-
Content Count
212,054 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirada ku jira Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin aan lagu aqoonin Wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya ee ka soo jeeda gobalada kale ee dalka. Wasiiradan oo gaaraya ilaa 3 Xubnood ayaa dhowr jeer shirar ku saabsan Wasaaradaha ay hogaamiyaan ku qabtay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaana ka soo qayb galay tobaneeyo dad ah oo ay ku jiraan wasiirada maamul gobaleedyada dalka. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ugu horreeya xubnahaas oo marar badan magaalada Garowe ku qabtay shirar ku saabsan Wasaaraddiisa iyo waxqabadkeeda waxaana dadkii ka qayb galay ka kala yimaadeen gobalada iyo degaanada maamul gobaleedyada dalka. Muddada uu socday shirkaas waxaa ka faa’iideestay ganacsatada Garowe, siyaasiinta, dhalinyarada iyo Haweenka oo qaarkood marti ku ahaa Shirka. Hoteelo badan ayaa laga kireestaa magaalada Garowe maalmaha ay shirarka socdaa, gaadiidka ayaa sidoo kale aad loo kireestaa, warbaahinta ayaa ka hesha fursado shaqo halka ay ciidamada iyo qaybaha kale ee bulshada helaan fursado muhiim ah. Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale Shirkiisii ugu horreeyay ee ku saabsan Shaqa abuurka Soomaaliya ku qabtay halkaas, waxaana ka qayb galay Wasiirada maamul gobaleedyada iyo ururada shaqaalaha iyo dad kale oo lagu marti qaaday. Shirkaas waxay shacabka Puntland ay ka faa’ideen kumanaan doolar kadib markii ay heleen fursado ganacsi iyo kuwa kale oo muhiim u ah degaankooda. Shirkii ugu dambeeyay waxaa Garowe ku qabtay Wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan, waxa uuna shirkaas ku saabsanaa horumarinta ganacsiga Kaluunka iyo kheyraadka kale Badda dhax ceegaaga. Qalad ma ahan in Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Puntland ay degaanadooda uga faa’ideeyaan shirarka iyo fursadaha ay helaan balse waxay muujineysaa in ay ka il dheer yihiin wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya. Haddii Wasiirada kale ee Xukuumadda Soomaaliya shirarka ku qaban lahaayeen magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Kismaayo iyo Dhuusamareeb waxay noqon laheyd fursado muhiim ah iyo shaqooyin kale ay oo fud fud. Sidoo kale waxay qayb ka noqon laheyd daadajinta nidaamka Fedraalka Soomaaliya iyo kawar qabka degaanada ay ka soo jedaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Tehran (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa qaaday tallaabo kale oo dhabarjab ku ah Sacuudiga, islamarkaana wafdi u diray dalka Iran oo Sacuudiga uu loolan siyaasadeed kala dhaxeeyo. Xuseen Dahqan oo ah la-taliyaha hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta Imaaraadka ay wafdi usoo direen Tehran, si ay ugala hadlaan xiisadda ka taagan gacanka. Tallaabada Imaaraadka ee ku wajahan Iran ayaa ah tii labaad oo dhabarjab ku ah Riyadh oo ay xulufo yihiin Abu Dhabi wax ka yar labi bilood un, ayada oo Imaaraadka ay horey inta badan ciidamadooda uga soo saareen dalka Yemen. Dahqan ayaa sheegay in Imaaraadka ay noqdeen xudunta weerarada Mareykanka uu ku qaado danaha amniga ee Iran, sidaas darteedna ay ogyihiin waxa looga baahan yahay si ay farriin nabadeed ugu diraan shacabka Iran. Imaaraadka ayaa garowsan in dagaal kasta oo lagu qaado Iran uu horseedi doono in Iran ay beegsato magaalooyinka Dubai iyo Abu Dhabi, oo ay gantaalo ku garaacdo, waxayna isku dayaysaa inay xiisadda qaboojiso. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Boqor Cismaan Buurmadow oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo xaalada guud ee ka jirta deegaanada Somaliland. Boqor Buurmadow ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka looga baahanyahay in doorashooyinka ay waqtigooga ku qabtaan, haddii kale ay Somaliland waayi doonto taageerada iyo tix-gelinta ay ka hesho beesha caalamka Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xiisada u dhaxeysa Xukuumada iyo Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare, isagoona baaq u direy Madaxweyne Biixi, wuxuuna yiri “Dalku xaalada uu marayo hadal badan uma baahna, dalku wuxuu u baahan yahay dhawris iyo xanaano fara badan”. “Xukuumada iyo xisbiyada waxaan u soo jeedinayaa