Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyaynaysaa waxyeelada qaraxii maanta ay cadawgu ku gumaadeen shacabka aan waxba galabsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladd Puntland iyo shacabkeeduba waxa ay tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey falkaasi arxandarada ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi. waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda ee falkaasi arxandarada ah ku shahiidey. Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Alle “SWC”u waydiinayaa inuu u boogadhayo intii ku dhaawacantay. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo ka tacsiyaysay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa damacsan in uu isbadal ku sameeyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada todobaadyada soo aadan sida ay noo sheegeen Xubno katirsan HirShabelle. Maxamed Cabdi Waare, ayaa la sheegay in uu isbadal ku sameynayo Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiir-u-dowlayaasha kuwaas oo aan aheyn Xildhibaano waxaase la filayaa in isabadalkaan uusan saameen doonin Wasiirada sidoo kale Xildhibaanada ah. Qof katirsan Xafiiska Madaxtooyada HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu go’aansaday in uu xilka ka qaado Wasiiro dhowr ah islamarkaana lagu badalo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka HirShabelle. Arintaan ayaa lagu sheegay in ay sababtay culees siyaasadeed oo soo food saaray Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda khilaaf kala dhaxeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre. Madaxweyne Waare, ayaa markii la doortay waxyaabihii uu balan qaaday waxaa kamid ahaa in uu soo dhiso doono Gole Wasiiro oo kooban oo aan kamid aheyn Xubnaha Baarlamaanka HirShabelle balse ma dhicin. Wasiirada ugu badan ee maamulka HirShabelle hadda waxay sidoo kale katirsan Xubnaha Golaha Wakiilada HirShabelle waxayna noqdeen difaaca ugu adag ee Madaxweyne Waare iyadoo hadana la filayo in Wasiirada dhan laga dhigo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta qaaday talaabo ay cadaadis xoogan ku saareyso Hogaamiyaha jabhada dib u xoreynta Somaliland, Kornayl Siciid Caare. Xukuumada Biixi ayaa saaka Ciidamo badan waxay geysay deegaano ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, oo u dhow Buuraley ay saldhig ka sameeysteen ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare. Ciidamadan saaka la geeyay deeeganadaasi ayaa waxa hogaaminayey Taliyaha Ciidamada RRU-da Somaliland, kuwaasi oo laga soo kala qaaday deegaanada Tukaraq iyo galbeedka Hargeysa. Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in Somaliland ay ciidamadan culeys ku saareyso in Kornayl Caare uu ogolaado inuu isku soo dhiibo, kadib markii ay wax natiijo ah keeni weysay waan-waan iyo wada-hadal ay labada dhinac ka dhex wadeen guddi iskugu jiray odayaal iyo waxgaradka gobolka Sanaag. Ilaa iyo haddana ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan ciidamadan badan ee saaka ay geeysay deegaanada Ceerigaabo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. A suicide bomber has seriously injured the mayor of Somalia’s capital, Mogadishu, killing at least six other people, officials told the BBC. The female bomber blew herself up inside the office of Mayor Abdirahman Omar Osman during a security meeting. Militant Islamist group al-Shabab says it carried out the attack, hoping to target the new UN special envoy to Somalia, James Swan, a US citizen. But he had met the mayor earlier, leaving before the blast occurred. It is unclear how the bomber managed to enter the heavily guarded building. The victims, five men and one woman, were all government officials, Information Minister Dahir Mohamud Gelle told the BBC. Al-Shabab seeks to overthrow Somalia’s central government and has been carrying out regular attacks in Mogadishu, despite the heavy presence of African Union peacekeepers and US-trained Somali troops. The group is affiliated with al-Qaeda and remains a powerful presence in rural Somalia. Source: BBC News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiiro Iyo maamulka Gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso magacyada guddiga
  6. A suspected al-Shabab suicide bomber killed at least six people Wednesday and injured six others, including the mayor of the Somali capital Mogadishu, witnesses and security officials said. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___Qubanaha-24072019.mp3 View the full article
  8. Wasiirkii hore ee qorshaynta Dawladda federalka somalia mudane Cabdirahmaan caynte ayaa maktabada guud ee Eyl ugu deeqay 200 oo buug oo qayb ka mid ah [...] Source
  9. Abwaan Bariir oo ka mid ah waxgaradka PUNTLAND ayaa maanta dareenkiisa uga hadlay kullan ay GAROWE ku yeesheen xubno ka mid ah Asaasayaashii PUNTLAND iyo [...] Source
  10. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa wuxuu magacaabay lataliyayaashiisa, isagoo Nuuradiin Aaden Diriye u magacaabay Gudoomiyaha Gudigaan. Nuuradiin wuxuu in mudovah kasoo shaqeeyey Xafiiska Qaramada Midoobey [...] Source
  11. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Golaha sare ee La-talinta Madaxweynaha oo ka kooban lix xubnood. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni, ayaa lagu magacaabay Golaha oo uu guddoomiye u yahay Nuuraddiin Aadan Diiriye waxaana magacyadoodu kala yihiin: Nuuraddiin Aadan Diiriye, Mahdi Maxamuud Cali, Yaasmiin Maxamuud Xaamud, Drs Siciida Axmed Cali, Eng Axmed Abshir Faarax iyo Cismaan Siciid Cilmi. Halkaan ka akhriso dikreetada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Gole cusub appeared first on Puntland Post.
