Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A man in the Midlands has been jailed for more than five years - after finally being granted the right to come to Britain. Source: Hiiraan Online
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Guyow iyo xubno kale oo katirsan Xafiiska IGAD ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wafdigan ayaa Saddexda Maalmood ee soo socda ku sugnaan doona magaalada Kismaayo, iyagoo si dhab ah ugu kuur gali doona Xaalada Doorashada Jubbaland ee dhamaadka bishan ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Wafdiga IGAD mudada ay Kismaayo joogaan waxay kulamo la qaadan doonaan Gudiga Doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka iyo sidoo kale ururada aan dowliga aheyn ee ku bohoobey magaca JUNSA. Gaba gabada waxaa wafdigan la kulmi doonan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyadoo aan la ogayn waxyaabaha kulankaas kasoo bixi doona. Beesha caalamka ayaa dhamaan u dheg taageysa natiijada safarka wakiilka IGAD ee Kismaayo kaas oo noqon doona go’aanka ay beesha caalamku ka qaadan doonto habsami u socodka doorashada Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  3. Burco (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta dhacdo naxdin leh ay ka dhacday, isla-markaana uu Oday waayeel ah uu dilay saddex Caruur ah oo uu Adeer u yahay. Odayga ayaa waxa uu saddexdan Caruurta ah ku dilay deeganka Dhagax Dheer oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer. Caruurtan la dilay ayaa waxa la sheegaya in dhamaantood ay walaalo ahaayeen, isla markaana uu ugu weynaa Afar jir. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Caruurtaasi ay isla markiiba ay ku geeriyoodeen goobtii uu odaygu ku dilay. Gudoomiyaha deegaankaas ayaa xaqiijiyey inuu Carruurtaasi dilay Odey Adeerkood ah oo Maskaxda ka jiranaa, balse ciidamada Booliska Somaliland ay markii dambe ay gacanta ku dhigeen Ninkii dilkaasi u geystay saddexda Carruurta ah ee wada dhashay. Ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka iyo laamaha amniga ee gobolka Togdheer, balse waxa la filayaa in Warbaahinta uga warbixiyaan dhacdadan saacadaha soo socda. Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Xubin ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Bari Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo saaka gudaha magaalada Boosaaso lagula eegtay wasiirkii hore ee Qorshaynta dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax. Qoraal ay daabacday warbaahinta Daacish ee Amaq News Agency ayaa lagu sheegay in ciidamada Khilaafadu ay qarax miino u dhigeen wasiir hore Shire Xaaji Faarax xilli uu marayey nawaaxiga hoteel Shabeelle ee magaalada Boosaaso. Daacish ayaa sheegtay in qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu sii aaysay ay ku dhaawacmeen laba kamid ah ilaalada mas’uulka balse isagu ka badbaaday. Balse, laamaha Amniga gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsana ilaalada Shire Xaaji Faarax cid kalena aysan wax dhib ah ka soo gaarin. Hoos ka akhriso qoraalka Daacish PUNTLAND POST The post Daacish oo sheegatay qaraxii uu ka badbaaday Shire Xaaji Faarax appeared first on Puntland Post.
  5. Wafdiga Aqalka Sare ee uu hogaaminaayay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku joogay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii. Sidoo kale,guddoomiye Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa intuu ku sugnaa magaalada Garoowe kulamo duwan la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Dhoobo oo sii saagootiyaya Abshir Bukhaari Guddoomiyaha Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) iyo madaxweynihii hore ee Puntland haatana ah, xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka sare, Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed faroole, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Garoowe ku sii saagotiyay, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) iyo xildhibaanno kale tirsan Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay Garoowe kaga qeyb-galeen xuska sannad-guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland. Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo ka hor inta uusan Muqdisho ku laaban warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garoowe, ayaa shaaciyay in xubnaha Aqalka sare ku matala Puntland, ay markii u horraysay xarun ka furteen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Hoos ka daawo Muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Guddoomiye Dhoobo: Waxaa Baarlamanka Puntland ka dhacay waxaan weligiis dhicin oo unique ah appeared first on Puntland Post.