laba arrin oo taagan oo midi doorashadii caalamku inagu tix-galinayey ahayd, inta qudha ee aynu naruuro lahayn ama caalamku inoogu soo joogsanayey waa doorasho, haday inoo dhici waydana waxaynu noqonaynaa dad caalamkuna indhaha kala noqdo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Arinka kale ee hada taagan ee buurta ee la leeyahay waa lays horfadhiyaa labadaba tanaasul iyo nabad galyo ayaan xukuumada iyo dadka ehelka ah ee aanu walaalaha nahay ugu baaqayaa”. “Madaxweynaha iyo xukuumada waxaan leeyahay arrimaha taagan oo dhan mid dhibaato ah ha noqoto ama cid mucaarid ku ah dawlada ha noqotee ama arin siyaasadeed oo doorasho ah ha noqotee inay dhimriso oo dajiso ayaan kula talinayaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xukuumada Muuse Biixi ay xabisga dhigtay Wariye si weyn ugu ololeyn jirey Madaxweyne Muuse Biixi. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle, xili uu ku sugnaa gudaha magaalada Hargeysa. Maxamed Bakayle ayaa ahaa Wariye si weyn u taageera siyaasada xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye iyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana ka qeyb qaatay ololihii uu ku soo baxay Muuse Biixi. Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo xukuumada Kulmiye oo ku aadan xariga Wariyahan. Xukuumada Muuse Biixi ayaa waxay hore xabsiga u dhigi jirtay Suxufiyiinta dhaliila siyaasada maamulkeeda, balse talaabadan ayaa u muuqata mid ka gadisan kuwii hore. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee dalka UK ayaa qoray in Ilhaan Cumar iyo seygeeda ay kala guuraan islamarkaana ay ku guda jiraan hanaan ay isku furayaan. Daily Mail ayaa warbixin gaar ah oo uu qoray ku sheegay in Ilhaan ay cayrisay seygeeda Axmed Xiris, oo markii ugu horreysay ay is-guursadeen sanadii 2002 , balse is-fureen 2008, ka hor inta aysan mar kale dib isugu noqon. Wargeyska ayaa sheegay in Ilhaan ay hadda ka guurtay Axmed kuna nooshahay dhisme qaali ah oo ku yaalla Mill District oo ah xaafadda ka tirsan Minneapolis. “Waan ka xumahay, waxba kama oran karo arrintan” ayuu yiri Axmed Xirsi oo Daily Mail ay wax ka weydiisay. Sidoo kale, Ilhaan Cumar ayaan ka jawaabin xiriir ay la sameysay Daily Mail. Axmed Xirsi ayaa hadda kaligiis ku nool gurigii ay wada deganaayeen isaga iyo Ilhaan, hase yeeshee waxa uu tagaa guriga cusub ee Ilhaan ay kiraysatay marka ay ku maqan tahay magaalada Washington DC, halkaasi oo ay xubin ka tahay congress-ka Mareykanka. Axmed Xirsi ayaan sidoo kale xaaskiisa kusoo dhoweyn garoonka diyaaradaha Minneapolis-St. Paul Airport markii ay toddobaadkii tagay kasoo laabtay Washington DC. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeymo aan weli caddeyn loo hayn oo xubno Jamhuuriyiin ah ay ku sheegeen inay si been ah u guursatay walaalkeed si ay u keento dalka Mareykanka. Sawirrada guriga cusub ee ay degtay Ilhaan Cumar Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
African Development Bank helps to modernise South Sudan’s financial systems Abidjan 26 July 2019 – The African Development Bank Board on 17th July 2019 approved $6.6 million funding to finance South Sudan’s payment and settlement systems integration project. The project is consistent with the Bank’s updated country strategy paper which concentrates on state building through capacity and infrastructure development. The project is also aligned with South Sudan’s National Development Strategy 2018-2021; the latter confirms the need to restore and maintain economic infrastructure. The objective of the project is to modernise the payment systems in South Sudan in order to improve the country’s financial systems and promote regional integration. To this end, the project will assist South Sudan to develop and harmonise its payment systems in line with those of five member countries of the East African Community (EAC), thereby facilitating progress towards the a monetary union in the EAC and increasing trade and economic activities within the region. For South Sudan, the development of real time gross settlement (RTGS) and the other components of the project will improve the efficiency of financial intermediation, enhance the management of systemic risks, and promote liquidity management, monetary