Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa Xerada tababarka ee Kabamba lagu qabtay Munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay Leyli Saraakiil oo muddo hal sano iyo bar tababar ugu socoday Dalkana Uganda. Waxaana Munaasabaada tababarka loogu soo xirayay Leyli Saraakiisha goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda, Taliyaasha Ciidamada Uganda, Abaanduulaha Ciidanka Lugta ee Dowladda Soomaaliya, isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Diplomaasiin, Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata halkan iyo bulshada qeebaheeda kala duwan. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii uu soo gaaray goobta Salaan sharaf ka qaatay Ciidamada. Leyli Saraakiisha ee Tababarka loo soo xiray ee isugu jiray Soomaaliya, iyo Uganda ayaa soo bandhigay dhoola tus qurux badan. Sido kale Leyli Saraakiisha ee tababarka usoo idlaaday ayaa goobta lagu dhaariyay,sido kale Madaxweyne Yoweri ayaa abaalmarin gudoonsiiyay Saraakiishii kaalmaha horey ka galay mudadii uu tababarka socday. Iyadoona Haaruun oo ka socda dowladda Soomaaliya uu qeyb ka ahaa dadkii abaalmarintaas la guddoonsiiyay. Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa qudbad ka jeediyay goobta Madaxweyne Museveni, asigoona Saraakiisha ku booriyay inay mar walba dantooda ka hormariyaan danta dadkooda. General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire Abaanduulaha Ciidanka lugta iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cagabaruur) ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Tababarka loo soo xiray. Saraakiishan tababarka loo soo xiray ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka Caalamigga ah ee Entebbe waxaana hoaray u raacay saraakiisha Abaanduulaha Ciidanka lugta General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire, iyo isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha Bashiir Axmed Maxamed waxaana garoonka ka sagootiyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamad Maxamuud (Cagabaruur). Dowladda Uganda waxey kamid tahay Dowladaha Soomaaliya taageero buuxda ka siiya tababarda Ciidanka Xooga Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga gurmadka qaraxii xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa goor-dhow soo saaray warbixin hordhac ah oo ku saabsan xaaladda dhaawacyada iyo dadkii u dhintay qaraxa. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Warbixinta guddiga ayaa looga hadlay xaaladda dhaawacyada iyo dadkii dhintay, waxaana sidoo kale geba-gebadii guddiga uu soo saaray go’aano shan qodob ka kooban oo ay doonayaan in si deg deg ah loogu dhaqaaqo. War Saxaafadeed – 27 JULY 2019 Guddigii uu 24-kii bishan Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) u magacaabay maareynta qaraxii ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir iyo sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada ka dhashay qaraxa, waxa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa warbixin hordhac ah oo ku saabsan waxyaabiihii u qabsoomay labadii maalmood ee la soo dhaafay. Warbixinta Howlaha u qabsoomay Guddiga Maareynta Dhaawaca Waxaa la xaqiijiyey ilaa hadda dhimashada toban (10) qof iyo dhaawac gaaraya illaa 9 ruux oo uu ku jiro Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaa la helay liiska dhaawaca xaaladoodu aadka u liidato ee u baahan daryeel caafimaad oo dibedda ah, xamilina kara safar dibedda ah oo gaaraya 6 qof. Waxaa sidoo kale looga faa’iiday fursadda imaanshaha diyaaradda dhaawacyadii shacab kale oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban waayey kuwaas oo wax ku noqday Kismaayo (3), Muqdisho (2) & Boosaaso (1). Sidaasi darteed isu-geyn waxaa la qaaday 12 qof oo dhaawac ah. Waxaa isla habeenkiiba loo sameeyey baasaboorro ay ku safraan dhaawaca la qaadayo iyo dadka la safraya ee aan lahayn baasabooro. Dhimashada: Tirada dhimashada la xaqiijiyay waa 10 Waxaa la qorsheyeey sidii loo heli lahaa xiriirka ehelada dadka geeriyoodey, lala wadaagay, lagalana tashtay tacsida, qorshaha iyo goobta salaadda iyo duugta. Allaha u naxariistee waxaa lagu aasey 9 kamid ah dadka geeriyoodey goobihii loo qorsheeyey. Gabagabo Inkasta oo qeybtii hore ee gurmadka degdegga ee Guddiga ay soo dhammaatay, haddana warbixinta uu gudbiyay madaxda sare ee dalka wuxuu ku taliyay: In hay’adaha ammaanka ay si degdeg ah u soo gudbiyaan natiijada baaritaankooda si loo ogaado sida ay wax u dhaceen. In lala xisaabtamo ciddii lagu helo inay qeyb ka ahayd shirqoolka ama ka gaabisay mas’uuliyaddii saarneyd. In kulan duco ah loo sameeyo mas’uuliyiintii ku