-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qoraal loo diray xildhibaannada golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu xiran yahay kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya. war qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka ayaa lagu xusay in maanta uu bilaawday fasixii golaha shacabka, golaha ayaana sheegay kalfadhiga maanta la xiray ayaa furmay 27-kii maarso 2019 waxaa uuna did u furmayaa 27-ka Setember 2019 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah. “Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, waa qorshaha horumarinta, marka laga hadlaayo qorsha horumarinta ee horumarinta bulshada bay inta badan xooggasaraan, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inta badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha. Qorshahan sida wasaaraddu cadaysay siyaasadda dowladdana ka mid ah, waxaan rabnaa inaan kuwii hore wax ka bedelno oo ku darno qaybta suurta gal ka ah ee dalka ka imaanaysa kuwaas oo laba qaybood ah tan dowladda iyo tan bulshada rayid ka”. “Waxaan u socono ugu dambayn waa inaan dadkeena adeegga ay u baahan yihiin aan siino, si adeegga ay u baahan yihiin dowladdu u siiso, waxay u baahan tahay dakhli ay qorshaysato oo ay markaas umadda u celiso, dakhliga dowladdu waxa uu ka yimaaddaa waa cashuuraha, haddii dhaqaalaha iyo dakhliga dalku horumarsanayn laftirkeeda meel ay dowladdu cashuur ka helayso majirto, ahmiyadda koowaad dowladdu waxay siinaysaa in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayaan suurta gelinaynaa, ka hor waxaan xoogga saaraynaa sidii loo horumarinlahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlaya habka dayn cafinta Soomaaliya loo marayo ayaa tilmaamay in laga hormariyo dayn cafinta qorshaha daynta lagu soo qaadanayo mar labaad si aanay sidii hore Soomaaliya ugu suntanaan, waxaana uu tilmamaay Madaxweynuhu in qorshe dhaba lagagaaro khayraadka magaca Soomaaliyeed lagu helo. “Haddaan habka dayn cafinta laga hormarin habkuu dalku u ekaanayo karka dayntaas laga cafiyo ama dib loogu dhigo, kadibna dayn soo qaato sidee u qorshaysanayaa? Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan dalka loofurin albaabadiisa inuu soo qaato lacag marlabaad ku suntanaan doonta Soomaaliya waa in laga heshiiyaa dhaqaalaha dalka soo gala oo aan ahayn midka si gaar ah loo siiyo, laakiin mid magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay oo ku noqonaaya daymihii hore ama deeq lasiiyey haddaan la ogeyn awoodaha lagu qaybinaayo, anagu ma oranayno qoondadaasaan rabnaa, balse waa inaan helnaa hab laga midaysan yahay maadaama dalku Federal yahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la taageero dadka dakhliga laga-helo, lana abuuro fursad ay ku helikaraan dakhli si dowladda dakhli usoo galo. “Qodobada muhiim ka ah ee qorshaha lagu daraayo waxaa kamid ah sidii dadka wax soo saarka leh loo kobcin lahaa, sidii loo kobcin lahaa dadka wax soosaarka Baddaleh, kuwa Xoolaha leh iyo kuwa beeraha leh, hadaynaan dakhli abuurin waxaan qorshaynayno waa iska-mala-awaal, qodobkaas wuxuu yahay qodob muhiim ah oo u baahan in wakhti la geliyo, waxaa kaloo muhim ah in qorshaha la samaynaayo lagu daro misaaniyadda horumarineed ee inaga soo gala inta laga filayo qiyaas ahaan hay’addaha, waxaanna soo jeedinaayaa in marka misaaniyadda la samaynaayo hay’addaha halkan jooga laga codsado miisaaniyaddooda ku talagal ka ah ee sanadlaha ah inay soo gudbiyaan, si gaar ah intay Puntland gelinayaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Daahfuray Bilawga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxa Xukuumadda Galmudug, ahna xubin ka tirsan hoggaanka sare ee Ahlu-sunna Waljamaaca, Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa shaki geliyay fulinta heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, waxaana uu su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisidda Galmudug. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, lana ogeysiiyay madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan, ayaa Villa Somalia looga dalbaday inay jawaab degdeg ka keento arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka. Qoraalka waxaa lagu sheegay in ay jiraan arrimo xadgudub ku ah heshiiskii labada dhinac, sida magacaabidda Taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiska, soo daabulidda Ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan Heshiiska iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aan ahayn ciidankii isku dhafka ahaa. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Ahlu-sunna oo ka shakisan in Villa Somalia uga baxday heshiiskii Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (SMN) – Golaha sharci dejinta waddanka Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan ku yeesheen xaruntooda magaaladda Nairobi ee xarunta dalkaasi. Ajendaha fadhigaasi ayaa waxa uu ahaa ka doodista dacwadda sanadkii 2014-kii ay Soomaaliya ka gudbisay xiisadda badda. Mudaneyaasha ayaa la sheegayaa dooda kadib ay qaraar kasoo saari doonan gal-dacwadeedkaasi oo horyaala Maxkamadda Cadaaladda Dunida. Xeer-beegtadda ICJ ayaa shaaca ka qaadey in ay bisha September dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi, kadibna ay soo saareyso go’aanka. Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysa xuduud dhul-badeed gaar ahaan goob badkeeda lagu qiyaasay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida shidaalka iyo gaaska. Xukuumadda Nairobi ayaa tan iyo xiligaasi waxay dalbaneysay in wada hadal lagu dhameeyo kiiskan, balse dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamadda. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Jubbaland ayaa shaaciyey in howlgalo ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo ay kusoo qabteen tobanaan ruux. Howlgaladda oo lagu sheegay kuwa ammaanka lagu xaqiijinayey ayaa si gaar ah uga dhacay degmadda Afmdow ee gobolka Jubadda Hoose. Taliyaha amniga degmadaasi ayaa shaaciyey in dhaqdhaaqyaddaasi looga hortagayo falal liddi ku nabad-gelyada oo ay Al-Shabaab geysato. Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay doonayaa in in doorashadda maamulkaasi ay ku qabsoonto si nabad ah. Doorashadda dowlad goboleedkaasi ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bishan August, iyadda oo ay haatan socdan soo xulista Xildhibaanada cusub. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa durbo su’aal ka keenay heshiiskii uu dhowaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ahlu-Sunna kula galay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir, lana ogeysiiyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ahlu-Sunna ay shaki weyn ka qabto dhaq dhaqaaqa dowladda federaalka ka wado gudaha Dhuusamareeb. Sidoo kale madaxa xukuumadda Galmudug ayaa ka dalbaday dowladda dhexe inay jawaab deg deg ah ka bixiso dhaq dhaqaaqyada haatan ka socda Dhuusamareeb oo uu sheegay in ay ka baxsan yihiin heshiiskii lagu gaaray magaaladaasi. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladdu ay ku xadgudubtay heshiiskii ay la galeen, sida magacaabida taliyeyaal ciidan aan ku jirin heshiiskooda, ku soo gurid ciidamo dheeraad ah oo ka baxsan heshiiskii, hadal heyn ah in ciidamo ajnabi iyo kuwa ka socda dowladda federaalka, howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan ciidankii isku dhafka ahaa. Ahlu-Sunna ayaa warkan waxaa kale oo ay ku sheegtay in aan weli la dalacsiin, islamarkaaana aan la sharciyeyn saraakiisheedii lagu daray kuwa dowladda. Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ka dalbaday inuu ka dhabeeyo heshiiska ay la galeen iyo ballan qaadyadii uu u sameeyey shacabka deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay suuqa bakaaraha ee Muqdisho ay ka geysteen fal dil ah. Goobjoogeyaal kala duwan oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyey in dableyda ay khaarijisay wiil dhalinyarro ahaa. Ragga hubeysan ayaa la tilmaamay in ay durba ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen, oo ay soo gaareen ciidamadda. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay dhacdadan oo laamaha ammaanka dowladda aysan wali ka hadlin. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saartay mas’uuliyadda falkan, oo imaanaya xili nabad-gelyadda ay soo hagaageyso. View the full article