policy implementation, and strengthen the financial sector. The newly approved project complements the ongoing EAC payment and settlement systems integration project (EAC-PSSIP) and support to South Sudan, which is closely aligned with the 4th EAC development strategy (2011/12 – 2015/16) and the EAC common market protocol, which emphasises trade facilitation, a single market in financial services, an EAC monetary union, and infrastructure connectivity into regional development initiatives. Implementation of the new project will commence during the 2019/2020 financial year, and the EAC secretariat will coordinate project implementation, in close collaboration with the Central Bank of South Sudan. Once completed, the project will have produced a modernised payment system for South Sudan, a Central Bank with greater capacity to provide oversight, and policies and regulations to support payments and settlements. These achievements will put South Sudan in a position to interconnect better with other East African countries to ease transfers of funds through the East African Payment System (EAPS) platform. The Bank’s country manager for South Sudan, Benedict Kanu, noted that “the modernisation of payment systems to bolster the financial system’s performance will not only increase the formal financial sector, but also encourage regional integration. Moreover, the established linkages between financial inclusion and inclusive growth will benefit the people of South Sudan by assisting them to invest more in their economy”. He added that the activities of the proposed project will not only promote better governance in the financial sector, but also improve access to much-needed credit, thereby enabling businesses, especially SMEs, to expand, creating jobs and reinvigorating growth. South Sudan’s economy currently functions mainly on a cash basis, with very low usage of commercial Bank cheques. Banks are the main providers of payment services in the country. 29 commercial banks are licensed to operate in South Sudan, six of which are foreign-owned. The indigenous banks are mainly one-branch operations, whose main business is foreign exchange trading. Appropriate regulations have been drafted and it is envisaged that mobile payment and banking services will be launched by several banks as soon as the regulatory framework is ratified. Since 2012, the Bank has contributed more than $160.55 million in development aid across various sectors for South Sudan. The Bank’s support has focused on capacity building, and infrastructure development, with particular emphasis on creating conditions for promoting peace, stability and state building, in line with South Sudan’s and the Bank’s strategic priorities. Qaran News
-
By JOHN VANDIVER | STARS AND STRIPES STUTTGART, Germany — Hours after taking charge of U.S. Africa Command Friday, Gen. Stephen J. Townsend, was at work assessing the state of operations on the continent where he now leads military efforts. After a brief change of command reception at Stuttgart’s Patch Barracks, Townsend huddled with his top commanders. Next week, Townsend said he will make his first trip to East Africa, where the U.S. faces a complicated security situation in places like Somalia. “I intend to very thoroughly assess everything the command does,” Townsend told Stars and Stripes. Townsend replaced Gen. Thomas Waldhauser, who is set to retire after leading AFRICOM for three years in a tenure that saw a growing mission in Somalia, an air bombardment campaign in Libya and a deadly ambush of U.S. troops in Niger that jolted the military community. “We honor the bravery, service and sacrifice of those American, African, and partner soldiers who have given their lives over the past three years in the noble pursuit of peace and security across the African continent,” Waldhauser said during the ceremony. Townsend, who previously led the U.S. Army’s Training and Doctrine Command and, before that, headed the U.S.