-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carrafo, si ay u gutaan xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka. Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan 2,096,023, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia. Xujeyda Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan Ammaanka ayaa si aad ah loo xoojiyey, iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka. Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka. Dhammaan dalalka Islaamka ayaa sidoo kale beri isku diyaarinaya dabaal dega maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Malaayiin xujey ah ayaa maanta waxa ay taagan yihiin Banka Carafo, waxaana ay gudanayaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan ee xajka. Xujeyda ayaa saakay laga soo qaaday deegaannadii ay deganaayeen, waxaana ay isugu yimaadeen Banka Carafo, iyaga oo halkaasi joogi doona maanta oo dhan. Dowladda Sacuudiga ayaa diyaarisay kumanaan ciidan, kuwaasi o lasoo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Makka Al-mukarrama, iyadoo sidoo kale gaadiidka laga mamnuucay iney isticmaalaan waddooyinka Xaramka Barakeysan u jira illaa 2-KM. In ka badan 11-kun oo xujey Soomaali ah ayaa sanadkan nasiib u yeeshay iney soo xajiyaan, iyaga oo ka mid ah muslimiinta maanta taagan Banka Carafo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa amray in dhammaan ciidanka xoogga dalka ay isaga baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay iney tagaan saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi iyo sidoo kale dhanka furumaha dagaalka. Lafta Gareen ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu dhex arki karin askari hubeysan, sababtuna wuxuu ku sheegay in amni darrida magaaladaasi ay badatay. Wuxuu sheegay madaxweynaha K/galbeed in ciidanka milatariga ay ka qeybqaateen dil shalay ka dhacay beer ku taalla magaalada Baydhabo. Dhanka kale, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku amray saraakiisha ciidanka xoogga dalka iney soo qabtaan askartii dilka ka dambeysay, lana horkeeno cadaaladda. Ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib markii la sheegay in xiisad ay ka dhalatay dadkii shalay lagu dilay magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Shirkadihii daabulay Xujeyda Soomaalida inay si qaldan u maamuleen adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa Xujeyda. Mr Dhuubow ayaa sheegay in Guddi ay u xilsaartay dowladda Soomaaliya kormeerka xaalada Xujeyda Soomaaliyeed inay soo arkeen afar shirkadood oo sameeyay dayacaad weyn. “Waa nasiib darro in shirkadaha qaarkood inay sameeyaan wax dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkadahan afarta ah ee ku kacay qaladka ay la xisaabtami doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiishga ciidamada maamulka Jubbaland ayaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa magacyada xubnahaasi ku kala sheegtay Geedi Maxamed Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed (Iidle). Labadaani nin ayaa in muddo ah ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab, wuxaana ay ka mid ahaayeen guutada weerarada qaada, sida ay shaaciyeen saraakiisha maamulkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay soo dhaweynayaan xubnaha kale ee ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, haddii ay isa soo dhiibaan. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi la sheegay in uu ka soo goostay dhankooda. Ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Amisom ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Xaaladda magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa maanta kacsan kaddib markii shalay ay ka dhaceen dilal kala duwan oo ay geysteen malleeshiyaad hubaysan, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ahaa ganacsade lagu dhex-toogtay beertiisa oo ku taalla duleedka Baydhabo. Dilka Cali Marguus kaddib ayaa waxaa Baydhabo lagu dilay afar qof oo kale; waxaana falalkan foosha xun si adag uga hadlay madaxweynaha Koonfur-galbeed, C/casii Xasan Maxamed [Lafa-gareen] oo amray in lasoo qabto kuwii ka dambeeyay dilalkaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay ka xun tahay dagaallada la xiriira aanooyinka qabiil ee kasoo cusboonaaday deegaanada Maamulka Koonfur-galbeed. Dhanka kale, Xaaladda Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid kacsan, isla markaana la dareemayo xaalad cabsi ah oo ka dhalatay falalkii kala duwanaa ee shalay ka dhacay dulleedka iyo gudaha Baydhabo. Madaxweyaha Koonfur-galbeed ayaa dilka ganacsade Cali Marguus dusha uga tuurtay ciidamada Dowladda Soomaaliya, isagoo maantana amarro culus ku soo rogay ciidamada Dowladda Federaalka ee Baydhabo ku sugan. “Ciidamada millateriga dowladda federaalka ee Baydhabo ku sugna waa inay ka baxaan magaalada, ayna tagaan saldhigyadooda ku yaalla duleedka, lamana arki karo askari hubeysna oo millateri ah oo magaalada dhex-socda,” ayuu yiri Lafta-gareen. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in saraakiisha ciidamada XDS ee ku sugan Baydhabo ay gacanta kusoo dhigaan askartii ka dambeeyay dilkii loo geystay marxuum Cali Aadan Marguus oo lagu dhex-dilay beertiisa oo aan ka fogeyn Baydhabo. Ugu dambeyn, Cabsida ka taagan Baydhabo ayaa sababtay maanta inaysan maanta furnayn inta badan xarumaha ganacsiga ee magaaladaas, waxaana dadka qaarkood ay sheegayaan in cabsidu ay tahay mid aad u sarreysa, lana filan karo falal-dambiyeedyo kale oo dhaca. PUNTLAND POST The post Xaaladda Baydhabo oo kacsan iyo ciidamada DFS oo lagu amray inay si dhaqso ah uga… appeared first on Puntland Post.
