-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta guddi KMG ah u saaray sharciga doorashooyinka qaranka oo cabasho laga keenay. Qaar ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in sharcigan doorashooyinka qaranka ee ay xukuumadda soo gudbisay uu ka buuxo qalad, isla markaana uu khilaafsan yahay dastuurka kmg ah, loona baahan yahay in la turxaan bixiyo. Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Magacyada Guddiga la magacaabay: Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda imaaraadka Carabta u saxiixay heshiis dhigaya in ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay la wareegaan saraakiil u dhashay dalka Imaaraadka. Heshiiskaan ayaa meesha ka saaraya ciidamo 50-askari ku dhow Soomaali ah kuwaas oo horay u sugi jiray amaanka garoonka, waxaa bedelaya dhalinyaro soomaali ah oo imaaraadku tabababaray kuwaas oo ay kor ka maamulayaan ilaa afar sarkaal. Madaxeweyne Siciid Deni ayaa heshiiskan ku soo bandhigay shirkii u dambeeyay ee wasiirada Puntland. Imaaratka carabta oo horay saldhig ugu lahaa Boosaso gacantana ku hayay ciidamada badda ayaan la ogeyn sababta uu u daneynayo la wareegista ammaanka garoonka diyaaradaha Boosaso. Waxaa la aaminsan yahay in ujeedka imaaraadku yahay sugitaanka xogta diyaaradaha u socda si aan loo ogaan waxa ay sidaan iyo waxa ay qaadayaan. Heshiiska uu Dani u saxiixay Imaaraadka Carabta ayaa ah mid qarsoodi ah lamana soo marin Baarlaamanka Puntland taasoo shaki weyn abuurtay. Heshiiskaan uu saxiiay Deni waxaa horey Imaaraadka Carabta uga diiday madaweynayaashii soo maray Puntland sida Cabdulaahi Yuusuf, Cade Muuse, Faroole iyo Gaas. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ay jirto dhagaxaan aan la aqoon waxa ay yihiin oo laga keeno bariga fog kadibna laga dhoofiyo garoonka waana taas mida la aaminsan yahay sababta uu imaaraadka loogu wareejinayo amaanka garoonka . Waxaa shaqo la’aan iyo nolol adag soo wajahi doontoo ciidamadii soomaalida ahaa ee horay u joogay kuwaas oo laga baqayo in ay sameeyaan gadood looga soo horjeedo heshiiska. Imaaratka carabta ayaa horay ula wareegay dekedda Boossaso taas oo aan ilaa hada la dhisin. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sida aan wararka ku helanay safiirada dalalka caalamka u jooga Muqdisho, wakiillada Qaramada, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tagi doono halkaasi. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha Kismaayo iyo agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Ujeedada safarka wafdigani ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashada Jubbaland. Xubnaha wafdigan ayaa kulamo la qaaday doono madaxda Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe, guddiga doorashooyinka iyo Musharraxiinta maamukaasi. Inta badan kulamada ayaa diirada lagu saari doono sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan Musharraxiinta u taagan Jubbaland oo kalsooni la’aan ka muujiyey guddiga qaban qaabada doorashada maamulkaasi. Arrintan ayaa sababtay in inta badan ay isdiiwaan gelin waayaan Musharraxiintua iyo sidoo kale in dib loo dhigo waqtiga isdiiwaan gelinta oo hadda lagu daray 4 maalmood oo dheeri ah. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha Augusto ee soo socota, iyadoona uu loolan adag sanadkan la kulmayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo doonayo in markii saddexaad loo doorto hogganka dowlad goboleedka Jubbaland. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza. Wafdiga ka socday Qatar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed. Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin kale oo lagu xirayo wadooyinka Muqdisho, taas oo niya jab ku sii riday shacabka ku dhaqan Caasimada oo sugayay in laga qaado culeyska iyo xayiraada saaran. Hay’adaha amamaanka Soomaaliya ayaa xalay xiray waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. Sida ay u sheegeen Caasimada Online ilo deegaanka ah waxaa dhagxaan waa weyn lagu jaray agagaarka xarunta Ciidanka Asluubta oo ku taalla duleedka Muqdisho, halkaas oo ay ku kala wareegi doonaan gaadiidka ka yimaada dhinaca gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale laamaha amniga ayaa jaray dhammaan jidcadayaasha xaafadaha ku dhow isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Xirnaashahan cusub ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga kala gooshi jiray waddadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxda dolwadda, gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya uu horay Odayaasha Muqdisho uga ballan qaaday in la furayo waddooyinka marka laga baxo maalmaha Xorriyada ee 26-ka June iyo kowda Luulyo, balse ma dhicin midaasi, iyadoona taasi bedalkeed la sii adkeeyey go’doonka ay ku jirto Caasimada. Qaar ka mid ah Odayaasha oo aan horay ula hadalnay ayaa xusay in ballantii looga baxay, islamarkaana ay iyagu go’aan deg deg ah ka qaadan doonaan jidadka weli sii xiran. Dhinaca kale saraakiil aan la xariirnay ayaa tallaabadani ku sheegay in lagu xoojinayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab. Hayeeshee waxaa weli Muqdisho ka dhacaya qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoona dadka falanqeeya arrimaha amniga ay sheegayaan in dhagax ama waddo la xiro lagu sugi karin amni ee loo baahan yahay qorshe kale. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa ka hadashay xarigga xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha wadada Boosaaso, kuwaasi oo dhowaan xabsiga la dhigay. Maxamuud Xasan Aw Cismaan, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa ugu horreyn sheegay in la yaab ay ku noqotay dad eedeysanayaal ah oo la xiray iney ka hadasho dowladda federaalka, iyadoo baaritaanno ay socdaan. Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha in sharciga la marsiin doono dadkan xiran, islamarkaana ay mari doonaan wixii sharciga uu qabo. Cid walbo oo ka hadashay xarigga raggan ayuu sheegay iney u arkaan dano kale iney leeyiihin, islamarkaana muhiim ahayd in laga war sugo hay’adaha sharciga ah. Inkastoo Puntland ay sheegeyso in xubnahan lagu tuhmayo wax is daba-marin ayaa hadana warar hoose waxya sheegayaan in lagu hayso lacag ay ka heleen DFS si loo dar-dargeliyo dhismaha wadada dhex-marta Boosaaso. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/DEG-DEG-Xeer-ilaaliyaha-Guud-ee-DPL-Maxamuud-Xasan-Aw-Cusmaan-ayaa-ka-hadlay.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamanka Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay ansixiyay xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka (Statistics Bill) oo ay Baarlamanka u gudbisay wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland. Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha wakiilada Puntland, oo mudanayaasha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan muhiimadda uu leeyahay xeerkan, ayaa sheegay in xeerkan uu dowladda Puntland ka caawin doono, Siyaasadda hagidda iyo nidaaminta dhammaan diraaysanta xogaha, gaar ahaanna waaxda Tirakoobka (Census Bureau). Sidoo kale, xeerkan ayaa dowladda u fududayn doona, daba-galka iyo la’xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee diraasadaha iyo tirakoobyada u gaarka ah ka sameeya gudaha Puntland, kuwaasi oo mararka qaarkood soo bandhiga xogo qaldan oo farriimo taban ka gudbinaya degaannada Puntland, sida ay guddigu sheegeen. Waxaa kale oo warbixinta guddiga lagu xusay, in xeerkan uu as’aas u noqon doono, helidda xog dhammaystiran, wakhtiyaysan oo tayo ahaan la hubiyay, si loo helo qiimayn tix-raac sugan leh oo miisaanka saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyan hay’adaha dowladda. Halkan ka daawo Barnaamijka oo dhammaystiran PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise The post Yaa loogu miciya-lisanaya xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender. Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender. Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil sarakaal ka tirsanaa ciidamada dowladda xakay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay kudileen nawaaxiga isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in raggii geystay dilkaasi ay horay uga sii qaateen Marxuumka Bistoolad uu watay, islamarkaana ay si nabad galyo ah goobta uga baxsadeen, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay qarax ka dhacay qeybo ka mid waddada Warshadaha, sida ay ku baahiyeen boggagooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi oo Miino ahaa ay la beegsadeen gaari Tikninka oo marayay agagaarka xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho. Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdooyinkaasi. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah nabad galyada, sida qaxyo iyo dilal qorsheysan inataba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka howlgallo ballaaran ay ka socdaan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi. Ku simaha guddoomiyaha Garbahaarey, ahna Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Aadan Siraad oo u warramay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi. Siraad ayaa sheegay in u jeedka howlgalladu ay yihiin, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan guud ahaan gobolka Gedo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-garbaharey-.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-21072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan iyo danjiraha UK u fadhiya magaalada Muqdisho Ben Fender. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira xaaladda guud ee Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa James Swan iyo Ben Fender hordhigay dalab xaaasi ah oo ku aadan in Qaramada Midoobey iyo dowladda Ingiriiska ay Soomaaliya ka gacan siiyaan hanaanka deyn cafinta, doorashada 2021 iyo sidii ay dowladdiisu u baahin laheyd adeegyada aas aasiga u ah bulshada Soomaaliyeed. Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online labada mas’uul ayaa aqbalay dalabkaasi, iyagoo ballan qaaday in si deg deg ah loo fulin doono. Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa agaasimaha guud ee madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), iyo qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa, sidii loo cafin lahaa deymaha lagu leeyahay dalka, taas oo hadii ay ku guuleysato suura gelineyso in maalgashi caalami ah lagu sameeyo Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirro: Halkaan ka daawo Farmaajo oo dalab culus hor dhigay Deni & dhexdhexadinta Somalia iyo Kenya oo bilaabatay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
LONDON-- South Africa's Akani Simbine claimed the men's 100m title at the London leg of the IAAF Diamond League at the London Stadium on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Banks are increasingly facing the risk of losing deposits to digital money providers, as electronic money gets entrenched in the financial system, in efforts to promote financial inclusion. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
