Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (PP) ─ Ciidamada booliiska maamulka Koofur-Galbeed ayaa u tabaaxay xabsiga dhowr oday-dhaqameed oo ka mid ahaa ergadii horay u soo xulay xildhibaannada maamulkaas ku matala dowladda Federaalka Somalia, kuwaasoo la sheegay inay tageen goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada maamulkaas. Taliyaha Booliiska KG Somalia, Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay inay hay’adaha amniga gacanta ku dhigeen odayaal kasoo laabtay Al-shabaab, kuwaasoo u muuqda inay fulinayeen amar dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-shabaab oo ahaa inay is-diiwaan-geliyaan si loo cafiyo. Col. Mahad C/raxmaan ayaa kulan uu la qaatay odayaasha Baydhaba uga dalbaday inaysan tagin meelaha ay ka taliyaan Al-shabaab, isagoo xusay in odaygii lagu helo inuu goobahaas tagay uu mudan doono ciqaab sharci oo adag. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in odayaasha ay uga digeen inay qaataan amarrada kooxda Al-shabaab oo uu sheegay inay cabsi gelinayaan oday-dhaqameedyadii soo xulay xildhibaannada, isagoo xusay in tallaabadaas ay ahayd mid waajib ah oo kaga shaqeynayeen horumarka dalkooda. “Al-shabaab waxay doonaysaa inay odayaasha cabsi-geliso, waxaana hubaa in odayaasha ay sameeyeen arrin dastuuri ah oo xaq loogu leeyahay, mana jirto sabab loo handado,” ayuu hadalkiisa ku daray taliye Mahad C/raxmaan oo xarigga kaddib la hadlay warbaahinta. Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab ayaa 15-kii bishan lagu jiro waxaa amar ay soo saareen ay odayaasha soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Somalia ugu qabteen 45-casho inay isaga diiwaan-geliyaan meelaha ay ka taliyaan si loo cafiyo dambi ay sheegeen inay galeen. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa ku hanjabay in odaygii aan qaadan amarka ay soo saareen muddo toddobaadyo ku siman uu wajahayo sharciga sida ay sheegeen inuu ka mid noqon karo in toogasho ay ku dilaan, taasoo odayaasha gelisay cabsi weyn. PUNTLAND POST The post Magaalada Baydhabo oo lagu xiray odayaal tagay goobaha ay ka taliso Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaaciyey in qaar ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay fuliyeen amarkii ka soo baxay Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka qaarkood ay tageen deegaanada Al-Shabaab, kuwa kalena ay ka biyo diideen amarkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa amar culus dul-dhigay Ergada, gaar ahaan kuwii qaatay amarka Al-Shabaab wuxuuna tilmaamay in ay ka qaadi doonaan tallaabo culus, islamarkaana ay dhigi doonaan xabsiga hadii ay ku soo laabtaan deegaanada maamulkaasi. “Ergada loo yeeray qaar waa ay diideen qaarna waa ay ogolaadeen, kuwii ogolaaday, waxaana leeyahay magalada Baydhabo ku soo noqon meysaan Shabaab baa tihiin, haddii aad soo laabataana Xabsiga ayaan idin dhigeynaa.” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in amarkan Al-Shabaab ay ka leeyihiin labo u jeedo oo kala ah inay lacag ka qaadaan ergada ama in ay u iibiyaan Hub ay ku dagaalamaan. 15-kii bishan ayey aheyd markii xooggaga Al-Shabaab ay 45 cisho ah u qabteen Odayaashii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka, kadib markii ay sheegeen inay ku dhaceen fal Gaalnimo ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  3. Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR Xafiiskeeda Dhadhaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxootiga Dhadhaab iyo tirada dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday gaartayna meeshii ugu hoosaysay abid. Warbxin Billa ah oo ka soo baxday Xafiiska UNHCR Dhadhaab qeybtiisa Saxaafadda iyo arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in tirada Dadka ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee Xarar dheer, Dhagaxleey iyo Ifo ay gaarayaan 2010,475 Qof, oo Boqolkiiba %57 ka mid ah waa Carruur gaartay heerka waxbarshada Iskuullada, 62,610 Carruur ah ayaa dhigata Dugsiyada 49% ka mid ah ayaa aadda xarumaha waxbarshada halka inta dhimanna sababa aan la cayimin darteed anay Iskuullada ku biirin. Hay’adda Qaxootiga Adduunka ayaa warbxinteeda ku sheegtay in laga soo billaabo Bishii Disembar Sanaddii 2014-kii ay Soomaaliya si iskood ah ugu laabteen Qaxooti gaaraya 80,368 Qof barnaamijkaas oo ay fuliyeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya hay’adda UNHCR. UNHCR ayaa sheegtay in ay hoos u dhacday dhaqaalihii ay Qaxootiga siin jireen deeq bixiyayaasha Caalamka isla markaana ay hadda helayaan oo keliya 30% qarashaadkii ay u baahnaayeen. Xerada Qaxootiga ee Kambi Cows ayaa la xiray 31-kii Maarso 2017 halka Xearada Ifo-2 la xiray 31-kii Maajo 2018 waxaana Labadooduba si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Kenya 21-ka Juun 2019. Hay’adda ayaan warbixinteeda ku xusin Qaxootiga aan Diiwaan gashanayn ee ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo waxyaabaha ugu qorsheysan iyadoo sheegtay in tirada Qaxootiga ay marba marka ka dambeysa sii yaraaneyso. PUNTLAND POST The post Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab oo si aada hoos ugu dhacay appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Jeneral Cabdalla Cabdalla ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ku qirtay in xubno Al-Shabaab ay ku dhex jiraan dowladda. Cabdalla Cabdalla ayaa isaga oo tixraacaya qoraal ay arrintan ka sameysay Caasimada Online, waxa uu boggiisa twitter-ka soo dhigay inay la yaab tahay in madaxweynaha uu arrintan hadda un qirto, xilli uu caddeynteeda haystay laba sano ka hor. “Waa arrin lala yaabo, laba sano ka hor ayaa Farmaajo gacanta loo galiyay liiska Al-Shabaabka dowladda ku jira. Wixii maalintaas ka dambeeyay waxaa muuqatay in Farmaajo raali ka yahay maadama uusan tallabo qaadin.” Ayuu yiri Cabdalla Cabdalla. “Bal aan aragno mar kale madaxweynaha tallaabada uu qaado?! dacadnimo haday jirto.” Ayuu sii raaciyey. Cabdalla Cabdalla ayaa dhinaca kale sheegay in “Al-Shababka dowladda ku dhex jira ay muujiyeen sida ay ula wareegeen amniga magaalada Muqdisho.” “Waxay maraysaa maxaa nalaga qaadi karaa? Yaase wax ka qaadi kara?, Haddii madaxweyne lawaayay, dalku baarlaman maleh miyaa? Meeye Guddoomiyasaashii labada aqal?” ayuu yiri. Xafiiska Farmaajo oo arrintan wax ka weydiinay way diideen inay jawaab ka bixiyaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin kadib qaraxii xarunta gobolka yiri “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. The Akasha drug gang's brutal and murderous methods, as well as their links with alShabaab have been laid bare in a court in the US. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa iyo hadda xogta la hayo waxay sheegeysaa in weerarkii xarunta gobolka Banaadir ay fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in Gabadha weerarka fulisay ay gacan ku siisay gabar kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay. Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baarin oo albaab gaar ah ka soo gala gobalka Banaadir. Dad badan ayaan muuqaal ahaan arkin gabadhan, waxaana helnay wareysi ay ku dhowaad sanad ka hor siisay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii loo magacaabay xilka agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir. Hoos ka daawo wareysiga Basiira Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. The political battle pitting the Somalia federal government against Jubbaland state appeared to worsen this week after Jubbaland President Ahmed Islam Madobe announced he had “suspended” co-operation with Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  8. Turkey has drilled a total of 505 water wells in Africa to provide clean water to millions of people, according to the country’s Agriculture and Forestry Ministry. Source: Hiiraan Online
