Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) - The Somaliland Ministry of Foreign Affairs has expressed concern over heavy weapons seized by civilians when militiamen ambushed two truckloads of arms in central Somalia on Monday. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo war qoraal ah soo saaray aya digniin culus kasoo saaray hubka lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Thabit ayaa ayaan darro ku tilmaaay in qaadistii cunaqabateyna hubka uu ka dhasho qulqulka hub sharci darro ah oo uu tilmaanay inuu halis ku yahay xasilloonida dalka. Sidoo kale wuxuu su’aal ka keenay halka uu ka yimid hubkan oo kasoo galay dhinaca Itoobiya isaga oo sheegay in xilligan aanu wax xariir ah nagala dhexeyn dalkaasi. “Qaadistii cunaqabateynta hubka ma ahayn in ay dhasho qulqul hub sharci darro oo halis ku ah xasilloonida iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, oo wiliba ay wararku sheegayaan in xadka Itoobiya ee Dowlad Gobolleedka Galmudug kasoo galay iyadoo wax xiriir ah uusan nagala dhexeyn Itoobiya” ayuu qoraalkiisa ku yiri Thabit Cabdi Maxamed. Duqii hore ee Muqdisho ayaa intaasi kadib farriin u diray saddex dhinac oo kala ah dowladda dhexe, Galmudug iyo baarlaamanka inay arrintaan jawaab ka keenaan, si loo ogaad cidda ka dambeystay halistaas ee hubka sharci darrada ah soo gelisay waddanka. “Waxay sharafdhac ku tahay dowladnimada, hagardaamineysaa hannaanka xakameynta hubka, waana in si daahfuran baaritaan rasmi ah loo sameeyaa, si gaar ah Dowladda Galmudug hay’addaha ay quseyso lana horkeenaa sharciga cidkasta oo ku lug leh jarriimadan qaran ee Soomaliya iyo GalMudug-ba la rabo in lagu sharaf dilo”. ayuu yiri. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddiga Difaaca iyo Amniga ee BJFS waajib ayaa ka saaran in ay islaxisaabtan ku sameeyaan Laanta Fulinta ee DFS.” Hadalkan kasoo baxay Thabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad xoogan ay ka dhalatay hubkan oo u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq, waxaana dowladda federaalka iyo Galmudug ay sheegeen inay ku dadaalayaan soo celinta hubkaasi. The post Thabit oo ka digay halista wixii ka dhacay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  3. Xukuumadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubka gacanta u galay maleeshiiyo beeleedka degmada Caabudwaaq ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in qaadistii cunaqabataynta hubka Soomaaliya anay ahayn go’aan sax ah. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa lagu sheegay in saddexdii billood ee lasoo dhaafay ay kooxda Al Shabaab dowlada ka qabsatay hub tiro badan. “Sidoo kale, dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yidhi qoraalka. Qoraalku waxa kale oo lagu sheegay in xaalada hada soo cusboonaatay ay tahay mid digniin u diraysa wadamada jaarka la ah Soomaaliya, ayna muujinayso in go’aankii cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya aanu ahayn mid xikmad ku dhisan. Ugu danbayn, waxay Somaliland beesha caalamka ugu baaqaysa in dibu-qiimayn lagu sameeyo cunaqabataynta hubka Soomaaliya si looga fogaado qalalaase kale ayaa lagu yidhi qoraalka. Maleeshiyo beeleed ayaa Isniintii gacanta ku dhigay laba baabuur oo hub ah degmada Caabudwaaq, dhaca hubka ayaa imanaysa kadib markii cunaqabatayntii 30 jirsatay ee hubka laga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore. Source
  4. Dalka Kenya, salaasadii shalay waxaa mar kale dib u billaamay bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah. Degmada Kitengela, ee nawaaxiga koofureed ee magaalada Nairobi, booliska ayaa si xidhiidh ah rasaas ugu riday jihada boqollaal qof oo mudaaharaadayay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters. Dadka qaar ayaa iyaguna dhagxaan ku tuurayay booliska, halka kuwo kalana ay gubayeen taayarro. Wakaaladda wararka Rueters ayaa ku warrantay in deegaanka Kitengela lagu dilay qof ka mid ahaa dadki mudaaharaadka dhigayay. Hase yeeshee booliska oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaanan bixin wax jawaab ah. Bannaanbaxyada oo ay horboodayeen dhalinyaro ayaa marki hore ku billaamay si nabad ah, balse markii danbe isu baddalay rabsho, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joog ah. Dadka bannaanbaxa dhigayy ayaa ruxayay calanka Kenya kuna qeylinayay “Ruto ha dhaco!” Meelaha kale ee ay iskudhacyada booliska iyo kooxaha mudaaharaadka dhigayay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa, badhtamaha Nairobi, halkaas oo ay ciidanka booliska adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa. Wariyaasha ayaa sheegay in dhowr qof lagu dhaawacay isku hor-imaadyada booliska iyo bannaanbaxayaasha ee Nairobi. Bannaanbaxyo kuwan la mid ah oo Kenya ka dhacay bishi hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale. Dibadbixi shalay ayaa imanaya saddex todobaad kaddib markii uu madaxweynaha Kenya, William Ruto uu 26-ki June ka laabtay qorshihiisii cashuur kordhinta qaran. Source
