-
Content Count
211,387 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In London on Thursday, Dr Juma said foreign entities interested in oil and natural gas are taking advantage of Somalia’s weaknesses, a circumstance she warned could force the region off focus in the fight against terror and sea piracy. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU,(Xinhua) -- Somali security forces on Thursday night killed 8 militants in southern Somali, officials said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Thousands of people are expected to gather in South Minneapolis on Saturday evening for a Somali Independence Day celebration Source: Hiiraan Online
-
Afgembigii dhicisobay ee ka dhacay dalka Itoobiya waxuu soo shaac bixiyey khilaafka ka dhaxeeye qowmiyadaha iyo degenaansho la’aanta siyaasada Itoobiya. Tan iyo intii Dr. Aby Ahmed loo doortay Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, waxaa aad u xoogsanayay isku dhacyada qowmiyadaha, taas oo horseeday dhimasho iyo barakac baahsan. Sida ay ku soo waramayaan hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo tan Socdaalka Aduunka (IOM). In ka badan 3 mialyan ayaa ku barakacay gudaha Itoobiya, waana tirada ugu badan ee shacab ku barakaca gudaha wadankooda (Euro news January 01, 2019). Furfurnaanta siyaasada ee Dr. Aby Ahmed la yimid, oo ay ku jirto in sare loo qaado xuquuqda aadamaha, xuriyada hadalka iyo in dadka ay ismaamulaan waxuu soo kiciyey hurgumooyin aasnaa. Dadka falanqeeya xaaladaha gobolka waxay rumeysan yihiin in rabshadaha iyo dagaalada qowmiyadaha u dhaxeeya sabab u yihiin dhowr arrimood: Hanaankii Ra’iisul-wasaarahii Meles Zenawi u ku abuuray maamul goboleedyada sagaal ah. Kaas oo qowmiyad walba qayb dhulkeeda ka mid ah, uu raaciyey qowmiyada deriska la’ah, taas oo kordhisay in muranada Kilinada uusan damin! In qowmiyad kasta gudaheeda ka dhex abuuray nidaamkii hore xiisado, iyo xasarado aan dhammaan. Tusaale waxaa inoogu filan qowmiyada Soomaalida iyo “Jeel Ogaadeen,” sidii dadka loogu ciqaabi jiray. In qowmiyada Tigreega iyo Amxaarada laqi la’ yihiin isbedelka uu wado Dr. Aby Ahmed, isla markaasna labadaas qowmiyadood uu mid walba damac kaga jiro hogaanka ugu sareeya. Nidaamka Aby Ahmed oo halsiib ku haya madaxdii la soo shaqaysay maamuladii ka horeeye, si awoodda kursiga ay u xajistaan. Tirada dadka Itoobiya iyo shaqo la’aanta dhallinyarada haysata oo si xawli ah u kordhaysa. Taas oo abuurtay u sinaan la’aanta fursadaha jira. Dhammaan arrimahaas iyo kuwo kale oo isbiirsaday waxay dalka u horseedeyn cadaawad dheeraad ah iyo ku tartan awood oo abuuray xasilooni daro iyo rajo-beel. Inkastoo, la fashiliyey isku daygii afgambi misana waxuu u keenay khal-khal iyo jahawareer, nidaamkii Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed. Tusaale Boliiska ayaa ku waramay in uu isdilay askarigii dilay Taliyihii Ciidamada Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen iyo Jeneraal Gezai Abera oo howlgab ahaa, islamarkaasna lagu tirin jiray inuu taageersanaa isbedalka uu waday Dr. Aby Ahmed, balse goor dambe, ayay sheegayn inuu dhaawac yahay askarigii falka geystay laguna daaweenayo cisbitaalka. Waxaa kaloo sabtidii xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Aby Ahmed shaaciyey in gacanta lagu hayo askarigii falka geystay. Wararkan isburinaya waxay muujinayaan anfariirka iyo argagaxa ku dhacay nidaamka Itoobiya ka talinayay! Waxaa sidoo kale la dilay madaxii ismaamulka Amxaarada, Ambachew Mekonnen, xeer-ilaaliyihii gobolkaas, iyo saraakiil sare. Hadaba waa kuma shaqsiga ka dambeyay afgambiga? Maxuuse saamayn iyo raad ah ku yeelan karaa nolosha, amniga, iyo Siyaasadda Federalka Itoobiya, iyo tan gobolka? Madaxii Amniga gobolka Amxaarada