shahiiday qaraxa. In meel lagu ogaado Xaasaska iyo Carruurtii ay ka tageen shuhadada. In guud ahaan la kordhiyo diyaar-garowga dal ahaaneed ee xaaladaha noocan oo kale ah, loona sameeyo qorshe dhammeystiran oo isugu jira ka-hor-tag iyo la-tacaalid intaba. Guddiga ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dalka Qatar oo so degdeg ah gurmad ugu soo fidiyay dhaawacyadii qaraxan. Wuxuu sidoo kale Guddigu u mahadceliyay madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul-waasaaraha iyo Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka oo iyagu saacad saacad ula socday hawlaha Guddiga iyo sidii loogu fududeyn lahaa hawlahooda. Eng. Cabdi Cashur Xasan Guddoomiyaha Guddigga
  3. By ABDULLAHI SH NOR Somalia’s image, has for decades, been associated with persistent insecurity, food shortage and institutional collapse, but evidence now abounds that the country was making progressive strides. Somalia watchers must be waiting anxiously as the country hurtles towards the 2021, the regionally agreed deadline for the transition to a constitutional democracy. According to the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA), at least 4.2 million Somalis still face food shortage and about 2.9 million more remained displaced within their own country due to insecurity or erratic weather. Just a week ago, terrorists laid siege on a hotel in Kismayu, breaking a long period of relative peace in the city since the Al-Shabaab fell to Kenya Defence Forces (KDF), supported by their Somali counterparts in 2012. When President Mohammed Farmaajo came to power in February 2017, he was a realistic assessor of the situation. MANY CHALLENGES “Our government is facing so many challenges and even though I will be doing my best, I also want to make it clear for the Somali public that due to limited resources, what we could do is going to be limited,” he said on his inauguration, reminding the public the problems may need a longer period to resolve. So what is the fate of Somalia two years later? Many of the problems, like corruption and insecurity, still face Mogadishu. President Farmaajo’s defining decision upon election was the appointment of Prime Minister Hassan Ali Khayre, a former oil executive and himself a former refugee, who had fled his country for safety. His return to serve, alone, signified a change in perception about the new leadership. Now the head of the government, Mr Khayre could be the cog that ties key institutions and improves priority areas such as justice and security, inclusive politics and socio-economic and human development. Is it too early to give a verdict? Perhaps not. Nobody expected Mr Khayre to turn it around overnight. Yet there has been a roadmap laid specially for turning around the view of global institutions about Somalia. From buttressing the Somali Central Bank which had been rebuilt in 2013, the government received the first grant of $80 million from the World Bank in September last year, signalling the first batch of financial assistance from the institution in 30 years. REFORMS The World Bank had suspended ties with Mogadishu in 1991 following the war. The World Bank had not directly funded the Mogadishu government since, although there had been monies channelled through humanitarian organisations since 2003. The latest disbursement will be used for institutional reforms. Last Friday, the Africa Development Bank (AfDB) approved $28.86 million for water and sanitation and roads projects. The grants, consisting of $11.99 million from AfDB’s Transition States Facility (TSF) for an urban water and sanitation project for the Kismayu and Baidoa towns, and $16.86 million for the rehabilitation of roads, were part of it’s role to “tackle fragility in the Horn of Africa,” it said in a statement. But it signals an overall changing of perception about Somalia. A major problem in the past has been lack of institutional memory. Traditionally an oral society, Somalia has also rarely re-elected a president. In fact, no one has won back a seat during the last two decades of transition. The roadmaps, mainly the work of Mr Khayre, could therefore enable successive administrations to carry on with any unfinished businesses in the guidelines, policies and strategic plans that have been put in place. There is a tight deadline, especially on the constitutional review, part of the Transition programme, with specific outlines on roles of the central and the federal governments. SECURITY The prime minister, in past public comments, said the security sector reform