  5. In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Israa’iil salaasadii shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo badhtamaha Gaza. Meelaha ay ciidanka Israa’iil gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Israa’iil u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan. Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa salaasadii shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi. Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof. Duqeymo kale oo Isniintii iyo salaasadii ay Israa’iil ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee badhtamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay. Saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah. Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Israa’iil dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Israa’iil ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen. Israa’iil ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas. Hase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay gadhwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta. Source
  6. Xildhibaan ka tirsan aqalka Sente-ka ee Maraykanka, Senator Bob Menendez ayaa lagu helay dhammaan eedaymo musuqmaasuq oo lagu soo oogay Salaasadii, waxaana eedaha loosoo jeediyey ku jira, inuu laaluush isugu jira dahab iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo ka soo jeeda gobolka New Jersey ee dalkan Maraykanka iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa dowladda Masar. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in mudanahani uu ku takri falay awooda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu wax taro asxaabtiisa oo ay ku jirto xaaskiisa. Xildhibaan Bob Menendez ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu kulamo kala duwan la galay sirdoonka Masar, si uu u debciyo mowqifkiisa, ugana shaqeeyo, sidii loo dedejin lahaa kaalmo ku kacaysa malaayiin doollar oo ah gargaarka Maraykanku uu siiyo dalkaasi. Menendez ayaase ku dooday inaanu weligii jebin dhaartii uu u maray xafiiskiisa. sidoo kalena aanu marna muwaadin u noqonin dal aan ka ahayn Maraykanka, isla markaana anuu weligiis wakiil u noqon dal shisheeye Source
  7. Saraakiil sare oo ka tirsan kooxaha iska soo horjeeda ee Falastiiniyiinta ee Xamaas oo dagaal kula jirta Israa’iil iyo Fatah ayaa ku heshiiyey inay bishan ku kulmaan magaalada Beijing, halkaasi oo ay ku yeelan doonaan shir dib u heshiisiin ah, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Wafdiga Xamaas waxaa hoggaaminaya madaxa siyaasadda ee fadhigiisu yahay Qatar Ismaaciil Haniyeh, halka dhanka Fatax uu hogaamin doono ku xigeenka madaxa Maxamuud Caluul, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan kooxda Fatax. Labadan kooxood ayaa ahaa kuwo iska soo horjeeda tan iyo markii dagaalyahannada Xamaas ay Fatah ka saareen Marinka Gaza ka dib isku dhacyo lagu hoobtay oo daba socday guushii weyneyd ee Xamaas ay ka gaartay doorashadii 2006-dii. Dhaqdhaqaaqa cilmaaniga ah ee Fatah ayaa maamula qeybo kamid ah deegaanada Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato. Source
  8. Midowga Yurub ayaa Isniintii ku dhawaaqay cunaqabatayn ka dhan ah shan qof oo Israa’iili ah iyo saddex hay’adood, iyaga oo ku sifeeyay inay mas’uul ka yihiin “xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah” oo ka dhan ah Falastiiniyiinta Daanta Galbeed iyo Bariga magaalada Quddus. Liiska waxaa ka mid ahaa kooxda Tzav 9, oo kamid ah kuwa sida joogtada ah u xannibay baabuurta gargaarka bini’aadantinimo ee raashinka, biyaha iyo shidaalka geyn jiray marinka Qasa. Waxa kale oo liiska ku jira ninka lagu magacaabo Ben-Zion Gopstein, aasaasaha iyo hoggaamiyaha ururka Lehava, iyo Isaschar Manne, oo Midowga Yurub ku tilmaameen inuu yahay aasaasaha qaar kamid ah kooxaha boobka ku haya dhulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed oo ay Israa’iil haysato. Cunaqabataynta Midowga Yurub, ee hoos timaada Nidaamka Cunaqabataynta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee EU, waxaa ka mid ah xannibaadda hantida iyo xayiraadda safarka ee dalalka Midowga Yurub. Source
