-
Content Count
213,166 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn, Xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa aqriyay xukunka dhallinyaradan oo loo xiray kufsi Guriceel ka dhacey dhowr bilood ko hor, waxaana markaa kadib dadka hortooda la leenay maxaabiista oo ay jeedaleen xubno booliska Ahlu-Sunna. Ahlu-Sunna ayaa saaka dadweynaha magaalada ku wargalisay in ay yimaadaan barxadda magaalada si ay u daawaddaan xukunka lagu ridaayo labadda ruux ee loo heystay kufsi ka dhacay Guriceel. Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah. Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada
-
Cadaado (SMN) – Guddoomiyaha maamulka Camaara ee gobolka Mudug Yuusuf Salaad Maxamed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyey Xooggaga in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi. Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay wararkaasi, wuxuuna sheegay inay faafiyeen dad leh dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi u daray in haatan xaaladdu ay degan tahay, islamarkaana howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka sameeyeen halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-1-faadumo.mp3 View the full article
-
Kismaayo (SMN) – warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo siyaaso kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxyada oo ahaa miino ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, kadib qoraal ay ku baahisay baraha Internet-ka. Al-Shabaab ayaa shaacisay in qaraxa koowaad uu ka dhacay deegaanka Buulogaduud, islamarkaana ay la beegsatay ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Jubbaland. Sida ay sheegatay Al-Shabaab wax ay qaraxaasi ku dishay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada daraawiishta ee mamaulaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in qarax kale oo ka dhacay deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi ay ku dishay saddex ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, kuna dhaawacday mid kale, kuwaas oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaankaasi. Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ballaaran ay ka socdaan gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta xukun fulisay labo nin oo horay Kufsi uga geystay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Ugu horreyn xubnaha garsoorka Ahlu-Sunna ayaa goobta ka akhriyey eedeymaha iyo xukunka lagu riday raggaasi. Fagaare ku yaalla Dhuusamareeb oo ay ku sugnaayeen dadweyne fara badan ayaana ugu dambeyn raggaasi lagula dhuftay min 100 jeedal ah. Sidoo kale waxaa goobta uu xukunka ka dhacayey ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug oo sugayey ammaanka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
The Afghan Taliban and the United States have reached an agreement on a time frame of pullout of foreign forces from Afghanistan, Taliban chief spokesperson Suhail Shaheen said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (SMN) – Waxaa maanta dib u soo laabtay dhaq dhaqaaqa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay dhowaan Jubbaland bandow dhul,cir iyo badba ku soo rogtay magaaladaasi. Garoonka diyaaradaha, dekedda iyo xarumaha mamulka ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay howlahooda shaqo. Sidoo kale waxaa dib loo furay waddooyinka soo gala Kismaayo, kuwwas oo labadii maalin ee la soo dhaafay ay ku xayirnaayeen gaadiid fara badan. Xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa sidoo kale weli kacsan, kadib doorashooyinkii iska soo horjeeday ee ka dhacay maamulkaasi. Doorashooyinkan ayaa waxaa lagu doortay illaa 3 madaxweyne oo uu mid kasto sheegaynayo inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee Jubbaland. Odayaal iyo waxgarad is abaabulay ayaa haatan wada dadaallo lagu xalinayo xiisadahaasi, si aysan uga dhalan rabshado kale. Tan iyo khamiistii la soo dhaafay xaaladda ayaa aheyd mid iska cakiran, kadib markii la’isku khilaafay doorashada sanadkan ee maamulka Jubbaland. View the full article
-
GENEVA - The U.N. children's agency reports schools across West and Central Africa are being targeted by insurgent groups. It says attacks and threats of violence have forced more than 9,000 schools across eight countries to close since the end of 2017, robbing nearly 2 million children of an education. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-24082019.mp3 View the full article
-
Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa ay ku dacweysay deeq bixiyeyaasha iyo hey’adaha caalamiga ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyada oo ku eedeysay inuu sameeyey musuq , amni darro iyo inuu abuuray iska hor keenista shacabka iyo madaxda Puntland. Qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda ee Puntland, lana soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa lagu sheegay in booqashadii uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku tagay Puntland ay keentay musuq iyo in la baal maray hey’adaha dastuuriga ah ee Puntland isla markaana uu abuuray isku dir shacabka iyo dowladda Puntland. Isla qoraalka waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka walaacsan tahay sida sharci darada ah ee ra’isul wasaare Kheyre u adeegsanayo hantiada shacabka si uu u abuuro xiisado siyaasadeed iyo amni darro, isaga oo (220,0000) u xawilay NGO ama hey’ado aan dowli aheyn, isaga oo meel uga dhacay dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka. Dr, Xasan Sheekh oo ah aqoonyahan ka faalooda arrimaha siyaasadda oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in Puntland ay caalamka tuseyso in deeqaha loo isticmaalo arrimo aan habooneen“ Arrintan waxaa ay ka dhiban tahay in dowladda Puntland ay tuseyso caalamka in lacagihii loogu talo galay horumarka in loo isticmaalayo dumin iyo isku dirka Puntland”. Dr. Xasan oos ii hadlaya waxaa uu yiri “Waxaa ay dhaawaceysaa sumcadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waxaa kale oo sii kala fogeyneysaa xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia has rejected the Commission of the African Union invitation to a briefing on the maritime row with Kenya. Instead, it has expressed confidence in the International Court of Justice and its ability to deliver a fair ruling. The ICJ is set to hear the dispute between September 9-13 at the Peace Palace, in The Hague, Netherlands. The ICJ said the first round of hearings will take place on September 9, when Somalia will make its submissions, while Kenya will respond on September 11. In a statement dated August 21, the Somalia ministry of Foreign Affairs said it would be “inappropriate” to accept the invitation while the matter is pending before ICJ. The ministry said it roped in ICJ to determine the dispute because it couldn’t agree with Kenya. It said Kenya “misinterpreted” the move as being unfriendly. Somalia faulted Kenyan MPs for saying Kenya was ready to deploy KDF to protect the territory. Somalia will go first in the second round of oral arguments on Thursday, September 12, while Kenya will give its closing submissions on Friday, September 13. Kenya has been pushing to have the matter solved through political negotiations rather than through the court. Kenya wants the maritime border to run along parallel latitude southeast of Kiunga, while Somalia, on the other hand, is arguing for a diagonal line down the Kenyan Coast. This threatens to make Kenya a landlocked country, and risks losing 42 per cent of its territory. Source: The Star
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo lagu guda jira jawi farxadeed oo aroos ah, islamarkaana Caruuska iyo Caruusadda ay ku sugan yihiin guri ku yaallo Xaafadda Boondheere ee magaalada Muqdisho, ayaa jawigii arooska wuxuu isku bedelay xaalad murugo ah, kadib markii dhismihii uu soo dumay xalay. Dhismaha guriga dumay, ayaa wuxuu ahaay guri qadiimi ah oo ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, balse dad shacab danyar ah ay deegaansadeen. Suus Raagge Cadow oo eedo u ah wiilka arooska ayaa sheegtay iyadoo xaaladda ay tahay jawi farxadeed mar kaliya uu soo dumay guriga, waxaana ay sheegtay sababta guriga uu u soo dumay inay tahay, kadib markii reerka gabadha durbaano ay ku dul ciyaareen dhismaha dabaqa, taasi oo sabab u noqotay inuu soo dumo guriga. “Wiil aan eedo u ahay ayaa gabar gurigaan keensaday, kadib aroos ayaa halkaan loogu dhigay cidda gabadha oo durbaano watay ayaa guriga ku ciyaaraayay, bood boodkii durbaanada ayaa sabab u noqday inuu dumo guriga ana reerkeena wax yar yar ayaa soo gaaray, balse cidda gabadha ayeey u badnaayeen dadka dhaawacyada soo gaareen illaa 22 ruux dad gaaraya oo arooska & aroosadda ay ku jiraan ayaa dhaawacyo kala duwan soo gaareen.” Ayey tiri Suus Raagge. Dadkii dhaawacyada ay soo gaareen ayaa dhismaha dumay, waxaa looga soo saaray jaraanjaro, kadib markii dadka Xaafadda gurmadkaasi ay sameeyeen. Guryaha qaar ee ku yaallo Muqdisho oo dhismahooda ay qadiimi yihiin, ayaa xilliyada qaar dadka waxa ay kala kulmaan dhibaato adag oo ka soo gaarta, kadib markii ay ku soo dumaan guryaha ay ku nool yihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa difaacay go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibay Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo isaga oo dalka dibadiisa ku sugan U Waramayay Wargeyska Geeska ayaa yidhi “Dalka Waan ka maqanahay, dalkuna Madaxweyne Qaran ayuu leeyahay, haddii Uu Madaxweynuhu Wasaaradda arrimaha Dibedda Si ku meel gaadh ah ugu sii dhiibo Wasiir Sacad Cali Shire Wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto.” Wasiir Faratoon. Wasiir Sacad Cali Shire hore waxa loogu si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay wasaaradda qorshaynta qaranka oo wasiirkeeda ay xaalad caafimaad la soo daristay. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ahaa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla deegaanka Qaamqaam ee gobolkaasi. Al-Shabaab oo sheegatay qaraxaasi ayaa baahisay inay ku dishay 3 ka tirsanaa ciidanka maamulkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacday mid kale, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan qaraxaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in haatan xaaladdu ay tahy mid degan. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ay ka socdeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Soomaaliland in ay ku fashilantay xalinta khilaafaadka ka taagan Goboladda Bariga Soomaaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo warbaahinta kula Hadlayay Magaaladda Hargeysa ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay ciidamo reer soomaaliland oo ku sugnaa Gobolka Badhan, hasayeeshee shalay u talaabay dhinaca Puntland “Illaalinta Xuduudaha Qaranka Somaliland waxay u baahan tahay Masuul xilkasnimo leh balse uma baahna Masuul u yimi Kursiga Hanti urursi Xoolaha ummada ah,” Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jama Batuun Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Shacabka Somaliland waxaan leenahay Muusi Biixi wuu tagayaaye yaan la kala tagin, 30 Sanno waa marki kobaad ee Calanka Somalinad dhulka la dhigo, Arinta Sanaag berri waxay daliil u tahay Hoggaamin aan xuduudo qaran sugi karin laakiin xoolo Urursi u timid” Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaamada Somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhiilada colaadeed ee ka taagan deegaamo hoosyimada degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Qaar kamid ah waxgaradka Somaliland iyo siyaasiyiin caan ah ayaa sheegay in gobolka Sanaag uu ka baxay gacanta Somaliland mudadii uu xafiiska joogey Muuse Biixi intii dhimmanaydna colaadi ragaadisey. Shacabka ayey ugu baaqeen inay dulqaad muujiyaan isla markaana ay gacmaha is qabsadaan uuna xafiiska bannayn doono Muuse Biixi Cabdi, xafiiskana qof kale uu qaban doono. DHEGAYSO Maalinimadii shalay ayey ahayd markii Puntland ay ku soo biireen ciidamadii iyo saraakiishii ugu dambeeyey ee Somaliland ugu magacawnaa gobolka Sanaag. PUNTLANDPOST The post Waxgaradka Somaliland oo afka furtay: “Muuse waa tegayaa ee yaan lakala tegin” appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guuritda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo dhag raariciyo beelaha ka biyo diidsan saamiga golaha wakiilada ee cabashada ka muujiyay. Waxa uu sida oo kale ku kaftamay in ay iska jelaysteen kuraasta golaha guuritda isla markaasna ay waayeen shacab ka kaca yidhaahda, guddoomiye Saleebaan ayaa sidan u sheegay tilifishanka Sahan oo waraysi ka qaaday, waxaanu arinta saamiga isaga oo ka hadlaaya uu yidhi” Beelahu haddii ay ka cabanayaan sida wax loo qaybsaday soo dhawaada, golayaal ayaynu leenahay ee golayaasha ha laga hawlgalo, golayaasha ha keeneen laakiin salaadiin,odayaal iyo cuqaal iyo warbaahintu inta badan waxa la gashadaa waxba ma dawayso, waxay aniga iigu muuqataa haddii wax la dawaynaayo golahan iyo madaxweynaha iyo dadka waxgaradkaa halaga hawlgalo golayaasha ha timaado haddii ay gar leeyihiina waa in gartooda la maqlaa, hadal ma laha, qarankani waxa uu ku dhisanyahay reero haddii qaar wax tabanayaan tabashadooda hala daweeyo.” Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlaaya kuraasta ay ku raageen oo wax laga waydiiyay waxa uu yidhi“ isbadal inuu marwalba jiro waa waajib qaran, golahaasi wakiiladuna waa shantii sanoba mar kana waa lixdii sanoba mar in la qabtaa waa waajib ina wada saaran waxaad hadda moodaa anaguna inaanu kuraasta iska sii jeclaysanay dadweynana aanu karkabad nagu ahayn ileen waa ay odhan lahaayeen waar kuraasta noo baneeyee, waxase ka horeeeya in shuruucdii lagu gali lahaa doorashooyinkan la dhamays tiro.” Source
-
Kampala (Caasimada Oniline) – Wargeyska New Vision ee ka soo baxa magaalada Kampla ayaa sheegay in ciidanka Uganda ay qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay ka maqan tahay lacag dhan 14.2 Milyan oo dollerka Mareykanka ah. Wargeyska ayaa shaaciyey in illaa todobo bil aysan wax mushaar ah qaadan ciidamadaasi ka tirsan Milatariga Uganda. Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 2,450 askari ayaa ka mid ah ciidankii Uganda ee sanadkii la soo dhaafay ka baxay Soomaaliya . Lacagta ciidamadani oo beesha caalamka u mariso Midowga Afrika ayaa loo gudbiyey dowladda Uganda oo la sheegay inay ku shubtay bangiga dhexe ee dalkaasi. Rechard Karemire, afhayeenka ciidanka Uganda oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa xaqiijiyey in mushaarkaasi maqan yahay, balse ma sheegin sababta. Sodoo kale afhayeenka ayaa ugu baaqay ciidamada inay is dajiyaan, islamarkaana ay dul qaad muujiyaan. Uganda ayaa ka mid ah wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waana dalka ugu badan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kampla caasimada@live.com
