-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-02082019.mp3 View the full article
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ka hadlay geerida ku timid guddoomiyihii gobolka Banaadir, ahaana duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan (Yariisow) oo shalay ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Qatar. Ugu horreyn madaxweyne Geelle ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Yariisow. “Waxaan Shacabka Soomaaliyeed la qeybsanayaa murugada geerida ku timid Guddoomiyehii Gobolka Banaadir, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa Dowladda Federaalka oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane; Maxamed C/llaahi Farmaajo.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska maxaweyne Geelle. “Haddaan nahay Walaalahiin Jabuuti mar walba waxaannu taagan nahay garabkiinna, dowladda iyo shacabkuba” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Cabdiraxmaan Yariisow ku tilmaamay in uu ahaa guddoomiye aad u fir-fircoon, wax weyna ka qabtay nabadeynta iyo horumarka magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistii Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo todobadkii hore ka soo gaaray weerar lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa dhowr qof oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir u xiray qaraxii todobaadkii hore ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ee ay ku dhinteen guddoomiye Yariisow iyo xubno kale.. Dadka la xiray oo qaarkood ka soo muuqday Kaamirada wax duubta ee CCTV iyagoo la fadhiya ka hor qaraxa Haweeneyda la aaminsan yahay in ay ismiidaamisay ee Basiiro Cabdi Maxamed ayaa la sheegay in dhowr jeer la kala qabtay. Sidoo kale, Ciidamada ayaa xiray Ciidamo ay qaarkood salaantay ama la istaagtay Gabadhaan looga shakisan yahay in ay is qarxisay ee Basiiro Cabdi Maxamed. Shaqaalaha Gobalka ee maalintaas ku sugnaa Xarunta Dowladda Hoose islamarkaana maalin ka muuqday Kaamirada iyagoo la hadlaya ama la macaamilaya Basiiro ayaa la sheegay in la baadi goobayo. Dadka la xiray ayaa waxaa ku socda su’aalo weydiin, waxayna u badan tahay in badankood ay gabadha ula hadlayeen aqoon kala dhaxeysay, sida ay sheegeen saraakiil aan la hadalnay. Ilaa hadda hey’adaha amaanka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarkii ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir 24kii bishii hore waxaana soo baxaya in uu gaabis ku socdo Baaritaanka Weerarkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Dowladda Federaalka Guddoomiye K/X Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Golayaasha kale ee Dowladda heer Federaal iyo heer Puntland Madaxweynayaashii iyo Madaxweyneku ku-xigeenadii hore ee Puntland, Sarakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Xubnaha beesha caalamka iyo safaaradaha Siyaasiyiinta iyo waxgaradka, Isimadda, cuqaasha iyo culimada Haweenka, dhallinyarada, saxaafadda iyo qaybaha bulshada rayidka ah. Mudanayaal iyo Murwooyin, Waxaan idin ku salaamayaa dhammaantiin salaanta Islaamka, ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAAKAATU. Marka ugu horaysa waxaan ka tacsiyaynayaa geerida walaalkeen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ku geeriyoodey dalka qadar, waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo Samir iyo imaanna Alle kasiiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxaan si gaar ah u ahayn saxiib dhow wakhti dheer. Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa caruurtii iyo xaaskiisii. Waxaa sharaf noo ah dhammaanteen ineynu u dabaal degayno sannad guuradii 21aad ee ka soo wareegtey aasaaskii Dowladda Puntland. Waxaan ALLE uga mahadnaqaynaa Guulihii iyo waxqabadyadii faraha badnaa ee halkaan caawa looga sheekeeyey oo ay ugu horreeyaan dhismaha hanaanka dowladnimo, adkeynta amniga iyo taabba-gelinta horumarka dhaqaalaha, siyaasada iyo adeega bulshada. Waxaan bogaadinayaa iskutashiga reer Puntland horumarkaas ku gaareen waxaana ugu baaqayaa shacabka reer Puntland in ay sii wadaan halgankaas si loo gaaro hadafyadii loo aasaasay Puntlnad oo ay ka mid tahay yagleelidda Dowlad dhexe oo Federaal ah, kuna dhisan maamul wanaag iyo sarraynta sharciga. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa aasaasayaashii Puntlnad; isimo, siyaasiyiin, waxgarad, haween, dhalinyaro, ganacsato iyo qurbojoog ba intooda nool waxaan u rajayanyaa cimri dheer iyo cibaado suuban, intoodii dhimatayna janno iyo naxariis ALLE. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa Guddiga qabanqaabada xuska sannadguurada 21aad oo runtii hawl adag qabtay, dhammaan shacabkii, ciidankii iyo shaqaalihii kala duwanaa oo ay ka mid ahaayeen fardooleyda, ubaxa Punland, haweenka, xaafadaha, walaalaha Puntlnad, ardayda, dhalinyarada, shaqaalaha caafimaadka, beeraha, kalluumaysiga, shirkadaha korontada, dabdamiska, ciidamada, taraafikada, asluubta, booliiska, difaaca xeebaha, ciidamada difaaca Puntland qaybahoda kala duwan sida daraawiishta, cigaaleyda, kumaandoosta iyo gaadiidka gaashaaman dowrkii waynaa ee ay kaga qayb qaateen damaashaadkii saaka kasoo bilowda bartamaha Magaaladda Garoowe, dhamaan dadweynaha reer Putnland ee ku damaashaadaya gudaha iyo daafaha dunidaba, iyo dhamaan walaalaha meelaha fogfog dalka guduhiisa iyo dibaddiisaba inoo ka yimid si ay xuskaan inoo kala qayb galaan. Waxaan si gooni ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiye K/X aqalka sare iyo wafdiyadii la socday. Mudanayaal iyo Marwooyin, Maanta waa maalin wayn, waa maalintii la aasaasay dawladdii ugu horeeysay ee xubin ka noqota dowladda federaalka ah, waa maalintii la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya looga saaray kumeelgaarnimada, hadaba waxaan madaxda soomaaliyeed heerarkooda kala duwan usoo jeedinayaa codsi ah in maalinta 1da Agoosto loo aqoonsado maalinta federaalka. Mudanayaal iyo Marwooyin, Haddii aan dib u milicsano geedi socodka dowladnimo ee Puntland waxay inoo sawireysaa taariikh horumar iyo taariikh dowladnimo la taaban karo. Tusaale ahaan 1998kii Puntland waxaa ka jirey 28 Iskuul oo lagu kala dhigo dhowr iyo toban manaahij oo kala