  9. Police have fired tear gas to disperse antigovernment protesters who took to the streets of Kenya demanding that embattled President William Ruto resign. Source: Hiiraan Online
  10. At least five people were killed when militiamen ambushed a convoy in central Somalia and seized heavy weapons, the local government and residents said on Tuesday, seven months after a decades-long arms embargo was lifted. Source: Hiiraan Online
  11. Afar qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday meel u dhow masaajid ku yaalla caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, sida ay booliska sheegeen shalay salaasadii. “Booliska Boqortooyada Cumaan ayaa ka jawaabay dhacdo toogasho ah oo ka dhacday agagaarka masaajid ku yaalla aagga Al-Wadi Al-Kabir,” booliiska ayaa ku yidhi hadal uu soo saaray. Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad ka cararaya agagaarka Masaajidka Imaam Cali, iyadoo rasaastu ay dhacayso. Weerarkan oo kale ayaa ah mid naadir ku ah dalkaasi Cumaan oo xiliyadii danbe ciyaarayey door muhiim ah ee dhexdhexaadinta colaadaha ka jira gobolka Barriga Dhexe. Source
  12. MINNEAPOLIS — Minneapolis city leaders hoped a trip halfway around the world would improve public safety and build community connections. Source: Hiiraan Online
  13. In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen koofurta iyo bartamaha Gaza. Meelaha ay ciidanka Israa’iil gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Israa’iil u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan. Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa Talaadadi shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi. Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah. Israa’il ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Israa’il ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqayn ku dishay in ka badan 60 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur appeared first on Puntland Post.
  14. Twelve people were killed Monday in central Somalia as government soldiers and local militias fought over two truckloads of weapons illegally brought over the border from Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  15. Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland. Xeer ilaalinta ayaa Xildhibaanka u heysata eedaymo ay ku jirto in masuuliyiinta ka Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa xaqiijiyey inay soo gaadhay warqadda xeer ilaalinta kaga timid ee lagu dalbaday in xasaanadda lagaga xayuubiyo Xildhibaankaas, si loo maxkamadeeyo. Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay. Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaan Abiib wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyey sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ay galeen, isagoo soo raaciyey qoraal u dhignaa “Waxaan Wasiirka ka wada hadalnay halka ay marayso hawsha jid isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxuu ii sheegay inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhiidhi doona.” Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa hadda xaqiijiyay in ay jirto dacwadda ay ka gudbisay Xeer ilaalinta Somaliland, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin bixiyo. Qaar ka mid ah Khuburada sharciga ayaa sheegaya in marka la eego eedda xildhibaanka loo jeediyay ee xeer-ilaalintu dalbatay in maamus ka xayuubin lagu sameeyo ay u baahantahay in qodobbada la faah-faahiyo isla markaana si dhab ah loo ogaado waxa ay salka ku hayaan. Maxamed Cabdi Afyare, oo ah sharci-yaqaan ayaa qaba in tusaale ahaan qodobbada lagu soo eedeyay, Xildhibaan Abiib sida inuu la kulmay xubno ka tirsan safaaradda Soomaaliya ay Jabuuti ay tahay in la ogaado waxa uu kala hadlay iyo faahfaahintooda, iyo in arrinta ciidamada Somaliland qudheeda la eego qaabka uu uga hadlay. “Arrimahaas kaligood kuma filna in xildhibaan lagu soo eedeyo si xasaanadda looga qaado, arrimahaasi waxay u baahanyihiin ciidanka qaranka sida uu uga hadlay, ma siyaasadda lagu maamulyay ayuu dhaliilay, taasna xildhibaanku xaqbuu u leeyahay inuu ka hadlo,” ayuu yidhi sharciyaqaan Maxamed Cabdi Afyare. Source
