Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Titled Building Education to Boost Human Capital, the report notes that an estimated three million Somali children remain excluded from schooling opportunities, largely affecting 6-18-year-olds who make up 40 percent of the Somali population. Source: Hiiraan Online
  2. There was relative calm on the streets here in South Africa's largest city Wednesday after days of looting and burning of foreign-owned businesses. Source: Hiiraan Online
  3. Warsheikh, 5 September, 2019 – After exercising control and managing peace and security in the area for five years, the African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Monday handed over Warsheikh Forward Operating Base to the Somali Security Forces, as dictated by the Somali Transition Plan. Source: Hiiraan Online
  4. Dhegeysiga dacwada badda waxuu ka bilaabanaya Maxkamada ICJ September 9, 2019 haddii uusan jadwalka isbedelin. Dowladda Soomaaliya ayaa horgeysay Maxkamada ICJ, dacwad ka dhan ah dowladda Kenya August 28, 2014. Maalintaas wixii ka dambeeyey, xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, aad ayuu u sii xumaanaayey. Ka dib markii wadahadalo xaldoon ah, oo soo jiitamayey muddo shan sanadood ah ay miro dhallinwaayeen, ayaa dowladda Soomaaliya maxkamada ka codsatay inay go’aan ka gaarto sohdinta badda ee labada dal, ayadoo la raacayo qaanuunta baddaha caalamiga. Halkii Kenya laga sugayey ka soo warcelinta (muddaca) dacwada, ayay Oktoobar 7, 2015 soo gudbisay diidmo hor u dhac ah. Hase yeeshee, Maxkamadda ICJ ayaa Febraayo 2, 2017 gaashaanka ku dhufatay, doodii marmarsiyada ahayd ee Kenya (preliminary objections). Qaraarku wuxuu caddeyay, inkastoo uu heshiis hore jirey, haddana maxkamada kama horistaagayo gudagashadda waajibkeeda dacwadda hortaal. Soomaaliya iyo Kenya waxay ku kala aragti duwan yihiin jihaynta soohdinta marta xeebta ay waddaagaan. Soomaaliya waxay aaminsan tahay in xuduudeeda badda ay si toos ah ula socoto midda dulka, taasoo ah xariiqda toosan ee loo yaqaan (median line or equidistance line). Aragtida Soomaalia waa tan caalamka guud ahaan isku raacsan yahay. Kenya waxay ku adkeysaneysaa in sohdin-baddeedka ay la wadaagto Soomaaliya ay tahay barbar dhac (parallel) ka soo burqata xariiqda toosan ee labada dal wadaagaan. Sheegashadaas, waxay Kenya ku heleeysaa dhul-badeed Soomaaliyeed oo baaxadiisa lagu qiyaasay 100,000 Sq Km, lana mid ah qiyaas dhuleed (bedka) gobolka Jubaland. Ismandhaafka wuxuu sii xoogeystey, kadib markii ay dowladda Kenya ku xadgudubtey ujeeddada heshiiskii is-afgaradka ee lagu gaarey Nairobi, 2009kii. Kaas oo xusayaa inuusan xallineyn wixii muran ahaa ee labada dal horey ugu socdey ee ku saabsanaa sohdinta kala qaybisa xeebahooda. 2012kii Kenya iyadoo hab qaldan u isticmaalaysa heshiiskii, ayey shirkadaha shidaalka baara ka xaraashtay 8 waxaad oo 7 ka mid ah ku yaalaan aaga Jamhuuriyadda Soomaaliya. Falkaas sharci darrada ah wuxuu xadgudub bareer ah ku yahay, xuquuqda sahaminta iyo uruurinta dakhliga ay ka qaadatay, (The East African – August 25, 2012). Xaraashka Kenya ee badda Soomaaliyeed waxay daba socotey markii hab qadarin la’aan ah oo ay isla weyni ku dheehan tahay, ay gacan dhaaf ku sameysay madaxbannaanida iyo