Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Gabadh ay walaalo yihiin Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr. Barak Obama oo lagu magacaabo Dr. Auma Obama, isla markaana ah qoraa, saxafiyad iyo shakhsiyad caan ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa maalmahan ku sugan caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa. Dr. Auma Obama ayaa waxay kamid aheyd martidii sanadkan lagu casuumay Bandhiga carwada buugaagta Hargeysa oo ay sanadkiiba hal mar ay qabato xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Socdaalka ay Dr. Auma Obama ku timid caasimada Hargeysa ayaa noqonaya socdaalkeedii ugu horeeyay ee ay ku timaado Somaliland, iyadoona martiqaad rasmiya ka heshay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Dr. Auma oo shalay khudbad ka jeedisay madasha furitaanka carwada Buugaagta Hargeysa ayaa ka hadashay dib u dhaca balaadhan ee ka jira qaarada Afrika, isla markaana ka dhawaaji madax-banaanida Somaliland, waxayna tiri “Waa in ay beddelno fekerka ah inaynu ku noolaano deeq la inna siiyo iyo cid inna hormarisa, waayo cidina bilaash kuu horumarinayso. Fiqiirnimada aan ku noolnahay waa inaynu aqbalnaa oo aynu dedaalkeenna kaga baxnaa, oo aanayu ku xisaabtamin cid innaga saarta”. “Kuwa ka imanaya China, Europe ama America wax aan u arkaa kuwa u yimi qaaraddeena in ay ka arkaan fursado uga bannaanada dadkooda, shirkadohooda amase arrimahooda gudaha ee siyaasadeed ama degganaansho. Waxa ay u hanqaltaagayaanaa macdanteenna, midheheenna, xooggeena, taasina waxba kagama duwana sidii xilligii gumaysiga”. Waxayna intaas kusii dartay “Afrika waxa loola dhaqmaa oo adduunku u arkaa sidii ay tahay waddan kaliya. Waa in aynu taa ka dhiidhinaa oo u sheegnaa in Afrika aanay ahayn dal ee ay tahay qaarad, waa inay arkaan, maqlaan oo fahmaan in markaan ku daro Somaliland oo madax-bannaan, ay ka kooban tahay 55 dal oo mid kastaa leeyahay dhaqankiisa, ahaanshihiisa iyo dabeecadihiisa u gaarka ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Ku dhowaad 70 sano ayaa Soomaaliya laga baarayaa shidaal. Shirkado caalami ah, laga lee yahay waddamada Mareekanka, Netherlands (Holland), Talyaaniga, Fransiiska, Ingiriiska iyo Jarmalka ka baareen barri iyo bad. Baritaankaas waxaa loo kala qaybin karaa sidaan: Baaritaankii Hore (Dhammaad kii 1950 – 1990) Baaritaanadii hore waxay u badnaayeen barriga, inkastoo meelo kooban ee Gacanka Cadmeed ee Waqooyiga, Badda Indian Ocean ka ee Waqooyi Bari iyo Badda Benadir la baaray. Hawsha xoogeeda waxaa sammeeyay sannadihii ugu horreeyay Shirkadahii Sinclair (Amerada + Marathon + Conoco). Agip, Shell ama Pectin iyo Elf (Talyaani, Netherlands iyo Faransiis) hawl xoog leh ayay. Laga billaabo 1970-1990 waddanka waxaa si mug leh ka shaqeeyay, Esso, Texaco, Mobil, Phillips, Deutch-Texaco, Amoco oo dhammaan tood u xuub-siibtay magacyo cusub sida Chevron, ConocoPhillips, ExxonMobil, BP, Shell iyo ENI. Hawsha baarista natiijo boositive ah laga ma helin. Markii loogu dhawaa ayaa shidaal ama gaas aan ganacsi gali karin la helay. Sida kale baaristaas wax micne leh kama soo bixin. Shirkadihii waxaa u suurta gashay in la fahmo sida lakabyada dhagaxda iyo hab-dhiskooda yahay. Waxaa kaloo la bartay dhagaca shidaalka dhalo, iyo qaab-dhismeedka uu ku aruuri karo iyo dhagaxda shidaalka kaydin kara meelaha ay kala yaalaan dhulka gudahiisa. Dadaalladaas waxaa lagu ogaaday hadda meelaha bar-tilmaameedyo laga dhigi karo marka shidaalka la qodayo – khaasatan dhagaxa kaydin karo shidaalka meelaha ay yaallaan marka laga