Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hoggaamiyaha Xizbullah Xasan Nasrallah ayaa ka digay in kooxdiisa Iran ay taageerto ay beegsan doonto bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ah haddii dad kale oo rayid ah lagu dilo duqaymaha Israa’iil ee Lubnaan. Xizbullah iyo Israa’iil ayaa si maalinle ah gantaallo isugu weydaarsanayey xuduudda tan iyo markii uu billowday dagaalka Xamas iyo Israa’iil kadib weerarkii kooxda reer Falastiin ay ku qaaday Israa’iil 7-dii October. “Haddii cadowgu uu sii wado beegsiga dadka rayidka ah sidii uu sameeyay maalmihii la soo dhaafay, markaas tani waxay nagu riixi doontaa inaan bartilmaameedsanno meelaha aynaan ilaa hadda beegsan,” ayuu yiri Nasrallah. Nasrallah ayaa uga digay Israa’iil cawaaqibka ka dhalan kara duulaan kasta oo ay ku qaado Lubnaan, isagoo sheegay in Israa’iil aysan u hari doonin wax taankiyo ah, haddii dagaal weyn uu qarxo. PUNTLAND POST The post Xizbullah oo ku hanjabay in ay beegsan doonaan bartilmaameedyo cusub oo Israa’iil ku yaalla appeared first on Puntland Post.
  2. 451583778_366280232909583_2825260424110550125_n Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug oo maanta si deg deg ah ugu soo duulay Muqdisho, ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay masuuliyiinta sare ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. Qoor-Qoor oo markii uu Muqdisho kasoo degay toos u galay xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee Xalane ayaa la kulmay Shane Dixon oo ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, ahaana ku-simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya. Xogaha kasoo baxaya kulanka Qoor-Qoor iyo sarkaalka Mareykanka ayaa sheegaya in looga hadlay hubkii faraha badnaa ee Isniintii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaasi oo dowladda federaalka ay sheegtay inuu ahaa hub sharci darro ah oo ay soo qabatay, ayna sii dhaceen shacabka deegaankaasi. Qoor-Qoor ayaa Mareykanka la wadaagay warbixinta hubkaasi oo walaac xooggan abuuray, xilli dhawaan ay Soomaaliya ku guuleystay in laga qaado xayiraadda hubka oo sanado badan saarneyd. Xogaha laga helayo kulankaan ayaa sidoo kale tibaaxaya in Qoor-Qoor uu dowladda Mareykanka u gudbiyay shaqsiyaadka la tuhunsan yahay inay hubka ka keeneen Itoobiya iyo halka uu ku socday intaba. Tan iyo markii ay Isniintii soo baxday in hubkaan culus uu u gacan galay dad shacab ah ayaa waxaa dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug kasoo yeerayey hadallo is-khilaafsan, oo halis gelin kara in dib usoo laabato xayiraadda hubka ee Soomaaliya, taas oo la qaaday daba-qaayaddii sanadkii hore ee 2023. Hubka gacanta u galay dadka shacabka ayaa lasoo warinayaa inuu ahaa hub aad u culus, ayada oo illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn ujeedka laga lahaa, marka laga yimaado in uu kasoo gudbay dhanka Itoobiya, ayada oo warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu u socday qaar kamid ah musharaxiinta u taagan madaxtinimada Galmudug. The post Qoor-Qoor oo Mareykanka u gudbiyay warbixinta hubkii la dhacay appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta weerar culus ku qaaday ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo xukuumaddiisa, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilantay adeegga ummadda Soomaaliyeed. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday inay kasii dartay dhibaatada xilligan ka taagan dalka, isla markaana culeyskii ugu xooganaa ay dareemayaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay inay suuragal tahay inay kacaan, ayna sameeyaan sida shacabka Kenya oo kale. “Sidaad la socotaa dalkan dariska nala ah ee Kenya muwaadiniintii waxay gaareen inay galaan xarunta baarlamaanka oo ay gubaan annaga diyaar uma nihin in aqalkeenna lasoo galo, shaqo kuma lihin waxa fashilka ka taagan yahay waa xukuumadda uu ra’iisul wasaaraha ka yahay Xamza Cabdi Barre” ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre inuu is casilo, isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay waxqabadkii laga rabay xukuumaddiisa. “Waxaan kula talinayaa ra’iisul wasaaraha dhowr mar wuxuu sheegay mayd fakaday xukuumaddan waa noolaan waysay waxaan ka codsaneynaa inay fakato dalkan wax uga haray malaha waxaan idin-kuugu baaqeynaa inaad si sharaf leh isku casihaan” ayuu yiri. Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, wuxuuna sheegay in loo waday Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. “Hubkaas lagu dhacay Caabudwaaq Al-Shabaab ayaa loo waday si Macawisleyda loogu laayo, dadka Caabudwaaq waxaan leeyahay hubkaas yuusan ka bixin gacantiina, waa hub Soomaaliyeed oo amniga dalka lagu difaaci doono” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maalik. Isaga oo ka hadlayay arrinta canshuurta waxa uu yiri “Dadka Muqdisho kaligeed canshuur lagama qaadi karo annagana raalli kaa nihin baarlamaanka ayaa canshurta shaqo ku leh”. Maalmihii u dambeeyay xildhibaannada baarlamaanka ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka dhan ah xukuumadda DanQaran ee ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo si weyn loo dareemay kadib furitaankii kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal. The post Ra’iisul wasaare Xamza oo laga dalbaday inuu is casilo + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey xeerka maalgashiga ee horyaala Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaas oo kasoo gudbay golaha wasiirrada Soomalaiya. Wasiirka ayaa sheegay inuu xeerku heerarka kala duwan soo maray, islamarkaana uu qeexaya dhammaan habraacyada maalgashiga caalamiga ah iyo sida loola macaamilayo shirkadaha iyo dowladaha dunida ee danaynaya inay maalgashadaan Soomaaliya. Soomaaliya oo hodan ku ah kheyraad jaadad kala duwan leh, islamarkaana ku taalla goob istiraatiiji ah ayaa doonaysa inay soo jiidato maalgashadaal caalami ah, taas oo qeyb libaax ka qaadan doonta dhaqaalaha dalka iyo shaqa abuurka dhallinyarada. Source: goobjoog.com
  6. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha. Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka, waxa uu sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo Dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal, Kuna magacaabay masuul cusub. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Xil Ka-qaadis. Ku: Muumin Muuse Ducaale; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ujeeddo: Xil Ka-qaadis Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka. Ujeeddo: Magacaabid. Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey; In Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
  8. Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay hubkii maalin kahor lagu bililiqeystay gudaha degmadaasi, kaas oo ka yimid dhinaca dalka Itooiya Agaasimaha amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Caabudwaaq Nasteex Cabdi oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa garab istaag u muujiyay shacabka ku dhaqan magaaladaasi, wuxuuna sheegay in dowladdu aanay ku dhiiran karin inay xoog kusoo weerarto. Nasteex ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay inay la timaado qorshe kale oo hubkaasi lagu maareyn karo, maadaama markii horeba sharci darro lagu keenay. “Maamulka degmo oo awood leh maleeshiyaad qabiil inta weeraraan ay hub ka qaadaan in aysan jirin ayaan aaminsanahay xitta dowladda dhexe ee Soomaaliya kuma dhiiran karto shacab meel dagan intay weerarto oo ay gumaado” ayuu wareysiga ku yiri Nasteex Cabdi. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo baahan yahay in la raadiyo farsamo aan gacan ka hadal hayn oo hubkaas lagu soo celin karo, ayada oo la adeegsanayo xeelad. “Arirntan waxay u baahan tahay farsamo ee ma ahan wax u baahan awood iyo in lagu xeel dheeraado” ayuu mar kale yiri Agaasimaha amniga iyo siyaasadda degmada Caabudwaaq. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in cidda u baahan in tallaabo laga qaado ay tahay tan hubka soo gelisay gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in markii horeba aan laga dalban Caabudwaaq. “Caabudwaaq lagama lahayn, mana dalban waa dareemi kartaa sharci darro ayuu ku socday, waxaana loo baahan yahay in sharciga la horgeeyo ciida soo gelisay” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dareyso xiisadda ka dhalatay hubka lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana dowladda dhexe oo ciidamo dheeraad ah u dirtay halkaas ay sheegtay inay ka go’an tahay in hubkaasi laga soo celiyo shacabka. The post Maamulka Caabudwaaq oo war culus kasoo saaray hubkii la bililiqeystay, lana saftay… appeared first on Caasimada Online.
