-
Content Count
213,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah ugaasyadii sida weyn u diidanaa hannaanka doorashada maamulka Jubaland ayaa maanta ku dhowaaqay inuu ka tanaasulay fikirkiisii hore. Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, oo kasoo jeeda beesha Cowlyahan ee Ogaadeen, ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya danaha bulshada reer Jubaland iyo dadka baylahan, si looga hortago dhibaato kale oo ka dhacda Jubaland. Ugaaska ayaa sheegay in is-qabqabsi sii socda oo Jubaland ka dhaca ay hoggaamin karta colaad ka dhacda deegaanada Jubaland, taasi oo uusan dooneyn. Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeya uu dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee uu bulshada u hayay, islamarkana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa madaxtinimada Jubbaland. Ugaaska ayaa sheegay inaysan jirin cid ku qasabtay go’aanka uu qaatay, balse uu sidan u sameynayo maslaxada Jubaland. Ugaaska ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland midnimo iyo wadajir isla markana la garab istaago qof kasta oo kusoo baxa doorashooyinka. Hoos ka daawo Ugaaska Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada. “Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.” “Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada. “Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.” “Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya. View the full article
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada. “Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.” “Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti. Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur.
-
Ciyaartooydii xulka iyo kooxaha kala duwan ee dalka ayaa magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay Cali Jilacow Absuge oo bahda ciyaaraha ku dhiiirigelin jiray is dhaxgalka bulshada,isagoo sidoo kale maamul kasoo noqday kooxda Banaadir Sports Club oo iminka loo loo yaqaano Muqdisho City Club. Nuur Amiin oo ka mid ahaa xirfadalayaashii hore ee kooxda Madbacada Qaranka ayaa sheegay in Mr.Cali Jilacow Absuge oo door wanaagsan kasoo qaatay horomarka kubbadda cagta Soomaaliya. Kulan ciyaareed si weyn usoo jiitay dadweynihii kasoo qeybgalay ayay ciyaartooydii hore wada dheelayn,iyagoo kuwada faraxsanaa in ay dalka kusoo dhawayeeyaan halyeey isboorti Cali Absuge,balse Cali Jilacow waxa uu Goobjoog u sheegay in uu u mahadcelinayo qof walbo oo ka qeybqaadatay soo dhaweyntiisa. Jamaal Xaashi Tuure oo ah xoghayaha suuqa geynta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya kana mid ahaa ciyaartooydii wacdaraha soo bandhigay ayaa sheegay in xiiriirka uu hergelindoono in bishiiba hal mar ay wada dheelaan ciyaartooydii cuslaatay,si ay dhiirigelin iyo waayo aragnimo ugu noqoto jiilka soo koraya. Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirsaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa Goobjoog u sheegay Cali Jilacow Absuge oo door wanaagsan kasoo qaatay dhisada naadiyada badan oo caan ka ahaa Muqdisho siweyn loogu yaqeenay is dhaxgalka arimaha bulshada,iminkana uu aad ugu faraxsanahay in uu kusoo laabto Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ciyaared Lagu Soo Dhaweeyay Cali Jilacow Absuge W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan. Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka. Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo ka mid ah salaadiinnta dhaqanka ee dowlad goboleedka Jubbaland kana mid ahaa shaqsiyaadka kasoo horjeeday habka uu u socdo nimaadka habraaca doorashada Jubbaland ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo waxaa uu sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii uu uga soo horjeeday habraaca doorashooyinka Jubbaland, waxaa uuna yiri” Anniga oo daneynaya danaha bulsha weynta reer Jubbaland, kuwooda qaxootiga ah, masaakiinta ah iyo dayaca ay maanta u yaaliin markaan fiiriyay, waxaan go’aan saday inaan tanasulaad ka sameeyo arrimihii, is qabadkii aniga iyo maamulka dhexdeena yaalay, inaan tanaasulaad ka sameeyo oo umaddaa ayada ah aan u samro, ” sidoo kale Ugaas Maxamuud oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay inuu go’aan saday inuu siyaasadda uusan faraha la galin ee uu ahaado dhaqankii iyo samo ka taliskii markii hore ay reer Jubbaland ay u doorteen, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” maadaama aan ahay nin isim ah aanan aheyn nin siyaasi ah inaan dadku aniga i eersan oo Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud ayaa dhibkaas noo lahaa aan ley oran, oo aan dib ugu noqdo dhaqankeygii iyo howsheydii dhaqameed, maslaxana waxaan u arkaa umaddu in ay midowdo oo ay is fahanto” Ugaaska ayaa dhanka kale ka hadlay tartanka siyaasadeed ee madaxtinimada Jubbaland, assaga oo reer Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan qofkii loo doorto maxtinimada, waxaa uuna yiri” In la tarmaa waa muqadas Axmed Madoobe, Seeraar ama Xidig ha soo baxo, taasi waa siyaasad madaxweynaha hadda jira waqtigiisii waa dhamaaday tartan ayuu diyaar u yahay,ninkii ku soo baxo waa lala shaqeynayaa sidaan horay u sheegay” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku hadlaya magaca Madaxwaynaha JFS, kan R/Wasaaraha & Xukuumadda, wuxuu ammaan, bogaadin iyo mahad balaaran u jeediyay ciidamada xoogga dalka Guulaha ay ka soo hooyeen hawlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada. Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ah ay dalalka qaar ee caalamka uga mahad-celineyso doorkooda ku aadan howlgaladda waddanka ka socda ee lagu xorreynayo degaanadda kale. HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Waxaa maalintii labaad galay shirka wadatashiga Wasiirrada warfaafinta federaalka iyo dowlad-goboleedyada ee shalay ka furmay Muqdisho. Kulanka maanta waxaa lagu casuumay madaxda warbaahinta madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah si looga wadatashado habkii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa wacyigelinta bulshada. Ka qeyb galeyaasha shirka ayaa wasiirrada ka dhageystay warbixinno ku saabsan wacyigelinta qaranka iyo qorshayaasha dowladda, iyagoo la wadaagay talooyin iyo tusaalooyin ay u soo jeediyeen dowladda gaar ahaan wasaaradaha warfaafinta heer federaal iyo dowlad-goboleed. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wafdi ay hoggaaminayso wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo gaartay magaalada Baydhabo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo. Garoonka diyaaradaha Waxaa ku soo dhaweyeye mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Xubnaha wafdiga ay iskugu jireen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Tamarta iyo Khayraadkla Biyaha Soomaaliya. Ujeedka safarka wafdigan ay hoggaaminayso wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa ah ka qeybgalka shir ku saabsan arrimaha Tamarta Soomaaliya oo 20 bishan ka furmi doona magaaladaasi Baydhabo,kaasi oo u dhexeeya wasaaradaha Tamarta Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed. Shirkan lagu wado in uu ka furmo baydhabo Ayaa waxaa uu socon doonaa mudo afar Maalin ah oo ku eg 24-kan bishan waxaana Lagu eegi doonaa tayeenta awoodaha tamarta Iyo waxaa u qabsoomay wasaaradaha Tamarta Iyo kheyradka biyaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada Dalka. Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa horey u balanqaaday sidii ay u dardargelin lahayd holwha adeegyada muhiimka ah ee bulshadu uga fadhiyaan wasaaradda Tamarta,waxaana jira mashaariic kaladuwan oo horumarineed oo ay hormuud ka tahay wasaaradda,kuwaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay ka faaideystaan. View the full article
-
Jabuuti (SMN) – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kulan ku yeeshay magaaladda caasimadda ah ee Jabuuti. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal. Labada dhinac ayaa waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socday dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Soomaaliya. Wafdiga Qatar ayaa waxaa hoggaaminayey wasiirka arrimaha dibedda ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana la socday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta dalkaas Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti. Waa wafdigi ugu darajo sarreeyey ee dal Carbeed uu usoo diro Soomaaliya, tan iyo markii dowladda dalka ay burburtay muddo ku dhow 30 sano. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya. Sidoo kale, wasiirka gaadiidka Qatar Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa la kulmay wasiirka dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, waxaana dowladda Qatar ay si rasmi ah ugu dhowaaqday mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ee gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-62, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa S/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. -DHAMMAAD- XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha dowladda Puntland oo magacaabay taliye ku-xigeenka 2aad ee ciidanka booliska. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal. Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi. Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka taageera Soomaaliya,waxaana gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, kuwaas oo la Magac baxay Hiil Walaal,isla markaana ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti. appeared first on Puntland Post.
-
Bariire (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dowladda federaalka iyo Al-Shabaab ayaa labaduba guulo ka sheegtay dagaalka. Taliyaha Ciidamada Lugta Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire, halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay. Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen weerarka Shabaabka, islamarkaana markii ay soo qaadeen ay ku halaagsameen. Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo aad u hubeysan ay dhowr jiho ka weerareen laba saldhig oo ay ku suganyihiin ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda federaalka. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in intii uu dagaalku socday ay maleeshiyada Al-Shabaab la wareegeen dhowr difaac oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka ee deegaanka Bariire. Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobolka Shabeellaha hoose howlgallo looga xoreynayo maleeshiyada Al-Shabaab, waxaanay dhowaan qabsadeen dhowr deegaan oo muhiim ah oo ay ku jirto degmada Awdheegle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynihii kacdoonka xilka looga tuuray ee dalka Suudaan Cumar Xasan Albasshiir oo muddo 30 sano ah soo xukumayey dalkaasi ayaa maanta ka soo muuqday maxkamad kutaal magaalada Khartuum. Cumar Xasan Albashiir oo 75 sano jir ah isla markaana xukunka dalkaasi laga tuuray 11-kii April ee sanadkaan ayaa lagu soo eedeeyey qodobo u badnaa tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa. Maxkamadda ayaa waxaa la soo gaarsiiyey warqad katimid dacwad oogayaasha dalkaasi oo Albashiir ku soo eedeeyey “ku tumasho xuquuqda aadanaha ah, haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.” PUNTLANDPOST The post Cumar Xasan Albashiir oo Maxkamad Ka Soo Muuqday. appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ee ku sugan magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa qoraal ka soo saaray sida xornimada leh ay u dhacday doorashada ay goobjooga ka ahaayeen ee guddoonka baarlamaanka 2aad ee Jubbaland. Xildhibaannada ayaa intaasi ku daray in dowladda federaalka ah ay ku tumaneyso sharciyada dalka, waxaa kale oo ay ka hadleen in dowladaha dariska aan laga ogolaan doonin faragelinta arrimaha dalka. Xildhibaanadaan labada Aqal ee BF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay muhiim tahay in cid waliba ay ixtiraamto dastuurka dalka u yaala. Halkaan ka Akhriso, War Saxaafadeedka: Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