  9. CAIRO, July 27 (Xinhua) -- Egypt condemned on Saturday the recent deadly terrorist attack that targeted the offices of the mayor of Somalia's capital Mogadishu, the Egyptian Foreign Ministry said in a statement. Source: Hiiraan Online
  10. House Speaker Nancy Pelosi announced on Friday that she would lead a U.S. congressional delegation to Ghana and visit the U.S. Army Africa headquarters in Italy next week. Source: Hiiraan Online
  11. In February 2011, following unrest in Tunisia and Egypt in the early days of the so-called Arab Spring, opposition demonstrators took to the streets of the Bahraini capital, Manama. Source: Hiiraan Online
  12. The sight of Kenya's all-female motorbike gang, the Inked Sisterhood, often shocks people in the socially conservative East African nation. Source: Hiiraan Online
  13. Traders in the local cattle market located in Sharjah have been advising early customers of sacrificial animals for Eid Al Adha to wait till next week as the shipment of livestock from India arriving soon. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa inay xabsiga ka saarto Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, una wareejiso xabsi guri, sida ay ilo-wareedyo ku dhow wadaadka u sheegeen Caasimada Online. Roobow ayaa ku jira xabsi ku dhex yaalla xarunta hay’adda nabad-sugidda ee Habar Khadiijo, oo lagu hayey tan iyo markii laga soo xiray magaalada Baydhaba bishii 13-kii December ee 2018. Sababta xabsiga guriga loogu wareejinayo Roobow ayaa lagu sheegay in dadka isaga ku dhow ay ka walaacsan yihiin inuu u baylahan yahay in Al-Shabaab ay ku dhex beegsato xabsiga, waxayna dalabanayaan in lasii dayao. Waxaa sidoo kale jirta in xaaladda caafimaad ee Roobow aysan wanaagsaneyn bilihii dhowaa, waxaana la rumeysan yahay in xabsiga guriga uu uga wanaagsan yahay xabsiga caadiga ah. Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa 24-kii June laga soo saaray Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku qaatay muddo 5 habeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka iyo eheladiisa. Abuu Mansuur ayaa ka xanuunsanaya Kiliyaha waxaana la sheegay in uu aad u dhamaaday islamarkaana ay ka sii dareyso xaaladda Caafimaad. Dhaqaatiirta Isbitaalka Digfeer ayaa ku taliyay in Sheekh Mukhtaar loo qaado dibadda si loogu soo daweeyo. Waxay markaas ahayd waqtigii labaad oo muddo ka yar 40 cesho Isbitaal la dhigo Abuu Mansuur. Bartimihii ramadaanka ayaa sidoo kale Roobow la dhigay Isbitalka. Mukhtaar Roobow, waa adag tahay in dal walba loo qaado sida wadamada Caafimaadka ku wanaagsan sida Hindiya iyo Germany balse waxaa la filayaa in loo qaado Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo dalka Qatar oo aad u taageera Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Ankara (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Ambassador Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guryo iyo dhul ka iibsaday magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah. Caasimada Online ayaa ogaatay in dhowr bilood ka hor uu Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaaan Guri wayn uu ka iibsaday magaalada Ankara ee Xarunta dalka Turkiga waxaana la sheegay in uu yahay gurigii 2-aad ee uu ka iibsado Turkiga. Gurigaan oo ka kooban dhismo casri ah iyo dhulka uu ku yaalo ayaa sidoo kale leh beer lagu nasto iyo Baraag lagu qubeysto, waxaana lagu tirayaa guryaha dadka sar sare ay dagaan. Turkiga waxaa lagu tiriyaa dalalka ay aad u hooseyso qiimaha noolasha ama qarashka ku baxa, waxaana ku soo badanaya shaqsiyaadka Soomaalid ah ee halkaas degaanka ka dhiganaya islamarkaana ka iibsanayo Guryo. Guryahaan ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo iibiyay bilo kadib markii laga soo laabtay buuq iyo guuxii siyaasadeed ee ka dhashay Warbixintii Guddiga Maaliyadda taas oo sababtay Khilaafka Madaxda Dowladda Markii dambane lagu xaliyay in uu tanaasulay Guddoomiye Mursal. Iskuday aan kula xiriirnay xafiiska Mursal, si ay jawaab uga bixiyaan nooma suurta-gelin inaan helno. Haddii ay nala soo xiriiraan si ay uga jawaabaan arrintan waan idinla soo socodsiin doonnaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo, ee u dhexeyay Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dagaalkii saaka ka dib ay dagantahay xaalada guud ee deegaankii lagu dagaalamay, isagoona xusay in dadaalo ay wadaan Mas’uuliyiinta xukuumada iyo odayaasha gobolkaasi. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dib u bilowdeen oo meel fiican ay mareyaan wada-hadalada u socda Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare, isla markaana arrinta lagu dhameyn doono jawi nabadeed. Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Saaka xoog bey xiisadu u kacday ilaahay mahadii wey dagantahay himika, odayaashi, taliyayaashii ciidamada, badhasaabkii halkii bey ka wadaan waxay ku soo noqotay arrintii nabada ee wada-hadalka, taasina waa ilaahay mahadii”. “Arrinta maanta ka taagan Sanaag, wey dhamaan doonta sidan hore u sheegay, nabadna wey ku dhamaaneysa, wax walba waqti ayey leeyihiin, midhaha geedku markay bislaadan iyaga soo dhaca, iyadoo cidina soo goyn, dadka nabadu waqti baa la siiya, qof-walba waa dhageysta waqti bey qaadata weyna daal badantahay, laakiin taladu iyadoo fiican oo bislaatay soo gu’i doonta”. Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu xukuumad ahaan, annaga oo aan sharciga dalkana ku xad-gudbaynin waxannu diyaar u nahay in wax kasta oo xaggayaga dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ahba aannu u fulinno oo dabcinno kaliya wixii sharci ah ee aan la dhaafi karaynin mooyaane”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Afhayeenka jabhadda dulmi diidka Somaliland ayaa caawa warbaahinta mar uu la hadlayey faahfaahin dheerad ah waxa uu ka bixiyey dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay [...] Source
  18. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xog cusub ka heshay xiisadda cusub ee u dhaxeysa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo kooxda Ahlu-Sunna, xilli la rumeysnaa in ra’iisul wasaaraha uu soo afjaray dhibaatadii Galmudug. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in waxa ugu weyn la isku hayo ay tahay 35 xildhibaan oo Ahlu-Sunna ay dooneyso inay ku yeelato baarlamanka cusub ee Galmudug. Arrintan ayaa waxaa la sheegay inay hore isugu afgarteen ra’iisul wasaaraha iyo Macallin Maxamuud oo ah hoggaamiyaha Ahlu-Sunna. Si kastaba, inta badan beelaha Galmudug ayaa ku gacan seeray in xildhibaanadooda la hoos geeyo Ahlu-Sunna, waxayna dalbadeen in ay beel ahaan u qaataan. Ra’iisul wasaaraha oo markii hore raali ka ahaa in Ahlu-Sunna ay maamusho 35 xildhibaan, balse qaab beel ahaan ay u qeybisyo, ayaa beddelay mowqifkiisa kadib markii uu ogaaday inay sii kordhayaan beelaha diidan arrintan, xilli markii horeba ay dhowr beelood diidanaayeen. Kheyre si rasmi ah uma diidin dalabka Ahlu-Sunna, balse wuxuu isku dayayaa inuu maaweeleeyo ilaa shirka Galmudug, hase yeehsee Ahlu-Sunna ayaa dalbatay in heshiiska qodobkan si rasmi ah loo saxiixo, islamarkaana beesha caalamka ay marqaati ka noqoto Ahlu-Sunna ayaa rumeysan in haddii ay soo xusho 35 ka mid ah xildhibaanada Galmudug ay maamuli doonto doorashada, islamarkaana xaqiijin karto in madaxweyne uu noqdo qofka ay ayada dooneyso. Dowladda ayaa maanta isku dayday in ciidamo dheeraad ah la geeyo Dhuusomareeb si ay awoodda halkaas ugu qabsato Ahlu-Sunna, hase yeeshee Ahlu-Sunna oo ka war heshay ayaa ciidan badan gaysay garoonka, kana hortagtay isku daygan. Xiisadda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana arrintan ku jira wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Sabriyem, oo isku dayaya inuu isku soo dhoweeyo Kheyre iyo Macallin Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
