-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is deeply concerned by the harassment of the journalists and the censorship of the local media coverage in Somaliland. After meeting with directors of media houses, Somaliland’s Ministry of Information has released a statement on Monday, September 9 in which it ordered all independent TV stations to prioritize local (Somaliland) news over what unfolds in the other parts of Somalia. The draconian order will take effect within two weeks, starting from September 9. “We are deeply concerned by the actions of Somaliland authorities to censor and interfere with editorial independence, which is fundamentally important for the independent media. This is an act of gross violations against free press and freedom of expression,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “The right of the editors and journalists to prevent interference of management or third parties such as Somaliland authorities on the editorial content is non-negotiable”. “It is the journalists’ responsibility to the public to report the news independently and fairly, without following the dictates from authorities. Deprived of editorial freedom, the independent media houses lose credibility and the confidence of the public they serve.” In addition to this disturbing decision against editors and reporters simply doing their jobs, there have been several incidents in which Somaliland security forces arrested journalist and shut down Horyaal24 TV and forcefully occupy its offices. The continued closure of the TV station, imprisonment of its director and presence of police in their offices in Hargeisa is part of the censorship and an attempt to intimidate other media from being critical of the Somaliland authorities. The shutdown came after the Television aired series of an “awareness” program about the growing use of Khat— among women in Somaliland last week which Somaliland authorities described as shameful to the women’s dignity. “Somaliland should withdraw blatant censorship and pull-out its forces from Horyaal24 TV offices immediately. The station and its journalists are exercising their journalistic duty and the authorities must not target them because of their media work,” added Osman. Last Tuesday, on 03 September 2019, Somaliland ordered the Internet providers to block access to a leading an independent news website, “Hadhwanaag.ca” which is currently inaccessible in Somaliland. This followed a request from the police after the news site published an article which alleges misuse of public money by the Governor of the Central Bank of Somaliland, Ali Ibrahim Jama (Baghdadi) that led to the order of the blockage. NUSOJ calls for a swift end to the wanton censorship and the intimidation of the media workers and reminds Somaliland authorities that it is the rights of the journalists to report about issues of public interest, including to investigating wrongdoings of public officials without fear of reprisal. “Arresting journalists, shutting down independent media houses and blocking access to news sites will further tarnish Somaliland’s poor press freedom record,” said NUSOJ Secretary, adding that the union voices alarm over the threats to media. Finally, NUSOJ urges Somaliland Government to allow the TV to resume operation, free its director and ensure that independent media outlets are not harassed, and permit journalists to practice their profession without any fear. View the full article
-
Qaadka iyo Haweenka “Toojaba waxaa loo godlaa say u gaar tahay”. Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba isku macne soo gudbinayaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan. Waxa albaabbada la isugu dhuftay dhowaan xarunta Horyaal TV24 ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo isna la xidhay mulkiilihiisii. Horyaal TV24 waxa uu ka mid yahay dhawr TV oo wakhti aan fogeyn ku soo biiray TV-yada badan ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka hawl gala. Waxa xadhiddiisa keenay oo loogu daw-galay barnaamij ay ka duubeen hablo uu tilmaamay in ay merfish qayilaadeed jilibka laabaan magaalada Hargeysa. Wax badan baa laga yidhi dhacdadaas, hase yeeshee waxa aan ka eegi dhinac kale oo aan wax badan laga odhan inta ogaalkayga ah. Waa xidhiidhka ka dhexeeya dhacdan