  12. Gudoomiyihii Degmada Cabdicasiis Marxuumad Sabaax Cabdullaahi oo Reer Puntland ahayd ayaa kamid ahaa Dadkii lagu xasuuqay Xarunta Gobolka Banaadir. Alaaha u naxariistee Sabaax Cabdullaahi Waxay [...] Source
  13. Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka ah Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda uga warbixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime. Sidoo kale wasiir Maareeye ayaa xusay in ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen. Dhanka kale wasiir warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow Warbaahinta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ay faahfaahin ka bixiyeen Khasaaraha ka dhashay qaraxii halkaas ka dhacay galabta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banadir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay howlan tahay badbaadinta dadka ay waxyeelado soo gaartay. Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii galabta ay ku dhinteen 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime, inkasta oo ay Caasimada Online xaqiijisay dhimashada 7 qof, waxaana hadda la xaqiijiyey dhimashada guddoomiyaha Shangaani, oo markii hore aan la werin. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada: 1 – Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad 2 – Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi 3 – Guddoomiyihii degmada Shangaani Sahra Markeyzi 4 – Agaasimaha Nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane 5 – Agaasimahii Shaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere. 5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye 6 – Agaasimaha qorsheynta deegaanka dowladda hoose, Ijineer Shuuriye. Wasiirka waxa uu sheegay in sidoo kale ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo Guddoomoyiyaha gobolka Benadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falka dhacay islamarkaana ay faah faahin dib kasoo sheegi doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka warbixiyey weerarkii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banadir. Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkan ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaaleen. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan. View the full article
  16. Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 10-qof ayaa ku geeriyooday in ka badan 30-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray qarax is-miidaamin loo maleynayo oo galabta ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, waxaana mas’uuliyadda qarxan sheegtay Al-shabaab. Qaraxan ayaa dhacay xilli uu soday shir looga hadlayay amniga caasimadda kaasoo toddobaadkiiba mar la qabto, waxaana qaraxaan ku dhintay qaar ka mie ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaal ka mid ah kuwa degmooyinka Xamar. Sidoo kale, Dadka ku dhintay qaraxan ayaa waxaa ka mid ah; afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane iyo agaasimihii waaxda shaqada iyo shaqaalaha Gobolka Banaadir, C/llaahi Dheere. Waxaa kaloo ka mid ah xubnaha weerarkan naftooda ku waayay guddoomiyihii degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali iyo guddoomiyihii C/casiis oo ahayd haweeney lagu magacaabi jiray, Safiya C/llaahi Asad, kuwaasoo oo u dhintay dhaawacyo halis ah oo soo gaaray. Dhanka kale, Qaraxan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumarr Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa la sheegay inuu yahay mid culus, waxaana lagu daweynayaa isbitaalka Digfeef ee Muqdisho, halkaasoo lagula tacaalayo dhaawiciisa. Qaraxan ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay guddoomiyeyaal ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, waxaa kaloo jiray dad badan oo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar ka tisran, kuwaasoo la sheegay in la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Duqa Muqdisho Inj. Yariisow ay xaaladiisu wanaagsan tahay, isla markaana lagu daweynayo Xamar. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarxii maanta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyagoo warbixin ay soo saartay u sheegtay in qaraxan ay ula dan lahaayeen ergayga QM ee Somalia James Swan oo maanta booqday xarunta gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Maanta Gilgilay Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benadir Mudane Tuuleh oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benadir inay is-dejiyaan. Guddoomiye Tuulax waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay islamarkaana uusoo gaaray dhaawac hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan. Sidoo kale, waxa uu intaai ku daray iney jiraan waxyeelo so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan. Ugu dambeyn, waxa uu sheegay in falkan “argigixisadu” geysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii galabta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo dhaliyey khasaare xooggan. War rasmi ah oo kasoo baxay A-Shabaab ayaa lagu sheegay in bartilmaameedka qaraxaas uu ahaa ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo u dhashay dalka Mareykanka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga James Swan, kaasi oo xarunta gobolka ka tagay inta uusan qaraxa dhicin. Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda. Qaraxa ayaa waxaa ka dhintay gudoomiyihii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad, Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi, agaasimaha nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane, iyo agaasimahii shaqada iyo Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere. Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka. Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, oo xaaladdiisa ay halis tahay, Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame, Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-24072019.mp3 View the full article
  20. Mogadishu, 24 July 2019: National Alliance for Human Rights Organizations in Somalia (NAHRS) – an umbrella of 28 human rights organizations operating in the regions of Somalia – has today cautioned the Somali people to be vigilant about fresh attempts by external powers in subverting Somalia’s fragile peace and stability. Following an article published by New York Times Newspaper about a terrorist attack in Bossasso, Puntland, the Somali nation are being puzzled by individuals with ill-behaved political agenda who have been busy playing the blame game to settle scores with their political opponents. NAHRS considers the claim that terror attack in Bossasso, which targeted UAE investments, was conspired, funded or organized by representatives acting on behalf of State of Qatar, is completely unreasonable and ridiculous; and does not merit to be given any credibility. This claim is an unalloyed effort to essentially take ensuing Gulf conflict to Somali regions and make Somalia a battlefield, coupled with horrific suffering and human rights violations of Somali people. It is a naked attempt to inflame bloodstained conflicts among Somalis and drive a wedge between politicians. The people of Somalia strongly appreciate the peculiar role Qatar has been playing in bringing Somalis together to spread peace, reconciliation, and coexistence. Qatar has a strong record of assisting Somalis in need, and Qatari organizations are actively responding to humanitarian crises and developmental needs of Somalia. Qatar has also played a leading role through its generous funding for the implementation of infrastructure projects and peace-building work. Through its example and its organizing function, Qatar is moreover galvanizing other nations to participate in coordinated action for inclusive economic development, including through vital international pledging conferences for Somalia. View the full article
  21. A suicide bomb attack on the local government headquarters injured the mayor of Mogadishu and several other Somali officials on Wednesday, a relative of one of the victims told Reuters. Source: Hiiraan Online