Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,511
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay qormo ku saabsan xidhiidh u socda dawladda Somaliland iyo dawladda Ruushka, kaas oo uu ka shaqaynayo madaxweynaha dala Guinea Alpha Conde. Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu horraantii bishan la kulmay madaxweynaha Guinea Alpha Conde ay isla soo qaadeen xidhiidh dhexmara Ruushka iyo Somaliland iyo in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka. Wargeysku wuxuu sheegay in madaxweyne Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xidhiidh dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin. Wargeysku wuxuu intaas raaciyay in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dawladda China u qaabilsanaa arimaha Afrika sannadihii 2012-2016 oo uu sheegay inuu hadda yahay la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xidhiidh is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qalqaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland. Ruushka oo hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti inuu hadda u muuqdo inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac. Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Guinea ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday markii ay aragtay dalal kale oo Midawga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya Somaliland. Madaxweyne Alpha conde ayaa sida wargeysku sheegay wuxuu dawladda itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax bannaanida Somaliland. Wargeysku wuxuu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo u muuqda. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Guinea uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta. The Indian Ocean Newsletter ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka Guinea ka dib markii uu dalka Guinea soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi islamarkaana ay kulmeen Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Alpha Conde Geeska Qaran News
  2. The African Union High-level Implementation Panel (AUHIP) led by former South African President, Thabo Mbeki, arrived in Mogadishu for high-level talks with Somali President, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on pursuing the objectives of regional integration in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay xiisada mudooyinkii u dambeeyay ka soo cusboonatay DF Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana si adag u dhaliilay Xukuumada Muuse Biixi. Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in Somaliland ku hungoowday taageerada Sacuudiga, isagoona xusay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar aheyd uu ka raacay Sacuudigu. Jamaal ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal dheer oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Weli waxaan garan laayahay cabashadda faraha badan ee Soomaaliya iyo Muqdisho laga cabanaayo. Laba mid uun weeyaan Reer Soomalilandoow: 1. Dawladda Muqdisho ee Somalia ayaa xoogaysatay ee yaan mar danbe waa dawlad taag daran lagu tilmaamin. 2. Ama inaga ayaa itaal daraanay oo aan sidii hore ahayn. Weli heerkan Oo kale Somaliland lalama soo gaadhin. Siyaasadda arrimaha gudahu kolkay fiican tahay ayaa ay siyaasadda arrimaha dibaduna fiicnaata. Hadaad doorashooyinkii qabsan kari laadahay Oo kolba dib u dhigayso, Oo cadaaladii iyo sharcigii shaqayn laayahay, Oo qalalaaso iyo dagaalo dhexdaada ka jiraan, oo cabashooyin tiro beelay ay Saami qaybsiga kuraasta dawladda iyo dhaqaalaha mashaariicda iyo Warshadaha aan hab maamuskeedii loo marin, Ma waxay Kula tahay in caalamku ku dhegaysanayo. Kolba xaflad aynu inagu isu dhigno iyo cay dadka Reer koonfureed ay qaar u geystaan meel inama gaadhsiinayso. Habka diblomaasiyadeed iyo kan gude ahaanba ilaa aynu badelno sidaasay inoo ahaanaysa. Sownigii moodaayey mid ka mid ah wasiiradii Siilaanyo inuu TV-ga ka hor yidhi ” inagu dhinac baynu nahay dagaalka Yemen Oo xulufadda Sucuudiga ayeeynu ka tirsan nahay” maxaa dhacay in dawladdii Soomaaliya ee dhinaca xulufada Qatar ahayd lay nooga raacay oo aynu maanta uga cabanaa xoolo ayaa laynaga soo xidhay. Waar sawtii ilaa dawladdii Daahir Riyaale xoolahu ay dhoofi jireen. Xisaabaha dhaqaale haba joogaane; Saldhigii Milateriga iyo dakadda dhan ee aynu bixinay miyeeynu wuxuun siyaasad ahaan ka faaiidin oo ku badalan? Maxaynu siisanay? Berigii aynaan bixin labaddan midna waxaan is leeyahay siyaasadeenii arrimaha dibadu way xoog weyneeyd? Caadifad iyo Farmaajo ayaa wax inaga soo xidhay ina wadi maysee, waxaynu u baahan nahay in talo la yeesho Oo wax layska dhegaysto, oo runtana laga midoobo. Xaflado iyo qudbado inama wadayaan. We should stop microphone diplomacy”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Nin halkaas ka soo jeeda ka waran hadduu rabo Riyaal uu Qatar ka soo qaatay inuu u dhiibo dad wax ma garto ah iyo kuwo [...] Source
