Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. WASHINGTON (CNN) - House Oversight Committee Chairman Elijah Cummings said President Donald Trump's racist tweets aimed at four congresswomen of color bring back memories of the racism he faced as a child growing up in Baltimore. Source: Hiiraan Online
  2. Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV, uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac, ayaa todobaadkan looga hadlay garsoorka guud ee dalka, waxuuna daba socday barnaamijii todobaadkii hore ee dhaqanka, garsoorka iyo shareecada. Barnaamijka, waxaa todobaadkan marti ku ahaa: garsoore Maxamed Cumar oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka, iyo sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed oo ah sharci yaqaan. Garsoore Maxamed Cumar, ayaa la weydiiyay inuu bulshada barnaamijka ku xiran inuu u sharaxo waa maxay Garsoor, muxuuse ka kooban yahay, siduu u shaqeeyaa, Garsoore Cumar oo ka jawaabayey waxaa uu yiri” Garsoor marka la yiraahdo, Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay 19960-kii waxaa ay qaadatay habka dowladda casriga ay dowladdu kala baxsan tahay awoodaheed, Shaci dejintii oo baarlamaankii ah, Fulintii iyo Garsoorkii, marka qofka Soomaaliga ah garsoor waa uu fahmi karaa oo haddii khilaaf uu yimaado waxa uu u baahan yahay xal iyo in laga garnaqo oo laga garsooro, marka haddii la fahmo oo la soo dhoweeyo xeerarka dadku ay ku heshiiyaan oo heshiiska banii’aadamka ah, marka laga hadlo shareecada Islaamku annaga waa saldhiggeena, marka waxaa dadku ay dhexdooda uga heshiinayaan ama maamulka”. Garsoore Maxamed oo sii halaya “Baarlamaanku waxa shaqadiisu waxaa waaye wixii xeerar ah ee markaas sharcigu ogol yahay in ay ku heshiiyaan iney dhigtaan, Fulintuna waxaa waaye wixii la dhigay, haddii canshuur tahay ama ganacsi tahay fulintiibaa iska leh wixii socodsiintiisii, wasaaradihiibaa ka mid ah, ciidamadiibaa ka mid ah, haddii marka sharciogii loo gafo, hay’ad kale oo sedexaad oo ay tahay gafkaas ay la xisaabtanto ciddii gashay oo ciqaabtiisa ay mariso ayaa ayadu gadaal fadhisa, marka sedexdaas awoodood waa ay kala madax banaan yihiin oo mid waliba heerkeeda ayeey ku egtahay”. Sidoo kale Sharciyaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa asaguna ka jawaabay dhankiisa su’aashii la weydiiyay garyaqaanka waxaa uuna yiri” Garsoor waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah Gar iyo Soor, Gar waxaa la yiraahdaa waa xaqiiqda ama cadaaladda, Soorna waa in cadaaladdii la dhaqan galiyo oo la jideeyo, Garsoor waa mid ka ka mid ah hey’adaha aasaasiga ah oo nidaam dowli ah oo casri ah oo maanta jira uusan ka maarmin, waxa ayna ka mid tahay hay’ado ka qeyb ah gaarista cadaaladdaiyo xaqa, Garsoor waa hey’ad , hey’ad marka la yiraahdana waa jiritaan nidaam ka kooban dad garsoorayaal, sharci yaqaano iyo kaaliyayaal, una xil saran u jeedooyin waa weyn oo dastuuri ah, ujeedooyinkaas dastuuriga ah waxaa waaye in bulshada meeshaas ama nidaamkaas dowliga ah leh ama wada leh in sharciga u yaala ay ku dabaqdo ama ay ku dhaqan galiso markii ay wax isku qabsadaan, Garsoorku waa sidaas. Marka loo yimaado qaabdhismeedkiisa maadaama uu hay’ad yahay, waxaa uu leeyahay hay’ado ama maamulo nidaam xukun oo kala sareyn ah ayuu leeyahay, marka Soomaaliya oo kale, marka la yiraahdo hay,adda Garsoorka,Garsoorku waxaa uu ka kooban yahay adeega Garsoorka iyo maxkamadaha”. Dhanka kale sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed oo ka jaabayey su’aal aheyd sideey u kala sareeyaan maxkamada Garsoorka ayaa yiri “ Kala sareynta Garsoorka ayaa waxaa ka mid ah