  16. Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa mar kale dalka Kenya dib uga bilowday bannaan-baxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah. Degmada Kitengela ee nawaaxiga koonfureed ee magaalada Nairobi, booliska ayaa si xiriir ah rasaas ugu riday jihada boqollaal qof oo mudaaharaadayay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters. Dadka qaar ayaa iyaguna dhagxaan ku tuurayay booliska, halka kuwo kalana ay gubayeen taayarro. Wakaaladda wararka Rueters ayaa ku warrantay in deegaanka Kitengela lagu dilay qof ka mid ahaa dadki mudaaharaadka dhigayay. Hase yeeshee booliska oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaanan bixin wax jawaab ah. Bannaanbaxyada oo ay horboodayeen dhalinyaro ayaa marki hore ku billowday si nabad ah, balse markii danbe isu baddalay rabsho, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joog ah. Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa ruxayay calanka Kenya kuna qeylinayay “Ruto ha baxo!”. Meelaha kale ee ay iskudhacyada booliska iyo kooxaha mudaaharaadka dhigayay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa bartamaha Nairobi, halkaas oo ay ciidanka booliska adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa. Wariyaasha ayaa sheegay in dhowr qof lagu dhaawacay isku hor-imaadyada booliska iyo bannaanbaxayaasha ee Nairobi. Bannaan-baxyo kuwan lamid ah oo Kenya ka dhacay bishii hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale. Dibad-bixii shalay ayaa imanaya saddex todobaad kaddib markii uu madaxweynaha Kenya, William Ruto uu 26-kii June ka laabtay qorshihiisii canshuur kordhinta qaran. The post Dibad-baxyo rabshado wata oo mar kale ka qarxay Kenya – Maxaa soo kordhay? appeared first on Caasimada Online.
  17. Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa golaha wakiillada ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland. Xeer ilaalinta ayaa xildhibaanka u heysata eedaymo ay ku jirto in mas’uuliyiinta ka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay. Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa xaqiijiyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaalinta uga timid ee lagu dalbaday in xasaanadda laga xayuubiyo xildhibaankaas, si loo maxkamadeeyo. Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Abiib weli kama hadlin dacwadda ay u haystaan xeer ilaalinta Somaliland lagu dalbanayo in xasaanadda laga qaado islamarkaana maxkamad loo gudbiyo kiiskiisa. PUNTLAND POST The post Xeer ilaalinta Somaliland oo dalbatay in xasaanada laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib appeared first on Puntland Post.
  18. Ugu yaraan afar askari oo Hindi ah ayaa lagu dilay iska hor-imaad ciidanku ay la galeen fallaagada dagaalka kula jira ee ku sugan kashmir dhieceeda ay Hindiya maamusho, waxaana dhacdadan lagu tilmaamay mid kamida shaqooyinkii ugu darnaa ee waayadan ka dhacay dhulkan lagu muransanyahay. Ciidamada Hindiya ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen kaymaha degmada Dooda ee koonfurta gobolka Jammu, balse waxay kala kulmeen iska caabin xoog leh oo sababtay dhimashada tiro askar iyo saraakiil ah sida lagu xusay war ka soo baxay militariga Kashmiir oo ay inteeda badan maamusho Hindiya, qeybaha kale ay bakistaan iyo Shiinuhu gacanta ku hayaan ayaa xiisado iyo qalalaase ku jirtay taniyo sanadkii 1947-dii, waxaana ka dhacay dagaallo waaweyn oo lagu hoobtay, ayadoo dhowr mar la isku dayay in hannaan caalami ah lagu xalliyo, balse lagu guul-darraystay. Source: goobjoog.com
  19. Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda goboleedka Jubbaland waxaa 4 maalmood ee la soo dhaafay shir ku lahaa madaxda laamaha garsoorka dalka oo isugu jira wasiirka caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad gobolleedyada, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, iyo Saraakiisha Booliska. Ujeedada shirka ayaa ahayd sidii ay laamaha garsoorka heerarkooda kala duwani u wada shaqayn lahaayeen, iskuna kaashan lahaayeen si loo helo adeeg cadaaladeed oo mideysan, loona gaaro yoolka fog ee laga leeyahay garsoorka dalka. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin ayaa sheegay in shirku ahaa kii ugu horreeyay ee ay dhammaan dhinacyadu isugu yimaadaan, islamarkaana looga hadlay qodobo wax ku oo ah oo hormarinta adeegyada garsoorka ku saabsan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laamaha Caddaaladda dalku ay markii hore u kala qeybsanaayeen hay’ado iyo waaxyo aan aragti mideysan iyo qorshe wadajir ah midna lahayn, balse hadda lagu heshiiyay in laga dhigo gole isku xiran oo wada shaqeyn toos ah leh. Hannaanka garsoorka dalka oo kamida 3-da tiir ee ugu muhiimsan nadaamka dowladnimada ayaa hadda ku jira hab dib u soo kabasho ah, waxaana sii xoogaysanaya madax-bannaanidiisa iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan. Source: goobjoog.com