-led coalition that battled the Islamic State group in Iraq and Syria, takes over at AFRICOM at a tumultuous time. n 2017, four U.S. soldiers were killed in the ambush in Niger that brought intense scrutiny and political attention on the U.S.’s role in Africa. The military also has picked up the pace of operations in Somalia, where it has conducted 46 airstrikes this year against forces aligned with al-Qaida and the Islamic State group. As drone strikes have increased, accusations of civilian casualties also have begun to emerge. So far, AFRICOM has acknowledged that two civilians have been killed in a U.S. drone strike in 2018, but watchdog groups like Amnesty International earlier this year claimed the toll is higher. When asked whether he intends to reassess how the military operates in Somalia, Townsend said he would, just as he will examine everything AFRICOM does. “I am comfortable with what the command has been doing (in Somalia), but as a new commander I am going to do what all commanders do,” Townsend said. “I am going to give my own look, my own assessment.” Regarding questions from human rights groups about civilian casualties, Townsend said, “I understand their concerns.” However, Townsend said the military conducts airstrikes in a careful way and takes measures to avoid civilian deaths whenever possible. As head of the U.S. coalition against ISIS, Townsend oversaw a massive air campaign against militants in Iraq and Syria. “These things are a part of conflict. It’s unfortunate, but they are,” Townsend said. In Somalia, AFRICOM leaders say they have seen important progress over the past couple years. The Somali military has been growing and taking on a larger role against the insurgent group Al-Shabab and the central government has become more capable, military officials say. “These gains in Somalia are extremely fragile,” Waldhauser said. “But they are gains nonetheless.” AFRICOM is adapting to a new Pentagon strategy that calls for greater focus on countering Russia and China in Africa, where both countries have sought to gain influence. China, in particular, now operates a base in Djibouti near the U.S. military’s hub at Camp Lemonnier. Townsend also faces the challenge of keeping pressure on militant groups, while working to keep Russian and Chinese influence in Africa in check. Without naming China or Russia, Townsend said, “We will continue to counter corrosive influence on the African continent, whatever those corrosive influences may be.” Although the command posting in Stuttgart is Townsend’s first military assignment in Germany, it marks something of a homecoming for him as he grew up on bases in the country as part of an Army family. “This is an incredible assignment,” Townsend said. vandiver.john@stripes.com Twitter: @john_vandiver
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxii ugu dambeeyay ee uruka Al-Shabaab uu la beegsaday xarunta Gobolka Banaadir Arbacadii la soo dhaafay ayaa – ka sokow khasaarihii uu geystay – waxa uu dhaliyay su’aalo waa wayn oo ku saabsan wadasahaqeynta laamaha amniga dowladda iyo cidda qaadeysa masuuliyadda. Xogta qaraxan ayaa horey loo sii ogaa, oo xitaa Caasimada Online oo soo xiganeysa saraakiil amni, ayaa werisay maalin ka hor inay halis kusoo socoto xarunta gobolka. In gabar is-qarxin rabto waxaa laga sheegay gacanka is-gaarsiinta ee ay iskula xiriiraan booliska, sidaa soo ay tahayna waa laga hortagi waayey. Caasimadda Online oo arrintaan baaris dheer ku sameysay ayaa ogaatay sababta aysan u miro-dhalin dadaallada hay’adaha amniga dowladda, oo ay wali u taagan tahay khatarta qaraxyada qorsheysan ee Al-Shabaab. 2018, ayaa dowladda Federaalku go’aansatay baa’inta ciidamadii hubeysnaa ee hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya, marka laga reebo ururada gaar ah u tababaran ee Gaashaan iyo Waran. Tallaabadaan ayaa waxaa ka dhashay in hay’addu xoogga saarto dhanka sirdoonka oo ay si qarsoodi ah ku shaqeyso. Wax badan ayaa iska bedelay sidii ay NISA u shaqeyn jirtay, waxaana dib u habayn lagu sameeyay qaab-dhismeedka maamul iyada oo saraakiisha lagu amray sirta hay’adda aysan bannaanka geyn karin. Howoshaas inteeda badan waa lagu guuleystay. In badan oo ka mid ah qaraxyada Muqdisho ka dhacay lixdii bil ee la soo dhaafay xogtooda horay ayaa loo hayey, isla markaana waxaa marar badan lala wadaagayey Booliska celcelis ahaan saddex todobaad ka hor