qaranimadda Soomaaliya. Oktoobar 2011, Kenya waxay si ulakac ah ugu xadgudubtay xuduuda Soomaaliya ayadoo ujeeddadeedu ahayd inay hesho maamul goboleed Soomaaliyeed oo hoostaga “buffer state.” Kenya marnaba kuma xisaabtamin inay Soomaaliya ay kala kulmi karaan awood amase hoggaan ka horyimaada hanqaltaageeda ay ku sheeganeyso badda Soomaaliyeed. Taariikhdu markay ahayd Juunyo 2013 ayaa Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka Federalkaba Soomaaliya, dib u ansixineen go’aankii Agoosto 1, 2009 kaasoo laallay heshiiskii is-afgaradka Soomaliya iyo Kenya, kuna tilmaammey wax kuma oolan (null and void). Tan iyo markii ay ku guuldareysata doodii hor u dhaca ahayd, Kenya waxay ololayneysaa in gogosha garta lagu fiddiyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ. Kenya waxay ku baraarugsan tahay, in xaqiiqda dhabta ah ee sohdin-badeedka ay ku doodeyso uusan salka ku heyn sharuucda caalamka ee xuduudaha baddaha. Intaa ka dib, Kenya waxay bilowday inay isticmaasho xeelad canaad iyo sasabasho iskugu dhafan. Taariidhdu markay ahayd Siteembar 2016, waxay ka qaaday Soomaaliya xayiraaddii safarka dalku galka waddankeeda oo tan iyo 2006kii taagneyd. Daajinta ay Kenya ku kasbanayso Soomaaliya intaa kuma ekaan. Taariikhdu markay ahayd Maarso 2017kii, Kenya waxay u ballan qaaday Soomaaliya, in saraakiisha dowladda ee ku safraya baasaboorada shaqadda rasmiga ah iyo midka diblomaasiga inay dalka Kenya ku geli karaa fasax dal ku gal la’aan. Waxaa dadaalkaas daba jooga, hagardaamo dadban. Taariikhdu markay ahayd Nofeember 2018kii, ayaa Wasaaradda Difaaca Kenya damacday in Soomaaliya ku soo jiido, ka mid noqoshadda Heshiiska Amniga Badweynta Hindiya (Indian Ocean Security Deal), iyadoo farta ugu fiiqeysa in ay dan ugu jirto. Kenya waxey markale weji gabax kala kulantey hankaaggeeddii, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku gacan sayrtay. Haddii uu shiqoolkaas uu u suurogeli lahaa, gacan ku haynta badda (maamulka), waxay u gacan geli lahayd ciidamadda “Kenya Coast Guard,” (Allafricanews – 29/11/2018). Daandaansiga iyo dhagarta Kenya waa arrin la yaab leh. Dowladda Soomaaliya ayaa London ku soo bandhigtay macluumaadka sahminta soosaarista khayraadkeeda, taariikhdu markay ahayd Febaraayo 7, 2019 (seismic data 2014-2016). Islamarkiiba, Kenya waxay jeebka gashatey wanaagii yaraa, inkastoo dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum ay u xaqiijiyeen, in aysan qaadin tallaabo wax u dhimmi kara dacwadda Maxkamada ICJ. Kenya kuma qancin shaki bixintaas, oo waxay durbadiiba ka soo saartey bayaan xanaf leh taariikhdu markay ahayd Febaraayo 16, 2019, kaas oo ay ku soo cayrisayay danjire Moxamuud Axmed Nuur – Tarzan, isla markaasna dib ugu yeeratay mid keedii – danjire Lucas Tumbo. Falkaas oo ka baxsan hab maamuuska iyo xurmada deriswanaaga. Maarso 2019kii, gulufkii boolaxoofteynta waxaa cagta u dhigay, dadaaladii gobolka oo Kenya kaga digayay colaadinta Soomaaliya iyo carqaladeynta nabadda GeeskaAfrika. Islamarkaas, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu ugu tagay Madaxweyne Uhuru Kenyatta fadhigiisa, ayadoo shacabka Soomaaliyeed carro ka muujiyeen kulankaas. Kenya waxay dib boorka ugu jaftey siyaasadeedii cunnoqabateynta Soomaaliya. Maajo 