is his pet project. Yet reforming it remains an uphill task. The government’s comprehensive roadmap he published earlier included training forces, establishing proper laws, especially on human rights, and taking over the duties of African Union forces (Amisom). The government is currently implementing a programme called the National Security Architecture, which aims to establish lean, professional, accountable and sustainable security organs. Earlier this year, Mr Khayre announced a project for documentation of the official members of the National Armed Forces, their positions and ranking, as a key step in professionalising the military, and attracting skilled recruits. Somalia’s partners such as Turkey, the US and the UK may help strengthen that by offering training. Recently, the Somali Special Forces, known as Danab, dislodged the terrorists from the strategic small bridge town of Sabiid. They have also liberated Barire town and continue to seize more territory. Danab is US-trained. Somalia may have got new leadership, but still faces old problems. The usual motivations for joining the militants remain. Military offensives will now have to be supplemented by efforts to counter extremist ideologies. The government must focus on infrastructure development, debt relief programme and the mobilisation and promotion of domestic revenue. Abdullahi Sh Nor lectures at the University of Somali, Mogadishu
  4. Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad. Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka iyo guddiga, waxaa uuna yiri”Halkaan kuma soo koobi karo waxaan wasiirka ka warsanay, waxaa ka mid ahaa Qaraxii 18-kii Mey ka dhacay magaalada Boosaso oo ay ku dhinteen dad Soomaali ah, oo maalin dhaweed warbaahintu isla dhex martay uuna soo daabacay wargeyska New York Times, in dowladda Qatar dad diblomaasiyiinteeda iyo ganacsatadeeda ku lug lahaayeen oo horay wasiirka aan warqad aaugu dirnay wasiirkana uu nooga jawaabay, moowqikiisuna waxaa uu ahaa in dowladda Qadar ay dafirtay arrintaas” Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in guddi ahaan ay doonayaan in ay xaqiiqada jirta ay ka dabatagaan si shacabku uga qanco waxa la soo ban dhigay iyo eedeeaha dowladda Qatar loo jeediyay ayaduna ay beenisay wuxuuna yiri” wali waxaa inoo muuqato inay jirto baahi in xukuumadda federaalka ee Soomaaliyeed ay ka astaahilaan shacabka meel kasto ay joogaan,in arrintaas xaqiiqadeeda ay ka daba tagaan oo ay baaritaan ay ku suu biyaan ayna la soo wadaagaan golaha” Dhanka kale Cosoble ayaa sheegay in ay tahay wax laga argagaxo in dowlado saaxib dhaw la ah xukuumadda ay wax ka ogaayeen dowladdana aysan la wadaagin wuxuuna yiri ” waa arrin argigixiso in lagu soo eedeeyo dowlado aan saaxiibo nahay aan xiriir leenahay in ay wax ka ogaayeen ama ay wax ka maqleen ayna waxna nala wadaagin waa arrin qatarteeda leh,arrintaas ayaan u sheegnay iyo moowqifkaas wasiirka inaan u baahan nahay in baaritaan lagu suubiyo” Ugu Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in wasiirka arrimaha la weydiiyay ay ka mid ahaayeen cabasho ay soo gudbiyeen shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda, asaga oo ka warbixinaayana waxaa uu yiri “waxaa kale oo wasiirka aan ka warsanay arrimo ku aadan cabasho nooga timid shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibadda, wasiirkana waxaad moodaa waxyaabihii la weeydiiyay inuu bayaamiyay oo xildhibaanada su’aalo badan oo wasiirka xagiisa ah ay ka qanceen” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. On his first visit to Somaliland since taking office, the United Nations Secretary-General’s new Special Representative underlined the importance of dialogue in addressing the region’s challenges. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay wakiilka gaar ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Ambassador James Swan. Kulanka madaxweynaha Somaliland la qaatay wefdiga uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa looga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan Somaliland. Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amassador James Swan, waana ay faahfaahiyeen qodobadii laga wada-hadlay. Kulanka madaxweynaha iyo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay wada qaateen waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Arrimaha gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumaddiisa. Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee labad dhinac PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo James Swan? appeared first on Puntland Post.
