Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa baaq nabadeed u diray dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud. Khayre oo la hadlayey dadweynaha ku nool deegaanadaasi ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in aysan dib u soo noqon colaadihii in muddo ah ka taagnaa deegaanadaasi. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii uu Ra’iisul wasaarahu heshiis dhex dhigay bulshooyinka deegaanada Huurshe iyo Xeeraale oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. View the full article
  2. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah waxay ku riddey askari la sheegay in uu horey u dilay Saddex qof oo walaalo ah. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan u qornaa: Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 15-ka bishii todobaad ee sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha, waxaana xilligaas ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay. Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (SMN)– Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka dhacay degmada Kaaraan 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan). Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-07092019-1.mp3 View the full article
  5. The youngest female deputy mayor has been elected to Badhan town council in northern Somalia’s Sanag region. Hawa Mohamud Farah, 26, was elected to succeed the previous deputy, who was also a woman. Nine of the 28 members of the new council are women. Source: Hiiraan Online
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa uu haatan khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska Badda uu soo kala dhexgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma. The Star oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan madaxtooyada dalkaasi ayaa sheegay in Monica lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya iyo sida ay ula dhaqantay dowladda Itoobiya. Wargeysku waxa uu sidoo kale warbixintan ku sheegay in wasiirada lagu eedeeyey in ay magacawday diblomaasiyiin aan xirfad laheyn. Sidoo kale waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku fashilantay, islamarkaana ay Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal caalami ah ku guul dareysato sanadka soo socda. Eedeynta koowaad waa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya, islamarkaana ay gaartay go’aanno culus, iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada Kenya. Midda labaad ayaa ah kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti. Ugu dambeyn Juma ayaa lagu dhaliilay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo saaxib la ah Kenya. Dhinaca kale wargeyska ayaa qoray in sidoo kale lagu dhagan yahay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, Macharia Kamau. Xoghayhaya ayaa isna lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay, islamarkaana uu ku dhawaaqay go’aanno aysan dowladdu raali ka ahayn . The Star wuuu sheegay in aysan arrintan farxad gelin Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labadaan qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo marar badan dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo muran dhinaca Badda ah, kaas oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)– Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka dhacay degmada Kaaraan 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan). Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidanka ayaa siweyn u adkeeyey ammaanka magaalada, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo. Khayre ayaa si lamid ah Baydhabo booqan doona deegaamo katirsan gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic cusub oo goboladaasi laga dhisi doono. Socdaalka Khayre ee deegaamada Koonfur Galbeed ayaa dib u dhacay Khamiistii la soo dhaafay kadib markii uu dibu dhacay shirka dibu heshiisiinta maamulka Galmudug. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
  9. Dowladda Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay xoojin doonto xiriirka wadashaqayneed iyo maalgashiga dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay si loo xoojiyo kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo saameynta dowladda Qatar ay ku leedahay geeska Afrika. Qadar waxa ay xustay inay laba jibbaari doonto malaayiinta dollar ee ay ku bixinayso dalalka geeska Africa, xilli loolan culusi kala dhexeeyo wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga. “Dowlada Qadar iyo wadamada bariga afrika waxay hormarinayaan xiriirka dhow oo ku saleysan xiriir taariikhi ah iyo rabitaan caam ah oo lagu gaarayo dhaqaalaha gobolka, waxbarashada iyo barwaaqada bulshada. Tusaale ahaan, Sanduuqa Horumarinta Qadar wuxuu ku deeqay deeq iyo amaah bariga Afrika in ka badan $ 4 bilyan sideedii sano ee la soo dhaafay, ” ayay tiri Lolwah al-Khater, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar. Afhayeenka ayaa tilmaamay in dowladda Qadar ay qorsheynayso in lacag deyn ah oo horumarin ah ay siiso dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya si loo horumariyo adeegyadda kaabayeyaasha dhaqaallaha. “Khaas ahaan Soomaaliya, waxaan mar labaad u xaqiijineynaa sida ay Qadar uga go’an tahay taageerida umadda maadaama ay si aad ah uga shaqeyneyso sidii loo fulin lahaa himilooyinkeeda’ waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno oo aan sii xoojino iskaashiga ganacsiga, horumarka iyo waaxaha kale” ayay kusii dartay hadalkeeda Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar. PUNTLANDPOST The post Dowladda Qadar oo xoojinaysa maalgashiga dalalka geeska Africa. appeared first on Puntland Post.