-
Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa soo saaray warqad ay ku qoranyihin 6 qodob oo xadgudub ku ah heshiiskii Ahlu-sunna iyo DFS sida lagu xusay qoraalkaan. Warqadaan ayaa sidoo kale Ra’iisul Kheyre loogu baaqay in uu si deg deg ah I soo fara geliyo arimahaan, isla markaana xal laga gaaro. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) –Afhayeenka golaha shacabka ee BFS, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyey in la soo xiray kalfadhigii 5-aad ee golahaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Mursal oo ku taariikheysneyd 4-tii bishan August ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 5-aad uu soo xirmay 27-kii bishii hore ee July, sidaas darteedna ay fasax laba bilood ah ay galayaan Xildhibaanada golaha shacabka. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka uu furmi doonao 27-ka bisha September ee soo socota. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-07082019.mp3 View the full article
-
Somali delegation led by Somali Lower House Speaker, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman has traveled to South Africa to attend the conference of Speakers from African Parliaments. The speakers and other delegates were received at Jonesburg Airport by South African authorities. According to the South African government which is hosting the conference, the meeting is expected to kick off later today in Johannesburg with matters concerning enhancing co-operation between respective Parliaments in the continent, top on the agenda. The annual conference brings together Speakers from the Regional Economic Communities and the National Parliaments and is hosted by the Johannesburg based Pan-African Parliament (PAP). The conference seeks to provide progress on the implementation of the African Union decisions focusing on the development of the continent and will also address the refugee affairs. The conference will be concluded tomorrow with communiqué illustrating the points discussed during the meeting. View the full article
-
Presidential candidates for Jubbaland regional state of Somalia have set new conditions for polls to be free and fair ahead of the exercise later this month. The candidates who described themselves as the “Union for change in Jubbaland state” issued press statement following their meeting with IGAD envoy, Mohamed Guyo in Kismayo on Tuesday. The candidates set conditions that must be met for free, fair and transparent presidential elections. They demanded a parliamentary committee to manage the presidential election whereas neutral venue such as the UN compound to host the process to ensure transparency. The union of candidates also called upon the AMISOM troops to take over the security from local forces while demanding the presence of a representative from the federal government. They further stressed the presence of international observers as well as the local and international media for coverage. The incumbent President, Ahmed Mohamed Islam who was in power since the establishment of the state in 2013 is gearing up for re-election. Other Presidential candidates have blamed President Islam for using security as a pretext to lock them out in the campaign. View the full article
-