iyo magaalowga (Urbanization). Inta badan Soomaalidu waxa ay ahayd ama ku tiirsanayd dhaqanka reer guuraannimada. Markii gobannimada la gaadhey 1960 waxa si weyn loogu soo ruqaansaday magaalooyinka, gaar ahaan xaruntii Muqdisho oo dadkii gobollada iyo dhulka miyigu ku soo qulquleen. Waxa isku dhac ka dib isku soo dhowaadey labadii dhaqan ee magaalada iyo reer guuraaga. Waxa is dhiibey oo magaalada la qabsi la samaynayey reer guuraagii iyo tuulo-jooggii. Belwedo magaalada ka jirey sida qaadka, sigaarka, khamriga, tumasho kale iwm. ayaa loo qaatay in lagu reer magaaloobayo iyo ilbaxnimo, markii la arkay dadka qaar magaalada ku dhaqan oo dugsada qaar belwedahaas ka mid ah ama dhammaantoodba. Ilbaxnimo ayay mar ahayd qiijinta sigaarku in afka kor loo la taagaa, sida eegga shiishadda ama badeecadda kor loogu afuufo. Wagaas iyo ka horba lagama aamusin la tacaalka belwedahaas in halistooda dadka looga digo, loona muujiyo in ay yihiin wax aan u wanaagsanayn caafimaadka iyo akhlaaqda aadmiga. Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhiirradey in ay belwedahaas iyo tabnaantooda bulshada u soo bandhigaan. 1966 isaga oo la hadlaya madaxdii dawladda ee xilligaas waxa uu ku lahaa gabaygiisii Tabaalaha Wakhtiga: Mid tacliinta loo soo diroo tadhaqa oo liid ah Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey toobaddiyo diinta Oo Aqal Tilmaan li’iyo khamriga gacan-toglaynaaya Oo uu talmiidkii yaraa taas ka baranaayo Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego! Mar kale isaga oo taas sii daba jooga, haween xilligaas ged cusub la soo baxayna ka hadlaya, waxa uu isla gabaygaas ku lahaa: Taaloogga naagaha jartee timaha qaar gooyey Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya Oo taranta Soomaaliyeed teedka kala gooyey Oo aan dhaqaalena u tudhin ubadna tuugeynin Oo toban-jirkii kori lahaa fadhay tagooggiisa Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego! Natiijooyinkii tabnaa ee arrimahaas waxa uu isla meel kale isla gabaygan ku lahaa: Tuweyskii la eed iyo hablaha tumashadoodiiye! Konton sannadood ka dib, burburkii weynaa ee Soomaaliya ka dhacay, waxa marka kale magaalada ku soo ruqaansaday intii dhulka reerguuraagu ku noolaa ku hadhsanayd. Magaaladu ma aha tii 1960-aadkii. Waa tu dhinac kasta ka burburtay, dadkeedana uu burburkaasi dhinac kasta ka saameeyey. Reer magaalkeedii in badan oo ka mid ahi ama waa ay qaxeen ama le’deen. Waa nolol wada qaawan iyo guri ba’ay. Dhankii aad jalleecdaba waxa kaa soo celinaya masaabiir mariidyo sun ah afka ku wata. Saboolnimo maal iyo mid maskaxeed ayaa midoobey oo is kaashanaya. Belwedihii awel dadka dhexdiisa oollimaadka ku lahaa waxa ay la kala baxeen baallaha. Waxa ay garaaceen albaab kasta oo ay in badan gundhada jareen. Waxa ay noqdeen meel lagu eerto oo lagaga baxsado runta silica iyo saxariirka jira. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad darro, dhaqaale darro (suququl maceeshadeed), qulub iyo qas maskaxeed ayay dadka intiisa badan is muteen. Si walbahaarka iyo culayska nololeed la isaga yareeyo, xaqiiqadana looga dhuunto, waxa lagu jabay in si baahsan loo la qabsado belwedaha ibtilowga ah ee qaadku ugu horreeyo. Rag iyo haweenba si toos ah iyo si dadban ayay taasi saamayn taban ugu yeelatay. Burburka guud ayaa dhalay burburro kale. Waxa burburaya qoysas badan. Waddanka Yemen oo ka mid ah meelaha qaadku diloodey warbixin laga qoray 2009 (Qat Increasingly Turns on Yemeni Women Groupies”, ayaa ka digeysa sida uu qaadku waxyeellada ugu hayo caafimaadka bulshada. Dhiig-kar, ilko beel, ilko xanuun, calool is taag, xanuunno ku dhaca oo barar halis ah ku keena uurkujirta sida caloosha, xiidmaha, mindhicirka, malawedka iwm, isla hadal, khaakhaayiraad iyo qulub ayay warbixintu sheegtay in qaayibidda qaadku keento. Shiishadda ama badeecadda ayaa si kooxaysan iyana loogu adeegsadaa meelahaas lagu bulsheeyo ee qaadka lagu cuno wadddanka Yemen. Ragga ayaa si gooni ah u wada qayila, dumarkuna waxa ay bilaabeen in ay merfisyo sallaxdaan. Dumar reero ka soo burbureen ayaa ka mid ah dumarkaas oo ubadkoodii marba u soo gelayaan iyaga oo qayilaya ama badeecad wada buufinaya, sida warbixintaasi xambaartay. Marka teenna loo eego taas waxa aad dareemaysaa in kala duwanaanta ugu weyni tahay in qaadku Yemen u baxo, innaguna aynu lacag adag ku soo