  20. Saldhigga ciidanka Mareykanka ee ku yaalla galbeedka Ciraaq ee Ain al-Asad weerar xooggan Weerarka ayaa lagu tilmaamay weerarkii u horreeyay tan iyo bishii April oo ay ku qaadaan kooxaha ay Iran taageerto oo u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay sheegtay Reuters. Ma jiro khasaare la soo sheegay oo ka dhashay weerarka ka dhacay saldhigga oo ay sidoo kale ku suganyihiin ciidamo kale oo caalami ah oo ka tirsan isbahaysiga NATO. Weerarkan ayaa ku soo aaday saacado kaddib markii sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Iran, Bagheri Kani, uu ku dhawaaqay kooxaha ay Iran taageerto ee ku sugan bariga dhexe inay isku diyaariyeen weerarro. PUNTLAND POST The post Saldhiga Maraykanka ee galbeedka Ciraaq oo la weeraray appeared first on Puntland Post.
  21. Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degmada Yucub ee Gobolka Doollo dowlad deegaanka Soomaalida, gaari ayaa kusii jeeday deegaannada maamulkaas xilli uu kasoo kicitimay magaalda Garowe. Gaariga oo ahaa Leylo Calaawi ayna leedahay Shirkada Safarada ee Al-Ixsaan ayaa ka soo baxay Garoowe ee caasimadda ayaa kusii jeeday magaalada Qabridahar. Sida uu xaqiijiyay maamulka Isbitaalka Doollo Tirada dadka ku dhintay shilka gaariga ayaa gaaraya Saddex Ruux halka ay ku dhaawacmeen Shan ruux. Dadkaas ayaa hadda lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee Gobolka Doollo, Degmadiisa Wardheer. Dadka dhintey ayaa kala ah: Maxamed Shire Cismaan, 40 jir Faadumo Jaamac, 17 jir Caasha Cabdinuur Aadan, 40 jir Dhaawaca oo 5 ruux ah ayaa kala ah: Faadumo Siciid Maxamed, Abshiro Cabdinuur Fardawsa Xaashi Soofe Cabdinuur Cali Cabdullaahi5. Iyo darawalka oo ka soojeeda Itoobiya laguna maagacaabo Henok Debebe. Shilalka gawaarida ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida iyo Somaliland iyadoo ay ku dhinteen dad badan. Source: goobjoog.com
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud ku qaadeen deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, kaas oo ay ku gaarsiiyeen jab xoogan. Ciidamada deegaanka ayaa beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa deegaanada Budbud iyo Ceel Cali Xasan, waxaana kadib xiga dagaal toos ah uu dhexeeya labada dhinac, kaas oo qaatay muddo ku dhow saacad. Saraakiil ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Jowle oo ah halka ay weerarka ku qaadeen. Sidoo kale waxa ay saraakiisha sheegeen inay soo bandhigi doonaan khasaaraha ay maleeshiyaadkii ku sugnaa halkaas u gaysteen. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ka dhacay dhinaca degmada Ceeldheer, kaas oo isna khasaare lagu gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan halkaasi. Maalmihii u dambeeyay waxaa gobollada dhexe ka socda guluf dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo gobolladaasi, kaas oo ay iska kaashanayaan Galmudug iyo dowladda dhexe. The post Ciidamada Macawiileyda oo jab culus gaarsiiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  23. Gaza (Caasimada Online) – In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Isra’il Talaadadi shalay ilaa xalay saqdi dhexe ku beegsadanayeen koofurta iyo bartamaha Gaza. Meelaha ay ciidanka Isra’il gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Isra’il u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan. Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa Talaadadi shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi. Saraakiisha isbitaalka Nasser ee Khan Younis ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay ilaa 17 qof. Duqeymo kale oo Isniintii iyo Talaadadi ay Isra’il ku garaacday xerooyinka qaxootiga ee Nuseirat iyo Zawaida ee bartamaha Gaza, ayaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 24 qof lagu dilay. Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah. Degmada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ciidamada Isra’il dagaalka ka wadeen tan iyo May, ayaa la xaqiijiyay in 5 Falastiiniyiin ah lagu dilay kaddib duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen guri ay dadkaasi ku noolayeen. Isra’il ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas. Hase yeeshee, Xamas ayaa sheegtay, in duqeymaha aanan kala go’a laheyn ee ay ka waddo Gaza ay uga gol-leedahay in ay ku fashiliso wadahadallada xabbad-joojinta ee ay garwadeenta ka yihiin Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowladaha Carabta. The post ISRAEL oo in ka badan 60 QOF ku dishay GAZA appeared first on Caasimada Online.