Sareeyo Guuto Asaminew Tsige, ayaa lagu eedayay inuu ka danbeeye afgambigii dhicisobay, balse waxaa la aaminsan yahay inuusan keli ku ahayn waxa dhacay. Dad badan ayaa la xirxiray, halka Sareeyo Guuto Asaminew Tsige la dilay sida TV qaranka uu sheegay. Asaminew Tsige, waxuu u xirnaa mudo 9 sano ah isku day afgambi hore, waxaa xabsiga ka siidaaye nidaamka cusub sanadii la soo dhaafay. Waa nin aaminsan nidaam dhexe oo xoog badan, isla markaasna aan la dhacsaneen hanaanka federalka uu soo rogay Ra’iisul-wasaarihii hore Meles Zenaw. Hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo khabiirada gobolka waxay walaac ka muujinayaan in Dr. Aby Ahmed dib uga joogsado tanaasulaadkii u fidiyay kooxaha mucaaradka. Taasoo cabsi laga qabo inay horseedo ku tumasho xuquuqda aadamaha, maadaama madax-bannaanida nidaamka garsoorka iyo kan fulinta uusan isku dheeli-tirneen. Gabi ahaan waxaa go’an adeega internetka, waxaa xigay in la jaro adeega dirista fariimaha. Jun 22, 2018 ayay ahayd markii 200 website laga qaaday xayiraada lana ogolaaday xuriyada hadalka. Balse sanad kadib arrinkaas waxuu u muuqdaa inuu meesha ka baxayo. Arrinka dad badan la yaabeen ayaa ah in Jun 23, 2018 Dr. Aby Ahmed ka badbaaday isku day dil, isagoo khudbad ka jeedinaye goob fagaare ah oo ku taal Addis Ababa. Halka Jun 23, 2019 fashilmay afgambi xukunka looga tuuri lahaa Ra’iisul-wasaare Aby Ahmed. Haddii ay kordho xasillooni darrada gudaha Itoobiya, waxay abuuri kartaa in qaxooti faro badan ku soo jabaan wadamada deriska la ah Itoobiya, ayna ugu horeeyso Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda waa inay qaadaan talaabooyin lagu dedejinaayo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, si looga gaashaanto khatarta ka soo fool leh Itoobiya. Waxaan shaki ku jirin, in maamulka Dr. Aby Axmed uu wajahayo caqabad adag (khatar), si uu u mideeyo kuwa taageersan nidaamka federalka ah iyo kuwa ka soo horjeeda ee u arkaya inuu halis ku yahay kooxdooda (qomiyadooda) iyo qarankaba. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Qaasim
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kadib qoraalkii muranka dhaliyey, dowladda Kenya ayaa go’aan cad kasoo saartey mowqifkeeda ku wajahan Somaliland oo ay xiriir la yeelaneysay mudooyinkii u dambeeyay. War kooban oo isbuucii hore lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa maamulka gooni isu taaga ah ku tilmaamay “dal” taasoo muran xoogan dhalisay. Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda wadanka Kenya oo arrintaan waxay tiri: “Mowqifkeena ku aadan Somaliland waxa uu lamid yahay midka Midowga Afrika. Waxa aanu xishmeynayaa xuduudaha Afrika sida ku xusan heshiiskii AU-da ee sanadkii 1964-tii”. Xukuumada Muqdisho wali kama aysan fal-celin talaabada ay Kenya ku dhaqaaqdey ee ah “wadanka” ugu yeertay maamulka Hargeysa xili Nairobi ay sheegtay in ay difaacaneyso danaheeda. Hasa ahaatee, Mr Juma oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay: “Waxa aan dano ka leenahay dalal kahor inta aysan noqon wadamo madax banaan sida Suudaanta Koonfureed oo aan ku lahayn wakiilo, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, dal noocaasi ah ayaanu nahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanan la macaamilin dadka, waan la macaamileynaa. “Maxkamad ma keeneyso xal waara” Iyadda oo Arbacadii Maxkamada Cadaaladda Aduunka ay muddeysay in ay bisha September ay dib u bilaabeyso dhageysiga dacwada dhextaala Soomaaliya iyo Kenya ee kiiska ku aadan xuduud badeedka, ayay Mr Juma muujisay in dalkeeda uusan ku qanac-saneen in xeer-beegtada dunida ay xukmiso kiiskan. “Kiiskan waxaanu soo jeedinay in Maxkamada aysan dhageysanin, waayo xeerka ICJ wuxuu dhigayaa in labada dhinac ay soo gudbiyaan