iibsanno. Weligeed ba intuu qaadku ina soo galay cuniddiisu ragga oo keli ah uma gaar ahayn oo haba yaraadaane waa la arki jirey ama la maqli gabadh qayisha. Wax se cusub in hadda dumar badani ku walfeen cunidda qaadka. Yemen lafteeda hadda ka hor lagama aqoon merfishyo haween isugu habar-wacda in ay wada qayilaan. Arrinta markaas hadda muhiimka ahi ee dhacdadan Horyaal TV 24 ka soo baxday waa sidee loo waajahayaa wax ka odhashada iyo ka falcelinta mushkiladdaas bulsheed? Muuqaallo tabani mar kasta bulshada waa ay ka dhex jiri doonaan, sidii ay dorraato, shalayto iyo maantaba oollimaadka ugu lahaayeen, welina ugu leeyihiin. Waa biyo-kama-dhibcaan in muuqaalladaas laga falceliyaa oo wax laga yidhaahdaa. Laga ma aamusi karo oo isha miirta laga ma dhigi karo. Hase yeeshee, “xaajada badh baa la hojiyaa hu’ga la saaraa” Ma aha sida ugu wanaagsan sida hadda dhacday in ceebo jira oo wax u dhimaya akhlaaqda bulsheed lagu wada sayaxo oo marada laga wada qaado. Si bulshada looga wacyigelin karo waxa loo mari karaa dariiqyo kale oo badan. Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba ay macne isku mid ah soo gudbinayaan nuxur ahaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan. Haddii sheekada merfishku tahay xaqiiqo jirta waxa habboonaan lahayd in si kale hablaha wax loogaga weydiiyo waxa sababay merfishka oo la ogaado waxa kellifaya, dhibaatooyinka ka dhashay, iyada oo aan marnaba la muujinayn in goobtu tahay meel wax waxtar leh ama wax wanaagsan, loo na gol yeesho in tabnaanteeda la soo bandhigo si waafaqsan anshaxa iyo qaayosoorrada bulshada. Dhinaca caafimaadka iyo akhlaaqiyaadka ayaa lagaga iman karaa oo barnaamijyo iyo suugaan lagu cabbiri karaa. dhaqan-celin, u abuur fursado kale oo bulshaawinnimo sida ciyaaraha, waxbarasho iyo shaqo abuur noloshooda lagu hagaajinayo iwm. ayaa belwedaha lagu dawayn karnaa (yarayn karaa) rag iyo dumarba. In lagu sayaxaa waxa ay ka dhigan tahay “dhidar onkod ku kicin”. Ta u dambaysa, waxa aan khalad u arkaa in albaabbada loo xidho shirkad barbaahineed oo sharciyad leh, iyada oo aan loo marin tallaabo sharci ah. Sideedaba waxa loo baahan yahay in xadhigga degdegga ah iyo soo deynta degdegga ee raacda la iska daayo. Marka horeba maxaa qof ama shirkad loogu degdegayaa xadhiggooda? Marka ay warbaahin timaaddana waa ay ka sii xagjirtaa. Waxa ha’yadda warbaahineed ee darjiidha ama wax sharci darro ku tallaabsata la siin karaa digniin hore iyo mid kama dhambays ah. Waxa raaci kara ganaax dhaqaale. Xadhigga waa laga fursan karaa inta badan. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
-
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Magaalada Xudur kula kulmay maamullada degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka , ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka. Maamulladda iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid gobalka Bakool ayaa la wadaagay baahiyha ay qabaan bulshada gobalka ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si deegaanku u gaaro horumar iyo barwaaqo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maamullada degmooyinka iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka uu la qaatay uga war bixiyay qorshaha socodka uu ku yimid gobalkaan Bakool iyo guud ahaan deegaannada dowlad gobleedka Koofur Galbeed, ayaa u sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto baahiyaha jira ee caafimaad, waxbarasho iyo amni. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha, odayaasha dhaqanka iyo maamullada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo qaar kamid ah xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay labada xubnood ee uu soo magacaabo ee guddida cusub ee doorashooyinka Qaranka sida ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen wargeyska Geeska Afrika magacyada labadan xubnood ayaa kala ah 1)Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) 2)Foosi Hiraab Gale. Waa xubnihii u horeeyay ee Komishanka iyada oo ay dhawaan xisbiyadu sheegeen in ay soo xuli doonaan xubnahooda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Tafatiraha guud ee shabakadda wararka ee HadhwanaagNews Suxufi Cabdiqani Asbaro ayaa Ciidanka Booliska xabsiga u taxaabeen xalay. Sida ay ku noo sheegen dad goobjoog ah waxaa suxufiga qaaday ciidan ka buuxa Laba gaadhi oo Ciidanka Booliska kuwaaso ka kaxeeyay meherad ku taala xaafada Siinay ee Magaalada Hargaysa oo ku sugnaa. Waxaana xadhiga suxufigu sababtay in buuq uu dhex maro dadweyne goobtaa ku sugnaa, ku waas oo askarta waydiiyay in ay tusaan waaranka qabashada Suxufiga, balse booliska ayaa rasaas ku kala kexeeyay shicbka goobta ku sugnaa. Xadhiga Tafatiraha ayaa lala xidhiidhinayaa Guddomiyaha Bangiga dhexe ee somaliland Cali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi) balse illa ma jiraan war ka soo baxay laamaha amniga iyo xukuumadda Somaliland. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga amniga iyo sirdoonka baarlamaanka dalka Australia ayaa shaaciyey in koox argagixiso ah ay u aqoonsadeen Daacishta Soomaaliya ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Warbixin ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in kooxdan ay maleegeyso khatar halis ku ah amniga Australia iyo muwaadiiniinta dalkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku nool Australia ay xiriir la yeelan karaan kooxdaasi. Waxa kale oo ay dowladdu shaacisay in Daacishta Soomaaliya gesyan karto afduub ka dhan dadka reer Galbeedka, iyadoona muwaadiniinta dalkeeda ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah Daacish Soomaalya ee uu hoggaamiyo Cabduqaadir Muumin ayaa la aas aasay sanadkii 2015-kii, waxaana ay haatan ku xoogan tahay dhulka buuraleyda gobolka Bari. Kooxdan oo sanadihii dmabe sii xoogeysay ayaa sidoo kale weeraro u badan dilal qorsheysan ka fulisa magaalooyinka dalka oo ay ugu horreyso Caasimada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee Ucid Faysala Cali Waraabe ayaa sheegay in wadahadalka ay Soomaaliya la galayaan loo baahan yahay inuu ka dhaco meel beesha caalamka ay kor joogto ka tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay inaan loo baahneyn waddama deriska ah ay shirka soo xaadiraan. Injneer Faysal ayaa xusay in dhankooda ay ogolyihiin wadahadallada, laakiin waxaa uu hoosta ka xariiqay in madasha wadahadallada ay ahaato madal caalami ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; ” Wadahadalka ogolnahay, balse waxaan dooneynaa madal caalami ah oo dad ina kala qabta oo hadhow wixii aan ku heshiinno grantee waa inuu noqdo” Sidoo kale Faysal oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in madasha hadalka aan loo baahneyn in ay soo xaadiraan dowladaha deriska sida Eratiya, Itoobiya iyo Jabuutti, asaga oo sabab ugu dhigay in dowladda Soomaaliya ay u dhaw yihiin oo ay dhankeeda xigsanayaan, waxaana uu yiri ”Waxaa wadahadalladaa aan soo galeynin waddamada loo yaqaano front countries, Jabuutti waxaan niri ku marti galinmeyno, Itoobiya waxaan niri kama soo qeybgaleysid, Eratariya kama Soo qeyb galeysid, maxaa yeelay; dano gaar ah ayey leeyihiin Xamar ayey ku milmeen.” Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Muuse Biixi aqbalaaddii uu aqbalay soojeedintii beesha caalamka ayaguna xisbi ahaan ay qaateen diyaarna ay u yihiin. Hadalka guddoomiya xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Ucid Injineer Faysal Cali oo ku hadlay magaca Axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo beesha caalamka ugu baaqaday Soomaaliya iyo Somaliland in ay dib u bilaabaan wadahadalladii u dhaxeeyay oo muddo hakad ku jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Israa’iil)-Saqdii dhexe ee Xalay Diyaaradaha Isreal ayaa bambooyin ku garaacay Xarumaha uu Ururka Xamaas ku leeyahay Magaalada Qasa. Duqaymaha Ciidammada Isreal ka geysteen goobaha Xamaas ee Qasa, ayaa ka dambeeyay markii Gantaal laga soo riday Xadka Qasa ee dhinaca Falastiiniyiintu uu hakad geliyey isku soo bax qayb ka ahaa ololaha uu doorashada guud ee Isreal ugu jiro Netanyahu. Duqaymaha laga fuliyey Gudaha Magaalada Qasa ayaa waxa xaqiijiyey Millateriga Isreal, Arbacada Maanta. Mr Netanyahu ayaa saarnaa masraxa, waxaanu jeedinayey Khudbad uu kula hadlayey taageerayaashiisa, markii laga war helay inay gantaallo ku soo waajahan yihiin Magaalada Ashdod oo koonfurta Isreal ah, Xilli dambe oo Salaasadii Xalay ah. Duqaynta Xamaas ka geysatay Gudaha Isreal ayaa timid, Saacad uun ka dib, markii uu soo baxay Warka sheegaya in Netanyahu damacsan yahay inuu dooxada Jordan ku soo daro Isreal, sida uu sheegayo Wargeyska The National. Millateriga Isreal ayaa sheegay in Diyaaradahoodu beegsadeen illaa 15 Goobood oo ay ku sheegeen inay fadhiisimo u yihiin waxay ugu yeedheen Argagixisada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Goobo Hubka lagu farsameeyo, Godad iyo meelo kale oo ku yaalla Waqooyiga iyo badhtamaha Qasa. Laakiin, Ciidammada Isreal ma sheegin khasaaraha ay gaadhsiiyeen meelaha ay duqeeyeen inta uu leeg yahay, Xamaasna illaa hadda kama hadal. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu helnay ayaa sheegaya in Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Qatar uu maalin ka hor safar qarsoodi ah oo qaadatay hal maalin uu ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Abdallah Mohamed Mubaarak Saalax Al-khaliifi uu booqasho qarsoodi aheyd uu 8-dii bishan September ku yimid Muqdisho, waxaana ay magaalada ku hoydeen habeen, iyagoo shalay ka dhoofay. Taliye ku-xigeenka oo ay wehliyeen Saraakiil kale ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Mr Fahad Yaasiin oo bishii hore si buuxda xilka Taliyaha loogu magacaabay, kaddib muddo sannad ku dhow oo uu Sii haye ka ahaa Hey’adda. Ammaanka Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar ayaa waxaa la wareegay intii uu Muqdisho ku sugnaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan. Qatar ayaa saameyn weyn oo qoto dheer ku leh Hey’addaha Amniga iyo Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo la sheego inay taageero gaar ah siiso Hey’adda Sirdoonka ee uu hoggaankeeda haayo Mr Yaasiin oo xidhiidh dhow la leh Qatar. Labadii sanno ee u dambeeyay saameynta Qatar ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysaneysay, iyadoo si dhow u taageerto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana jiray booqasho dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tageen Doxa. Bishii hore ayaa waxaa booqasho ku yimid Muqdisho Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana uu ahaa Mas’uulkii ugu heerka sareeyay ee soo booqda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2015, waxaana Qatar ay haatan mallaayiin doollar ku bixineysa mashaariic kala duwan oo ay ugu weyn tahay dhismaha Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug. Source
-
Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga howlgeliyey ciidamo cusub oo loogu magac daray ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Puntland. Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsan doonaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Garoowe, ciidamada xilliga aysan shaqada kujirin soo gala magaalada, dhalinyarada ku howlan falalka ammaan xumo, soo celinta bilicda magaalada iyo rarista marfashyada iyo Kabarada qaadka. Duqa degmada Garoowe, guddoomiya ku-xigeenka gobolka Nugaal, taliyaasha ciidamada booliska iyo Daraawiishta iyo wasiirka amniga dowladda Puntland oo si wadajir ah ula hadlay ciidanka kujira howlgalkaan ayaa ku booriyey inay dhowraan anshoxooda iyo xuquuqda shacabka aysanna sharciga cidna dhaafsan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Puntland oo howlgelisey ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Garoowe. appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Pakistan)-Dowlada Pakistan ayaa ka dalbatay qaramada midoobay in baadhitaan lagu sameeyo xaalada gobolka Kashmiir ee dhanka Hindiya. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ayaa waxaa ka muuqday dad maxaabiis ah oo ciidanka Hindiya jidh-dilayaan, iyadoo qaarkood koronto lagu Qabtay. Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Maxamuud Qureyshi ayaa ka sheegay magaalada Genava in muslimiinta laga tirada badan yahay ay wajahayaan hanjabaado kaga imaanaya Hindiya. Mr Qureyshi ayaa intaa raaciyay in hadii xaalada sidan ay ku sii socoto, ay isku badali doonto howlgalada ciidanka Hindiya mid isku badala xasuuq loo geystay dadka reer Kashmiir. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudiga ayaa Cambaaraysay Qorshe uu Raysal-wasaaraha Isreal ku doonayo inuu dooxada Jordan ugu daro Dhulka Dalkiisa Isreal. Raysal-wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu oo ku jira ololaha doorashada guud oo Toddobaadka soo socda dhacaysa ayaa sheegay in haddii xafiiska ku soo laabto oo uu doorashada ku soo baxo inuu Dooxada Jordan oo qayb ka mid ahi ku taallo Daanka Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta uu ku soo dari doono Isreal. Dooxada, qaybteeda Daanta galbeed ku taalla ayaa waxa ka dhisan 65 kun oo Guri oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo illaa 11 kun oo Yuhuud la deegaameeyay leeyihiin, laakiin Benjamin Netanyahu ayaa doonaya inuu gabi ahaanba si xoog ah ugu soo daro dhulka Isreal. Boqortooyada Sucuudiga oo ka xun Go’aankan uu ku ololaynayo Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay isla-markaana sheegay inay arrintaasi khatar ku tahay Dadka reer Falastiin. Dawladda Sucuudiga ayaa kulan deg-deg ah oo arrintaa laga yeesho ugu baaqday 57 Dawladood ee Islaamka, si arrintan wada-hadal looga yeesho. Dooxada Isreal damacsan tahay ayaa Juquraafi ahaan dhanka Waqooyi ka xigta Badda dhimatay. Source
-
(SLT-Gaza)-Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ku soo riday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin. Arrintaan ayaa timid maalin kadib markii Israa’iil ay duqeyn ka bilowday agagaarka deegaanada ku teedsan xeebta Gaza. Warbaahinta Falastiin ayaa dhanka kale tabisay in ururka Xamaas ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca drone-ka oo mareysay bariga magaalada Rafah oo dhanka koonfureed kaga beegan Gaza. Dhanka kale millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaanada la xidhiidha diyaarada shalay galinkii danbe laga soo Riday. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta ka qeyb shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ee weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Shirka oo galay maalintiisii shanaad ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarayaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug. Qaar ka mid ah ergada ka qeyb galeysa shirkaasi ayaa su’aallo adag wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliyeed ka weydiidyey arrimaha ammaanka ee Galmudug, gaar ahaan ciidamada ay dowladdu geysay magaalooyinka qaar ee maamulkaasi. Wasiir Ducaale ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee dowladda uu yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Galmudug iyo sidii loo heli lahaa maamul mid ah oo loo dhan yahay. Waxa kale uu sheegay in ciidanka dowladda kaliya ay ka shaqeynayaa xasiloonida deegaanka iyo sidoo kale sidii u xaqiijin lahaa amniga goobaha doorashooyinka. Ugu wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay howlgalladii ugu dambeeyey ka gaareen guullo waa weyn, islamarkaana ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano hor leh. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Somaliland has been self-governing for more than two decades and has held successive democratic elections. It has its own army, currency, passports and flag and functions completely autonomously from Somalia, which it broke away from in 1991. But Somalia and the world are yet to recognise Somaliland, holding back foreign investment. Despite this obstacle, Somaliland is attempting to forge ahead by modernising its economy by establishing an ambitious new trade corridor with Ethiopia following a large investment in road and port development by the UAE and seeking investment in new industries that will soak up large numbers of unemployed youth. It is a country that must make a series of transitions – from nomadic livestock rearing to modern farming, from rain-fed cultivation to irrigation, from exploring oil to producing it and from an inefficient and expensive diesel-based energy supply to renewable energy amongst others. This battle to do new things in a tough neighbourhood will define Somaliland and the Horn of Africa over the next decade. Report by the Brenthurst Foundation Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareejiyey Hoogaanka Shirka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta. Soomaaliya Xilkaan heysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay shalay ayeyna si-rasmi ah u wareejisay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in mudaddii xilkaas Soomaaliya soo heysay u soo qabsoomeen waxyaabo badan aad u wanaagsan. Source
-
