Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa iyo hadda hay’adaha amaanka Soomaaliya waxay wadaan baaritaanka dadkii soo abaabulay weerarkii lagu qaaday Xarunta maamulka gobalka Banaadir, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo masuuliyiin ah. Hay’adaha ammaanka waxay si gaar ah u baarayaan gabar hogaamiye u aheyd haweeneyda la aaminsan yahay in ay is qarxisay ee aragga naafada ka aheyd taas oo lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed. Sidoo kale hey’adaha amaanka ayaa wada dedaal ay ku raadinayaan in ay soo helaan qoyska iyo gurigii ay ku nooleed Basiiro Cabdi Maxamed oo la sheegay in ay is qarxisay. Raadadka baaritaanka ayaa la aaminsanyahay in uu saameyn ku yeelan doono masuuliyiin ka tirsan hey’adaha ammaanka ee Gobalka Banaadir iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Busra ayaa waxaa la sheegay in maamulka gobolka uu u geeyey xildhibaan ka tirsan dowladda kana codsaday in loo shaqaaleeyo. Ciidamada Dowladda ayaa xalay baaray ilaa 2 guri oo la sheegay in lagu tuhmay in Al-Shabaab ay ka soo abaabuleen weerarkii Xarunta Gobalka Banaadir, kuwaas oo ay dagan yihiin Xubno ka tirsan Dowladda Hoose oo aan magacooda la shaacin Rajo wayn lagama qabo in sida xogta loo helo iyo baaritaankii la sameeyay natiijadiisa in ay Dowladda Soomaaliya ku shaqa geli doonto maadaama kiiskaan uu lagaha la sii galayo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalka Banaadir. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale qaraxyo ay Al-Shabaab ka fuliyeen xarumo dowladeed baaritaan ku sameysay kadibna meel dhexe uga soo hartay kadib markii uu lugaha lagalay masuuliyiin sar sare oo katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. NAIROBI: Deployed in one of the world’s most dangerous conflicts, Somali soldiers risking their lives daily against Al-Shabab insurgents were growing weary of being paid months late and shortchanged by their superiors. “We never received the complete amount,” a captain told AFP on condition of anonymity, grumbling about “middlemen” who syphon off troops’ meagre wages — some as low as $100 a month — and plunder budgets meant for weapons, rations and uniforms. Then in March, his pay arrived on time, in full and straight to his bank account, in what officials say is the first step in a radical shake-up of its graft-ridden armed forces. The government, under pressure from foreign backers, has started paying troops directly, bypassing army commanders previously tasked with disbursing their pay but diverting the money instead. Under the new system, payments are linked to a biometric database containing soldiers’ fingerprints, personal details and bank accounts, replacing patchy records kept on Excel spreadsheets. Officials say about 10,000 “ghost soldiers” were expunged from the records — roughly one in three troops according to government estimates, though analysts questioned these figures. These fictitious troops either did not exist at all or had long ago deserted. By taking control of salary payments, Mogadishu is seeking to cut out powerful commanders who for decades ran the Somali National Army (SNA) “as private fiefdoms,” Fiona Blyth from the UN Assistance Mission in Somalia wrote in an April report. The shake-up was fiercely resisted in some quarters of the army, with several soldiers deserting their barracks in March in protest. But the government is pressing ahead. In July it also began registering fighters from an allied militia into its security forces, and identifying older or injured soldiers for retirement. Mogadishu says the reforms are a milestone in decade-long efforts to rebuild the army into a force capable of taking over when the roughly 20,000 African Union AMISOM peacekeepers leave. “We are not there yet. A lot of things need to be done first… but ultimately I think it will be a game changer,” a government adviser told AFP. African soldiers were deployed in 2007 to provide muscle until Somalia’s army could stand on its own. AMISOM’s withdrawal is slated for 2021. Somalia’s donors have long complained that there is little to show for the hundreds of millions poured into rebuilding the SNA. In 2017, after a decade of international money and support, an internal review concluded the army was a “fragile force with extremely weak command and control and military capabilities.” Many units lacked weapons, basic medical supplies and even uniforms. That same year, the United States suspended aid for the SNA over fraud concerns. But recent efforts to