Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dawlada federaalka ah ee Somaliya ayaa qalinka ku duugtay mashruuc ballaadhan oo waxbarasho kaasi oo ku kacaya 67.5milyan qaybta Somaliland oo doraad Hargaysa lagu qabtay. Mashruucan oo looga faa’idayn doono 400. 000 oo qof oo caruur ubadan waxaana laga fulinayaa Somaliya oo idil oo ay ku jirto Somaliland, sida sawirada ka muuqada magaalada Muqdisho waxa heshiiskan qalinka lagu duugay 11/7/2019 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah, sida wasiirka waxbarashada ee dawlada Federaalka Somaliya sheegay Cabdilaahi qodox Barre. Waxaana mashruucan fulintiisa iska kaashanaya dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot wait iyo Adventist developing and relieve agent. Dhinaca kale waxa Somaliland masuul uga ah dawlada Federaalka iyo Hay’adda Education Cannot Wait iyo gabadh uu dhaliyay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan. Waxa Mashruucana shalay Hargaysa ku daahfuray Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo ay hareer Fadhido gabadha uu dhalay gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan, Saynab Saleebaan, Hadaba Arintan ay gabadhani ka soo saxeexday dawlada Somaliya maxaa keenay in adhigii Somalilandna uu sucuudiga ugu xanib naado saxeexa Dawlada Somaliya oo xukuumada Somaliland diiday? Source
  2. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyagoo ka wada hadli doona arrimo dhowr ah oo la xiriira Hirshabeelle iyo Galmudug ku saabsan. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne oo ay ka jirtay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, waxaana dhowaan Beledweyne gaaray wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah. Warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu tagi doono Beledweyne, si uu qeyb uga noqdo dadaalada lagu xalinayo xiisadda ka jirtay, balse arrimo ka jiray Galmudug darteed uu uga baaqday, isla markaana uu taleefano kula hadlay dhinacyada ku sugnaa Beledweyne. Maamulka Hirshabeelle ayaa ka mid ah maamulada taabacsan dowladda Federaalka, iyagoo horay isaga baxay sanadkii hore isbaheysigii maamul goboleedyada, kaddib cadaadis uga yimid dowladda Dhexe. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska Dhuusamabreeb Caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Dagaalkii ay dhawaan dawladda Soomaaliya ku qaaday dawladda Guinea ee ka dhanka ahaa socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalkaas, waxa ay banaanka soo dhigtay heerka uu gaadhsiisanyahay dagaalka ay dawladda Farmaajo ku hayso siyaasadda dibadda ee Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa markii uu ka soo laabtay socdaalka Guinea wuxuu sheegay inay dhawaan booqan doonaan dalal kale oo aanu magacaabin. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad ayaa sheegay inaanay dawladaha dunida ka ogolaan doonin inay Madaxweynaha Somaliland qaabilaan, iyagoo siinaya maamuus dhammaystiran. Balse wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamed Faratoon ayaa ka jawaabay oo yidhi “Arintaas waxaanu u aragnaa inay tahay mid ay maangaabnimo iyo aragti la’aan ay ku dheehantahay oo aad moodo inay aaminsanyihiin oo ay ku qanacsan yihiin in ay Somaliland u xidhan tahay nasiib darana waxaaba laga yaabaa in aanay ogaynba oo aanay horeba u dareensanayn oo ay imika ku hanbabareen in Somaliland ay dalal badan cilaaqaad la leedahay Afrika,Bariga dhaxe iyo Yuruba oo meel walba ka jira,oo meel walba lagu soo dhaweeyay oo baratakoolkii ay u baahnayd ay heshay, waxaanu rabnaa in aanay Somaliland horena ugu xidhnayn imikana aanay u xidhnaanayn hdadii ay sidaas u dhaqmaana inay dalal badan oo Afrika iyo caalamkaba ah ay ku kala tagayaan oo cilaaqaadkoodu sidaas ku baaba’aayo.” Haddaba, waxa la wada sugayaa halka uu ku dambeeyo dagaalka u dhexeeyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo ee siyaasadda dibadda ee Somaliland. Waxa ay dad badani sugayaan bal dalka uu Madaxweyne Biixi booqon doono socdaalkiisa ku xiga socdaalkan Guinea iyo heerka loo qaabilo iyo jawaabta uu Farmaajo ka bixin doono. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Warar lagu kalsoon yahay oo na soo gaadhaya ayaa daaha ka rogay in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiiradda Deegaanka Somaliland ay isku khilaafeen Qadiyadda Kornayl Caarre. Wasiiraddan oo sida warkani nagu soo gaadhay ku kulmay madal uu Madaxweyne Biixi fadhiyay oo lagu soo hadal qaaday, islamarkaana lagu lafa gurayay Arinta Jabhadda Kornayl Caarre ayaa hadalo kulul iskugu jawaabay kuwaasi oo dareenkii fadhiga wax ka badelay. Xogaha na gaadhaya ayaa sheegay in Marka hore uu Wasiir Maxamed kaahin oo ka hadlayay Jabhadda Kornayl Caare uu Caarre ku tilmaamay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Dawladda Soomaaliya ee Farmaajo islamarkaana uu Halkaasi kasoo dab iyo Mushahar qaato, arintaasi oo uu ku soo daray hadal guud oo uu madasha ka jeediyay. Waxa arintaasi si gaar ah uga cadhootay oo islamarkiiba sida warkani nagu soo gaadhay ka jawaabtay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Ismaaciil Baandare oo ay isku deegaanka kasoo wada jeedaan Kornayl Caare. Waxay ka difaacday Caarre arinta Wasiir kaahin, Waxaana ay sheeegtay inaanay waxaasi waxba ka jirin ee uu Caare yahay nin muwaadin ah oo Somaliland jecel oo duday oo cabanaya islamarkaana cadaalad daro tirsanaya, noocay doonto hanoqotee, waxaanay meel adag ka istaagtay inaan arinta sidaasi loo dhigin iyadoo ka digtay dooda Wasiir Maxamed Kaahin inay fidmo kale sii abuurto. Wararka Foore helay ayaa sheegaya in madashaasi buuq iyo qaylo isku badeshay islamarkaana ay wasiiradda goobta fadhiyay qaab deegaan ula kala safteen Labada Wasiir ee haddalku ka taag taagmay. Source
  5. (SLT-Washington)-Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay. In ka badan 2,000 oo qof oo sharci darro ah ayaa ololahan lagu beegsanayaa kuwaasi oo la filayo in la mastaafuriyo. Ku simaha madaxa hey’adda socdaalka iyo ilaalada xuduudaha ee maraykanka Matt Albence ayaa sheegay in ay beegsanayaan shaqsiyaad gaar ah oo maxkamadaha ku lahaa balamo la xiriira codsigooda magan galyo doon, kuwaasi oo qaadiyadda maxkamadaha ee arimaha soo galootigu ay diideen kiiskooda. Matt Albence, ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo ku meesha ay ka bilaabeen dadkaa la soo qabqabanayo iyo sidoo kale tirada dadka ay soo qabteen ilaa hadda. Waxa kor u sii kacday cabsida ay qabaan dadka soo galootiga ah ee ku nool magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka, kuwaasi oo ay askartu xoog ku galeyso albaabadooda xaafadaha ay ku noolyihiin. Source
  6. (SLT- Bareeda)-Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul-gariir. Khubarrada dhinaca Dhul-gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul-gariirkaas cabbirkiisu uu ahaa 5.0magnitude . Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland. Dhul-gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM. Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah, waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah. Source
  7. Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo badda Cas, islamarkaana ku yaalla bariga fog ee Puntland sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka. Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi bari ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka bari kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah. Meesha lagu qiyaasay in uu dhul-gariirkaasi ruxay, ayaa waxaa ku beegan buuraley miibac oo ku yaalla inta u dhexaysa gacanka GARDAFU iyo degmada Qandala ee gobolka bari, inkastoo aan weli xog sugan laga helin, marka laga reebo warka ay soo saartay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka. Degmada Bareeda ee GARDAFU’, waa degmada masaafo ahaan ugu fog degmooyinka Puntland, marka laga cabbiro magaalada Garoowe, waxaana ay caasimadda u jirtaa 1556km. PUNTLAND POST The post Dhul gariir ku dhuftay bariga fog ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lagu eedeeyay in ereyo ay cunsurinimo ku jirto ku weeraray afar dumar ah oo ka tirsan Congresska Maraykanka isag oo ku tilmaamay in aanay ahayn Maraykan dhalad ah. Warkan ka soo yeedhay Trump ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestey siyaasiyiin badan oo ay ka mid tahay afhayeenka