  7. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga qaban qaabada Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu shaaciyay in dib u dhac uu ku yimid shirka oo lagu waday in uu furmo 5-ta Bisha Agoosto oo ku beegan Maalinta Berrito ah. Sababta dib u dhaca shirka ayay Guddiga Ku sheegeen in ay tahay in, iyadoo la tixgalinayo maalmaha baroordiiqda loo asteeyey iyo munaasabadda maamlmaha Ciidul Adxaa ee foodda nagu soo hayso dib loo dhigay mudada shirkaas. Sidoo Kale Guddiga ayaa tilmaamay in Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega deegaannada Galmudug la qaban doono 17 Bishaan. Ugu dambeyn guddiga ayaa Ergooyinka ka qeyb galaya shirka waxaa ay ugu baaqeen inay tagaan Magalada Dhuusamareeb. Guddigan ayaa waxaa magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana ay qaabilsanyihiin isu keenidda iyo xareynta ergooyinka ka qeybgelaya shirka dib u heshiinta dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaa ay horay u booqdeen magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelo kale si bulshooyinka ku nool magaalooyinkaas loogu qanciyo ka qeybgalka shirka. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-waraka aanu ka helayno gobolka Togdheet ayaa waxa ay sheegayaan in saddex Carruur ah oo walaalo ah lagu dilay deegaanka Dhagax-dheer oo ka tirsan gobolka Togdheer. Carruurta ayaa lagu soo warramayaa in uu dilay adeerkood oo maskaxda ka xanuunsanaya. Carruurta la dilay ayaa ahaa saddex wiil oo afar jirku ugu weynaa. Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhiggay ninka carruurta laayay. Source
  9. Burco (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Xamse Maxamed Cabdi ayaa shalay lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer. Weerarkaasi lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa maanta waxa faah-faahin dheeriya ka bixiyay Guddoomiyaha deegaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer, wuxuuna yiri “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday guddoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka”. “Waa meel la isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo. Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo”. Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyaha deegaanka Cali Saahid “Khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu shalay xisbigooda u jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye. Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa Sabtidii shalay guddoomiyaha Xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu taageero jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ee la’dagaallanta xukuumadda Muuse Biixi, isagoo xusay in jabhaddaasi tahay gabab ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Balse, Xog-hayaha guud ee Xisbiga Waddani ayaa beeniyay dhammaan eedaymaha xukuumaddu u jeedisay, waxaana uu sheegay in maamulka Muuse Biixi ku fashilmay xallinta tabashooyinka ka jira gudaha Somaliland oo sida uu sheegay u baahan dulqaad iyo mas’uuliyad. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in mowqifka Xisbiga Waddani ee ku aaddan Jabhadda Col. Caarre, uu yahay in wada-hadal iyo dulqaad lagu dhammeeyo tabashooyinka jabhaddaasi, isagoo ka digay in haddii kale ay xaaladdu ka sii darayso. Dhinaca kale, Xog-hayaha Waddani ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa oo uu ku eedeeyay in ay fashil ku socoto, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay wasiirka Warfaafinta Somaliland. Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan PUNTLAND POST The post Xisbiga Waddani: Xukuumada Somaliland way qaawantahay anaguna waa sii qaawinaynaa appeared first on Puntland Post.
