-
Content Count
213,511 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho,kaasi oo Jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaas ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,isla markaana waxaa uu ku qarxay Albaabka hore ee Afrik oo ku yaalla Wadada gasha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Sidoo kale Hotelka Afrik ayaa waxaa uu ku dhow yahay Koontaroolka laga ilaaliyo Garoonka Aadan Cadde,iyadoona amniga halkaas siweyn loo sugo,waxaana goobta ku yaalla hotelo ay degan yihiin dad badan. Waxaa socda Gurmad loo sameeynayo dadkii halkaasi ku waxyeeloobay,waxaan uu dab xoogan qabsaday Kaalin shidaal oo ku taalla meel ku dhow Aargada Isgoyska KM4. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in xiliga uu qaraxa dhacayay wadada ay aheyd mid aad u Mashquul ah oo dadka iyo gaadiidka noocaydiisa kala duwan ay is dhaafayeen. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halkaas,isla markaana waxaa ay ay xireen Aaga uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadka. Weli lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas ka dhacay Magaalada Muqdisho. Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Sida ay ogaatay caasimada Online taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Kenya General Walter Raria ayaa dhawaan booqasho dhuumaaleysi ah ku yimid gudaha Soomaaliya. Socdaalkan oo aan horay loo sii shaacin wuxuu taliyuhu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale taliyaha ayaa booqday xarumo Milatari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland. Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in jeedka safarka taliyaha uu ahaa mid dhiirogelin ah, islamarkaana uu waayo-aragnimadiisa la wadaagayey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Warkan laguma shaacin goorta uu taliye Walter Raria yimid gudaha Soomaaliya. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan la filayo in doorashada guud ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kenya ayaa la sheegayaa inuu xiriir dhow kala dhexeeyo maamulka Axmed Madoobe oo hadda wajahaya culeys uga imaanayo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Mudisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay ilinka hore ee hoteel Afriik oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale waxaa goobtaasi ka agdhow barkoontarool oo lagu baaro gaadiidka aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Khasaare kala duwan ayaa jira, balse waxaa haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo isku geedaamay halka uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
-
A loud explosion was heard in Somalia’s capital Mogadishu on Monday morning, followed by heavy gunfire, according to our correspondent. The blast was reported in the vicinity of the first security checkpoint of the city’s main airport, Adde Abdulle International airport. Details of the casualties remain sketchy. Developing story. More to follow soon. View the full article
-
Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob lagu baaro gaadiidka aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ayaa lagu weeraray halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxan ka dhashay. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa halkaasi ku qul-qulaya, si ay usoo qaadaan dadka waxyeelladu soo gaartay. Si rasmi ah weli looma oga khasaaraha qaraxan uu geystay inta uu la egtahay, iyadoo la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada ammaanka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax xooggan. Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhacay isgoyska Km4. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay Koontaroolka laga aado Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho meel aan sidaas uga fogeyn Hotel Afrik. Wixii kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Barnaamijka “ OGAAL”ee ka baxa Goobjooj TV, uuna wado Prof. Cabdullaahi Maxmed Shirwac, ayaa todobaadkan looga hadlay garsoorka guud ee dalka, waxuuna daba socday barnaamijii todobaadkii hore ee dhaqanka, garsoorka iyo shareecada. Barnaamijka, waxaa todobaadkan marti ku ahaa: garsoore Maxamed Cumar oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka, iyo sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed oo ah sharci yaqaan. Garsoore Maxamed Cumar, ayaa la weydiiyay inuu bulshada barnaamijka ku xiran inuu u sharaxo waa maxay Garsoor, muxuuse ka kooban yahay, siduu u shaqeeyaa, Garsoore Cumar oo ka jawaabayey waxaa uu yiri” Garsoor marka la yiraahdo, Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay 19960-kii waxaa ay qaadatay habka dowladda casriga ay dowladdu kala baxsan tahay awoodaheed, Shaci dejintii oo baarlamaankii ah, Fulintii iyo Garsoorkii, marka qofka Soomaaliga ah garsoor waa uu fahmi karaa oo haddii khilaaf uu yimaado waxa uu u baahan yahay xal iyo in laga garnaqo oo laga garsooro, marka haddii la fahmo oo la soo dhoweeyo xeerarka dadku ay ku heshiiyaan oo heshiiska banii’aadamka ah, marka laga hadlo shareecada Islaamku annaga waa saldhiggeena, marka waxaa dadku ay dhexdooda uga heshiinayaan ama maamulka”. Garsoore Maxamed oo sii halaya “Baarlamaanku waxa shaqadiisu waxaa waaye wixii xeerar ah ee markaas sharcigu ogol yahay in ay ku heshiiyaan iney dhigtaan, Fulintuna waxaa waaye wixii la dhigay, haddii canshuur tahay ama ganacsi tahay fulintiibaa iska leh wixii socodsiintiisii, wasaaradihiibaa ka mid ah, ciidamadiibaa ka mid ah, haddii marka sharciogii loo gafo, hay’ad kale oo sedexaad oo ay tahay gafkaas ay la xisaabtanto ciddii gashay oo ciqaabtiisa ay mariso ayaa ayadu gadaal fadhisa, marka sedexdaas awoodood waa ay kala madax banaan yihiin oo mid waliba heerkeeda ayeey ku egtahay”. Sidoo kale Sharciyaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa asaguna ka jawaabay dhankiisa su’aashii la weydiiyay garyaqaanka waxaa uuna yiri” Garsoor waxa uu ka kooban yahay labo eray oo kala ah Gar iyo Soor, Gar waxaa la yiraahdaa waa xaqiiqda ama cadaaladda, Soorna waa in cadaaladdii la dhaqan galiyo oo la jideeyo, Garsoor waa mid ka ka mid ah hey’adaha aasaasiga ah oo nidaam dowli ah oo casri ah oo maanta jira uusan ka maarmin, waxa ayna ka mid tahay hay’ado ka qeyb ah gaarista cadaaladdaiyo xaqa, Garsoor waa hey’ad , hey’ad marka la yiraahdana waa jiritaan nidaam ka kooban dad garsoorayaal, sharci yaqaano iyo kaaliyayaal, una xil saran u jeedooyin waa weyn oo dastuuri ah, ujeedooyinkaas dastuuriga ah waxaa waaye in bulshada meeshaas ama nidaamkaas dowliga ah leh ama wada leh in sharciga u yaala ay ku dabaqdo ama ay ku dhaqan galiso markii ay wax isku qabsadaan, Garsoorku waa sidaas. Marka loo yimaado qaabdhismeedkiisa maadaama uu hay’ad yahay, waxaa uu leeyahay hay’ado ama maamulo nidaam xukun oo kala sareyn ah ayuu leeyahay, marka Soomaaliya oo kale, marka la yiraahdo hay,adda Garsoorka,Garsoorku waxaa uu ka kooban yahay adeega Garsoorka iyo maxkamadaha”. Dhanka kale sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed oo ka jaabayey su’aal aheyd sideey u kala sareeyaan maxkamada Garsoorka ayaa yiri “ Kala sareynta Garsoorka ayaa waxaa ka mid ah maxakamadda sare, maxkamadaha heer gobol, heer degmo iyo kuwa racfaanka oo gobol walbaaba gooni u leeyahay, waxaa dastuurkaan 2012-kii la qaatay uu dhisayaa ama uu gooni u abuurayaa, maxkamad sare maxkamad