duduwan. Maanta waxaa Puntland ka jira illaa 1,000 school oo dhammaantood ku shaqeeya hal Manhaj oo midaysan. Ardeyda ka qallin jebisa dugsiyada sare waxaa u diyaarsan oo ay kala doordoortaan 13 Jaamacadood oo dhamaantood la aasaasey 20-kii sanno ee la soo dhaafey. Waxaa sidoo kale Puntland ku soo kordhey 23 cisbitaal iyo dhowr-kun oo xarumo caafimaad oo loogu adeego bulshada oo dhan. Waxyaalaha la taaban karo oo adeegyadaas ka dhashey waa arin aad u farxad gelineysa dadka Soomaaliyeed oo dhan. 3% oo keliya ayaa laga tallaali jirey cuduradda dilaaga ah caruurta ku dhalata Puntland 1998-dii. Waa Ilaahay mahadiis ah in maanta la tallaalo 87% caruurta ku dhalata Puntland waxaana idiin ballanqaadayaa in aanan ka seexan doonin kor uqaadista horumarka Puntland oo ay Dowladeydu nasiib u yeelatay in 21 Sano kabacdi aan hoggaanka u qabano Puntlandta Maanta, una gaarsiino Puntlandta aan dhammaanteed wada higsanayno. Walaalayaal, waxaana guulahaas aan soo sheegnay iyo kuwa kale oo badan ku gaarney wadajirka, iskutashiga iyo wadashaqaynta dowladda iyo shacabka reer Puntland. Mudanayaal iyo Marwooyin Dowladda Puntland ee aan hoogaanka u hayaa waxay leedahay yoolal waaweyn oo ay tahay ineynu gaarno 4ta sano iyo dhowrka bilood ee soo socota haddii Allaah idmo. Yool ka ugu wayn oo mudnaanta koowaad aan siinay waa sugidda amniga iyo tayaynta xoog ciidan oo ay leedahay dowladda Puntland kuna filan sugidda amniga gudaha Puntland oo ay ugu horreyso ciribtirka Argagixisada, iyo ilaalinta xuduudaha bad iyo berriba. Waxaa diyaarsan oo tababaradii u dhamaadeen illaa 1,500 oo boolis ah, waxaa dhamaystirmay dayactirkii xeryaha daraawiishta iyadoo ay dardar ku socoto kala huf ka ciidamada iyo sare u qaadista aqoontooda, agabkooda iyo daryeelkooda. Waxaa ka mid ah yoolasha aan higsanayno kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo muddadii yarayd ee an joognay shaqooyin fiican nooga qabsoomeen annaga oo qorshaynayna in waqti dhow ay bilaabaan mashaariic waawayn oo iskugu jira dhisme iyo dayactir waddooyin halbowle ah, ballaarintii Dekedda Boosaaso, dhismaha dekedda Garacad, Marsooyin laga hirgaliyo magaalooyinka xeebaha ah, dhismaha Airport ka Gaalkacyo iyo mashaariic kale oo halbowle u ah koboca dhaqaalaha Puntlnad. Waxay dowladdu xoogga saaraysaa sidii ay u horumarin lahayd ganacsiga iyo maalgashiga gudaha iyo dibada. Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo caalamkaba ugu bishaareynayaa in ay Puntland u furan tahay maalgashi iyo kala faa’iideysiga. Iyadoo taa la taabagelinayo ayaanu qabanaynaa shirweynaha maalgashiga Puntland oo dhici doona bartama Bisha Sibtembar ee foodda inagu soo haysa. Mudanayaal iyo Murwooyin; Waxaa kale oo ka mid ah Yoolasha aan taabbagelinayno adkayntla midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland. Puntland waxaa aasaastay shacabka walaalaha ah ee goboladii 5 ahaa iyo degmaada Buuhoodle, maanta 21 sano ka dib waxay noqdeen 9 gobol oo dhamaantood uu ka hanaqaaday hannaanka dawladnimu uuna gaaray adeegyada kala duwan ee bulshada. Waa xaqiiq in gaabis iyo isudheelitirnan la’aan dhinaca horumarinta ah ay jirtaan sabab kasta hakeentee, dawladda aan madaxda ka ahay waxaan ballanqaadnay kuna shaqo bilownay inaan caddaalad iyo sinnaan ugu adeegno dhamaan bulshada reer Puntland gobol iyo degmo kasta ha joogeene. Si gooni ah waxaan xoogga saarnaynaa in gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay helaan difaac, daryeel iyo horumar dhaqaale iyo arrimaha bulshada. Waxaan hirgalindoonaa hindise hormarineed oo ku aaddan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn si bulshada goboladaasi u helaan horumarka ay mudanyihiin. Waxaan sidoo kale caawa halkaan idiin ka sheegayaa in Magaaladda taariikhiga ah ee Taleex iyo Caasimadda Puntlnad aan sannadkaan inta uusan dhamaan la daahfuridoono dhismaha waddo isku xirta labadaas magaalo, iyadoo dhinaca kalana la daahfuridoono waddo kale oo isku xiridoonta degmada Boocame iyo laamiga Garowe- Laascaanood. Mudanayaal iyo Marwooyin, 21 dii sano ee ay Puntland jirtay waxa qorshuhu ahaa bulshaduna ku taameysay in laga gudbo hannaanka doorasho ee qabaliga ah oo looga gudbo hannaan doorasho oo dimuquraadi ah oo muwaadin kasta oo Puntlandi ah dhiibto codkiisa si uu u doorto mas’uulka matalaya iyo madaxda heerarka kala duwan ee maamulka. Inkastoo dadaal farabadan lagu bixiyey arrinkaas hadana maysan suurto gelin. Si aan korna ugu qaadno hammiga iyo hiigsiga dadka reer Puntland, Waxaan gaarsiin doonaa dadkayaga in ay wakiiladooda golayaasha degaanka iyo baarlamaanka ku soo doortaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ah qof iyo cod. Taasi waxay xoojinaysaa dowladnimadeena iyo kalsoonida ka dhexaysa shacabka, wakiiladooda iyo madaxda sare ee dowladda. Waxaan idiinku bishaareynayaa in si dhaqso ah aan kusoo dhisidoono Guddiga doorashooyinka Puntlnad. Waxaa naga go’an in Puntlnad aan gaarsiino hannaan doorasho oo qof iyo cod ah, taas oo kor u qaadaysa dadku inay helaan matalaad ay iyagu doorteen, waxaanna hubaa in dad badan oo ay ku jiraan dhalinyarada, haweenka iyo cid kasta oo ku dulman nidaamka qabaliga ah ay helidoonaan fursado lagu doorto. Mudanayaal iyo Marwooyin Waxaa mandaqada Puntland ka soo jeeda geesiyaal badan oo u soo halgamay naftoodana u huray u dagaalanka xorriyadda, dhismaha qaranka iyo adkaynta midnimada Soomaaliyeed. Taasi waxay ka turjumaysaa hadafyadii loo asaasay Puntland oo ay ka mid ahayd ilaalinta wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Welina taas ayey Puntland u taagan tahay. Nasiib darro, dagaaladii sokeeye ee sagaashanaadkii waxay keeneen in la kala irdhoobo lana kala aamin baxo iyadoo dalkuuu ahaa hal magaalo9 ka-noool, markii ay duntayna dalkii oo dhan baa dumay, dhaqaalahiisii, kaabayaashiisii iyo dowladnimadiisiiba Hadaba si taas xal loogu helo waxaa mar kale la baadigoobay dowladnimadii Soomaaliyeed iyadoo Puntland ay hormuud u ahayd hoggaan iyo shacabba. Waxaa xal loo arkay in markaan lagu dhiso nidaamka Federaalka ah, maadaama lagu guuldaraystay nidaamkii urursanaa. Maanta waxaa inoo dhisan Caasimasdeenii Muqdisho oo kasoo kabanaysa