Xalka Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya Hordhac Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 July 2019 wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland:- Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow). Dr.Cali Siciid Fiqi. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli). Isla 18 July 2019, Somaliland oo ka jawaabeysa go’aankaa magacaabista Guddiga Qaran ayaa “gef siyaasadeed”. Isla markaana ay ka so saareen warsaxafedeed ay ku tilmaameyaan in xukuumada hada xilka Somaliya talada heysa aaney noqon karin mid wada hadal toos ah dhex mari karo somaliland. Madaama ay kula jiraan Somaliland dagaalo siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad ah. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska”. Waxa kale oo isla warsafadeeedkaas ku cad in Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya FAGAARE CAALAMIYA oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo” Qormadan waxaan si kooban uga hadli doonaa, caqabadaha hortaagan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo sida ugu haboon ee ay aheyd in ay ku galaan wada hadaladaasi si guul looga gaadho, loona helo xal waara Kulamada Wada-hadalada ee Qabsoomey iyo Natiijada Guud ee ka soo baxey Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxey Bilaabmeen June 20-21, 2012, shir ka dhacey London, oo layskula qaatey In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya si ay isula qeexaan mustaqbalkooda. Intaa wixii ka dambeeyey waxa u qabsoomey labada dhinac kulamo dhowr ah:- June 28, 2012 -Dubai April 13, 2013 – Istanbul July 7- 9, 2013 – Ankara January 16 -19, 2014 – Istanbul December 21, 2014 Djibouti iyo March 1-3, 2015 oo fashilmay Istanbul. Mudadaas ay wada hadaladu socdeen arimaha aad odhan karto way ugu muhiimsanayaan ee layskula qaatey waxa ka mid ahaa: Si wada jir ah loo cambaareeyo dhibaatooyin uu geystay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee Siyaas Barre, gaar ahaana u geystay ummada reer Somaliland; In loo wada hadlo si nabad ah. In hawada si wada jir ah loo maamulo, oo ay soo wareejiso UN oo hada gacanta ku heysa, isla markaana xafiiska laga furo Hargeysa; In leyska kaashado dhanka amniga iyo la dagalaalanka dambiyada abaabulan (argagaxisada iyo budhcad badeeda); iyo Qaybsiga deeqaha caalamiga ah. Waxa xusid mudan inaan laga wada hadal arinta ugu muhiimsan ee wada hadalada oo ah “Gooni isku taaga Somaliland”. Waxa kale oo wali lagu kala aragti duwan yahey asalka wada hadalada; dhanka Somaliya waxey ugu yeedhaan wada hadaladan iney tahey dadaal ay ugu jiraan midnimada umada Somaliya isla markaana ay rabaan inay dib u heshiisiiyaan Somaliya iyo Somaliland. Halka dhanka Somaliland looga yaqaan wada hadaladan iney yihiin kuwo keeni kara inay Somaliya ogolaato gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay aqoonsi ku kasban karaan. Fashilka wada hadalada March 1-3, 2015. Somaliland waxey ka baaqsatey kulan ka dhici lahaa Istanbul, Turkey. Iyadoo sababtu aheyd inaysan horfahdiisaneyn xubno ka socdo dowladda feredaalka oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland. Afar xubin oo ka tirsan wafdiga dowladda federaalka oo kala ah wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi, ayey Somaliland dalbadeen in laga saaro kullanka. Ka dib markii ay Somaliya arinkaas tix galin waydayna waxa istaagey wada hadaladii. Inkastoo dib la isku dayey inay furmaan wada hadaladu sida ku cad kulankii qabsoomey April 18-19, 2016 Ankara, Turkey. Hadana ma jirto wax wada hadal oo danbe oo suurto galey. Iyada oo muddo laga jooga wada hadalada hore ayaa sida bilowga qoraalkan ku xusan waxa uu Madaxweyne Farmaajo guddiga ka qayb gali doona wada hadaladan. Guddidaas inkasta oo ay wali ku jiraan xubno ka soo jeeda degaanada Somaliland oo aheyd arintii keentay inay wada hadaladi 2012 – 2015 socday istaajiyaan, hadana waxa ugu daran oo ku jiran xubno loo aaneenayo inay qayb ka ahaan xasuuqi gaar ka ee loo geystay Ummada reer Somaliland. Waxana ka mid ah Gen. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaaan Guulwade). Hadii aan dul istaago taariikhda Cabdiraxman Guulwade; wuxuu ahaa nin quraanka u dhigo Caruurta uu dhaley Siyaad Barre, hase yeeshee waxaa jeclaatey Gabar uu dhaley Siyaad barre, waanu guursadey, sidaana waxa sodog ugu noqdey Siyaad barre. Isla markiiba waxaa loo aasaasey ciidamo cusub oo lagu magacaabo Guulwada-yaasha oo dhar cagaaran qaata. Ciidankaas waqtigaas waxa loo isticmaaley dadka reer Waqooyiga ahaa (Somaliland), oo bilaawaabey kacdoon, waxa laga xusi karaa ardaydi Gubtay sawiradii Siyaad Barre, sababtuna waxey aheyd waxaa albaabada loo laabey Dekedii Berbera amar dowladeed, la soo rogey oo aheyd Dekedaha Muqdîsho iyo Boosaaso oo kaliya ayaa shaqeynaaya. Xiligaasi waxaa dhismo ka socdey dalka Sacuudi-carabiya, sidaas ay taheyna soomaalidii u dhoofi jirtey waxey ahaayeen reer waqooyi, waxeyna noqdeen dad yeeshey hantida raasumaalka ee wadanka oo dhan. Dowladdi Siyaas Bare waxey si hoose u qaadatey in la dagaalanto awooda dhaqaale ee dadka reer Waqooyi ah yeelanayan, waxeyna xidhay Dekada Berbera, sidoo kalena waxaa la mamnuucey qaadkii oo ahaa hantida ugu badan ay ka ganacsadaan. Hadaba ciidamada Guulwadayaasha ee uu haystay C/raxmaan –Guulwade waxey ahaayeen kuwa la dagaalama qaadkaas waxana uu xaraashey in ka badan 200 Gadiidkii qaadka keeni Jirey. Isaga oo isla markiiba ku qaatey darajada Major General. Dhibaato joogto ahna ku hayey dadka reer waqooyiga ah oo uu guryaha kala soo bixi jirey. C/rahmaan- Guulwade waxaa lagu sheegaa inuu ka qeybqaatey xasuuqii 17 – July 1989… ahaana saraakiishii hogaaminaysay ciidamo Jaziira ku geystay xasuuq ay ku laayeen 47 nin oo ka soo jeeday Somaliland. Hadaan halkaa kaga gudbo Cabdiraxman Guulwade oo Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa xeel dheere ah oo reer Somaliland ah uu ku qeexay in Cadbiraxman Guul-wade la hadla ay dadka reer Somaliland ula mid tahey Cali Samatar la hadla, oo saraakiishii xaquuqa idin geystay la hadla. Taasina xalka wada hadaladu maaha. Hadaba Guddida ay xubnahaasi ku jiraan wada hadalo midho dhal ah ma keeni karaan? Jawaabtu waa Maya! Hababka xalinta khilaafaadka Marka aynu eegno nidaamka xalinta khilafaadka ee heer caalami (international dispute settlement), waxa uu Dastuurka Qaramada Midoobey qodobka 2aad farqadiisa 3aad; bogaadinaya in muranada iyo khilaafaadka dhinacyadu ay ku xaliyaan hab amni ah. Hababka loo xaliya waa ay badan yihiin sida ku cad qodobka 33 farqadiisa 1aad ee isla Dastuurka Qaramada Midoobey, waxana ka mid ah; Wada Halado dhinacyada u dhaxeeya (Negotiation). In arinta laysku hayo gudi baadha loo saaro si ay xaqiiqada usoo helaan (Inquiry), Dhex dhexaadin dhinac saddexaad oo si toos ah uga qayb qaadanayo wada hadalada, door isku soo dhaweyn dhinacyadana ciyaaraya (Mediation), Guddi xaqiiqa Raadin ah ayaa loo saaraya, marka ay xaqiiqada sugaan, waxa sameynayan soo jeedin hababka arinakaas lagu muransan yahey lagu xalin karo (Conciliation), Guddi Garnaqiseed ayey dhinacyadu dooranayan ama Guddi garnaqiseed caalimi oo jira ayey dhinacyadu arinkooda u dhiibanayan si ay go’aan ugu soo saaran (Arbitration), Maxkamadd Caalimi ayey dhinacyadu u gudbinayaan khilaafkooda (Judicial Settlement), Xalka ka raadinayan gobalada ay ka tirsan yihiin dhinacyada is haya (Resort to Regional Agencies) Ama xalkii kale ee ay dhinacyadu isla gartaan ee ku dhisan hab nabadeed (Or Other Peaceful Means Of Their Choice) Shuruudaha looga bahanyahey dhinacyada wada hadlaya Si ay wada hadaladu u noqdaan qaar lagu guuleysto, waxa shardi u ah dhinacyada wada hadlaya inay la yimaadaan arimahan soo socda: In dhinacyada ay ka go’antahey inay diyaar u yihiin inay ka midho dhaliyaan wada hadalada ay galayaan (commitment); Inay la yimaadan dhinacyado niyad wanaag (Good Faith), amaba daacadnimo; Inay diyaar u yihiin inay khilaafkooda hab amni ku xalistaan (peaceful means); Inay diyaar u wada yihiin ka wada shaqeynta sidii xalka loo heli lahaa (cooperation) Wada Tashi dhamaan talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha xaga waqtiga, goobta, qodobada wada hadalada, xubnaha, IWM. Is taxgalin wixii wax ka badal ah ee dhinacyadu soo jeediyan in laga badalo wada hadalada, lagana wada shaqeeyo wixii isbadala ah ee ku yimaado nidaamka wada hadalada. Iyo Loo ogalaado cilmi baadhayaal iyo xeel dheerayaal xaga wada hadalada ah inay talo ku darsadaan nidaamka wada hadaladu u socdaan. Gunaanad Marka horeba