-
Content Count
211,377 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (PP) ─ Sarkaalkii abaabulay afgambigii fashilmay ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa maanta la shaaciyay in toogasho lgu dilay, kaddib markii la baadi-goobayay tan iyo maalintii sabtida ahayd ee uu dhacay afgambiga. Jen. Asamnew Tsigeoo sannadkii hore laga soo daayay xabsi ayaa abaabulay in afgambi ka dhacay ismaamulka amxaarada oo ah kan labaad ee dalkaas ugu weyn, waxaana weerarkaas ku dhintay taliyihii guud ee cidanka Itoobiya iyo madaxweynihii ismaamulka Amxaarada Itoobiya. Booliiska Itoobiya ayaa sheegay in sarkaalkan lagu toogtay meel ku dhaw halkii uu afgambiga ka sameeyay, balse lama sheegin inuu isku dayay inuu iska difaaci ciidamada iyo in kale, waxase tani ay ka dhigan tahay in lasoo af-jaray qalalaasihii ka taagnaa Itoobiya. Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacayay sannadihii lasoo dhaafay qalalaase u muuqday in lagu jiljilayo dowladda dalkaas ka talisa, waxaase isbedel aan la filayn la yimid ra’iisul wasaaraha xilka haya Abiy Ahmed Cali oo Gobolka Oromo ee dalkaas kasoo jeeda, isagoo sameeyay isbedello badan. Sidoo kale, Sarkaalkan la dilay ayaa wuxuu horay uga tirsanaa millateriga dalkaas, waxaana uu xabsiga ku jiray muddo sagaal sannadood ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isku0dayay inuu afmbiyo xukuumadihii middkan ka horreeyay. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu dalkiisa ka dhacay afgambi dhicisoobay, isagoo ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isla markaana la dilay taliyihii guud ee ciidamada Itoobiya, kaasoo dhawaan xilka loo magacaabay. Ugu dambeyn, Xiisado ayaa weli ka taagan gobolka Amxaarada ee Sabtidii uu ka dhacay afgambiga fashilmay, waxaanse la ogeyn sida ay xaaladdu noqon doonto kaddib dilka hoggaamiyihii abaabulay afgambiga fashilmay ee ka dhacay dalkaas. PUNTLAND POST The post Sarkaalkii abaabulay af-gambigii fashilmay ee ka dhacay Dalka Itoobiya oo la Toogtay appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xoogan oo i maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyhiniin deegaanka Wirkoy ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal toos ah labad dhinac uu ku dhex maray Wirkoy oo u dhexeeya deegaanada Baarsanguudn iyo Buulo-Gaduud ee gobolka Jubbada Hoose. Ma cadda illaa iyo hadda khaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan , balse Al Shabaabayaa guulo ka sheegtay, inkasto aysan shaacin wax khasaare ah. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland oo ku aadan dagaaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta u ah baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug goordhow gaarey wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka iyo xubno kale oo dowlad goboleedyada ah. Wafdiga waxaa horkacaya guddoomiye ku-xigeenka 1-aaad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed, waxaa ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ee kala ah: mudane Cabdiraxmaan Odowaa iyo mudane Saabir Shuuriye. Xubnahan oo ah ku matalada, deegaan doorashadooduna tahay Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug ayaa si fiican loogu soo dhoweeyey magaalada, kadibna waxaa la dejiyey guriga martida. Ujeedka safarka wafdigan ayaa lagu sheegay iney u kuurgalaan xaaladda Galmudug, ka qeyb qaataan wadatashiyada socda ee go’aanka looga gaarayo halka ay u socoto Galmudug. Xildhibaannada gaarey Cadaado waxaa ay in badan ka digeen faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso deegaankooda iyaga oo soo-jeediyey in reer Galmudug loo daayo aayahooda, la dhowro xeerarka, heshiiska federalism-ka iyo awoodaha dastuuriga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay kala leeyihiin. Waxaa kale oo la sheegayaa in ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Kheyre uu gaaray Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xog-haye cusub u magacaabay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal. Wareegto ka soo baxday xafiiska Maxamed Dhabancad ayaa Xog-hayaha degmada Buurtinle lagu magacaabay Jaamac Cabdiraxmaan Abshir waxaana maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Buurtinle lagu amray in ay fuliyaan dhaqan-gelinta magacaabistaasi. Degmada Buurtinle ayaa haatan leh maamul ku meel gaar ah kadib markii ay dhowaan is-wada casileen xildhibaannadii golaha degnaanka Buurtinle iyagoo wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ku eedeeyay in ay taageersantahay guddoomiyihii degmada oo ay ku tilmaameen mid ku fashilmay shaqadiisa. PUNTLAND POST The post Ina Dhabancad oo xog-haye u magacaabay degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
-
Ugu horayn, waxaad moodaa in sanadahan u dambeyey ay aad u soo tarayso xumaanta iyo foolxumadii adeegsiga qabyaaladu, oo meesha ka saaraysa qarannimada kana dhex abuuraysa bulshada xanuuno iyo nacaybshiyo aad u fog oo keeni karaysa kala fogaansho iyadoo xumaan iyo xiqdi ku abuuraysa bulshadii qaranimada ku heshiisay. Qabyaaladu waa xanuun guud ahaan soomalida saamayn wayn ku yeeshay, hoosna uga soo riday meeqaanki ay lahaayen ilaa hadana dawadiisi aan la helin oo ay muhiim tahay in la goobo sidii ama xeeladii lagaga bogsan lahaa xanuunkan liddiga ku ah horumarka iyo wax wada qabsiga ummada. Somaliland ahaan dawladnimada iyo qaranka waxaan u yagleelanay si aan ugaga guurno qadhmuunka iyo xumaanta ay qabyaaladu leedahay, si aan u asaasano qaran aan ku dhisnayn qolo iyo qabiil toona, laakiin waxa hada muuqata in qabyaaladi dib u soo if baxdey oo xitaa ay ka awood badatey qaranimada iyadoo aad maqlayso odeyaal cuqaal sheeganaya oo ahaa kuwi qarannimada iyagu ilaalin lahaa oo leh qabiilkayaga hadaan sidaa loo samayn somaliland anagu kama mid nihin, kaliya shuruud daciifa ayuu ku xidhey ka mid ahaanshiyaha qaranka. Doorashooyinka waxa loogu talo galay in ay hore socod iyo hiigsi fiican ku lahaadan dawlad wanaaga, se waxa cad in doorashoyinki ay kaw ka noqdeen arimaha hurinaya qabyaalada. Iyadoo aynu tusaale cad u soo qaadanayno doorashadii ugu dambaysay ee madaxtinimada ee ay soo shaac baxeen reero qabiilnimada ku bahoobayey sida “JEEGAANTA”. May dhicin doorashoyinkii hore in qabyaaladu heerka intaas leeg gaadho oo la samaysto magacyo qabyaaladaysan oo doorashada lagu gallo si loogu guulaysto. Ugu dambayn waxa muhiima in lagu dadaalo sidii qabyaalada meesha iyo heerka ay joogto hoos looga dhigi lahaa amase loo baabi’in lahaa hadii ay suurto gal tahay. Halkan hoose waxan idinkula wadagaya tix kooban oo ka hadlaysa qaybyaalada. QABYAALADI WAA QUDHUN Dadyow Qaran wayne Qabyaaladu maaha Qabiil iyo reero Qoom iyo umad maaha Qaran dhana maaha Quraaniyo maaha Qaanuun laga reebay Quruun hore maaha Qoraal nebi maaha Xadiis qoran maaha Qiraaliyo maaha Gar geed lagu qaadey Qabyaaladu maaha Qawl iyo hadal fiican Qiraal saxa maaha Qarana u dan maaha. Dadyow qaran wayne Qabyaaladu waa uf Qadhmuun iyo weeye Qadhaadh aan la muudsan Qawl aan sax ahayniyo Qaran dumis weeye Qabiil wax ka sheegid Qabiilna ku faanid Quruun isku cayna Qaadirku u abuuray Qabiil ugu dooray Keliya is qirtaan Ayeyba u qaateen Qoqobiyo kala soocid Qabiilkayagaa san Quruun saxa weeye Qofkii aan ahayna Qoom hoogayba weeye Dadyow qaran wayne Qabiil lagu faano Qabyaaladu weeye Quruun isirkeeda Qab iyo isla wayni Qumaati u caydo Qolo iyo haybtooda Qalooc ku tilmamto Qabyaaladu weeye W/Q: Ahmed Harir Adam Gmail: heebaan6926@gmail.com Hargaysa, Somaliland Qaran News