-
Maka (PP) ─ Malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimid caalamka ayaa ku sugan maanta buurta CARAFO dusheeda, kuwaasoo gudana waajibaadka xajka ee sannadkan, waxaana sooman maanta inta baan muslimiinta kale ee aan ku sugnayn CARAFO. Xujeyda ayaa saakay aroortii kasoo dhaqaaqay MINA iyagoo u jiheystay buurta CARAFO, iyadoo in la dul-istaago buurta Carafo uu uu Nebi Muxamed [NNKH] ku tilmaamay inay tahay acmaasha ugu weyn xajka. Sidoo kale, muslimiinta sannadkan xajinaya ayaa tiradooda lagu sheegay inay ka badan yihiin 2-milyan, waxaana ay ka mid noqonaysaa markii ay ugu tirada yaraayeen muslimiinta xajisay sannadihii lasoo dhaafay. Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in sannadkan ay xaj u yimaadeen dalka Sucuudiga in ka badan 2,096,023 oo xaaji, kuwaasoo maanta dhamaantood ku sugan buurta Carafo oo ah halka ugu barakada badan XAJKA. Guddoomiyaha gobolka ay ku taallo Maka, Khalid al-Faisal oo la hadlayay warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegay in sannakan ay balaayiin doollar ku bixiyeen sidii si nabad-galyo ah loogu gudan lahaa acmaasha waajibka ah ee Xajka. Dhanka kale, mas’uulkan ayaa daboolka ka rogay in Maka ay geeyeen in ka badan 350,000 oo askari iyo 4,000 oo shaqaale rayid ah, si ay ugu adeegaan xujeyda sannadkan gudanaya xajka, kuwaasoo ka kala yimid caalamka oo dhan. Gaadiidka ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan waddooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka inta u jira qiyaastii 2-km, si loo badbaadiyo nolosha inta badan xujeyda sannadkan oo waddooyinkaas lugta ku maraya. Ugu dmabeyn, shacabka muslimiinta ah ayaa maalinta berri ah isku diyaarinaya u dabaal–degidda maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa oo ka mid ah Ciidaha muslimiintu ay tirsadaan. PUNTLAND POST The post Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan banka Carafo appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna waljamaaca ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa saaka la soo sheegaya in ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay dib u qabsadaan garoonka diyaaradaha iyo guud ahaan magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu wareejiyay ciidamo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya. Dhaqdhaqaaqyadan ay wadaan ciidamada Culimaa’udiinka Ahu-sunna ayaa bilowday kadib markii uu soo baxay shaki iyo walaac ay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna ka qabaan fulinta heshiiskii ay la gashay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay Sabtida saaka arkayan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ahlu-sunna kuwaasi oo gaaf wareegaya xaafadaha magaalada Dhuusamareeb waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka qabaan in dhaq dhaqaaqan cusub uu dhaliyo isku dhac hubeysan oo u dhexeeya ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna. Sugidda Amniga magaalada Dhuusamareeb gaar ahaanna garoonka diyaaradaha ayaa dhowaan lagu wareejiyay Ciidanka DANAB ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo dowladdu ay todobaadkii hore shaacisay in ay la wareegtay mas’uuliyadda amniga garoonka. PUNTLAND POST The post Magaalada Dhuusamareeb oo laga cabsi qabo in dagaal ka qarxo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusarameeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ahlu-Sunna Waljamaaca dhaq dhaqaaq ciidan ay ka bilowday gudaha magaaladaasi. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa lagu soo warramayaa in ay wadaan ciidamada Ahlu-Sunna, iyadoona la sheegay inay qorsheneyso in haatan ay ka baxdo heshiiskii ay dhowaan la gashay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan oo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka lagu arkayaa xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ahlu-Sunna ayaa dooneysa in ay dib ula wareegto garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Amniga garoonkaasi ayaa dhowaan lagu wareejiyey ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ee Xoogga Soomaaliyeed. Xaaladda ayaa haatan kasan, waxaana dadka deegaanku ay walaac ka muujinayaan dhaq dhaqaaqa cusub ee ka bilowday halkaasi. Shantii bishan August ayey aheyd markii Ahlu-Sunna ay shaki gelisay heshiiskii ay xukuumada kula gashay Dhuusamareeb, kadib warqad uu saaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kaas oo walaac ka muujiyey dhaq dhaqaaqyo ka baxsan heshiiska oo uu sheegay in dowladdu ay ka wado magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Sawirka: magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar Mid kamid ah beelaha Puntland oo shir uga socday tuulada GERI-HEL oo ka tirsan degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa shirkaasi kaga dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka. War-murtiyeed ka soo baxay shirka oo ay ku saxiixan yihiin 18 oday oo samadoonno cuqaal iyo nabaddoono ka kooban ayaa lagu sheegay in beeshu ay qaadatay hirgelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka ee beesha dhexdeeda iyo wixii kala gala dadka ay ood-wadaagta yihiin labadaba. Sidoo kale beeshu waxay war-murtiyeedka ku sheegtay in ay dhistay laba guddi oo kala ah guddiga dhowrista iyo ilaalinta degaanka oo ka shaqeyn doona ka hortagga xaalufinta iyo adkaynta nabadgelyada degaanka beesha iyo sidoo kale guddiga dhaqaalaha gudaha iyo debadda ee beesha. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka shirka PUNTLAND POST The post Mid kamid ah beelaha Puntland oo ku dhawaaqday hirgelinta xukunka Shareecada Islaamka appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa si kulul uga hadlay dilkii shalay loo geystay allaha u naxariistee Marxuum Cali Aadan Marguus oo ahaa nin ganacsade ah. Lafta Gareen ayaa ugu horreyn ka tacsiyeeyey geerida Marxuumka, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa dadka hal doorka ee ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in la garanayo kooxihii ka dambeeyey dilkiisa, islamarkaana ay ku raad joogaan ciidamada ammaanka, sida uu hadalka u dhigay. Dilka Cali Marguus iyo dad kale oo la socday ayaa sababay in dagaal beeleed uu ka bilowdo duleedka magaalada Baydhabo, kaas oo isla shalay lagu dilay illaa 2 qof. Marguus oo si weyn looga yaqaanay Koonfur Galbeed ayaa hore u ahaa siyaasi, wuxuuna soo noqday wasiir iyo xildhibaan, inkastoo markii dambe uu isaga baxay siyaasadda. Dilkiisa oo salka ku hayo arrimo la xariira dhul ayaa ka dhacay beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ee ay siin jirtay odayaasha loo aqoonsanyahay Nabaddoonada sharciga ah ee beelaha. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo la ogaysiiyay xafsiiska madaxweynaha ayaa dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in ay hakiyaan waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ilaa iyo amar dambe. Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada kadibna ay dib ka fasixi doonto bixinta aqoonsiga Nabaddoonimada Hoos ka eeg qoraalka PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo hakisay bixinta waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonada appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI (Reuters) - Ethiopia’s ruling coalition said on Friday it will hold a national election next year, defying worries over security and displacement in the Horn of Africa country that had led some to speculate the election might be postponed. Source: Hiiraan Online