Laash ay saaran yihiin shan ruux oo kalluumeysato ah ayaa todobaadkan lagu waayay xeebta gobolka Guardafui ee Puntland sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolkaasi Maxamuud Axmed Caynab. Guddoomiyaha oo wareysi siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in kalluumeysatada la waayay ay Sabtidii ka baxeen xeebta degaanka Binna oo u dhexeeya degmooyinka Baargaal iyo Gumbax ee gobolka Guardafui. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu socdo gurmad xooggan oo lagu baadi-goobayo kalluumaysatadaasi la waayay balse aan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in helo raq iyo ruux midna. Hoos ka daawo wareysigiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Faahfaahin: kalluumaysato lagu waayay xeebaha gobolka Guardafui ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Saacid ayaa qiray in weli ay jirto awooda Al-Shabaab, islamarkaana ay yihiin dad Soomaaliyeed oo la kari waayey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu qabo in wadahadal toos ah lala galo Al-Shabaab, si dalka loogu soo dabaalo nabad gelyo iyo xasilooni. “Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed waa la kari waayey, waxaa fiican in laga guuleysto, nabadd wadahadal ku timaadana lafteeda lama dhayalsan karo.”ayuu yiri Cabdi Faarax Shrdoon (Saacid). Waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo hay’adaha amniga, gaar ahaan dadka ka shaqeynaya oo uu xusay in loo baahan yahay inay ahaadaan dad khabiiro ah. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo looga fadhiyo inay la timaado qorshe cad oo lagaga adkaan karo kooxda Al-Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-1-Saaciid-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE 11 September 2019 British Government signs agreements worth £31m to support development in Somaliland The UK yesterday signed an agreement with the Government of Somaliland and the Netherlands to support the implementation of Phase II of the Somaliland Development Fund (SDF2) programme, which aims to improve the lives of local people through the delivery of essential public services. SDF2 (£25m, 2018-2022) programme, will be delivered in partnership with the Somaliland government to promote long-term stability in the region. It will help improve the lives of the people of Somaliland by building critical infrastructure, such as roads, water systems and agricultural facilities, and will also help build capacity within Somaliland’s institutions. The new programme which is aligned to Somaliland’s National Development Plan II (NDPII) will build on the achievements of the original SDF (2013-2018) programme. The UK and Somaliland also signed a renewed Memorandum of Understanding to support the implementation of the Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) Programme that aims to provide a clean, affordable renewable energy boost in Somaliland. The agreements were signed by President Bihi and Damon Bristow, the Head of Office for the UK’s Department of International Development (DFID) in Somalia. The British Ambassador, Ben Fender, and the Head of the British Office in Hargeisa, Stuart Brown, were also present. Speaking after the signing ceremony at the Presidential Palace in Hargeisa, Damon said: “The UK is committed to supporting the people of Somaliland. We recognise the efforts being made to improve institutions and to provide access to basic services for local people.” “SDF 2 will ensure that ordinary people across Somaliland will benefit from improved services by supporting the growth of Somaliland’s economy.” “ESRES will address the high costs of electricity in Somaliland and help promote green growth and poverty reduction by increasing access to more affordable and reliable renewable energy services.” While in Hargeisa, Damon Bristow visited the Hargeisa Water Agency which SDF is supporting to supply clean water to the people of Hargeisa. He also visited the Somaliland Roads Development Authority (RDA) to discuss the UK’s investment in roads and supporting the RDA’s capacity to deliver on quality and safeguarding standards. Qaran News
-
Addis Ababa (SMN) – Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4), Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad . wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay… Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta. View the full article
-
Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4), Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad . wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay… Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta. Source: goobjoog.com