2019kii, waxay xayiraad dal ku gal ku soo rogtay ergadii dowladda Soomaalida uga qayb geli lahaa shir looga arrinsanayay iskaashiga xuduudaha Geeska Afrika, oo ay EUda iyo UNka soo qaban qaabiyeen, laguna qabanayey Nayroobi. Hagardaamadaas waxaa ka dhalatay natiijo ka duwan middii ay ka filaysay. Kenya malaha waxay maleenaysay in Soomaalida oo qabyaalad boqongoysay, aysan ku heshiin karin maareynta khayraadkooda. Waxaase mala’awaalkeedii dhabar jabiyey in baarlamaanka Soomaaliyeed, si sahlan ku ansixiyay sharcigii shidaalka. Kenya markii ay ku waabariisatey, in maamulka Farmaajo-Kheyre aysan dhag jalaq u siinayn daandaangiseeda, ayay cunnoqabateyn hor leh ku dhaqaaqdey. Waxay joojisay duulimaadyaddii tooska ahaa (Nairobi – Muqdisho), mamnuucday rarka aan rakaab la socon ee diyaaraddaha ka soo qaadaan Muqdisho, si ay shacabka ugu kiciso dowladda. Caqabaddaha Kenya ay culays ku saartay dowladda Soomaaliya waxaa kaloo ka mid ahaa, in Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, oo la kulmay wafdi ka socday Hargeysa, ayaadoo uu ula dan lahaa qaran jibinta midnimada Soomaaliya. Waxay dhammaan diyaaradaha ka yimaada Muqdisho ku soo rogtay inay ku hakaddaan Wajeer, ka hor inta aysan u gudbin Nairobi. Halka, kuwa ka soo duula Jubaland amase Somaliland, si toos ah ay ugu fasaxan yihiin ka degidda garoonka Nairobi. Intaba markii Muqdisho ay ka danqaweyday, ayay Kenya bilowdey weerar ay ku marmarsiyooneyso la dagaalanka argagaxisada, kuna ololeyneyso qaraarka 1267 oo ku saabsan, in Shabaab loo aqoonsado urur argagixiso caalami ah. Golaha Ammanka QM ayaa diiday August 28, 2019. Weliba, taa bedelkeeda Goluhu wuxuu ku boorriyay dowladda Kenya, inay meelmariso qaraarraka 751 ee lala beegsanayo Shabaab, oo ay ka mid tahay mamnuucida ganacsiga dhuxusha dekedda Kismaayo ka baxda, iyadoo dhaliilo hore ka taaganaayeen mucaamilka ciidamadda Kenya ee maamula dekadda la leeyihiin Shabaab. Soomaaliya waxay markasta iyo meelwalba madaxbanaanideeda ku ilaalsaneysaa, si nabad iyo asluub diblomaasiyad leh, oo ay daris wanaag ku dheehan tahay. Waana tan keentay inay dacwad ka gudbiso Kenya. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ka feejigan tahay dhagarta Kenya, ayadoo iska ilaalineysa fal kasta ee laga yaabo inay wax u dhimmi karaan deris wanaaga, ilaa maxkamadda ka soo saarto qaraarkeeda kama dambeys ah. Isku daygii ugu dambeye ee Kenya ku hor istaagayso inay dhacdo dhagaysiga dacwada badda ee hor taalla Maxkamda ICJ, ayaa ah inay codsatay in dib loo dhigo xilligii lagu madlanaa oo ahayd September 9, 2019. Kenya waxay ku marmarsiyooneysaa inay eriday lix qareen oo ku matalayey dhagaysiga dacwada badda, ayna doonayso in waqti loo siiyo si ay u qoroto qareeno cusub. Ilaa hadda Kenya waxaa difaaca uga baxay kharash kor u dhaafaya ilaa 3 malyan doollar, haddana waxaan sir ahayn, in ay u muuqato in fursada guul darrada dacwada ka badan tahay tan midda guusha. Haddaba, uurkummaanle Macharia Kamau waxuu u baahan yahay inuu kala garto waxa la yiraah bisayl iyo bisayl la’aan diblomaasiyadeed, inta uusan ka qoomamayn daris xumidda uu unkay. W/Q: CabdulQadir Cariif Qassim Jamhuriyada.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado. “Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.