-
Waxaa magaalada Nairobi ka furmaya berri oo talaado ah wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana soo qaban-qaabisay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue. Shirkan sida uu jadwalku yahay waxaa xoogga lagu saari-doonaa arrimo ay ka mid yihiin: Haddii ay jiraan guulo ama guul-darrooyin la xiriira wada hadalladii la soo galay iyo halka la joogo, kaalinta gobolka ee ku aadan wada hadalka, waxaa kale oo ku jira sida loo bilaabayo wada hadalka. Dadka casuuman ee goobta ka hadlaya waxaa ka mid ah: Oglan Baker: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Taariq Chaudhry: Agaasimaha xafiiska siyaasadda iyo dhexdhexaadinta, UNSOM Maxamed Cabdi Rodol: maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada, Somaliland. Nuur Diiriye: Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya Cabdisatar Geelle: Kaaliyaha agaasimaha Madaxtooyada, Soomaaliya Alexander Rondos: Ergeyga EU ee Geeska Afrika Baashe Cumar: Wakiilka Somaliland ee Kenya Maxamed Guyo: Ergeyga IGAD ee Soomaaliya David Korpela: La-taliye dhanka siyaasadda, Ergeyga EU ee Soomaaliya Johan Svenson: Safiirka Sweden ee Soomaaliya Esra Guhadar: oo wax ka dhigta Jaamacadda Bilkent, Ankara Jeffrey Bakken: Agaasimaha USAID ee Soomaaliya. Xasan Cumar Madaalle Stuart Brown: Uk xafiiskeeda ee Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – War ka soo baxay xafiiska madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu taageeray go’aanka ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashada maamulkaasi. Sheekh Shaakir ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in la qabto doorashada afarta bisha July ee soo socota. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay shacabka Galmudug in ay taageeraan doorashada ay qaban qaabineyso wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- View the full article
-
Muqdisho (SMN):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-Duhur-24062019-aa.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inay halkaas ka socoo qaban qaabo lagu soo dhaweenayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Maalinta berri ah ku wajahan Magaaladaas. Safarka Ra’isulwasaaraha ayaa imaaday kadib go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo ku aadanaa in Doorashada Galmudug ay ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb 4 July kadib markii ay arrintaas aqbaleyn Maamulka ugu sareeyo Ahlu Sunna oo soo garab maray Madaxweyne Xaaf. Magaalada Dhuusarameeb ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaas gaaray waxaana lasoo sheegayaa inay la wareegeen Amniga Garoonka Diyaaradaha iyo Goobta la filayo in la dajiyo Ra’isulwasaare Kheyre. Waxaa iyagana halkaas gaaray Ciidamada Koofiyada gaduuda oo si gaar ah u sugi doono Amniga Ra’isulwasaaraha inta uu halkaas joogo. Sida ay illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa jiro qodobo ay Ahlu Sunna doonayaan inay kala hadlaan Ra’isulwasaare Kheyre isla markaasna ay shuruud ka dhigeyn inuu isaga yeesho saxiixa Heshiiska dhex marayo labada dhinac. Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa weli ku sugan Magaalada Godinlabe oo u dhaxeyso Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, wuxuuna halkaas kulamo kula leeyahay xubno isaga daacad u ah oo la socdo. Sidoo kale waxaa Magaalada Cadaado gaaray Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ku xigeenka koowaad ee aqalka Sare Abshir Bukhtaari cayna kamid yihiin Xildhibaan Odawaa, Saabir iyo Gariish. Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu isna gaaro Magaalada Cadaado kadib markii uu soo dhaweyn ka helay odayaasha iyo Siyaasiyiinta Cadaado oo sheegay inay Xaaf ku wareejin doonaan Madaxtooyadii uu markii hore ku shaqeyn jiray. Waxaa Muuqato inay Dowladda Soomaaliya xoogeeda dhan isugu geeneyso sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd Maamulka Galmudug si ay Doorashada soo socoto halkaas uga soo saarto Xildhibaano iyada daacad u ah maadaama inta badan Xildhibaanada mucaaradka ku ah laga soo doorto halkaas. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan. UJEEDDO: MAGACAABID Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka; Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; Waxaan Go’aamiyey; 1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska. 2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL. Qaran News
-
The suspected ringleader of Saturday's failed coup attempt in Ethiopia's Amhara region is on the run, a senior security official has told the BBC. Source: Hiiraan Online
-
It's been 50 years since Somalia last conducted a "one-person-one-vote" election. With the support of the African Union, the electoral commission is hoping for polls in 2020. But there is still much that needs to be done. Source: Hiiraan Online
-
CAAWA AAN INYAR KA IDHAAHDO TAARIIKH HORE OO Maxamed Siddiiq Dhamme NOQON KARTA INUU XABSIGA KAGA SOO BAXO. MADAXWEYNAHA XASUUS U NOQON KARTA WAAYO SIYAASADEED USOO MAREY. Bislilaahi Raxmaani Raxiim. Dhacdadaan ka waramaya Waa 1996-1997. Madaxwyne Cigaal ayay kala fogaadeen siyaasadd ahaan Madaxweynaha maanta jooga muuse biixi cabdi. Ka dib Waxa dhacdey inuu dhowr jeer Muuse biixi ku weerarey saxafadda. Madaxweyne Cigaal. Aakhirkii ragi Cigaal ku dhowaa ayaa ku yidhi Madaxweyne xidh muuse biixi. Hadalkiisa batey. Waana mucaradd calan-Cas oo Intaas dadkii buu kicinaya. Ka dib muuse biixi ayaa sidaa aan shekadan ku maqley ogaadey inuu Madaxwyne Cigaal rabo inuu xidho. Ka dib markiiba Muuse biixi wuu fekerey waxu is yidhi tollow yaad maanta ku baxsan kartaa oo adna garab ku noqon kara oo Ina Cigaal ixtiraamaya. Waxu Markii ogaadey saladiinta HY oo wagaas Ina Cigaal ey isfahmeen. Xukumadda cigaalna ey qaadatey siyaasadd ah in la soo dhoweeyo West Burco Clan siiba West Burco Clan, lagana soo doogey dagalaadii sokeeye. Dalkana laga bilaabey dib u heshisiin iyo dowladdnimo hana qaadda. Waxa ka mid ahaa raga Markaas Ina Cigaal u dhego nuglaa ama ixtiraami jirey Suldaan Rashiid Cali Ducaale. Suldaan rashiiid iyo Madaxweyne Muuse biixi waxey ahaayeen saxiibo isku class ah dugsigii “Camuud” balse Ina Cigaal Ma oga. Habeenadii uu is yidhi muuse Malaa ciidamadda ayaa lagu soo diri doona ama lagu yidhi waa lagu qabanaya Ayuu caqli keeney, Isagoo watta. Jariiraddii ugu afka Dheereyd jariradaha warka Somaliland ee Tuur abdi shide aasaasey (journalka Jamhuuriya) ayuu ugu tagey gurigiisa Suldaan rashiid. Waxu yidhi ninkii Ina Cigaal waad ogtahey in aanu kala miraneyno. Markaa xaalku waxu maraya sidaan xuraanka madaxtoyadda ku hayo in la ii xidho. Waxaad ii sameysa Journalka ku qor, Ina Cigaal Ma ragi dalkan usoo halgamey buu xidhxidhaya. Mudane madaxweyne ka noqo hadi ey jirto Xadhigaas aad muuse bixi rabto inaad xidho kuwa kugula taliyeyna maaha niman raba wanaaga xukumadaadda qaranka taladoodu maaha mid waxtar uleh. Dalkuna maanta uma baahna siyaasiyiin la xidhxidho iyo isqabqabsi. Ina cigaal subaxwalba waxu eegi jirey jariiradda jamhuuriya Laba sababood owgood. Mar waxey aheyd jariiradd mucarad ah oo aad u kulul. Marna Waxweyba aheyd xarunta ugu Warka badan dalka. Waliba dalka mey jirin Tv-Yaddan habeen walba la daawanaya! Markuu arkey (CIWANKA UGU SAREYA) oo sawirkii Suldaan rashid iyo Muuse Biixi saaran yahey. Qoraalkiina akhriyey buu Ina Cigaal u yeedhey ragii lahaa xidh Muuse biiixi. Markaasu yidhi Waar Suldaan raashiid iyo Ina Biixi Maxaa isku keeney oo ka dhaxeeya. Markaasa la yidhi Waa Saxiib MADAXWEYNE Waxeyna wadda ciyaari jireen ciyaarta (Xeegadda) isku class bey ahayeen iskuulkiii caaamudd. Intuu Ina Cigaal qosley buu yidhi. Ina biixi maalinba Meel buu igaga soo wareegaya. Mantana iga baxsey bal suldaanka igu yeedha…intuu qosley kkkkkk Hadalkaas muuse waxu rabey inu Madaxwyne Cigaal tuso inuu abtiyadii HY ku leeyahey saxiibo. Cadaawaddna aaney u qabin dagaalkiina laga heshiiyey. Hadii Madaxweyne Cigaal lagu yidhi HY Ina biixi ma arki karto. Xadhigiisana wey ku farxayaan. Inuu tuso suldaankii hogaaminayey ergaddii HY Bari ee uu danbeysey Wax hargeisa ka soo dega suldaanki Ugu tunka weyna inuu diidan yahey Xadhiga muuse Biixi. Waayo waqtigaas Waxa socdey Sidii goboladda bariga dowladdnimadda loo soo gaadhsiin lahaa. Hargiesana Waxa ku sugnaa wufuud culus oo dhaqan iyo siyaasiyiin isugu jirta. Waxaana Markaas ahaa wasiirka Madaxtoyadda Jama Salax oo isna ahaa nin sacad Yonis ah. Waxaana dalka aad looga dareemayey inuu Madaxwyne Cigaal mansabyo waaweyn siiyey HY. Waxuna rabey in la ilaabo dagaalkii sokeeye iyo waqtigii casru-jaahiligaa ahaa ee reer Somaliland soo mareen gaar ahaan (Reer-shixisixaaq) Markaa Madaxweyne muuse waxu dareemayey cidda uu u marin karo hadalka ee la dhageysanayaa iney tahey Ina Cigaal abtiyaddii. Si uu uga badbaaddo Xadhiga Ina Cigaal la rabo. Rag Xafadiisa ahna u tirinayey iney Ina Cigaal ku yidhaadeen muuse xidh. Hadaba Caawa Anna Waxaan leeyahey Madaxweyne xadhiga Siyaasiga ahi waxba Ma daweeyo. Mohamed sidiiq dhamena Waa nin Dhalinyaro ah oo siyaasi ah. Waxwalba uu qorey waxey ka aheyd aragtidiisa mucaaradnimo. Xeer ilaaliyuhuna maanta eedaymahaa uu keeney maxkamadda Waa aflaagaaddo (Madaxweyne) iyo KICIN dadweyne oo ku saabsan xaaladii gobolka Sanaag ee xukumaddu ku dhawaaqddey (State of emergency) sidu uga hadley. Markaa madaxweyne dadka Dastuurku waxu u fasaxey in eynu hadalka xor u nahey oo waxeynu qaadaney nidaamka dimuqraadiga ah ee in qof-waliba cabiri karo aragtidiisa siyaasadeed. Wallow eynu siyaabaha qaarkood meelaha qaar dastuurkeena khalad u fahaney. Xeerarka Dastuurka qeexayaana aaney wali qarankeena u dhameystirneyn qodobadda qaar. Tafsiirka sharciga marba sidii la doono loo dhigo. Siiba hadba xukumadda joogta eynu ku dhaliilno Dastuur jabin. Ragg badan oo adiga kula midka ahina maalintey mucaradka ahaayeen qodobo badan oo ey khalad u arkayeen ey wali jiraan. maantana xukumadaaddu iyo tii ka horeyseyba ee MADAXWEYNE Siilaanyo ku shaqeyneysey Hadaan tusaale soo qaato sidda qodobkii loo adeegsaddey xukumaddii UDUB Xadhiga Dr Gaboose iyo Maxamed Xaashi iyo Jamal Ceydiid. Waxaad u arkeysey dulmi iyo cabudhin madaxweyne Riyaale waddey Malintaas. Kuna