Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in khasaare xoogani ka soo gaarey dagaalkii u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland ee ka dhacay magaalada Hadaaftimo, waxaana uu [...] Source
  2. Waxaa si rasmi ah magaalada baydhabo uga furmay shirkii looga arinsanayey arrimaha Tamarta iyo korantada dalka,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh. Madaxweynaha DGKS C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen)ayaana shirkaasi si rasmi ah u dahfuray,waxaana ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed xubno k atirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada. Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay hormuudka ka tahay barnaamijkan ayaa faah faahisay ahmiyada laga leeyahay shirka,iyadoo muujisay sida ay uga go’antahay wasaaradeeda sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga Tamarka iyo Khayraadka Biyaha guud ahaan dalka,taasii oo baahi weyn ay u qabaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiirada Tamarata dowlada goboleedyada oo shirkaasi qeyb ka ah ayaa soo dhaweyeey dadaalka logu jiro horumarinta ka faa’ideysiga Khayraadka Tamarta ee dalka,waxaana ay sheegeen in ay rajo ka qabana in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto. Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa bogaadiyey shirka iyo wax yaabaha looga hadlayo Madaxweynaha mudane C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen) oo isagu daah furey shirka ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashey inay in looga fadhiyo natiijo wanaagsan oo wax Ku ool u ah dhamaan bulshada Soomaaliyeed. Shirkaan looga hadlayo arrimaha Tamarta iyo koromtada dalka ayaa soo qaban qaabiyey mas’uuliyiinta sare ee wasaarada tamarta iyo qeyraadka biyaha xukuumada soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Nairobi (SMN) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay kadib dagaal ka dhacay degaanka degaanka Lafey ee ismaamulka Mandera ee dalka Kenya. Iska hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo dagaalameyaal ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab. Ruuxa dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in uu ahaa macalin dugsi Quraan oo ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen. Mas’uuliyiinta oo xaqiijiyey ayaa xusay in askari la la’yahay dhacdadan kadib, isla markaana ay Al-Shabaab burbursay anteenadda shirkad is-gaarsiin. Maamulka maxaliga ah ee tuuladda ayaa dowladda Kenya ka dalbaday in ay kala shaqeyso baadigoobka askariga la la’yahay. Dhinaca kale, Al-Shabaab wali wax war ah kama aysan soo saarin falkan, oo baqdin ku abuuray dadka degaanka. Tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, Al-Shabaab oo gudaha dalkaasi guuto ka sameysatay ayaa weeraro ay ku naf-waayeen boqolaal shacab u badan ku dishay. View the full article
  4. SINGAPORE (Reuters) - Brent crude oil futures rose above $60 a barrel for the first time in over a week on Wednesday after a data report showed a larger-than-expected drop in U.S. crude inventories, but ongoing worries about a possible global recession capped gains. Source: Hiiraan Online
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa si kulul uga hadlay dagaal shalay ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Puntland ku dhex maray degmada Hadaaftinimo ee gobolka Sanaag. Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Puntland oo wata ciidamo uu weerar jidgal ah ku qaaday kolonyo uu la socday guddoomiyaha gobolka ay Somaliland u bixiysay Badhan Maxamuud Xaamud Cumar. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay si aad ah uga xun tahay dagaalkaasi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidankooda aysan u dulqaadan doonin gardaro, islamarkaana ay iska difaaci doonaan, haddii uu weerar kaga yimaado dhanka Puntland. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dagaalkan uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland, islamarkaana guddoomiyaha la weeraray uu ku laaban doono xafiiskiisa. Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul oo daris ah ayaa isku haya Sool iyo Sanaag, iyaga oo marar badan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-somaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  6. The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, yesterday expressed thanks to the State of Qatar for its contribution in building his country’s infrastructure, including Hobyo Port project. Source: Hiiraan Online
  7. Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaal gelinkii dambe ee shalay degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland oo gelbinayey saraakiil katirsan maamulkaasi. Wasiirka warfaafinta Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in ciidanka Puntland oo wata 6 gawaarida dagaalka ah ay weerareen guddoomiyaha Badhan ugu magacaaban iyo ciidankii uu watey. Maxamed Muuse Diiriye, oo farriin u diray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa sheegay inay nabad doonayaan haseyeeshee aysan aqbali doonin in Puntland ka arrimiso gobolka Sanaag. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Somaliland oo ka hadashay khasaaraha ka soo gaarey dagaalkii Hadaaftimo farriina u dirtay Puntland. appeared first on Puntland Post.