  6. THE HAGUE (HOL) - International Court of Justice (ICJ) has postponed the hearing of Somalia-Kenya Maritime border dispute case. Source: Hiiraan Online
  7. Maxkamadda ayaa xukunka ama go’aankaas gaartay kadib markii ay dalabka Kenya ee dib u dhigista u aragtay niyad wanaag iyo iney dhab ka tahay codsigeeda. Maxkamadda ayaa xukunka ama go’aankaas gaartay kadib markii ay dalabka Kenya ee dib u dhigista u aragtay niyad wanaag iyo iney dhab ka tahay codsigeeda. Arrintan waxaa kale oo ka cad in Kenya la siiyey fursaddii ugu dambeysay oo qareenno ku qabsan karaan, isla markaana aan laga dhageysan doonin marmarsiyo kale. Dhinaca kale, caawa golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika ayaa diiday inuu qeyb ka noqdo dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Xulka kubadda cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray heerka kowaad ee isreeb-reebka ciyaaraha koobka adduunka 2022. Xulka qaran Soomaaliya ayaa caawa 1-0 ugu awood sheegtay xulka dalka Zimbabwe, kulankii lugta kowaad oo dhacay dalka Jabuuti oo marti galinta wakiil ugu ahayd Soomaaliya. Ciyaaryahanka Anwar Siciid Cali (Shakunda) ayaa xulka Soomaaliya kubbad madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 87-aad ee dhaamaadkii ciyaarta. Xulka Soomaaliya oo dabaal-degaya Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka adduunka ay guul ka gaarto, tan iyo markii la asaasay tartankan 1930-kii. Madaxda dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka ayaa u hambalyeeyey xulka qaranka, sidoo kale shacabka ayaa aad ugu hambalyeynaya guusha taariikhiga ah. Kulan lugta labaad ayaa dalka Zimbabwe ka dhici doona 10-ka bishan September ee todobaadka dambe, waxaana Soomaaliya haddii ay soo baxdo u gudbi doontaa is araga labaad ee isreeb-reebka koobka adduunka. Koobka adduunka 2022, waxaa marti galintiisa horey ugu guuleystay dal yaraha Qadar. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo guushii ugu horreysay ka gaartay dhacdada ugu weyn kubadda cagta appeared first on Puntland Post.
  9. Waxaa caawa fiidkii si rasmi ah magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad gobaleedka Galmudug uga furmay shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug iyo dhismaha maamul dadka reer Galmudug u wada dhan yihiin. Xafaladda furitaanka shirka ayaa hadda ka socota hoolka loo asteeyay in lagu qabto shirka ee magaalada dhuusamareeb, waxaana shirka ka soo qeyb galay ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Xasan Cali Kheyre, guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare Abshir Axmed, xildhibaanno labada gole ee Baarlamaanka federaalka iyo Ergo mataleysa beelaha daga Galmudug oo gaaraya ilaa 500 ergo. Galabta ayey aheyd markii magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen wafdi isugu jira senatarro iyo xildhibaanno uu hoggaaminaayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, oo ka mid ahaayeen Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Xildhibaan C.raxmaan Maxamed Odawa, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka soo anbaba baxay magaalada Hobyo oo ay uga soo qeyb galeen xiritaanka shirkii dhawaanahan ka socday magaalada Hobyo,. Dhanka kale guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug oo caawa magaalada dhuusamareeb ka furmay Dr, Cabdiraxmaan Cabdullaaahi Baadiyoow, ayaa xusay in shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug uu yahay aas aas u ah maamul dowladnimo oo ka hana qaada deeganada Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwada kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka illaa 13-ka bishan September. Maxkamadda ayaa hadda kiiskaas dib u dhigtay muddo kaba bilood oo ah ilaa bisha November ee sanadkan, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Fiqi. Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay sidaas codsatay Kenya, oo ku andacootay inay dooneyso inay qorato qareenno cusub, kadib markii ay cayrisay qareenadii hore. Si kastaba, maxkamadda ayaan aqbalin codsigii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo muddo 12 bilood ah, waxaana hadda laga doonayaa inay maxkamadda hor-timaado bisha November. Inkasta oo Soomaaliya ay dooneysay inaan kiiska dib loo dhigan, haddana dib u dhigista muddada labada bilood ah, ayaa loo arkaa guul ay Soomaaliya gaartay, sababtoo ah waxaa la rumeysan yahay in Kenya aysan daacad ka ahayn dib u dhigista iyo cudur-daarkeeda. Kenya ayaa la rumeysan yahay inay dooneysay inay muddada 12-ka bilood ah uga faa’iideysato inay cadaadis kale oo caalami ah ku saarto Soomaaliya, kadib markii ay fashilmeen dadaalladeeda hore. Waxaa muuqata inay yar tahay waxa ay Kenya ku sameyn karto laba bilood gudahood, taasi oo weli ah rajo siineysa Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  11. Nadifo Muhyadin Hassan’s family survives on the roughly five litres of water a day that she manages to beg from neighbours. Source: Hiiraan Online
  12. Unsettled by recent mass shootings across the nation, the San Francisco Board of Supervisors unanimously approved a resolution this week declaring the National Rifle Association a domestic terrorist organization. Source: Hiiraan Online
  13. Adis Aba (Caasimadda Online) – Midowga Africa ayaa go’aan niyadda ka jabiyey Dowladda Kenya ka qaatay Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya. Midowga Africa oo Maanta Magaalada Adis Ababa ku yeeshay kulankoodii labaad ee Golaha nabadda iyo Amniga loogana hadlayey muranka u Dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayaa kusoo dhamaaday guul usoo hoyatay Soomaaliya. Golaha ayaa isku raacay in Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya loo dhaafo Maxkamadda ICJ oo hadda kiiskaas u ballansan 9-ka Bishaan September. Waxay isku raaceen inaysan macquul aheyn in Kiiskaan lasoo wareejiyo maadaama aysan laheyn awood ay ku farageliyaan dacwad ka furan Maxkamadda ICJ. Go’aankaan ayaa meesha ka saaray damacii Dowladda Keny ee ahaa inuu Midowga Africa Kiiskaan soo farageliyo si wadahadal loogu dhameeyo. Maalintii Talaadada ayey aheyd markii Midowga Africa uu dhageystay aragtiyada laba dal, waxayna Soomaaliya midowga Africa ugu baaqday in dacwadaan loo dhaafo Maxkamadda IC maadaama uu kiiska hadda marayo meel dhamaad ah. Dowladda Kenya ayaa cabsi weyn ka qabto go’aanka kasoo bixi doono Maxkamadda ICJ, waxayna durba muujisay inaysan heysan caddeymo ku aadan dooda ay gelisay Badda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. DJIBOUTI (HOL) - Somalia has thrashed Zimbabwe 1-0 in the first leg of the 2022 World Cup qualifier match played in Djibouti today. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray saldhigga Booliiska Dhuusamareeb iyo xarumaha ciidamada kumaandoosta Danab iyo nabad sugidda ee qaybta ka qaadanaya adkeynta amniga magaalada Dhuusamareeb inta ay socdaan howlaha loogu diyaar garoobayo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug loo dhanyahay. Wasiirka amniga iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay kormeerka oo isugu jiray dhiirri gelin iyo u kuur gelidda hannaanka ay ciidamadu uga shaqeynayaan adkeynta amniga iyo sidoo kale isu diyaarinta ciidamda Danab ee qorshaha xoreynta deegaannada ay argagaxisadu uga sugantahay Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la hadlay ciidamada ku sugan xarumaha uu kormeeray ayaa u sheegay in madaxda dowladdu ay aad ugu farasaxsantahay shaqada wanaagsan ee ciidanku qaranka u hayaan, ayna ku faanto ciidamada nafta u huraya ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay si wadajir ah u laba jibbaaraan shaqada ay qaranka u hayaan. Dowladda Soomaaliya ayaa isku dhinac wadda dadaallada dhismaha Galmudug loo simanyahay iyo qorshaha xoreynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay argagaxisadu uga suganyihiin Galmudug, si marka ay dhismaan hey’adaha dowladeed ee Galmudug, ay dhamaan reer Galmudug u helaan adeegyada aasaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin. View the full article
