaq (Jiirow Barroow) da’diisuna tahay 35 sano jir, ayaa maxkamadda Al-shabaab sheegtay in lagu helay denbi ah in uu la shaqeynayey Sirdoonka dowladda Kenya. Maxkamadda Al-shabaab ma soo bandhigin wax caddaymo ama qiraal ah oo muujinaya in ragga la toogtay lagu helay denbiyadii ay ku eedaysnaayeen. PUNTLAND POST The post AL-shabaab oo dad ku laayay goob fagaare ah appeared first on Puntland Post.
  15. Eagan police were saying little Wednesday about gunfire exchanged the previous evening between officers and a domestic assault suspect who was shot to death. Source: Hiiraan Online
  16. Boeing is giving $100m (£80m) to help families affected by the two crashes of the company's 737 Max planes in Indonesia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Booliiska Soomaaliya ayaa loo ogolaaday in ay qortaan dhalinyaro cusub oo Jaamciyiin ah iyo kuwa ka soo baxay Dugsiyada Sare, kuwaas oo loo diyaarinayo in ay noqdaan Sirdoonka Booliiska Soomaaliya iyo hey’adda NISA. Saraakiisha Booliiska iyo Nabad Sugidda ayaa sheegay in guulo wanaagsan ay soo hoyeen dhalinyaro dhowr boqol ah oo si tijaabo ah looga howlgeliyay hey’adda NISA islamarkaana ay si wayn uga soo muuqeyn dedaallada nabad-galyada Muqdisho lagu raadinayo. Xukuumadda Soomaaliya iyo Saraakiisha amaanka ayaa isku raacay in Booliiska loo sameeyo dhalinyaro sirdoon ah dharcad oo si gaar ah ula shaqeeya, waxaana dhalinyaradaas la sheegay in ay noqonayaan aqoonyahaano si niyad furan ah loo soo xulay. Talo aruurin la sameeyay ayaa lagu sheegay in la isku raacay in Xildhibaanada la siiyo fursad ah in ay soo xulaan dhalinyaro ay ku kalsoon yihiin oo aqoon leh, islamarkaana aysan noqon kuwa Balwad leh. Fursadaan lama siinin Xildhibaanada oo dhan balse waxaa la sheegay in la siiyay xubno kooban oo ku xiran Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Dowladda Qatar oo si tijaabo ah Barnaamijkaan uga fulisay Xafiiska NISA ayaa la sheegay in hadana si tijaabo ah dhowr boqol ugu qoreyso Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa aan badneen oo lagu biirinayo hey’adda NISA. Qatar ayaa la sheegay in ay bixin doonto Tababarka iyo xuquuqda kale ee Ciidamadaan waxaana la soo marsiin doonaa Xukuumadda Soomaaliya. Fursadaan ayaa hadii ay dhaqan gasho waxaa loo arkaa in ay muhiim u tahay ammaanka magaalada Muqdisho oo hadda mararka qaar marti geliya dilal iyo Qarax. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. BEIRUT—Few world leaders are known to write poetry. Fewer still offer it up for public consumption. And almost none record their marital breakups in verse on their personal websites. Source: Hiiraan Online
  19. Wedged in the middle of chaos, bordered by the long-running instability of South Sudan to the northwest and Somalia to the east, the East African nation of Kenya is striving to maintain the feeble balance of welcoming refugees while securing their borders from the infiltration of terrorists. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in uu Geeddi-socodka dib u-heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug u wakiishay wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay in kadib markii uu arkay Dastuurka Galmudug iyo sidoo kale baahida loo qabo dib u-heshiisiinta iyo midaynta Galmudug uu go’aansaday in uu dowladda Federaalka Soomaaliya u wakiisho hawlahaasi. Dhinaca kale war-saxaafadeedka ayaa lagu faray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay sii wataan waajibaadkooda ay bulshada u hayaan inta laga soo dhisayo dowlad cusub. PUNTLAND POST The post Xaaf oo dowladda Federaalka u wakiishay dib u heshiisiinta iyo doorashada Galmudug appeared first on Puntland Post.
  21. JERUSALEM — Protests by the Ethiopian-Israeli community and their supporters entered a third day on Wednesday in Israel in the wake of the killing of an Ethiopian-Israeli teen by an off-duty police officer Source: Hiiraan Online
  22. Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa xukuntay saddex nin oo sida la sheegay ay ku heshay ku lug’lahaansha weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarrisa ee gobolka Waqooyi bari Kenya. Saddexda nin ayaa laba kamid ah maxkamaddu ku ridday min 41 sano oo xabsiya halka ninka saddexaad ay ku ridday xabsi daa’in kadib markii ay ku caddaatay in ay gacan ka geysteen weerarkii Jaamacadda Gaarrisa ee lagu xasuuqay 150 ruux oo ka kooban arday iyo shaqaale kale oo jaamacadeed. Weerarka ayaa dhacay 2-dii April 2015 xilligaasi oo 4 nin oo hubaysan ay weerar qorshaysan ku qaadeen jaamacadda Gaarrisa halkaasi oo ay ku xasuuqeen arday shaqaale jaamacadeed. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Nairobi oo xukuntay rag ku eedaysan weerarkii Jaamacadda Gaarrisa appeared first on Puntland Post.
  23. Belguim, Denmark, Ethiopia, Finland, France, Germany, Italy, The Netherlands, Norway, Poland, Sweden, Switzerland, Turkey, United Kingdom, United States, the African Union Mission in Somalia (AMISOM)commend the ongoing dialogue in Galmudug to unify the state Source: Hiiraan Online
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe toogasho ku fulisay shan Qof oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya. Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose. Fagaaraha lagu toogtay raggaasi waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno ka tirsan dhaq dhaqaaq Al-Shabaab. Qaadiga maxkamad hoostaga Al-Shabaab ayaa goobta ka akhriyay, ka hor inta aan la toogan shantaasi Qof dambiyada loo heysto. Raga la toogtay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa Al-Shabaab magacyadooda ay ku kala sheegeen: 1-Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi (Buulle) oo 59 sana jir ahaa wuxuu ushaqeynayay Maleeshiyaadka Mareykanku Tababaray ee bangaraafta loo yaqaan. 2-Cabdikariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee loo yaqaan PS 3-Xasan Barre Isxaaq (Jiirow Barrow) oo 35 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay dowladda Kenya 4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da 5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa wuxuu u basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da. Al-Shabaab oo weli maamulo deegaano iyo degmooyin ku yaalla dalka ayaa inta badan ka fuliya goobaha ay ku sugan yihiin xukuno u badan dil, waxaana u dambeeyey midkii lagu fuliyay Oday 75 jir ahaa oo lagu eedeeyay inuu isku guursaday Gabar iyo Hooyadeed. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. ISTANBUL (Reuters) - A refusal by the United States to hand over to Turkey the F-35 fighters jets which it has bought would be "robbery", media reports on Thursday cited President Tayyip Erdogan as saying in a dispute over Ankara's purchase of Russian air defences. Source: Hiiraan Online