-
Xulalka dhallinyarada Soomaaliya iyo Eretrie ayaa kulamadooda afaraad ee is arag heer Groupyada ku balasan garoonka kubbadda cagta Asmara. Xulka 15 Jirada Soomaaliya kulankii u dnabeeyay waxa ay natiijo 2-0 kaga badiyeen dhigooda Sudan waxaana ciyaartaa goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Mahad Cabdiqaadir Sheekh iyo Cabdullahi Cumar. Marti geliyaasha tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Eretrie iyagana kulankii u danbeeyay waxa ay guul daro 2-1 kasoo gaartay xidigaha da’yarta Kenya. “Wiilasheena waa u diyaar kulankan waxaan kawada sugaynaa in ay guul kusoo qatimaan ciyaarta u danbeesa ee is araga heerka Groupyada” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ah tababare ku xigeenka xulka dhallinyarada 15 Jirada Soomaaliya. Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecaf Under 15 2019 Dalalka-Somalia VS Eritrea Tariikhda-24-08- 2019 Maalinta- Sabti Sacaada Kulanka-4:30pm Garoonka-Asmara Stadium W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka biyo diiday ka qeyb galka kulan is xog wareysi ah oo ku saabsan kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo uu soo qaban qaabiyey guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika. Casuumaad toos ah oo Soomaaliya uga timid ururka ayaa waxaa ku gacan seertay xukuumadda dawladda Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ku taariikheysnaa 21-kii bishan ku sheegtay in aysan ka qeyb geli karin shirkaasi, islamarkaana dacwadda labada waddan ay hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in ayna geli doonin wax gor gortan ah, islamarkaana ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda. maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa la filayaa inay dib u furto dhageysiga dacwadda labada dal dhammaadka sanadkan 2019-ka. Fadhiga maxkamadda ayaana ka qabsoomi doono guriga nabadda ee Netherlands 9-ka illaa 13-ka bisha soo socota ee September. Source
-
(SLT-Riyadh)-Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay Warar sheegaya in dowladda Sacuudiga ay aqoonsatay Baasaboorka Somaliland. Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato baasaboorka si ay Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xidhiidhka maalgashi ee dowladda Qatar. Wargayska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in kadib markii dawlada qadar ay bilaawday maalgalinta dakadaha dalka, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, Taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka. Labada dal ayuu wargaysku tilmaamayaa in uu aad u wayn yahay danaha ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya. Somaliland ayaa dhawaan shaacisay in dowladda Sacuudiga ay Muuse Biixi Cabdi madaxweynaha Somaliland ay Casuumaad rasmi ah ay u dirtay islamarkaana uu qeyb-galay xajkii sanadkan. Wargeyska ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ku safreen. Baasaboorka Somaliland taasoo dowladda Sacuudiga ay sheegtay inay aqoonsatay. Source: Dailysabah Source
-
Cape Town (SMN) – Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa xalay ganacsade Soomaaliyeed ku dilay agaarka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Khayelitsha oo ka tirsan magaaladaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Oog, kaas oo ay kooxdii dishay goobta isaga baxsatay. Dhacdadan ayaa qeyb ka noqoneysa dilal siyaabo kala duwan todobaadyadii la soo dhaafay ganacsatada Soomaalida loogu geysanayay gudaha dalkaasi. Sanadkan 2019-ka ayaa waxaa aad u sii kordhay dilalka iyo boobka loo geysanayo Soomaalida ku dhaqan K/ Afrika oo inta badan ganacsiyo ku leh dalkaasi. View the full article
-
Soomaaliya ayaa la sheegayaa iney ka diiday guddiga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha badaha iney soo hordhigaan kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. Muqdisho waxaa ay midowga Afrika u sheegtay iney kalsooni xad dhaaf ah ku qabto maxkamadda cadliga adduunka, isla markaana ay ka war sugeyso go’aankeeda. Jawaabtan oo midowga Afrika loo diray 21-kii bishan, wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay in aaney munaasib aheyn in la aqbalo codsiga midowga Afrika xilli dacwada badda ay dhageysigeeda taalo maxkamadda ICJ . Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay qoraalkeeda in Maxkamadda ay ku adkeysay go’aan ka gaarista dacwada, isla markaana aaney wax heshiis ah arrintan kala geli-doonin kiiska badda. Maxkamadda ICJ ayaa u fariisan doonta wareegga 2aad ee dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya September 9-13, waxaa lagu qaban doonaa Peace Palace, oo ku yaalo magaalada Hague, Netherlands. Soomaaliya ayaa ku hormari-doonta September 9, halka Kenya la dhageysan doono jawaabaheeda September 11. Goobjoog News Source: goobjoog.com