Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington DC ee Caasimadda waddanka Maraykanka ayaa kulamo la qaatay Madax ka tirsan IMF iyo Bangiga Aduunka. Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shirar gooni-gooni ah kula qaatay Magaalada Washington mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka Ingiriiska, Talyaaniga iyo Sacuudi Carabiya. “Waxaan Magaalada Washington shirar gooni gooni ah kula qaatay madaxda IMF, Bangiga Aduunka iyo xubno kale oo ka socday Dalalka UK, Italy iyo Saudi Arabia” ayuu yiri Wasiir Beyle. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mr Beyle, ayaa sheegay in madaxdii uu la kulmay ay wadaageen xogo ku aaddan is-beddalka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo hiigsiga ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Beyle oo Washington kula kulmay Madaxda IMF iyo Bangiga Aduunka appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qaybgalay Shir looga hadlayo isku xirka howlaha laamaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay magaaladda Garoowe Caasimadda Puntland. Shirkaan oo sadexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadlay howlaha isku xirka Laamaha Hay’adda, wixii qabsoomay, caqabadaha iyo fursadaha jira, waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay Wasiirka Amniga Puntland Cabisamad Gallan, Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Madaxda Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Maamulka gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe, Saraakiisha Amniga ee kala duwan, Ururada Bulshada rayidka ah iyo Marti sharaf kale. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyay shaqada Hay’adan, waxaana uu tilmaamay inay si dhow u wada shaqeeyaan, loona baahan yahay in lasii laba jibbaaraan howlaha baaxadda leh ee ay Ummada u hayaan. Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay in Puntland iyo Hay’ada Socdaalka ay leeyihiin wada shaqayn wanaagsan, waxaana uu ku ammaanay shaqada Muhiimka ee ay hayaan, isla markaana Puntland diyaar u tahay in mar walba ay xoojiso arimaha wada shaqaynta ay la leedahay hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku -xigeenka Puntland oo ka Qaybgalay Shirka Isku Xirka Laamaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsidaha DFS appeared first on Puntland Post.
  3. The International Court of Justice (ICJ) is expected to deliver its verdict on the Kenya-Somalia maritime border dispute by September 19, following a public hearing a week earlier. Source: Hiiraan Online
  4. Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa amar ku bixisay in aan degaannada Puntland laga furan karin wax dugsiyo cusub, ilaa laga helayo ogolaanshaha rasmiga ah ee wasaaradda. Qoraal ka soo baxay agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa sidoo kale lagu amray dugsiyada hoose ee doonaya in ay u gudbaan dugsiya dhexe ama sare, in ay soo maraan nidaamka wasaaradda oo ay qaataan waraaqda ogolaanshaa rasmiga ah. Waxaa kale oo qoraalka lagu ayaa sheegay, in dugsiyada aan soo marin nidaamka wasaaradda, aysan ka mid noqon doonin dugsiyada u diiwaan-gashan dowladda Puntland, waxaana hay’adaha Waxbarashada caawiya lagu wargeliyay in aysan la shaqeyn karin. Halkaan hoose ka akhriso qoraalka wasaaradda PUNTLAND POST The post Degaannada Puntland oo laga joojiyay in dugsiyo Waxbarasho laga furto appeared first on Puntland Post.