  11. On July 24, this year, a female suicide bomber walked into a security meeting being held at the office of Mogadishu mayor Abdirahman Omar Osman and blew herself up killing seven and injuring several others. Source: Hiiraan Online
  12. A decision to be taken later this week by the government of Djibouti to apply to the country’s high court to rule all previous international adjudications null and void has been labelled “a complete disregard for and contravention of the global legal system and existing contracts”, by DP World, the terminal operator that was ousted from the country last year. Source: Hiiraan Online
  13. (SLT-Hargeysa)-Dablay Ka Tirsan Khaatumo Oo Weeraray Xero Ay Leeyihiin Ciidammada Millatariga Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. The meetings reaffirmed the two countries’ interest in further reinforcing cooperation between Djibouti and Italy. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu residents are mourning the loss of their mayor, who died Thursday of injuries suffered in a suicide bombing July 24 that killed at least six other people. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaababka kale duwan ee dhaqaale looga abuuro magaalada Muqdisho ayaa kala duwan, iyadoo markaan ay kusoo korortay hab cusub oo ganacsi ah oo dadka dhaqaale looga abuurayo. Muuqaal yaab leh ayaa halkaan idiin kugu soo gudbineynaa oo ah Waraabe shabaq lagu soo xiray oo sameecad cod duuban laga baahinaayo “Daawashada Waraabaha waa seddax kun”. Habkaan cusub ee lacag abuurka ah ayaa dadka qaarkood aad usoo jiido, iyadoo qofka uusan hareer mareyn marka uu maqlo codka lagu baahinaayo daawashada waraabaha. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO MUUQAALLO KALE Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Jigjiga (SMN) – Waxaa maanta gudaha magaalada Jijiga ka furmay shir u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya. Shirkan oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa inta badan diirada lagu saari doona xal u helida dhibaatooyinka weli ka dhex jira labada qowmiyadood. Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo shirka daah-furay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani u leeyahay labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la dhowro degaanaashaha iyo nabad ku wada noolaanshaha deegaanka. Dhankiisa madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa oo madasha ka hadlay ayaa dhankiia sheegay inuu soo dhoweynayo isku soo dhawaanshaha labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay labada shacab in ay yeeshaan iskaashi buuxa, iyada oo laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Waa shirkii labaad oo ay yeelanayaan Soomaalida iyo Oromada oo bilhii la soo dhaafay isku laayey gudaha dalka Itoobiya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  18. (SLT-Hargeysa)-FAAH-FAAHIN: Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Shalay Badhasaabka Gobolka Togdheer Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Ciidamada Booliiska magaalada Dayton ee gobolka Ohaio ayaa sheegay in tacshiirad ka dhacday halkaasi ay ku dhinteen sagaal ruux . Dhimashada dadkaasi oo ka dhacday degmada Oregon ee magaaladaasi ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhintay qofkii ka dambeeyay falalkaasi dhimashada ah. Shilkaan oo ka dhacay meel dibadda ka ah Baar ayaa la xaqiijiyay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo loola cararay cisbitaalada,sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka. Shilkaan ayaa imaanaya wax yar ka dib kolkii magaalada Texas,gaar ahaan deegaanka El basso ay ka dhaceen toogasho sababtay dhimashada 20-qof iyo dhaawacyo ka badan 2 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaan habeenna ka seexan dadaal ay ugu jirto in ay taageero caalami ah u hesho damaceeda ku wajahan biyaha Soomaaliya. Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahinaya in Kenya ay geed gaaban iyo mid dheer u fuushay ilaa haddana u saarantahay sidii ay u heli lahayd waddamo xoog leh oo ku garab istaaga rabitaankeeda biyaha Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma iyo Diblomaasiyiinta sar sare ee dalka Kenya ayaa wada wadahadallo qoto dheer oo ay ku wajahayaan dowladaha ugu tunka weyn Adduunka, kuwa Afrika, Sharikadaha shidaalka, Urur Goboleedyada ka jira Afrika iyo xitaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kursi ka raadineyso Kenya. Bisha September ee soo socota ayey Maxkamadda ICJ billaabeysaa dhegeysiga kiiska Soomaaliya ay geysay 2014kii markii ay Kenya sheegatay qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya. Isla September waxaa Magaalada New York ee Xarunta Qaramada Midoobey ka dhacaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Kulankaas ayey Kenya dooneysaa in ay uga faa’ideysato dooddeeda ku saabsan kiiska ay gacanta ku heyso Maxkamadda ICJ. Saddexda xubnood ee Afrika ay ku leedahay 10 dal ee aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayey Kenya dooneysa kursi ka mid ah waliba midka Waddamada Bariga Afrika. Khubarrada waxaa ay sheegayaan in haddii Kenya ay kursigaas hanato uu saameyn badan ku leeyahay go’aannada ICJ islamarkaana soo jeedin ka sameyn karto Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey si ugu yaraan kiiskan Maxkamadda ugu riddo God qashinka. Madaxweynaha Kenya waxaa uu dhawaan safarro kala duwan ku tagay Waddamo dhaca Afrika iyo Dalka China, sidoo kale waxaa uu todobaadkan tagayaa Dalka Jamaica,waxaana uu raadinayaa taageero caalami ah. Wasiirkiisa arrimaha dibadda Monica Juma ayaa ku howlan la kulmidda Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ay Kenya siyaasad ahaan isku dhowyihiin. Dalalka Afrikaanka ah Kenya ku taageeray dagaalka ay kula jirto Soomaaliya waxa ka mid ah; Mozambique, Zambia, Namibia iyo Botswana, waxaa sidoo kale jira Waddamada Mareykanka iyo Norway oo rajo u muujiyay Kenya inkasta oo sida Waddamada Afrika qaar aysan si rasmi ah ugu caddeyn mowqifkooda haddana waxaa ay heysataa ballanqaad heerkiisu dhex dhexaad yahay. Kulanka 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay Kenya ku soo bandhigi doontaa in kiiskan Maxkamadda ICJ cadaadis lagu saaro iyada oo cabashadeeda u gudbineysa Golaha amaanka ee ay Maxkamaddan hoostagto. Ilo diblomaasiyadeed ayaa muujiyay in Soomaaliya ay taageerada kiiskan ka heysato dalalka China, Russia, UK iyo kuwa Carabta. Kenya waxaa ay sheegeysaa in kiiskan ay dooneyso in loo xalliyo sida dalalka; Tanzania iyo Mozambique , Mozambique iyo South Africa oo kale oo ay iyaga si gaar ah xal u gaareen. Kenya waxaa ay sameysay Ururro iyo Khubarro sharci yaqaanno iyo diblomaasiyiin isugu jira,kuwaas oo kulamo la leh Sharikadaha shidaalka baara ee daneynaya Biyaha Soomaaliya iyo Waddamada ay ka go’do xal ka gaarista arrintan,waxaana ay suuq geynayaan siyaasadda Kenya. Kulan dhawaan ka dhacay Nairobi ayey ka soo saareen in Kenya ay marka hore isdejiso islamarkaana qaladaadkii diblomaasiyadeed ee ka dhacay markii ugu horreysay doodda aysan ku adkeysan. Waxaa kale oo ay Warbixintooda ku sheegeen in isku daygii Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ku dhex dhexaadinayay labada dal uu fashilmay markii Madaxweynaha Soomaaliya diiday in uu ka qeybgalo kulanka Uhuru iyo isaga, xitaa waxaa uu ka wareegtay in uu duullimaad ku maro Hawada Kenya. Sababta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo dib u doorasho doonaya uusan hadda qaadaneyn go’aan xasaasiyadda iyo saameynta intaas la eg leh. Waxaa kale oo Khubarrada ay Kenya qoratay sheegeen in Maxkamadda ICJ xukunkeeda u dhici karo dhinaca Soomaaliya laakiin aysan taas ka dhigneyn xal kama dameys ah oo laga gaaray biyaha Soomaaliya ee ay Kenya dooneyso. Rajada iyo talooyinka ay soo jeediyeen Khubarrada waxaa ka mid ah in Urur Goboleedyada Afrika iyo Ururka Midowga Afrika uu xalka ugu dambeeya isugu iman doono islamarkaana go’aanka kama dambeysta ah ay iyaga gaari doonaan. Dowladda Soomaaliya oo aysan ka muuqan fur furnaan dhinaca Warbaahinta gudaha ah ayaan waxba kala socodsiin shacabkeeda halka uu marayo dadaalka ay ugu jirto in kiiskan ay ku guuleysato, halka dowladda Kenya ay warbaahinta iyo khubarradaba ku bixineyso juhdi badan si ugu yaraan kiiskan ugu gadaan Caalamka una ekeysiiyaan in Kenya saxantahay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalo Xajiin Iyo Xanaf Badan Oo Ka Soo Yeedhay Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (SMN) – Dabley ku hubeysnaa Bistoolado ayaa lagu soo warramayaa in maanta dil ay ka geyseen xaafadda suuq Bacaad degmada Yaaqshiid ee G/Banaadir. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya, sida uu Shabelle u xaqiijiyey qof goobjooge ah. Sidoo kale goobjoogahan ayaa intaasi ku daray in ragga dilka geystay ay horay uga sii qaateen askarigaasi qoraygii uu sitay oo ahaa AK47. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray waxyar kadib goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-dilka.mp3 View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geeljire Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source