Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda amniga, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyn kulul u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in habacsanaan baahsan ay jirto, islamarkaana dhagax meel la dhigo kaliya aan lagu sugi karin amniga magaalada Muqdisho. Wuxuu ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan weli la imaan qorshe gaar ah lagu sugayo ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxa uu ayaan darro ku tilmaamay tallaabadii lagu burburiyey hay’adda NISA oo uu xusay inay ka hortagi jirtay weerarada ka dhaca Muqdisho. Ugu dambeyn waxa uu is weydiiyey, sida ay ku timid in la fashiliyo qarax sababay dhimashada 17 qof, kaas oo shalay ka dhacay gudaha Caasimada. War ka soo baxay taliska Booliska, gaar ahaan taliye ku xigeenka ayaa lagu sheegay in ciidadamdu ay ka hortageen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. Dadka dhintay iyo kuwa kuwa dhaawacmay ayaa isgu jiray askar iyo shacab intaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Warar xalay lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo sida la sheegay ay ku eedeeyeen fashil-hoggaamineeed. Haddaba, Warbaahinta Puntland Post oo saaka xiriiro kala duwan la samaysay dhincyada warkani khuseeyo, ayaa xaqiijisay in aysan jirin xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo mooshin ka gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumaddiisa midna. Wararka la xiriira in mooshin laga gudbiyay madaxweyne Deni, ayaa si weyn saaka looga hadal-haya goobaha lagu sheekaysto ee meheradaha iyo hoteellada ku yaallla magaalada Garoowe, iyadoo ay jaah-wareer kala kulmeen bulshadu sax ahaanshaha wararkaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmatay maalin kadib, markii sidaan oo kale magaalada Gaalkacyo lagu faafiyay warar jaah-wareer dhaliyay oo ku aaddanaa in dowladdu ciidamo u dirtay degmada Gaalkacyo, si ay soo qa-qabtan Guddiga dhismaha garoonka ciyaaraha Cawaale. PUNTLAND POST The post Maxaa ka jira in mooshin laga gudbiyay madaxweynaha Puntland? appeared first on Puntland Post.
  3. Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee Jubbaland ayaa shaaciyey magacyada Odayaasha soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Liiska ergada lagu dhawaaqay ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaashii wax ka soo xulay baarlamaanka federaalka ah iyo kuwa kale oo matalaya beelaha Jubbaland. Odayaashani ayaa la filayaa in dhawaan ay si deg deg ahg ku soo doortaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Halkan hoose ka akhriso: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com View the full article
  4. MOGADISHU-- Foreign envoys on Monday lauded the ongoing process to integrate forces of moderate Islamic group Ahlu Sunna Waljama'a (ASWJ) into Somali security forces. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyey liiska Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi. Liiska Odayaasha lagu dhawaaqay ayaa waxaa laga sugayaa inay si deg deg ah ku soo doortaan xildhibaanada maamulka Jubbaland. Ergadan ayaa waxa ay isugu jiraan Odayaashii wax ka soo xulay baarlamaanka federaalka ah iyo Odayaal dhaqameedyo kale oo matalaya beelaha dega deegaanada Jubbaland. Sidoo kale Odayaashani ayaa dhawaan tababar lagu baranayey habka loo soo xulayo baarlamaanka waxa ay ku qaateen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Doorashada Jubbaland oo isugu jirta mida baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota Augusto ee sanadkan 2019-ka. Musharraxiin dhowr ah ayaa u taagan xilka Madaxweynaha, kuwaas oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe oo doonaya in markale loo doorto xilkaasi. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Two years after Qatar was accused of sponsoring terrorism abroad – and isolated by many Gulf states and their African counterparts – comes the news that Qatar may well be coordinating attacks in Somalia. Source: Hiiraan Online