  5. Dhuusamareeb (Caasimada Online)- Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is faham-waa uu ku soo dhamaaday kulamo saacadihii u dambeeyay u socday Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna. Kulamadan oo socday tan iyo xalay ayaa waxyaabaha la isku khilaafay ka mid ahaa Mas’uuliyadda Amniga magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dowladda Federaalka dooneyso in Ciidamo gaar ah lagu wareejiyo, halka Ahlusuna ay diidan yihiin. Wararka ayaa sheegaya in Ahlusuna ay diidan yihiin in saameyntooda ay meesha ka baxdo, haddii Ciidamo ka madax bannaan iyaga la wareegaan magaalada. Labo diyaaradood oo Ciidamo looga daabulay Muqdisho ayaa shalay iyo saaka laga soo celiyay Dhuusamareeb iyo Cadaado. Heshiis hoose oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna horay u gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa in amniga magaalada la wareegto dowladda Federaalka, ciidanka Ahlusuna la qarameeyo, lana xareeyo, tababarna loo furo, inkastoo lagu guuleystay diiwaan gelinta ciidamada. Caqabadaha iyo culeysyada soo wajahay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo muddo bil iyo maalmo ku sugan deegaanada Galmudug waxay keeni kartaa inay degdeg uga soo baxaan magaalada Dhuusamareeb, haddii aan xal laga gaarin khilaafka soo cusboonaaday ee la xiriira mas’uuliyada Amniga Magaala madaxda Galmudug. Halkaan ka daawo Qodobka ay isku hayaan Ahlu Sunna iyo Kheyre & xog cusub oo laga helay Qaraxii G/Banaadir Caasimada Online Xafiiska-Dhuusamareeb caasimada@live.com
  6. Laacibka kooxda kubbadda cagta Horseed Farxaan Maxamed Axmed (Farxaan Duqow) ayaa sanadkii 2-aad oo xariir ah good ka dhalinaya xulka qaranka Uganda,iyadoo arinta ay soo dhaweeyeen maamulka,macallimiinta,ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxdiisa Horseed. 25-April 2018-Xulka dalkeena Soomaaliya oo 1-0 kaga adkaaday dhigiisa Uganda ayuu Farxaan ahaa dhaliyaha goolkaas,iyadoo ciyaartaa aheyd tartanka dhallinyarada 17-jirada bariga iyo bartamaha Africa ee 2018 ka dhacay wadanka Burundi. “Sharaf ayay u tahay naadiga Horseed goolka uu laacib Farxaan u dhaliyay xulka dalkiisa waxayna ka tarjumaysaa horomarka kooxdeena,dhamaan maamulka iyo ciyaartooyda waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan xidigaha qeybta ka ah safarka xulka” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda ciidanka xoogga dalka DR.Maxamed Axmed Maxamed. Farxaan Maxamed Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii kasoo baxay tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2014,isagoo kaalin wanaagsan ka qaatay kooxdii degmada Hodan sanadihii xigay waxa uu ka tirsanaa naadiga otabaarka ee Gaadiidka,isagoo goolal badan ka dhaliyay tartamada kubbadda cagta gudaha. “Allah ayaa mahad iska leh waxa uu qorshayga ahaa in aan dhaliyo goolal badan,balse waxaan u mahad celinaynaa dhamaan taageerayaashayda iyo maamulka kooxdayda ee ii soo diray fariimo kala duwan ee ku aadan bogaadin iyo dhiir-gelin anigana ana waxaan lee yahay Mahadsanidiin 100%” Farxaan Maxamed Axmed ayaa sidaa ugu waramay Goobjoog Sports. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  7. Guddoomiyaha gobolka Karkaar Maxamed Siciid Faahiye Guddoomiyaha gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye, ayaa ku wargeliyay dhammaan hay’adaha Caalamiga ah iyo ururrada Waddaniga ah ee ka hawlgala gobolka Karkaar, in ay maamulka u soo gudbiyaan qorshahooda waxqabad oo qoraal ah, si loo ogaado habsami u-socodka shaqada ay ka hayaan gobolka. Guddoomiyaha ayaa ku amray hay’adaha Caalamiga ah iyo ururrada Waddaniga ah ee ku sugan gobolka Karkaar, in shaqo kasta oo ay ka samaynayaan gobolka ay xogteeda la wadaagan maamulka, ka hor inta aysan bilaabin, si loola socdo hawsha ay qabanayan iyo halka ay ka qabanayan labadaba. Mudane Faahiye, ayaa sidoo kale ku amray dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Karkaar, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa hay’adaha ka hawlgala degmooyinka gobolka, si loo ilaaliyo nidaamka shaqo ee heer degmo iyo heer gobolba. Halkaan hoose ka akhriso PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha gobolka Karkaar oo awaamiir duldhigay hay’adaha Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.