  7. Somaliland: UN Special Envoy Arrives In Hargeisa. The United Nations Special Envoy, Ambassador James Swan has arrived in Somaliland. The envoy and his delegation were received at Egal International Airport by senior officials from the Somaliland government. Ambassador Swan is expected to meet with President Muse Bihi Abdi, the chairpersons of the two other Somaliland political parties, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” of Waddani and Faisal Ali Warabe of UCID. The UN delegation are also expected to meet with members of the Somaliland House of Elders and House Representatives, civil and business organisations. Qarannews.com Qaran News
  8. Kenya will take at least 21 months to take back full control of its national carrier Kenya Airways, buying out minority shareholders and converting shares held by banks into Treasury bonds, a lawmaker briefed on the transaction said. Source: Hiiraan Online
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador James Swan. Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador James Swan ayaa waxa ugu horayn kulankaasi Madaxweynaha iyo Ergayga faahfaahin ka bixyey Wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, isagoo kulankaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta oo axad ah waxa madaxweynaha Somaliland ku soo booqday xafiiskiisa, wefti ka socda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa James Swan. Markii ugu horaysay maaha ee uu Somaliland yimaado hore ayuu u yimid, Ergaygii ugu horeeyeyna maaha oo dhawr Ergay ayaa ina soo maray. Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey weftiga waxaana laga wadahadalay amuuro kala duwan iyo sidii la isku kaashan lahaa, waxa laga wadahadlay hawlaha hay’addaha Qaramada Midoobay ay halkan ka wadaan, si fiican ayaa la isku afgartay waxaana lagu heshiiyey in wadashaqayn halkaa laga sii wado oo la sii xoojiyo, intaas ayaanu ku soo dhamaaday kulankii marka guud ahaan la isku soo duuduubo,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire. Dhinaca kale Ambassador James Swan oo isaguna kulankaasi ka dib Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dadka Somaliland soo dhaweynta diiran ee aan kala kulmay intii aan ku gudo jiray booqashadayda. Way fiican tahay inaan ku soo noqdo Hargeysa, booqashadaydii ugu horaysay waxay ahayd 1995-kii, markii labaadna waxaan soo noqday sanadkii 2012-kii iyo 2013-kii. Intii aan ku gudo jiray socdaalkayga labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan arkay horumarka ay gaadhay, ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siiwadida amaanka,” ayuu yidhi Ambassador James Swan oo warbaahinta la hadlayey kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi kadib. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Xujay tiradooda lagu sheegay 926,726 Haaji ayaa u socdaalay dhulka Barakaysan ee dalka Sucuudi Carabiya, kuwaas oo iskaga kala yimid dalalka dibadaha. Xujaydan tiradoodu ka badan tahay sagaalka boqol ee Kun ee xaaji ayaa si ay usoo gaadhaan dhulka barakaysan una soo gutaan waajibaadka Xajka waxa ay soo mareen safaro kala duwan, halka Xujayda Qaar ay dhinaca hawada safar ku soo galeen, ayaa qaar kale ay dhinaca dhulka soo mareen, halka kuwo kalena ay dhinaca badda soo mareen, sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee dalka Sucuudi Carabiya ee Saudi Press Agency, SPA. Waxaana warbixinta ay baahisay wakaaladu ay intaasi ku dartay in Xujay tiradoodu gaadhayso 881,229 ay Xajka ku soo gaadheen dhinaca Hawada, halka Xujay tiradooda lagu sheegay 35,148 Xaaji ay soo mareen dhinaca Dhulka, halka 10,349 Xaaji ay iyaguna dhulka Barakaysan ee Sucuudiga ay ka soo galeen dhinaca Badda, sida ay sheegtay waaxda Socdaalka dalka Sucuudiga oo si dhaw ula socotay xujaydan waajibaadka xajka ku soo gudanaya dhulka Barkaysan. Waxaanay Intaasi raacisay in tirada korodhka sanadkan ay dhan tahay 91,44 Xaaji taas oo noqonaysa boqolkiiba 11%, marka la barbar dhigo tirada usoo socdaashay dalka Sucuudiga sanadkii hore. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kula kulmay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad. Guddiga ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqooyinka wasaaradda, shaqooyinka la xiriira arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo eedeynta loo jeediyay dowladda Qadar ee la xiriirta qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso. Warbixin uu daabacay wargeyska The New York Times, ayaa cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, waxaa laga maqlay, ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Wasiir Cawad ayaa horey u sheegay in dowladda Qatar ay sharaxaad ka bixisay eedeymaha loo jeediyey islamarkaana ay si buuxda u beeniyeen, taasi oo dowladda Soomaaliya ay ku qanacday. Guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ka warbixiyay qodobadii ay kala hadleen wasiirka iyo guddiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Xildhibaan-Cosoble.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa daboolka ka qaaday inay Ceelal biyood oo tiradoodu tahay 505 Ceel ka qoday dalal ku yaalla Afrika oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si ay biyo nadiif ah u helaan 1.8 Milyan oo qof oo ku nool qaaradda Afrika. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay Warbaahinta Turkiga oo sheegtay in Turkigu ceelal biyood ka hirgeliyey dalalka Afrika ee ay ka mid yihiin Niger, Maali, Burkiino-faaso, Murataaniya, Somaliland iyo Soomaaliya. Wasaaradda Beeraha ee Turkiga ayaa xaqiijisay in hirgelinta ceelashaas ay kala shaqeeyeen Hay’ado iyo Ururo laga leeyahay dalka Turkiga. 505 ceel biyood ee dawladda Turkigu ay ka qoday Afrika waxay 258 Ceel oo ay ka qoday dalka Niger, halka ay Murataaniya ka sameeyeen 102 ceel biyood. Sidoo kalena waxa Waddanka Burkiino-faaso ay ka sameeyeen 84 Ceel biyood, waxa kaloo ay dalka Maali ka hirgeliyeen 36 ceel biyood. Wasaaradda Beeraha ee Turkigu waxa kaloo ay caddeysay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka qoday 5 Ceel-biyood, halka ay dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen Labaatan Ceel. Dawladda Turkigu intaas ku dartay inay ceel tijaabo ah ka sameysay dalal ay ka mid yihiin Suudaan iyo Jabuuti, halka ay khubarrada dhinaca biyaha ee dalalka Itoobiya iyo Tuuniisiyana ay ku soo tabobareen Turkiga. Wasaaradda Beeraha ee Turkigu waxay laba u kala saartay mashaariicdii biyaha ee ay ka kala fuliyeen Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii xukuumadda Somaliland hore ugu eedeysay in Turkigu la safan yahay dalka qalalaasuhu hadheeyey ee Soomaaliya. Source
  13. Kenyan has commenced surveying the route of the Lokichar-Lamu pipeline as the country targets first commercial crude exports in 2023. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Tehran)-ran ayaa ku tilmaantay cadaawad iyo daandaansi, qorshe ay Yurub ku rabto in ay ku sameyso ciidamo isbaheysi ah oo galbiya maraakiibta laga leeyahay Yurub ee maalin walba marto gacan biyoodka Hormuz ee u dhaw Iran. Afhayeen u hadlay dowladda Iran oo la yiraahdo Ali Babiel ayaa maanta sheegay in Iran ay ogtahay in Yurub ay rabto in ay ciidan u soo dirto Hormuz, taasoo buu yiri ah farriin cadawtooyo. Xiisadda u dhaxeysa Iran iyo galbeedka ayaa in-dhawaalaba sii xoogeysaneysay kaddib marki ay Tehran kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo marin biyoodka Hormuz. Horaanti bishaan ayay ciidamada kacaanka Iran Hormuz ku qabsadeen markab watay calanka Britian, tallaabadaas oo ay Britian ku tilmaantay ficil burcad badeednimo oo ay ku dhaqaaqday dowlad. Marin biyoodka Hormuz ayaa ku yaalla inta u dhaxeysa Gacanka Percia iyo Gacanka Cuman ee Bariga Dhexe. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Golaha guud ee QM ayaa ansixiyey Qaraar tirsigiisu yahay 68/237, kaasi oo la soo saaray bishii December 23-dii ee sannadkii 2013-kii, taasi oo lagu go’aamiyey 10-ka sanno ee Caalamiga ee dadka asalkooda Afrikaanka yahay (The International Decade for People of African Descent). Qaraarkaasi waxa uu asteeyey 10-ka sanno ee dadka asalkoodu yahay Afrikaanka ee ugu caansan Caalamka, iyadoo Billad Sharaf la siiyo sannad kasta. Hiigsiga QM ee dhiirigelinta dadka asal ahaan Afrikaanka ah ee kaalimaha wacan ka qaata Is-dhegalka, Caddaaladda iyo Horumarinta. Qorshaha Hiigsiga Abaalmarin sannadeedka ayaa waxa uu bilowday sannadkii 2015-ka wuxuuna socon doonaa ilaa sannadka 2024-ka. Haddaba, waxaa la magacaabay 100ka qof ee asalkooda Afrikaanka yahay ee ugu awoodda badan, kuwaasi oo da’dooda ka hooseysa 40-jirka, kuwaasi oo Billadaha