gefey sharciga dalka. Isna waxu u arkayey mucarad qaran dumis ah Waxaan qabaa madaama siyaasigani ku xidhan Madaxweynaha ayaad aflagadeysey inaad xoriyadiisa usoo celiso. Maxkamaddana ka codsato in aanu aflagadaadda u xidhneyn maanta laga bilaabo. Waayo waad cafikarta shaqsiyan haduu gefkaa galey, inkasto Aan Wali maxkamaddi ku caddeyn Qodobka ah kicinta dadweynaha lagu daro. Nin mucaradd ah oo Waliba xisbi mucaradd ah ku jira oo hadana ah xubin mihiim ah oo xasaanadd siyaasadeed leh. Siduu u arkayey aragtidiisa inuu u cabiro iney la aheyd hadalkisu. Waxwalba uu Malintaas qorey ee kaga hadley Xaaladda gobolka Sanaag. Waayo Waxaan qaba hadda wuu xidhnaa mudo. Walina maxkamaddu kiiskiisa kumey caddeyn danbi. Sidaas darteed Waxaad ku eegta maanta muwaadinka. Indhaha aad ku eegi jirtey Hay’adda nabad galyadda Markey xidhi jireen siyaasiyiinti kulmiye Sidaad uga xumaan jirtey. Ee aad u odhan jirtey Waa dulmi, Waa khaladd qofku fekerkisa wuu cabiri karaa. Waa nin siyaasi ah oo xisbiga kulmiye ka tirsan in la Xidhaa Waa khaladd, Dimuqradiyaddey ka hor imaneysa. Gebagebo:- Waxaan ku soo gunaanadayaa Madaxweyne dadka Xadhiga Siyaasiga u xidhan oo dhan in xabsiyadda laga sii daaya waxey sharaf u tahey xukumadda aad hogaamineyso, Waxey sumadd u tahey dimuqraadiyadda Somaliland. Waxey muqaal dhaba u noqoneysa Somaliland iney ka jirto (freedom of speech). Marka aaneynu ku dareyn AFLAGAADO qaawan ee shaqsiyadeed oo qof walba oo Muwaadina Aan xaqloogu laheyn in la Caayo ama uu wax Caayo. Qofku derejadda uu doono ha hayee ama ha noqdo qof shicib ahba. Waxaan ku soo ururinayaa xukumadd Waliba dadka wey xidhi kartaa balse Xadhiga siyaasadda laguma gaadho horumar iyo guul Qaranku ku waaro. Dhaliisha mucaraddkuna waa DAWADDA xukumadda Markaas jirta. Dalkeenuna waxu Wax kunoqonayaa Marka laga dhex dareemo dareenka dimuqradiyadda oo ah xisbiyo mucaradd ah oo xukumadda toosinaya, dhaliilayaa, tilmaamayaa. Hadba waxii ka qaloocdda xukumadda Hadii ey jirto in qaabka asxaabta mucaraddku wax u dhaliilayaan wax ka qaldan yihiiin. Waxaa dadku tilmaamayaa in mucaaraddnimaddii kulmiye ee xukumaddu UDUB qaabkaad u dhaliili jirteen aan Wali xukumaddaha kulmiye ee kala danbeeyey loo dhaliilin. Balse qaabab ka midda loo dhaliilo xukumadaadda. Taasna la qabo in la idinka bartey idinka ragiinii kulmiye hogaanka u ahaa. Waqtiyadda aad aheydeen mucaraddka. Hadaba Inta eynu koreyno oo baraneyno qaabka siyaasadeed ee asxaabta mucaaradka iyo xukumadda iyo xisbigeedda muxaafaddka ahi u wadda dhaqmaan. La isuna dhaliilo ama xukumaddu u dhageysato dhaliisheedda Eynu ku dedaalno ineynu bulsho ahaan caqliga ka karno. Marwalba cidda dalka hogaamineysa dadka aaney ku cabudhin Xadhig. Una arkin xukumaddu Wajiga qudha ey isku difaaci kartaa xadhig, la xidho muwaadiniinta kala duwan. Hadey tahey sarakiisha asxaabta qaranka iyo saxaafadda Madaxa-banaan. Iga dhan Waxaan rajeynayaa inuu maqaalkeygani noqdo mid waxyaabo badan xasuusiya Madaxweynaha daruufaha uu soo marey, Maxabiista siyaasadda u xidhana u noqda fariin lagu xasuusto iney u bahan yihiin iney helaan xoriyadooddii shaqsiga aheyd ee Dastuurku u fasaxayo Waa bilaahi towfiiq Qalinkii Ambassdor_Abdirizak_Diiinaar Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa suuq cusub oo Ganacsiga Qaadka ah ka raadinaya dalalka Jabuuti iyo Mozambique kaddib markii ay sheegeen in Ganacsatada Qaadka Itoobiya la wareegeen Suuqii Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadka Kenya Kello Harsama, ayaa Warqad u