lana soo laabanaysa bilicdeedii si kasta oo nabad diidku u wiiqaan, Ceerigaabo, Boosaaso, Laascaanood, Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Beletweyn, Jowhar, Baydhabo, Marka, Baraawe, Kismaayo, Baran, Garbahaaray, Hargeisa, Borame iyo kuwo kale oo badan. Sidaasi awgeed waa in aynu fursad iyo dadaalba gelinaa sidii si hufan loogu hirgelin lahaa loona horumarin lahaa nidaamka federaalka aynu isku afgaranay. Mudanayaal iyo marwooyin, Waxaan diyaar u nahay in aan qaadano doorkii hormuudnimo ee bulshada ku dhaqan Puntland ka qaateen helitaanka xoriyadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Waxaan marwalba diyaar u nahay in aan kaalin mug leh ka noqono dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, taas oo ku dhisan nidaamka Federaalka ah, sarraynta sharciga, daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Maanta waxaa dheelinaya geedi socodkii dhismaha nabada iyo dawladnimada Soomaaliya, waxaana jirta tabashooyin isasoo tarayay oo ah in la baalmaray hannaankii gindhigga u ahaa geedi socodkaas oo ay ka mid yihiin federaalka, ilaalinta sarraynta sharciga, qaybsiga dhaqaalaha magaca Soomaaliya laguhelo, awood qaybsiga siyaaaadeed iyo hannaanka dimoqoraadiga ah. Ummadda Soomaaliyeed kuma filna hal ku dhigyo aan waxba wehelinin iyo carqaladayn maamuladda ka dhisan gobolada dalka. Dalkani wuxuu u bahaan yahay in dadkiisa la heshiisiiyo, kalsoonida iyo is aaminaadda dadkiisa kor loo qaado, siyaasadiisana lagu wado wadatashi, walaalnimo iyo isku tanaasul, iyo sidoo kale xoojinta hay’adaha dowladeed heerkooda kala duwan. Dadka Puntlnad dawladnimadii soomaaliyeed ee ay dhiig iyo dheecanba galiyeen ma aqbali karaan in dhibi gaarto. Mudanyaal iyo marwooyin, Dhinace kale, waxaan walaalaha Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo fikir walba oo ay qabaanba u xaqiijinaynaa in aanaan marna bedelayn ama yaraynayn, jacaylkii iyo rabitaankii aanu u hayney ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed . Waa marag ma doonto ah in maanta siyaasadda cakiran iyo mudnaansiin la’aanta aarimihii muhiimka ahaa ay dalka u horseedey nabadgelyo xumo ka jirta goobo badan oo dalka ah. Waxaa kordhay falalkii argagixo ee lagu beegsanayo shacabka iyadoo dowladuna kaga jawaabtay waddo xiris taas oo culays badan kusii noqotay shacabkii dhibannaa xal amnina aan keenin. Dhacdooyinkaas xanuunka badan waxaa ugu damaysay qaraxii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho oo dad badan oo masuuliyiin ah lagu laayay kuwana ku dhaawacmeen, waxaan naxariis ALLE u waydiinaynaa intii dhimatay, waxaana utacsiyeynaynaa ehelkood, caafimaad buuxa ayaana u rajaynaynaa dadkii ku dhaawacmay. Mudanyaal iyo marwooyin, Waxaan ugu baaqaynaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan arrimaha masiiriga ah sida dhamaystirka dastuurka oo waqti aad u dheer qaatay, amniga iyo dhismaha cudud ciidan oo astaan qaran soomaaliyeed leh, hagaajinta wadashaqaynta ay la leeyihiin dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, wadashaqayntaas oo ku dhisan sharci, is-ixtiraam, faragelin la’aan iyo wadatashi. Waxaan ugu baaqayaa inay ka daayaan faragelinta arrimaha doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland. Dhismaha Maamulada dalka waxaa laga soo maray dadaalo aad u dheer waxaana galay maskax iyo muruq badan, maanta uma baahna wiiqis iyo faragelin huwan Olole siyaasadeed ee waxay u baahanyihiin in laga taageero baahidooda wixii ay ku filanyihiina lagu xurmeeyo. Waxaan leeyahay haloo daayo dadka reer Jubbaland iyo Galmudug inay iyagu go’aansadaan cidda talada ay u dhiibanayaan. Mudanayaal: Gudoomiye iyo guddoomiye ku-igeen (Dowladda Federaalka), Waxaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka sugayaan dhameytirka iyo ilaalinta dastuurkii lagu heshiiyey. Dhammaanteen waajib ayaa inaga saarran ilaalinta sharciyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diyaar ayaan u nahay in aan idin kaala shaqeyno dhameystirka dastuurka iyo sidii loo heli lahaa hannaan hufan oo ay ku dhici karto doorasho xalaal ah sanadka 2020. Dhinaca kale, Mudane Guddoomiye, waxaan kaaga mahadcelinaynaa kuguna bogaadinaynaa mawqifka hoggaanka baarlamaanka federaalku ka qaatay samaynta sharci doorasho oo loo dhanyahay. Waxaan xusid mudan inaan arrintaas muddo codsanaynay, maantase baarlamaanku qaaday go’aankii ku haboonaa. Waxaan la wadaagidoonaa talada aan hayno guddiga aad magacawday, sida aad sheegtayna waxay wadatashi ugu imaandoonaan maamuladda dalka ka jira. Waa muhiim doorasho xalaal ahi ku dhacdo waqtigii loogu talo galay. Mudanyaal iyo marwooyin, Waxaan ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba inaynu ka wada shaqayno dowladnimadeena, wadajirkeena iyo midnimadeena. Waxaan ku soo gunaandayaa hadaylkayga Soomaali waa Soomaali, Soomaliyana Soomaali baa leh. Soomaaliya ha noolaato Puntland ha noolato Soomaaliyana ha is raacdo. Waad mahadsantihiin dhamaantiin. The post Akhriso: Khudbaddii madaxweyne Deni ka jeediyay munaasabadda 1-da Agoosto appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si adag kaga hadlay qaraxa 24-kii bishii July ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose Xamar, kaasoo sababay dhimashada masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Xasan Maxamed Xuseen ayaa ku waramaya in qaraxan uu shaki weyn ku abuuray shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray in mugdi weyn uu ku gadaaman yahay sida uu ku dhacay qaraxaasi. “Qaraxii sababay geerida Gudoomiye Yariisow, Masuuliyiintii Gobolka iyo dhaawaca kuwo kale oo weli jiifa isbitaalada, kana dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaki weyn ku abuuray Bulshada Soomaaliyeed, waxaana ku gadaaman mugdi weyn oo looga fadhiyo Dowladda Federaalka inay caddeyeso.