lagu guddoonsiin doono Xarunta dhexe ee QM ee magaalladda New York. Haweeney Somali-Canadian lagu magacaabo Dahabo Ahmed Omar ayaana ka mid ah dadka sannadkan la guddoonsiin doono Billadda Hawl-karnimadda dadka asalkooda Afrikaanka yahay. Dahabo Ahmed Omar waxay aad u jeceshahay inay ka fekerto caalamka, waxayna hawl badan ka qabatay La-dagaalanka Cunsuriyadda lagu hayo dadka Madow ee ku nool dalka Canada, waxayna ka mid tahay La-asaasayaasha Isbahaysiga Caddaalad-u-doonka Marxum Abdirahman Abdi (the Justice for Abdirahman Coalition) ,kaasi oo ay dacwadiisa ka socoto caasimadda dalkaasi ee Ottawa. Dahabo Ahmed Omar waxay sheegtay inay Caalamka daawanayaan Kiiska dilka Marxuumkaasi oo u xiran Askar ka tirsan Booliska Canada, isla markaana waxay rajo ka bixisay guusha Caddaaladda ee Kiiska Marxuumka Abdirahman Abdi. Mar wax laga weydiiyey sida ay u aragto in iyada loo aqoonsado mid ka mid ah 100-ka qof ee asalka Afrikaanka leh ee sannadkan la siin doono Billadda ku aadan Waxqabadkooda. Waxay sheegtay inay la ashqaraartay dhacdadaasi iyo inuu Caalamka aqoonsaday Hawlaha Bulsho ee ay u ololeyso. Waxay kaalin ka qaadatay Isbedelka lagu sameeyey Nidaamka Garsoorka iyo xoojinta sharciga ee dalka Canada, tan iyo geeridii Marxum Abdirahman Abdi ee ka dhacday magaalladda Ottawa sannadkii 2016-kii. Dahabo Ahmed Omar waxay kaloo ka shaqeysaa Xiriirka dadka Kanadiyaanka Madow (Black Canadians) iyo Xarunta Soomaalida Ottawa ee Adeegga Qoysaska ee (Ottawa’s Somali Centre for Family Services). Munaasbadda Abaalmarinta Billadaha QM ee 100-ka qof ee ugu firfircoon dadka asalkooda Afrikaanka ah waxaa la filayaa inay dabayaaqadda bisha September ama bilowga bisha October ee soo socota lagu qaban doono Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York. Munaasbaadda waxay ka barbar dhici doontaa Kulanka Golaha Guud ee QM, inkastoo aysan QM soo abaabuli doonin MunaasabadaasI. Source
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland. Shirkan oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyada Garoowe waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Waxaa kale oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey shirka Wasiirka Amniga, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, Taliyaha Ciidamada Booliska, Taliyaha qeybta gobolka Nugaal, Taliyaha Ciidamada Asluubta, Taliyaha Ciidamada Birmadka, Taliyaha CID-da, Taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo masuuliyiin kale. Ujeedka Shirka Amniga Puntland ayaa daaranaa isxog-wareysi guud, dardargelin hawlgalada amniga lagu sugayo iyo u diyaar garawga Xuska Aasaaskii Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhegaystay Masuuliyiinta laamaha amniga warbixin la xiriirta Amniga iyo howlaha dardargelinta amniga ee ay hada-wadaan Ciidamadu, Waxaana ay sheegeen in xaaladda amni ee dhammaan degaanada Puntland ay wanaagsantahay. Ugu danbeyn Madaxweyne Deni ayaa faray Saraakiisha Ciidamada, iyo Masuuliyiinta laamaha amniga ee heer dagmo iyo heer Gobol adkeynta Amniga Guud, iyo si gaar ah in la xoojiyo amniga maalmaha lagu jiro Todobaadka Puntland iyo dabaaldegyada 1-da August, ee dhammaan ka dhacaya Gobollada kala duwan ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Shir Guddoomiyey Shirka Amniga Dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. On his first visit to Somaliland since taking office, the United Nations Secretary-General’s new Special Representative underlined the importance of dialogue in addressing the region’s challenges. Source: Hiiraan Online
  18. Raysal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagayaabaa inuu safar dhidhulka ah ku yimaado Gaalkacyo si uu uga duulo duulo Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo. Ciidamada Suna waljameeca [...] Source
