-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in dagalakaasi ku dileen 4 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, dhanka ciidanka dowladana uu Hal askari ka dhaawacmay. Ururka Al-shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah laga hayn, iyadoo saakayna xaaladdu tahay mid deggan,walow ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan ciidanka dowladda. Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan ciidanka xoogga dalka, xilli ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa laga dareemayaa magaaloooyinka Dhuusmareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan Galmudug. Shalay ayey aheyd markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaabanayo gudaha maamulkaasi. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab xoogan iyo khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkaasi. Cali Waal ayaa tilmaamay in ay dileen illaa afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo xusay inay soo weerareen koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal qof oo rayid ahaa, dhankoodana uu uga dhaawacmay hal askari, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/qor.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Guud aahanba waxaa baaqday kulan ay yeelan lahaayeen madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa wadanka Denmark Mette Frederiksen. Baaqashada kulankaan xasaasiga ahaa ayaa la xiriirta in madaxweynaha Maraykanku uu diidan yahay inuusan ka hadlin iibsiga dhulka loo yaqaan Greenland oo siweyn shirkaan saamayn ugu yeelan lahaa. Donald Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu yiri; “Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa”. Axaddii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in dalka Denmark uu leeyahay jasiiradda Greenland isla markaana dalkiisa iyo Denmark ay yihiin laba wadan oo xiriir wanaagsani ka dhexeeyo. PUNTLANDPOST The post Kulan dhexmari lahaa Trump iyo dhiggiisa Denmark oo u baaqday muranka jasiiradda Greenland. appeared first on Puntland Post.
-
Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaa iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo laga soo galo degmadaasi. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi. Cali Waal ayaa sheegay in dagaalkan uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sidoo kalen uu uga dhaawacmay hal askari. Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in dhanka Al-Shabaab dagaalkaasi ay kaga dileen illaaa far ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-1-Cabdiqani.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada maamulkaas ee maalinta bari ah dhaceysa. Inta badan xildhibaanada ayaa u ballan qaaday in ay codkooda siin doonaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray, sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland. Qaban qaabadii ugu dambeysan ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay ka dhega fureystay baaq ay u soo jeedisay beesha Caalamka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-21082019.mp3 View the full article
-
Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho-sharaf gaar ah u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee dhawaan lasoo doortay. Kulanka ayaa Axmed Madoobe wuxuu xildhibaannada kaga codsaday inay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, xilkaasoo ay kula tartamayaan tiro musharraxiin ah. Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, waxayna diiradda ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22-ka bishan oo ku beegan Axadda berri ah. Axmed Madoobe ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu dib ugu soo laaban lahaa hoggaanka Jubbaland, inkastoo ay jiraan caqabado fara badan oo xilligaan ku hor-gudban, taasoo uu doonayo inuu ka tallaabo. Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegay inay taageerayso xubno ka tirsan musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, inkastoo DF ay sheegtay inaysan wax fara-gelin ah ku hayn doorashada Jubbaland. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli Madaxweyaha maamulkaas uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan soohdimaha Kismaayo laga soo galo, si aan loo carqaladeyn doorashada. PUNTLAND POST The post Kulan xalay dhex-maray Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada lasoo doortay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Farmaajo & KHeyre, Nidaamka Federal-ka codka dad-weynaha waa ku aamini waayeen marka waa inay xoog ku dumiyaan! Maamul goboleedka Soomaaliyeed [...] Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kana mid ah musharraxiinta u taagan qabashada xilkan ayaa wuxuu xalay la kulmay xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Labaad Jubbaland. Axmed Madoobe oo mid ka mid ah Hoteellada Kismaayo kula kulmay xildhibaannadan ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada. Wuxuu ka codsaday xildhibaannada in ay codkooda siiyaan si markiisii Saddexaad uu u noqdo madaxweynaha Jubbaland, wax-qabad muuqdana uu la yimaado. Kulan oo ay ku sugnaayeen guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa dhanka kale waxaa looga hadlay sidii ay si nabad oo cadaalad ah ugu dhici lahayd doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