  19. Halkani guji ….. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xaqiijisay in uu geeriyooday mid ka mid dhaawacyadii loo qaaday Magaalada Dooxa ee Qatar. Maxamed Cusmaan Cali ayaa Galabta ku geeriyooday isbitaalkii Xaaladdiisa Caafimaad lagula Tacaalayay. Sidoo kale, waxaa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Cabdalla Caaqil oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dhaawaca daran uu ka soo gaaray qarixii xoogganaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha Aqalka dowladda Hoose. Marxuumka oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Xoghaya guud ee Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq, ayaa kamid ahaa dadkii ugu darnaa dhaawacyada xun ay ka soo gaareen qaraxa, waxaana suura gali weysay in loo qaado dalka Qatar. Qaar kamid ah eheladiisa, ayaa Warbaahinta u sheegay in Maxamed Cabdalla Caaqil ku xirnaa Ogsajiin, taasoo suura galin weysay in mar qura laga furo, si uu qeyb uga noqdo mas’uuliyiintii dalka laga dhoofiyay Khamiistii. Waxa uu noqonayaa mas’uulkii 8-aad inta la xaqiijiyay ee gobolka Banaadir uga geeriyootay qaraxa oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Shabaab, wallow bartilmaameedka weerarka ay ku micneeyeen inuu ahaa James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobe, kaasoo Saacad kahor goobta isaga tagay. Waxaa hore loo xaqiijiyay geerida Gudoomiye-yaasha Degmooyinka C/casiis, Shangaani iyo Waaberi, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/laahi Dheere, Abukaate Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa La-taliyihii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye, halka ay ku dhaawacmeen masuuliyiin uu ugu sareeyo Duqa Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Al Hajji Hussein Gouled Stadium ee dalka Jabuuti ayaa marti geliyay kulan ciyaareed xiiso badan uu u dhaxeeyay xulka dalkeena Soomaaliya iyo wadanka Uganda waxayna ciyaartan ka tirsaneyd tartanka African Nations Championship 2019 (Chan). Qeybta 1-aad labada dal ayaa dadkii kasoo qeyb galay kulankan usoo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,inkastoo xidigaha xulkeena ay sameeyeen fursado badan oo goolal ah,balse dhamaadka qeybta kowaad garsooraha reer Itooobiya ayaa xulka Uganda u dhigay gool laad waxaana u dhaliyay weeraryahankooda Patrick Kaddu. Markii leysku soo laabtay dheesha wiilasha xulka Uganda ayaa helay goolkii 2-aad waxaana Daqiiqadii 64-aad kubbadd laad xor ah am (Free Kick) dhaliyay Kizza Mustafa,Daqiiqadii 83- xulka Uganda ayaa dhaliyay goolkii 3-aad waxaana u dhaliyay Taddeo Lwanga. Dhamaadkii kulanka laacibka kooxda Horseed Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) ayaa fursad uu ka shaqeeyay waxaa gool qurux badan u badalay isla xidiga naadiga Horseed Farxaan Maxamed Axmed wuxuuna kulanka kusoo idlaaday 3-1 oo ay guusha ku qaateen xidigaha xulka Uganda. “Ma garanayo waxa aan u sheego taageerayaasha dalkayga,balse kaliya waxaan lee nahay naga raali noqdo wixii Allah inoo qoray ayaan helnay waxaa ku da’daalaynaa kulan xiga aan Uganda kula dheelayno gurigooda” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay katanka xulka qaranka Soomaaliya Cabdicasiis Catoosh. Safka Xulka Qaranka Lagu Soo Bilaaway Gool Haye-Mustaf Maxamed Yuusuf (Heegan) Daafacyada-CabdiWali CabdiRaxmaan (Dekedda),Ayman Maxamed Xuseen (Midnimo) Siid Cali Baana (Dekedda),Noor Cali Xasan (Horseed) Qadka Dhexe-Ibraahim Cabdi Maxamed (Horseed),Feysal Axmed Xasan (Muqdisho City Club),Cumar Xaaji Baanow (Heegan) Weerarka-Feysal Xasan Xaashi (Dekedda),CabdiMajiid Cusmaan (Dekedda),Mahad Cabdqaadir (Jeenyo) Si kastaba xulalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa 02-08-2019 ku dheelaya magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaana xidiagaha xulka looga fadhiyaan in ay iska dhaqaan ceebtan. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com