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay hubkii lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u gacan galay shacabka ku dhaqan gudaha degmada Caabudwaaq. Somaliland ayaa walaac ka muujisay hubkaas, waxayna tilmaamtay inay ka imaan karto halis saameyn karta gobolka, iyada oo intaas ku dartay in lagu deg degay qaadista cunaqabateyntii hubka ee Soomaaliya. “Dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Caabudwaaq oo dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay ku qabsadeen hub iyo saanado kale oo badan oo ay ka heleen dowladda Muqdisho, ayaa waxay sii muujineysaa xaalada adag ee dhanka ammaanka ah” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda maamulka Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa tilmaamtay inay ka digeyso halis ka dhalan karta hubkan oo ay xustay inay gaari karto waddamda dariska ah, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay ka dalbaday beesha caalamka inay dib eegis u sameysyo go’aankii cunaqabateynta huba looga qaaday Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore 2023-kii. Horay dowladda federaalka oo uga hadashay hubkan ayaa sheegtay inay dalka soo galiyeen ganacsato si sharci darro uga ganacsada hubka, kadibna ay ka war heleen ciidamada ammaanka, balse markii ay qabteen hubkaas ay waddada u galeen maleeshiyaad hubeysan sidaasna lagu bililiqeystay. Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi kusii dartay inay ka go’an tahay soo celinta hubkaasi, isla markaana ay tallaabi ka qaadi doonto cid kastaa oo ku lug yeelatay falkaasi. The post Somaliland oo dalab culus soo saartay kadib hubkii lagu dhacay Caabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  10. Beledweyne (HOL) — A government soldier and a civilian were killed in a landmine explosion at a restaurant in Beledweyne's Hawo Tako neighbourhood, specifically in the Guufaale area, on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  11. Shil bas oo ka dhacay buuraleyda Andes ee dalka Peru ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi. shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa ku dhibtoonaya inay gaaraan goobta uu shilku ka dhacay buuraha qalafsan iyo isgaarsiin xumada xagga gaadiidka ah ayaana xaaladda sii cakiraya, taasoo keentay in si fudud lagu tagi waayo meesha ay musiibadu ka dhacday. Qoraal ay baraha bulshada ku daabacday wasaaradda guduhu ayaa lagu sheegay in booliska Peru ay wadeen hawl-gal baaritaan iyo sama-tabbixin isugu jira ka dib shilkii ka dhacay gobolka Ayacucho, oo ku yaal koonfurta-dhexe ee buuralayda Andes, sidoo kalena waxaa qoraalka lagu sheegay in 13 qof oo dhaawac ah ayaa laga soo badbaadiyay goobta shilku ka dhacay. Jhonny Rolando Valderrama oo ah madaxa qaybta ilaalinta waddooyinka Peru ayaa u sheegay idaacadda RPP in shilku uu ka dhacay waddada weyn ee Los Libertadores ee gobolka Ayacucho, kuwaas oo ku yaalla figta sare ee buuraleyda Andes. Baska oo ay saarnaayeen in ka badan 40 qof ayaa ku wajahnaa Ayacucho asagoo ka yimi caasimadda Lima, wuxuuna ku dhacay dhagax weyn oo ku dhow 200m am 656 cagood sida uu sheegay Valderrama, wayna adag tahay in la galo in kooxaha gurmadku ay goobta gaaraan, jidadka halkaas gala oo aad u liita awgood. Sawiro ay faafiyeen wakaaladaha wararka iyo warbaahinta gudaha Peru ayaa muujinaya bas waxyeelo soo gaartay oo dhinac u yaalla meel doog ah, qashinna uu daadsan yahay hereerihiisa. Waddooyinka mara dhulka buuraleyda ah ee Peru ayaa kamida kuwa ugu halista badan dunida, ayadoo ay shilalku si joogto ah ugu dhacaan, hayeeshee kumanaan dalxiiseyaal iyo dadka deegaanka isugu jira ayaa socdaal maalinle ah ku mara jidadkaas. Source: goobjoog.com