  8. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in dagalakaasi ku dileen 4 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, dhanka ciidanka dowladana uu Hal askari ka dhaawacmay. Ururka Al-shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah laga hayn, iyadoo saakayna xaaladdu tahay mid deggan,walow ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan ciidanka dowladda. Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan ciidanka xoogga dalka, xilli ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa laga dareemayaa magaaloooyinka Dhuusmareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan Galmudug. Shalay ayey aheyd markii wasaaradda amniga Soomaaliya ay ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaabanayo gudaha maamulkaasi. View the full article
  10. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in xalay rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in jab xoogan iyo khasaaro ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab dagaalkaasi. Cali Waal ayaa tilmaamay in ay dileen illaa afar ka mid ah Al-Shabaab, kuwaas oo xusay inay soo weerareen koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal qof oo rayid ahaa, dhankoodana uu uga dhaawacmay hal askari, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/qor.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  11. Guud aahanba waxaa baaqday kulan ay yeelan lahaayeen madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo dhiggiisa wadanka Denmark Mette Frederiksen. Baaqashada kulankaan xasaasiga ahaa ayaa la xiriirta in madaxweynaha Maraykanku uu diidan yahay inuusan ka hadlin iibsiga dhulka loo yaqaan Greenland oo siweyn shirkaan saamayn ugu yeelan lahaa. Donald Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu yiri; “Denmarka waa dal gaar ah oo dad wanwanaagsan leh, hase yeeshee, maaddaama Ra’iisal Wasaare Metter Frederiksen ayna daneynin in ay ka hadasho inaan Greenland iibsano, xilli kale ayaan dib ugu dhigayaa kulankii noo qorsheysnaa ee labo toddobaad ka dib dhici lahaa”. Axaddii la soo dhaafay ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in dalka Denmark uu leeyahay jasiiradda Greenland isla markaana dalkiisa iyo Denmark ay yihiin laba wadan oo xiriir wanaagsani ka dhexeeyo. PUNTLANDPOST The post Kulan dhexmari lahaa Trump iyo dhiggiisa Denmark oo u baaqday muranka jasiiradda Greenland. appeared first on Puntland Post.
  12. Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaa iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo laga soo galo degmadaasi. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi. Cali Waal ayaa sheegay in dagaalkan uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sidoo kalen uu uga dhaawacmay hal askari. Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in dhanka Al-Shabaab dagaalkaasi ay kaga dileen illaaa far ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-1-Cabdiqani.mp3 View the full article
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada maamulkaas ee maalinta bari ah dhaceysa. Inta badan xildhibaanada ayaa u ballan qaaday in ay codkooda siin doonaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray, sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland. Qaban qaabadii ugu dambeysan ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay ka dhega fureystay baaq ay u soo jeedisay beesha Caalamka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-21082019.mp3 View the full article
  15. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho-sharaf gaar ah u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee dhawaan lasoo doortay. Kulanka ayaa Axmed Madoobe wuxuu xildhibaannada kaga codsaday inay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, xilkaasoo ay kula tartamayaan tiro musharraxiin ah. Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, waxayna diiradda ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22-ka bishan oo ku beegan Axadda berri ah. Axmed Madoobe ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu dib ugu soo laaban lahaa hoggaanka Jubbaland, inkastoo ay jiraan caqabado fara badan oo xilligaan ku hor-gudban, taasoo uu doonayo inuu ka tallaabo. Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegay inay taageerayso xubno ka tirsan musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, inkastoo DF ay sheegtay inaysan wax fara-gelin ah ku hayn doorashada Jubbaland. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli Madaxweyaha maamulkaas uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan soohdimaha Kismaayo laga soo galo, si aan loo carqaladeyn doorashada. PUNTLAND POST The post Kulan xalay dhex-maray Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada lasoo doortay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  16. Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Farmaajo & KHeyre, Nidaamka Federal-ka codka dad-weynaha waa ku aamini waayeen marka waa inay xoog ku dumiyaan! Maamul goboleedka Soomaaliyeed [...] Source