  24. Djibouti, a crucial partner in a strategic but unstable region HR/VP Blog – A week ago, I travelled to Djibouti to meet the authorities of this country, a strategic partner at the heart of a region, the Horn of Africa, beset by multiple crises. I also visited the Aspides naval operation launched in February to protect maritime traffic in the Red Sea from attacks by the Houthis. A further step towards making the EU a global maritime security provider. © EEAS Accompanied by the Greek Defence Minister, I travelled first to Larissa, Greece, where the headquarters of operation Aspides is located. There we took stock of the situation with the officers leading the mission. It was launched in record time: its principle was approved at the end of December 2023 and it began operations last February. This is the fastest launch of all missions decided during my mandate. A major urgency We had indeed to deal with a major urgency. 22% of EU imports normally pass through the Red Sea and the Suez Canal. Following the war in Gaza, attacks by the Houthis in Yemen on these ships have led to a massive diversion of traffic towards the Cape of Good Hope. This diversion extends the journey from Asia to Europe by 10 to 14 days. This extra time increases the cost of transport but its effect is also multiplied by the fact that, for the same amount of goods transported, more ships are mobilised at the same time on the sea. As a result, available transport capacity, which is limited in the short term, is shrinking. It leads to a sharp rise in the cost of freight, simply due to the law of supply and demand. Since last October, the cost of transporting a container from China to Europe has almost doubled. This state of affairs not only boosts inflation in Europe, but also deprives an entire region of the essential resources derived from this transit. This is true for Djibouti but also for Egypt, where Suez Canal revenues fell by 57% in the first quarter of 2024. A strictly defensive operation Operation Aspides was launched to try to restore this transit. It has gathered large support from day one. Six EU Member States have deployed frigates in the region, and 15 EU Member States contribute with personnel in the headquarters. This operation has a strictly defensive mandate. Our vessels operate only in self-defence to protect targeted ships and we are not engaged in any operation on land. Since February, the operation Aspides has accompanied more than 170 ships and destroyed more than 19 drones or missiles launched by the Houthis. I then travelled to Djibouti, where the Aspides ships are based. On arrival, I visited the Greek frigate Psara, anchored in Djibouti, and the following day I flew by helicopter to the Italian ship Fasan, on a mission in the Red Sea. A few hours after my visit, the Psara, which had also left the port of Djibouti in the meantime, intercepted several drones launched by the Houthis. Unfortunately, this mission and other allied ships present in the area have not yet allowed to fully restore maritime traffic via the Red Sea. It remains around half what it was before 7 October 2023. An end to the war in Gaza remains an essential prerequisite for a genuine return to normality in the region. The EU is becoming a global maritime security provider Despite these limitations, Operation Aspides illustrates one of the areas in which European defence and security policy has made significant progress during this mandate: the ability to be a global maritime security provider to protect at sea EU’s interests but also the interests of our regional partners. Operation Irini, in the Mediterranean, launched in early 2020, implements the United Nations embargo on arms deliveries to Libya, even if other routes than the sea one are unfortunately also used for this purpose. Operation Atalanta, which has been in place since 2008, has done remarkable work in the fight against piracy off the coast of Somalia. We also have two Coordinated Maritime Presences, in which the navies of our Member States coordinate their actions closely, without being placed under a single command as is the case for the EU operations. We have implemented this concept both in the Gulf of