Aqalka Wakiilada Nancy Pelosi iyo weliba qaar kamid ah musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga. Trump ayaa haweenkan oo ay ku jirto Ilhan Cumar ku tilmaamay inay ka soo jeedaan wadamo burbursan oo uu qalalaase ka jiro waxana uu ugu baaqay inay wadamadooda dib ugu laabtaan. Saddex ka mid ah afartooda, oo kala ah Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley ayaa ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay iyadoo yar tagtay Mareykanka. Trump ayaa hadalkiisii sii raaciyay in afhayeenka Aqalka Congresska ay ku farxi doonto ayna si dhaqso ah dumarkaas ugu diyaariso safarkooda bilaashka ah. Hase yeeshee, Nancy Pelosi ayaa si weyn u cambaareysay hadalka kasoo yeedhay madaxweyne Trump, halka Rashida Tlaib ay jawaabteeda Twitter-ka iyadana ku sheegtay baaq ay ku jeedisay in xilka laga qaado Mr Trump. Ilhaan Cumar oo galinkii dambe ee maanta kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”. Source
  9. Bareeda (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas xalay fiidkii laga dareemay dhul Gariir. Khubarrada dhinaca Dhul Gariirka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dhul Gariirkaas cabbirkiisu ahaa 5.0magnitude . Meelaha Dhul Gariirkan xalay laga dareemay waxaa ka mid ah Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari oo ku taalla Xeebta Gobolka Bari ee Puntland. Dhul Gariirkan xalay ku dhuftay Gobolka Bari ayaa ka dhacay meel Magaalada Bareeda u jirta 171 KM. Waxaa uu saameeyay 10km isku wareeg ah,waxaana jihadiisu ahayd 13.3039 digrii oo waqooyiga ah iyo 50.449 oo jihada bari ah. Soomaaliya kuma badna dhul Gariirrada ilaa haddana faah faahin rasmi ah lagama helin Dhul Gariirka xalay fiidkii ka dhacay Xeebaha Magaalada Bareeda ee Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya. Halkaan ka daawo wixii kusoo kordha Dhul gariirka iyo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb Caasimada Online Xafiiska GarooweCaasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha dalka Canada Justin Trudea ayaa ku dhawaaqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay dowladdiisu ka taageeri doonto dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Justin Trudea oo ka hadlay weerarkii Kismaayo ayaa sheegay in aan indhaha laga laaban karin falalka guracan ee ay geysanayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Ra’isalwasaraaha Canada ayaa carabka ku dhuftay in dowladda federaalka ay kala shaqeynayaan, sidii nabad buuxdo loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya. “Anaga oo kaashaneyno Beesha Caalamka ayaan ka shaqeyn doonaa sidii xididada loogu siibi lahaa xagjirnimad.”ayuu yiri Ra’iisul wasaare Justin Trudea. Dhinaca kale wuxuu Tacsi u diray Ehellada ay dadkoodu ku dhinteen weerarkii sabtidii ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin u dhashay dalkiisa. Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay weerarkaasi oo ay ku dhinteen 26 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 56 kale oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
  11. Golaha amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa yeeshay kulan looga hadlay xaaladda guud ee magaalada Kismaayo iyo weerarkii dhowaan ka dhacay magaaladaasi. Shirkan waxaa guddoomiyey madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana looga hadlay sidii gacan adag loogu qaban lahaa ammaanka magaaladaasi. Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa warbaahinta u faah faahiyey waxyaabihii shirkaasi looga hadlay. Wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenka, in la isku raacay garab istaagga shaqsigii lahaa Hotelka Cascasey iyo sidii looga caawin lahaa dib u dhiskiisa. Sidoo kale, Sayid Aadan ayaa sheegay in shacabka Jubbaland looga baahan yahay iney kala saaraan ammaanka iyo siyaasadda, wixii amniga ku saabsanna aanay marnaba wadahadal ka geli doonin. “Waxaan leenahay hala kala saaro ammaanka iyo siyaasadda, amniga wax gor-gortan ah lagama gelayo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland. Dhismaho iyo dhaawac ayaa ka dhalatay weerar Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo, xilli amniga