  10. ISTANBUL, Sept. 6 (Xinhua) -- The Turkish coast guard on Friday captured a total of 236 illegal migrants trying to sneak into a Greek island, local media reported. Source: Hiiraan Online
  11. ZIMBABWE’S 2022 World Cup preliminary round second leg clash with Somalia, which had been scheduled for Sunday at Barbourfields Stadium in Bulawayo, has been postponed to Tuesday following a request by the East African country. Source: Hiiraan Online
  12. Writers and poets from Northeastern have been urged to use their skills to document Somali’s rich culture and preserve it for posterity. Source: Hiiraan Online
  13. Iran's foreign minister Mohammad Zarif paid a visit to his Chinese counterpart Wang Li at the end of August to present a road map for the China-Iran comprehensive strategic partnership, signed in 2016. Source: Hiiraan Online
  14. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo shalay khudbad ka jeediyay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka degaankaasi ku boorriyay in ay dhaqan-geliyaan heshiiskii dhowaan la dhexdhigay bulshada ku nool Xeraale iyo huurshe. Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka degaanka ugu baaqay in aysan wax dulqaad ah u yeelan cid kasta oo isku dayda in ay dib u soo noolayso colaaddii ragaadisay bulshada wada-degta degaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobolkaasi Galgaduud. Mudane Khayre ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in ay dadka degaanka ka taageerto dib u soo celinta nabadgelyada iyo ka jawaabidda baahiyaha nololeed ee bulshada degaanka. Sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo horumarinta ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay in ay si dhakhso ah uga hawlgalaa degaaannada Huurshe iyo Xeraale ee heshiiska la dhex-dhigay. Halkan ka daawo khudbadda Ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Khayre: Haddii aad sidaan ku sii socotaan Adduunyadana waad ku halaagaysan Aakhirana waa la idinku cadaaabin appeared first on Puntland Post.
  15. Magacaabista afar taliye ciidan iyo duqa caasimada Muqdisho, waxay ka abuurtay baraha bulshada iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka hadal-hayn badan. Haddaba, ​saraakiisha loo magacaabay xilalka, maxay kaga duwan yihiin kuwa ay jagada kala wareegayaan, maxaase gaar ku ah kooxdan cusub? Waa dooda faallada. Ma’ahan markii ugu horaysay ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, magacaabo taliyaal ciidan iyo duqa caasimada. Balse, waxa xiisaha gaarka u yeelay magacaabistaan waa waqtiga ay ku soo beegantay, itijaaha siyaasadda xukumadda, iyo sooyaalka taariikh nooleedka saraakhiisha la magacaabay. Inkastoo siyaasadda arrimaha dibedda, dib-u-habeenta dhaqaalaha iyo ciidamada ay dowladda amaan ku mudatay, haddana waxaa xukuumada culays ku haya amaanka caasimada, madax maamul-goboleedyo u dhaqmaya sidii dowladdo gaar ah, dabindaabyada shisheeyaha (Imaaraadka, Kenya iwm), iyo maqaamka Muqdisho oo noqotay mashruuc ay adeegsadaan danleeda gaarka. Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa noqday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya. Waxaa uu aqoonta ciidanka ku qaatay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa, sida wadamada Mareykanka iyo Jarmalka. Balse kornayl Cabdullahi Cali Macow, oo ka tirsanaan jiray NSStii Soomaaliya, haddana madax ka ah Machadka Cilmi-baarista Amniga ee Soomaaliya,​ ayaa su’aal geliyay sababta ay xukuumada u door-biday in xilkan u dhiibto Jeneraal Xajaar. Kornayl Macow, wuxuu rumaysan yahay in taliye Xajaar gacmihiisa nadiif ka ahayn ku xad-gudub xuquuqda aadamaha. Intaas wuxuu raaciyay, inuu ​taliye (mas’uul) ka ahaan jiray NSSta magaalada Hargaysa sanadihii 1978, 1987, iyo 1988. Waxuuna xusay in loo tababaray howlaha sirdoonka, isla-markaasna magacaabista ay astaan u tahay in la caburiyo mucaaradka (Radio KNN – August 23, 2019). Waxaa xusid mudan in eedahaas maxkamadi aysan xukumin, caddeyna uma hayso wargeyska jamhuriyadda. Waxayse dad badan xasuusan yihiin in xilligii uu taliye Xajaar madaxda ka ahaa hawlaha nabadsugida Hargaysa ay aheed xilli ururkii SNMta dagaalo kula jireen xukuumadii Madaxweyne Maxamed Siyaad. Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska – maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta. Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u barteen Jeneraalka, kaalintii uu ku lahaa dajinta rabshadihii ka dhashay xarigii Mukhtar Robow, iyo khilaafkii soo kala dhex galay xukuumada iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom, xilligii ay socotay doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan waxuu isticmaalay erayo aad u adag, isagoo la hadlayey shacabka ku dhaqan Baydhabo, waxaana uu yiri “dhib Xamar yaala Baydhabo ha keenin, dhib duurka yaalana Baydhabo ha keenin. Qolyo ayaa dhahaya laandheere ayaan ahay. Haddaad laandheere tahay, anaa kaa laandheereysan [dowladda], kun askari ayaan haystay, kun kale ayaa la iigu soo daray. Ee edeb yeesha nabadda ha la ilaaliyo.” “Nuxurka khudbadaas, waxay ahayd sugida amniga inaan lagu barxin siyaasad, wuxuuna si cad u qeexay shaqada Booliiska,” sidaas waxaa yiri khabiir dhanka amaanka ah. Jeneraal Ismaaciil Yuusuf Raage (odawaa), ayaa noqday Taliyaha XDS. Waa 32 jir ciidanka ka mid ahaa 13 sano. Waxuu tababaro ku soo qaatay wadamada Ugaandha iyo Turkiga. Waxuu aqoon u leeyahay hoggaaminta ku dagaalanka magaalooyinka, iyo ilaalinta madaxda. Waxuu ku taqasusay hoggaaminta ciidanka lugta, isagoo uga soo baxay Kuliyada Ciidamada eeTurkish – Army War College, sanaddii 2014. Dad badan oo aqoon u leh Jeneraal Odawaa, waxay ku sifeeyeen inuu yahay ruux u jajaban howlaha ciidanka, isla-markaasna xiiso gaar ah u qaba ka mid ahaanshaha ciidamada, kuna haboon hoggaaminta ciidanka xilliga dagaalka. Waa taliye jecel ku dhex jirka ciidanka. Saraakiishii hore ee ciidamada waxaa loo tababaray sida ay ciidamo dhisan oo ay dowlad leedahay weerar loogu qaado ama difaac loogu sameeyo. Balse dagaalka Alshabaab lagula jiro, wuu ka duwan yahay kii ay yaqiineen saraakiishii hore ee XDS. “Marka la eego da’diisa, iyo khibradiisa dagaalka magaalooyinka, waxay ciidanka XDS ka caawinaysaa inuu si sahala uga itaal roonaado kooxda Al-shabaab, waa haddii ciidamada loo dhammaystiro baahidooda,” sidaas waxaa rumaysan sarkaal hore uga tirsanaa XDS. Duqa Caasimada Muqdisho waxaa loo magacaabay Cumar Maxamud Maxamed (Finish). Haddaba Cumar Finish maxaa lagu sifeen karaa, maxa​yse xukuumada ku xulatay? Cumar Finish waxuu xubin ka ahaan jiray ururaddii hubeysnaa ee qaybta ka ahaa dagaaladii sokeeye, sida USC, SSA. Sanadii 2006 waxuu xubin ka noqday ururkii Isbahaysiga dib u soo celinta nabadda iyo la-dagaallanka argagixisada (ARPCT) oo dagaal la galay Midowgii Maxaakimta Isaamiga (ICU). Inkastoo xubin baarlamaan uu noqday, misana dadka reer Muqdisho waxay ku xusuustaan dagaaladii uu qaybta ka ahaa ee sababay barakac, dhimasho, iyo dhaawac dad rayid ah. “xukuumada waxay heshay shaqsi ku haboon oo aamusin kara siyaasiyiinta