fiiriyo dhanka da’da Jurassic, Cretaceous iyo Tertiary ga. Baaritaankii Dhexe (1991-2012) Muddadaan waa goortii burburka markii shirkado si gooni-gooni ah ula galeen heshiisyo maamul-goboleedyada markaa jiray sida Somaliland, Puntland iyo Galmudug Tii Hore. Dhinaca Somalialand waxaa ka hawl-galay Ophir Petroleum, Petrosoma, DNO, iyo Genel . Shirkadaha qaar illaa manta way joogaan inkastoo maal-gelin tooda ay la baqayaan. Qaarna waxay sammeeyay sahanka 2-D saysmik. Dhinaca Puntland, waxaa heshiis la galay Range Resources oo markii dambe Farm-in u oggolaatay Africa Oil iyo Horn Petroleum oo JV ku ahaa inay wada shaqeeyaan. Africa OIl waxay qodday labo ceel oo shidaal laga waayay oo ku yaal Dooxada Dharoor. Hawshaan waxay ahayd isku-day aad u fiican oo ay Puntland sammaysay; shirkadda Africa Oil waxay muujisay inay tahay shirkad shaqada loogu talo galay qabatay. Africa Oil hadda waxay ka shaqaysaa Ethiopia iyo Kenya. Dhanka kale, Galmudug Tii Hore waxay heshiis la gashay Liberty Petroleum (Petro Quest) inay baarto barri iyo bad Galmudug. Shirkaddaas uma gudbin inay sammayso sahanka 2-D saysmikada ama qodid. Waxay Liberty weli raadinaysaa inay DFS siiso Heshiiska Soo-saar Wadaagga (PSA) la saxiixato, inkastoo ay kula jirto Galmudug Tii Hore iyo Galmudug Ta Hadda ah heshiis qoran oo ah inay DFS tixgeliso. Heshiis kaas waxa u baahan yahay in lala jaan-qaadsiiyo PSA ga Soomaaliya. Shaqada cusub ee badda: 2013 -iminka Markii Dawladda Federaalka ka baxday Ku Meelgaarnimada, oo aqoonsi buuxda heshay , ayaa Soma Oil and Gas la saxiixatay heshiis ah inay maalgeliso baarista saysmikada ee 2-D ee Badda Indian Oceanka Soomaaliya; shirkaddaasna loo oggolaado in heshiis PSA lagula galo 12 Xirmo-badeed (12 Offshore blocks) ah. Soma Oil and Gas waxaa u sammeeyay sahanka 2-D shirkado sub-contract ah oo kala ah SeaBird Exploration, Spectrum iyo RPS Group. Dhinaca kale, Shirkadaha Shell, ExxonMobil iyo Total waxay aad u xiiseenayeen badda Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen Spectrum inay buuxiso shabakaddii 2-D ee Soma Oil oo ahaa 20 x 20 km kal-fogaasho (spacing) in laga dhigo 10 x 10 km kala-fogaasho (spacing) iyo in lagu daro baarista biyaha aan moolka ahayn oo ballacoodu yahay 12 nautical mile. Spectrum 2016 ayay hawshaas dhammaysay. Sidaas waxaa ku dhammays tirmay baarista badda Jubbaland, Koofur Galbeed, Gobolka Benadir, Hirshabeelle iyo Galmudug. Waxaan baaris illaa hadda laga sammaynin badaha Puntland iyo Somaliland. Waxaan ogahay badda Somaliland qeyb ka mid ah inay baartay TGS oo dhawaan gadatay Spectrum. Labada shirkadood waa shirkado sammeeya 2-D saysmikis oo Norway laga lee yahay. Shirkadaha danaynaya badda Soomaaliya inay shidaal ka soo saaraan: Shirkadahaan waxaa ka mid ah kuwa waaweyn, kuwa dhexaad ah iyo kuwa yaryar. Kuwa waaweyn waa Shell, ExxonMobil, Total, ENI, BP iyo Equinor. Shirkadaha dhexe waxaa ka mid ah ONGC, Anadarco, Apache iyo Tullow. Shirkadaha yar-yarka ah inta badan waa shirkado carcar (aggressive) ah oo dhaqso wax soo saara ama raba inay shirkad kale ku wareejiyaan hawsha, dhexda ka faaidaan (Asset flippers). Laakiin shirkadaha yar-yarka ah qaabka ay heshiiska ku galaan ayaa musuqmaasuq iyo daah-furnaan la’aan hareerayso. Shirkadaha waaweyn ee u naxa sumcadooda iyo iyo suuqa ay ka diiwaan-gashan yihiin – bursa ama stock market. Shirkadaha yaryarka ee Soomaaliya jooga waxaa ka mid ah Soma Oil and Gas, Liberty Petroleum iyo Genel Energy (Somaliland). Africa Oil way ka baxday Puntland, inkastoo la rabay Dooxada Nugaal inay ceel qodid ka