  19. Iyadoo ay tahay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilka xafiiska, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay wada-hadal lagu xalliyo caqabadaha ka jira gobolka. “Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa in aan carrabka ku adkeeyo muhiimadda ay leedahay dhismaha iyo joogtaynta hababka wada xiriirka ee lagu xallinayo kala duwanaanta si nabad iyo wax dhisid ku dheehantahay,” ergeyga QM, James Swan, ayaa sidaas yiri. Wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay u qaban-qaabin lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka. Intii u ku guda jiray booqashadiisa labada maalmood ah ee uu ku tegay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa madaxa QM wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno sare oo ka tirsan golihiisa wasiirada, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxda haweenka ah iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijyada QM. Intii uu ku guda jiray kulamadiisa, ayaa Ergeyga Gaarka ah wuxuu mar kale ku celiyay sida ay hay’addan caalamiga ah uga go’antahay taageerada Somaliland. “Sababaha aan halkan u joogo waxaa kamid ah in aan gacan ka geysto xoojinta wada-shaqaynta ku aaddan hawlaha samafalka, horumarinta dhaqaalaha iyo tayo-dhisidda maamulka deegaanka iyo bixinta adeegyada,” Md. Swan ayaa sidaas yiri. “Waxaan ku farxay in aan arko qayb kamid ah mashaariic si isku mid ah loogu caawinayo qoxootiga iyo xubnaha bulshada sidii ay ku heli lahaayeen xirfado ay wax ugu qabtaan nafsaddooda iyo qoysaskooda,” ayuu raaciyay. “Bulshooyinka marti-geliyay qoxootiga iyo magan-geliyo doonka waxay horeyba si weyn u gacan siinayeen kooxahan, barnaamijyadaanna ma aha kuwo xirfado muhiim ah siinaya qoxootiga oo kaliya, laakiin waxaa sidoo ka faa’iideysta bulsho weynta.” Waqtigaas ka hor, ayaa madaxa QM wuxuu booqday Mac-hadka Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland, kaas oo ay taageeraan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda QM ee Horumarinta Barnaamijyada (UNDP), wuxuuna mac-hadku diyaariyaa xirfadaha lagu maareeyo adeegyada deegaanka ee asaasiga ah ee loogu faa’iideeyo dadka Somaliland. Md. Swan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilkiisa dabayaaqadii bishii Juun. Waxaa booqashada ku wehliyay madax sare oo ka kala socotay Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo UNDP – oo kala ah Takeshi Moriyama, Serge Tissot iyo Jocelyn Mason. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Guddoonka Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay sheegay in uu buray mooshin ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ka gudbiyeen xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland, kadib markii qaarkood ka laabteen. 10 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa 20-bishan mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay xubnaha Maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan. Balse, mooshinkaasi ayaa buray, kadib markii lix kamid ah xildhibaannadii gudbiyay ay ka laabteen, halka ay ku soo hareen afar xildhibaan oo keliya, sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdikaxiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Haddaba, xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf oo kamid ahaa mudanayaashii gudbiyay mooshinka, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku faahfaahiyay sida uu moosinka u buray iyo xildhibaannada ka laabtay. Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Maxaa buriyay mooshinkii laga keenay Maxkamadda sare ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa Madaxtooyada kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan oo yimid magaalada Hargeysa. Kulankan ayaa waxa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan deegaanada Somaliland. Sidoo kale waxa kulanka lagaga wada-hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo Somaliland iskaga kaashan lahaayeen ka midho dhalinta hawlaha bani-aadamnimo ee deegaanadeeda ka socda iyo arrimo kale. Kulanka ayaa waxa kale oo la filayaa in lagaga wada-hadley arrimaha doorashooyinka iyo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, oo xukuumada Biixi meel adag iska taagtay. Danjire Swan ayaa socdaalkan uu ku imid Hargeysa wuxuu noqonaya safarkiisi ugu horeeyay ee uu ku yimaado Caasimada Somaliland, tan iyo markii labo bilood ka hor loo magacaabay xilkaasi. James ayaa inta uu Somaliland ku sugan yahay wuxuu sii kordhin doona cadaadiska beesha caalamka ku saareyso Xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiyada Mucaaridka sidii ay doorashooyinka Somaliland ugu qabsoomi lahaayeen waqtigooda, iyada oo xisbiyada Somaliland ay shalay ka gaareen khilaafkii doorashada heshiis kama dambeysa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com