maxakamadda sare, maxkamadaha heer gobol, heer degmo iyo kuwa racfaanka oo gobol walbaaba gooni u leeyahay, waxaa dastuurkaan 2012-kii la qaatay uu dhisayaa ama uu gooni u abuurayaa, maxkamad sare maxkamad dastuuri ah, waa jibaadka maxkamadda dastuuriga ah horey waa ay u jereen lakiin waxaa ay aheyd waajibaad u yaala oo ay qabato maxkamadda sare, maxkamadda dastuuriga ah sharcigeedii waa uu qoran yahay, dastuurkuna waa uu jideeyay in la dhiso oo awoodo xadidan leh maxkamaddii iyo goobihii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo waliba dadkii ku shaqeyn lahaa wali madhisna, kaliya waxaa yaalo sharcigii lagu dhisi lahaa xubnahaas. Carafaad oo sii hadlaya “Nidaamka dowliga ah waxaa la yiraahdaa hey’ad ama shaqo dowli ah meel maran ma dhacdo, waxaa loo laabanayaa sida uu dastuurka hadda jira ee 2012-kii la ansixiyay qodobkiisa 139 uu leeyahay, sharciyadii horay u jiri jiray ee dalka waa lagu dhaqmi karaa inta laga badalaayo iyo wixii ka hor imaanayo mabaadiida dastuurka, sharciyadii horay u jiray waxaa ka mid ah in awoodaha maxkamadda dastuuriga ah hadda la siiyay ay horay u laheyd maxkamadda sare, sida ay ila tahay sharciyan maxkamadda sare maqnaashaheeda haddii loo baahdo waajibaadkii iyo baahidii loo qabay inta laga dhiosaayo waxaa badalkeeda sii galaaya maxkamadda sare ee federaalka”. Garsoore Maxamed Cumar oo dhankiisa ka jawaabayey su’aashii hore ee la weydiiyay sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa yiri” Garsoorku waxyaabaha uu ka garnaqayo waa ay kala culus yihiin, oo waxaa jirta haddii waxa lays ku haayo ay yihiin wax yaabo la xariira fasiraadda dast uurka iyo qodobkaan inuu ka hor imaanayo sharciga iyo in kale, waxaa fasiraadda iska leh maxkamadda dastuuriga ah, sidoo kale haddii dowladdu dhexdeeda ay isqabato ama dowlad gobaledyadu waxaa uu sheegayaa in maxkamadda dastuuriga ay tahay midda kala saareyso. Maxkamadda dastuuriga shaqooyin badan oo kale ayeey qabataa waxaa ka mid ah haddii madaxdu lagu soo eedeyso in ay sharciga u gafaan ciddii oran laheyd waxaas waa sax ama waa qalad in ay ayada tahay, waxaa ka loo ka mid ah doorashooyinka oo haddii qalad ka yimaado waa ayada ciddii oaran laheyd halagu celiyo, dastuurka ku meelgaarka ah sida uu jideynayo waxaa soo jeedinta iska leh guddiga adeega Garsoorka maadaama uu golihii uu maqan yahay golahaas ayeey ayaduna ay ku xiran tahay,Lakiin maxkamadda sare ayadu dacwadihii hoos ka imanayay ka soo bilaabanayay degmo ilaa gobol ilaa maxkamad racfaan dacwadahaas uun ayaa soo gaara oo halkaas ayeey u soo socotaa marka howsheedu waa culus tahay. Soomaaliya maxkamad dastuuriya oo gooniya waligeed mayeelan ilaa 1960-kii iyo nidaamka Garsoorka oo 1962-dii la sameeyay, in maxkamadda sare lagu soo biiranaayo afar xubnood oo labana ay dowladdu soo magacaabeyso labana ay Baarlamaanka ay ka imaanayan markaas ayeey isku noqonayaan maxkamaddii dastuuriga aheyd, hadda lafteeda haddii ayna maxkamaddii jirinna sida saxdaa waa in maxkamadda sare ay awoodihii ay sii haysato ilaa laga qaadayo si loo ilaaliyo meel maran inay jirto” Garsoore Maxamed Cumar ayaa la weydiiyay yaa maamula hadda golaha adeega Garsoorka Soomaaliya waxaa uuna yiri “ Golihii adeega Garsoorka waa la kala diray xukuumaddii tan ka horeysay ayaa la kala diray waa uu jiray ilaa haddana bahidiisii waa taagan tahay, dastuurkuna waxaa uu farayaa ilaa 30 cisho in lagu soo dhiso waayo waa hay’addii u taagneyd madaxbannaanida Garsoorka iyo maamulkiisa, maadaama hadda golahaas uu maran yahay gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa wixii maamulka Garsoorka asaga ayaa uga sareeya, dastuurkuna waxa uu jidaynayaa in awooduhu ay kala madaxbannaan yihiin”. Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed, ayaa dhankiisa la weydiiyay maxaa la istic maalaa marka laga hadlayo public low ama sharciga dadweynaha waxaa uuna yiri“ majirto ha’ad dowladeed oo dhisan oo aan sharci ku dhisneyn majirto, hay’adaha dowladda mid waliba sharci ayeey ku dhisan tahay oo ayna fulisaa, bal ee Boliiska sharci ayuu dhisan yahay, wasaaradda arrimaha gudaha sharci ayeey ku dhisan tahay sharci ayeeyna fulisaa, dowlad tilaabo maba qaadi karto aan jirin sharci faraaya yarciyadaas oo dhan waxaa lays ku yiraahdaa sharciyada danta guud” Garsoore Maxamed Cumar ayaa dhankiisa la weydiiyay dadka Garsoorka dowliga ah ka tabanayo oo aan cadaaladda helin maxaa lagu qanciyanaa ayaa yiri” dhaliilaha Garsoorka loo jeedinaayo oo ay ka mid tahay tabar darida waa wax aan la diidi Karin, wadanka oo dhan ayaa ha’adaha kale ee dowladda ayuu la qabaa waayo annaga dowladnimadii oo dhan ayaa dhulka ku dhacday, marka waxaan ku jirnaa soo kabasho” Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal aheyd saameynta Garsoorka ee nidaamka 4.5 waxaa uuna yiri” Nidaamkaan 4.5 ee beelaha ku saleysan waa nidaam dad badan dhinac markii ar ka fiirshaan amaaneen oo yioraahda waa nidaamka laguwa joogho oo xasiiloobida siyaasiyan marka ay ka eegeen, lakiin waxyaaabo badan oo laga rabay nidaam dowli ah oo xuquuuqda muwaadiniinta dhan ilaaliya ka hor imaanaya oo cuuryaaminaayo waaye”. Ugu danbeyn Garsoore Maxamed Cumar, ayaa la weydiiyay goormee ayaa la filayaa in Garsoor uu dhaqanka iyo shareecada isku dhinac loo jiheeyo si dadku ugu wada qancaan waxaa uuna yiri” Sedexdaas waxaa loo sheegaa sidii in ay is dhinac socdaan oo kale oo awoodo simman ay leeyihiin sidaas maahan, annaga shareecada islaamka ayaa dastuurkeena sal u ah, sharciyada kale ee heshiisyada banii’aadam uu qorto iyo wixii kale ee dhaqankeena oadayada ku jira Geedka oo talada lagu gooyo asaga ayaa shareecada islaamka ayaa dalad u ah oo ay wada harsanayaan, kala soocnaantaasna waxaa ay ka timid wixii aan horay u aheyn”. Ugu danbeyn Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa yiri dhankiisa” sharciyadeena noo qoran labada nidaam iskama horkeenayaan waa isla socdaanba, sharciyadeena noo qoran oo madaniga ah waxaa ku jira Garsoorka bulshada dhexdeeda ah in loo baahan yahay dhexdhexaadinta iyo suluxa intaan Garsooorka dowliga ah la imaan oo awooda dowliga ah adeegsanaaya, marka bulshadu waxyaabaha madaniga ah dhexdooda in ay isoo xaliyaan qaab beeleed ama qaab maxkadaha hoose ha isku xaliyaan, ujeedka laga leeyahay waxaa waaye dadku waxa dhex yaala iyo khilaafaadkooda inay xalistaan oo cadaaladda ay helaan Garsoorku waxa uu u taagan yahay waxaa la yiraahdaa habraac”. Source: goobjoog.com
  3. President Donald Trump drew fresh criticism on Sunday with an eighth day of attacks on the four progressive Democratic Congresswomen known as “The Squad,” whom he said he didn’t believe were “capable of loving our country” and should apologize for “hateful” comments. Source: Hiiraan Online
  4. On July 3, Milimani Chief Magistrate Francis Andayi handed a life sentence to a Tanzanian national and 41-year jail terms for two Kenyans found guilty of orchestrating the Garissa University terrorist attack. Source: Hiiraan Online
  5. Garbahaarey (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa diniin u diray dadka u hoggaansama amarada ka soo baxa Al-Shabaab. Siraad ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali in awaamiirta Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cidkasta oo la macaamisha ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan Al-Shabaab ay digniin u direen Ergada soo dooratay Xildhibaanada BFS, una qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanad ar ka arrimyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo-1.mp3 View the full article