dacwadda, waxaanu aaminsanahay in aanu sharciyad u lahayn in ay xukunto, waayo wali lama marin jidadkii kale ee furnaa si loo xaliyo khilaafkan. Soomaaliya iyada oo aanan cid kale la hadal ayey markiiba maxkamad tagtay, oo ah halkii ugu dambeysay, ma aaminsani in tani mushkiladan u keenayso xal waara,” ayay ku sheegtay wareysi ay siisey BBC-da. “Kiiska Soomaaliya waa mid jilicsan” Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wareegii koowaad ee dacwada labinta heshay ayaa waxay gudbisay gal-dacwadeedkan bishii Agoosto ee sanadkan 2019. Murankan oo soo xoogeystay bilooyinkii lasoo dhaafay ayna Kenya qaadey mudooyinkii dambe talaabooyin ay ku dooneyso in wada hadal lagu dhameeyo qadiyadan ayaa waxaa sabab u ah dacwada oo heer gabagabo ah mareysa. “Waxaa jirta sheeko la isugu sheekeeyay oo ah in Soomaaliya ay kiis adag leedahay, aanngu taa ma qabno. Kiis dhan walba ka adag ayaanu haysanaa, ma rabo in aan ka hordhaco waxay maxkamadu oran doonto, sida ay qabaan shuruucdyadda caalamiga ah,” ayay hadalkeeda kusii dartay wasiiradda. Goobta ay isku haystaan labadan dal ee dariska ah oo badkeeda lagu qiyaaso 100 KM oo isku wareeg ah ayaa hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka si gaar ah Shidaal iyo Gaas, waxaana jira heshiisyo ay labada dowladood la galeen shirkado reer Galbeedku leeyihiin oo ku saabsan sidii loosoo saari lahaa Saliidaasi. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Isha: Garowe Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Kenya ayaa hore u shaacisay inay xafiis ka furaneyso caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, taasi oo ay ergey gaar u xil saartay furashada xafiiskaasi. Haddaba, Qorshahan ay Kenya ku rabto inay xafiis uga furato Somaliland ayaa waxa dabada ka riixaya muwaadiniinta reer Kenya ee ku nool Somaliland, kuwaasi oo Xukuumadooda ku baraarujiyey inay qunsuliyad ka furato caasimada Somaliland. Muwaadiniintan Kenyanka ah ee ku nool Somaliland ayaa u arka furad weyn inay Dowladoodu ay xafiis ka furato Hargeysa, midaasi oo ay ku sheegen inay fursad ugu helayaan inay cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya, isla markaana ay u helaan xafiis ay dowladoodu leedahay oo ay hawlahooda la socodsiiyaan. Wargeyska East African Business Week oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa wax ka qorey arrintaasi, isagoona ku qiyaasay tirada muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ee Somaliland ku nool 10-kun oo qof, isla markaana ay dowlada Kenya ugu baaqeen inay xafiis ka furato magaalada Hargeysa. Christine Syombua oo ah muwaadin reer Kenya ah oo degan Somaliland ayaa caaddeeyey inay baahi weyn u qabaan qunsuliyad ay Kenya ka furato Hargeysa, si ay uga maarmaan socdaalka dheer ee ay u galaan inay helaan ama cusboonaysiistaan Baasaboorka dalkooda Kenya. Waxa kaloo uu intaasi ku daray muwaadinkan in qunsuliyadaasi ay noqon lahayd halka ay la xiriiraan mar kasta oo dhibaato soo gaarto. Baaqa muwaadiniinta Kenyanka ee ku nool deegaanada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili uu sii xoogeysanayo xiriirka u dhaxeeya Kenya iyo Dowlada aan weli helin aqoosniga ee Somaliland. Dhinaca kalena, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay iyaduna shalay ka hadashay kulan uu Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Mr. Macharia Kamau la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Fartoon, oo ay sheegen in labada Mas’uul ay shirkaas kaga wada-hadleen danaha guud ee labada ‘dal’ wadaagaan iyo sidii loo sii taabo gelin lahaa cilaaqaadka Somaliland iyo Kenya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay Shirkii ay Somaliland kaga qeyb gashay dalka Kenya. Prof Buubaa ayaa Shirkaasi ku sheegay mid aan shaqo ku laheyn Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, balse uu ahaa mid gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayey. Buubaa ayaa ka digay in laga been sheego oo la qariyo natiijada ka soo baxda shirkaasi ay isku hor-fadhiisteen Xubnaha ka socday Somaliland iyo Wakiilada Beesha Caalamku. Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, ayaa arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar oo uu shalay bixiyey, wuxuuna yiri “Ma haboona in la deg-dego oo la faafiyo waxyaabo xaqiiqada ka fog, balse waxaa loo baahan yahay oo haboon in wax walba laga fiirsado, Shirkani muu ahayn Shir ay ku wada hadlayeen Somaliland iyo Somaliya, balse wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah, oo waxyaabo badan baa lagu lafo guray”. “Waxay muhiimaduna ahayd wixii ka soo baxa in la eego, oo waliba la soo bandhigo, oo siday wax u dhaceen wax loo sheego, balse in wixii Shirkan ka soo baxay ee lagu lafo guray, in si kale loo turjumo oo waxyaabo kale oo xaqiiqada ka fog la sheego ma haboona, wax walbana ka fiirsiga ayey ku wanaagsan yihiin”. “Shirkani muu ahayn Shir iyo meelo lagu wada hadlayo, ciddaas ayaa timid iyo ciddaas ayaa ka maqnayd, wax macno leh oo ay sameeynaysaa ma jirto, wuxuu ahaa Shir gogol xaadh ah oo waxyaabo badan lagu lafo gurayo, muu ahayn Shir ay si toos ah u wada hadlayeen labada dal, balse wuxuu ahaa Shir khubaro iyo dalal badan ka soo qayb galeen nuxurkuna wuxuu ahaa inay iyagu noqdaan ka qayb galayaan iyo dhagaystayaal”. Wuxuuna intaas kusii daray “Somaliland waxaa mar walba looga baahan yahay in Dawladda Somaliya iyo Beesha Caalamkaba ay ku qanciso madax banaanideeda iyo jirtaankeeda dawladnimo, Somaliland waxaa looga baahan yahay inay ku qanciso in labada dal ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax banaan, oo isku biiray, haddana kala baxay, marka horena cidda maanta ay maanta wax inagaga xidhan-yihiin waa Somaliya, oo loo baahan yahay inay Somaliland ka shaqeeyso sidii ay ugu qancin lahayd dawladnimadeeda”. “Maxaa yeelay Caalamku wuxuu yidhi soo wada-hadla, maantana wada-hadaladu inaga ayuu danteena yahay, maxaa yeelay inaga ayaa rabna inaynu aqoonsi buuxa ka helno Caalamka, aqoonsiguna wuxuu ku iman karaa inagoo Somaliya miiska wada hadalka ku qancina, iyo inaynu ahaano laba dal oo jaar ah, oo iskaashi iyo wax wada qabsi inaga dhexeeyo”. Ugu dambeyntii, Prof Buubaa ayaa si adag uga hadlay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu midnimada ugu baaqayey Somaliland, isagoona ku tilmaamay inuu rayigiisuna ka hadlay Farmaajo, balse aysan jirin midnimo la isku qasbayo. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ee Waddani, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka Somaliland ee xisbiyadu mudada badan isku mari laayihiin . Baashe Cali ayaa sheegay in labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid aysan qaban karin doorasho uu ka maqanyahay xisbiga Waddani, isagoona xusay in xisbiga Waddani uu diyaar u yahay doorasho xalaal ah oo si sharciya u qabsoomta. Baashe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, wuxuuna yiri “Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waa laba Xisbi, Doorashana labadoodu ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na kuma qasbi karaan Doorashada, Doorashada Golaha Wakiiladu waxay ku qabsoomaysaa iyadoo marka hore la kala diro Komishanka hadda jooga, maxaa yeelay komishankan waa laga kalsooni baxay, doorasho dambe oo ay inoo qaban karaana ma jirto”. “UCID iyo Kulmiyena waxaan leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho xalaal oo sharciya ayuu diyaar u yahay, Guurtidu dhawr iyo labaatan sanno ayey joogaan, Wakiiladuna dhawr iyo toban sanno ayey joogaan, markaas dhaxal umay helin,waa