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir. Waxa Madaxda Qaranka uu ka dalbaday inay cadeeyan sida uu qaraxaasi ku dhacay, cidda fulisay, isla-markaana ay iftiimiyaan cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka amni-darro ee jiro. “Sida uu qaraxa u dhacay, cidda fulisay, cidda fududeysay iyo cidda qaadeysa masuuliyadda fashilka amni ee aan indhaha laga qarsan karin.” Ayuu yiri Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Waxa kaloo uu yiri “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda Dowladda Somaliya inay umadda u caddeeyaan sida wax u dhaceen, waxaana waajib loogu leeyahay inay qanciyaan ehelada iyo umadda Soomaaliyeed, Inta mugdigaas jiro way adag tahay in la aamino Madaxda Dalka iyo hay’adaha amniga.” Muungaab ayaa soo hadalqaaday in Gudoomiye Yariisow laga horjoogsaday in si caadi ah uu ugu adeeggo bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir, lagana shaqeeyay in si fudud loo shirqoolo. “Eng. Yariisow Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Guddoomiye Gobol oo loo diiday in uu wax kaalin muuqata ah uu ku yeesho nabadgelyada gobolka uu xaakimka ka ahaa ee Banaadir, xitaa Ilaalada Xafiiskiisa kama amar qaadan jirin, dabadeedna si fudud loo mishimay.” Ayuu yiri Muungaab, oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) ― Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow, oo ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu dabiibayey xaaladiisa caafimaad. Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxa uu baaq udiray dowladda federaalka Soomaaliya, isagoona ka dalbaday in cadaalada la hor keeno cid walba oo ka qeyb qaadatay qaraxii xarunta maamulka Gobolka Banaadir. Hoos ka aqriso qoraal uu arrimahan kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay “Waxaan murugada iyo tacsida la wadaagayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo shacabka gobolka Banaadir aniga oo ka tacsiyeynaya geerida guddoomiyihii gobolka ahaana duqii caasimadda eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) oo goor dhoweyd la iisoo sheegey. Runtii waa geeri naxdin leh Ilaahayna samir iyo iimaan hanaga siiyo injineerka, isagana janadii haka waraabiyo, aanna u wada duceeyno walaalkeen. Ugu dambeyntiina Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in cadaaladda ay horkeento cid walba oo qayb ku lahayd weerarkii 24 July lagu qaadey xarunta maamulka gobolka Banaadir ee lagu diley qaar kamid ah madaxdii maamulka iyo shaqaalihii dowladda hoose ee Xamar”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dowladda Mareykanka ayaa waxay ka hadashay dhimashadda gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaanna duqa Muqdisho. Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Qadar oo la dhigay kadib dhaawacii weerarka xafiiskiisa. War qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Washington ee Muqdisho ayaa tacsi loogu diray ehelada marxuumka iyo asxaabtiisa. “Danjire Yamamoto iyo shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay aad uga naxeen geerida [Duqa Muqdisho] Yariisow,” ayaa lagu yiri qoraalka. Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika ayaa la tilmaamay in ay waxyeelo kasoo gaareen caloosha iyo madaxa. Qoraalka ayaa intaasi ku daray: “Wuxuu ahaa bah-wadaag aad u wanaagsan iyo madaale u dooda dadka Muqdisho iyo dhammaan Soomaalida”. Eng Yariisow ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsiho loo magacaabay bishii Janaayo 2018 markii la eryay Taabit Cabdi Maxamed. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelkiisa iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Al-Shabaab ayaa waxay dusha saaratay is-miidaaminta lagu khaarijiyey dadka uu kamid yahay Eng Yariisow, kuwaasi oo tiradooda lagu sheegay 11 ruux. Yariisow oo in ka badan tobban sano siyaasadda Soomaaliya ku dhex-jiray ayaa soo qabtay xilal muhiim ah oo uu kamid yahay Wasiirka Warfaafinta. Isha: Garowe Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa shalay maamulka Puntland u dirtey fariin ka gadisan fariimihii hore ee hanjabaadyada iyo digniinuhu ku ladhnaayeen. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Biixi, Mubaarik Ismaaciil Taani ayaa shacabka iyo madaxda maamulka Puntland ugu hambalyeey xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalinta aas-aaska Maamul goboleedka Puntland, oo ku beegan 1-da August. Xoghaye Mubaarik Taani ayaa sidoo kale waxa uu shacabka iyo maamulka Puntland u rajeeyay inay barwaaqo, badhaadhe iyo nabad-gelyo ku gaadhan sanadkan sanadkiisa. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Biixi ayaa fariintan ugu hambalyeynayo Puntland soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna yiri “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xuska sannad-guurada 21-aad ee ka soo wareegtay maalinta aas-aaska Dawlad Goboleedka Puntland darteed walaalaha reer Puntland oo ah jaarka bari ee Jamhuuriyadda Somaliland”. Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxaan u rajaynayaa in ay sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan badhaadhe iyo nabad-gelyo”. Somaliland iyo Puntland ayaa muddo badan waxa ka dhaxeeyay muran xuduudeed inbadan sababay dagaalo, isla markaana waxay hawada isku marin jireen fariimo xanbaarsan hanjabaado iyo digniino kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jawaab adag ka bixisay hadal uu dhawaan yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Ra’iisul Wasaare Mahdi ayaa dhawaan waxa uu ka dhawaajiyey in bulshada reer Somaliland aysan u mideysnayn madax-banaanida Somaliland, oo intooda badan doonayan Soomaali weyn. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye ayaa hadalkaasi ku sheegay mid aan qaban Bulshada Somaliland, isla markaana uu yidhi Nin Muqdisho u shaqo tagay. Wasiirka Warfaafinta oo warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Soomaaliya waa nin reer Somaliland ah oo sida aan anigu aqoonsannahay u shaqo tagay halkaas. In badan oo u shaqo tagtay Soomaaliya way jirtaa laakiin ereyga inankaas ka soo yeedhay wali madaxdii reer Somaliland ee Soomaaliya tagaysay ee xilka u doonanaysay lagama hayo midna”. “Haddii ay tahay odayaashii waaweynaa ee ilaa hadda iska joogga (Soomaaliya) ku daalay ee soo noqon kari waayey iyo haddii ay tahay kuwii xilalka ka soo qabtay ama Ra’iisul wasaare ku-xigeen ha lagu magacaabo ama Wasiirro’e, ragga halkaas tagay ereyga intaas leeg wali may odhan”. “Inankaasi wuxuu yidhi ‘Dadka reer Somaliland inta badani Soomaali weyn ayey doonaysaa ee waa la cabudhinayaa’ waxaan leeyahay hadalkaaga sumad u yeelo. Beri baa la arki doonaa adigoo leh ha la I saamaxo. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in aanay Soomaaliya waxba kugu gaadhin” Wuxuuna intaas ku sii daray “Erayga intaas leeg ee aan wali hore loo odhan waxa muuqata in dhallinyaronimo laguu adeegsanayo. In badan baad Somaliland soo joogtay oo nin nala gado ah ayaad tahay, nin wixii Somaliland soo martay og baad tahay ninkii ereyadaa kaamaanu eegaynin aad shaqo tagtide. Waxaan u malaynayaa garaadkaaga ayaa ku siiyey”. “Ummadda reer Somaliland waa mid waanay u middaysan yihiin qaddiyadooda.waxaanan kugu boorinayaa inaanad been ka sheegin ummadda reer Somaliland iyagaana kuu jawaabi doona”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Kadib markii aan akhriyey kutub diinta islaamka ku saabsan oo uu qoray ninka magaciisa la yiraahdo Dr. Muxammed Shaxruur, waxaan arkay in aan dadka Soomaaliyeed usoo gudbiyo qaar ka mid ah fikradaha aqoonyahankan si kooban, waayo waa kuwo aad u xiiso badan sidaan anigu u arko. Magaciisa waxaan kusoo gaabinayaa MSH, maadaama marar badan uu soo noqnoqonayo qoraalka gudihiisa. MSH waa injineer ku dhashay Suuriya sannadkii 1938. Wuxuu shahaadada koowaad ee injineeriyada kusoo qaatay Midowgii Soofiyeet 1964, shahaadada PhD-na dalka Ayrlaand (Ireland) sannadkii 1972. Wuxuu qoray kutub injineeriyada ku saabsan oo heer jaamacadeed ah (textbooks) . Sannadkii 1967 ayuu MSH usoo jeestay xagga diinta, waxaana taas ku dhaliyey jabkii carabtu kala kulantay dagaalkii ay yuhuudda la gashay. Wuxuu yiri;Jabkaas lama filaanka ahi wuxuu dhammaan dadka carbeed ku beeray argagax iyo caloolxumo aan laga sheekayn karin. Jimcadii ugu horreysay jabka ka dib ayaan waxaan salaadda jimcaha ku tukaday masaajid ku yaal Dimishiq. Wadaadkii khudbada akhriyey wuxuu noo sheegay in guuldarradu ka timid dumarka qaawan) كاسيات عاريات. ) , maalmo kadibna waxaan la kulmay nin shuuci ah oo aan Alle rumaysnayn kaasoo ku safiray in guuldarradu ka timid soonka bisha Ramadaan. Labadaas nin oo midna wadaad diimeed yahay midna shuuci yahay waxay i tuseen in caqliga carbeed wax weyni ka khaldan yihiin. Maadaama diintu abuurto dhaqanka iyo qaabka dadyowgu u fikiraanna waxaan goostay inaan si fiican wax uga barto diinta. MSH wuxuu baaritaan iyo barasho ugu dhaqaaqay arrimaha diinta, wuxuuna 1990 qoray kitaabkiisii u horreeyey oo ku magacaabay :Quraanka iyo kitaabka (القرأن والكتاب) , kaasoo abuuray dood aad u dheer . Ka dib wuxuu qoray kutub badan oo la xiriirta diinta. Ugu horreyn waxaa usoo baxday in diinta sidii loo safiray qarniyadii 2aa iyo 3aad (عصرالتدوين) ee hijriga aan waxba iska beddelin ilaa maanta, safirkaasina uu ka duwan yahay waxa Quraanka ku qoran oo diintu gebi ahaanba ku salaysan tahay xaddiis iyo ra’yiga culimmada iyadoo la adeegsanayo xeerarkii fiqiga (اصول الفقه) ee uu dejiyey imaam Alshaafici. Xeerarka Alshaafici kan ugu khatarsanaa waa kan oranaya in nebigu (NNK) uu la yimid labo waxyi (صاحب الوحيين) , Quraanka iyo axaadiista. Maadaama axaaddista lagu sheegay waxyi waxaa lala barbar dhigay Quraanka, balse ayagaa la hormariyey markii ay is khilaafaan. Tusaale ahaan 10 aayadood oo dardaaranka ku saabsan waxaa lagu nasakhay hal xadiis (لاوصية لوارث) Baaritaan dheer MSH wuxuu dejiyey xeerar cusub oo fiqiga, waana qofkii ugu horreeyey ee wax ka beddelay xeerarkii Alshaafici dejiyey abbaaraha 1200 sano ka hor. Taasina waa sababta ciwaanka qoraalka. Markii MSH Quraanka eray eray u baaray wuxuu fahan cusub iyo sharax cusub ka bixiyey arrimo aad u badan. Xagga axkaamta wuxuu si cusub u safiray aayadaha dardaaranka, dhaxalka, dharka, xuquuqda dadka gaar ahaan dumarka, xukunka iyo xaakimiyada Alleالله حاكمية ) Qof kastaa waa gefaa, laakiin waxaan shaki ku jirin in sharaxiisu ka hufan yahay kuwii hore ugana dhaw yahay kitaabka Alle. In kastoo wadaaddadu qaylo afka ku shubteen, cay iyo gaalaysiinna isugu dareen sidii caadada u ahayd, haddana fikradaha ninkani si dhaqso ah ayey u faafayaan waayo waa kuwo qaarkood aad u qancinaya qof kasta oo run raadis ah. Kitaabka Alle ayuu MSH kor u qaaday kana kor mariyey kitaab kasta oo kale iyo ra, yi kale oo kasta. Sida uu u fahmay MSH kitaabku wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood; 1) Alquraan:oo ah qaybta nebinnimada nebi Muxammed (NNK) . Waxaa qaybtan ku jira B) Qisooyinka rusushii hore taasoo quraanku na barayo geeddi socodka taariikhda dadka T) Aqoonta dabiicadda iyo sida ay u shaqayso;mar kasta oo ay aqoonta dadku kororto, waxaa kordhaya fahamka aayadaha ku saabsan dabiicadda. Waxaana fasiri kara dadka bartay aqoonta sayniska. J) Waxyaabaha naga qarsoon ee rumaynta u baahan, sida Alle, malaaigta iyo nolosha dambe iyo waxa la xiriira. 2) Umm alkitaab (الكتاب) ام oo ah qaybta rasuulnimada kana hadlaysa akhlaaqda , sharciyada iyo cibaadooyinka (salaadda, soonka, zekeda, xajka) oo MSH ugu yeeray Shacaair (الشعاءر) . Qaybtan bidco lama oggola oo waa in loo sameeyaa siday nagu soo gaareen, waayo isma beddelaan. 3) Furaha fahamka kitaabka (الكتاپ تفصيل ) waana qaybta ah tusmada kitaabka sida aayadda 2aad ee surat albaqra, aayadda 1aad suradda Huud Waxa ugu xiisaha badan natiijada baaritaanka MSH, siday aniga ila tahay, waa xeerarka cusub ee fiqiga. Baaritaan kasta oo cilmiyeysan waxaa xukuma natiijadiisa xeerarka cilmi baarista, heerka guud ee aqoonta cilmibaaraha iyo qalabka la adeegsaday. Wuxuu dejiyey xeerar guud oo fahamka kitaabka Alle oo MSH aaminsan yahay in fahamkiisu isaga ku dhex jiro sida dabiicadda , maadaama dabiicadda iyo kitaabku ay isku il ka yimaadeen. Sidaa awgeed dabiicadda iyo kitaabka Alle marna isma khilaafi karaan Waxaan ugu dambeyn kula talinayaa qof kasta oo carabiga akhriyi karaa inuu akhriyo kutubta aqoonyahankan oo laga heli karo boggiisa internetka shahrour. org. Qofkii ingiriiska akhriyi karana waxaa halkaas ku jira kitaab ingiriis ah. Xeerarka fiqigana halkaas baad ka helin, waxaana ila roon in marka hore la akhriyo xeerarka iyo manhajka. Waxaan xusuustaa mar aqoonyahan soomaaliyeed qoray kitaab uu kaga hadlayo xukunka riddada. Kitaabkaas oo si cilmiyeysan loogu qoray afsoomaali macaan wuxuu aniga ila ahaa kii ugu fiicnaa ee afsoomaali lagu qoray . Qoraagu waxyaabuhuu qoray wax cusub ma ahayn, laakiin wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo arrintaa ka hadlayey oo soomaali ku qoran. Waxaan ka yaabay markaan wax ka dhageystey wadaad soomaali ah oo dabagal ku sameeyey kitaabka oo aad moodaysid inuu kitaab kale ka hadlayo, waxaase ugu la yaab badnaa markii wadaaddada qaarkood dadka uga digeen inay kitaabka akhriyaan. Malaha waxay ka baqayeen in dadku ogaado beenta ay ka sheegayaan kitaabka iyo qoraaga, waana ixtiraam xumo caqliga dadka oo wadaaddadu caadeysteen. Waxay rabaan in dadku noqdo xoolo iyaga u xeraysan oo meeshay rabaan u kexeeyaan. In ka badan 50 aayadood oo kitaabka Alle ayaa dhawraya xorriyadda diinta oo lagu nasakhay axaadiis la sheegay in nebigu) NNK (yiri, suuragalna maaha in axaadiistaasi nebiga ka sugnaadeen. Xaddiis kasta oo kitaabka Alle ka hor imaanaya saxiix ma noqon karo, haddii axaadiistu waxyi tahayna nebiga ayaa qori lahaa siduu Quraanka u qoray, balse waxaa sugan inuu diidey qoriddooda, sidoo kalena ay diideen khulufadii isaga ku xigey. Waxaa la inaka dhaadhacsiiyey in dadyowga kale oo dhami diinahoodii beddeleen innaga mooyee. Haddii aad akhristow sidaas qabto waxaan ku oran lahaa ka fiirso. Kiristaanku waxay diintii Nebi Ciise) CS ( ku beddeleen in ka yar boqol sano. Muslimmintuna axaadiista ay Quraanka ku nasakheen waxaa la qoray qarniyadii 2aa iyo 3aad. Imaam Bukhaari, tusaale ahaan wuxuu dhintay 256Hijriyada. Nebigu waa gaarsiiyey ammaanadii Alle usoo dhiibay, axaadiistana waxaa la uruuriyey qarnigii 2aad iyo 3aad ee hijriga. Alle caqligaa lagu caabudaa, dabagalka indho la, aanta ahna waa laga fiican yahay, dadka wax akhriyana masuuliyad gaar ah ayaa saaran. Haddii aan caqliga la adeegsan suun bumbo ku xiran tahay ayaa dhexda la inooku xirayaa, waxaanan xasuuqaynnaa dad aan wax inoo dhimin. Dadka isqarxinaya oo xasuuqa ka geysanaya dalalka muslimiintu waxay indho la, aan u dabagaleen dad ay iyagu culimmo u qabaan. Caqligu waa waxa keliya ee dadku kaga duwan yahay xayawaanka, sidaa awgeed waa inaynnaan oggolaan cid caqligeenna ku cayaarta oo aan ixtiraameyn Wa bilaahi altawfiiq Q: Cabdiraxmaan C. Xaashi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
MOGADISHU: Every time young fashion designer Hawa Adan Hassan makes a new gown for a paying customer, she also makes her dreams come true. “My whole life, fashion design was a dream,” says the 23-year-old university student, who last year began running a cottage business out of her family’s home in Hamarweyne, the historic heart of Somalia’s coastal capital Mogadishu. For Hassan, it began with art, when she found herself drawn to sketching clothes rather than the animals and landscapes preferred by her peers. Then she set to work on tailoring to turn her images into reality. “I realized this could be my field of expertise,” she says. For decades, war and upheaval left ordinary Somalis focused on the daily matters of life, death and survival. Bombings by Al-Shabab militants still dog Mogadishu today. But a creeping cosmopolitanism is challenging entrenched conservative attitudes and many Somalis are undaunted by wanting a look that stands out. Somalia’s clothing stores traditionally adhere to a simple formula: Imported garments for the well-to-do, locally made clothes for the rest. But Hassan and others are starting to alter that picture with locally designed, handmade attire for the high end of the market. In such a nascent industry, Hassan is, by necessity, self-taught. “I used to watch fashion design shows on TV, and every time I watched one, I tried to grasp the ideas by drawing what I saw,” she says. Her favorite was “Project Runway,” a US-made reality program fronted by German model Heidi Klum. “When I started I had no one as a role model. It is just something I dreamed up,” she says, adding that she now finds inspiration in the likes of Lebanese fashion designer Elie Saab. In her home studio, Hassan sketches and inks new designs of abaya gowns and hijab headscarves, in a variety of black or bright colors, tight and loose fittings, with plain or embroidered finishes. Fashion has also become a family affair, with Hassan’s father — a tailor by trade — and older sister helping cut and sew the clothes. Visitors to the workshop can hear children playing in nearby rooms and cooking smells waft in from the kitchen. Her elder brother has been an investor, helping to buy sewing machines and other equipment. Now the business is taking off, she says. “In the beginning, it was my father, elder sister and brother who helped me start but now I’m self-reliant and can make a living out of my work,” she says proudly. Like many Mogadishu residents who have become inured to violence, Hassan dismisses the city’s frequent bombings and shootouts, describing them as an “inconvenience” that can mess up her delivery schedules. Muna Mohamed Abdulahi, another startup fashion designer, is on a mission to encourage local people to take pride in products made in Somalia. “Some people come to my shop and, when they realize that these clothes are designed and made locally, they run away because they have a negative impression about locally made clothes,” says the 24-year-old. Like Hassan, Abdulahi is self-taught — “I was my own role model,” she says — and insists she is more than just a tailor aping the work of others. “A designer creates clothes with a story, but a tailor makes it without thinking, they just duplicate,” Abdulahi says. The designers’ customers are mostly young, like them, and affluent. “I like clothes designed by Somalis because they fit and make you look attractive,” says 22-year-old student Farhiyo Hassan Abdi. “Imported costumes are mostly out of shape and don’t look good on you.” “I don’t go for imported clothes anymore,” she adds, pointing out that the price of local fashion is often cheaper than the imports and it is easy to have alterations done. But these young designers and customers, seeking