  12. Kismayo (HOL) — Five men affiliated with the militant group Al-Shabaab were executed by the Jubbaland Military Court on Tuesday morning in a public square in Kismayo. Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (HOL) — The Puntland administration has declared that weapons seized yesterday in Shilo Madow, located in the Galgaduud region, pose a significant threat to regional stability and peace among Somalis. Source: Hiiraan Online
  14. NAIROBI, Kenya (HOL) — Embattled Dadaab Member of Parliament Farah Maalim presented himself before the National Cohesion and Integration Commission (NCIC) on Tuesday following a summons issued on July 10. The summons came in response to a viral video in which Maalim allegedly made inflammatory statements against Gen Z protestors involved in recent anti-tax demonstrations. Source: Hiiraan Online
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare kala duwan gaystay oo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiran, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ay fadhiyeen dad badan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafada Xaawo Taako ee magaaladaasi, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Laba qof ayaa goobta ku dhimatay oo uu mid kamid ah ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda, halka kan kale uu ahaa qof shacab ah oo ku sugnaa maqaayadda la qarxiyay. Sidoo kale waxa uu dhaawac soo gaaray haweeneydii maqaayadda lahayd oo la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgallo kooban, waxayna xireen waddada uu qaraxu ka dhacay, si ay u hubiyaan amniga goobta. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ee sababay khasaaraha. Beledweyne ayaa waxaa horay sidaan oo kale qaraxyo uga gaysatay kooxda Al-Shabaab. Magaaladan ayaa waxa ay xudun u tahay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ku fiday gobollada kale e dalka. The post Faah-faahinta khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay… appeared first on Caasimada Online.
  16. Thick white smoke billowed over the rooftops and power lines at a military base housing Djiboutian troops attached to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) — Somalia's government plans to install solar photovoltaic (PV) systems in 200 educational facilities across Banadir, including primary and secondary schools, tertiary institutions, and Ministry of Education offices. Source: Hiiraan Online
  18. TORONTO, Canada (HOL) — Toronto's Somali community is facing major hurdles in their efforts to establish a cultural and recreational center in Etobicoke, as local residents and political figures express strong opposition to the proposed location in Buttonwood Park. The Somali Centre for Culture and Recreation (SCCR), envisioned as a vital hub for cultural exchange and community support, has become a focal point of controversy, reflecting broader issues of urban planning and community development. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) — General Dayah Abdi Abdulle, commander of the Somali National Army's ground forces, inspected areas in the Galgaduud region recently liberated from the Al-Shabaab group on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  20. Saaka xaalka ganacsiga Somaliland waa barigga dhexe. Sarifkii xadhkaha ayuu goostay oo $1 wuxu gaadhay 9600slsh. Shidaalkii na Berbera foostada Petrol ah $14 baa ku kordhay, waa hadii la helo ba. Maamulka soo qaban kari waayey raggii dalka keenay Appkii ‘Jiif oo.Jaq’ ee ummada lagu dhacay, miyaad ka filiysaa inay xal waara ka keeni karaan sarifka Waqda laga maamulo. 400slsh ayaa sarifka Waqda iyo Baanka u dhexeeya. Hadii $500,000 maalintii Waqda laga sarifto, waxay maalintii faaiidaan 200,000,000slsh. Xisaabta intaa leeg ee rag badani ka subkadaan, waxay ku korodhay maciishadeena. Cabdixakiim Shugri Jaamac Qaran News