bilowdo. Caqabadaha hor taagan shirkadaha: Waxaa ugu horrayso amni darrada, sharciyada iyo xeerarka nidaaminta shidaalka oo aan fadhinin oo isbaddelo joogto ah ku dhaca, xasilooni-darro siyaasadeed, xasarradaha siyaasadeed oo joogto noqday, daah-furnaan yarida iyo musuq-maasuq baahsan – intaas waxay saamayn xoog leh ku yeesheen shirkadihii maal-gelin lahaa oo hormarin lahaa shidaalka Soomaaliya. Tusaale waxaa noo ah in Shell-ExxoonMobil (oo heshiis Somalia kula jira) ay weli aaminsan yihiin Somalia inay ka jirto xaaladda Force Majeure, oo aan shaqo laga dhex qaban karin. Arrimahaas kor ku qoran, waa in DFS u heshaa xal iyo inay ka shaqo gasho sida loo beddeli lahaa iyo sida loo hagaajin lahaa. Waxaa aad muhiim u ah inay isla jaan-qaadaan DFS iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya. Caqabadda kale ayaa ah in tamarta shidaalka laga gudbi rabo ka dib markay sabab u noqotay in cimillada adduunyada is-bedesho iyo heerkulka dunida kordho. Dunida waxay gashay dadaal cusub oo dhanka tamarta qorraxda iyo dabeesha lagu hormarinayo. Waxaa si xawaare leh u soo kordhayo teknoolojiyada tamarta qoraxda, dabeesha iyo niyuukliirka looga faa’idaysan lahaa. Tusaale ahaan Bangiga Adduunka waa u joojiyay maal-gelinta shirkadaha shidaalka sahmiya oo soo saara, laga billaabo 2020 ka. Sidaas awgeed, Soomaaliya waxay haysataa waqti yar oo ay kaga faaidaysan karto shidaalka. Prof. Cabdulqaadir Abiikar Xuseen Hormuudka Kulliyadda Cilmiga Dhulka iyo Deegaanka/Bii’ada Jaamacadda Benadir, Muqdisho, SOMALIA
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo ka mid ahaa Diblomaasiyiin ka qayb-gashay bandhiga carwada Bugaagta Hargeysa, ayaa ka hadlay Nabadgelyada, degganaanshaha iyo xasilloonida ka jirta Somaliland. Amb. Nicolás Berlanga Martínez ayaa wax lagu faano ku sheegay waxyaabaha u qabsoomay intii ay jirtay Somaliland. Safiirka ayaa intii uu ka hadlayay madashaasi si lama filaan ah wuxuu ugu lebistay koofiyadda Odayaasha iyo Cumaamadda Madaxda dhaqanka Soomaalidu qaadato oo uu madaxa iyo garabka saarta. Wuxuuna talaabadaasi ku muujinayey Safiirku dhaqanka ay ka turjumayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo boqollaal qof oo Soomaali iyo Ajaanib ah ay ku sugnaayeen. Amb. Nicolás Berlanga Martínez oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Maanta ii oggolaada inaan ahay Oday dhaqameed reer Yurub ah oo Somaliland jooga. Farxad bay ii tahay inaan arko Buugaag ku qoran afaf kala duwan iyo kuwo ay sixitaan ku samaysay xarunta dhaqanka ee Hargeysa”. Safiirku sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Midowga Yurub ay farxad weyn u tahay inuu Somaliland ka taageero arrimahaasi “Midowga Yurub farxad bay u tahay inuu taageero arrimaha noocan oo kale ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka hadlay Guddiga uu Farmaajo u magacaabay Dhab-u-heshiisiinta iyo Wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu si adag uga hadlay dalabka Puntland ee ku aadan inay ka mid noqoto Wada-hadalada DF Soomaaliya iyo Somaliland. Faysal ayaa ugu horeyntii sheegay inaysan guddigaasi waxba ka khuseyn Somaliland, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu ku tilmaamay mid ku jira mugdi ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey inaysan Farmaajo wada-hadal la galeyn Somaliland, wuxuuna yiri “Madaxweyne-na maahe ruwaayad ayuu dhigaya Farmaajo, wuxuuna na tusay caqligiisu halkuu joogo, markaad hadaladiisa dhageysato wuxuu ku leeyahay ‘waxay tabanayaan walaalahay’ waxaasina cago badnaanten ina-baday, ismaynu baraneenba Farmaajo iyo reerahoodaba, ninkaasi mugdi buu ku socda”. “Waxaa ka daranba Puntland oo dal iska dhigaysa oo leh hadii aanu wada-hadalada ku jirin, waxaasina waxa inagu baray maamulka Xamar jooga ee Puntland-ta haya si ay wadan kale ka dhigaya”. Wuxuuna intaasi kusii daray Faysal “Dadka wadanka u badan baanu heshiis la galeyna ee aynu markii horeba ku darsanay, Nin aan degmo ku lahaynba la hadli mayno”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar-Qumanaha-_-Warraka-21072019.mp3 View the full article
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo Kenyan ah ay dileen dad shacab ahaa oo gaari la socday, kadibna ay gubeen. Tirada dadka ciidanka Kenya ay tacadiga u geysteen waxa ay ahaayeen 8-ruux kuwaas oo ku safrayay meel 10KM u jirta Deegaanka Raaskaambooni. Ciidamada oo socday waxaa kahor tagay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka, iyaga oo rasaas ku furay, kadibna gubay dadkii dhintay. Xildhibaan Jeesow waxa uu sheegay in ciidanka Kenya ay caadeysteen dhibaatooyinka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee kunool deegaanada ay ku sugan yihiin ama ku safraan. “Waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo gaari saarnaa, ciidamada Kenya waxa ay u dileen si arxan darro ah, kadib wey gubeen, waana arrin bani aadamnimada ka baxsan” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Xidhibaanka ayaa soo jeediyay in ciidanka Kenya laga saaro Dalka, maadaama ay kordheen tacadiyada ay u geysanayaan dadka shacabka ee kunool deegaanada Jubbaland. Golaha shacabka oo uu katirsan yahay ayuu sheegay in ay ka doodeen, balse aan jirin wax iska badalay soo jeedintii Xukuumadda ee ku aadaneed in Kenya lagala xisaabtamo shacabka ay waxyeeleeyaan. Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer burburiyay anteenooyin ay leeyihiin shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, sidoo kale duqeyn ay ka geysteen deegaanno dhaca Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo waxa ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah iyo xoolo ay dhaqanayeen. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. In a tearful Facebook video posted on Friday (June 19), Georgia State Rep. Erica Thomas described an incident at an Atlanta-area Publix grocery store during which a white man “degraded and berated her.” Source: Hiiraan Online
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu xiray guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa waxa goor dhoweyd xabsiga dhigay ciidamada amniga magaalada Boosaso sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta ku sugan halkaasi. Xarigga wadaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland. Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa caawo qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowladda fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. “Guddiga Nabad-galyada ee Gobolka Bari wuxuu ka digayaa Shirarka iyo kulamada siyaasadeysan ee ka dhanka ah jiritaanka Puntland, waxaana la farayaa dhamaan Masuuliyiinta Hoteelada iyo Goobaha Shirarka inaan lagu qaban karin wax Kulan ah oo aan fasax looga heysan Gobolka, Taliska Booliska iyo degmada”. ayaa lagu yiri qoraalka. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  9. In Hargeisa, the capital of Somaliland, is a monument with a jet fighter bearing Somalia flags. The MiG aircraft is said to have been used to target guerrillas as Somalia President Siad Barre massacred perceived opponents 31 years ago. Now, Muse Bihi Abdi, a retired Somalia military pilot and current President of the breakaway region, is leading efforts to have Somaliland recognised as an independent state. PUSH FOR RECOGNITION This week, Somaliland Foreign Affairs ministry said it would push ahead with efforts for recognition, whether Somalia likes it or not. “Somaliland government agreed to engage with the government of Somalia in the service of broader regional cooperation and mutual understanding but we will not be held hostage by its intransigence,” ministry spokesman Yasin Hagi Mohamed said. We call on the international community to address the issue of Somaliland’s recognition.” Mogadishu has been at loggerheads with countries perceived to be rolling out the red carpet for Somaliland leaders. Last month, Kenya’s Foreign Affairs PS Macharia Kamau was accused of violating the territorial integrity of Somalia when he hosted Mohamed in Nairobi. However, Nairobi did not and has not endorsed Hargeisa’s independence bid and Kamau earlier told the Sunday Nation that Kenya supports “federalism within the larger Somalia”. Yet early this month, President Mohamed Farmaajo of Somalia cut diplomatic ties with Guinea, when Conakry hosted Bihi. Mogadishu said Guinea accorded presidential protocol privileges “to a leader of a separatist movement and violated the unity of the Somali people”. TALKS Just days ago, Farmaajo formed a committee for “reconciliation and dialogue” with Somaliland. It immediately raised a storm. Somaliland said the move was a “disingenuous attempt to paper over the Somalia government’s policy of aggression and punishment directly targeting Somaliland people, simply for seeking to preserve the independence we suffered so hard to achieve”. The team includes chairman and former Foreign Affairs Minister Abdullahi Ismail. Its members are Abdirahman Abdi Hussein, Abdirahman Badiyow, Ali Said Faqi, Ahmed Jama Muse and Ali Ahmed Jangali. Hargeisa says while reconciliation is needed for a country that has suffered the vagaries of civil war, members of the team include Barre allies. To Hargeisa, these are remnants of eyes and legs of a dictator loathed in the breakaway region. Somaliland says it cannot negotiate with “war criminals”. Somaliland’s resident representative in the UK and the Commonwealth Ayan Mahamoud argued that the team includes officials from Somaliland, violating the concept that the talks would be between Somalia and Somaliland. “The talks between Somaliland and Somalia facilitated by Turkey failed two years ago because Somalia included people from Somaliland in the delegation,” she said. “Farmaajo is doing the same. He announced his committee including two from Somaliland. This is paying lip service to international partners.” CHALLENGES Ideally, Mogadishu wants the six federal states to toe its line. But each of the states – Jubbaland, South West, Galmudug, Hirshabelle, Puntland and Somaliland – have a different stand on federalism. Jubbaland and Puntland want complete autonomy within Somalia, while others like Galmudug and Hirshabelle insist on a centralised form. Somaliland is a special case, argued one Somali diplomat, seeking to remain anonymous as he works for the presidency in Mogadishu. It declared independence after the overthrow of Barre in 1991. It is not internationally recognised, but has a functioning government, departments, police, currency and routinely takes part in global forums. Yet its path for recognition could be problematic, said Abdiwab Abdisamad, a commentator on the Horn of Africa. “South Sudan negotiated with Sudan to get independence. Similarly, Eritrea negotiated with Ethiopia after a long war. Somaliland should use the same procedure,” he said. Unfortunately, the African Union has no appetite for new nations. “Independence could follow the path of South Sudan, where tribes – in this case clans – fight out for a stake. Isaaq is the largest clan in Somaliland. Others, including Sool clan, Warsangali, Guthubiirsi and Iyo Issa – collectively make up about 45 per cent of the 3.5 million people,” he said East Africa Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah u naqdiya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay guddiga doorashada ee uu maanta magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa su’aal ka keenay sababta guddiga arimaha gudaha hawshiisa looga weeciyey. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay ka dhigan tahay talloobiyinkii ugu danbeeyey ee lagu nuxur tirayey golaha shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu shaaciyey in marnaba aan laga aqbaleyn madaxda Villa Soomaaliya muddo kororsi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta guddoomiye Mursal ku dhawaaqay guddi KMG ah oo ka kooban 15 xubnood oo ka tirsan golaha shacabka. Guddigan ayaa shaqeyn doono hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka Qaranka. Halkan hoose ka aqriso qoraalka: Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray Guddi Ku- meelgaarka ah ee Diyaarinta Sharciga Doorashooyinka. Qodobka 45aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka wuxuu si cad u qeexayaa shaqada Guddiyada Golaha. Wuxuu cadaynayaa in hindise sharciyeedyada loo gudbiyo Guddiyada Golaha ee u xilsaaran. Sidoo kale ayuu Qodobka 67 ee xeer hoosaadka Goluhu dhigayaa in Guddiga Arrimaha Gudaha uu u xilsaaran yahay dib u eegista hindise sharciyeedka doorashooyinka oo ay soo gudbisay Wasaarada Arrimaha Gudaha Haddaba waxaa is waydiin leh maxaa Guddiga Arrimaha Gudaha Hawshiisa looga weeciyey? Ma waxaa laga cabsaday xubnaha firfircoon ee intooda badan qolada N&N ka aragtida duwan? Haddiise laga weeciyey maxaa xubnaha Gudiga KMG hal dhinac looga raray?. Tani waxay ka dhigan tahay taloobiyinkii ugu danbeeyey ee lagu nuxur tirayey Golaha Shacabka oo horay hawlgab u ahaa. Si walba oo la isugu dayo ama wada kasta oo loo maraba, waxaan marna madaxda Villa Somalia laga aqbalaynin muddo kordhin, mana aha in ay waqti isaga lumiyaan. Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Guddoomiye Sheikh Maxamed Macallin Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu xiray guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso. Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa waxa goor dhoweyd xabsiga dhigay ciidamada amniga magaalada Boosaso sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta ku sugan halkaasi. Xarigga wadaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland. Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa caawo qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dowladda fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. “Guddiga Nabad-galyada ee Gobolka Bari wuxuu ka digayaa Shirarka iyo kulamada siyaasadeysan ee ka dhanka ah jiritaanka Puntland, waxaana la farayaa dhamaan Masuuliyiinta Hoteelada iyo Goobaha Shirarka inaan lagu qaban karin wax Kulan ah oo aan fasax looga heysan Gobolka, Taliska Booliska & Degmada”. ayaa lagu yiri qoraalka. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii guddiga dib-u-dhiska wadada Boosaaso oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.
  12. Kismaayo (SMN) – Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan guud wuxuu ku casuumay dhamaan siyaasiyiinta daneynaysa ka qeybgalka tartanka xilka ugu sareeya maamulkaasi. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka View the full article
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-21072019.mp3 View the full article
  14. Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay qormo ku saabsan xidhiidh u socda dawladda Somaliland iyo dawladda Ruushka, kaas oo uu ka shaqaynayo madaxweynaha dala Guinea Alpha Conde. Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu horraantii bishan la kulmay madaxweynaha Guinea Alpha Conde ay isla soo qaadeen xidhiidh dhexmara Ruushka iyo Somaliland iyo in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka. Wargeysku wuxuu sheegay in madaxweyne Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xidhiidh dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin. Wargeysku wuxuu intaas raaciyay in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dawladda China u qaabilsanaa arimaha Afrika sannadihii 2012-2016 oo uu sheegay inuu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xidhiidh is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qalqaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland. Ruushka oo hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti inuu hadda u muuqdo inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Guinea ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday markii ay aragtay dalal kale oo Midawga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya Somaliland. Madaxweyne Alpha conde ayaa sida wargeysku sheegay wuxuu dawladda itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax bannaanida Somaliland. Wargeysku wuxuu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo u muuqda. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Guinea uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta. The Indian Ocean Newsletter ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka Guinea ka dib markii uu dalka Guinea soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi islamarkaana ay kulmeen Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Alpha Conde Geeska Qaran News
  15. The African Union High-level Implementation Panel (AUHIP) led by former South African President, Thabo Mbeki, arrived in Mogadishu for high-level talks with Somali President, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on pursuing the objectives of regional integration in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xiisada mudooyinkii u dambeeyay ka soo cusboonatay DF Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana si adag u dhaliilay Xukuumada Muuse Biixi. Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Somaliland ku hungoowday taageerada Sacuudiga, isagoona xusay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar aheyd uu ka raacay Sacuudigu. Jamaal ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Soomaaliya iyo Muqdisho laga cabanaayo. Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow: 1. Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin. 2. Ama inaga ayaa itaal daraanay oo aan sidii hore ahayn. Weli heerkan Oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata. Hadaad doorashooyinkii qabsan kari laadahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo. Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa. Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TV-ga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen Oo xulufadda Sucuudiga ayeeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay. Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Riyaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faaiidin oo ku badalan? Maxaynu siisanay? Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibadu way xoog weyneeyd? Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho Oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan. We should stop microphone diplomacy”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Nin halkaas ka soo jeeda ka waran hadduu rabo Riyaal uu Qatar ka soo qaatay inuu u dhiibo dad wax ma garto ah iyo kuwo [...] Source
  18. Jowhar (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo hubeysan dil iyo dhac ay u geysteen dad shacab ah oo saarnaa gaadiid marayay deegaanka Garsaale ee gobalkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in hal qof ay dileen kooxahaasi, sidoo kalena ay baarteen rakaabkii kale ee la socday gaadiidkaasi. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan falkaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi. View the full article
  19. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan bulshada ayaa amaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada si bilicda magaalada sare loogu qaado. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka. Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo loo qabanayo bulshada gobolkaasi. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo hal qodob shardi uga dhigay horumarinta caasimadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa soo duubay muuqaal cusub kadib muddo aan warkiisa la maqal. Muuqaalkan cusub oo soconaya muddo 4:45 daqiiqo ayaa Sheekh Cabdulqaadir waxa uu dib ugu soo cusbooneysiiyey ballantii uu daacadda ugu ahaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Daacish Abuu Bakar Al-Baghdadi. Sheekh Cabdulqaadir oo la rumeysan yahay inuu ku jiro da’da toddobaatameeyada ayaa waxaa muuqaalka kula jira dagaal-yahanno ka tirsan kooxdiida Daacish ee Soomaaliya oo gaaraya illaa iyo 15. Muuqaalka cusub oo aan la ogeyn halka lagu duubay ayaa imanaya ayada oo la rumeysan yahay in xaaladda caafimaad ee Muumin aysan wanaagsaneyn, inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn xanuunka haya. Awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan sii wiiqmeysay ayada oo mintidiintan ay wajaheen dagaallo kaga imanaya kooxda Al-Shabaab, ciidamada Puntland, duqeymaha Mareykanka iyo dhaqaale xumo baahsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com