out unique fashion and wanting to look good, seem to live in a world apart from others in the city. Dahir Yusuf, a 49-year-old father, is appalled by his teenage daughter’s love of designer clothes, which he considers immoral. “These young girls are crazy about designer clothes, which are mostly fitted and reveal the features of their bodies,” he says, tutting. “Morally, it is not good to wear such things.” As a male fashion designer, Abdishakur Abdirahman Adam faces down double-criticism in pursuit of dreams. “In Somalia it is very difficult for a boy to become a fashion designer, because people believe this is women’s work,” says the slim 19-year-old, who was introduced to fashion by watching catwalk shows on satellite TV. Nevertheless, he plans to continue, designing for both women and men, hoping to compete with foreign imports. “What I do is just to create fashionable clothes with the material I have here without spending more money so that it looks like something from overseas.” Source: AFP
-
Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed declared three days of mourning to honor the late mayor of Somali capital Mogadishu who died in a terrorist attack, state media reported. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar-___-Qumanaha-01082019.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanaa dib u celiyey jinsiyaddii Mareykanka ee uu haystay, taasi oo dad badan ay soo dhoweeyeen. Go’aanka madaxweynaha oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia, lama raacin wax sabab ah. Farmaajo waxa uu madaxweyne yahay laba sano iyo bar, wuxuuna jinsiyaddan ka tanaasuli karay markii la doortay. Ogow, Farmaajo marnaba ma wajihin marxald uu huritaan sameeyo – Macnaha inuu kala doorto Soomaaliya iyo Mareykanka – oo sharciga Soomaaliya uma diidayo inuu haysto baasaboor dal kale, sidaas darteed isaga oo dalkiisa daacad u ah ayuu haysan karay dhalashadiisa labaad. Sidaas darteed waxaa su’aalo badan ay ka dhasheen waxa xilligan kusoo beegay go’aankiisa. Aniga oo raacaya waxyaabo badan oo aan ka ogahay kiisas noocan oo kale ah oo sidan u dhacay, xogta aan ka haysto Mareykanka oo aan deganahay iyo siyaasadda Soomaaliya, aan idinla wadaago sababaha aan rumeysanahay inay saldhig ay u yihiin go’aanka madaxweynaha. Maxaa xilligan kusoo beegay? Markii la doorto madaxweyne Farmaajo, waxay saraakiil Mareykan ah kala hadleen arrintan, sida uu shaaciyey xildhibaan Cali Balcad oo hadda ka hor wareysi siiyey TV-ga Dalsan, hase yeeshee Farmaajo wuxuu door-biday inuu sii haysto dhalashadisia Mareykanka. Si kastaba, waxaa arrintan ay is-beddeshay bishii March ee sanadkan, markii Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale. Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda. Sidaas darteed waxaa muuqata in Farmaajo door-biday in inta aan dhalashada laga qaadin uu isaga si shakhsi ah uga tagay, taasi oo leh laba faa’iido oo kale ah: 1- Inuu si sharaf leh u dhigo dhalashada, iyo 2 – Inuu shacabka Soomaalida ugu muujiyo inuu dalkiisa jecel yahay ugana tanaasulay dhalashada dalka ugu awoodda badan. Sababaha Farmaajo ku qasbi kara go’aankan Uma bahana: Faa’iidada ugu weyn ee haysashada baasaboorka Mareykanka ayaa ah ku safarkiisa dunida oo dhan xilligii aad doonto, weliba Visa la’aan inta badan dalalka caalamka. Maadaama Farmaajo madaxweyne noqday, marka uu xilka ka dego, wuxuu dalkii uu doono caalamka ku tagi karaa baasaboorkiisa Soomaaliga, isaga oo ka faa’iideysanaya maqaamka uu horey u gaaray. Sidaas darteed, Farmaajo maanta baasaboor caalami ah uma baahni, oo magaciisa ayaa u ah. Imaanshaha Mareykanka: Tan iyo markii la doortay Farmaajo, sooma cago dhigin Mareykanka, kamana qeyb-galin shirarka QM. Sharciga Mareykanka ayaa dhigaya in qofka haysta baasaboor Mareykan ah uusan dalka Mareykanka kusoo gali karin baasaboor kale, taasi oo Farmaajo u diidaysa inuu kusoo galo baasaboor diblomaasi. Haddii uu Mareykanka kusoo galo baasaboor Mareykan, waxaa meesha ka baxaya xasaanaddii uu heli lahaa, taasi oo fududeeneysa in la xiri karo, ama dacwad ay kusoo oogi karaan muwadaaniinta kale ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya kasoo jeeda asal ahaan. In la hor-istaago QM, oo laga hadlo waa sharaf madaxda adduunka agtooda ku weyn, waxaana muuqata in madaxweyne Farmaajo u cuntami weysay inuu xilka ka tago isaga oo aan sidaas sameyn. Cabsi marka uu xilka ka tago kadib ah: Farmaajo xitaa haddii uu baasaboorka sii haysan lahaa, waxaa jirta cabsi kale oo ah in weli ay dacweyn karaan Soomaalida Mareykanka marka uu dalka dib ugu soo laabto waqtigiisa madaxweynenimo kadib. Tusaale, gobolka uu degan yahay ee New York, waxaa ka mamnuuc ah dilka toogasho, sidaas darteed waxaa suurta-gal in dadka lagu fuliyey dilalka toogasho ee Soomaaliya ay qaarkood ehelladooda dacwad kusoo ogaan. Canshuurta Mareykanka: Muwaadinka Mareykanka waxaa qasab ah inuu dowladda siiyo canshuur, xitaa hadduu lacagta uu shaqeystay ku sameeyo meel ka baxsan dalka. Inkasta oo madaxweyne Farmaajo lacagta uu mushahar ahaan uga qaato Soomaaliya aysan dhib ku ahayn inuu canshuur ka bixiyo, waxaa suurta-gal ah inuu wajaho baaritaannada Mareykanka, ayada oo la tuhmi karo inuu hanti badan ka sameeyey madaxweynenimada, oo uu qarinayo sida madaxda Afrika lagu yaqaan. Ma lihi madaxweynaha wax ayuu dhacay, balse in dowladda Mareykanka ku dabagasho ayaa dhibkeeda gaarka ah leh, waxayna kugu furi kartaa albaabo badan oo dhibaato ah. Waddaniyad cusub: Waxyaabaha madaxweyne Farmaajo lagu jeclaaday waxaa ka mid ah in loo arkay inuu yahay waddani neceb shisheeyaha, hase yeeshee waxaa taas ay meesha ka baxday markii uu la xirtay Itoobiyadii uu weligiis muujin jiray inuu neceb yahay, islamarkaana u gacan geliyey muwaadin Soomaaliyeed. Si mar labaad uu kaarka wadaniyadda u cayaaro sanadda 2021 marka uu dib u galayo doorashada, waxa uu tallaabadan uga faa’iideysan karaa inuu sameeyo wax aysan madaxdii hore ee Soomaalida weligood sameyn, taasi oo mar kale uu isaga gadi karo dadka aan inta badan cabirin waxa ka dambeeya tallaabooyinka madaxda. Waxaa sida muuqata ay tani sidoo kale billow u tahay ololaha doorashada ee 2021, waana tallaabo uu kaga adkaan karo kuwa laga yaabo inay la loolamaan ee haysta baasaboorada ajnabiga ah. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Magaalada Garoowe ayaa looga dabaal degay xuska sanad guurada 21-aad ee Asaaska doowlad goboleedka Puntland, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare , Senatar Abshir Maxamed Axmad, Guddomiyaha Golaha Shacabka-BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowlad gobaleedka Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland. Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Garoowe ayaa looga dabaal degay xuska sanad guurada 21-aad ee Asaaska doowlad goboleedka Puntland, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Dowladd goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare , Senatar Abshir Maxamed Axmad, Guddomiyaha Golaha Shacabka-BFS mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowlad gobaleedka Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland. Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisoow waxa uu ku dhashay degmadda Hodan ee gobolka Benaadir 16 kii August 1965kii.Waxbarashadiisa dugsi hoose,dhexe iyo sare waxa uu kaga baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena ka qalin jebiyey jaamacadda Gaheyr ,kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii. Shaqooyinkii uu soo qabtay Dawladda Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000 ilaa 2003 Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004 ilaa October 2008 Waxa uu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMG ka aheyd intii u dhaxeysay October 2008 ilaa February 2009. Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009 ilaa August 2009. August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010. July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010 3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012 20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013 26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014 Intii u dhaxeysay 24kii April 2014 ilaa 21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta 21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya 21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan wuxuu Siyaasadda Soomaaliya ku lug lahaa ku dhowaad 15kii sano ee ugu dambeysay. Wuxuu billaabay in arrimaha siyaasadda uu ka shaqeeyo xilligii uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain. Wuxuu sannadkii 1986-dii ka qalanjebiyay jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, isagoo bartay culuumta handasada. Markii uu jaamacadda dhammeeyay illaa sannadkii 1991 wuxuu ka shaqeeyay Wasaaraddii howlaha guud iyo guriyeynta iyo wasaaraddii Maaliyadda oo uu u ahaa Injineer iyo maamule mashaariic. Intii uu London ku sugnaa, Eng. Yariisow wuxuu bartay maareynta ganacsiga, culuumta kumbuutarada iyo maamulka iyo maareynta guriyeynta oo 2004 uu shahaadada mastarka ka qaatay jaamacadda Westminster. Wuxuu London ka noqday hoggamiye bulsho iyo Maamule iskuullo. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabanqaabiyihii kulankii weynaa ee qurba joogta Soomaalida UK ee 2007-dii lagu qabtay magaalada Leicester. Wuxuu noqday guddoomiyihii ururka u dooda xuquuqda Soomaalida UK ee Somali Concern Group, muddadii u dhexeysay 2004 illaa 2008. Dhammaadka Facebook daabacaadda qore BBC News Somali Mudaadii uu Soomaaliya ku sugnaa wuxuu ka shaqeeyay dowladda oo uu ka qabtay xilal ay ka mid yihiin, lataliye sare, laba goor oo uu wasiir noqday iyo mar uu afhayeen ahaa. Wuxuu lataliyaha warbaahinta iyo istiraatiijiyadda u noqday madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud. Wasaaradaha uu horey u soo maamulay waxay kala yihiin Maaliyadda iyo Warfaafinta. Injineer Yariisow ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo looga daweynayay dhaawicii ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Qaraxa ayaa dhacay xilli uu maamulka Gobolka Banaadir halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan. Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo.
-
Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay taageersantahay wada hadal dhisan oo dhex mara Hargeysa iyo Muqdisho, islamarkaana ay taageerayso talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida u dhaxaysa labada dawladood. Xildhibaan Michael Ancramoo ka tirsan Baarlamaanka Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda iyo dalalka barwaaqo sooranka Ingiriiska Ahmad of Wimbledon, wuxuu toddobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska ku weydiiyay doorka uu Ingiriisku kaga jiro sidii dib loogu furi lahaa wada hadal lagu dhisayo kalsoonida Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Wasiir Ahmad Wimbledon ku jawaabay “Ingiriisku wuxuu soo dhawaynayaa talaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida maamulada Hargeysa iyo Muqdisho, waana u diyaar inuu taageero geedi socodka wada hadal dhisan. Ingiriisku wuxuu weli qabaa inay Somaliland iyo Soomaaliya u taalo inay ku heshiiyaan qorsheyaal kasta oo cusub, waxaanay u taalaa wadamada jaarka ee gobalka inay horseed ka noqdaan aqoonsigooda. Masuuliyiinta Ingiriisku waxay ku biireen tiro kale oo saaxiibada caalamiga ah iyo xubno ka kala socday Muqdisho iyo Hargeysa oo dhawaan kulan aan toos ahayn ay xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ugu qabatay Nayrobi bishii June, kaas oo uu ujeedadiisu ahayd in lagu dhiirigeliyo hore u socod. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah. Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Al-Shabaab ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa Guddi ka kooban Afar iyo Toban Xubnood u magacaabay Aaska loo sameynayo Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahaanna Duqii Muqdisho. Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa wuxuu maanta ku geeriyooday magaaladda Dooxa ee dalka Qatar, Waxaana guddigaan guddoomiye u ah Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. Halkaan hoose ka Akhriso Magacyada Guddiga View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-01082019.mp3 View the full article