dastuuri ah, waa jibaadka maxkamadda dastuuriga ah horey waa ay u jereen lakiin waxaa ay aheyd waajibaad u yaala oo ay qabato maxkamadda sare, maxkamadda dastuuriga ah sharcigeedii waa uu qoran yahay, dastuurkuna waa uu jideeyay in la dhiso oo awoodo xadidan leh maxkamaddii iyo goobihii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo waliba dadkii ku shaqeyn lahaa wali madhisna, kaliya waxaa yaalo sharcigii lagu dhisi lahaa xubnahaas. Carafaad oo sii hadlaya “Nidaamka dowliga ah waxaa la yiraahdaa hey’ad ama shaqo dowli ah meel maran ma dhacdo, waxaa loo laabanayaa sida uu dastuurka hadda jira ee 2012-kii la ansixiyay qodobkiisa 139 uu leeyahay, sharciyadii horay u jiri jiray ee dalka waa lagu dhaqmi karaa inta laga badalaayo iyo wixii ka hor imaanayo mabaadiida dastuurka, sharciyadii horay u jiray waxaa ka mid ah in awoodaha maxkamadda dastuuriga ah hadda la siiyay ay horay u laheyd maxkamadda sare, sida ay ila tahay sharciyan maxkamadda sare maqnaashaheeda haddii loo baahdo waajibaadkii iyo baahidii loo qabay inta laga dhiosaayo waxaa badalkeeda sii galaaya maxkamadda sare ee federaalka”. Garsoore Maxamed Cumar oo dhankiisa ka jawaabayey su’aashii hore ee la weydiiyay sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa yiri” Garsoorku waxyaabaha uu ka garnaqayo waa ay kala culus yihiin, oo waxaa jirta haddii waxa lays ku haayo ay yihiin wax yaabo la xariira fasiraadda dast uurka iyo qodobkaan inuu ka hor imaanayo sharciga iyo in kale, waxaa fasiraadda iska leh maxkamadda dastuuriga ah, sidoo kale haddii dowladdu dhexdeeda ay isqabato ama dowlad gobaledyadu waxaa uu sheegayaa in maxkamadda dastuuriga ay tahay midda kala saareyso. Maxkamadda dastuuriga shaqooyin badan oo kale ayeey qabataa waxaa ka mid ah haddii madaxdu lagu soo eedeyso in ay sharciga u gafaan ciddii oran laheyd waxaas waa sax ama waa qalad in ay ayada tahay, waxaa ka loo ka mid ah doorashooyinka oo haddii qalad ka yimaado waa ayada ciddii oaran laheyd halagu celiyo, dastuurka ku meelgaarka ah sida uu jideynayo waxaa soo jeedinta iska leh guddiga adeega Garsoorka maadaama uu golihii uu maqan yahay golahaas ayeey ayaduna ay ku xiran tahay,Lakiin maxkamadda sare ayadu dacwadihii hoos ka imanayay ka soo bilaabanayay degmo ilaa gobol ilaa maxkamad racfaan dacwadahaas uun ayaa soo gaara oo halkaas ayeey u soo socotaa marka howsheedu waa culus tahay. Soomaaliya maxkamad dastuuriya oo gooniya waligeed mayeelan ilaa 1960-kii iyo nidaamka Garsoorka oo 1962-dii la sameeyay, in maxkamadda sare lagu soo biiranaayo afar xubnood oo labana ay dowladdu soo magacaabeyso labana ay Baarlamaanka ay ka imaanayan markaas ayeey isku noqonayaan maxkamaddii dastuuriga aheyd, hadda lafteeda haddii ayna maxkamaddii jirinna sida saxdaa waa in maxkamadda sare ay awoodihii ay sii haysato ilaa laga qaadayo si loo ilaaliyo meel maran inay jirto” Garsoore Maxamed Cumar ayaa la weydiiyay yaa maamula hadda golaha adeega Garsoorka Soomaaliya waxaa uuna yiri “ Golihii adeega Garsoorka waa la kala diray xukuumaddii tan ka horeysay ayaa la kala diray waa uu jiray ilaa haddana bahidiisii waa taagan tahay, dastuurkuna waxaa uu farayaa ilaa 30 cisho in lagu soo dhiso waayo waa hay’addii u taagneyd madaxbannaanida Garsoorka iyo maamulkiisa, maadaama hadda golahaas uu maran yahay gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa wixii maamulka Garsoorka asaga ayaa uga sareeya, dastuurkuna waxa uu jidaynayaa in awooduhu ay kala madaxbannaan yihiin”. Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed, ayaa dhankiisa la weydiiyay maxaa la istic maalaa marka laga hadlayo public low ama sharciga dadweynaha waxaa uuna yiri“ majirto ha’ad dowladeed oo dhisan oo aan sharci ku dhisneyn majirto, hay’adaha dowladda mid waliba sharci ayeey ku dhisan tahay oo ayna fulisaa, bal ee Boliiska sharci ayuu dhisan yahay, wasaaradda arrimaha gudaha sharci ayeey ku dhisan tahay sharci ayeeyna fulisaa, dowlad tilaabo maba qaadi karto aan jirin sharci faraaya yarciyadaas oo dhan waxaa lays ku yiraahdaa sharciyada danta guud” Garsoore Maxamed Cumar ayaa dhankiisa la weydiiyay dadka Garsoorka dowliga ah ka tabanayo oo aan cadaaladda helin maxaa lagu qanciyanaa ayaa yiri” dhaliilaha Garsoorka loo jeedinaayo oo ay ka mid tahay tabar darida waa wax aan la diidi Karin, wadanka oo dhan ayaa ha’adaha kale ee dowladda ayuu la qabaa waayo annaga dowladnimadii oo dhan ayaa dhulka ku dhacday, marka waxaan ku jirnaa soo kabasho” Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed, ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aal aheyd saameynta Garsoorka ee nidaamka 4.5 waxaa uuna yiri” Nidaamkaan 4.5 ee beelaha ku saleysan waa nidaam dad badan dhinac markii ar ka fiirshaan amaaneen oo yioraahda waa nidaamka laguwa joogho oo xasiiloobida siyaasiyan marka ay ka eegeen, lakiin waxyaaabo badan oo laga rabay nidaam dowli ah oo xuquuuqda muwaadiniinta dhan ilaaliya ka hor imaanaya oo cuuryaaminaayo waaye”. Ugu danbeyn Garsoore Maxamed Cumar, ayaa la weydiiyay goormee ayaa la filayaa in Garsoor uu dhaqanka iyo shareecada isku dhinac loo jiheeyo si dadku ugu wada qancaan waxaa uuna yiri” Sedexdaas waxaa loo sheegaa sidii in ay is dhinac socdaan oo kale oo awoodo simman ay leeyihiin sidaas maahan, annaga shareecada islaamka ayaa dastuurkeena sal u ah, sharciyada kale ee heshiisyada banii’aadam uu qorto iyo wixii kale ee dhaqankeena oadayada ku jira Geedka oo talada lagu gooyo asaga ayaa shareecada islaamka ayaa dalad u ah oo ay wada harsanayaan, kala soocnaantaasna waxaa ay ka timid wixii aan horay u aheyn”. Ugu danbeyn Sharci yaqaan Carafaad Cali Maxamed ayaa yiri dhankiisa” sharciyadeena noo qoran labada nidaam iskama horkeenayaan waa isla socdaanba, sharciyadeena noo qoran oo madaniga ah waxaa ku jira Garsoorka bulshada dhexdeeda ah in loo baahan yahay dhexdhexaadinta iyo suluxa intaan Garsooorka dowliga ah la imaan oo awooda dowliga ah adeegsanaaya, marka bulshadu waxyaabaha madaniga ah dhexdooda in ay isoo xaliyaan qaab beeleed ama qaab maxkadaha hoose ha isku xaliyaan, ujeedka laga leeyahay waxaa waaye dadku waxa dhex yaala iyo khilaafaadkooda inay xalistaan oo cadaaladda ay helaan Garsoorku waxa uu u taagan yahay waxaa la yiraahdaa habraac”. Source: goobjoog.com
-
President Donald Trump drew fresh criticism on Sunday with an eighth day of attacks on the four progressive Democratic Congresswomen known as “The Squad,” whom he said he didn’t believe were “capable of loving our country” and should apologize for “hateful” comments. Source: Hiiraan Online
-
On July 3, Milimani Chief Magistrate Francis Andayi handed a life sentence to a Tanzanian national and 41-year jail terms for two Kenyans found guilty of orchestrating the Garissa University terrorist attack. Source: Hiiraan Online
-
Garbahaarey (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa diniin u diray dadka u hoggaansama amarada ka soo baxa Al-Shabaab. Siraad ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali in awaamiirta Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cidkasta oo la macaamisha ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan Al-Shabaab ay digniin u direen Ergada soo dooratay Xildhibaanada BFS, una qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanad ar ka arrimyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo-1.mp3 View the full article