  6. Numb. The defining emotion that comes to mind every time I hear of a bomb blast or another instance of tribal conflict the east African nation of Somalia has endured over 30 years. Source: Hiiraan Online
  7. Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay ku sii jeedaan wufuud caalami ah. Weriyaha Goobjoog News ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wufuuddan oo ka kala socoto dalal badan oo Yurub iyo reer galbeedka ah ayaa lagu wadaa in lagu dhiirigeliyo dadaallada uu ra’iusl wasaare Khayre ka wado dowlad goboleedka Galmudug. Ra’isul wasaare Khayre ayaa ku sugan Galmudug muddo bil, waxaana lagu wadaa in dhowaan halkaasi la furo shir lagu dooranayo madaxda maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Stephen Miller, a top White House adviser said to be the architect of the administration’s cruel anti-immigrant policies, went on Fox News Sunday to defend President Donald Trump’s latest round of racist and hypocritical attacks on congresswomen of color. The interview went rather poorly for him. Source: Hiiraan Online
  9. Kismaayo (SMN) – Maamulka gobolka Gedo ee dolwad goboleedka Jubbaland ayaa digniin adag u diray ergada soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali in amarada Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo. Siraad ayaa tilmaamay in Ergada soo dooratay baarlamanaka ama cidkasta oo fulisa awaamiirta Al-Shabaab ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo waafasan sharciga. Sidoo kale wuxuu carabka ku duftay in Al-Shabaab uu dagaal kala dhexeeyo, islamarkaana ay iska qaban doonaan qof kasta oo la macaamisho, sida uu hadalka u dhigay. Amarka cusub ee ka soo baxay Jubbaland, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey ayaa wal waal ku sii ridaya Ergadii soo xushay Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliy, iyo kuwa maamul goboleedyada . Odayaashan ayaa waxaa horay amar culus u dul-dhigay Xooggaga Al-Shabaab oo u qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanada ay maamulaan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  10. In Hargeisa, the capital of Somaliland, is a monument with a jet fighter bearing Somalia flags. The MiG aircraft is said to have been used to target guerrillas as Somalia President Siad Barre massacred perceived opponents 31 years ago. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. US-based Islamic scholar Christopher Anzalone insists that most wanted terrorist within the Horn of Africa Abdulkadir Mumin is still alive despite reports about his alleged death. Source: Hiiraan Online
  13. Dhuusamareeb (SMN) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sida aan wararka ku helnay wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tegi doono magaaladaasi. Sidoo kale waxaa ka mid ah wafdiga tagaya halkaasi xubno ka socda dalalka Mareykanka,, Talyaaniga Sweden, Jarmalka, Turkiga, Jabuuti iyo wadama kale. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdigani laga dareemayo halkaasi. Ujeedada safarka wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii ay ugu qeyb qadan lahaayeen dib u dhiska maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan madaxda maamulkaasi iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