waxa la yidhaah wada hadalada dhinacyada sida fool ka fool ka ah u dhex mara waa ay yartahey fursada guul lagaga gaadho. Caqadaha uu leeyahey awgeed, sida dhinacyadu ku guul dareystan inay isla sii dajiyaan qorshaha wada hadal iyo nidaamka ay raacayan; oo ay ka mid tahey in ajendaha leysla garan waayo, xubnaha uga qayb galaya kulamada oo khilaaf ka taagnaado sida hada jirta. Dhinacyada oo midkasta qorshihiisa gaarka ah wato waana tusaalaha nool ee had aka muuqata in ay kala fogyihin halka ay dhinacyada Somalialand iyo Somalia kala taaganyihiin ee kala ah “midnimadu umada Somaaliyeed waa muqadas” iyo “gooni isku taago waa muqadas”. Waxa kale oo caqabadaha ka mid ah inaaney jirin cid isku soo dhaweysa dhinacyada. Qodobka ugu daran ee guul darada ay leeyihiin wada hadalada fool ka fool ka ah ee dhinacyadu wuxuu yahey go’aanada ka soo baxa ma leh wax fulin ah, sida iminkaba dhacday ee arinta hawada in si wada jir ah looga maamulo hargeysa ee layskula qaatey kulankii 4aad ee ka dhacey Istanbul July 2013, ay somaliya si iskeed ah ugu baxday xafiiski maamulka hawada ay ka furtey Muqdisho. Sidaas darteed, waxa aan soo jeedin lahaa in laga guuro habkan wada hadaladu hada u socdaan ee fool ka fool ka ah ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya, oo la eego hababka kale ee ay ugu horeyso in ay doortaan cid dhexdhexaadisa oo isku soo jiida dhinacyada. Diyaariyey: ALI ODEY Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa goordhow gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah, iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday. Dad ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Shuhadada ee qeybta Cabdalla Shideeye ee Bakaaraha, islamarkaana rag ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen ninka xili uu halkaas ku sugnaa. Meydka marxuumka ayaa waxaa goobta ka qaaday dad shacab ah oo halkaas ka agdhawaa, waxaana durbo gooba ka baxsaday ragii fuliyay dilkaas. Wararka ayaa intaas ku daraya in wiilka la dilay uu ka mid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata sameynta mobeellada. Weli macada sababta loo dilay wiilkaasi dhalinyarada ahaa iyo dadka ka dambeeyay dilkiisa, waxaana goobta uu dilka ka dhaca gaaray ciidamo k atirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho oo toddobaadyadii ugu dambeeyey u muuqday inay sidii hore ka yaraadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Thai government announced this week that about 50 migrants have been detained on the beaches near Bossaso, Bari region. Thailand’s foreign ministry spokesman Busadee Santipitaks said Wednesday that Puntland authorities and the federal government have responded positively to a request by their embassy in Nairobi. “The officials of the Somali regional administration in Puntland have accepted the repatriation of these Thai workers and facilitated their repatriation,” said Santipitaks. According to the spokesman, the 50 were fishermen working with two boats, Marwan 1 and Marwan 2. Travel documents and travel tickets for Thai citizens are said to have been compiled and their travels will begin in the coming days, Bankok Post reports. View the full article
-
South Africa is hosting the annual retreat of speakers of parliament( of African nations), The Speaker of the federal government of Somalia his Hon Mohamed Mursal Shiekh Abdirahman headed a team of parliamentarians representing Somalia, they were well received by their South African colleagues in Johannesburg. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga sameeyey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u filiyey ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ee maamulkaasi. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Afmadow Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan u ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu soo qab qabtay rag lala xariirinayo Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Taliye Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay gaari doonaan deegaanada hoostaga degmada Afmadow, si ay uga saaraan dagaalyahannada Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka waday gobolka Jubbada Hoose, maadaama dhowaan doorasho ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dakhliga ka soo xarooday horyaalka dalka Ingiriiska ama Premier League ee sanadkii tagay waxaa uu ahaa ilaa £5.8 billion ($7.3 billion). Dakhliga ayaa ka yimid tikit-ka, waxyaabaha ay kooxaha soo saaraan sida funaanadaha iyo xuquuqda laga helo teleshinnada baahiya cayaaraha, waana dakhli ka badan GDP-ga 4 dal oo Afrikaan ah, waxaa kale uu ka badanyahay dakhliga GDP-ga Soomaaliya ee 2018-kii oo ahaa $6.2 billion. Faa’idada uu horyaalka soo-geliyo khasnadda dhaqaalaha dalkaasi waa $4 billion halka GDP-ga dalka Ingiriiska uu qeyb ahaan ka yahay $9.7 billion, waxaa ka shaqeysa 100 kun oo shaqaale oo joogt ah, intaas waxaa dheer awoodda dalkaasi ee cayaaraha, oo waxaa daawada in ka badan 1.3 billion oo qof oo dunida ku nool. Halkan waxaa ka cad in kubadda ay aaney aheyn cayaar uun, ee ay isku badashay ganacsi, weliba faa’ido kale. Dalkeena Soomaaliya, cayaaraha waxaa loo heystaa uun isdhexgal iyo madadaalo, welina ma gaarin in loo badalo ganacsi. Dowladda federaalka ah, oo ay matasho wasiirka cayaaraha iyo dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye 2 sano iyo bar oo ay xafiiska joogtay waxbo kuma soo kordhin cayaaraha dalka, lamana socoto heerarka kala duwan, gobollada waxa ka socda, mana taageerto sportiga guud ahaan, iyada oo aaney jirin wax istaatiijiyad ah oo wasaaradeeda uga aadan horumarinta cayaaraha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The Thai government announced this week that about 50 migrants have been detained on the beaches near Bossaso, Bari region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay doonayaan in ay noqdaan garab siyaasadeed oo awood leh, kadib wareysi uu siiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Francisco Madeira ayaa sheegay in iyaga oo adeegsanaya Islaamka oo ah Diin wanaagsan ay qorsheynayaan tallaabo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. “Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah.” ayuu yiri Ambassador Madeira. Wuxuu intaasi ku daray in aysan si foolka fool ah Al-Shabaab ula dagaalami karin AMISOM, balse ay adeegsadaan kaliya taatikada dagaalka ee Jabhadeynta. Dhinaca kale ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay doorka ciidamada dowladd Kenya ay ku leeyihiin dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Madeira ayaa xusay in ciidanka Kenya ay fureen waddooyin in muddo ah u go’doonsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka gobollada Jubbooyinka Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamadaasi, sida ay uga hortagaan weerarada ay geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Ugu dambeyn waxa uu uga mahadceliyey dowladda Kenya sida ay uga qeyb qaadaneyso dadaallada la doonayo lagu nabadeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
If a single drought is classified as an environmental bullet, what is facing Somaliland in the Horn of Africa is rapid machine-gun fire. The increasingly aggressive antagonist is global heating. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa shaacisay in hub lagu dagaalamayo Al-Shabaab iyo tallaabo adag ay ka qaadeyso odayaashii fuliyey amarkii ka soo baxay ee dhowaan tagay deegaanada ay ka arrimiso. Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan odayaashaasi, islamarkaana ay dhigi doonaan xabsiga muddo lix bilood ah. Wuxuu tilmaamay in lagu ganaaxi doono mid kasta in uu keeno labo qoray, sidoo kalena lagala noqon doono kalsoonida odaynimo, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa xusay in aan loo dul qaadan doonin dadka la xariira ama la macaamila Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaasi. Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay illaa 80 oday dhaqameedn oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