in la xaliya khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana tanaasulka looga baahan yahay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, madaama Xisbiga Waddani uu sharciga ku taagan yahay, ta kale waa in Dastuurka la furaa, waa in saami –qaybsigii la sameeya, waa in cadalaada iyo sinaanta la ilaaliya”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Mar haddii uu yimaado wada-hadal Somaliland iyo Somaliya, waa in go’aan ay umadda Somaliland ku midaysan tahay oo raali laga wada yahay lagula hadlaa, qodobada ay Somaliland la tagayso Somaliya waa inay ahaadan qodobo Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan raali ka wada yihiin”. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Ahmed Shide ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo salaan ah uga siday Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed. Madaxweyne Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
-
Former Somali Security minister and ex-member of parliament has passed away in Mogadishu. Mohamed Qanyare Afrah who was sick recent years died at Erdogan hospital Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/06/BAr___Qubahana-29062019-Okay.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa caawa sheegay in la qabtay nin lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey dil haweeney meydkeeda laga helay hotelka Caamir ee magaalada Muqdisho. Marxuumadda la dilay ee Suleeqo Yusuf Axmed ayaa la sheegay in ka hor inta aan la dilin la kufsaday. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twtitter-ka ku sheegtay in Hoggaanka Dembibaarista CID ay ku guuleysteen inay soo qabtaan ninka eedeysan oo magaciisa lagu sheegay Bishar Abdirisaq Maxamed. “Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembibaarista CID ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan edeeysane Bishar Abdirisaq Maxamed kaasoo ku eedeeysan dilka marxuumad Suleeqo Yusuf Axmed falkaas oo dhowr cisho ka hor ka dhacay Hotel Camir oo ku yaala degmada Howlwadaag..” ayey tiri Zakiya. Ninkan lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka Suleeqa ayaa la sheegay in uu sameeyay farsamooyin badan si aan raadkiisa loo helin, waxa uuna ninkan lacagtii kirada Hotelka ka tuuray telfoonka gabadha uu dilay. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide. Wasiir Axmed Shide ayaa dhambaal hambalyo iyo salaan ah ka siday Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Dr. Abiy Axmed. Farmaajo ayaa u xaqiijiyay Wasiirka sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’antahay nabadgalyada, xasilloonida iyo horumarka dhaqaale ee Geeska Afrika. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Xoghayaha joogtada ah Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan, Agaasinka kala duwan iyo khubarrada Wasaaradda Qorsheynta DFS ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka,Agaasime ku xigeenka iyo la taliyeyaasha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. kulanka oo muhiimad gaar ah u lahaa labada dhinac ayay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ku soo bandhigtay warbaxin ku aaddan geeddi socodka qorista Qorshaha horumarinta Qaranka 9-aad, kobaca dhaqaalaha dalka, xogaha, dabagalka iyo Kormeerka mashaariicda iyo howlaha baaxadda leh ee Wasaaraddu waddo xiligan. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa bogaadiyay heerka ay joogto wasaaradda qorsheynta iyo howlaha baaxadda leh oo ay waddo, wuxuuna bogaadiyay hoggaaminta Wasiirka, Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda iyo dhalinyarada aqoonyahannada ah. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Amb. Jamaal Maxamed Xasan ayaa sharraxaad ka siiyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo la taliyeyaasha madaxwaynaha maashriicda dalka ka socota, marxaladaha ay marayaan iyo howlaha adag ee wasaaraddu ka hayso dhinacaasi. Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa isagana sawir guud ka bixiyay wada-tashiga wareegga koowaad ee QHQ-9aad iyo sida ay u dhaceen dhammaan wada-tashiyadii ay wasaaraddu samaysay, waxuuna la wadaagay sadaxda ahmiyadood ee ka soo baxay wareegga koowaad ee kala ahaa Kobaca Dhaqaalaha, Siyaasada loo dhan-yahay iyo Amniga iyo sareynta Sharciga. Masuuliyinta iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka oo si wanaagsan ula dhacay shaqada baaxadda leh ee dalka ka socota taasoo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta isla markaana talooyin dhaxal gal ah la qeybsaday wasaaradda. Gunaanadka kulanka ayaa la go’aamiyay in la sameeyo kulamo joogta ee labada dhinac si loo dar-dar galiyo shaqooyinka muhiimadda leh ee dalka ka socda kuwaasoo ay hormuud u tahay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka warbixiyey shir ku saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana. Indhaqarshe ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga. Isaga oo sii hadlaya ayuu tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka. “Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.” Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab. Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono. View the full article
-
Xiraale (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaare Soomaaliya oo Booqasho ku tagay deegaanka Xeraale ayaa halkaas kala kulmay soo dhaweyn aad u sareyso. Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka ku sugnaa Sanadyadii ugu dambeeyay. Maleeshiyaadkaan hubeysan ayaa dagaal kula jiray Ciidanka Ahlusunna oo ay sheegeen in ay dhowr jeer degaanka ay soo wareereen,islamarkaana ay ku laayeen dad Shacab ah. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dhalinyaradda degaanka ah dhaqancelin loo sameyn doono,islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana sidoo kale dowladda ay la wareegi doono Ciidanka Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa odayaasha dhaqanka u ballan qaaday inay ciidamadaas gacanta ku heyn doonto Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Ra’isulwasaaraha iyo Odaayasha dhaqanka ayaa isku soo hadal qaaday arrimo doorashada Galmudug, waxayna ballan qaadeyn inay ka qeyb qaadan doonaan.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in xaaladaha colaadeed ee ka soo fool leh gobalka Bariga Dhexe ay samaayn fool xun ku yeelan karto amniga Somaliland. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka digay in colaaddaas ka huraysa Bariga dhexe ay saamayn dhaqaale iyo mid amniba ku yeelan karto Somaliland oo dhinaca kale ka kulaalaysa badda cas. Waxa aanu dawladda Imaaraadka ku canaantay, wax laga xumaadana ku tilmaamay in ay Berbera ka samaysatay saldhig iyada oo aan la iman diyaargarow amniga dekedda lagu ilaalin lahaa. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dawladda Imaaraadku heshiiskii maalgashiga dekedda Berebra ee DP World, ay ugu dhex gabbatay heshiiska kale ee ay ku heshay saldhigga Berbera. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo khamiistii 27 June u warramayey talefishanka CBA, ayaa intaas ku daray, bilowgii markii ay Somaliland heshiiska saldhigga shaacisay, in uu isaguna ka digay in dhibaato dhinaca ammaanka ahi ay ka iman karto saldhiggaas, suurtagalna ay tahay in dagaal meel kale ka socda loo soo waaridayo Somaliland. Waxa uu tilmaamay in khilaafka u dhexeeya isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo iyo Dawladda Iiraan oo ay la socdaan kooxaha hubaysan ee ay taageerto, sida Xuutiyiinta reer Yemen, haddii uu dagaal qarxo ay keeni karto khatar amni darro, oo ka dhalatay weerarro aargoosi ah oo ay Xuutiyiinta iyo kooxaha Iiraan taageersani ku kacaan, iyo dhibaato labaad oo ah in Somaliland ay ku yeelato saamayn dhaqaale iyo nololeed, maadaama oo ay colaadu keeni karto in ay xidhanto badda oo ah marinka ay Somaliland wax u soo maraan. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dekedda Berbera oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee Somaliland iyo haamaha kaydka shidaalka oo ah kuwa keliya ee ay leedahay Somaliland ay labaduba ku yaallaan meel isu dhow oo si fudud ay u gaadhi karaan weerarrada Xuutiyiintu, isaga oo tusaale u soo qaatay sida dawladda Sucuudiga ee haysata gantaalaha difaaca cirka ee casriga ahi ay isaga celin kari weyday diyaaradaha is-wada iyo gantaalaha ay Xuutiyiintu ku weerarayaan. Waxa uu ka digay in haddii saldhiggaas la furo oo ciidamo la keeno, in Somaliland ay khatar u tahay weerarradaas Xuutiyiinta iyo kooxaha Iiraan taageerto. Waxa aanu dawladda Imaaraadka Carabta si kulul ugu canaantay in ay saldhigga diyaarisay iyada oo aan Berebra keenin qalab lagaga difaaci karo gantaalaha iyo diyaaradaha is wada ee weerarka ah. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland kula taliyey in dib loo dhigo furitaanka saldhigga ciidan ee imaaraadka Carabtu ka samaystay Berbera. Lagana horreysiiyo in la keeno hubkii difaac u noqon lahaa dekedda iyo haamahaha kaydka shidaalka ee Berbera. Arrintaas oo uu sheegay in ay u baahan tahay in talo dambe laga yeesho. Dhinaca kalana mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in dhibaato cunto ay Somaliland soo waajihi doonto haddii colaadi ka dhacdo bariga Dhexe. Isaga oo intaas ku daray in daraasad ay xukuumaddii madaxweyne Rayaale ee uu ku xigeenka ka ahaa ku samaysay kaydka raashin ee dalka, lagu ogaaday in raashinka dalka yaallaa uu bil keliya ku filan yahay. isaga oo sheegay in intaas wixii ka dambeeyana ay umaddu cunto la’aan waajahayso, hilibka xooluhuna aanu noqon Karin cuntada keliya ee la isticmaalo. Waxa uu sheegay in taariikhda inta la ogyahay laba jeer ay xidhantay dekedda Berbera, mar waxa uu ahaa xilligii dagaalkii lala galay dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo ay dadku ka qaxeen gudaha dalka, cuntana ka heleen beesha caalamka iyo hay’adaha adduunka ee gargaarka qaxoontiyada. Marka labaadna ay ahayd sannadkii 1945 kii markii uu socday dagaalkii labaad ee adduunku. Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in uu madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu uga sheekeeyey duruuftii adkayd ee cunto la’aanta ahayd ee xilligaas ka dhacday Somaliland. isaga oo u sheegay in safarro awr ah raashin lagaga doontay magaalada Jigjiga ee gobalak Soomaalida Itoobiya. Source
-
Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlada Gogoleed Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Kulamo Gaar Gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Madaxweynaha iyo Odayaasha dhaqanka ayaa kawada hadlay sidii loola shaqeyn lahaa Maamulka ayna qeyb uga qaadan lahaayeen Odayaashu Hormarka Galmudug. Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in loo baahanyahay in lala shaqeeyo Hay’addaha Amni si aaysan kooxaha Cadawga ah ugu faa’iideysan oo aysan u helin fursado ay ku dhibaateeyaan shacabka waxa kale oo uu intaas ku daray in shacabka reer Cadaado iyo Odayaasha dhaqankaba wax walba oo dhacay looga baahanyahay in laga noqdo xalay dhalay Tabasho walba oo ay qabaana uu diyaar uu u yahay in la xaliyo. Odayaasha dhaqanka ayaana kaga mahadceliyay Madaxweynaha sida uu diyaarka ugu yahay in la xaliyo waxba walba oo ay qabeen Reer Cadaado iyaguna ay marwalba ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyna Maamulka.