  14. Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha ayaa la sheegay in loo soo xiray arrin ku aadan inuu ka biyo diiday dib u celinta lacag ay dowladda federaalka ku bixisay dhismaha Waddadaasi. Boosaaso. Puntland ayaa sidoo kale Khamiistii la soo dhaafay xirtay xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Arrintan ayaa salka ku heysa, kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddigaasi ay ka guddoomeen lacag ay xukuumadda federaalka Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso dhismaha ka socdo waddada Boosaaso. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in la sii daayo, islamarkaana uu dib loogu soo celiyo Xorriyadooda, balse weli kama aysan jawaabin baaqaasi madaxda sare ee Puntland. View the full article
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday qaraxyo iyo miinooyin, kadib howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in 3 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku soo qabteen howlgalladaasi oo laga fuliyey agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi. War ka soo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in raggaasi ay la socdeen gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. “Taliska guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ayaa hawlgallo waxa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos tago Jamaame waxayna Ciidamada gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah Al-Shabaab oo gaadiidka shacabka saarnaa,qaraxyo iyo miinooyin ay wadeen.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka. Ma shaacin saraakiisha Milatariga magacyada xubnahaasi, balse waxa ay soo bandhigeen Sawirradooda iyo qaraxyo lagu soo qabtay. Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan deegaanno ka yirsan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wufuud heer caalami ah ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Xubnahani oo ka socda ururo iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda tagi doono gudaha magaaladaasi. Sida aan wararka ku helnay waxaa xubnahaasi ay ka kal socdaan Qaramada Midoobay, Midowga Africa, IGAD dalalka Mareykanka, Qatar, Britain, Talyaaniga, Turkiga, Norway, Jermalka, Ethiopia, Jabuuti iyo wadamada kale. Ujeedada socdaalkooda ayaa ah sidii ay ugu qeyb qaadan lahayeen dib u dhiska dowlad goboleedka Galmudug. Xubnahani ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo la qaataan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Galmdug ee ku sugan Caasimada maamulkaasi ee Dhuusamareeb. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wafdigan laga dareemayo halkaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in Dhuusamareeb lagu qabto shirka dib u hesiisiinta iyodoorashada dowlad goboleedka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  17. Wakhtigan Iyo Jawaabta Ku Habboon Dawladda Xamar Eng. Maxamed Haybe Xirsi Bide cuntaa deeqda , gobna wanaaga ayaa deeqda . Maahmaahdan hadii aad u fiirsato macnaha ay xambaarsan tahay waxay ka turjumaysaa sifooyinka ay kala leeyahiin shacabka Somaliland, oo iyagu ahaa kuwii midnimadii 1960 keenay , doonayayna shan somali oo walaalo ah, awoodna aduunyada kuleh. Iyo soomaali talyaani, Waxa taa ka soo horjeeda talaabadii madaxdii ka wakiilka ahayd shacabka somali talyaani ay ku khiyaameeyeen midnimadii ay wadeen shacabka reer Somaliland, iyadoo 23 qodob ee barlamaanka Somaliland ay ansixiyeen si ay u noqoto midnimada labada gobol ee waqooyi iyo koonfur mid guulaysata ay ku tureen baaldiga xashiishka , kuna badaleen laba qodob oo iyagu jeebka kala soo baxeen oo kala ahaa labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur way midoobeen , labadoodii baarlamaana