  5. Jowhar (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo hubeysan dil iyo dhac ay u geysteen dad shacab ah oo saarnaa gaadiid marayay deegaanka Garsaale ee gobalkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in hal qof ay dileen kooxahaasi, sidoo kalena ay baarteen rakaabkii kale ee la socday gaadiidkaasi. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan falkaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi. View the full article
  6. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan bulshada ayaa amaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada si bilicda magaalada sare loogu qaado. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka. Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo loo qabanayo bulshada gobolkaasi. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo hal qodob shardi uga dhigay horumarinta caasimadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa soo duubay muuqaal cusub kadib muddo aan warkiisa la maqal. Muuqaalkan cusub oo soconaya muddo 4:45 daqiiqo ayaa Sheekh Cabdulqaadir waxa uu dib ugu soo cusbooneysiiyey ballantii uu daacadda ugu ahaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Daacish Abuu Bakar Al-Baghdadi. Sheekh Cabdulqaadir oo la rumeysan yahay inuu ku jiro da’da toddobaatameeyada ayaa waxaa muuqaalka kula jira dagaal-yahanno ka tirsan kooxdiida Daacish ee Soomaaliya oo gaaraya illaa iyo 15. Muuqaalka cusub oo aan la ogeyn halka lagu duubay ayaa imanaya ayada oo la rumeysan yahay in xaaladda caafimaad ee Muumin aysan wanaagsaneyn, inkasta oo aan xog rasmi ah laga hayn xanuunka haya. Awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa dhowaanahan sii wiiqmeysay ayada oo mintidiintan ay wajaheen dagaallo kaga imanaya kooxda Al-Shabaab, ciidamada Puntland, duqeymaha Mareykanka iyo dhaqaale xumo baahsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. (SLT-Xaysimo) Xukuumadda Somaliland Oo Mashaariicyo hor leh Ka Hirgalisay Deegaano Katirsan Gobolka Xaysimo Source
  9. (SLT-Hargaysa)”Rag Siyaasiyina Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Ceel Afweyne Oo Tiknikada Iibiya” Siyaasi Mustafe Shiine. Source
  10. (SLT-Caynabo) Mudaharaad Gilgilay Magalada Caynaba Ee Xarunta Gobolka Saraar Iyo Sababta Keentay Source
  11. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan ayaa ammaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug. Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada is bilicda magaalada sare loogu qaado. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka. Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo qayb ka ah dadaallada dhismaha Galmudug dhammaystiran oo sal adag. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  12. Workers at a construction site at Borehole 11 in Mandera South have survived a shooting incident by four armed men who raided their site. Source: Hiiraan Online
  13. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xirtay jidka u dhaxeeya Muqdisho-Afgooye sababo lagu sheegay dhismaha waddadaasi halbowlaha ah. Jidka ayaa la xiray 2KM oo ka bilaabaneysa EX Kontrol Afgooye, waxaana horay laga bilaabay isla maantaba dhismaha jidka, kaas oo ay horay u balanqaaday dowladda, maalgelisanaya dowladda Qatar. Dadweynaha jidka isticmaali jiray oo la hadlay Goobjoog News ayaa cabasho ka keenay in saaka iyada oo aan loo sheegin waddada la iska xiray, isla markaana aaney heysan meel ay karaan. Dhankooda, maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in jidkan la dhisayo uu horay u qorsheysnaa, dadkuna ay isticmaalaan jid cade loo diyaariyey “Jidka waxa loo xiray waa dhismihii uu bilowday, si dadka aaney u dhibtoon waxaan diyaarinay jid cade ay si caadi ah u mari karaan, marka wax dhib xaga isu socodka kama jiro”, sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Xasan cumar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Burco) Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Oo Maanta Ku Dhawaqay Shirkadaha Ku Guulaystay 8 Mashruuc Oo Xukuumada Somaliland Ka Hir Galin Doonto Source
  15. (SLT-Burco)Dadweynaha Magalada Burco Oo Shirgudoonka Golaha Wakiilada Eedo Ujeediyey Fariina Udiray Madaxweyne Biixi. Source