boost accountability and professionalism in the military have struck a chord with traditional allies. The United States announced this month it was resuming limited, non-lethal assistance to an army unit in Lower Shabelle, where SNA and AMISOM troops liberated key towns from Al-Shabab in April and May. “The US notes several Somali-led steps toward security sector reform over the last year, notably the biometric registration,” a State Department official told AFP. Mohamed Ali Hagaa, a cabinet minister and top defense official, told AFP this “clearly demonstrates increased confidence in the security sector.” Analysts say the reforms, though important, gloss over a sobering reality: the SNA is nowhere near ready to secure a nation mired in civil war, clan violence and jihadists still controlling swathes of countryside. “It’s really an army in name only,” said Matt Bryden, director of Nairobi-based think tank Sahan. “Just because an individual has been biometrically registered and is on some payroll list, doesn’t mean that they are actually a trained soldier in a formed unit.” The SNA faces a formidable foe in Al-Shabab, which this month alone bombed the Mogadishu mayor’s office, blew up a checkpoint near Somalia’s international airport and stormed a hotel with gunmen, collectively killing 49 people. In January, heavily-armed jihadists overran a military camp on the outskirts of Kismayo, killing at least eight soldiers in one of their frequent ambushes of SNA locations. Efforts by Somalia’s international partners to ready the SNA for war have been criticized as being uncoordinated and piecemeal. Some are trained by the British, others by the EU or the Turkish. Until 2018, the United Arab Emirates drilled its own troops in Somalia while the US, which focuses on drone strikes and Somalia’s special forces, mentors another unit. Encouraging these myriad stakeholders — all with their own strategic ambitions in the Horn of Africa nation — to work together has been difficult, say analysts. Until this happens, the SNA would be “highly uneven in their effectiveness,” said Paul D. Williams, associate professor at the Elliott School of International Affairs at George Washington University. “Ideally, greater coherence would come from fewer partners directly training and mentoring the SNA. But no single country has proved willing to offer the entire package,” he said. Source: AFP
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa qoraal kasoo saaray qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa Shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan isla markaasna aan la marin habaabin Kiiskaan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Caasimadda wuxuu u ahaa usbuuc murugo badan. Waxaan luminnay dad muhiim u ahaa geedigeenna soo kabashada, rajada mustaqbalka iyo halganka horumarka. Allaha u naxariisto dhamaantood, inta dhawaca ah ee uu ku jiro walaalkeen Gud Cabdiraxman Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Allaha caafiyo. Waxaan arkaa su’aallaha faraha badan oo ay shacabku iska weydiinayaan dhacdadii xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaa jira walaac badan oo la xiriira sida ay wax u dhaceen, waxaana muuqata in hay’addaha amniga looga fadhiyo warbixin faah faahsan iyo talaabooyin cad cad. Markii noogu dambeysay xarunta Dowladda Hoose dhamaan waxaa shaqeynayay kaamirooyinka CCTV-ga kuwaas oo ku xirnaa Albaabka koowaad ee laga soo galo xarunta ilaa iyo hoolka shirarka oo ay mashaqadu ka dhacday. Taasi waxay ka dhigantahay in baaritaanku fudud yahay oo caddeymo raad-raac leh la heli karo. Shacabku waa in ay is dejiyaaan oo aan natiijada laga hordhicin, sidoo kalena aan kiiska la marin habaabin. Waxaan ku kalsoonahay in arrintani ay wax badan kaga duwanaan doonto dhacdooyinkii hore madaama raad-reeb (CCTV) la heysto. Sida ay noqoto natiijadda baaristan, waxay fasiri doontaa heerka kalsoonida laamaha amaanka iyo sida ay Xafiisyadeenna Sare u yihiin goobo aamin ah. Waxaan ku talinayaa in masuuliyad dheeraad ah la iska saaro baarista oo aan marnaba la sahlan. Caasimada Online Xafiiska Mudqdisho caasimada@live.com
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay qorayaal lagu marti-qaaday bandhiga Buugaagta Garoowe, ayaa si kooban u fasiray farriinta uu dirayo qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Madaxweyne Deni ayaa sheegay xarunta dowladda hoose ee magaalada Xamar ay tahay meel si weyn amnigeeda loo sugo, islamarkaana qaraxa ka dhacay halkaasi uu tusaale u yahay calaamad khatar ah oo muujinaysa rajo xumo cusub. “Xarunta waxaa la ii sheegay in amnigeedu aad u adkaa, oo aysan ahayn meelaha sida sahlan loo geli karay, marka runtii waa calaamad khatar ah meelihii sidaas oo kaleeto ahaa haddii la gaarayo, oo dadkiiba wax la aamino la garan waayo, iyada lafteedu waa nooc horleh oo dadkii rajo xumo ku abuuraysa” ayuu yiri Deni. Balse, madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay in uu aaminsan yahay in qaraxaasi wax laga baran doono. “laakiin anigu waxaan aaaminsanahay haddii Ilaahay idinka dhigo, in wax laga baranaayo markii wax dhacaanba waxbaa laga bartaaye.” Ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland. “Waxaan rajeynayaa in umadda Soomaaliyeed amniga u feejignaadan. Hadan dad Soomaali ah fududeyn way adkaaneysaa in waxay doonan ay fuliyaan,” ayuu Deni ku daray. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargaysa) Shirkadda Gadiidka Ee Dhaweeye Oo Ku Guulaysatay Abaal Marinta Somaliland Awards. Adeegga Dhaweeye oo ah adeeg casri ah oo mobile app ah isla markaana aad ku dalbankarto gaadhiga kuugu dhow ayaa ku guulaystay abaalmarintii ganacsiga ugu fiican Somaliland ee loo yaqaan Bussiness of the year award waxana abaalmarinta guddoonsiiyey wasiirka wasaaradda Maalgaashiga ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cawed. Abaalmarintan oo ah mid sannadle ah ayaa waxa qabta Somaliland Awards, waxana sannadkan ku tartamayey saddex ganacsi. Adeegga Dhaweeye waa adeeggii Noociisa ah ee ugu horreeyay ee laga hirgeliyo dalka, isaga oo sameeyay shaqo abuur aad u ballaadhan. Waxa uu shaqo abuur u sameeyay darawalo tiradoodu gaadhasyo 2000 oo darawal, isaga oo isku xidhaya darawalka iyo macmiilka. Adeegga Dhaweeye waxa aad ku dalban kartaa laba hab oo ah in aad applicationka ka dalbato gaadhiga kuugu dhow adiga oo kala soo degaya playstore-ka amaba appstore-ka iyo adiga oo soo wici kara numberka 3000 ee callcentre ka. Dhaweeye Company waxa uu hiigsanayaa in uu noqdo adeegga ugu weyn ee geeska Africa isku xidha macaamiisha iyo darawalada, iyada oo adeeggu ka shaqeeyo hadda 7 Meelood oo geeska Africa ka mid ah. Ugu danbayn adeegga Dhaweeye waxa uu u mahadnaqayaa macaamiisha sharafta leh ee ku xidhan adeegga Dhaweeye isla markaana u coddeeyay ee u gartay in uu noqdo ganacsiga sannadkan ugu fiicnaa. Source
  6. Kulankan ay wada yeesheen Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Golaha aqalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa Looga hadlayay Xeerka Saxaafadda ee dhowaan ansixiyeen golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qorshe howleedka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay Xarunta golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado dheer ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadanimada Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macallin Cumar Nadiir, waxa uu sheegay in wasiirka uu gudiga uga warbixiyay tubaha Wasaaradda warfaafinta ku shaqayso, Warbaahinta Dowlada iyo kuwa Madaxa Bannaan Horumarka iyo Caqabadaha haysta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhankiisa ka warbixiyay qorshaha Wasaaradda iyo tubaha ay Wasaaradda ku shaqayso iyadoo gudigan ay lee yihiin wada shaqayn dhow ayna ka wada shaqayn doonaan xeerka saxaafadda ee dhowaan Ansixiyeen Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo la xiriira Horumarinta Warbaahinta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta suxufiyiinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Saudi Arabia has banned entry to travelers coming from Democratic Republic of Congo over fears Ebola could spread during next month's haj pilgrimage. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargaysa) Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Iska Hor Imaad Ciidanka Qaranka JSL Iyo Jabhada Caare Dhex Maray Source
  9. Beesha Caalamka oo dhaqaalaha ka caawiy Soomaaliland ayaa dulqaadkii ka dhamaadey kadib markii ay Masuuliyiinta Soomaaliland ay wax xal ah u waayeen Xildhibaanada kuraasta ku [...] Source
  10. (SLT-Hargaysa) Guddoomiye Cirro Aqbalay In Doorashadu Ay Ku Qab Soonto Wakhtigeedi Source
  11. (SLT-Hargaysa) Xisbiyada Qaranka Somaliland Oo Soo Af-Jartay Khilaafkii Ka Taagnaa Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada Source
