-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nolosha aadamuhu waa muhiim in uu helo adeegyo hufan oo u suuro geliya maarayenta maalin nololeedkiisa. taas oo ka bilaabma adeegyada aas aasiga u ah noolaha aadamaha inta yar ee uu uunkan ku noolyahay sida WAXBARASHAD, CAAFIMAAD, BIYAHA, ISGAADHSIINTA, KORONTADA taas oo u fududaynaysa maarayenta noloshiisa si wax ula soo boxo nolol iyo dhaqaale kobcin taas oo bundhig u ah shaqo abuur. waxa hubaal ah in uu jiro dadaal loogu jiro sidii kor loogu soo qaadi lahaa kaaba yaasha dhaqaale ee SOMALILAND mid ku yimaad iskaa wax u qabso iyo mid maamulba.kaasoo uu balaaleeyey markii u horaysay SOMALILAND ASARDA oo ka bilawday dariiqa isku xidha BORAMA VS DILLA ILAA HARGEISA.guul iyo gebagebo fiican ku dhamaaday oo laba caasimadood loo kala dalxiiso sifo raaxo iyo rayenrayen leh. taas oo ku dhiirisay dhiiraday in loo badheedho jidka dheer ee BURCO VS CEERIGABO taas oo lagu nasday lagu naalooday is gaadhsiin raaxo le dhalisay. ASARDA waxay u biyeysatay guntiga u giijisatay iyaga iyo shacabweynaha guud ahaan SOMALILAND iyo gaar ahaan AWDALBA qurba joogta iyo qolqol joogta in ay hirgeliyaan dhismaha jidkaa dheer ee BORAMA VS LAWYACADO. iyagoo la kaashanaya SOMALILAND DEVELOPMENT FUN {SDF} , NGO BANKIYADA KA CAAWIYA AFRICA HORUMAINTA wadooyinka iyo is gaadhsiinta. waxan ALLAHA WAYEN UGA BARYEYAA IN GUUL UU KU DHAMAADO JIDKAA HALBOWLAHA U AH ISGAADHSIIN DHAQAALE IYO HORUMAR INTABA. FIIRO GAARA ==========. KA FOGAADA SIYAASADA GURACAN KU FIKIRA FAAIIDADA IYO FAYO DHAWRKA KU FAANA FAAIIDO KA FIIRSO FOODA IYO FARAGELIN FAWAAXISH DALKAAGA U FAAIDEE DADKAAGA U FAAIDEE. FIKIRKEENU WAA HORAA LOO SOCONAYAA. SOMALILANDERIS HADAFKEENU WAA HORUMAR NABAD IYO WADANOOLAASHO TABTII REER JAPAN KU JAANGOYNAA. WIXII RAG U KACO RABINA AQBALO WUU RUMOOBAA. MUSA AW HASSAN LODOON AWDALI DUBAI Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-16072019-okay.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday agaasimihii ciidanka badda Puntland ee PMPF Cabdiraxmaan Xaaji Xassan. Madaxweynaha ayaa agaasimaha cusub ee PMPF u magacaabay Cabdirabbi Cismaan Maxamed. Dikreetada xilka qaadista iyo magacaabista ayaa laga qariyay warbaahinta. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadayy agaasimihii ciidanka PMPF appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Saraakiil ka tirsan Ciidammada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta talaabo ay qaaday Puntland. Maamulka Puntland ayaa Kantaroolka laga galo magaalada Garoowe u soo wareejiyay xuduudka gobolka Sool, midaasi oo si weyn uga cadheysiisay Ciidamada Millateriga Somaliland. Saraakiisha ayaa talaabadan Puntland ay kantaroolka ku soo wareejisay ku sheegay mid Puntland ay ku dooneyso dhul aanay laheyn, iyagoona xusay inay Somaliland marnaba ka yeeleyn in deegaanada Bixin ay Puntland ka bilowdo dhul-boob. Saraakiishan ayaa sidoo kale waxay maamulka Puntland ku eedeyeen inay deeganadaasi ay ka wadaan xaalad Nabad-galyo daro, iyagoona uga hanjabay inay Puntland deegaanadaasi iskaga baxdo muddo saddex cisho gudahooda. “Waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. Saddex cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgal-yadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishan maanta la hadlay warbaahinta. Wuxuuna intaas kusii daray Sarkaalku “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha golaha aqalka sare BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga Pramila Patten. Sidoo kale waxaana kulanka ku sugnaa guddoomiye ku-xigeenka Labaad golaha aqalka, Guddiga Garsoorka, arrimaha diinta owqaafta iyo xuquuqul insaanka haweenka iyo caruurta golaha aqalka sare baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Dhanka kale markuu soo gaba gaboobay ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Sen. Samsam Ibraahin Cali oo ka mid ah guddiga xuquuql insaanka golaha aqalka sare, waxayna sheegtay in wafdiga ay hoggaaminaysay Pramila Patten ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga ay wada qaateen kulan, islamarkaana ay isla meel dhigeen ka hor-tagga dembiyada jinsiga la xiriira. Wafdigaan ayaa wada kulamo uu la qaadanayo madaxda dalka iyo Hay’addaha ka shaqeeya Xaquuqul Insaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa maanta waxaa ay ku dileen nin ganacsade ahaa dagmada Dharkeynleey ee gobalka Banaadir. Ninka la dilay ayaa ahaa ganacsade siweyn looga yaqaano dagmada, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Cumar Calasow. Sidoo kale kooxii dilka u geystay ninka ganacsadaha ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa waxaa u suura gashay in ay goobta iskaga baxsadaan. Dhanka kale ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyay baaritaano lagu baadi doonayo dadkii dilka geystay wallow aysan jirin cid loo soo qabtay oo laama ammaanku ay shaaciyeen. Ciidamada ayaa Meydka Marxuuka u qaaday xarunta danbi barista ee CID, halkaas oo la geeyo dadka lagu dilo magaalada si loo baaro loona diiwaan galiyo. Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo lagu bartilmaameedsado shaqaalaha dowladda iyo waliba dad rayid ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga. Waxaa kulanka Sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey. Kulanka oo ay Sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Cabdi Axmed iyo xubno kale oo gudigaasi ka tirsan, ayaa inta uu socday kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee arrimaha la xiriira dembiyada jinsiga, waxaana xubnaha Qaramada Midoobay ka socday u faah faahiyay Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay Phillip oo ah madaxa ugu sareeya ee hay’ad la yiraahdo rawkins international associates, taas oo fadhigeedu u yahay Dalka Canada. Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay kulamadii maanta dhacay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-16072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadlay talaabada DF Somalia xiriirka ugu jartay dalka Gini ee galbeedka Afrika. Wasiir Cawad ayaa sheegay in wadanka Gini ay roog cas u dhigtay hogaamiye sheeganaya in uu ka go’ay Soomaaliya oo dalka kala qeybinaya, isla markaana xusay inaysan talaabada Gini marnaba waafaqsaneyn xiriirka caalamiga. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Dowlada Federaalku marnaba aqbaleyn in la kala qeybiyo midnimada Umadda Somaliyeed, isagoona digniin u direy wadamo kale oo uu sheegay inay gacan ku leeyihiin howlaha lidiga ku ah midnimada Somaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini-ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka”. “Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure (cadaadis) dal-kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada-hadasho”. Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada-hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet (roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT- Koonfdur Afrika)-Madaxweynihii hore ee Koonfdur Afrika Jacob Zuma ayaa sheegay in uu soo wacay qof aanu gareyn isla markaasna ugu hanjabay inuu dilayo isaga iyo carruurtiisa kadib markii hortagay guddiga baadhaya eedeymaha musuq maasuqa ee loo heysto. Xilli ay socotay dhageysiga eedeymaha loo heysta, waxaa uu Zuma sheegay in kalkaaliyihiisi uu qabtay telefoonka oo lagu yidhi “Waxaad u sheegtaa Zuma in aan dili doono isaga, carruurtiisa iyo dadka ka agdhawba” Garsoore Ray Zondo waxaa uu sheegay in aanan la aqbaleyn hanjabaad kasta oo ku saabsan dil iyo handadaad. Guddiga garsooka ayaa baadhayaa eedeymo musuq maasuq ee la sheegay inuu geystay xilligii uu awoodda hayay. Jocob Zuma ayaa ka degey xilka madaxtinimada dalkiisa sannadkii 2018 iyadoo lagu eedeeyay in uu ku takri falay maamulka musumaasuqna ku kacay. Mr Zuma ayaa waxaa bedelay ku xigeenkiisii Cyril Ramaphosa,oo ballanqaaday inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa isagoo ku tilmaamay sagaalkii sanno ee uu xukunka hayay Mr Zuma waqti khasaaray. Source
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Pramila Patten oo ah u qeybsanaha gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira dhinaca dembiyada jinsiga, waxaana kulanka Sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey. Kulanka oo ay Sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiyaha Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka Xildhibaan Xaawa Cabdi Axmed iyo xubno kale oo gudigaasi ka tirsan, ayaa inta uu socday kulanka waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya ee arrimaha la xiriira dembiyada jinsiga, waxaana xubnaha Qaramada Midoobay ka socday u faah faahiyay Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka. Sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kulan xafiiskiisa kula qaatay Phillip oo ah madaxa ugu sareeya ee hay’ad la yiraahdo rawkins international associates, taas oo fadhigeedu u yahay Dalka Canada. Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta qaranka ayaa faah faahiyay kulamadii maanta dhacay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Gaza)-Nin Falastiini ah oo ku xidhnaa xabsi ku yaalla Israa’iil ayaa dhintay kadib muddo bilo ah oo ka soo wareegtay. Naasir Taqatqa, oo 31 jir ahaa ayaa la ciidanka amniga Israa’iil xidheen bishii June kadib markii ay kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla xaafada Beit Fajjar ee dhaca daanta Galbeed. Ehelka ninkaan ayaa sheegay in lagu xidhay xabsiga Jalameh, oo muddo laba toddobaad ah uu ku xidhnaa jirdilna loogu geystay. Ciidanka Amniga Israa’iil ayaa aalaaba tacadi iyo dil u geysta shacabka Falastiin ee ku sugan daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Source