qarax walba oo Muqdisho ka dhacay. Xogta Qaraxii ugu dambeeyay ee lala eegtay Xarunta Gobolka Banaadir oo faahfaahsan sirdoonku waxa uu la wadaagay Taliska Booliska todobaad ka hor, Caasimadda Online ayaa ogaatay qorshaha qaraxaas, kuna dhiirratay baahinta xogtaas iyada oo xaqiijisay in isgaarsiinta Booliska laga shaaciyay xogtan balse, madaxda Booliska oo aan xil iska saarin darteed aan laga faa’ideysan xogtii sirdoonka. Dhacdo kale oo ay Caasimadda Online ay fursad u heshay in ay baarto ayaa ahayd gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay gudaha xarunta degmada Warta Nabadda oo khasaare badan geystay. Xogta la xiriirta qaraxaas waxa ay sirdoonku gudbiyeen inta uusan dhicin bilo ka hor, balse majirin cid masuuliyad iska saartay. Si taa lamid ah qaraxii wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo kuwa kale oo badan. Dowladda ayaa u muuqata in ay qeyb ahaan ku guuleysatay dhismaha sirdoon awooda inuu xogta ka soo helo gudaha Al-Shabaab, balse waxaa shaki badan la gelinayaa tayada ciidamada amniga ee ay tahay inay qaadaan tallaabooyinkii looga hor-tagi lahaa falalka Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Siddeedda Waddan ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Arbacadii Todobaadkan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada Saraakiil ka tirsan Dowladda, Dad uu ku jira Duqa Muqdishana ay ku dhaawacmeen. War ay si wada jir ah usoo saareen Maanta oo Jimca ah Urur Goboleedka IGAD, laguna daabacay Jariiradda Strategic Intelligence, ayaa sidaa lagu sheegay. Urur Goboleedka IGAD wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo isu soo dhowaashaha Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka ka jira, dhismaha awoodda Millitariga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si loo hubiyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Weerarkii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya , James Swan, oo ay tuhunsanaayeen in uu halkaasi ku sugnaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Click here Qaran News
-
Guban View: How Ministry of Interior bullies the elected district councils Guban View: How Ministry of Interior bullies the elected district councils This week, Somaliland police arrested four councilors of the Gabiley district Council. They are being held at the headquarters of the Criminal Investigations Unit of the police in Hargeisa. So far, the charges against them are unknown. There is speculation that the councilors were calling for a vote of no confidence against the mayor of Gabiley. But, Col. Kahin, the Interior Minister, has issued a decree banning any meetings for all Somaliland district councils. Col. Kahin, a veteran of the liberation war, is borrowing a playbook from “Faqash” era tactics to “punish and suppress “our elected officials. Interior Ministry has no business meddling with how the local governments are conducting their own affairs. What Col. Kahin is doing is a classic example of power abuse, and he must be held accountable. GubanMedia is calling for immediate release of the four councilors. These new round of arrests are a hugely repressive move and risk moving Somaliland into a police state and toward authoritarianism. The councilors are duly elected local officials; all councilors must be immediately released and if there are charges against them it must be unconditionally dropped. The arrests are nothing more than a distraction and noise to cover the failure of Col. Kahin to effectively run the sprawling Interior Ministry, which has jurisdiction over the national security and local municipalities matters. Instead, Col Kahin and his “Faqash” style Interior Ministry should concentrate on keeping the homeland safe, cracking down on terrorists and their sympathizers, and restoring law and order in the carnage of Eil-Afwein communal violence, in which some people are alleging that he is complicit in the repeated violence. Since 1993, the Ministry of interior has been having unchecked power to bully the local governments. The constitution did not clearly set up a system of devolved authority and responsibility for the elected councils. Consequently, the Interior Ministry bureaucrats are constantly