  16. Xulalka Soomaaliya Iyo Zimbabwe ayaa lugta kowaad ee taranka i sreeb reebka koobka aduunyada 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar ku ciyaarayay garoonka Al Hagi Hassan Guuleed ee dalka Jabuuti,iyadoo qeybta kowaad uu kulanka kusoo dhamaaday barbaro goolal la’aan Kulanka waxaa dir u ahaa u daawanayay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab,wakiilka ciyaarayahanda ka keenay caalamka Saciid Cabdi Haybe (Zeno) iyo sidoo kale guddoomiyaasha kooxaha Muqdisho City,Elman,Rajo iyo Hilaac. “Imitaankeena Jabuuti waxa ay aheyd in aan daawano oo aan dhiiri gelino xulkeena oo markii ugu horeesay lagu sameeyay is badal runtii dhallinyarada laga keenay dibadda waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan,waanse ku bogaadinaynaa da’daalka iyo is kaashiga ay wada sameeyay dhallinyarada ka ciyaara gudaha iyo qurbaha ee fursadan helay” waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay guddoomiyaha kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh,isagoo ku hadlayay magaca guddoomiyaasha kooxaha kubbadda cagta dalka. Markii leysku soo laabtay dheesha labada xul ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa soona jiidatay taageerayaashii kasoo qeyb galay,inkastoo Daqiiqadii 84 u dhaliyay laacibka kooxda Elman Anwar Sayid Cali oo kulanka badal kusoo galay. Falanqeeyaasha iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaad u soo dhaweeyay dhallinyarada laga keenay qurbaha,iyagoo ku amaanay da’aalka ay muujiyeen ka dib markii ay si wanaagsan isku kaa shadeen iyaga iyo ciyaartooyda ka dheesha gudaha wadanka. Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax iyo wiilkiisa Yuusuf Cabdirisaaq Faarax ayaaa xaadir u ahaa kulanka,iyagoo dhii gelin iyo garb istaag u muujiyay Yonis Cabdirisaaq Faarax oo ka mid ahaa safka xulka qaranka una ciyaara kooxda Trysil ee dalka Norway. “Alx riyadii aan lahaa waxa ay aheyd in aan xulkeena laga dhalin wax gool ah,balse waxaad aad ga farxisay qaab ciyaareed wanaagsan ay soo bandhigeen wiilasheena hadii sidan waqti badan loo siiyo waxaan aaminsahay in dalkeena uu samaynayo horomar ciyaareed” sidaas waxaa Goobjoog Sports u sheegay guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje). Si Kastaba xulalka Soomaaliya iyo Zimababwe ayaa 09-September lugta 2-aad ee is reeb reebka koobka aduunyada ku dheelaya magaalada Haraare ee wadanka Zimababwe . Source: goobjoog.com
  17. Jabuuti (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray cayaar ka mid ah kuwa wareegga koowaad ee loogu soo baxayo koobka kubadda cagta adduunka ee 2022. Soomaaliya ayaa lugta koowaad ee wareegga koowaad ee cayaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2022 waxay 1-0 uga badisay Zimbabwe. Cayaartaas ayaa waxay ka dhacday dalka Jabuuti oo matala guriga Soomaaliya. Lugta Labaad ee cayaarta ayaa sideedda bishan oo ah maalinta axadda ka dhaceysa dalka Zimbabwe. Soomaaliya ayaa lugta labaad ee cayaartan u baahan inaan laga adkaan ama ay goolal dhaliso balse aan looga adkaan farqi aan ka badneynd hal gool, si ay ugu gudubto wareegga labaad. Guushan ayaa ah mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee Soomaaliya ay gaarto tan iyo xiligii burburka dowladda dhexe. Zimbwe ayaa waxay Soomaaliya ka sareysa 90 darajo, marka ay noqoto qiimeynta kala horeynta xulalka ugu wanaagsan caalamka ee FIFA. Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 202, halka Zimbabwe ay ku jirto 112. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Kulankii 2aad oo maanta Adis Ababa ku yeesheen golaha nabadda iyo amniga midowga Afrika, laguna falanqeynayey codsiga Kenya ee ahaa in kiiska badda ee ICJ yaalo ee kala dhaxeeyo Soomaaliya loo soo wareejiyo Afrika ayaa ku soo dhamaaday arrin dharbaaxo ku ah dalka Kenya. Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen qareenada dalalka 15-ka ah ee ku jira golaha ayaa la isku raacay in kiiska loo daayo maxkamadda uu yaalo. Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in golaha uu isku raacay in aaney soo wareejin karin, awoodna u laheyn gal dacwadeed ka furan ICJ, taasi oo meesha ka saaray damacii Kenya ay ka laheyd Afrika. Kulankan waa kii 2-aad ee golaha ka yeesho arrintan, kulankii talaadadii waxaa uu ahaa dhageysiga labada dal, Soomaaliya waxay ku dooday iney ixtiraameyso midowga Afrika, waxana ka aasaastay laakin dacwadan maadaama ay taalay ICJ muddo 5 sano ah loo daayo, taasi oo u muuqato in maanta la qaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Hobyo (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Ku xigeenka koowaad ee golaha aqalka sare Senator Abshir Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay xiritaanka shirka nabadda iyo dib u heshiisiinta magaalada Hobyo ee gobalka Mudug ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dadka Galmudug awoodoa iskugu geeyaan sidii loo dhisi lahaa dekadda Hobyo. Guddoomiye Abshir ayaana xusay in muhiimad weyn u leedahay dhismaha dekedda Hobyo dadka degan magaalada iyo guud ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu yiri” Dekedda Hobyo waxaa ay u tahay muhiim dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo hormarka deegaanada Galmudug, waxaana is badali doona qiimaha nolosha deegaanka , waxaan abuurmi doona shaqooyin fara badan, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona yareynta shaqa la’aanta baahsan ee aqoonyahanka iyo muruq maalka deegaankan ku nool, horumar dhaqaale ee maanta ka muuqda deegaanada dariska la ah Galmudug waxaa sabab u ah dekedaha ku yaala oo la hirgaliyay, mudanayaal iyo marwooyin waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiina Galmudug, ganasatada iyo dadka kale ee deegaanka ah in ay ka faa’ideystaan fursatdaha maanta taagan oo ay ka mid tahay in dadka deegaanadaan ay u heelan yihiin sidii loo abuuri lahaa loona hirgalin lahaa dhismaha degedda Hobyo”. Sidoo kale guddoomiye Abashir Maxamed oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in kaalinta kaga aadan ay ka qaadato dhismaha lagu hirgalinayo dekedda magaalo xeebeedka Hobyo. waxaana uu yiri” waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay ka qaadato kaalinta kaga aadan hirgalinta dhismaha dekedda Hobyo iyo dib u yagleelidda Galmudugta cusub ee maanta loo fadhiyo”. Dhanka kale guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in xayiraadda dhanka duulimaadka ah laga qaado dowlad gobaleedka Jubbaland isaga oo xusay in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo liiska wada hadalka waxaana uu yiri” Sidoo kale aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddaan waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo wax allaala wixii khilaaf ah lagu xalinayo wada hadal iyo wada xaajood isla markaasna laga fogaado talaabo kasta oo ku noqon karta caqabad nolosha dadka dagan deegaankaas Jubbaland”. Ugu danbeyn guddoomiye Abshir Maxamed Axmed, ayaa ugu baaqay wax garadka dhamaan ka soo qeyb galayaasha shirka in loo iska si ku doobnaasho iyo walalnimo ay ku jirito dismaha dowlagobaleedka Galamud waxaana kadalkiisa ka mid ahaa “ Waxaan ugu baaqayaa waxgardka deegaanadaan Galmudug in ay dadaalkii halkoodii ka sii wadaan ayagoo is ka kaa shanaya dhismaha dowlad gobaleedka marxaladdiisa labaad, isla markaasna uwada dhaqaaqaya si ay ku jirto midnimo uwada guntanaya hormarka dhammaan deegaanada Galmudug, guusha shirkaan waxaa lagu qiimeyn doonaa sida loo hir galiyo qodabadii lagu heshiiyay iyo sida ay ugu qanciyaan beelaha kale ee walaalahood ah xoojinta nabada iyo kuwada noolaansha nabad dhammaan meel kasta oo Soomaaliya ay joogto”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu soo jeediyay in lala xisaabtamo hogaanka Jubaland. Daahir Aamiin Jeesow, mudane ka tirsan Aqalka Hoose, ayaa hogaanka maamulkaasi ku tilmaamay “dambiile”, sida uu hadalka u dhigay. Xukuumadda ayuu shaaciyey in ay ku tartarsiin doonan sidii ay talaabo uga qaadi lahayd madaxweyne Axmed Madoobe, uu sheegay in uu dambiyo geystay. Hadalka sharcidejiyaha ayaa wuxuu kusoo aadayaa xili doorashooyin kala duwan oo ka dhacay degaanada dowlad goboleedkaasi ay khilaaf ka dhasheen. Dowladda oo qaadacday doorashooyinkaasi ayaa waxay sheegtay in ay maamul loo dhan yahay u sameyneyso maamulkaasi. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-05092019.mp3 View the full article