aan xishoon oo xeerinaynin xeerarka, iyo shuruucda dalka. Markay timaado maqaamka Muqdisho, balse dhanka kalsoonida shacabka lama ​tixgelin,” sidaas waxaa rumaysan falanqeeye codsaday inaan magaciisa la adeegsan. Magacaabistani, waxay ​ku soo beegantay maalintii Mudane Axmed Madoobe dib iskugu doortay madaxtooyada Jubaland, dowladda Kenyana ku taageertay iyadoo madaxda mucaaradku daba safan yihiin. Sidaa daraadeed, magacaabistani waxaa laga dheehan karaa in siyaasaddii ay xukuumada kula dhaqmaysay mucaaradka ee sabsabaalintii iyo dulqaadka ahayd meesha ka baxday. Tifaftiraha Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Xilligii Cabdullahi Yusuf uu ahaa madaxwaynaha Puntland, gobollada Puntland maamusho waxay ahaayeen shan gobol (Sool, Sanaag, Bari, Nugal, iyo Mudug). Kadib markii Cabdullahi Yusuf soo aaday Muqdisho ayaa Somaliland dhanka waqooyiga waxay Puntland ka qabsatay dhul badan. Dhanka koofurtana qayb wayn oo ka mid ah gobolka mudug ayaa Puntland ka go’ay oo ku biiray maamul cusub oo loo baxshay Galmudug). Sidaasna Puntland ku dhaafay dhul ku dhow labo gobol iyo bar oo iyadu markii hore ka tirsanaan jiray. Waqtigaan hadda ah waxa kale oo iyana jira isbeddalo socda oo door wayn ka ciyaari kara soona de-dejin kara bur-burka Puntland. Isbeddeladaas waxaa ka mid ah: laba dekadood oo la qorshaynayo in laga kala dhiso Hobyo iyo Garacad. Saamaynta Dekadda Hobyo yeelan karto Haddii lagu guulaysto in Hobyo laga dhiso Dekad lagu dejin karo Containers waxaa dhici doonta in dekedda Boosaaso iyo tan Muqdishaba ay lumiyaan suuq badan oo ay hadda haystaan. Hobyo way uga dhowdahay Boosaaso magaalooyinka gobollada dhexe (Garowe, Galkacyo, Burtinle, Beledwayne, Cadaado, Guriceel, Dhuusamareb, Caabudwaq, Matabaan, iyo magaaloyinka ku yaal xadka Itoobiya ee Hiiraan). Dekedda Boosaaso hadda lagama dejin karo Containers sidaa awgeed wixii badeeco ah oo ku imaanaya Containers waxa laga soo dejiyaa tan Berbera ama Muqdisho. Dekadda Boosaaso haddii suuq beel ku dhaco waxay reer Bari samayn doonaan hadda cid garanaysa ma leh laakiin waxaan shaki ku jirin in nooc isku dhac ah uu ka dhex dhici doono maqaawiirta Garow, Bosaso, iyo Galkacyo. Saamaynta Dekadda Garacad yeelan karto Sidoo kale, dekadda hadda dhismaheeda laga bilaabay Garacad waxay iyana sababi kartaa in tan Boosaaso ay lumiso suuqa gobollada dhexe oo dhan iyo in reer Puntland ay u kala jabaan reer Mudug, reer Bari, iyo reer Nugaalna oo waliba reer Nugaal noqdaan dhextaal hadba meeshii u jaban u jan-jeersada, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan labadaba. Maadaama waxa keliya ee maamul goboleedyada Somalia isku haya ay yihiin dhaqaale ama qabiil, oo aysan jirin wax waddanka u danaynaya, danta guud ka hormarinaya danta gaarka ah, ama diin iyo dhaqan wanaagsan raacaya, markii baahidaas dhaqaale ee isku xiraysa Mudug, Bari, iyo Nugaal ay meesha ka baxdo, oo gobol walba uu helo dhaqaale uu u madax banaan yahay, arrintu waxay isugu biyo shuban doontaa qabiil iyo anagaa reer hebel ah oo xukunka mudan, haddii kale qolo walba gobolladeeda ha maamulato. Sidaa awgeed, si aan waddanku u sii kala bur-burin waa in arrimahaas laga feejignaadaa oo dawladda dhexe ay noqotaa tan maamusha dekadaha, garoomada diyaaradah, iyo xuduudaha waddanka oo dhan, cir, dhul, iyo badba. Waa inaan qabiil, gobol, iyo maamul-goboleed midna yeelan karin maamulina karin dekad, garoon, and xuduud. Inay Puntland mareegta bur-burka gasho waxaa sabab u ah in-dhow-garadnimada madaxdeeda iyo qaabka