Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Xabsiga loo taxaabay illaa 9 Mas’uul oo madax ka kala ahaa qeybaha kala duwan ee Canshuuraha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiintaas ayaa markii hore waxaa lagu xiray Saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Aadan Cadde kadib markii sidaas lasoo amray. Waxaa guuldareystay isku dayo lagu doonayey in lagu sii daayo mas’uuliyiintaas kadib markii la ogaaday in kiiska lagu heysto uu yahay mid culus oo la mid ah midkii dhawaan ka dhacay Dekadda Muqdisho. Mas’uuliyiintaas ayaa Galabta gelinkii dambe waxaa loo soo wareejiyey Xarunta Dambi Baarista CID oo ku taal Nambar Afar. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan CID-da, oobiga mas’uuliyiintaas ayaa waxaa lagu qoray inay ku eedeysan yihiin Musuq maasuq Maaliyeed. Sidoo kale oobiga ayaa lagu qoray inay ku eedeysan yihiin dhac loo geystay xoolo dadweyne. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay kasoo muuqdaan maxkamad isla markaasna lagu soo eedeeyey musuq maasuq ka dhacay canshuuraha Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Inkastoo dadka la xiray ay yihiin illaa 9 qof, haddana Shabakadda Caasimadda Online waxaa u suurta gashay inay kaliya hesho magacyada iyo xilalka 4 kamid ah oo kala ah: Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa ka hadlay muddo dhaafka doorashada golaha wakiillada Somaliland, waxaanu ku baaqay in sharciga lala tiigsadi maayiradda Burco iyo Berbera, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyayay deegaannada, Xarar-dheere, Huurshe iyo Xeraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud. Khayre ayaa waxaa uu la kulmay ciidamo maleyshiyaad ah, kuwaasi oo uu kala hadlay joojinta colaad beeleedyo mudooyinkii dambe halkaasi ka taagnaa, isaga oo ugu baaqey in ay ka shaqeeyaan nabada. Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa la filayaa in uu berri oo Axad ah uu tago tuulooyin ah, taasi oo qeyb socdaal dheer oo uu ku marayo gobolada toos-taga maamulka Galmudug. View the full article
  4. Hadda kadib reer Garowe uma baahna fiise "Hadda kadib reer Puntland uma safri doonaan Nairobi si ay u helaan fiisaha Hindiya, halkan ayaa lagu siin [...] Source
  5. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/Warka-habeen-29062019.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allah ha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax, oo ka mid ahaa raggii siyaasadda Soomaaliya magacoodu ku sidkamay. Maxamed Qanyare wuxu ku dhashay degmada Ceel-Buur bishii Ogost 1941-kii, halkaas ayuu ku koray kana galay malcaamad Quraanka, ka dibna waxa uu tagay magaalada Xamar oo uu waxbarashada ilaa dugsiga dhexe uu ku dhamaystay. Tacliintii dugsiga dhexe markii uu dhamaystay waxa la qoray booliska, waxaanu ahaa askari ka tirsan booliska, muddo ka dibna wuu ka tagay. Marxuumku wuxu markii dambe u wareegay dalalka Bariga Afrika oo uu ganacsi ka bilaabay sannadii 74-kii muddo dheerna ku noolaa. Maxamed Qanyare ayaa lagu yaqaanay inuu ahaa nin aan jecleyn Itoobiya isla markaasna aan wax xiriir ah la sameysan intii uu awooda lahaa iyo markii dambe oo uu noqday tabar la’aan, waxayna taas aheyd arrin uu kaga duwanaa hoggaamiye kooxeedyadii kale kuwaas oo hub badan kasoo heli jiray kuna xirnaa Itoobiya. Maxamed Qanyare oo waqtigii la dhisayey ururkii la dagaalanka argagixisada kulan Nairobi kula qaatay CIA-da Mareykanka ayaa diiday in Ciidamo Itoobiyaan ah gudaha Soomaaliya lasoo geliyo si loosoo qabqabto dad uu Mareykanka raadinayey oo ku sugnaa Soomaaliya kuwaas oo ka dambeeyey qaraxyadii lala beegsaday Safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania. Sida uu VOA u sheegay waqti hore Cawsley oo ahaan ninkii u kala turjumayey Hoggaamiye kooxeedyadii iyo CIA-da Mareykanka, Qanayre ayaa CIA-da ku yiri ‘Ma rabno Itoobiyaanka inay soo laabtaan waayo waa caddowga dadkeena, sidoo kalena ma rabo Ameerikaanka inuu soo laabto, waxaan idiin sheegeynaa inaan anaga la dagaalameyno kuwa aad rabtiin in gacanta lagu soo dhigo.” Qanyare ayaa lagu xasuustaa inuu si weyn uga soo horjeeday dowladii Itoobiya ee ay hoggaaminayeen Tigreega laga soo bilaabo 1990 ilaa 2018, wuxuuna dhawr jeer diiday wadahadalo ay ka codsadeyn Itoobiya. Maxamed Qanyare oo la hadlayey saxaafadda markii ay maxkamadaha la wareegeen Muqdisho