-
Lack of resources limits the potential of Kismayo fishermen
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fishermen in the town of Kismayo, in the lower Juba region of southern Somalia, are suffering from insufficient resources and still use traditional fishing gear and old fishing boats. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey iyo saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ka digay in doorashadda Jubaland ay u dhacdo qaab daah-furnaan la’aan ah, iyagoo ugu baaqey maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo gudiga doorashooyinka inay hab-raac waafi ah u dejiyaan tartanka doorashada. Warqad loo diray Gudiga doorashooyinka Jubaland August 8, 2018, ayuu wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey, James Swan ku sheegay in ay su’aallo ka qabaan habka loo maareynayo soo xulista xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha. “Sidee Gudiga doorashooyinka u xaqiijin karaa in dhaman musharixiinta si siman uga wada qeybgali karaan tartanta,” ayaa lagu yiri warqadda. Waxay sheegeen wakiiladda beesha caalamka ayaa ku baaqay doorasho nabdoon, oo xor iyo xalaal ah, sidoo kalena ku saleysan hanraac hufan ay ka dhacdo Jubaland bishan August. Warqada James Swan ayaa la filayaa inay abuurto dood ku aadan kalsoonida lagu qabo gudiga doorashada Jubaland iyo inay Kismaayo ka dhaco doorasho natiijadeeda lagu wada qanci karo. Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku sheegtay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashadda Jubaland, hadii aan la raacin nidaamkii ay iyada u dejisay. Waxay sheegtay Wasaaradda in odayaasha soo xulaya Xildhibaanada cusub inay noqdaan kuwa iyada diiwaan-gelisay, sidoo kalena baarlamaanka la dooranayo looga qaaban yahay markii uu gudoonkiisa doorto kadib inuu dhiso gudi ka shaqeeya qabsoomida doorashada Madaxweynaha Jubaland. Si kastaba, Jubaland ayaa horey u diiday baaqa dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in arrimaha doorashooyinka ay yihiin kuwa u gaar ah maamulkan, oo isaga kaliya go’aamin kara. Madaxweyne Axmed Madoobe oo Jubaland soo hogaaminayay tan iyo aas-aaskeeda 2013-kii, ayaa hadda kamid ah musharixiinta, isagoo raadinaya in mar 3aad xilka loo doorto. Hoos ka aqriso warqadda Xigasho: Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka tanaasulay in uu u tartamo xilka madaxweynaha Galmudug. Xaaf waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badan ee maamulkiisa ragaadisay ay tahay ka dib markii dadka kasoo jeeda deegaanka ay cagaha ku dhigeen. ‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yidhi madaxweyne Xaaf. Xaaf ayaa laba bil ka hor heshiis rasmi ah la gaaray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kadib loolan adag iyo dagaal ay dowladda u gashay inay xilka ka tuurto. Heshiiska Xaaf uu la galay dowladda ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahayd shixnad dhaqaale oo uu helay, isaga oo taa beddelkeeda xaqiijiyey inuusan dib ugu tartamin xilka, sida aan xogta ku helnay. Doorashada Galmudug ayaa la filayaa inuu kusoo baxo musharax ay dowladda wadato, si ay mar kale u xaqiijiso inay gacanta ku dhigto maamul goboleed kale, kadib doorashadii Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda “Villa Somalia,” ayaa ku soo kordhiyay siyaasadda qaranka dood xiiso leh, haddana timid waqtigii ku haboona. Warku wuxuu ahaa, in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si rasmi ah u celiyay jinsiyaddiisii labaad ee dalka Maraykanka. Halka laga filayay inay doodda saldhigeedu noqdo, siyaasi ku fadhiya xafiiska ugu sareyo qaranka, haysashadiisa Jinsiyad labaad maxaa dan ah ee dalka ugu jira amase ku seegi karaa, ayaa dooddii noqotay mid fadhi-ku-dirir, taasoo indhaha muwaadiniinta ka leexinaysa inay daawo u hellaan tuhumadda ay ka qabaan labo jinsiyad laha, ama labo shaati laha! Haddii dib loogu noqdo taariikhda tixanaha ah ee Soomaaliya, maanta waa markii ugu badneed oo muwaadiniinteedu ay haystaan jinsiyad labaad. Waxaa si fiican looga dheregsan yahay in seddax meelood labo meel xildhibaanadda labada aqal iyo golaha wasiiradda dalka ay haystaan jinsiyad labaad, haddana xaaladaas, waagii baryaba wey sii badan doontaa! Shaki kuma jiro, in dalka uu ka faa’iiday dadkiisa labada jinsiyadeed leh dhaqaale, cilmi iyo waayo aragnimaba. Hase yeeshee, su’aashu waxay tahay, waa maxay xuquuqda uu u leeyahay qof inuu loo doorto xafiiska ugu sareya qaranka, amase uu qabto jagooyinka u baahan in loo magacaabo qof la hubo daacadnimadiisa? Jawaabtu waxay igula muuqataa, in qabashada (doorashada) xafiis sare ay tahay mudnaan gaar ah (privilage), oo aan ku xiraneyn u dhalashada dalka oo keliya. Si aan taas u caddeyo, haddaba su’aasha taa xigtaa waxay tahay, miyeysan jinsiyad labaad u horseedi karin amase sababi karin khilaaf dan xafiis (conflict of interest)? In muddo ah, siyaasiinta Soomaaliyeed waxay u arkayeen in jisiyadda labaad ay u sahleyso safaradda dibedda, una ilaalineyso xuquuqda (caafimaadka, waxbarashada, iwm) reerahooda (afada iyo caruuta) dibedda ku nool. Hase yeeshee, taas lafteedu waxay dad badan u arkaan inay qayb ka tahay aafadda haysato dalka. Dadka sidaas ku dooddaya, waxay ku eedeynayaan siyaasiyiinta haysta jansiyadaha badan, inay dan ka lahayn amase carqaladeeyaan xasiloonida dalka (amni, siyaasiyad, horumarinta adeega bulshada iwm). Haddaba su’aasha waxay tahay, maxaa siyaasigu uu uga baahan yahay inuu haysto jinsiyad labaad asagoo u tartamaya inuu qabto xafiiska ugu sareeya dalka, ama loo dhiibo jagooyinka amniga iyo dublamaasiyadda ee xasaasiga ah? Walow, dastuurka ku meel gaarka ah uu oggol yahay haysashada jinsiyad labaad, haddana su’aasha waxay tahay, miyaan hoggaamiyaha dalka looga baahneyn inuu meesha ka saaro shaki ku saabsan halka ay daacadnimadiisu u jiifto (janjeertaa). Marka meel la iska dhigo, in haysashada jinsiyadda Soomaaliga keliya keeni karto kalsoonida dadku ku qabaan hoggaankooda, haddana dhanka kale, faa’iidadda dalka ay u leedahay waxaa ka mid ah, kalsoonidda madaxda ay ku qabi karaan ama dowldaha kale ee heshiisyada la gelaya Soomaaliya. “Tusaale, haddii masuul ka socda Soomaaliya haysto jinsiyada labaad heshiis la gelayo dal ay is hayaan dalka uu ka haysto jinsiyadda labaad, waxay u badan tahay in dowladdahaas uu la gorgortamayo u arkaan, qofka matalaya Soomaaliya ee haysta jinsiyadda dal kale mid aan sir lala wadaagi karin, waxna lala qabsan karin. Halkaas waxaa Soomaaliya ku seegaya wax badan!” sida uu yiri diblomaasi hawlgab ah oo magaciisa ka gaabsaday. Haysashada madaxada sare jinsiyadda Soomaaliga oo keliya waxay u gacan banaanaynaysaa qaadashada go’aamo dalka iyo dadka wax tar u noqon kara! Doodda waa noo furan tahay….. By: Tifaftiraha Jamhuriyadda AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
MOGADISHU, Somalia—Ahmed Salah Hassan walked across Africa and Latin America to get to the United States. He traversed nearly 20 national borders, hiked the Darién Gap—a 60-mile patch of untamable jungle and swamp—and braved the checks at the U.S. southern border. Source: Hiiraan Online