  17. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kana mid ah musharraxiinta u taagan qabashada xilkan ayaa wuxuu xalay la kulmay xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Labaad Jubbaland. Axmed Madoobe oo mid ka mid ah Hoteellada Kismaayo kula kulmay xildhibaannadan ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada. Wuxuu ka codsaday xildhibaannada in ay codkooda siiyaan si markiisii Saddexaad uu u noqdo madaxweynaha Jubbaland, wax-qabad muuqdana uu la yimaado. Kulan oo ay ku sugnaayeen guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa dhanka kale waxaa looga hadlay sidii ay si nabad oo cadaalad ah ugu dhici lahayd doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. WASHINGTON (AP) — Showing a fresh willingness to play politics along religious lines, President Donald Trump said Tuesday that American Jewish people who vote for Democrats show “either a total lack of knowledge or great disloyalty.” Source: Hiiraan Online
  19. Kenya is rejecting the position held by the United Nations on Somalia’s Jubbaland presidential election, lifting the veil on its discomfort with the emerging role of Ethiopia in Somalia politics. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, Aug. 20 (Xinhua) -- Somalia on Tuesday appealed to international partners to support the implementation of the country's media and public awareness strategy. Source: Hiiraan Online
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe taliyaha howl-gallada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, Tigabu Yilma Wondimhunegn uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ayaa fashilmay kadib markii maamulka Jubaland uu u sheegay inusuan iman karin magaalada. Tigabu ayaa la filayey inuu shalay Kismaayo tago, hase yeeshee wuxuu dib u dhacay maanta oo arbaco ah, balse waxaa safarkiisa saameeyey amarkaii xalay kasoo baxay maamulka Jubaland ee lagu xiray xuduudaha magaalada Kismaayo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Tigabu uu goystay diyaarad ay leedahay QM, oo qorshuhu ahaa inay Muqdisho ka baxdo 7-da subaxnimo, hase yeeshee waxaa isaga iyo xafiiska QM ee Soomaaliya lagu war-geliyey in ay raacaan amarka lagu xiray xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Kismaayo. Taliye Tigabu ayaa Kismaayo u tagi lahaa inuu xaliyo xiisad ka dhex oogan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka wada tirsan Amisom, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay diideen in ciidamada Itoobiya ay degaan garoonka Kismaayo. Isniintii ayaa waxaa hawad Kismaayo laga celiyey diyaarad sidday qalab iyo ciidan Itoobiyaan ah, oo loo diiday inay garoonka Kismaayo kasoo degto, xilli Jubaland ay ka hortageyso qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay ku qabsadaan garoonka Kismaayo, oo dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  22. Waxaa socdo dadaalo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku xulayo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho waxaa uu hadda ku yimaadaa xulista madaxweynaha, laakin waxaa jirtay xilli reer Muqdisho ay dooran jireen, waana dowladii rayidka ee inta u dhaxeysay 1960-1969-kii. Waxaa kale, oo aqoonyahanno uu ka yimid yahay Faarax Qare ay sheegeen in Muqdisho mayor-keeda aan loo fiirin jirin beel hebel, oo dadka oo dhan noqon kareen, taasi oo ka duwan sida xaaladda ay hadda tahay. Haddaba, halkan hoose ka akhriso sida magaalooyinka caalamka ee la mid ah Muqdisho uga gudbeen mar hore in qof la soo xulo iyo in lagu qiimeeyo oo keliya “Yaa magaaladan u dhashay”? Caasimadda Ingiriiska ee London waxaa duq ka ah Sadiq Aman Khan, oo isaga London ku dhashay laakin waalidkiisa uu ka yimid dhulkii India iyo Pakistaan, waxaa uu ku yimid doorasho, loomana fiirin inuu leeyahay magaalada. Duqa Paris waa Ana María “Anne” Hidalgo oo ah haweeney ku dhalatay dalka Spain, oo dhalasho ahaan waa Spanish-French, gabadhan kuma dhalan Faransiiska, dabcan dhulka Parisna ma leh, sidaasi ay tahay waxaa ay ku timid doorasho xor ah, oo xalaal ah. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada New York, isaga waxaa uu ku dhashay magaalada, laakin hooyadiis waa Talyaani halka aabihiisana uu ahaa asal ahaan mid gala German, English, French, iyo Scots-Irish. Haddii aan u nimaado dalka dariska nala ah ee Kenya waxaa Nairobi Governor ka ah Mike Mbuvi Sonko, waxaa uu halkaasi joogaa doorasho, ee ninkan waxaa uu ku dhashay Mombasa halka Mzee Kivanguli uu ka soo jeedo Machakos County. Haddaba, malaga yaabaa in Muqdisho ay yeelato duq loo tartamo, oo doorasho ku yimaada, isla markaana aan loo fiirin beel? W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid