-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-22072019-hhh.mp3 View the full article
-
Shirka Madasha Wadajir ee hannaanka Qaran Dowladaha hoose oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa Maanta ka fumar Magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Haweenka Dowlad Goboleedyada Dalka iyo federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Guddiyada Qaxootiga iyo barakacayaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Isaaq Maxamed Maxamuud , oo furay shirka madasha wadajir ayaa sheegay in muhiimadda madashani oo Saddexdii Bil mar kulanta ay tahay horumarinta adeegyada Bulshada iyo dhismaha golayaasha degaanka, waxana sidoo Ajendaha ka mid ah xal u helidda arrimaha barakacaayaasha. Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin ka qeyb galka madasha 13-aad hannaanka Qaran ee Dowladaha hoose ee wadajir, isagoo sheegay in ay wadaan dedaallo la xiriira sidii horay loogu socodsiin lahaa dhismaha golayaasha degaanka Degmooyinka Hirshabeelle. Wasiirka dib u heshiisiinta Hirshabeelle Injineer; Cabdikariin Cali Nuur, ayaa sheegay in ay dib u heshiisiintu tahay saldhigga dhismaha golayaasha degaanka iyo xal u helidda caqabadaha ku hor gudban. Wasiirka arrimaha gudaha Koofur Galbeed , Maxamed Abuukar , ayaa isna sheegay in ay wax badan ka qabteen dhismaha golayaasha degaanka , isagoo xusay in ay dhowaan daah-fureen dhismaha golayaasha degaanka Ceel-Barde , isagoo sheegay in ay horay usoo dhiseen galayaasha degaanka ee Xuddur iyo Berdaale, Haweenkuna ay door fiican ka siiyeen. Cabdisamad Garoon (Abdow Garoon) oo horkacaya wafdiga Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland , ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan madashan iyo in ay iska waraystaan wixii uga qabsoomay xaslilinta , xal u helidda arrimaha bara-kacayaasha iyo dhismaha golayaasha degaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay gudiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dar dar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa. Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u muuqda in waqtigiisa ku dhameysanayo buuq siyaasadeed iyo go’aano deg deg ah oo ku dhisan dano gaar ah oo ka fog danta guud. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo sanadkiisii saddexaad gabo gabo maraya ayaa weeraray siyaasiin iyo inta badan maamul gobaleedyada iyadoo ay yartahay shaqooyinka muuqda oo laga qabtay baahiyaha dalka ka jira iyo qodobada ugu waa wayn ee laga filayo dowladiisa in ay dhameyso. Maxamed Cadbullaahi Farmaajo, ayaa weerarkii ugu horreeyay ku qaaday Madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, sanadkii 2017-kii isagoo dagaal adag la galay maamulkiisa. Waxay taageereen in halkaas uu ka soo baxo Madaxweyne taageersan inkastoo ay ku guul dareestayn hadane waxay milkiyeen Maxamed Cabdi Waare oo ay la heshiiyeen. Sidoo kale Farmaajo ayaa dhamaadka sanadkii 2017, ceeb iyo fadeexo wayn kala kulmay dhibistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Dowladda Itoobiya. Caro badan oo ka dhalatay arintaas ayaa sababtay in dib u dhac wayn ku yimaado shaqada dowladda kadib markii ay ku dhageyn Baarlamaanka iyo dadweyne careysan. Isla sanadkii 2017 dhamadkiisa waxay weerar sababay dhimasho iyo dhaawaca ay ku qaadeen Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid. Arinta CC Shakuur oo muddo dheer taagneed ayaa sababtay in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho guul darrooyin siyaasadeed oo aad u culus. Dowladda Farmaajo kama aysan baaqsan weerarada aan la mahdin waxayna sii wadayn weerarkooda aan ku dhisneen danaha qaranka. Farmaajo iyo Kheyre ayaa weeraray Taabid Cabdi Maxamed bilaawgii sanadkii 2018, iyagoo xilka ka qaaday kadib markii ay Ciidamo Koofiyo Gaduud ah qabsadeen Xarunta Dowladda Hoose. Weerarkii ugu adkaa uguna waqtiga dheeraa oo dhulka la galay sharaftii dowladnimada ayaa ku xigay Taabid Cabdi Maxamed, kaas oo lagu qaaday Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Jawaari ayaa la weeraray bishii March ee 2018 iyadoo muddo bil ah ay taagneed doodaas. Weerarka jawaari ayaa gaaray jeer ay Ciidamo hubeysan qabsadaan Xarunta Baarlamaanka kadibna uu Prof Jawaari u tanaasulo Qaranka iyo badbaadada Umadda Soomaaliyeed maadaama ay taagneed xaalad amni oo halis ah. 2018, markale waxay weerar adag ku qaadeen Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Sheekh Aadan markii ay ka soo dhamaadeen Prof Jawaari. Nabad iyo Nolal waxay Koonfur Galbeed geliyeen waqti iyo lacag iyagoo soo qabtay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo ka tirsanaa Musharaxiintii Koonfur Galbeed. Farmaajo ayaa Baydhabo geestay Lafta-gareen oo laga haray dhaqaalihiina laga goostay markii uu ku soo baxay Kursiga Madaxweynaha KGS. 2019, ayaa weerar kale oo aan yareysan waxay ku qaadeyn Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Haysom taas oo caro badna ka dhax-abuurtay Dowladda iyo Beesha Caalamka. 2019, oo meel dhexe maraya wali waa socdaa weerarada iyo go’aanada deg deg ah iyadoo maalmo ka hor laga soo dhamaaday inta badan Arimaha Galmudug hadana ay su’aasha dul taagan tahay Axmed Madoobe oo hogaamiya Jubbaland. Xiriirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa ka jira weerar badan oo sanad walba lugaha la gala xaalado adag oo qatar geliya Soomaaliya. Kaliya weerarada intaan kuma eka, ee waxaa jira qaladaad badan oo ka dhacay Xukuumadda oo ay kamid tahay weerarkii Bariire, dad lagu laayay magaalada Muqdisho waqtiyo kala duwan iyo dhacdooyin kale oo xanuun badnaa oo ay sabab u aheyd Dowladda Soomaaliya. Hadii 3 sano Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhameestay weeraro iyo go’aanno deg deg ah iyo sidoo kale nin jecleysi maxaa lagu qaban karaa hal sano oo hadda dhiman? Waa sh’aasha ay qabaan dad badan oo Soomaaliyeed. Inkastoo shaqooyin badan laga rabo Dowladda Soomaaliya ayaa hadana waxa ugu wayn ee looga fadhiyo waxay tahay dhameestirka Dastuurka iyo qabashada doorasho qof iyo cod iyo sidoo kale in Al-Shabaab dalka laga saaro mana jirto hal qodob oo kamid ah oo ilaa hadda la dhameestiray. W/Q: Dalmar Cabdiqani Muuse Garoowe, Soomaaliya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta Magaaladda Jowhar ka daah-furay barnaamijka qololka Isgaarsiinta ee Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo World Bank uu ka hirgaliyay Xafiisyada Hirshabelle. Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta oo ah mid ka mid ah mashaariicda uu bankiga aduunku ka wado Dalka, ayaa waxa uu kala shaqeeyaa arrimaha Tecnolojiyada Wasaaradaha Boostada iyo isgaarsiinta Dawladda Dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka, waxaana mashruucani uu yahay mid dalka oo dhan laga hirgaliyay. Munaasabadda Daah-furka oo ka dhacday madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Maamulkaasi, Madaxweyne ku-xiggeenka, Guddoomiye ku xiggeenka koowaad ee Baarlamanka, Xubno ka tirsan Labada Golle, Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, xubno ka tirsan labada gole ee Hirshabelle, Maareeyaha Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta iyo Mas’uuliyiin kale. Maareeyaha mashruucani Cabdisalaan Shariif Xuseen oo faah faahin ka bixiyay mashruuca ayaa u mahad-celiyay madaxda Hirshabeelle sida quruxda badan ee ay u soo dhoweeyeen mashruuca islamarkaana kala shaqeeyeen shaqalaaha shaqada qabtay, sidoo kale waxa uu u mahad-celiyay Wasiirka Wasaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Bankiga Aduunka oo kaalin weyn ka qaatay Mashruucaan. Wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda Maamulka Hirshabeelle Mudane C/Weli Sheekh Cali oo mashruucani Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah iyo qalabkooduba la wareegay ayaa ka mahadceliyay fulinta mashruucani, waxaana uu sheegay ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo la xiriira horumarinta isgaariinta iyo ticnoolajiyada islamarkaana ay hadda ku howlanyihiin tayeynta Internetka xafiisyada Dowladda. Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyada mashruudani uu u leeyahay xafiisyada Maamulkaasi oo koobaya howlaha shaqo oo mararka qaar ay noqon jirtay in la isku safro Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey mashruuca iyo faa’iidooyinkiisa waxa uuna uga mahad celiyey madaxda Mashruuca sida wanaagsan ee ay u fuliyeen mashruuca, kadibna waxa uu xariga ka jaray qolalka isgaarsiinta ee laga hirgeliyey Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
At least 17 people have been killed and dozens wounded when a bomb went off outside a hotel near the international airport in Somalia's capital Mogadishu, according to security officials. Source: Hiiraan Online
-
At least 25 people have died in clashes between Ethiopian security forces and activists in southern Ethiopia, hospital officials have told the BBC. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la sheegay in dad shacab ahaa ay ku laayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya. Korneel Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Kenya bishaan gudaheeda ay dileen 52-ruux oo shacab ahaa. Waxa uu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen ganacsato iyo dad shacab ahaa, kuwaasi oo kenyaanka ay ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedeen maamulkooda, iyo dhul balaarsiga ay ka wadaan gobolka. Rufle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Kenya ay qaraxyo dhulka ay galiyeen ay ku qarxiyeen gawaari dad shacab ah ay lahaayeen, kuwaasi oo waxyeelo geystay. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya uu shalay shaaca ka qaaday in Ciidamo Kenyan ah ay dileen dad shacab ahaa oo gaari la socday, kadibna ay gubeen. Tirada dadka ciidanka Kenya ay tacadiga u geysteen waxa ay ahaayeen 8-ruux kuwaas oo ku safrayay meel 10KM u jirta Deegaanka Raaskaambooni. Ciidamada oo socday waxaa kahor tagay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka, iyaga oo rasaas ku furay, kadibna gubay dadkii dhintay. Hoos ka dhageyso Korneyl Aadan Rufle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/DADKA-LAGU-LAYEY-JUBADDA-HOOSE-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa maanta kulankii ugu horeeyay la qaatay gudiga diyaarinta ama sameynta sharciga doorashooyinka Qaranka ee uu dhawaan magacaabay, waxaana uu kala hadlay dar dar gelinta howlaha diyaarinta sharciga doorashooyinka iyo siddii Guddiga Marka hore dhexdiisa hoggaan isaga dhex dooran lahaa. Guddoomiyaha ayaa Guddiga waxa uu faray in muddo ku siman lixdan cisho ,waxaana sharcigaan oo ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya usoo gudbisay golaha uu muhiimad gaar ah u leeyahay doorashooyinka Dalka ka qabsoomi doona Marka la gaaro 2021-ka. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qabiir ka socda Qaramada Midoobay oo qaabilsan dhinaca xuquuqul Insaanka Soomaaliya. Waxa ay ka wada hadleen dar dar gelinta wada shaqeynta xafiiska Qaramada Midoobay ee dhinaca xuquuqul Insaanka iyo golaha shacabka gaar ahaan Guddiga xuquuqul insaanka ee golaha. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-22072019.mp3 View the full article
-
Kenya finance minister Henry Rotich arrested for corruption
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya’s finance minister has surrendered himself to the police after the chief prosecutor ordered his arrest over allegations of corruption. Henry Rotich is accused of flouting procurement procedures in awarding a contract worth over $450m (£405m) for the construction of two dams to the Italian company CMC de Ravenna. In March Mr Rotich denied any wrongdoing in a large newspaper advert. The company has also denied the accusations. Director of public prosecutions Noordin Haji is also investigating how the tender was awarded for $170m more than was in the original contract. “It was established that the conception, procurement and payment process for the dam projects were riddled with massive illegalities,” he said. He has ordered the arrest of more than 20 other people accused of being involved in the contract, including other top officials and the directors of CMC de Ravenna. Earlier this year, local media reported that files from the investigation revealed purchases that didn’t appear to make sense for a dam construction project, including at least $38,000 that had allegedly been spent on bedding. Mr Haji told the BBC’s Ferdinand Omondi that “the contracts that were entered into and the loans that were taken were not in the interests of Kenyans but were serving other interests” and “the country has lost quite a bit of money”. More than $200m has already been spent on the dam projects – yet the dams do not exist yet. Source: BBC NEWS -
Kenya finance minister Henry Rotich arrested for corruption
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya's finance minister has surrendered himself to the police after the chief prosecutor ordered his arrest over allegations of corruption. Source: Hiiraan Online -
In dhowaale waxaa badatay in dawladda Puntland ay ku celceliso diidmada ay kala hor jeedo maamulka federaalka Soomaaliya iyada oo mar walba dhinaca kalena tiraahda waxaan nahay hooyadii federaalka, sidee labadatan hadal isu qabanayaan? Sida lawada ogyahay Soomaaliya waxay qaadatay habka federaalka waxayna yeelatay axdi qarameed ku meel gaar ah sugayana afti dadweyne oo lagu ansixiyo ama lagu diido. Taasna weli lama gaarin, waana hubaal inuu u baahan yahay in isbedel lagu sameeyo si loo waafajiyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Iyada oo axdigaas la raacayo ayaa waxaa la dhisay dawlad federaal oo ka kooban, baarlamaan, madaxweyne, raysal wasaare, golaha fulinta, maxkamad iyo guddoon baarlamaan. Anigu waxaan taageer sanahay habka federaalka guud ahaan waayo ma doonayo in awoodda dalka oo dhan iyo adeegga bulshada uu hal meel ku ururo ama laga hago oo laga maamulo. Balse dhinaca kale waxaan doonayaa dawlad federaal ah oo awood leh qaadatana doorkeeda kaga aadan midaynta, ilaalinta iyo dhawrista dadka iyo dalka Soomaaliya. U madax banaan dhamaan waajibaadkeeda qaran, taas oo la doonayo in aan maamul goboleedyadu ku qabsan arimaha federaalka khuseeya sida arimaha dibadda, ilaalinta xuduudaha dalka-bad iyo beri, maamulka lacagta iyo dakhliga guud, maamulka iyo xukunka ciidamada xooga dalka, suuq geynta iyo soo saaridda khay raadka dabiiciga, ilaalinta nidaamka federaalka iwm. Hadaan eegno xaalka Puntland iyo hab dhaqanka madaxda Puntland waxay u hadlaan mararka qaar kood sidii ay ka madax banaan yihiin federaalka dalka, amaba iyagu xaq u leeyihiin in wax kasta oo federaal khuseeya lagala tashado ama wax laga weydiiyo. Waxaad maqlaysaa dad siyaasiyiin ah oo ku hadlaya hadallo ay ka mid yihiin; Dastuurka Puntland ayaa ka horeeyey kan federaalka, tan macnaheedu waa maxay? ma dastuurka Puntland ayaa ka sareeya kan federaalka, Puntland ma dawlad iskeed u taagan baa, Maxaa laga wadaa marka la leeyahay Puntland dastuurkeeda ayaa horeeyey ama la hor sameeyey. Sax waa horeeyey waana la hor sameeyey balse waa maxay micnaha ku jira taas. Cidna kuu sheegi mayso waxa arinkaa laga wado. Waxaa sidoo kale ayaamahan jirta, in dawladda federaalka lagu eedeeyo inay dhinac martay dastuurka ku meel gaar ah ee federaalka loo dejiyey . Tani iyaduna war cad maaha, maxaa Puntland rabtay in federaalku kala tashato ama federaalka hada jira garab maray oo dastuurka ka dhigay in la jebiyey? Sidoo kale waxaad arkaysaa marar badan in maamul goboleedyaddu ay federaalka arimo khuseeya ka hadlayaan una diidan yihiin in dawladda federaalku hawl wadeen ka noqoto sida doorashooyinka qaranka, qaybsiga khayraadka dabiiciga iyo suuq geyn tiisa, dhisidda ciidanka xooga dalka iwm. Sax in dawlad goboleedyadu ku yeeshaan arimahaas aragtii iyo fikir balse maaha inay hor istaagaan iyada oo aan cadayn sababta diid mada, shacabkana aan laga dhaadhicin sababta loo hor istaagay arimahaas khuseeya dawladda federaalka si gaar ah. Midda kale, dawladda federaalka ee hada jirta waxaa hubaal ah inay hastaan sumcad shacab intay doonto ha leekaatee aadna mooddo inay fahmeen meesha laga taabto shacabka Soomaaliyeed ee muddada badan hamuunta u qabay dawlad Soomaaliyeed oo ka tarjunta dareen kooda guud iyo mid gaar ahba. Layskuma haysto sidoo kale in madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Khayre ay haystaan taageero shacab ayna maanta yihiin siyaasiyiin in badan oo shacabka Soomaalidu rajo u arkaan dalkaan u soo hoyatay. Haddaba Puntland oo ah sida dhabta ah hooyadii federaalka Soomaaliya, waxaan qabaa inay la gudboontahay madaxdeedu inay wada shaqayn dhab ah la yeeshaan dawladda federaalka iyo madaxda federaalka wixii kala aragti duwanaan ahna si hoose loo dhamys tiro iyada oo la adeegsanayo xigmad iyo isfahan aragti dheer ku dhisan iyo badbaado qaran. Middi middi ku taag waxba kuma hagaagan , dawladda federaalka ee aad adigu dhistay ha hor istaagin, shacabkana ha niyad jebin waayo shacabka Puntland waxay u taagan yihiin mar walba midnimadda iyo horumarka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan tan Puntland. Ugu danbayn waxaan ku soo koobayaa inaan masiirka ummadda Soomaaliyeed iyo kan Puntland aan lagu soo koobi karin “labo biyo hoostood iska haraatiday iyaga ayaa is og”. arinku waa dan guud waxayna u baahan tahay daah-furnaan. Qore: Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntland, Soomaaliya. The post Doc weerarka Puntland ee Federaalka Soomaaliya maxaa ka run ah. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb tababar looga furay ciidamo dhawaan la qarameeyay oo ay kamid yihiin ciidamadii daacadda u ahaa maamulkii Ahlu-Sunna ee goballada dhexe oo ahaa garabkii ugu xoogganaa ee heysta hub ay si gaar ah u maamulaan. Ciidamadaan tababarka loo furay ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada Galmudug, si maamulka loo dhisayo loo gaarsiiyo dhammaan deegaannada Galmudug oo dhan. Kooxda Ahlu Sunna ee ciidankooda lagu qaremeeyay heshiis ay dowladda la geleen, waxa ay horay heshiisyo ula galeen dowladihii ay madaxda ka ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee heshiis kasta oo dhaca, waxa ay kasii wada jireen howshooda gaarka ah, mana u fulin jirin sida loo qorsheeyay, mana jirin daba-gal, isla xisaabtan ka dambeeya. Dhuusamareeb oo ah xaruntii ugu wayneed ee Ahlu Sunna saldhigga u aheyd oo 29 maalin ka hor uu ka degay Xasan Cali Khayre, hadda waxaa ka howl gala oo ammaankeeda si buuxda u suga ciidamada dowladda, waxaana gacantooda laga saaray ciidamadii daacadda u ahaa wadaadada hoggaamiya Ahlu Sunna. Magaalada Dhuusamareeb hadda waxaa taalla gogosha dib-u-heshiineed oo Galmudug leesugu keenayo, waxaana xiga doorasho lagu qaban doono oo lagu soo dooranayo baarlamaan iyo madaxweyne bedela maamulka waqtigiisu dhammaaday July 04, 2019. Marka la isku geeyo dhammaan dhacdooyinkaan silsiladda ah waxay maanta si rasmi ah usoo geba gebeeyeen ciidamadii Ahlu-Sunna oo noqday ciidamo qaran. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Tababaraha xulka qaranka dalkeena Soomaaliya Bashir Hayford ayaa soo saaray liiska xidigaha la ciyaaridoono xulka Jabuuti ciyaarta saaxiibtinimo ee ka dhacaysa garoonka Jabuuti caawa hal saac. Gool Haye-Mustafa Maxamed Yuusuf (Heegan) Daafacyada-Nuur Ibraahim Cai (Elman),Cabdiwali cabdiraxmaan Maxamed (Dekedda),Ayman Maxamed Xuseen (Midnimo),Siid Cali Maxamed (Baana)-(Dekedda) Qadka Dhexe-Ibraahim Cabdi Maxamed (Horseed),Cumar Xaaji Baanow (Heegan),Feysal Axmed Xasan (Muqdisho City Club) Weerarka-Farxaan Maxamed Axmed (Horseed),Cabdicasiis Maxamed Catoosh (Dekedda),Mahad Maxamed Cabdi (Shiine) (Jeenyo). Korsiga Keydka Ciise Cabdiqaadir Ibraahim (Muqdisho City),Cali Cadde Xasan (Horseed),Daa’uud Cabdullahi Tubaal (Dekedda),Noor Cali Xasan (Horseed),Xasan Maxamed Ibraahim (Dekedda),Mahad Xuseen Basey (Heegan),Feysal Xasan (Dekedda),Maxamuud Cabdi Nuur (Horseed),Cabdimajiid Cusmaan (Dekedda) Halka Ka Daawo Warbixin ku saabsan ciyaarta saaxiibtinimo ee Somalia VS Jabuuti W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Iran says it arrested 17 CIA spies, sentenced some to death
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Iran captured 17 spies working for the US intelligence agency, the CIA, and some have been sentenced to death, an Iranian official said on Monday, a claim Washington denied. Source: Hiiraan Online -
“Danta Guud Wadajirbay Dayac Kaga Fogaataa” Faallo Daaha ka qaadaysa Xaalada Gobolka Togdheer Iyo Duruufaha Nololeed Ee Ka Jira. “Qalinkii Aqoon yahan Aadan Siciid Nuur (Goray)” Markasta oo ay maskaxdaada ka soo maaxato inaad ummadda wax la wadaagto ama aad samaynayso qoraal sababta ka danbaysa inta badan waxay tahay inaad ka falcelinayso dareen ama arrin aad aragtay oo damqay damiirkaaga. Aniguna waxaan qalinka u qaatay inaan ka hadlo xaalad taabatay qalbigayga oo ii muuqatay bulsho dayac iyo duruufo nololeed la deris ah. Dunida dadyawga kala duwan ee ku nooli waxay la tacaalayaan nolosha iyo taaba galka dhinacyadeeda kala duwan ee saamaynta ku leh bulshada meel wada dagan, hadaba tani waxay ku tusaysaa bulsho ku dhex jirta dayr xidhan aan lahayn il kaliya oo horumar ka soo galo hadana dana badan u fulinaysa ninkii midada daabkeeda hayey oo aan daryeelkeeda marnaba dubaaqiisa gelin. Burco waa xudunta iyo hooyada somaliland ee saldhiga u ahayd halgamadii iyo dib u dhiskii dalka ee duruufaha adag loo soo maray ,cidkastaa way ka dharagsan tahay taariikhda iyo doorka dadka reer burco iyo deegaanka togdheerba ku lahaa in qaranku taaba galo. Image result for Warbixin abaaraha gobolka togdheer Inkasta oo duruufaha iyo xiliyada adagi saameeyeen bulsho badan oo ku nool somaliland hadana gobolka togdheer waxa uu ka mid ahaa meelihii ay abaarihii muddada dheeraa iyo dagaaladii sokeeye saamaynta iyo raadka xoogan ku reebeen waxaana ay dadka togdheer ahaayeen kuwo ku tiirsan dhaqshada xoolaha nool iyo dheefsigooda una badan reer guuraa. Waxa sanadihii adkaa Togdheer ka dhaxlay dhaqaalo xumo iyo horumar la’aan mana jirto wax horumar ah oo ay dawladihii kala duwanaa ee somaliland soo maray ka geysteen ama ka fuliyeen gobolkaasi, dadkiisuna kama tashan aayahooda iyo danahooda lagama maar-maanka ah ee waxay kaga mashquuleen waxaan deeqaynin noloshooda oo dib-u dhac weyn ku keeni kara. Somaliland madaxweynayaashii soo maray waxay u badnaayeen reer burco weliba waxaa intooda badan dhisay oo taageeray reer togdheer hadana mid qudha kamay helin sadkoodii sadbursiimo haba joogtee.Image result for Biriishyada burco oo dumaya Maxaan Dogob beer is idhi Daruuro u soo sasabay Biyuhu uga sii dareen Abwan Hadrwaai. Dulucdaydu waxay tahay bilhii la soo dhaafay waxa wadanka ka da’ay roobab waaweyn oo lahaa daadad iyo fatahaado wax yeelo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah magaalooyinka somaliland burco waxay ahayd meelihii ay saamaynta xoogan ku yeesheen raxmaadka EEBE . Waxaana dhaawac soo gaadhay goobihii isku xidhaayey isu socodka bulshada dadka iyo gaadiidkaba iyadoo ilaa hadda ay xidhan yihiin biriishyo waaweyn taasi oo saamaysay dadka isaga gudbaya magalada iyo gaadiidkaba halka kuwo kale ay dayacayihiin oo bulshada ay ka soo gaadhaan halis iyo hagardaamooyin kale. Image result for Biriishyada burco oo dumaya Bulshada cidbaa ka masuula cidbaana waajib ka saaran yahay danta guud ee ummadda ,Hadaba xukuumadda somaliland waxay gabtay doorkii ay ku lahayd dayactirka biriishyada burco iyo sidoo kale duqyda iyo danyartii daadadku la tageen ee la daala dhacayey culayska nololeed ee saaran. Waxaa sido kale jira bur-bur lixaad leh oo soo gaadhay guryihii iyo hantidii gaarka lahayd marka laga tago danta guud ee ka dhaxaysa ummada , waxaas oo dhan oo jira hadana ma jiro wax qorshe ah oo ay ka leedahay dawlad hoose ama dawlad dhexe ee dadku wuxuu ku go’doonsan yahay dariiq labada dhinac ka xidhan. Reer Burcana waxaan leeyahay inta badan waxaad isku raacdaan waxyaabo aan u wanaagsanayn dantiina oo kala dila midnimadiina balse waxaa idinla gudboon inaad u heshiisaan danta guud ee idinka dhaxaysa oo aad dareenkiina ka muujisaan caqabadaha kuwa jahan horumarka gobolkiina. Inkastaan Dadkuba , Ka sinayn duruufaha, Danta Guud hadana , Dayacii ku yimi , Wuu Wada Damqaa, Dareen ku haduu mid yahay. Togdheer wuxuu u baahan yahay talo iyo taageero dhaqaale oo lagu toosiyo tabaalada tiirarka bulsho ee liicay mudooyinka tirada badan. Arrin iyo adduunba way ka arradan tahay burcadii aad taqaanay ee hogaanka u ahayd magaalooyinka kale. Ciyaaro iyo cudud dhalinyaro way ka cakirin tahay burcadii caanka ku ahayd curadadii guulaystay. Way badan yihiin duruufaha iyo dayaca bulsho ee ka magaalada burco hadana waxaa jira geesiyaal lugaha dhulka ku xejiyey oo qayb ka qaatay dhismaha iyo bilicda guud ee magaalada oo ay ugu horeeyaan ganacsatada dhisay dhismayaasha iyo ganacsiyada gaarka ah ee kooban ee weli sii jira balse waxa hadh iyo dabool ku ah bulshada taagta daran ee dantii guud iyo tii gaarka ahaydba ka liidata. Image result for Burco Ugu danbayntii waxaan ku soo ururinayaa qormadaydan in reer burco ay fadhiga ka kacaan oo ay xisaab tamaan geed dheer iyo mid gaabana u fuulaan xaquuqda iyo xaqooda la hagraday ee xero kale ku jira una istaagaan wada jirka iyo wax wada qabsiga dhexdooda intaanay cid kale wax ka sugin. Waxaan sido kale masuuliyiinta iyo xildhibaanada kala duwan ee golayaasha dalka ee xilku ka saaran yahay burco u soo jeedinayaa inay dareemaan xaaladda dadkooda dibna ugu celiyaan daryeel iyo dedaal ay u galaan af iyo addinba. Anigoo geba-gebadana baaq u diraya qurba joogta gobolka togdheer ee dunida kale ku kala nool oo aan leeyahay Inay gurmad deg deg ah u fidiyaan gobolkooda kana soo qayb galaan siyaasad ahaan ,horumar ahaan iyo baraarujinta wacyigelinta dadkooda. Waa Qalinkii Iyo Aragtidii Aadan Siciid Nuur (Goray). Qaran News
-
Dood Cilmiyeed lagu magacaabo “BaadiGoob” oo ku saabsan diraasaysan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, uuna soo qaban-qaabiyay Mac’hadka Diraasadda Siyaasadda ee Heritage institute, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dood Cilmiyeedka waxaa ka qeyb-galay, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Xarunta Cilmi-baarista Puntland ee PDRC, Cilmi-baarayaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kale duwan. Intii ay socotay dood cilmiyeedku, ayaa ka qeyb-galayaashu ka doodeen hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021 sidii looga bixi lahaa nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 iyo sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyadoo halkaasi su’aalo lagu weydiiyay ay kaga jawaabeen cilmi-baarayaasha Mac’hadka Heritage. Madaxa Mac’hadka Diraasadda Siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka warbixiyay dood cilmiyeedka ay Garoowe ku qabteen, ayaa sheegay in dood cilmiyeedkan ay qeyb-ka tahay diraasad ay wadeen mudda hal sano ah oo nuxurkeedu yahay, soo bandhigista fursadaha iyo caqabadaha horyaalla doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021. Guddoomiyaha Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) oo isnka kulanka ka hadlay, ayaa soo dhoweeyay dood cilmiyeedkan uu soo agaasimay Mac’hadka Diraasadda Siyaasadda ee Heritage oo uu sheegay in ay aad muhiim ugu tahay geeddi-socodka hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Puntland, Ismaaciil Maxamed warsame iyo siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo doorashooyinka nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 oo ay ku tilmaameen mid eex iyo musuq maasuq ku dhisan. Halkaan ka daawo Barnaamijka oo dhammaystiran iyo sawirada PUNTLAND POST The post Mac’hadka Heritage oo Garoowe ku qabtay dood-cilmiyeed ku saabsan hannaanka doorashooyinka ee Soomaaliya 2020/2021 appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo maanta sacaddu markey aheyd abaaro 10:40am barqanimo ka dhacay Bar koontorool oo ciidamada amaanku ay ku leeyihiin agagaarka Isgoyska KM4 gaar ahaan waddada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan-Cadde. Ruuxa waday gaariga qarxay oo la sheegay in uu ahaay TOYOTA NOAH ayaa ciidamada amaanka ee ku sugnaay Barta koontorool waxa uu isku dayey in uu xoog ku dhaafo, balse ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay u diideen waxeyna dad goobjoog ahaay sheegeen in ciidamadu ka shakiyeen inta uusan is qarxin ruuxii waday gaariga. Qaraxaas waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyootay, halka dhaawacuna uu istaas kor u dhaafayo. Maamulka Isbitaal Madiina ayaa sheegay in la gaarsiiyey meydadka 17 qof iyo dhaawacyo intaasi ka badan, sidoo kale waxaa jira Isbitaalo kale oo la gaarsiiyey dadkii qaraxaas ku waxyeeloobay, waxaana wali la ogeyn tirada rasmiga ah ee dadka dhimasha iyo dhaawacu uu kasoo gaaray qaraxaas. Dab ka dhashay qaraxaas ayaa sidoo kale ka kacay kaalin shidaal oo ku yaalla afaafka hore ee Hotel Afriik, waxaana waxaana u gurmaday gaadiidka Dab damiska waxaana lagu guuleystay daqiiqado kaddib daminta dabkaas. Dadka uu khasaaruhu kasoo gaaray qaraxaas ee ka ag dhawaay goobta ayaa u badnaay dhalinyaro ku xamaala jirtay Mooto labo lugooleyda (FEKON) oo dadka ku geyn jiray garoonka diyaaradaha, Askartii celisay gaariga iyo dad doonayey in ay ka dhoofaan garoonka Aadan-Cadde oo la sheegay in ay u badnaayeen Xujey doonayey in ay soo gutaan acmaasha Xajka. Lamaha amaanka dowladda Soomaaliya wali kama war bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas. Taliye ku-xigeen labaad ee Booliiska Soomaaliya Gen. Zakiya Xuseen ayaa barta ay ku leedahay baraha Bulshada waxa ay ku tiri, “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortagay baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Allah u naxariisto intii dhimatay inta dhawaacantay cafimaad dag dag ah inshallah”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Qaran Ku Dhex Lumay Talaxumada Biixi Iyo Cadaawadda Farmaajo Waa hubaal in saluug badani ka jiro qaabka hogaamineed ee madaxweynaha haatan talada Somaliland haya. Marka si loo fiiriyo, waa madaxweynihii codkii ugu badnaa ku soo baxay taariikhda hab doorasheedka hal qof iyo hal cod ee Somaliland. Iyada oo intabadan arrintanina ka dhalatay baahida ay bulshadu u qabtay isbedel gun iyo baar ah oo dhaca iyo waliba iyada oo inbadan oo bulshada ka mid ahi isutusisay in isbedelkaasi uu rumayn karo madaxweeynuhu (musharaxii wakhtigaas). Haddaba labo sano oo uu xilka hayay madaxweyne Muse Biixi Cabdi waxa muuqata in rajadii isbedelka iyo rumayntii doonitaanka bulshaduba ay noqdeen bar kuma taal aanu ku guul daraystay in uu wax la taaban karo ku qabto kalsoonidii iyo codkii badnaa ee bulshadu cumaamadda ku saartay (social capital). Waxa dadbadani u arkaa madaxweyne Arxan Daran, Aarsi Badan, Aan Dad Isku Wad Lahayn, islamarkaana aan lahayn aragti iyo istaraatiyad hogaamineed oo gudeed iyo mid dibadeed toonna, intii uu talada dalka qabtayna noloshii dadka iyo wada jirkoodiiba hoos u dhac baaxad lihi ku yimi. Quus baahsan oo aan hore mid la mid ah loo arag ayaa ka jirta dadka dhexdooda; waxase u baahan daraasadda ayaa ah in quustaas iyo aragtiyahaa taban ee laga qabo madaxweynuhu yihiin qaar ku salaysan xaqiiqooyin farta la saari karo iyo in ay yihiin uun male (perception) iyo masabbid. Si kasta oo ay wax yihiin, waxa hubaal ah in madaxweynaha haatan talada hayaa uu horjooge u yahay “guri” aad u qaybsan arrintaasina waa mid halis badan, mustaqbalka Somalilandna mugdi badan galisay. Waliba marka la fiiriyo culaysyada ka soo kordhaya dhanka Soomaliya. Iyada oo aanay madaxweynaha iyo xukuumaddiisana ka muuqan fahamkii, kartidii iyo istiraatijiyaddii ay ku waajihi lahaayeen dawladda Soomaliya oo haatan si farshaxamo leh uga faa’iidaysanaysa sharciyaddeeda (aqoonsiga), dalalka badan ee la aragtida ah ee dunida, kuraasta hay’adihii caalamiga ahaa ee dunida oo ay ku buuxisay magacii Soomaaliya, iwm. Haddiiba laguba sheegi karo “istiraatijiyad”, tallaabada kaliya ee dawladdani qaaday ayaa ah ta ciidan ee dhanka bariga (Tukaraq), taana waxa cad in lagu guul daraystay in loo rogo guul siyaasi ah iyada oo ay weli degaamada Sool iyo Sanaag ku calaamadsanyihiin dhul la isku haysto (tixraac hadalka wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo kuwa kale oo badan). Si kastaba ha ahaatee, arimaha aniga oo soo koobaya