-
(SLT-Hargeysa)-Baashe Cali Jaamac, oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Biyaha, haddana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka Xisbiyada, Doorashada, iyo wada hadalada Somaliya. Wasiirkii hore Biyaha Baashe Cali Jaamac oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya khilaafka XIsbiyada yidhi “Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waa laba Xisbi, Doorashana labadoodu ma gali karaan, Xisbiga Waddani-na kuma qasbi karaan Doorashada, Doorashada Golaha Wakiiladu waxay ku qabsoomaysaa iyadoo marka hore la kala diro Komishanka hadda jooga, maxaa yeelay komishankan waa laga kalsooni baxay, Doorasho dambe oo ay inoo qaban karaana ma jirto, UCID iyo Kulmiyena waxaan leeyahay Xisbiga Waddani Doorasho xalaal oo sharciya ayuu diyaar u yahay, Guurtidu dhawr iyo labaatan sanno ayey joogaan, Wakiiladuna dhawr iyo toban sanno ayey joogaan, markaas dhaxal umay helin,waa in la xaliya khilaafka ka taagan Doorashada, waxaana tanaasulka looga baahan yahay Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, madaama Xisbiga Waddani uu sharciga ku taagan yahay, ta kale waa in Dastuurka la furaa, waa in saami –qaybsigii la sameeya, waa in cadalaada iyo sinaanta la ilaaliya, ”. Baashe Cali Jaamac, ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliya wuxuu yidhi ”Mar haddii uu yimaado wada hadal Somaliland iyo Somaliya, waa in go’aan ay umadda Somaliland ku midaysan tahay oo raali laga wada yahay lagula hadlaa, qodobada ay Somaliland la tagayso Somaliya waa inay ahaadan qodobo Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan raali ka wada yihiin”. Dhanka kale Baashe Cali Jaamac, wuxuu Xukuumadda ugu baaqay in aanay ku xad gudbin madax banaanida saxaafadda iyo xoriyatul qawalka, waxaa kale oo uu ku taliyey in Badhasaabada Gobolada Sool iyo Sanaag la siiyo Xisbiga Waddani oo uu sheegay inuu labadaas Gobol cododka ugu badan uu ka helay Source
-
Muqdisho (SMN) – Kulankan uu Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu la qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxa uu ahaa kulan looga hadlayay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka wada shaqayn ee Aqalka Sare Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Habdhowraha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ay ka wada hadleen arrimaha Baarlaamanka, tan Dowlad Goboleedyada iyo doorashooyinka dhawaan ka dhacayo Dowlad Goboleedyada. Senator Cabdikaafi Macalin Xasan Habdhooraha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka uu u safray dalka Ruushka, isagoo casuumad ka helay Baarlamaanka Dalka Ruushka. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde Airport waxaa ku sagootiyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka sare iyo howl wadeenada Golaha. View the full article