qabiilka ku salaysan ee lagu maamulo Puntland. Shakhsiyaadka bur-burka horseedka u ahna waxaa ugu wayn madaxwanayashii maamulka Puntland soo qabtay, Cadde, Faroole, Gaas, iyo Deni, oo kulligood ku guul darraystay inay soo dhiciyaan dhulka Somaliland ka qabsatay Puntland, iyo inay reer Puntland si siman oo cadaalad ah wax ugu qaybiyaan, u maamulaan, musuqmaasuqana ula dagaallamaan; iyo kooxda Aaran Jaan(The kids of the devil) oo iyaguna boqnaha gooyay dhaqaale iyo maamu-wanaagga dawladda Puntland. Iyadoo Puntland bur-burkaas wajahaysa bay haddana waxay had iyo jeer hor booddaa wax walba oo iska hor keeni kara dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada, halkii ay beddelkeeda ugu mashquuli lahayd sidii ay gudaheeda u hagaajin lahayd. Fahimi waayay sababta. Ujeeddadu ma waxay tahay, haddii anagu aan bur-burayno, dalkoo dhan ha nala bur-buro, mise caqli yari iyo aqoon darro baa halkaas dhigtaye iyagu waxba ma hakran. Maama eeddayda ah baa waxay dhihi jirtay waxaan had iyo jeer BBC-da ka maqlaa Indheer-garad, culumaa-u-diin, aqoonyahano, iyo siyaasiyiin beeleed oo meel ku shiray, waddankiina waxba way tari waayeen oo sidaanuu u bur-bursanyahay ee maandhow “Indheer-garadka Soomaaliyeed oo la sheego meeye anigu waayay e.” Ugu dambayn, wel-welka ugu wayn oo aan qabo waxa weeye, haddii dekadda Boosaaso suuq beesho oo reer Bari xagga dhaqaalaha ka curyaamaan, waxaa dhici karaysa in Imaaraatku goballada Bari oo dhan uu kula wareego si dhib yar oo aan kharaj badan uga bixin, sababta oo ah Soomaali waddan qiimo uguma fadhiyo ee wixii jeebkooda galaya iyo inay qurbe wareegaan bay yaqaanaan. Qofkii raba inuu arko xumaanta imaaraatkana ha uga cabbir qaato waxay ku sameeyeen Yemen, Libiya, Suuriya. Markay waddamadaas bur-buryeeen bay haddana rabaan inay midkiiba dhow waddaan u kala jaraan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay shirka dib-u-heshiinta reer Galmudug wuxuu yiri ujeedada shirku waxa weeye “Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo…. Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan.” Goormaa reer Puntland intaas fahmi doonaan. Ugu dambayn, ana sidii eeddaday baan waxaan is waydiiyaa indheer-garadka Puntland oo la sheego aawaye anigu arkiwaayay e. Madaxda Puntland ma kala laha muxaafid iyo mucaarad, badankoodu waa munaafiqiin qabyaalad boqno goysay, oo maanka iyo maskaxda ka degtay. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Saxaafadu Waxay duri kartaa oo qoraal ka diyaarin kartaa talaabo kasta oo ay ku kacaan hayad dawladeed ama Sarkaal qaran. Markaa hadii Sarkaal qaran oo wax laga qoray uu dacwoodo waa in uu sife sharciga saxaafada ee qaranka waafaqsan uu u dacwoodaa ee maaha in uu awooda dawlada albaabada ugu laabo meherad balaadhan oo ummad badani ka xoogsato. Amarka Xukuumadu dul dhigtay Shebekada Hadhwanaagnews iyo Xarunta Horyaal TV 24 wuxuu meel ka dhac ku yahay Xoriyada Saxaafada iyo Fikirka xorta ah waana aan Canbaareynayaa maadaama lagu xidhay awood dawladeed oo aan waafaqsaneyn nidaamkii sharciga ahaa. Marka ay saxaafadi wax ka qorto sarkaal qaran ama uu TV war diinteeda iyo dhaqankeena aan waafaqsaneyn uu faafiyo, waa in mudnaanta kowaad la siiyaa madax-bannaanida saxaafadda mar kasta waayo shaqada saxaafadda waxaa ugu muhiimsan inay mar walba la socoto gol-daloolooyinka iyo shaqada dawladda. Saxaafadu waxay ka hadashaa wixii khaldan iyo wax kasta oo danta guud ee ummadda dhibaataynaaya sida dhaqan xumadda,musuq maasuqa iyo maal urursiga ragaadiyey qarankeena yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saaran . Sadexda waaxood ee qaranka JSL ka kooban yahay waxaa afar ku ah Saxaafada waayo Saxaafadu waxay ku hadashaa afka shacabka . Saxaafadu ma aha Meherad ganacsi oo qof gaar ah ku kooban maadaama ay mar walba ku foogan tahay war utebinta ummadda iyo wacyi gelinta dadaweynaha. Saxaafaddu waxay ka faalloon kartaa talaabo kasta oo ay hay’addaha xukumaddu ku kacaan. Haddii sarkaal ama hay’ad dawladeed oo wax laga qoray ay soo dacwoodaan, waxaa wanaagsan in dacwad madani ah lagu dacweeyo saxaafadda kadibna laga garnaqo oo laga garsooro oo xukun kama danbeys ah laga soo saaro laakiin waxaa ilduuf sharci ah in awood dawladeed loo adeegsado oo albaabada loogu laabo. Hadii ay dhacdayba in sharafta qof Sarkaal ah lagu xadgudbay waxaa lagu xalin karaa arintaa dacwad madani ah ama anshax-marin. Kadibna, haddii saxaafadda lagu helo in war khaldan ay faafisay waxaa lagu xukumi karaa ganaax badan kaasi oo aan waxba yeelayn xorriyaddii saxaafadda isla markaana culays buuran uun saaraya saxaafaddii gefka ku kacday. Sideedaba ma aha in laysku xidho qofka iyo mihnadiisa , mana aha in mar lawada xidho weriyihii khaladka loo tirinaayey iyo meheradii uu ka how-gelaayey oo aanu isagu mulkiyadeeda laheyn, ma aha in albaabada loo laabo iyada oo aaney maxkamadi xukumin meheradadii ummadda badani ka hawlgeleysay ee noloshoodu ku tiirsaneyd. Waxaa soo noq noqotay in xukuaamada maanta jirtaa ay Saxaafada xadgudubyo badan u geysato. Xukuumadu ma aha in ay Saxaafada kolba xeerka Ciqaabta ee ay doonaan u adeegsadaan iyaga oo la kaashanaaya Garsoorka iyo awood dawladeed. Xeerka Saxaafadu wuxuu qeexayaa in Saxaafada lagu ilaaliyo xuquuqda Dastuuriga ah ee rayi dhiibashada fikirka xorta ah si Saxaafadu u noqonto Saxaafad qaran oo qaan gaadh ah oo xor ah. Waxaan mar labaad Xukuumada ku Canbaareynayaa in ay Hadhwanaagnews iyo Horyaal TV-ba Albaabada uwada laabtay iyada oo aan loo raacin anshax marinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa Saxaafada iyo Xeerarka iyo Xeegaanada madaniga ah ee dalka u yaala. Maanta isku xidhnaanshaha dadweynaha ( mass Communication ) Wuxuu ku soo ururay baraha bulshada oo keliya sidaa daraadeed Mareeg la xayiro iyo Xarun TV oo shaqada laga joojiyaa saameyn taban oo badan kuma yeelan karto shaqadii loo igmaday. Allaa Mahad Leh- Wa Billaahi Towfiiq. Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom Qaran News
  18. Wasaaradda Arrimaha debadda dalka Suudaan ayaa soo dhowaysay Qaraarka Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika uu dib ugu soo celiyay xubinnimada dowladda Suudaan ee Midowga Afrika. Bayaan ka soo baxay xukuumadda Khartoum oo lagu soo dhoweeyay soo celinta xubinnimada Suudaan ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dowladda Suudan ay ku taagantahay mabaadii’di iyo ujeeddooyinkii loo aas’aaay Midowga Afrika. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in dowladda Suudaan ay si buuxda u taageersantahay hawlaha ururka Midowga Afrika si loo xaqiijiyo ujeedooyinkii loo as’aasay ee ay kamid ahaayeen gaarsiinta shucuubta Afrika Koboc bulsho Barwaaqa-sooran dhaqaale iyo Xoojinta Dimoquraaddiyadda. Ugu dambeyntii Suudaan waxay u mahadcelisay dhammaan dalalka Xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ee u codeeyay in mar kale dib loo soo celiyo xubinnimadii Suudaan ee Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Dowladda Suudaan oo loo soo celiyay xubinnimadii Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.