  8. Somaliland: The Three Political Parties Sign An Accord To Address NEC Elections Issues At a meeting held in the Presidency in Hargeisa, on Saturday, July 27th, the President of Somaliland, Muse Bihi Abdi and the two chairpersons of Waddani and UCID, Abdirahman Mohamed Abdillahi “Cirro” and Faisal Ali Waraabe signed an accord to move forward the political impasse pertaining to the scheduled parliamentary and local council elections. The accord which addresses the main issue concerning the Somaliland National Elections Commission, NEC, proposes increasing the membership of the commission from seven to nine members. The accord will be sent to the “expired” House of Representatives as a motion, for a vote and if the motion passes, then the NEC membership will be increased. However, if the moribund Somaliland House of Representatives fails to pass the motion by September 1st, 2019, then the NEC will remain at seven members and the motion will be placed before the new parliament after the elections are held. The accord and it’s proposal appears to address the main hurdle to holding the scheduled parliamentary and local elections, but, the fact that is must pass thorough the House of Representatives, whose mandated expired nine years and who appear to have no intention of vacating the chamber in order for new elections to take place, makes it much more difficult for this motion to became law. Qarannews.com Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa albaabada kasoo xirtay mid ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada oo doonayay inuu u tartamo xilka madaxweynaha Galmudug. Cabdulahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay muujinayay inuu xiiseynaayo xilka madaxtinimada Galmudug. Wasiiru-dowlaha oo markii hore iibinayay qadiyad ah inuu yahay musharaxa Villa Soomaaliya ee doorashada Galmudug ayaa asbuucan xanaaq uga soo tagay magaaladda Dhuusamareeb kadib markii uu Ra’iisul wasaaruhu ku yiri “Isma sharixi kartid” sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha. Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa la sheegay inuu ku adkeystay mowqifkiisa musharaxnimada, taas oo keentay iney isaga iyo Kheyre buuq kusoo kala tagaan. Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa isaguna qaba fikirka la mid ah midka Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu Cabdulaahi Faarax kula taliyay inuusan iska lumin fursadiisa xubinimada xukuumada Federaalka ah. Kooxda Ahlu Sunna ayaa la sheegaya iney Cabdulaahi Faarax Weheliye u arkaan musharaxooda labaad hadii laga diido inuu tartamo Sheekh Maxamed Shaakir. Waxaa jira heshiis weli la isku fahmi la’a yahay oo ah iney Ahlu Sunna 35 xildhibaan ku yeelato Baarlamaanka cusub ee Galmudug, balse qabaa’ilka ayaa si weyn u diidan arrintaan. Hadii taas la meel mariyo oo ay beeluhu aqbalaan heshiiska 35ta xildhibaan, musharax Ahlu Sunna wadato rajo ayuu lee yahay waana mida dhiiri galineysa Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha. Sababta uu Kheyre u diiday musharaxnimada Cabdulaahi Faarax ayaa lagu micneeyay labo arrimood oo kala ah inuu Ra’iisul wasaaruhu doonaayo in madaxweynaha cusub ee Galmudug ka yimaado beesha reer Xaaji Saleebaan iyo mida labaad oo ah Cabdulaahi Faarax oo ah nin dhalinyaro ah oo siyaasada ku cusub ayna adagtahay inuu mareeyo maamul miisaankaas leh. Cabdulaahi Faarax Weheliye oo kasoo jeeda beesha Duduble ayaa siyaasadda ka bilaabay Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha 2 sanno ka hor, waxaana dad badan ay u arkaan siyaasi dhowaan gal ah oo aan maareyn karin mushkiladaha is diidan ee Gal-Mudug, sidoo kale gadoodka beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaa ka dhigaya musharax aan marnaba maangal aheyn. Siyaasadda ka hor, Cabdulaahi Faarax Weheliye wuxuu ka mid ahaa maamulka xawaaladdii musalaftay ee Qaran, taas oo dad badan oo Soomali ah ay xoolo kaga maqan yihiin. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho caasimada@live.com