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka. Tababarka ayaa loo furay ku dhowaad 200 bare oo loogu tala galay in ay sii tababaraan Macallimiinta Iskuullada ku yaalla Gobalka Banaadir . Tababarka barayaashan oo socon doona mudo 10 Maalmood ah ayaa waxaa bixin doona aqoonyahanno qibrad dheer u leh tababarka Macallimiinta Dugsiyada. Macallimiinta ayaa lagu tababari doonaa Manhajka ay dhowaan diyaarisay Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, oo ka kooban Fasallada 1-aad illaa 8-aad. Wasiir Goodax, ayaa sheegay si Manhajka ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya loo gaarsiiyo Dalka oo dhan, in ay ka go’an tahay in ay soo saaraan Macallimiin u tababaran. “Maanta waxaan furay tababarka tababarayaasha Macallimiinta Qaraanka oo ahmiyad gaar ah u leh horumarinta waxbarashada Dalka,Manhajka lagu tababarayo Macallimiinta waxa uu qeyb weyn ka qaadanayaa tayada waxbarashada Soomaaliyeed” ayuu yiri, Wasiir, Goodax. Wasiirka ayaa sheegay in tayada waxbarashadu ay ka kooban tahay Macallinka iyo Manhajka, balse loo baahan yahay in la helo kormeer adag oo hubiya, si loo ogaado in ay si wanaagsan isula taabba qaadeen, isagoo intaa raaciyay in Dugsi kasta iyo hay,ad walba Fasallada 1-aad illaa 8-aad ay qasab ku tahay in ay ku shaqeeyaan Manhaj ay diyaarisay Wasaaradda waxbarashada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaad ayaa sheegaya in dagaal culus uu deegaanka Karin ee degmadaasi ku dhex-maray Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland ee ku sugan deegaankaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid ka dib markii Jabhada Caare ay ka soo baxeen Buurtii ay hore saldhiga uga sameysteen ee ku taalay deegaanada Ceerigaabo, isla markaan weerar ku qaaden deegaanka Karin oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iyaguna markiiba iska caabin kala hor-tagay ciidamada uu hogaamiyo Kornayl Caare, midaasi oo sababtay iska hor imaad culus. Dagaalkan ayaa imaanaya kadib markii Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare ay shalay sameysay aag badalasho, iyadoona ka guurtay Buurtii ay saldhiga hore uga dhigatay, isla markaana u guurtay marin muhiim ah oo ku yaala degaanka Tabca. Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, inkasta oo ay soo baxayaan tirooyin is-khilaafaya oo ku aadan ciidamada labada dhinac kaga waxyeeloobay dagaalkaasi. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta daabacday war ku saabsan tacsi uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo u diray dowladda iyo Shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Tuunis ayaa uga tacsiyeeyay geerida ku timi Madaxweynihii dalkaas Mudane Muxammad Al-Baaji Qaa’id as-Sibsi. Haddaba, arrintan kama degin dadka Soomaaliyeed, gaar ahaa kuwa isticmaala baraha bulshada iyada oo su’aalo badan ka weydiidey madaxweyne Farmaajo sababta uu uga aamusay dadkii ku waxyeeloobey qaraxii xarunta gobolka Banaadir 24-kii bishan, dadkaasi oo 9 ay dhinteen, waxaa kale oo dhaawac culus soo gaaray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow. Dhacdadaas kadib madaxweyne Farmaajo ma hadlin, ma soo booqan, mana ku tukan, arrintaas oo iyadana su’aalo badan la iska weydiiyey. Halkan Hoose Ka Akhriso, Sida ay dadka Soomaaliyeed uga falceliyeen tacsida uu Farmaajo u diray Tunis. Source: goobjoog.com
  15. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qoraal amarro ah soo saartay, waxaanu u qornaa sidan: Source: goobjoog.com
  16. Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan(Karaash) ayaa ka qayb galay dhoolatus ay sameenayeen Ciidamada isu diyaarinaya ka qayb galka xuska 1da Augost. Source
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb. Ciidankaan ayaa meesha ka saaray Ciidamo isku dhaf ah oo dhawaan la geeyay Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo isugu jira Boolis iyo Milatari kala socday Ciidanka Sunna iyo kuwa dowladda. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Ahlusunna ay diideen in Ciidamo hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Soomaaliya la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, taas badalkeeda ay Amniga Magaalada ku sugi doonaan Ciidankii dhawaan la qarameeyay. Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud ayaa diiday in Ciidamo laga qaado Muqdisho laga geeyo Magaalada Dhuusmareeb,islamarkaana uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Kheyre iyo Madaxda Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb. Waxaa socda dedaalo la doonayo in ciidamada garoonka heysta laga saaro si dib loogu soo celi dhaq dhaqaaqii maalin laha ahaa ee ka socday. Wixii warar ah ee ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaa Insha Allah. Wararkii ugu dambeeyey qaabkii loo fuliyey qaraxii Xarunta Goboka Banaadir Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com