waa la isku daray. Khaladkaa ay madaxdii somali talyaani ay galeen iyagoo eegaya dan yar oo hunguri ah , waxay sabab u noqotay in midnimadii ay reer Somaliland wadeen ay god dheer ku dhacdo , qalbigii shacabka reer Somaliland midnimada u hayeena uu jeesto. Cudur dawaa loo doonaaya , waxaa ku xigtay talaabadii dawladii afwayne uu ku xasuuqay shacabka reer Somaliland isagoo xasuuqay dad tiradoodu tahay 300,000 oo qof marka lagu daro dadka ilaa iminka aan la ogeyn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaa la soo saaray xabaalo waradeedyo tiradoodu boqolaal sare u dhaaftay . Xabaalo waradeedyadaa waxa qaarkood loogu tagay lafaha maydadka inan iyo aabahii oo gacmaha iskaga xidhan, caruur dadoodu aad u yar tahay , qoysas ka kooban aabe , hooyo, wallaal . Waxa si cadawtinimo leh hub culus loogu burburiyay magaalooyinkii waawaynaa ee kunka sano la soo dhisaayay iyo dhamaan hantidii dhextalay. Dawladahan maqaarsaarka ah ee xamar loo sameeyay iyaguna ismay qabane waxay halkii ka sii qaadeen khaladkii aabayaashood ka galeen reer Somaliland , iyagoo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay Somaliland u cuno qabatayn lahaayeen , aduunyada uga soo xidhilahaayeen, iminkana damacsan sidii shacabka reer Somaliland ay dhexdooda isaga horkeeni lahaayeen ,iyagoo adeegsanaya dhuuni qaatayaal u dhashay reer Somaliland. Hadaba sidii aynu isaaga difaaci lahayn cadawga kaliya ee aynu aduunka ku leenahay oo ah somali talyaani waxa loo baahan yahay in shicib iyo dawladba ka yeelano go’aan cad oo aynu iskaga difaacno cadawtinimadaa oo ay reer somali talyaani ka siman yahiin. In badan ayaa afloogu jawaabay , waxaana la yidhi nimaan warankaagu kaa reebin weedhaadu kaama reebto. Gabagabadii jawaabta ku haboon maanta dawlada xamar ee maqaarsaarka ah waa in ninkasta oo xil sare ka haya , ha ugu horeeyo raysalwasaare ku xigeenka oo ah cadaw doonaya sidii uu Somaliland u baabi’in lahaa , isagoo maqan la soo saaro maxkamad mellateri , laguna xukumo 15 ilaa 30 sano oo xadhig ah iyo hantidiisa oo qaranku la wareego. Shakhsigii xil ka soo qabtay xamar , inaan loo ogolaan in uu xil siyaasi ah ama xil dawli ah in uu umada u qabto , xisbiyada ku biro. Arinkaas oo ka hortagaaya in shakhsigaas cadawga u soo shaqeeyay uu marlabaad umada lugooyo. Qalikii : ENG Mohamed Haibe Hersi { Belgium } Haibe2005@hotmail.comWakhtigan Iyo Jawaabta Ku Habboon Dawladda Xamar Qaran News
  18. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-22719.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Africa. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, is dhexgalka dalalka Africa, iyo guud ahaan amniga gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaawafdiga uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha haatan heysta Soomaaliy. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo hadalkiisa siio wata ayaa shaaciyey in dowladdiisu doorka muuqdo ka qaadanayso arrimaha is dhex galka dalka ee dalalka Geeska Afrika Dhinaca kale Thabo Mbeki Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, haatana ah madaxa guddiga sare ee Latalinta Midowga Afrika ayaa dhankiisa ka hadlay madasha wuxuuna ka sheekeeyey maqaamkii ay Soomaaliya ku laheydn Qaaradda Afrika iyo caalamkaba. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa aad ugu sii xoogeysanaya urur dhalinyaro ah oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, bishii Juun sanadkii 2018kii. Dhalinyaradaan oo loogu magacdaray Xoogagga Wadaniyiinta oo toos ugu amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeeya degmo kasta oo ku taala Gobalka Banaadir iyagoo ka qabta xilal sara oo muhiim ah. Xoogagga Wadaniyiinta ayaa degmooyinka waxay ku leeyihiin Kaaliye Sare oo ka awood badan Guddoomiyaha iyo dhamaan xubnaha kale ee degmada waxaana sidoo kale degmooyinka ugu qoran dhalinyaro la shaqeeya Kaaliyaha degmada. Markii hore waxaa loo aas aasay in ay ka shaqeeyaan Howlaha dariseenta balse hadda waxay toos ula fal galaan wax kasta oo quseeya degmada. Qaarkood ayaa ku dhiiraday in ay awood u yeeshaan talo soo jeedin xil ka qaadis Guddoomiye. Qaar kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan dhalinyaradaan oo faraha la soo galay dhamaan shaqooyinkii Guddoomiyaasha iyo maamulka kale ee degmada waxaana soo laa laabtay isku dhacyada u dhaxeeya maamulka iyo Xoogagga wadaniyiinta. “Dhibaato aan la qiyaasi karin ayaa lagu qabaa dadkaan waxaana ugu yeernaa La-guddoomiye” ayuu Caasimada Online u sheegay mid kamid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobalka Banaadir. Dadka qaar ayaa arintaan ku micneeyay Kacaan cusub oo lagu doonayo in lagu abuurto degmooyinka dad ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo noqda Xoogag u abaabulan difaaca Villa Somalia iyo kooxda ku xiran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo wefdigaan uga warbixiyey dedaallada dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo caqabadaha la doonayo in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale madaxweyne maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalka Soomaaliya ay horseedayso in ay xarun weyn u noqoto diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika haatanna ah madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalka Soomaaliya iyo maqaamkii uu ku lahaa Qaaradda Afrika iyo caalamka isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd ayaa waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Farmaajo: Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah appeared first on Puntland Post.
  23. Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay safarkii Madaxweyne Biixi uu dhawaan ku tagay dalka Gini iyo dadaalada Somalilanad ay ku rabto in la aqoonsado. Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sheegay in Dowladda federaalka Somaliya ay dagaal badheedh ah ku soo qaaday Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey talaabo uu sheegay inay mudantahay in Xukuumada Biixi ay qaado. Suldaanka ayaa wax aan suurto-gal aheyn ku tilmaamay in Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho uu doonayo inuu sheegto Somaliland oo halgan loo soo galay, wuxuuna yiri “Maamulka Xamar wuu soo qaatay, dagaal badheedh ahna wuu inagu soo qaaday, waxaynu se kaga badinaynaa iyadoo uu Muuse Biixi uu safarada uu dalka dibadiisa ugu baxayo uu badiyo si uu Farmaajo u xanaaqo, safarada oo uu Madaxweynuhu badiyo, dalal badan oo uu xidhiidh la yeesho, wufuuda dalalka caalamka uu u diro, waxay inaga saacidaysaa in la ina aqoonsado”. “Maxaa yeelay safarkii uu Madaxweynuhu dhawaan ku tagay Gini, markii ay Somaliya ka xanaaqday sharaf dhac ayaa u soo hoyday Somaliya halka Somaliland ay sharaf ka heshay, Madaxweyne Muuse Biixi waa Madaxweyne xogogaal ah oo dalkan u soo halgamay, waana Madaxweyne go’aan iyo ku dhac leh, ee waxaa looga baahan yahay inuu aqoonsiga Somaliland gacantiisa ku keeno oo aanu Hargeysa la fadhiyin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland halgan dheer baa loo soo galay, markaas ayuu doonaya Farmaajo oo lagu ilaaliyo Muqdisho inuu sheegto, taasina wax suurtagal ah maaha ee Shacabkeena waxaana looga baahay inay mar walba mid ahaadan, oo ay isku duubnadaan”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com