Jubbaland ahaa mid aad loo adkeeyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Waxaa xalay la cayaaray kulamadii afar dhamaadka koobka qaramada qaarada Afrika ee ka socda wadanka Masar. Xulka kubada cagta ee Senegal ayaa la cayaaray Tunisia iyadoo kulankaan uu ahaa kulan aad u adag. Labada koox ayaa soo bandhigay kulan aad u xamaasadeysan waxaana oo isku dhiib dhiib badan kadib qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 0-0. Marka laga soo laabtay qeybtii nasashada ayaa labada wadan waxay sameeyeen dadaalo badan balse uma saamixin inay goolal iska dhaliyaan Daqiiqadii 75-aad ee cayaarta ayaa garsooraha wuxuu u dhigay gool ku laad xulka Tunisia balse waxaa ka khasaariyay cayaariyahanka khadka dhexe oo lagu magacaabo F. Sassi. Si la mid ah xulka Senegal ayaa helay daqiiqadii 81 gool ku laad waxaana fursada iyagana ka lumiyay H. Saivet oo khadka dhexe ka uga ciyaara Senegal. Dhamaadkii cayaarta daqiiqadiihii dheeriga ahaa ee lagu daray ayaa xulka Tunisia waxay iska dhaliyeen gool waxaana sabab u ahaa Tunisia D. Bronn. Dhanka kale waxaa kulmay isla xalay wadamada Nigeria iyo Algeria kadib kulan dhacay garoonka Cairo Int’l Stadium. Kooxda Algeria ayaa dar dar la soo gashay kooxda garoonka waxaana daqiiqadii 40 gool iska dhaliyay xulka Nigeria taasi oo sababteeda lahaa W. Troost-Ekong oo ka tirsan xulka Algeria. Markii dib la iskugu laabtay ayaa Nigeria ay sameysay dadaal badan iyadoo daqiiqadii 75-aad ee qeybtii qeybta danbe goolka ay iska soo gudeen Nigeria kadib khalad uu galay difaaca Algeria. Garsooraha ayaa dhigay gool ku laad waxaana u soo istaagay cayaariyahan ka lambarka sagaalaad ee Nigeria O. Ighalo waxaana uu dib u soo celiyay rajadii Nigeria. Markii lagu daray daqiiqadiihii dheeriga ahaa ayaa laad xor ahaa oo loo dhigay xulka Algeria waxaa u dhaliyay xiddiga ay ku duulayaan ee Riyaad Mahrez. Cayaarta ayaana ku soo dhammaatay sidaas waxaana kulanka kama danbeesta ah wada cayaari doona wadamada Algeria iyo Senegal maalinta Jimcaha. Source
  13. Taliska ciidanka ilaalada waddooyinka ee magaalada Kismaayo ayaa digniin u diray darawallada kaxeeya gaadiidka qaarkood. Bashiir Xiis Khaliif, taliyaha taliskan ayaa warbaahinta u sheegay iney jiraan darawallo dhegaha ka fureystay amarro horey loo siiyay, gaar ahaan kuwa kaxeeya gaadiidka dadweynaha. Wuxuu sheegay taliyaha, in waddooyinka ay dhex-dhigaan gaadiidkooda, sidaasi darteedna tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo sidaasi sameysa. “Darawallada kaxeeya gaadiidka Caasida ah waxay ka dhega adeegayaan qaarkood amarro aan siinnay, waxay jabiyaan shuruucda, marka ay dadka qaadayaan ama dejinayaan wadada ayeey dhex istaagaan, waxaan leenahay haddii aad shuruucda u hoggaansami weydaan tallaab adag ayaan idin ka qaadi doonnaa” ayuu yiri taliyaha. Dhanka kale, magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maalmihii lasoo dhaafaykusoo badanayey gaadiidka sharci la’aanta ah ee lagu dhex wado magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalanka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda. Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah moorayaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile. Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga. Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda. “Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.” Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka. View the full article
  15. Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid culus ayaa abaaro 8:00 fiidnimo Al-Shabaab waxa ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Sida ay wararku sheegayaan weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi oo muddo daqiiqado ah socday la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya. Bariire oo qiyaas ahaan 65 KM dhinac koonfur galbeed ka xiga Muqdisho ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Jamaal Maxamed Xasan wasiirka wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu saacadihii la soo dhaafay Villa Hargeysa kula qaatay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen uu ka mid ahaA diyaarinta sharci haga hay’adaha dowliga aheyn oo ay wado wasaaraddiisa. Wuxuu tilmaamay in NGO-yadu ay malaayiin doolar ku soo qaataan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana aan la ogeyn meel ay mariyaaan Lacagahaasi.. Guddoonka BFS ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharcigaasi, si looga hago hay’adahaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Wasiir-Jamaal.mp3 View the full article