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa Hargeysa si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee Somaliland, isaga oo durbo booqasho ku tegay xarumo ku yaalla magaaladaasi. Sidoo kale ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo kala duwan la qaadanaya Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Kulamadan ayaa intooda badan looga hadli doonaa arrimaha doorashada maamulkaasi iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Waa markii ugu horreysay oo uu James Swan booqasho ku tago deegaanada Somaliland, tan iyo markii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya. Horay wuxuu u booqday maamullada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  11. Guddiga qaban qaabada xukuumadda Puntland u xil saartay qaban qaabada xuska sanad guuradii 21aad ee ka soo wareegatey aasaaskii Puntland ayaa waxa ay faahfaahin ka [...] Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in saaka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay dib u soo celisay diyaarad siday Ciidan, taas oo ku wajahneyd magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Diyaaradda ayaa la sheegay inay la socdeen illaa 100 Askari oo uu dalbaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Sida aan wararka ku heleyno Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa tegay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, wuxuuna ka biyo diiday inay gabi ahaanba degto diyaaraddaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda marka ay soo gashay hawada Dhuusamareeb lagu war geliyey in aysan soo caga dhigan karin garoonka, haddii ay ka dhega adeegtana amarkaasi la soo ridi doono. Ugu dambeyn diyaaraddaasi ayaa ku soo noqotay magaalada Muqdisho, iyadoona ciidamadii saarnaa dib loogu soo celiyey saldhigyadii laga qaaday. Waa diyaaraddii labaad oo wada askar oo dib loo soo celinayo, iyadoona shalay ciidamo ku socday Dhuusamareeb laga soo celiyey gudaha magaaladaasi. Dhanka kale Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa inay ka biyo diidan tahay inay si buuxda amniga Dhuusamareeb ugu wareejiso dowladda Soomaaliya. Madaxda Ahlu-Sunna ayaa dalbaday inay qeyb ka sii ahaadaan sugida nabad galyada magaaladaasi, taas oo uu ka hor yimid Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay dowladda iyo Galmudug, gaar ahaan garabka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa loo la’yahay xal, iyadoo uu weli muran ka taagan yahay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  13. Inkastoo warar badan oo aan sal iyo rad lahayd ay suuqa galeen hadana xaqiiqda Qarixii lala beegsadey Gudoomiye Yariisow wuu ka weyn yahay sida suuqa [...] Source
  14. Qaahira (Caasimada Online) – Dolwadda Masar ayaa ugu horreyn si xoogan u cambaareysay weerarkii Arbacadii la soo dhaafay ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun tahay weerarkaasi. Masar ayaa cambaareyn kadib ballan qaaday inay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka caawineyso, sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab. “Dowladda Masar waxay ka garab-siinaysaa dadka iyo dowladda Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagixisada.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Masar. Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi raacisay “Waxaan dowladda Soomaaliya ka caawineynaa dib u dhiska hay’addaha oo xooggan iyo xasiloonida guud ee dalka.” Masar ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka gacan siisa amniga iyo dhaqaalaha. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  15. Kampala, Uganda | THE INDEPENDENT | Uganda Cranes picked a vital 3-1 win over Somalia in the first leg of the 2020 Total Africa Nations Championship (CHAN) qualifier. Source: Hiiraan Online
  16. Waxaa soo hagaagaya xaaladda caafimaad ee Dadkii dhowaan ku dhaawacmay qaraxii ay argagixisadu ka geysteen xarunta Gobolka Banaadir, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Qatar, C/risaaq Faarax Cali (Taano). Dhaawacyadii la geeyay Magaalada Doxa ee Caasimadda Dalka Qatar oo isugu jira mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Shacab ka kooban 12 Qof ayaa aad usoo ladnaanaya sida uu Safiirku sheegay. Dhaawacyada la geeyay Dalka Qatar oo isugu jira Dad kusoo waxyeelloobay qaraxyadii ka kala dhacay agagaarka KM 4 Muqdisho, magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ayuu sheegay Safiirku in ay si isku mid ah u qaabbishay xukuumadda Doxa, wuxuuna ugu mahad celiyay sida ay ugu hagar baxday Daweynta Dadkaasi. “Dowladda Qatar waxay sameysay dedaal kii ugu weynaa, waanan ugu mahad celineynaa, laga billaabo jawaabtii deg-degga ahayd ee ay bixisay, in 24 Saac wax ka yar ay noo soo dirtay Diyaarad iyo Dhaqaatiir 19 ka kooban, dhaawacyadii oo dhanna ay qaadday, iyo dhaawacyo ay kusoo dartay Dhaqaatiirtu dhaawacyo hore oo isugu jira kuwo laga keenay Boosaaso, Kismaayo iyo KM4, marka waa ugu mahad celineynaa in ay noqdeen Dowladdii ugu horreeysay ee Jawaab deg-deg ah bixisay”ayuu yiri, Safiirku. Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Qatar ayuu sheegay in ay sameeyeen dedaallo dheeri ah, wuxuuna intaa raaciyay in ay sameeyeen Dad heegan ah oo mar walba ka war haya xaaladda Dhaawacyada. Xaaladda Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan ayuu sheegay in ay aad usoo hagaageyso , lana filayo inuu dhowaan ka bogsoodo dhaawacii soo gaaray, isagoo ka muujiyay yididiilo wanaagsan iyo is beddel caafimaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Kismaayo (Caasimada Online) -Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta magaalada Kismaayo uu ku wajahan yahay wasiiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan hoggaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Wasiir Oomaar ayaa waxaa galbin doono taliyaha guud ee ciidanka AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, kaas oo la sheegay inuu si qasab ah dib ugu celinayo magaallo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. AMISOM ayaa ka hortagi doonto, haddii Jubbaland ay is hor istaag ku sameyso Musharraxaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa ku warramaya in Oomaar marka uu tago halkaasi uu si rasmi ah ugu dhawaaqi doono Musharraxnimadiisa. Jubbaland ayaa horay uga mamnuucday deegaanadeeda inay tagaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, inta ay ka dhaceyo doorashada. Dhanka kale xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan ciidamada maamulka Jubbaland. Doorashada Jubbaland oo la filayo in la qabto bisha soo socoto Augusto ayaa waxaa weli jira caqabado u baahan in la xaliyo, sida arrinta Musharraxiinta oo tabasho ka qaba guddiga doorashooyinka ee maamulkaasi. Inta badan Musharraxiinta ayaanan is diiwaangelin, iyada oo waqtigii lagu daray uu sii dhammaanayo. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana Axmed Madoobe oo doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan uu la kulamayaa sanadkan cadaadis xoogan. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  18. Somalis everywhere value education. Every parent wants a genius child who will be a triple PhD and the President of Somalia one day. This is very unlikely for the majority of us but for those who can do this, Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa ka warbixiyey xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Amb. Taano ayaa sheegay in haatan ay soo hagaageyso xaaladda guddoomiyaha, islamarkaana ay ku filan tahay dowladda Qatar. Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in lagu guuleystay in laga soo saaro saddex firir oo Caloosha ka galay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhammaan dhaawacyada kale ay soo fiicnaaneyso, xaaladdooda caafimaad. “Dowladda Qatar waxay sameysay dedaal kii ugu weynaa, waanan ugu mahad celineynaa, laga billaabo jawaabtii deg-degga ahayd ee ay bixisay, in 24 Saac wax ka yar ay noo soo dirtay Diyaarad iyo Dhaqaatiir 19 ka kooban, dhaawaciiyoo dhanna ay qaadday, iyo dhaawacyo ay kusoo dartay Dhaqaatiirtu dhaawacyo hore oo isugu jira kuwo laga keenay Boosaaso, Kismaayo iyo KM4, marka waa ugu mahad celineynaa in ay noqdeen Dowladdii ugu horreeysay ee Jawaab deg-deg ah bixisay”ayuu yiri Safiirku. Dhanka kale Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya inuu geeriyooday nin ka mid ahaa dadkii qaraxa ku dhaawacmay ee la geeyey dalka Qatar. Waxa uu carabka ku dhuftay inay xaaladdiisu aad u liidato, balse weli ay la tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka. Dadka dhaawacyada ah ee la gaarsiiyey Qatar oo gaaraya 12 Qof ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka weyn ee Hamad oo ku yaalla gudaha dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dagaallada ka jira gobolka Sanaag ay si nabad ah ku dhammaan doonaan waqtiga dhow. Wuxuu sheegay in xallinta arrintan ay meel dhow mareyso, islamarkaana hadda ay wax walbo si wadajir ah u wadaan waxgaradka, maamulka Sanaag iyo sidoo kale culimada. Madaxweyne Biixi, ma aanu sheegin waqtiga rasmiga ah ee colaaddan lagu soo dhammeynayo, balse wuxuu ku cel-celiyey in wax walbo dhow yihiin. “Shaqaaqadan ka taagan Sanaag wey dhammaan doontaa, nabad bay ku dhammaaneysaa, wax walbana waqti ayeey leeyihiin…wax weyn oo halkaa ka jira ma jiro, waa lagu dhan yahay, waana laga mideysan yahay in arrintaasi ay nabad ku dhammaato” ayuu yiri Muuse Biixi. Dagaallo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo Jabhadda Korneel Caarre ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Maanta oo Axad ah, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag ka jira xiisad u dhaxeysa ciidanka Somaliland iyo kuwa Korneel Caarre, welina ma muuqato xal lagu joojinayo dagaalladan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Taliska ciidanka gaarka ah ee maamulka K/galbeed ayaa u digay waxgaradka ku sugan magaalada Baydhabo ee soo xulay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Korneel Mahad C/raxmaan Aadan, taliyaha ciidankan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aan dhanka amniga ah laga soo saaray waxgaradkii ay u yeereen Al-shabaab. Wuxuu sheegay in marnaba aan la aqbali doonin qof ka baxa Baydhabo islamarkaana u taga Al-shabaab isaga oo cafis raadinaya. Taliyaha ayaa sheegay in ciddii falkaasi sameysay u aqoonsan doonaan Al-shabaab, islamarkaana ciqaab ay muteysan karto. “Shabaab waxay u yeereen ergooyinkii oo ay leeyihiin imaada, waxay leeyihiin waa la idin cafinayaa, waxay rabaan iney dadka dhaqaale ka qaataan, ama ay ka qaadaan qori iyo rasaastiisa, dadna weydiideen, dadna wey ogolaadeen, kuwii ogolaaday waa shabaab, adiga oo jooga Baydhabo oo nabad qaba ayaa Baadiyo waxaa kaaga yeeray niman burcad ah oo aadday, Al-shabaab baad tahay, magaalada Baydhabana kuma soo noqoneysid” ayuu yiri taliyaha. Al-shabaab ayaa dhowaan muddo u qabtay waxgaradkii soo xulay xildhibaannada golaha shacabka, si ay u tagaan deegaannada ay iyaga maamulaan, islamarkaana cafis u dalbadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidanka Somaliland iyo sidoo kale kuwa uu hoggaamiyo Korneel Caarre. Deegaanno duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ayaa lagu soo waramayaa in xiisaddan ay ka taagan tahay, iyadoo xilli walbo la filan karo isku dhac Labada dhinac ah. Shalay ayeey ahayd markii Jabhadda Korneel Caarre ay duulaan ku qaadday saldhiga ay ciidanka Somaliland ku lahaayeen deegaanka Karinka, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Labada dhinac ayaa mid walba dhankiisa guul u sheegtay, balse saakay ayaa lagu waabariistay xiisaddan Labada dhinac. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee Jubaland halkaasi oo la filayo in uu kaga dhawaaqo musharrax u taagan madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland. Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dabada ka riixayso musharrixiin uu kmaid yahay Mr Oomaar si ay cadaadis u saarto madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo isna mar kale u sharraxan doorashada madaxtinimada Jubaland. Balse Safarka Wasiir Oomaar uu maanta ku tagayo magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli khamiistii la soo dhaafay ay Jubbaland ku dhawaaqday in ay hakisay safaradii Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku tegi jireen degaannada Jubaland iyadoo Villa Somalia ku eedaysay in ay fara-gelin ku hayso arrimaha doorashadooda. Dowlad goboleed Jubaland ayaa u diyaar-garowbaysa doorashada madaxtinimada maamulka oo ah mid xasaasiya maadaama uu loollan adag ka dhexeeyo madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Islaan iyo musharrixiinta la baxay Isbeddel Doonka oo ku midaysan in ay meesha ka saaraan madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Oomaar oo ku wajahan Kismaayo xilli Jubaland joojisay safarada mas’uuliyiinta Federaalka appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa markii u horreysay ka hadashay xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisoow] iyo dhaawacyada kale ee lagu daweynayo dalka Qatar. Danjiraha Somalia u fadhiya Doxa, C/risaaq Faarax Cali [Taano], oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee bukaannada weerarradii xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo Qaraxii Is-goyska KM-4 ay soo hagaagayso, isla markaana kuwa daran lala tacaalayo. Sidoo kale, Safiirka ayaa xusay in qof ka mid ah dadkii ku dhaawacmay KM-4, isla markaana uu ku geeriyooday Isbitaalka Dooxa, kaasoo magaciisa lagu sheegay, Maxamed Cismaan Cali, waxaana uu ku gubtay goob shidaal oo uu ag-taagnaa markii qaraxu dhacayay. Taano ayaa hadalkiisa ku daray in dhmamaan dhaawacyada la keenay Qatar oo tiradoodu tahay 12-qof ay u badan yihiin kuwii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay xaurnta maamulka gobolka Banaadir, balse wiilka dhintay uu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxii KM-4 ka dhacay. “Dhaawacyada isbitaalka ku haray xaaladdooda waa lagu dadaalayaa, wayna kasoo raynaysaa xaaladdooda caafimaad,” ayuu yiri danjire Taano oo xusay in sidoo kale ay dhaawacyada soo booqdeen qaar ka mid ah ehelladooda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay isbitaalka uu ku jiro ay ku booqdeen xaaskiisa iyo caruur uu dhalay oo ka yimid dalka Ingiriiska oo ay daggan yihiin, waxaana la sheegay inay rajo ka muujiyeen xaaladdiisa caafimaad. Xukuumadda Qadar ayaa diyaarad gaar ah kaga qaadday garoonka Xamar dhaawacyadan oo intooda badan la sheegay inay culus yihiin waxaana lagu daweynayaan isbitaal caalami ah oo ku yaalla magaalada Dooxa. Ugu dambeyn, Waxaa isagana shalay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ku naf-waayay agaasime ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaasoo dhaawaca culus uu kasoo gaaray qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. PUNTLAND POST The post Dowlada Somalia oo ka hadashay dhaawaca Duqa Muqdisho oo lagu daweynayo Qatar appeared first on Puntland Post.