isagoo ku sugan degaanka Derri ee Gobolka Galgaduud ayaa Maxkamadaha ugu baaqay inay dalka ka difaacaan Itoobiya, wuxuuna hadalkaas muujiyey meesha ay kala joogeyn Qanare iyo Itoobiye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has on Saturday, 29th June distanced itself from claims that the Organization’s name has been changed and termed the move as ‘null and void’. Omar Faruk Osman, the Secretary-General of NUSOJ said “no name change”, adding that individuals who in the past claimed illicitly claimed the organization now decided to go with another new name. “If you have been going around with false claim; you’re until now sticking to it. NUSOJ is a widely recognized association that its members are in the regions of the country and abroad. There is no hoax greater than that someone who has never been a member of the union to claim this,” said Osman. “We are hearing is that they opted to penitence about their prior fake claims of NUSOJ control which led to the person who did this being on trial and charged with serious crimes,” he added. NUSOJ Secretary General termed “unfortunate” the individuals who argue to be journalists are creating confusion and frustrating their colleagues in order to cause hatred between the government and NUSOJ as well as bring shame on the country. “We will continue defending Somali journalists, their freedom and the rights, without anyone being misled,” added NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. NUSOJ which is the one and only union in Somalia that IFJ recognized was set up in August 2002 by Journalists in the country with the aim to defend the interests and rights of journalists, wherever they are. Since inception, the Union has been effectively fighting for journalists’ pay and conditions, their working rights, and their professional freedom View the full article
  8. (SLT- Manchester)-Gabadh lagu magacaabi jirey Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxa ay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaalada Bury ee Greater Manchester ee gobalka England ee dalka Britain. Saraakiisha Booliska Manchester weyn ayaa loo yeedhay markii ay gabadha ku hafatay Webiga, iyadoo Kooxaha Quusayaasha soo heleen maydkeeda. Gabadhaasi oo ardayad ahayd ayaa la rumeysan yahay inay iyada iyo hooyadeeda dalka Britain tageen bil ka hor, sida ay qaar ka mid ah Qaraabadeeda u sheegeen Wargeyska The Manchester Evening News. Marxuumadda adeerkeeda oo lagu magacaabo Mustafa Omar waxa uu u sheegay Wargeyska The Manchester Evening News in ayna gabadha aqoonin qaabka loo dabaasho, wuxuuna xusay inay Hooyadeeda ka argagaxday geerida gabadheeda yar. Waxa uu intaasi ku daray inay ahayd gabadh fiican oo qaxooti ahaan u timid dalka Britain, isla markaana ay ku cusbayd Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Britain. Dhinaca kale, Maama Zamzam Tuure oo iyadoo la ilmeynaysa la hadashay isla Wargeyskaasi waxay sheegtay inay gabadheeda ahayd qof cajiib ah, deggan oo rajo wacan lahayd, isla markaana ay wada tebi doonaan iyada iyo Walaalaheeda Geerida Shukri Yaxye Cabdi, waxa uu ku soo beegmay saacado kadib, markii 2 nin oo da’dooda kala ahayd 25-jir iyo 26-jir maydkooda laga soo saaray Xeebta magaalada Devon oo ah magaalada 4-aad ee ugu weyn Gobalka England ee dalka Britain. Xilligan oo ay dalka Britain iyo dalal kale ee Europe ka jirto Kulayl daran ayaa waxay dadka inta badan ku dabaashaan Webiyadda, Harrooyinka iyo Badda, iyagoo qabow ka raadsanaya, iyadoo heer-kulku Britain gaadhay ugu yaraan 30 digirii oo Sentigareedh ama 80 digirii oo Ferenhayt ah. Source
  9. Lamu (Caasimadda Online) – Dowlada Kenya ayaa ka qaaday xayiraadii saarneyd kalluumeysatada Lamu ee hore looga joojiyay inay ka jillaabtaan meelo ku dhow xadka Soomaaliya. Sarkaal ka tirsan Maamulka xeebaha dalka Kenya John Elung ayaa sheegay in ammaanka sare loo qaaday lana geeyay xeebaha ciidamo Milatari ah. Dowlada Kenya ayaa ka mamnuucday horaantii bishan kalluumeysatada Kenya meelaha u dhow dhow xadka dalka Soomaaliya gaar ahaan Ras Kamboni sababo amni awgeed. Mamnuucida ay hore ugaga mamnuucday dowlada Kenya kalluueysatada Lamu ayaa ka mid ahayd tallaabooyin is xig-xiga oo ay dowlada Kenya qaaday kuwaasoo loogaga soo horjeedo dowlada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Indho Indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa soo jeediyay in la joojiyo Dawada dumarku isku Qurxiyaan laakiin Guddoomiyaha guurtida ayaa ka soo horjeestay arrinkaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Falanqayn ku saabsan Xidhiidhka Somaliland Iyo Kenya Oo Xoogaysanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Khartoum)-Guddiga Millateriga ah ee Suudaan sida ku meel-gaadhka ah u xukuma ayaa sheegay inay aqbaleen soo jeedinta Midowga Afrika iyo Itoobiya ee ah in dhinaca Suudaan isku hayaan dib u bilaabaan Wada-hadalladii u dhexeeyay ee joogsaday. Generallada hoggaamiyaha Suudaan iyo Isbahaysiga Mucaaradka ayaa isku dhacsanaa toddobaaddo ka dib, tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii muddada dheer soo xukumayey Suudaan ee Cumar Xasan Al-bashiir. Dhexdhexaadiyeyaasha ay hoggaaminayaan Ururka Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa illaa xilligaa isku dayayey inay jebiyaan (khilaafka) oo labada dhinac dib ugu laabtaan Wada-hadalladoodii tooska ahaa ee u dhexeeyay. Dibed-baxayaasha Suudaan ayaa hore u aqbalay qorshaha Raysal-wasaaraha Itoobiya ee siyaasadda ku meel-gaadhka ah. soo jeedinta Midowga Afrika iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa wax yar kaga duwan soo jeedintii hore ee Itoobiya, taasi oo isbahaysiga dibed-baxayaashu soo dhaweeyeen ama aqbaleen, sida ay ku warrantay Reuters. “Guud ahaan, Waa soo jeedin habboon in wada-xaajoodyada laga gaadho heshiis nagu hoggaamiya in la aasaaso Hay’ado ku meel-gaadh ah oo Sharci ah..” ayuu yidhi, Afhayeen u hadlay Taliska Ku meel-gaadhka ah ee Suudaan, Lieutenant General Shams al-Din Kabashi Source
  13. Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa kusii qul qulaya Odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Jubbaland si ay u soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland. Maalmaha nasoo aadan ayaa lagu wadaa in soo xulista Xildhibanada cusub ee maamulkaas ay ka bilaabato magaalada Kismaayo, halkaas oo loogu diyaariyey goobihii lagu qaban lahaa doorashooyinka maamulkaas. Waxaa jiro loolan adag uu dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo inuu mar kale kusoo laabto xilka madaxweynimo ee Maamulkaas. Axmed Madoobe ayaa u diiday dowladda Soomaaliya inay ku lug yeelato doorashada ka dhici doonto Kismaayo, waxayna taas keentay inay dowladda Soomaaliy raadiso duleelo kale oo ay ugu lug lahaan laheyd Doorashadaas. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf salka ku haya hanaanka loomarayo soo xulista Xildhibanada ee Jubbaland, waxaana wali la shaacin xalka laga gaaray iyo qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub. C/rashiid Xasan Cabdi (C/rashiid Janan) oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan ay ku soo fool leedahay doorasho ayaa si qarsoodi ah ku imaaday Magaalada Muqdisho taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo ay wado Dowladda Soomaaliya. Wasiir C/rashiid Janan ayaa la dejiyay Xarunta NISA, waxaana wararku sheegayaan in dowladda Federaalka kala hadli doono arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso albaab ay ka gasho. Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Qareen Mustaf Maxamed Jaaamac Mid kamid ah Qareennada difaacaya saddexda nin ee ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal u goysay waaran lagu soo xirayo, maalmo kadib markii arrima ku saabsan kiiskan loo xiray, taliyihii Laanta denbi-baarka CID-da gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali. Xeer ilaalinta gobolka Nugaal, ayaa maxkamadda derejada kowaad ee gobolka 27—dii bishan u gudbisay, dawcad ka dhan ah Mustaf Maxamed Jaamac oo kamid ah, Qareennada difaacaya ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas, waxaana Xeer-ilaalintu Qareenka ku eedaysay aflagaaddo, cay iyo iska’ horkeenid shacabka iyo dowladda Puntland. Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay, in xabsi ku hayn loogu sameeyo Qareenka, iyadoo maxkamadduna codsigaasi ogolaatay, islamarkaana ay waaran lagu xirayo u jartay Mustaf. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen oo soo saaray waaranka, ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ku amray, in uu xabsiga ku hayo Qareenka Mustaf Maxamed Jaaamac. Dhinaca kale, maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal, ayaa Sabtida maanta ku dhawaaqday, in ay maalinta berriya go’aan ka gaari doonto, saddexda eedaysane oo loo haysto kiiska Caa’isha Ilyaas, kuwaasi oo hore maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal ay xukun dil ah ku ridday. PUNTLAND POST The post Qareenkii difaacayey saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha oo isagii waaran loo jaray appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay xaafada Mac-macaanka ee degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa nooca baabuurta lagu dhejiyo ayaa waxaa la sheegay in uu ku geeriyoodey hal ruux oo gaariga saarnaa. Shaqigaasi ayay wararku la tilmaamayaan in uu ahaa macalin dadka bara sida loo kaxeeyo baabuurta. Illaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkan oo aysan wali ka hadlin hay’addaha nabad-gelyadda Soomaaliya. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka guddoomay walaalkiis Suldaanka Saldanada dalka Cummaan Suldaan Qaabuus Binu Siciid hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada dalkeenna. Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Cummaan shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo. Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Suldaan Qaabuus Bin Siciid bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna. Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Todobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leennahay Gobolka Geeska Afrika. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay dil ka geysatay xaafada UNICEF ee degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho. Shaqsiga la khaarijiyey ilaa iyo haatan lama aqoonsan waxa uu yahay iyo sidoo kale shaqadda uu qabto. Ciidamada ammaanka oo goobta uu falku ka dhacay tegay ayaa sameeyay howlgalo dad badan lagu soo qabtey. Maamulka degmada wali kama uusan hadlin dhacdadan oo sidoo kale aysan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyaddiisa. View the full article
  18. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreetooyin is-xigay oo uu Sabtida maanta soo saaray ku magacaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub. Madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland u magacaabay S/Gaas yaasiin Cumar Dheere halka uu taliye xigeenka labaad ee Daraawiishta u magacaabay S/guuto Axmed Cali Salaad. Sidoo kale madaxweynaha ayaa guddoomiyaha gobolka Karkaar u magacaabay Siciid Maxamed Faahiye halka uu guddoomiye ku xigeen u magacaabay Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir isagoo taliyaha qeybta Booliiska gobolka Karkaarna u magacaabay G/dhexe Cabdulqaadir jaamac Dirir. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa guddoomiyaha kooxda waaberi Puntland u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Shube halka Cabdicasiis Cilmi Yuusuf uu u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaaabay taliyaal iyo mas’uuliyiin kale oo cusub appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Hargaysa)Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkada Ku Guulaysatay Qandaraaska Dhismaha Dayka Xabsiga Mandheera. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Walaac Xooggan Ka Muujiyay Xaaladda Gobolada Bariga Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in saldhigga Ciidamada Booliska ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde lagu xiray Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik. Mas’uuliyiinta la xiray ayaa kala ah: Madaxii Canshuurta Qaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik Madaxii Qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli Ninkii qaabilsanaa tirinta Qaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan. Madaxii Qeybta xisaabaadka ee Garoonka Cabdirisaaq Wararka ayaa sheegayo inuu Mas’uuliyiintaan uu xiray taliye xigeenka Xarunta Dambi baarista ee CID Bishaar oo xayiraad kusoo rogay canshuuridda Qaadka kadib markii Booliska ay sheegeyn in wax la is daba mariyey. Waxaa hadda gaaray Garoonka Aadan Wasiirka Maaliyadda Beyle iyo ku xigeenkiisa Qaloocow kuwaas oo halkaas u tagay inay ogaadaan sababta ay xubnahaan u xiran yihiin. Sidoo kale Qaadkii imaan jiray gudaha Muqdisho ayaa saacado badan ku xayirnaa Garoonka Muqdisho, waxaana lasoo fasaxay xilli dambe oo galabta ah. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka [...] Source