  16. Muqdisho (SMN) – Waxaa goor dhow soo gaba gaboobay kulankii 11-aad kalfadhigisa 5-aad ee Aqalka Sare BFS, waxaana qeybta hore ee kulanka shir Guddoominayay mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ajengada kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda. Waxaa kulanka soo xaadiray 30 Senotar , iyadoo ay mudanayaasha qaar fikirkooda ku aaddan akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka xuquuqda Siyaasiyiinta Dowlada halkaasi ka dhiibteen. Gabagabada kulanka ayaa waxaa soo xiray, Guddomiye kuxigeenka -aad ee Aqalka Sare Senator, Abshir Maxamad Axmed (Bukhaari) oo qeeybti danbe ee kulanka shir guddominayay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhismaha waddadan ayaa wuxuu qeyb ka yahay mashruuc dowladda Qatar ay ku dhiseyso waddooyinka magaalada Muqdisho ku xira magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa daah furay dhismaha Waddooyinkaas 18-kii Februay sanadkan 2019-ka. Mashruucan dhismayaasha waddooyinkan ayaa waxaa uu ku kacayaa $200 oo Milyan oo doollarka Mareykanka ah. View the full article
  18. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey falal iska horkeenaya umadda Soomaaliyeed, waxna u dhimaya midnimada, waxaa kale oo lagu eedeeyey in deeqaha u adeegsadaan xasilooni darro iyo dano gaar ah oo ay ku gaaraan doorashada 2020/2021 Dhinaca kale, Puntland waxaa ay dowladda federaalka ah uga digtay faragelin ay ku sameyso doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  19. Siyaasadda kaga kojinta (knock out) ee madaxda federaalku ku hayso dawlad goboleedyadu waa mid gaabinaysa rajada dib u dhiska dalka waayo waxay ka soo horjeeddaa taabba galka mu’asasaadka dawladeed. Dawladina ma taagnaan karto haddaan mu’asasaadkedu (institutions) shaqayn. Siyaasadda noocaas ahi kama duwana dhaqankii ninkii jarayay laanta uu ku taagnaa. Waxaad mooddaa in madaxda federaalka hillaac u baxay waxaase hubaal ah inuu ku noqon doono hogol onkod iyo hillaac leh oo aan marna hoorayn. Wacdaraha adduunka waaya aragnimaa laga kororsadaa. Awood maroorsi laguma waaro oo raandhays ma leh. Ciddii is tiraahda ku cayshna qashin qubka taariikhdaa lagu ridaa oo habaar laga daba tuuraa. Aawaye keli talisyadii ammaantooda lagu tasbiixsan jiray? Aawaye boqorradii awoodda badnaa? Meeyay gudhmaawe gadhamaawe Xeyla Selaase, aaway Shaahan Shaahii Iiraan, xaggay ku dambeeyeen Mabuuto Seeso Seeko iyo qaar kaloo badani. Siyaasadda labaatan jirnimada oo talada uga boodaysa sidii geedkii waxay hallayso maahe waxba ma soo kordhinayso waana ragaad dalka lagu sii fogaynayo. Hadda ka hor baa hantida dalka e loo gudboonaa inta si xun loo adeegsaday la is yiri ku wiiqa Puntland oo qurub qurub u kala qaada waxse kuma noqon lacagihii sida aan waafaqsanayn nidaamka loogu adeegsaday. Haddana debinno yar yari jillaafayn maayaan haddii ay dadweynaheeda kasbato oo aan looga dheerayn. Sideedabana xarig xal maaha waa sida cayda oo kale inay cid kugu dirto mooye cidna kaama celiso. Isku duubnida dakaa lagu jiraa oo wax la isaga rabaa WQ: Aadam Cali The post Haddaad wiiq is lahayd waxmaan noqone appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta magacaabay guddi ku meel gaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa ka shaqeyn doono hubinta iyo wax ka bedelka sharciga doorashooyinka oo ay soo ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya Halkan hoose ka aqriso: l View the full article
  21. Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa mar kale xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay si deg deg ah u joojiso fara-gelinta ee ay ku hayso arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu sheegay in dowladda Puntland ay aad uga walwalsan tahay hab-dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo sida ay Puntland sheegtay ka hor-imaanaya in dalku yeesho dowladnimo ku dhisan hirgelinta sharciga. Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in madaxda Villa Somalia ay ku hawllan yihiin, burburinta dowlad goboleedyada dalka iyo iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya qoondada dhaqaalaha ee magaca Soomaaliya lagu soo qaato, in ay xasilooni-darro kaga abuuran dowlad goboleedyada, si ay u helaan dano-shakhsiyeed oo ku aaddan doorashooyinka 2020/2021. Puntland waxa kale oo ay bogaadisay dedaallada ay shacabka Galmudug iyo Jubaland uga tashanayaan aayahooda, kuna soo dooranayaan madaxda cusub, waxaana ay sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqday in ay adkaystaan midnimadooda iyo dowladnimadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka
  22. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-21072019-sx.mp3 View the full article