  17. (SLT-Ankara)-Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in uu dhigiisa Maraykanka awood Maamul u leeyahay in aanu ku dhawaaqin cunaqabataynta Turkiga, kadib qndaraaskii ay Raashiya kaga iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400. Erdogan oo Suxufiyiinta la hadlay waxa uu ku baaqay in la helo xal-dhexe oo looga gudbo Khilaafkaasi, isagoo xusay inay Turkiga diyaar u tahay inay iibsadaan Gantaalladda Patriotic ee lagu farsameeyo Maraykanka. Warbaahinta Turkiga ee Haberturk waxay ka soo xigatay Madaxweyne Erdogan inay iibsashadda Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ahayn inay u diyaar garoobayaan dagaal, balse ay ku xaqiijinayaan Nabadda iyo amaanka qranka. Khilaafka Turkiga iyo Maraykanka ayaa sababay inay Saraakiisha Maraykanka sheegaan inay qorsheynayaan cunaqabatayn ay toddobaadkan ku soo rogaan dalka Turkiga. Source
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-150719.mp3 View the full article
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey Dhuusamareeb ayaa gacanta ku soo dhigay rag loo heytso qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha magaaladaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida ee maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug ayaa sheegay in labo nin loo soo qabtay weeraradii shalay gilgilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay tuhmayaan in raggani ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, balse ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Al-Shabaab ayaa sheegtay qaraxyada ka dhacay halkaasi, waxaana ay sheegeen inay khasaaro ku gaarsiyeen xubno ka tirsan Ahlu-Sunna Waljamaaca. Xaaladda Dhuusamareeb ayaa saaka degan, waxaana ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo weli kulamo iyo dadaallo nabadeed ka wada halkaasi. Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada ay marti gelisay shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug. Halkaan ka daawo Ahlu Sunna oo hub kala dagtay Dhuusamareeb iyo Saraakiil xoog looga saaray Caasimada Online Xafiiska DhuusamareebCaasimada@live.com
  20. Hodan Nalayeh, who was murdered Friday by terrorists in the Somali port city of Kismayo, was the best of us, and the best of a new kind of journalist. Source: Hiiraan Online
  21. After helping an elderly woman load her bags into a mini-bus taxi at a busy intersection in Soweto, a scrawny and strung-out young man is rewarded with a few coins for his efforts. Source: Hiiraan Online
  22. Sparkle, the first international service provider in Italy and among the top ten global operators, announces it has moved its Djibouti Point of Presence (PoP) into the Djibouti Data Center (DDC) selecting it as Sparkle’s IP hub for its expansion to East and South Africa. Source: Hiiraan Online
  23. The International Organization for Migration (IOM) has expressed its shock and outrage at Friday’s terrorist attack that claimed the lives of at least 26 people, one of whom worked under the auspices of the UN agency. Source: Hiiraan Online
  24. Somalia recently reached a landmark agreement with Shell and Exxon Mobil to develop the vast petroleum reserves believed to lie off the troubled country’s coast. The deal rekindles a previous joint venture with the two oil giants that was cut short in 1990 when the ousting of Somali dictator Mohamed Siad Barre threw the country into a prolonged period of instability—and rekindles debates over whether oil will present greater opportunities or risks to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  25. A suspected Al-Shabaab terrorist has been in police custody since July 2, when police arrested him in relation to several deadly attacks in Wajir County. Source: Hiiraan Online