  7. Britain on Monday said it was planning a European-led protection force for shipping in the Gulf after Iranian authorities seized a British-flagged tanker in a dramatic escalation of tensions in the region. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-23072019.mp3 View the full article
  9. Hadda ka hor ayaa nin saxaabi ah oo in uu sakada soo uruuriyo Nabiga (NNKH) u diray, ayaa markii uu shaqadii soo dhammaatay yiri “Intaan [...] Source
  10. A Saudi blogger who is in Israel at the invitation of the Foreign Ministry was attacked and cursed at Monday, during a visit to the Temple Mount in Jerusalem’s Old City. Source: Hiiraan Online
  11. Afghan has exported medical equipment and hygiene products to Somalia for the first time. Source: Hiiraan Online
  12. The number of civilians killed in Sidama zone in southern Ethiopia since July 18 has risen to “more than 35”, according to Yigezuh Adamu, a resident of Yirgalem who is currently in Hawassa city. Source: Hiiraan Online
  13. Somali forces have apprehended three al-Shabab militants in a security operation conducted on Sunday in Kismayo town, southern Somalia, an official said on Monday. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Gacanada ay kuwada xiriiraan Ciidamada Booliiska Soomaaliya (Isgaarsiinta Booliiska) ayaa xalay laga shaaciyay in magaalada Muqdisho ay ku jirto Haweeney darawal ka ah gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo damacsan in ay weerar ka fuliso magaalada Muqdisho. Saraakiisha ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah ay wadato qofkaan dumarka ah islamarkaana dooneyso in ay weerarkeeda la beegsato Difaacyada Madaxtooyada Soomaaliya ama Xarunta Dowladda Hoose ee gobalka Banaador. Waxaa inta badan la fasaxay shaqaalaha aan baahida joogtada ah loo qaban ee ka tirsan Xarunta Dowladda Hoose, iyadoo sidoo kale aad loo adkeeyay amaanka Xarumaha Dowladda gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobalka Banaadir. Ma jirto cid si rasmi u xaqiijin karta arintaan balse waxaa jirta Qaraxyo sidaan oo kale ay Booliiska Soomaaliya uga digeyn balse markii dambe ka dhacay goobihii laga digay. Digniintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo shalay qarax xoog leh uu ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaana qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 20 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu aasay Meydka Askari katirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar kaas oo lagu dilay Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir. Askarigaan iyo qof kale oo shacab ah ayaa dhintay dhamaadka Bishii Ramadaan kadib shaqaaqo ka dhacday Suuqa degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir, taas oo u dhaxeysay Ciidamo Booliis ah iyo Askar uu katirsanaa marxuumka dhintay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishuu Juun Guddi u saaray arintaan waxaana muuqata in ay socon waysay oo ay lugaha la gashay xubno sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya. Muddo ka badan 40 cisho ayuu Marxuumka ku jiray Finijeer laga leeyahay Isbitaalka Digfeer waxaana ku socotay lacag. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkaan amray in Marxuumka la duugo waxaana la aasay iyadoo aysan ka war qabin qoyskiisa iyo dhamaan qaraabadiisa. Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa shaqadaan qabtay waxaana lacagta kirida Finijeerka bixiyay Dowladda iyadoo ay dib u soo cusboonaatay arintaan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waqti badan geliyay sidii arrintaan loo damin lahaa balse waxaa ku dhagan Saraakiil uu kamid yahay Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya Jeneral Odawaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin “Dheeg” oo kamida Xildhbaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta shaaciyey in Somaliland ay iska badalayso magaceed si beesha caalamka aqoonsi buuxa uga hesho. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay u howl-galeyso sidii ay iskaga badali laheyd magaceeda, taasi oo uu sheegay inay u horseedi karto ictiraafka ay mudada badan ugu jirtay baadi-goobka, isagoona xusay in dowladda Soomaaliya ay ku colaadineyso Somaliland magaceeda. Xildhibaa Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dib u heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyey inaysan Somaliland wada-hadal la fureyn dowlada Soomaaliya, ilaa inta ay ka imanayso dowlad loo dhanyahay. Dheeg ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay ku jirto colaad, isla markaan uu Somaliland ka raadinayo godob uu sheegay inay hore u gashay. Xildhibaan Dheeg oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Waxa wada-hadlaya reer Talyaani iyo reer Ingiriiskii Soomaaliya, Soomaaliduna shan meelood ayey kala aheyd, Waxaana wada-hadlaya Somaliland iyo Soomaaliya, labadii maalintii isku darsaday kowdii luulyo ayaa wada-hadlaya”. “Nin anaga maalintii Somaliland ahaa, xagaa (Muqdisho) intuu ka soo jeesto sidii wax waalan la hadli mayno anagu, wuxuunba la hadleynaa Nimankii reer Talyaani ee aanu wax isku darsanay oo soocan, oo weliba goboladooda ka kooban, ilaa marka ay dowlad yeeshan, dowladaasina ciday inoo soo dirto ayaanu la hadleyna” Wuxuuna intaas kusii daray “Farmaajo intuu haysto la hadli mayno, waayo ninkan colaad baa ku jirta, Adeerkii ayaanu ka ridnay oo godobtii ayuu naga raadinaya anaga, waanu garaneyna halka uu nagala dagaalamayo, markaa wixiisa ha iska haysto, cidii uu wax ka qaadayo ha ka qaado, wuxuu naga cadaadinayo hanaga cadaadiyo”. “Waxa ina haysta waa magaca xun ee aan la sheeganeyno, waana raacsanahay in la iska badalo magaca oo waa in laga fikiro oo labada Golle loo diro magacaa, lana ansixiyo magacaasi, loogana tago sidaynu uga tagnay Baasaboorkeeni”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaska Madaxweymihii hore ee dalka Mareykanka Michelle Obama ayaa taageero u muujisay Ilhaan Cumar iyo saddex kale oo ka tirsan Kongreska dalkaasi. Michelle Obama ayaa si weyn uga horjeesatay hadalkii uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweyne Trump, kaas oo ahaa inay dalalkoodii hore ku laabtaan haweenka xildhibaanada midabka leh ee ka tirsan golaha Kongreska Mareykanka. Qoraal ay soo dhigtay haweeneydan barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in Trump uu ku kacay gef aan garowshiyo laheyn. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareykanka qofka u dhashay iyo kan Qaxootiga ku ah ay u wada siman yiihiin. “Xitaa, haddii aan ku dhalanay halkan ama aan soo raadsanay Qaxooti, waxaa jira meel aan wada leenahay, waana waajib inaan xusuusnaano inaysan ahayn Maraykankaya ama Maraykanka, ee waa Maraykanka aan wada leenahay” ayey ku qortay Twitterkeeda. Siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa horay u cambaareeyey tallaabada uu qaaday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donold Trump. Afarta haween oo uu Twitterkiisa ku weeraray Trump ayaa kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez , kuwaas oo dhammaan loo doortay aqalka Koongreska doorashadii xilliga dhexe ee dhawaan ka dhacday Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Riyadh (Caasimadda Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka iyo diiwaanka Malakiga Boqortooyada Aala Sacuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in boqolaal Askari American ah iyo hub casri ah loo daad gureeyay gudaha wadanka Sacuudiga. 16 sano oo maqnaashiyo ah kadib ayay ciidamada Mareykanka dib ugu laabteen dhulka Xarameynka oo ay ka taliso dowladda Sacuudiga, saladhigga Melleteri ee Al Amiir Suldaan oo 70 Km dhanka Koonfureed uga beegan magaalada caasimadda ee Riyaad waxaa gaaray illaa 500 oo askar American ah waxaana ugasii horreeyay tobaneeyo diyaaradaha dagaalka ah. Wakaaladda wararka ufaafisa dowladda Sacuudiga waxay sheegtay in ay ogolaatay dalab uga yimid Mareykanka oo ahaa in ciidamada Americanka ay dib ugu laabtaan Saldhigga Amiir Suldaan si halkaas ay ugala socdaan dhaq dhaqaaqyada Melleteri ee ka jira mandiqadda loo bixiyay Bariga dhexe. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Sacuudiga ay ka dalbatay in ciidamada Mareykanka loo daad gureeyo wadankeeda si ay uga ilaaliyaan khatarta uga imaanaysa Iiraan. Shabakadda CBS News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in diyaarinta saldhigga Melleteri ee Amiir Suldaan ay bilaabatay bishii June ee lasoo dhaafay islamarkaana halkaas loo daabulay qalab melleteri ka hor inta aan ciidamada lageyn. Salmaan Bin Cabdul Caziiz oo ah boqorka Ala Sacuud ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu Mareykanka u ogolaaday in uu dego dhulka Xarameynka iyadoo qeyb ka ah sugidda amniga mandiqadda sida uu hadalka udhigay. 26,Augst sanaddii 2003 ayay aheyd markii ciidamada Mareykanka ay isaga baxeen dalka Sacuudiga xilligaas oo loo dhigay xaflad sagootin ah, joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalka Sacuudiga ayaa soo bilaawday horraantii sagaashameeyadii waqtigaas oo uu dhacay dagaalkii Khaliijka ee ka dhanka ahaa dowladdii Sadaam Xuseen. Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Riyadh caasimada@live.com
  19. In dhowaale waxaa badatay in dawladda Puntland ay ku celceliso diidmada ay kala hor jeedo maamulka federaalka Soomaaliya iyada oo mar walba dhinaca kalena tiraahda waxaan nahay hooyadii federaalka, sidee labadatan hadal isu qabanayaan? Sida lawada ogyahay Soomaaliya waxay qaadatay habka federaalka waxayna yeelatay axdi qarameed ku meel gaar ah sugayana afti dadweyne oo lagu ansixiyo ama lagu diido. Taasna weli lama gaarin, waana hubaal inuu u baahan yahay in isbedel lagu sameeyo si loo waafajiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Iyada oo axdigaas la raacayo ayaa waxaa la dhisay dawlad federaal oo ka kooban, baarlamaan, madaxweyne, raysal wasaare, golaha fulinta, maxkamad iyo guddoon baarlamaan. Anigu waxaan taageer sanahay habka federaalka guud ahaan waayo ma doonayo in awoodda dalka oo dhan iyo adeegga bulshada uu hal meel ku ururo ama laga hago oo laga maamulo. Balse dhinaca kale waxaan doonayaa dawlad federaal ah oo awood leh qaadatana doorkeeda kaga aadan midaynta, ilaalinta iyo dhawrista dadka iyo dalka Soomaaliya. U madax banaan dhamaan waajibaadkeeda qaran, taas oo la doonayo in aan maamul goboleedyadu ku qabsan arimaha federaalka khuseeya sida arimaha dibadda, ilaalinta xuduudaha dalka-bad iyo beri, maamulka lacagta iyo dakhliga guud, maamulka iyo xukunka ciidamada xooga dalka, suuq geynta iyo soo saaridda khay raadka dabiiciga, ilaalinta nidaamka federaalka iwm. Hadaan eegno xaalka Puntland iyo hab dhaqanka madaxda Puntland waxay u hadlaan mararka qaar kood sidii ay ka madax banaan yihiin federaalka dalka, amaba iyagu xaq u leeyihiin in wax kasta oo federaal khuseeya lagala tashado ama wax laga weydiiyo. Waxaad maqlaysaa dad siyaasiyiin ah oo ku hadlaya hadallo ay ka mid yihiin; Dastuurka Puntland ayaa ka horeeyey kan federaalka, tan macnaheedu waa maxay? ma dastuurka Puntland ayaa ka sareeya kan federaalka, Puntland ma dawlad iskeed u taagan baa, Maxaa laga wadaa marka la leeyahay Puntland dastuurkeeda ayaa horeeyey ama la hor sameeyey. Sax waa horeeyey waana la hor sameeyey balse waa maxay micnaha ku jira taas. Cidna kuu sheegi mayso waxa arinkaa laga wado. Waxaa sidoo kale ayaamahan jirta, in dawladda federaalka lagu eedeeyo inay dhinac martay dastuurka ku meel gaar ah ee federaalka loo dejiyey . Tani iyaduna war cad maaha, maxaa Puntland rabtay in federaalku kala tashato ama federaalka hada jira garab maray oo dastuurka ka dhigay in la jebiyey? Sidoo kale waxaad arkaysaa marar badan in maamul goboleedyaddu ay federaalka arimo khuseeya ka hadlayaan una diidan yihiin in dawladda federaalku hawl wadeen ka noqoto sida doorashooyinka qaranka, qaybsiga khayraadka dabiiciga iyo suuq geyn tiisa, dhisidda ciidanka xooga dalka iwm. Sax in dawlad goboleedyadu ku yeeshaan arimahaas aragtii iyo fikir balse maaha inay hor istaagaan iyada oo aan cadayn sababta diid mada, shacabkana aan laga dhaadhicin sababta loo hor istaagay arimahaas khuseeya dawladda federaalka si gaar ah. Midda kale, dawladda federaalka ee hada jirta waxaa hubaal ah inay hastaan sumcad shacab intay doonto ha leekaatee aadna mooddo inay fahmeen meesha laga taabto shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan hamuunta u qabay dawlad Soomaaliyeed oo ka tarjunta dareen kooda guud iyo mid gaar ahba. Layskuma haysto sidoo kale in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre ay haystaan taageero shacab ayna maanta yihiin siyaasiyiin in badan oo shacabka Soomaalidu rajo u arkaan dalkaan u soo hoyatay. Haddaba Puntland oo ah sida dhabta ah hooyadii federaalka Soomaaliya, waxaan qabaa inay la gudboontahay madaxdeedu inay wada shaqayn dhab ah la yeeshaan dawladda federaalka iyo madaxda federaalka wixii kala aragti duwanaan ahna si hoose loo dhamys tiro iyada oo la adeegsanayo xigmad iyo isfahan aragti dheer ku dhisan iyo badbaado qaran. Middi middi ku taag waxba kuma hagaagan , dawladda federaalka ee aad adigu dhistay ha hor istaagin, shacabkana ha niyad jebin waayo shacabka Puntland waxay u taagan yihiin mar walba midnimadda iyo horumarka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan Puntland. Ugu danbayn waxaan ku soo koobayaa inaan masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo kan Puntland aan lagu soo koobi karin “labo biyo hoostood iska haraatiday iyaga ayaa is og”. arinku waa dan guud waxayna u baahan tahay daah-furnaan. Qore: Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland. Wareegtada ayaa sidoo kale waxa lagu xusay in xildhibaanadu gebi-ahaanba aysan qaban karin fadhiyo ay xilka kaga tuurayan Maayarada iyo ku-xigeenadooda. Wareegtadan maanta ka soo baxday xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada, waxayna u dhigneyd sidan: Ujeeddo: Mabnuucid Kalafadhi Aan Caadi Ahayn: “Iyadoo lagu jiro sannadkii u dambeeyay xilligii doorashada loo asteeyay oo ah 12/12/2019. Iyadoo xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshin lagu ridayo Maayarrada. Iyadoo xildhibaannada qaarkood si badheedh Xad-gudub ugu samaynayaan Xeerarka iyo Sharciga dalka, qaab-darrada iyo Xad-gudubka Sharciyeed iyo weliba kicinta Dadweynaha, iyagoo Xildhibaannadu arrimahaa abaabulaya ay Dadweynaha sifo qabiil kicin ugu samaynayaan Dadweynaha kicin, taasina ay iska hor-imaad iyo nabad-galyo xumo dhaawacaysa Nabadgalyada guud ee dalka (keeni karto) iyo nidaamka Dawladnimo. Haddaba, dhammaan Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo degmooyinka waxa la farayaa inaan la qaban karin Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ah Mooshin lagu ridayo Maayarrada iyo ku-xigeennada. Maaddaama oo wakhtigii Doorashadu soo dhow yahay, Dalkuna ku jiro Xaalad heegan ah oo dhinacyo badan leh oo u baahan in la iska kaashado oo wadajirna looga hor-tago Xaaladaha inna soo waajahay ee cadowgu inoo maleegayo”. Wareegtadan uu soo saaray Wasiirku ayaa waxay daba socotay muran baahsan oo maalmihii u dambeeyay ka dhexeeyay maayarka Gabiley iyo xildhibaanada golahaasi, taasi oo u muuqata in Wasiir Kaahin uu maaro kale u waayey. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Wargeyska New York Times ayaa wuxuu daabacay warbixin Dheer oo ay kasoo xigteen Sirdoonka Maraykanka iyo ilo dublamaasiyedeed. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Sirdoonka Maraykanka [...] Source
  22. By Ronen Bergman and David D. Kirkpatrick When a small car bomb exploded outside a courthouse in the bustling port city of Bosaso in northern [...] Source
  23. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Axmed Muse Nuur ayaa been abuur iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in Dawlada Puntland Ciidamo dheeri ah ay [...] Source