Guinea and in the North West Indian Ocean, areas of major strategic interest for European supplies. Operation Aspides illustrates the growing EU’s ability to become a global maritime security provider to protect at sea EU’s interests but also the interests of our regional partners. This growing EU role in maritime security has also led us to conduct a number of joint exercises with several navies, such as India’s in the Indian Ocean. In March 2023, we also organised the first joint maritime exercise between the United States and the European Union. Most of the European Union’s imports and exports are transported by sea. It is therefore crucial for us to be able to protect these flows all over the world when their security may be threatened. Djibouti, a central EU partner in a strategic region But this trip was not just about the Aspides mission. It was principally a bilateral visit to the authorities of Djibouti, a central partner in a region, the Horn of Africa, which is currently marked by numerous crises. Djibouti, a country of just over a million inhabitants, is certainly not the largest in the region. It nevertheless plays a major role thanks to its strategic position. The country is home to American, French, Chinese, Japanese and Italian military bases. Djibouti is also the main home port for both the EU operations Atalanta and Aspides. Djibouti, a country of just over a million inhabitants, is not the largest in the region. However it plays a major role thanks to its strategic position. The country faces war-torn Yemen, just 28 kilometres across the Bab Al Mandab Strait at the entrance to the Red Sea. It neighbours Somalia, which has been plagued by internal conflict for decades. Tensions have recently been heightened in and around Somalia following the signature of a Memorandum of Understanding between Ethiopia and Somaliland, a vast region bordering the Indian Ocean to the north of the country. Djibouti is also a neighbour of Ethiopia, which has gone through a terrible civil war in Tigray last year and is now witnessing serious troubles in Amhara and Oromia regions. Last but not least, the country is not very far from Sudan and South Sudan, both plagued by bloody civil wars. Djibouti’s financial outlook is very bleak Djibouti’s economy depends essentially on its port, which accounts for 60% of its GDP. However, this activity has been badly affected by regional tensions and the fall in maritime traffic in the Red Sea: revenues generated by the port have fallen by around 60%. And the country’s financial outlook is very bleak. It has a large foreign debt representing 70% of its GDP, mainly with China. Djibouti risks becoming rapidly insolvent if maritime traffic does not recover quickly. It was against this difficult backdrop that I met the President of the Republic, Ismail Omar Guelleh, and the Minister of Foreign Affairs, Mahmoud Ali Youssouf. I wanted to thank them for welcoming the ships of the Aspides mission after those of Atalanta, to discuss the critical situation in the Horn of Africa and to assure them of the European Union’s full support at this difficult time for Djibouti and the region. Djibouti also currently chairs the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the regional organisation that brings together Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Uganda and Sudan (Sudan has recently suspended its participation to IGAD). I met its Executive Secretary, Workneh Gebeyehu, to discuss the enormous difficulties facing the region. The desalinisation plant, the flagship EU project in Djibouti Finally, I visited a seawater desalination plant, the flagship project of EU’s development cooperation in Djibouti. As throughout the region, access to fresh water is a crucial issue for a growing population at a time of intensifying drought. The first phase of this project resulted in providing drinking water to 30% of the Djiboutian population. Together with the European Investment Bank, we have just launched the second phase, which will allow to provide water to 70% of the Djibouti people by 2028. As I come to the end of my term of office, I was delighted to be able to make this trip, which I wanted to do for a long time. It illustrates both our determination to make the EU a global maritime security provider and our commitment to working alongside Africa and Africans to overcome the enormous challenges the continent faces. Qaran News