waxaan ukala qaadayaa kuwo gudaha khuseeya iyo kuwo dibadda ah. Dhinaca gudaha, Madaxweyne Muse waxa uu ku mashquulay ka aargoosiga dadka siyaasadiisa dhaliila iyo ku tumashada sharciga, lamuranka asxaabta siyaasiga ah iyo ka falcelinta dhaliilahooda halkii uu kaga mashquuli lahaa kamidho dhalinta masuuliyadihii loo igmaday. Waxa astaan u noqotay is adkayn aan jixinjix lahayn. Dhanka kale, Waxa uu cidhiidhi badan oo dhaqaale saaray dadka danyarta ah oo ah inta badan bulshada iyada oo la meel mariyay cashuuro badan (biyaha, korontada, maceeshada iwm) – kaas oo aan loo meel dayin isla markaana aanay garab socon horumar dhanka nolosha iyo adeegyada bulshada ahi. Haddaba horumar la’aantaa, siyaasadahaa bulsho ee arxan darrada ah iyo muranada aan dhammaadka lahayn ee uu kula macaamilo axsaabta mucaaridka ahi waxay meesha kasaareen rajadii iyo isku xidhnaantii bulshada oo ahayd xoogga ugu weeyn ee riixijiray kamidhodhalinta gooni isutaagga. Arrimahaas iyo qaar kale oo badan oo isbiirsaday waxa ay sawir taban kabixinayaan islamarkaana mugdi weeyn geliyeen ku iimaanqabkii qadiyadda, sii waaritaanka hanaankii dimuqraadiyada iyo nabaddii looga bartay Soomaaliland – kuwaas oo ahaa arrimihii kabayay dooddeenna arrimaha dibadda iyo lagarnaqsigeenii bulshada caalamka. Siyaasadda arrimaha dibadda marka la fiiriyo, waxa mugdi badani ku jiraa cidaha ay Somaliland saaxiibka yihin, waaba hadii ay saaxiibo leedahaye, iyo waxa ay saaxiibka ku yihiin intaba. Waxa war dhiilo leh ahaa hadal wasiirkii hore ee madaxtooyada (Xirsi X. Ali), oo sirri daari ahaa, uu ka yidhi dood uu kaga qayb galay magaalada Hargeisa kaas oo ahaa in aanay Somaliland hal saaxiib ah dunida ku lahayn?! Ma xataa Ethiopia, UAE, UK, madaxweynayaashii badnaa ee lala kulmay, dalalkii badnaa ee Africa ee inta badan layskaga daba noqonayay qaar ka mid ahna baarlamaanadoodu inoo imanayeen….?! Safaradii kulmiye odhan jiray waxa nalagusoo dhaweeyey “meeqaam-sare” maxay daarannaayeen? Kuwan hadduse maxay uga dawanyihiin kuwaa hore? Marka Cilaaqaadka duwaliga ah la eegayo waxa jira mabda’ odhanaya “Dhulka ayaa go’aanka leh” (Geography rules). Marka ay sidaa tahay, waxa hubaal ah in ay Somaliland ka faa’iidaysan kariwayday laba fursadood oo aad u waawayn oo ay haysatay muddo badan. Waa dhul (geography) muhiim u ah dunida, iyo; Soomaaliya oo dawlad la’aan ahayd muddo badan wax culays ah oo badanna aan ku hayn. Haddaba, muddo aad u dheer kadib in aayaha Somaliland gacanta loo galiyay dawlad (DF) ka talisa wax 5km ka yar oo la yidhi wadahal kala gala mustaqbalkiina ayaa tilmaan u ah sida Somaliland ugu guul daraysatay in ay dunida ka iibiso waxa madaxbannaanideedu soo kordhin karto, ama ka sii mid ahaanshaheeda Soomaliya dunidu ku waayi karto?! Waxa hubaal ah in aanay UAE dano istiraatiiji ah ka lahayn Somaliland, marka lagu daro in UAE ay tahay dal aan miisaan siyaasi ah mid dhaqaale iyo tu ciidan oo lagu tixgaliyo toona dunida ku lahayn. Ethiopiana danaha amni ee ay ka leedahay ay si yaalo kale u maamulan karto, haddana aanay jeclayn in Soomaalidu dhinac` u kala dhacdo?! Marka ay sidaa tahay, waxa xaqiiqo ah in mustaqbalka Somaliland solo adag sii galay sababahan sadexda ah ee soo socda awgood: Dunida oo aan Ilaa Maanta Ku Qancin Waxa ay Soo Kordhin Karto Madaxbannaadida Somaliland Madaxbannaanida Somaliland waa qadiyad taageero sharci, taariikheed iyo doonis umadeedba ku taagan; waxase ayaan darro ah in lagu guul darraystay in lagu qanciyo caasimadaha dunida looga taliyo (London, Brussels, Washington, Moscow, Beijing IWM). Xataa Addis Ababa iyo Nairobi oo caasimado heer gobol ahi kuma qancin arintaas ilaa maanta. Umana arkaan soo hadal qaadka soomaliland wax ka badan wax ay gacanta ku maroojiyaan soomaliya marka ay dan kaga dhamaysanayaan. Waxanay inta badan mushkiladdu salka ku haysay qaabka suuq gayneed, aqoonta cidii iibgaynaysay iyo sidii loo iibinayay oo qaldanayd. Waana tan ta keentay markii madaxdii dunidu ku qanci kari wayday in ay qaddiyaddii Somaliland isagasoo riixan dhanka qaaradda Afrika oo aanu xalka arrintu oolin! Marka la fiiriyo madaxbanaanida South Sudan iyo Eritrea, oo si qaldan mararka qaar dad u barbardhigaan ta Somaliland, waxa hubaal ah in ay ahaayeen go’aanno lagu soo qaatay caasimadaha dunida looga taliyo, kaliya Afrikana loo keenay si ay u shaambadeeyaan. Arrinta Somaliland se dunida taageeradaa kuma haysato ilaa maanta cido dano istiraatiiji ah kaleh oo xoog ku waddaana ma jiraan! Dabaysha isu Imaatinka (integration) Africa oo aad u Xoog Badan Xiligan. Waxa xilligan aad uga socda guud ahaan qaaradda Afrika dabaylo is dhex gal (isu imaatin) dhaqaale oo kan ugu dambeeyey uu ahaa heshiiska dhawaan dalalkii u dambeeyey saxeexeen ee “Heshiiska Ganacsiga xorta ee Afrika” (Africa Continental Free trade area agreement). Marka hoos loo sii daadagana, waxa gaar gaar uga sii dhex socda gobolada qaaraddu ka koobantahay iyana heshiis hoosaadyo dhaqaale iyo qaar isu socod oo marka ugu dambaysa laga damacsanyahay in loo bedalo midow siyaasadeed. Waa run in ay wakhti qaadan doonto ka midho dhalinta arrimahani, hase ahaatee marka lagu daro in dalalka qaaraddu ka koobantahay marka horeba u arkayeen in aqoonsi Somaliland heshaa uu horseedi karo furfuranka dalal badan, waxa hubaal ah in isu hilawgan horta leh ee qaaradda ka dhex abuurmay uu caqabad soo korodhay ku noqonayo arrinta kala go’idda Soomaaliya. Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajana waa aragti ay si fudud ugaga faa’iidaysan karayso dalalka Afrikaanka. Soomaaliya oo Si Xawli ah Dib Ugu Soo Noqonaysa Saaxadda Dunida Waxa samaysmay “dawlad” cudud ahaaan iyo dhaqaale ahaanba xawli ku koraysa; dhiirran, leh saaxiibo u daacad ah oo hiil iyo hooba garab taagan; isla markaana garanaysa waxa muhiimka ah iyo halka ay u marayso. Tusaale ahaan, iyada oo ka faa’iidaysanaysa aqoonsiga sharci ee ay haysato, Soomaaliya waxa ay buuxisay inta badan kuraastii iyo xafiisyadii muhiimka ahaa ee Soomaaliya ku lahayd dunida. Waxa ay arrintan ka hormarisay in ay gacanta kuwada qabato dalkeeda oo dhan. Waana arrin culaysyada ay durtaba keentay u caddahay cidda u dhug leh iyo guud ahaan dadka— Socdaalkii Madaxweyne Muse ee Gini bay culays badan saareen oo ay jawaab adag kabixiyeen, markabkii xoolaha siday ayay Sucuudiga kaga dabatageen. Waxa intaa aad uga badan culaysyada aan loo soo bandhigin dadka ee jira. Bal qabsoo dawladda waxaa samaynaysaa waxa ay si buuxda uga talisaa dhul aan kabadnayn 5km?! Marka dhanka Somaliland laga eego, jawaabta hoggaanka dalku u ahayaa arrimahaa waa microfone laga dhawaaqo, bari baa nala laayay, caruur baa scholarship loo diiday, budh lulid iyo xal ciidan oo aan luga adag ku taagnayn? Waxa runtii cidda talada haysa ka maqan ayaa ah in aan Soomaaliya u baahnayn faro galin ciidan oo toos ah si ay u burburiso Somaliland. Iyada oo aqoonta dadkeeda, aqoonsigeeda caalamiga ah iyo saaxiibadeed ka kaalmaysanaysa dhanka kalena quusta iyo kala daadsanaanta bulshada iyo dawladda Somaliland ka dhex jirta xilligan kuxisaabtamaysa waxa ay Soomaaliya adeegsan kartaa istiiraatijayadahan soo socda oo aan iyada kharash iyo halis badan ugu kacayn Somaliland na dhabarka ka jebin kara: Tallaalbooyinka Soomaaliya (FG) Qaadi karto Culayska Tallaabadu ku keeni karto Somaliland(SL) Heerka Faa’iida ugu jirta FG Kharashka iyo Halista kaga soo noqon karta FG 1 Cunaqabatayn dheeri ah oo dhanka ganacsiga iyo maaliyadda ah Aad u sareeya Aad u sareeya Mid aad u hooseeya 2 Dhiirigalin/culaysyo dheeri ah oo loogu sameeyo/saaro, ganacsiyada aqoonyahanka iyo dadka magaca leh ee Somaliland in ay u guuraan Soomaaliya Aad u sareeya Aad u sareeya Mid aad u hoosaysa 3 Xaalad dagaal oo joogto ah oo ay ka abuurto xuduudaha Bariga iyada oo Hub iyo dhaqaaleba ku taageeraysa Puntland Aad u sareeya Aad u sareeya Dhexdhexaad 4 Taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo hub la siiyo dadka diidan ama ay suuragaltahay in ay diidaan Somaliland iyada oo xoogga la saarayo degaamada qaar Aad u sareeya Aad u sareeya Dhex dhexaad 5 In la qoomo kalsoonida dadku ku qabo Somaliland iyada oo la abuurayo Propogando macnawiyaadka dadka lagu dilayo iyada oo xoogga la saariyo horumar la aan dhanka garsoorka, wax wada lahaanshaha, adeegyada bulshada iyo guud ahaan dawladnimo xumida ragaadisay Somaliland iyada oo loo dhigayo in Somaliland ay iminka gaar u jirtay muddo leeg intii ay Soomaaliya midawga kula jirtay hase ahaatee aanay wali samayn wax wixii jiray ka roon. Aad u sareeya Aad sareeya Aad u hoosaysa 6 In si rasmi ah dawladda Federaalku ugu dhawaaqdo iyo ay ka hadhay firkirkii Soomaliweyn (3dii maqnaa) iyo in ay dib u eegto xidhiidhkii UAE Aad u sareeya Faiido dhex dhexaad ah Mid saraysa 7 In la dhaawaco sumcadda Soomaaland ee dibadda Dhexdhexaad Aad u sareeya Aad u hoosaysa Gebogabadii, waxa hubaal ah in Somaliland gashay marxalad cusub oo xasaasi ah. Marxalad kala qaybsanaan badan oo gudaha ah iyo culaysyo dibadeed isu kaashanayaan. Wax ka dhex jira Somaliland dhammaan cabashooyinkii iyo dhibaatooyinkii ka dhex jiray Somaliya burburkii ka hor. Waxa jira horumar la’aan, tabashooyin la xidhiidha wax wadalahaanshaha iyo sinnaanta, caddaaladda, musuq iyo qaraabo kiil baahsan oo ragaadiyay dawladnimii iwm. Haddii aan arrimahaa daawo loo helin, waxa hubanti ah in aanay dadka iyo dalka toona isu sii hayn doonin waxyaalo murugo leh oo dhacay taariikho hore (xasuuq, iwm). Waxa dad badani ku doodayaa in aanay weli Somaliland dhisin wax ka wanaagsan wixii Soomaliyadii burburtay, dimuqraadiyadda iyo nabadda Somalilandna aanay lugo adag ku taagnayn. Cadaymo badan oo dooddaa xoojinaya ayaa muuqda. Marka la soo uruuriyo, marka la fiiriyo sida hogaanka talada hayaa wax u wado; dad badan ayaa is weydiinaya Somaliland ma ka badbaadi doontaa Muuse Biixi? Waana arrin aad oga fogo wixii dadku ka amainsanayaeen laba sanno ka hor! Abdinasir Ibrahim Saacadaale waa bare Jaamacadeed iyo cilmi baadhe ka tirsan mac-hadka HIPPSOR. Tel. 4017979. Email: Saaco6@hotmail.com, Abdinasir.ibrahim@hippsor.org Qaran News
-
Somali armed forces captured three suspected Al-Shabaab members during a military operation carried out in the country’s southern Lower Jubba region on Monday. Speaking to the state-run media, the commander of SNA’s 11 brigade, Mohamed Hassan Badal said the suspects have been trying sneak into Kismayo by traveling on a bus. A tip-off has led to the arrest of the three alleged militants who have been handed over to the security agencies in Kismayo town, he said. This came more than a week after Al-Shabaab attack at a hotel in Kismayo, a coastal city which serves as interim Jubaland state that left 26 people dead, including an American citizen. View the full article
-
Popular Contributors