  21. U.S. intelligence recently detected an Iranian plot against former President Donald Trump, U.S. officials tell CBS News — although intelligence officials haven't found any ties between Saturday's failed attempt on Trump's life by 20-year-old shooter Thomas Matthew Crooks and any foreign or domestic accomplice. Source: Hiiraan Online
  22. LONDON, United Kingdom (HOL) — Nadifa Mohamed, the celebrated Somali-British author, has been nominated for the 2024 Edinburgh TV Festival Award for Best Factual Presenter for her documentary "Britain's Human Zoos." The winners will be announced on August 22nd at the Edinburgh International Conference Centre (EICC). Source: Hiiraan Online
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamul goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Gaboobe oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan hubkii maalin kahor lagu dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud. Wasiir Gaboobe ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan markii hore la socon hubkaas, balse ay ka war heleen markii uu soo galay xuduudka, kadibna ciidamo loo diray. “Annaga waxaan ka war helnay marka uu xuduudka soo galay hubkan, kolley hay’adda sirdoonka ayaa la socotay iyada ayaana dirtay ciidanka” ayuu yiri wasiir Gaboobe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan ay wadaan baaritaanno ku aadan cidda hubkaas soo gelisay Galmudug iyo halka uu ku socday, kadibna ay tallaabo ka qaadi doonaan. Dhiaca kale wasiirka amniga Galmudug ayaa soo hadal qaaday xiisadda haatan ka taagan degmada Caabudwaaq oo loo diray ciidamo horleh, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda aanu ahayn in la weeraro shacabka, kadibna si xoog looga soo furto hubka u gacan galay. “Ma jirto xeelad xoog ama awood ciidan ah oo aan shacabka ugasoo celineyno hubka balse qorshe kale ayaan isticmaaleynaa” ayuu mar kale yiri wasiirka amniga Galmudug. Maxamed Aadan Gaboobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wada-hadal iyo shirar ay la yeelan doonaan waxgaradka deegaanka, si ay ugala shaqeeyaan soo celinta hubkaasi. “Waxaa lala tashanayaa dadka waxgaradka ah dadka hubka wixii halis ah ee dhibaato u keenaya ayay muhiimadda tahay in la ogaado kadibna waxgaradka ayaa lala sheekeysan doonaa iyaga ayaana nagala qayb qaadan doonto” ayuu hadalkiisa kusii daray Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in hubkan lagu siday laba gaari oo xamuul ah, midna uu waday qoryaha kan kale rasaasta, dhammaana ay la wareegeen shacabka. The post GALMUDUG oo shaacisay waxa ay sameynayso kadib hubki lagu boobay Cabudwaaq appeared first on Caasimada Online.
  24. Wararka ka imaanaya degmada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida DDS ayaa sheegaya in halkaasi uu xalay ka dhacay shil gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay. Wararka ayaa tilmaamaya in shilkaasi uu galay gaari Leyla Calaawi ah, oo ay leedahay shirkadda Safarada Al-ixsaan, kaasi oo shalay subax ka baxay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, kuna sii jeeday magaalada Qabri-dahar ee gobolka Qorraxeey (DDS). Inta la xaqiijiyay saddex qof oo uu ku jiro agaasime ku xigeenkii Maxjarada Puntland Maxamed Shire Cismaan Sayroon ayaa ku geeriyooday shilkaasi, halkay ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof oo kale, kuwaasi oo u badan haween. PUNTLAND POST The post Agaasime ku xigeenkii Maxjarrada Puntland oo ku geeriyooday shil gaari appeared first on Puntland Post.