busy controlling the day to day operations of the local elected governments. To keep their jobs, most of the councilors are busy appeasing the Interior Minister or his representative, instead of serving for the people. The electorate do not directly elect the mayors, instead the councilors elect among themselves the mayor. The Ministry of Interior meddles with the election process of the mayor to back its favorite. As a result, some councilors are constantly fighting among themselves For example, Gabiley district or county is a large swath of land between Hargeisa and Borama, which has towns, townships, villages, and farms. It has four major towns: Wajaale, Gabiley, Alleybadey and Arabsiyo.The electorate of the district elect 21 councilors, who conduct the district’s business in Gabiley, the largest town of the district. To better serve and to bring government closer to the people, each town of Gabiley district should have its own elected district council, including a directly elected mayor and maybe (2-3) councilors by the voters. The councils must operate as government authorities with responsibility to run the affairs, the interests, and the needs of the people that live in the council Jurisdictions areas. Moreover, Wajaale is a vast growing town : It’s a trading place, a logistical hub and the gateway connecting Somaliland to Ethiopia.It does not have a district council or elected mayor and council. Wajaale, Arabsiyo and Alleybadey deserve to have district councils more than other small, rural villages the Interior Ministry declared as district councils. But in today’s Somaliland they way to have leverage on the government is through “Violence and the threat of using violence” or mob rule. The residents of Gabiley have been used as a vote bank by unscrupulous politicians like Abeeb Time-Ade and others during the election cycles, for their parochial interests. In return, their pressing issues have been ignored repeatedly by all respective Somaliland administrations election after election. In 2017 election, without the votes of Gabiley, Bihi would not have become the 5th president of Somaliland. We should reform how we evaluate and run our municipalities and regions because what we have now is chaos. The constitution in vague terms specifies that the district councils are responsible to deliver basic services: water, electricity, education, healthcare and even public safety and communications. But up to now, no district council in Somaliland is serving its people those services because the central government is afraid to lose power. The closer local governments are to the people, the more effective and efficient in delivering services. The central government should share power with district councils. The legislature should also pass laws defining the devolving power of the district council in urban and rural areas. Finally, we should reign in the power of the Ministry Interior, to issue decrees, suspend, dismiss or even arrest duly elected councilors because Somaliland was born out of the struggle against an unresponsive, authoritarian regime. Our people deserve a tentative and more accountable government based on the rule of law. Ali-Guban Mohamed Editor Gubanmedia.com Guban Media – Covering Horn of Africa Region Ali Muhammad Gubanmedia is a 24-hour source of news analysis, commentary, and breaking news about Somaliland, Somalia, Eth… Covering the Horn of Africa aliadm@gmail.com Qaran News
-
Marka (SMN) – Maamulka magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa beeniyay in ciidamo kawada tirsan dowladda ay ku dagaalameen halkaasi. Cabdullaahi Cali Axmed Waafow, gudoomiyaha magaaladaas oo la hadlay Shabelle ayaa xusay in rasaas shalay la maqlay ay ahayd shaqaaqo. Sidda uu sheegay Waafow, shaqaadada ayaa timid markii askari uu xabad gannay, taasi oo ay ka fal-celiyeen ciidamo kale oo halkaasi ka akdhowaa. Gudoomiyaha oo qiray in xabadaasi ay sababtay iska hor-imaad ayaa sheegay in laba askari oo uu ku jiro midka xabadda riday ayaa ku dhimatay dhacdadaasi. Xaaladda magaaladda ayuu tibaaxay in ay haatan tahay mid degan, isla markaana la xaliyo xiisad ka dhalatay shaqaaqadaasi. Shalay ayay ahayd markii ciidamo kuwada sugan goob Khaad lagu iibiyo oo ku taala Marka ay is-rasaaseyn kooban ay ku dhex-martay ciidamo ka tirsan dowladda. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Marka-.mp3 View the full article