diray Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Kenya. Warqaddaas ayuu ku codsanayay in Dowladda Kenya ay ka shaqeyso sidii Suuq cusub oo Qaad ah looga heli lahaa Afrika isaga oo sheegay in Suuqii ugu weynaa ee Soomaaliya ay ka buuxsameen Ganacsatada Qaadka ee Dalka Itoobiya. Guddi ay sameysteen Ganacsatada Qaadka Kenya oo sahmiya suuqyada iyo halka ay marayaan ayaa sheegay in Ganacsatada Soomaalida ay inta badan u wareegeen Dalka Itoobiya halkii ay Qaadka ka iibsan lahaayeen kuwa Kenyaanka ah. Wafdi ka socda Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa tagay Itoobiya,waxaana ay soo ogaadeen in Dalka Jabuuti oo kaliya ay Itoobiya maalin kasta u dhoofiso 16 Tan oo Qaad ah, waxaa intaas u dheer Soomaaliya sida Somaliland, Puntland iyo meelo kale oo dowlad degaanka Soomaalida sohdin la leh. Guddiga ayaa sheegay in Qaadka Miiraa ee Kenya uusan jirin Qaad ku tayo ah,gaar ahaanna midka dlka Itoobiya,waxaase ay sheegeen in Ganacsatada Qaadka Itoobiya ay ku howllanyihiin sidii ay suuqa Soomaaliya u wada qabsan lahaayeen. Wasaaradaha Arrimaha dibaddam Beeraha iyo Rugta Ganacsiga Kenya ayuu Guddiga ka dalbaday in ay la kulmaan mas’uuliyiinta dhiggooda ah ee dalalka Afrika suuq cusubna raadiyaan. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Somali PM set to reach Galmudug state capital amid standoff
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A high delegation led by Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire is expected to reach in Dhusamareeb town. According to solid sources, the prime minister will be traveling from Mogadishu in the forthcoming hours. Prime Minister Kheire has expected hold talks with the leaders of Galmudug state over the upcoming regional elections. The development comes two days after the Somali government dispatched a delegation led by the country’s interior minister to discuss with the state leaders. Galmudug state is expected to hold its presidential elections this year though some of its leaders have been lobbying for poll postponement View the full article -
The leader of Galmudug regional state of Somalia, Ahmed Duale Gelle Haaf has called for the plans to conduct elections and reconciliation process for his administration. A press statement from regional leader office on Monday urged the Ministry of Interior, Federal Affairs and Reconciliation of the Federal Government of Somalia to cooperate in planning the democratic exercise saying the political difference between the regional and Federal government has come to an end. “The difference between the Federal government and Galmudug state is over,” Haaf said, adding “The polls should be conducted in Cadado the, the interim administrative capital of Galmudug state.” Galmudug state leader, however, nullified the contents of a previous agreement between his administration and that of Ahlu Suna that was agreed in Djibouti but signed in Mogadishu on December 2017. “All the agreements between Galmudug and Ahlu Suna including amendments to the regional constitution, vice presidency, speaker, parliament, and cabinet is null and avoid.” The new development comes as the Prime Minister, Hassan Kheyre is scheduled to visit the state in an effort to resolve the stalemate. No comment from Ahlusunna leadership on the invalidation of the signed peace agreement that spearheaded order in the formerly contested region. In a separate letter, the Somali government stated that the Galmudug elections will be held in Dusamareeb. View the full article