-
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in saacadaha soo socda ay ku sii jeedaan wufuud caalami ah. Weriyaha Goobjoog News ee Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wufuuddan oo ka kala socoto dalal badan oo Yurub iyo reer galbeedka ah ayaa lagu wadaa in lagu dhiirigeliyo dadaallada uu ra’iusl wasaare Khayre ka wado dowlad goboleedka Galmudug. Ra’isul wasaare Khayre ayaa ku sugan Galmudug muddo bil, waxaana lagu wadaa in dhowaan halkaasi la furo shir lagu dooranayo madaxda maamulka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Stephen Miller, a top White House adviser said to be the architect of the administration’s cruel anti-immigrant policies, went on Fox News Sunday to defend President Donald Trump’s latest round of racist and hypocritical attacks on congresswomen of color. The interview went rather poorly for him. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Maamulka gobolka Gedo ee dolwad goboleedka Jubbaland ayaa digniin adag u diray ergada soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolkaasi. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali in amarada Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo. Siraad ayaa tilmaamay in Ergada soo dooratay baarlamanaka ama cidkasta oo fulisa awaamiirta Al-Shabaab ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo waafasan sharciga. Sidoo kale wuxuu carabka ku duftay in Al-Shabaab uu dagaal kala dhexeeyo, islamarkaana ay iska qaban doonaan qof kasta oo la macaamisho, sida uu hadalka u dhigay. Amarka cusub ee ka soo baxay Jubbaland, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey ayaa wal waal ku sii ridaya Ergadii soo xushay Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliy, iyo kuwa maamul goboleedyada . Odayaashan ayaa waxaa horay amar culus u dul-dhigay Xooggaga Al-Shabaab oo u qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanada ay maamulaan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka. Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
US-based Islamic scholar Christopher Anzalone insists that most wanted terrorist within the Horn of Africa Abdulkadir Mumin is still alive despite reports about his alleged death. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (SMN) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sida aan wararka ku helnay wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tegi doono magaaladaasi. Sidoo kale waxaa ka mid ah wafdiga tagaya halkaasi xubno ka socda dalalka Mareykanka,, Talyaaniga Sweden, Jarmalka, Turkiga, Jabuuti iyo wadama kale. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdigani laga dareemayo halkaasi. Ujeedada safarka wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii ay ugu qeyb qadan lahaayeen dib u dhiska maamulka Galmudug. Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan madaxda maamulkaasi iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha ayaa la sheegay in loo soo xiray arrin ku aadan inuu ka biyo diiday dib u celinta lacag ay dowladda federaalka ku bixisay dhismaha Waddadaasi. Boosaaso. Puntland ayaa sidoo kale Khamiistii la soo dhaafay xirtay xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Arrintan ayaa salka ku heysa, kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddigaasi ay ka guddoomeen lacag ay xukuumadda federaalka Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso dhismaha ka socdo waddada Boosaaso. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in la sii daayo, islamarkaana uu dib loogu soo celiyo Xorriyadooda, balse weli kama aysan jawaabin baaqaasi madaxda sare ee Puntland. View the full article
-
Popular Contributors