-
(SLT-Iran)-Markab Shidaal oo laga leeyahay Dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta ayaa la la’yahay muddo laba Maalmood ka badan. Markabkan oo ku socdaalayey Marin-biyoodka Hormuz ayaa joogsaday gudaha Biyaha Jamhuuriyadda IRAN, ka dibna waxa la bakhtiyey Isgaadhsiintiisa, ka hor muddo laga joogo laba Maalmood, sida laga soo xigtay Xogta la socodka Maraakiibta. Arrintan ayaa dhacaysa, xilli badhtamaha lagaga jiro jahawareerka soo food-saaray Maraakiibta Ganacsiga ee ka dhalatay Xiisadda ka taagan Gacanka Persia. Markabkan ayaa markii ugu dambaysay ee indho la saaro ama la arko ay ahayd Sabtidii Toddobaadkan, waxaana xilligaa lagu arkay Xeebta Jaziiradda Qeshm oo ah ka mid ah Marin-biyood Hormuz, sida uu daabacay Wargeyska Washington Post. Ma Caddayn waxa ku dhacay Markabkan, Afhayeenka Dawladda Imaaraadka Carabta oo arrintan wax laga waydiiyeyna kama jawaabin. Illaa bishii May, ugu yaraan lix Markab ayaa lagu weerarray meel u dhow Marin-biyoodkaasi, kaasi oo ah marinka ugu muhiimsan ee Maraakiibta Shidaalka, Weerarradaa waxay Dawladda Maraykanku ku eedaysay IRAN. Source
-
(SLT-Burco)-Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Hudheellada magaalada Burco ku yaalla uga digtay in lagu qabto Bandhigyada laga tumo Miyuusiga isla-markaana ay ka qayb-galaan Dhallinyarada, sida Hablaha iyo Wiilasha. Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Gobolka Togdheer Kayse Xaaji Diiriye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in haddii ay joojin waayaan hudheelladu Muusiga la dacwayn doono. isku-duwaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan Hudheellada uga digeynaa hablaha qaaqaawan iyo innamada yaryar ee madaxa fiiq-fiiqay ee Miyuusiga ku garaacanaya hudheellada” ayuu yidhi Kayse Xaaji Diiriye, Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheere, waxaanu intaa ku daray “Hadday ka dayn waayaan, Fawaaxishkaa u adkaysan mayno oo waalla dacwaynayaa, waxay ka helaana way leeyihiin..” Isku-duwuhu wuxuu ka warramay Waxyaabaha ay u xil-saaran tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, “Malcaamadaha iyo Masaajiddada ayaanu diwaangelinaa, Masaajiddadu way noo diwaangashan yihiin, waxaana hadda noo socda Malcaamadaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Wasaaraddu waxay qabataa wax Alaale iyo wixii Fawaaxish ah, wacyi-gelin ayay samaysaa..” Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-joojinta Somaliland ayaa hore Huteellada Magaalada Burco uga mabnuucay Aroosyada laga tumo Miyuusiga iyo bandhigyada Fanaaniintu ku qaban jireen, amarkaasi oo ay hirgeliyeen Ciidammada Amniga oo la shaqeeya Guddiga Wanaag-farista. Source
-
(SLT-Laascaanood)-Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Kaantaroolka Laga galo Magaalada Garoowe u soo rarray Xuduudka Gobolka Sool, arrintaasina waxa ka cadhooday Ciidammada Millateriga ee Somaliland. Saraakiil ka mid ah Ciidammada Qaranka oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Kaantaroolka Garoowe ee la keenay Xuduudka Gobolka Sool iyo weliba dhul ballaadhsi ay Saraakiishu sheegeen in Puntland ka waddo deegaannada Bixin iyo Qol oo dhammaantood ka mid ah Gobolk Sool ee Somaliland. Mid ka mid ah Saraakiisha la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Hartinimadu ma wax la isku dhacaa, waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. 3 Cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgalyadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga.” Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku hanjabay “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan…” ayuu yidhi. Puntland ayaa sheegata Mulkiyadda Dhuleed ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Somaliland Maamusha. Source
-
Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Saahid Maxamuud Cali (Xaaji Sayn) ayaa farriin adag u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada koox-kooxda u abaabulan ee habeenkii fowdada ka sameeya xaafadaha magaalada Gaalkacyo. Duqa ayaa waalidiinta ugu baaqay in ay ceshadaan carruurtooda fowdada iyo dhibaatada ku haya amniga magaalada Gaalkacyo isagoo ku boorriyay in haddii ay ceshan waayaan aysan ka daba imaan markii ciidamada amnigu gacanta ku soo dhigaan. Xaaji Sayn ayaa ku hanjabay in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan dhalinyarada fowdada ku wada magaalada islamarkana ay u dhaadhicin doonaan xabsiyo ku yaalla magaalooyinka kale ee Puntland si aan waalidkood uga daba imaan. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Duqa degmada Gaalkacyo oo digniin adag u diray waalidiinta appeared first on Puntland Post.