-
Police have destroyed an improvised explosive devices (IEDs) assembly site believed to be that of Al-Shabaab at Gaame, Ijaara area in Garissa County. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa Muqdisho keentay ciidamo ka socda dalka Uganda oo qeyb ka ah ciidamada UNGU (United Nations Guard Unit), kuwaas oo howshoodu tahay sugidda amniga shaqaalah QM ee ku sugan magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa waxaa xaflad soo dhoweyn ah iyo la-wareegis amni loogu qabtay Muqdisho, ayaga oo beddelay ciidamo kale oo horey u joogay magaalada. Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, iyo taliyaha guud ciidamada Uganda, General Peter Elwelu. Cutubkan ka socda dalka Uganda oo loo yaqaan UNGU VI ayaa ka kooban 625 askari, oo 86 ka mid ah ay yihiin haween. Ciidamadan oo shalay yimid ayaa kusoo aaday maalin kadib markii wakiilka QM ee Soomaaliya uu ka badbaaday qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, oo uu ka tagay waxyar un ka hor, ayada oo Al-Shabaab ay sheegtay inuu ahaa bartilmaameedka. Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in imaatinkooda uu horey u qorsheysnaa maadaama ay beddeleen ciidamo kale oo horey ugu sugnaa xerada Xalane ee ay QM dhex degan tahay. Ciidamadan ayaa Muqdisho joogi doona muddo hal sano ah, markaas oo kadib ciidamo kale lagu beddeli doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ku guda jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabada sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay aas-aaska maamulkaasi. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulkaasi ayaa wuxuu shaaciyey in nabad-gelyadda degaanada dowlad goboleedkaasi sare loo qaadayo inta lagu guda jira maalmaha munaasabada oo la qaban-qaabinayo. Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka codsaday dadweynaha in ay kala shaqeeyaa laamaha amniga sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa u digay shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin falal liddi ku ah xasiloonida. Dhinaca kale, qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyey in ciidamada oo heegan sarre la geliyay ay bilaabeen howlgalo lagu adkeynayo nabad-gelyadda, kuwaasi oo rayidka saameeyay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Puntland.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in uu dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan-siin doono xasilinta magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Francisco Madeira, madaxa AMISOM, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa tilmaamay in xukuumadda ay illaa iyo haatan horumar ka sameysay ammaanka, balse ay jiraan caqabado. Cabaqadahaasi oo uu ku tilmaamay weerarada Al-Shabaab ee qaraxyadda iyo dilalka u badan ayuu xusay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dowladda sidii loosoo afjari lahaa. “Waxaan ku kalsoonahay in aan ka guuleysan doono. AMISOM waxay tababareysaa boolis, kuwaasi oo aan rajeynayo in ay xasiliyaan Soomaaliya iyo caasimada Muqdisho,” ayuu yiri. Hadalkan taliska AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo mudooyinkii dambe ay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhaceen Muqdisho, oo ay dowladdu sheegtay in ay baareyso. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay qaraxii lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir. António Guterres ayaa wuxuu falkaasi ku tilmaamay “mid bahalnimo”, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo kabasho degdeg ah uu u rajeeyay dadka ku dhaawacamay dhacdadaasi. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa ku jira dadka dhaawaca ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku garab taagan nahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo nabaddeynta dalka,” ayuu raaciyey. Todoba mas’uul ayaa ku geeriyootay qaraxaasi oo Arbacadii dhacay, iyadda ay ku dhaawacmeen tirro kale xili Al-Shabaab ay sheegatay weerarkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-26072019.mp3 View the full article