WASHINGTON (AP) — Showing a fresh willingness to play politics along religious lines, President Donald Trump said Tuesday that American Jewish people who vote for Democrats show “either a total lack of knowledge or great disloyalty.” Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe taliyaha howl-gallada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, Tigabu Yilma Wondimhunegn uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ayaa fashilmay kadib markii maamulka Jubaland uu u sheegay inusuan iman karin magaalada. Tigabu ayaa la filayey inuu shalay Kismaayo tago, hase yeeshee wuxuu dib u dhacay maanta oo arbaco ah, balse waxaa safarkiisa saameeyey amarkaii xalay kasoo baxay maamulka Jubaland ee lagu xiray xuduudaha magaalada Kismaayo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Tigabu uu goystay diyaarad ay leedahay QM, oo qorshuhu ahaa inay Muqdisho ka baxdo 7-da subaxnimo, hase yeeshee waxaa isaga iyo xafiiska QM ee Soomaaliya lagu war-geliyey in ay raacaan amarka lagu xiray xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Kismaayo. Taliye Tigabu ayaa Kismaayo u tagi lahaa inuu xaliyo xiisad ka dhex oogan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka wada tirsan Amisom, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay diideen in ciidamada Itoobiya ay degaan garoonka Kismaayo. Isniintii ayaa waxaa hawad Kismaayo laga celiyey diyaarad sidday qalab iyo ciidan Itoobiyaan ah, oo loo diiday inay garoonka Kismaayo kasoo degto, xilli Jubaland ay ka hortageyso qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay ku qabsadaan garoonka Kismaayo, oo dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Waxaa socdo dadaalo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku xulayo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho waxaa uu hadda ku yimaadaa xulista madaxweynaha, laakin waxaa jirtay xilli reer Muqdisho ay dooran jireen, waana dowladii rayidka ee inta u dhaxeysay 1960-1969-kii. Waxaa kale, oo aqoonyahanno uu ka yimid yahay Faarax Qare ay sheegeen in Muqdisho mayor-keeda aan loo fiirin jirin beel hebel, oo dadka oo dhan noqon kareen, taasi oo ka duwan sida xaaladda ay hadda tahay. Haddaba, halkan hoose ka akhriso sida magaalooyinka caalamka ee la mid ah Muqdisho uga gudbeen mar hore in qof la soo xulo iyo in lagu qiimeeyo oo keliya “Yaa magaaladan u dhashay”? Caasimadda Ingiriiska ee London waxaa duq ka ah Sadiq Aman Khan, oo isaga London ku dhashay laakin waalidkiisa uu ka yimid dhulkii India iyo Pakistaan, waxaa uu ku yimid doorasho, loomana fiirin inuu leeyahay magaalada. Duqa Paris waa Ana María “Anne” Hidalgo oo ah haweeney ku dhalatay dalka Spain, oo dhalasho ahaan waa Spanish-French, gabadhan kuma dhalan Faransiiska, dabcan dhulka Parisna ma leh, sidaasi ay tahay waxaa ay ku timid doorasho xor ah, oo xalaal ah. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada New York, isaga waxaa uu ku dhashay magaalada, laakin hooyadiis waa Talyaani halka aabihiisana uu ahaa asal ahaan mid gala German, English, French, iyo Scots-Irish. Haddii aan u nimaado dalka dariska nala ah ee Kenya waxaa Nairobi Governor ka ah Mike Mbuvi Sonko, waxaa uu halkaasi joogaa doorasho, ee ninkan waxaa uu ku dhashay Mombasa halka Mzee Kivanguli uu ka soo jeedo Machakos County. Haddaba, malaga yaabaa in Muqdisho ay yeelato duq loo tartamo, oo doorasho ku yimaada, isla markaana aan loo fiirin beel? W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Qatar plans to build a new seaport at Somalia’s Hobyo, a potentially strategic investment in an area of East Africa fiercely contested by Gulf rivals. Hobyo, in the central region of Mudug, is an important Somali port owing to its proximity to the Bab-el-Mandeb Strait, which is one of the most important sea crossing points in the world, with the potential for access to international markets. Qatar Ports Management Company (Mwani) will enter an investment partnership with Somalia to construct the port, the Ministry of Transportation and Communications said in a statement on Monday without disclosing the value of the deal. Saudi Arabia and the United Arab Emirates, which are locked in a protracted dispute with fellow Gulf Arab state Qatar, have been competing along with Doha’s ally Turkey for a foothold in the Horn of Africa, located on key shipping routes. A Qatari delegation led by Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani visited Somalia on Monday. The Hobyo port will “will contribute to opening new horizons of cooperation between the two countries” and bolster Somalia’s commercial ties to new markets in Africa and further afield, the ministry’s statement said. The small but wealthy Gulf state has looked to strengthen ties with Somalia, donating a fleet of 68 armoured vehicles this year and airlifting Mogadishu’s mayor to Doha for emergency medical treatment last month after an ultimately fatal attack by al-Shabab. Somalia refused to take sides after Saudi Arabia and its allies imposed a political, trade and transport boycott on Qatar in mid-2017 over accusations that it supports armed groups, a charge Doha denies. Qatar has looked to diversify its trade partners and retool its economy since the embargo cut access to neighbours it once relied on heavily. Somalia’s relations with the UAE have frayed over Emirati investments in the breakaway region of Somaliland. It disbanded a UAE programme last year, set up to train some of its troops. SOURCE: REUTERS NEWS AGENCY
-
Source
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo was elected in 2017 to accelerate the building and strengthening of “a federal, sovereign, and democratic republic founded on inclusive representation of the people, a multiparty system, and social justice,” which holds a periodic democratic elections Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-20082019-sax.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xiisadda ka jirta Kismaayo ee ka dhalatay isku dayga ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku degaan Fiqi ayaa qoral uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in ciidamada Itoobiya ee doorashada loo Jubaland loo adeegsanayo uu ka dambeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku qeexay qiyaanno qaran. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo. Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xiray sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay. Isku day kale oo Qiyaano Qaran ah ayaa shaley galab lagu fashiliyey Kismaayo, ka dib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey. Doorashooyinka dawlad goboleedyadu waxey midba midda ka danbaysa daaha ka sii rogaysaa sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya, laakin kaasi waa mashruuc la soo tijaabshay oo guulaysan waayey ee yaan kabuhu idinka dhammaan. # Ushuba waa Qalab difaac#
