-
Content Count
213,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoonkaro oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Caasimada Online u sheegay in Khilaaf uu soo kala dhex galay hoggaanka Ururka Ahlu-Sunna ee gacanta ku hayay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Khilaafka ayaa yimid ka dib markii xubno ka mid ah Ahlu-Sunna ay ku shegeen in ay ka baxayaan heshiiskii ay la gaareen dowladda dhexe ee Soomaaliya ka dib markii la fulin waayay qodobadii lagu heshiiyay. Qaar kale oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in uu heshiisku yahay sidii lagu kala saxiixday, oo aan loo baahneyn in maanta laga laabto, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay taageeraan si ugu yaraan qaar ka mid ah qodobada heshiiska ay u hirgalaan. Hoggaanka ciidanka Ahlusunna ayaa sidoo kale kasoo horjeestay tilaabooyin uu qaaday Macalin Maxamuud iyo wasiirka qorsheynta Galmudug, ayaga oo u arka kuwa kasii daraya xaaladda. Kulan ay yeesheen hoggaanka Ahlu-Sunna oo ay ka mid yihiin Macalin Maxamuud, Sheekh Shaakir iyo Ashcari ayaa xalay dhammaaday, ayada oo aan wax go’aano ah oo mideysan lagu gaarin. Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in maanta la filayo in kulamo kale ay yeesheen dhinacyadan, si ay u qaataan go’aanno isku mid ah oo ku saabsan heshiiska dowladda iyo xaaladda Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Sangabo Abdi’s dream was to open her own restaurant, and With Love, a local restaurant, is making that happen. Located on North Salina Street, With Love brings in a new entrepreneur-in-residence every six months, giving chefs the opportunity to showcase different cuisines to the community. Source: Hiiraan Online
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray AMISOM, ciidanka dowladda iyo Alshabaab. Dagaal yahano katirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay ugu horayn weerar ku qaadeen talisyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday,sida ay sheegeen dad ku sugan degmadaas. Cismaan Geeddi oo ah guddoomiye ku-xiegenka degmada Buulo-burde ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Alshabaab isla markaana ay khasaare gaarsiiyeen raggii weerarka ka dambeeyey. Waxaa uu sheegay in rasaasta ay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde,isla markaana Ciidamada wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkii dhexmaray labada dhinac,sidoo kalena xaaladu ay tahay mid degan. Majirto cid katirsan saraakiisha dowladda iyo AMISOM oo ka hadashay dagaalkaasi waxaase dadka deegaanku sheegeen inuu ahaa mid aad u kharaar oo aysan labada dhinac waxba isula harin. PUNTLANDPOST The post Alshabab oo xalay weeraray taliskii AMISOM iyo ciidanka dowladda ee Buulo-burde. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wareejisay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur xabsi uu ku jiray muddo sagaal bil ah, waxaana la geeyay xabsi guri kale oo ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya sida ay ogaatay Caasimada Online. Abuu Mansuur ayaa la dejiyay guri dhawaan lagu sameeyay dayactir, kaas oo ku yaala gudaha madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka hotelka Gob-Soor ee Villa Somalia waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gurigaas. Caasimada Online ayaa ogaatay in halkii uu ku xirnaa 9-kii bil ee la soo dhaafay Abuu Mansuur looga soo wareejiyay sabab la xiriira dayactir ku socda Guryaha VIP-da loo yaqaano ee Taliska NISA, iyadoo la sheegay in uu guriga cusub sii joogo doono muddo dhowr-cesho ah una dhaxeysa 30-60 cesho. Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa waxaa soo qabtay Ciidamada Itoobiya 13-kii bishii December ee sanadkii 2018 kadib markii uu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya iyadoo ay u diidaneed Dowladda Soomaaliya, waxaana lagu eedeeyey inuu ka baxay heshiis lala galay. Dedaalo badan oo la geliyay in lagu sii daayo ilaa hadda ma suurta gelin waxaana diiday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ayaa xarunta madaxtoyada dalka Djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Gelle. Labada dhinac ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Djibouti gaar ahaanna taageerada dowladda Djibouti ay siiso waddanka Soomaaliya. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Maxamed Cali Maxamed. Masuul’iyiinta ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada waddanka Djibouti halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula qaateen madaxda dalkaasi. PUNTLAND POST The post Guddoonka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Djibouti appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia At least two people including the former secretary of the Banadir regional administration were killed with several others wounded in two separate bomb blasts in the Somali capital Mogadishu on Sunday, officials said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tiradii ugu horreysay oo dhalinyaro Soomaali ah tababar ugu dirtay dalka Eritrea oo dhawaan heshiis saaxiibtinimo la galay Soomaaliya, Caasimada Online ayaa ogaatay. Dhalinyarada tababarka loo qaaday oo gaaraya ku dhowaad 100 qof ayaa la sheegay in xulistooda ay socotay dhowrkii bil ee la soo dhaafay, sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid dadkii ka qayb qaatay arintaan. Dadka la qaaday oo tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 100, ayaa la sheegey in la soo siin doono tababar casri ah oo ku saabsan la dagaalanka iyo helista xogaha Argigixisada. Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee u diiwaan gashan Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo maray xulista dhalinyaradaan loo qaaday dalka Eritrea. Caasimada Online ayaa la kulantay dhalinyaro aan wali bixin laakiin laga diiwaan geliyay hey’adaha amaanka Soomaaliya si dhowaan loogu qaado dibadda waxayna noo sheegeyn in qaar kale ay ka horreeyaan oo maalmo ka hor ay dalka ka baxeen. Eritrea, oo dhawaan laga qaaday cunaqabateyn saarneed kadib markii ay la heshiisay Itoobiya ayaa sidoo kale heshiis la gashay Dowladda Soomaaliya. Dalkaan Eritrea, waxaa horey loogu eedeeyey in uu la shaqeeyo islamarkaana uu taageero Argigixisada Soomaaliya waxa uuna mar soo dhaweyn jiray Kooxihii Islaamiyiinta Soomaaliya, inkasta oo Eritrea ay beeniso eedeymahaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhibaatooyin dhanka deegaanka ah, ayada oo qaar laga saaro guryihii ay deganaayeen, qaarna korontada iyo biyaha looga jartay inay lacagtii bixin waayeen, kadib markii aysan dhowr bil qaadan mushaharkooda. Qaar kamid ah shaqaalaha Gobalka Banaadir oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in bishii July ee la soo dhaafay iyo bishaan gaba-gabada mareysa aysan qaadan mushaar halka dhamaan bilooyinkii kale ee la soo dhaafay ay qaadan jireen 50 maalmood kadib. “Caadiyadan mushaarka waa soo daahi jiray waxaana la qaadan jiray 20-ka bisha kale waana nagula dhibsaday arintaas waayo dadka guryaha leh 5-ta bisha kadib kaama yeelayaan, waxaase ka sii daran in aanan qaadan bishii 2-aad” ayuu yiri qof katirsan shaqaalaha dowladda Hoose oo la hadlay Caasimada Online. Maamulka Gobalka Banaadir ayaa todobaad ka hor bixiyey Mushaarka qayb kamid ah shaqaalaha Gobalka, gaar ahaan qaybta Howlaha Guud waxaana soo baxay amar lagu joojinayo bixinta mushaarka bishii hore oo bixintiisa bilaabatay maalmo ka hor. Mushaarka oo aan badneyn, waqtiga la bixiyo oo ah 50-kii maalmood-ba mar iyo maciishadda magaalada Muqdisho oo aad u sareysa ayaa sababtay in inta badan Shaqaalaha Dowladda Hoose laga saaro guryo ay kiro ku daganaayeen oo ku yaala aagga muhiimka ah ama degmooyinka amnigooda roonyahay ee Muqdisho, oo qaali ah. Lama oga sida uu wax uga qaban doono Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish” oo wada kulamo is daba-joog ah oo ku saabsan xaaladda iyo shaadada Gobalka. Caasimada Online waxay ogaatay in dhibaato daran ay wajahayaan shaqaalahada Gobalka Banaadir sidoo kalane aysan sax-saneyn shaqada Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir una baahantahay sixitaan iyo fadhiisin guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad Sugidda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo cafis u doontay Al-Shabaab. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda ciidamada gobolka Hiiraan, Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Beledweyne ayaa sheegay in dhamaan odayaashii u tagay Al-Shabaab maxkamadd la saarayo. Xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa ku amray ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska ee ka howlgala gobolka Hiiraan inay soo xiraan si loo maxkamadeeyo odayaashii u tagay Al-Shabaab. “Waxaan soo saarnay awaamiir ku socotay dhamaan hey’adaha amniga si gaar ah booliska iyo Nabad-sugidda, inay soo qabtaan odayaasha ka baxay deegaanada Hir-Shabeelle ee lasoo kulmay Al-Shabaab,” ayuu yiri ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada G/Hiiraan. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Waxaan gacanta ku heynaa oo hadda xiran ku dhawaad 10 oday dhaqameed oo la kulmay Al-Shabaab, waxaana la tiigsa doonaa sharciga”. Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Taliyaha ciidanka Somaliland, Nuux Ismaaciil Taani ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo dhawaan ku biiray maamulka Puntland. Taliye Taani ayaa ciidamadaasi ku biirey maamulka Puntland ee ka goostay Somaliland, ku tilmaamay kuwo wax matarayaal ah oo culeys ku hayey qaranka Somaliland, isla markaana ka xukuumada ahaan ay ku faraxsan-yihiin inay ka goostaan. Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha ciidanka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in ciidamadaasi ay ka hor-yimaadeen inay ka qeyb qaatan dagaalka ka dhanka ah Puntland, wuxuuna yiri “Ciidamada la sheegay waxay ahaayeen kuwo deegaankaasi laga qarameeyey oo aan qaranka hawl u qaban jirin oo halkaasi uun lagu masruufo, wali wax hawl-gal ah oo ay qabteen ma jirto, waxaanu ku nidhi Badhan taga waxa ay yidhaahdeen heshiish baa naga dhexeeya Puntland oo ah in aan la is weerarin sidaasay ku diideen amarkii la siiyey”. “Qarankan uma baahna lacag bilaash ah oo la bixiyo, qofka lacag la siinaya waa in wixii lagu siiyey ku qabtaa sida ciidamada kale u shaqeeyaan oo kale, hadii aanu waajibkii fulin Karin maaha inuu ciidanka ku sii jiro waana ku faraxsanahay inay iska tageen waayo lacag bilaash ah ayuun bay qaadan jireen, dadka caykaasi ah inay ka tagaan waa muhiim”. Wuxuuna intaas kusii daray “Ciidankaasi wax kharash ah mooyee wax ay nagu tarayeen ma jirto, marka looma baahna kuwo tagay kuwo aan waxba qabana anba waanu eryi ama iyaga iska tagi ama qarankay u shaqayn, laakiin isku dul noolaan dambe jiri mayso”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Jubbaland is a place filled with potential triumph and promise of hope. It is a place with a vibrant river, fertile soils, the beautiful Indian Ocean, and livestock. Jubbaland is known for its diverse cultures and hospitality. It has the potential to be one of Somalia’s most exceptional, productive, Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Warraka-25082019.mp3 View the full article
-
There are claims coming from Dhusamareb district in Galguduud region that two planes filled with Somali government troops arrived to assist with the reconciliation conference. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen cusub oo kala hagi doona. Guuleed Saalax Barre oo horay wasiir uga soo noqday Puntland ayaa loo doortay guddoomiyaha halka ku-xigeen loo doortay ruug caddaa warbaahineed Cabdinuur Sheekh Maxamed halka afhayeen loo doortay xildhibaan hore Cali Jaamac Faarax. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Guddiga doorashooyinka Puntland oo guddoon cusub doortay. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa caawa maqribkii ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyay Saraakiil ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka. Sidoo kale dayaaradda uu la socday wasiir Islow ayaa waxaa saarnaa hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, oo loogu talo-galay ciidamada ay maanta dowladda gaysay magaalada Dhuusomareeeb. Hubkii laga dajiyay diyaaradaas ayaa lagu daabulay gudaha magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan guriga madaxtooyada u ahaan jiray Madaxweyne Xaaf, haatana ay daganyihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka. Ciidamada dowladda ee saakay laga dajiyay Dhuusamareeb iyo kuwii horay ugu sugnaay ayaa caawa heegan la galiyay, waxayna la wareegeen amaanka dhamaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaano dhejiska ayaa waxaa loogu xiray masuul horey uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamiin Sheekh Cilmi, wuxuuna ahaa xoghayihii hore ee maamulkii gudoomiye Muungaab. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in gaariga uu ku qarxay meel ku dhow kontarool ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Aamiin uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaarey weerarkaasi oo aysan jirin cid sheegatay. Waa qaraxii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, iyada oo midkii koowaad ay ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga. View the full article
-
(SLT- Beyruut)-Raysal wasaaraha dalka Lubnaan Sacad Xariiri ayaa ka hadlay laba diyaarad oo nooca duuliyaha aan laheyn oo maanta ku burburay koonfurta magaalada caasimada ah ee Beyruut. Mr Sacad ayaa tilmaamay weerar qaawan oo Israa’iil ku soo qaatay oo ka dhan ah madax banaanida Lubnaan. Dhanka kale wuxuu intaa raaciyay in isku dayga Israa’iil uu kicinayo xasiloonida ka jirta gobolka Bariga Dhexe. Arintaan ayaa waxaa sidoo kale goor dhow ka hadlay hogaamiyaha ururka Xisbullah Shiikh Xasan Nasrullah waxaana uu sheegay in weerarka Israa’iil uu halis ku yahay Hormarka. Afhayeenka Ururkan Maxamed Cafiif ayaa sidoo kale beeniyay maanta in ay soo rideen labada Diyaaradood. Source
-
Hobyo (SMN) – Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa waxa uu lacag ugu deeqay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaciyey in uu ku taageerayo dhismaha jidkaasi aduun lacageed gaaraya tobban kun oo dollar. Dhinaca kale, Mr Guuleed oo booqday xarunta guddiga ku howlan dhismaha wadadaasiayaa bogaadiyey shaqadda ay hayaan. Jidka isku xirta Gaalkacyo-Hobyo oo ka wada tirsan gobolka Mudug ayaa waxa uu muhiim u yahay isu socodka shacabka labada magaalo. Dhismaha wadadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay kaalin weyn ka cayaareyso horumarka dhanka ganacsiga iyo isu socodka labada magaalo. View the full article
