-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-11092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay odayaashii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay u hoggaansamay amar kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab uguna tagay goobaha ay ka maamulaan dalka. War-saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay caddaynaysaa odayaasha ay soo bandhigayeen kooxda Alshabaab intooda badan in aysan aheyn odayaal rasmi ah, ayna yihiin kuwa ay been abuureen una galiyeen koofiyado iyo cimmaamado, isla markaasna ay qasab uga hadal siiyeen”. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka u hoggaansama amarada kasoo baxa Al-Shabaab, “Dowladdu, waxay uga digaysaa qofkasta oo u hoggaansama hanjabaadaha iyo marin-habaabinta kooxda Alshabaab, waxeyna xasuusinaysaa shacabka Soomaliyeed in aan bad-qab lagu helayn u nuglaanshaha hanjabadaha kooxdaas argagixisada ah”. Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka kasoo baxay ku sheegtay in la wiiqay awooda Al-Shabaab, “Waxaana xusid mudan, in kooxda si xoogleh loo wiiqay awoodooda taas oo ay cadayn utahay in ay maalmihii danbe aad u korortay tirada ka soogoosanaysa isla markaana laga saaray goobihii ay ku xooganayeen,waxaana si dar dar leh isku soo dhiibayay saraakiisha iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraaka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay cadaadis daran oo ay sheegtay in Al-Shabaab ay ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan, “Dowladda canbaareynaysaa bahdilka, jajuubka iyo xad-gudubka ay kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ku hayaan dadka Soomaaliyeed,ee ku nool tuulooyinka fog gog iyo meelaha yar yar ay ka taliyaan oo ay beryahaan soo bandigayeen iyagoo jirdilaya oo ku qasbaya in ay hadlaan,taasoo ah dhaqan maafiyo, gef-waynna ku ah Diinta iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed”. War-saxaafadeedka caawa kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay sidaan: “Uga danbeyn, dowladda Soomaaliya waxay tillaabo sharci ah ka qaadeysaa cid-kasta oo xiriir dhex maro kooxaha argagixisada ee caadaysatay dhibaataynta shacabka”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu bilaabay olole uu ku raadinayo guddoomiyenimada xisbi xaakimka KULMIYE. Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu ku hawlanaa qorsheyaal uu ku doonayo in ku ruxo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si ugu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi la wareegay tallada dalka waxa uu olole u galay sidii uu hanan lahaa xilka guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE oo hayo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu kulamo kala duwan oo gooni gooni ah la qaatay qaybaha kala duwan bulshada reer Somaliland. Warar hoose oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi uu maalmihii u dambeeyay uu xoojiyay ololaha uu ugu jiro hanashada kursiga guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, isaga oo toos u bilaabay in uu kulamo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland. Siyaasiyiin taabacsan wasiir Maxamuud Xaashi oo qaarkood ay ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa marar kala duwan oo ay warbaahinta la hadleen waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi ka codsadeen in guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE uu ku wareejiyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa ka war helay qorsha uu ku hawlan yahay wasiirkii hore Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi waxaana arrintaasi ay ku abuurtay dareen cadho leh. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan ay arrinta kaga arrinsanayo waxa uu la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ah guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Axmed Cabdi Dheere, waxaana kulankaa lagu go’aamiyay inay sameeyaan wax kaste oo ay kaga hor-tagayaan ololaha Maxamuud Xaashi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyaha labaad ee xisbiga KULMIYE siyaasi Axmed Cabdi Dheere oo ka mid ah dadka ay aad isku dhaw yihiin waxa uu ku amray in uu warbaahinta la hadlo kana hadlo arrinta guddoomiyenimada KULMIYE isaga oo si dadban ugu quus-goynaya Maxamuud Xaashi. Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya wada-hadalada mudada badan hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland. Faysal Cali ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in ay ka qeyb qaataan wada-hadaladaasi dalal ay ka mid tahay dowlada Jabuuti, oo ku tilmaamay kuwo dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladahaasi ay ku milmeen dowlada federaalka Soomaaliya, isagoona shiki galiyay dhex-dhexaadintooda ku aadan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Soomaaliya iyo Somaliland wada-hadaladeeda waxaanu ka sameynay go’aamo is-afgarad, waxayna odhanayaan go’aamadaasi ‘wada-hadalka waanu ogolnahay, hase ahaate waxaanu dooneyna madal caalami ah oo dad noo kala qabta”. “Waxaynu ka joojinay oo aan soo galeyn wada-hadaladaas wadamada bariga Afrika, Jabuuti waxanu nidhi ku marti-gelin mayno, Itoobiya waxaynu nidhi ku marti-gelin mayno kama soo qeyb-galeysid, Eratareya kama soo qeyb-galeysid, maadama dano gaar ah ay leeyihiin, iyaguna Xamar bey ku milmeen, markaa maynu sugeyna dhex-dhexaadnimo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu ogolnahay in aanu Soomaali la jaalno, laakiin kuwa hada jooga la hadli mayno, waa nagu ceeb in aynu la hadalno dad aan cidna matalin oo cidna soo dooran, oo weliba isku keen sawiraan xaaraan bey ka tahay”. “Soomaaliya wax la yiraahdo ma jirto, dowladd ka jirta Soomaaliya iyadna majirto, waxa weeyi si loola dagaalamo dhalinyartaas ayaa la ictiraafay, si kheyraadka dagaalka ka socda kharashka ku baxaya sidii looga guran lahaa Badda, ayaa loo ictiraafo laga saxeexay”. Hadalkan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya xili ay dowlada Jabuuti mudooyinkii u dambeysay ay dadaalo badan galineysay sidii ay wada-hadaladaasi uga ciyaari laheyd door muhiim ah, iyada oo labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland socdaalo kala duwan ku tageen caasimada dalkaasi Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay Lacag dhan £31 Milyan oo Gini oo ay la saxeexatay Xukuumadaha Somaliland iyo Netherlands oo loogu talogalay in lagu fuliyo wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2, kuwaasi oo wax lagaga qabanayo horumarinta adeegyada bulshadda. Siday soo warisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, madaxa Hay’adda DFID Damon Bristow ayaa shabakadda xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK u sheegay inay 25 milyan oo Ginni ay Ingiriisku kaga qayb qaadanayaan wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF2, waxaanu tilmaamay in lacagtaasi loogu talogalay mashaariic la hirgelinayo inta u dhexaysa sannadaha 2018 ilaa 2022ka. Madaxa Hay’adda DFID wuxuu sheegay in dhaqaalaha lagu fulinayo mashaariicdaas ay ugu deeqeen Somaliland, si wax loogaga qabto dhinacyada Waddooyinka, Biyaha iyo Beeraha. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ay ku jiraan mashaariic lagu xoojinayo hay’adaha dawliga ah ee Somaliland. Waxa kaloo sarkaalkaasi xaqiijiyey in mashruucii hore ee Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo socday 2013kii ilaa 2018 uu guulaystay. Iyadoo Mashaariicdan cusub ee ay la saxeexdeen dawladda Somalilandna ay waafaqsan yihiin qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka. Damon wuxuu xaqiijiyey in UK ay ka go’an tahay inay taageeraan bulshada Somaliland, isla markaana ay la socdaan dedaaladda iyo taabogalka ay noqdeen laamaha dawladdu, si ay adeegyada daruuriga ah u gaadhsiiyaan dadweynaha. Waxa kaloo uu sheegay in wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland ay ka faa’iidi doonaan dadweynaha Somaliland oo dhammi isla markaana ay ka heli doonaan adeegyo horumarsan, isagoo intaas raaciyey in sanduuqa SDF2 uu saacidi doono koboca dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland. Source
-
Somalia’s Minister of Foreign Affairs Ahmed Ise Awad handed over the rotating seat as the chairman of Arab Foreign Ministers on Tuesday in Cairo, Egypt’s capital. Addressing the final session of the Arab Foreign Ministers, Awad announced that Somalia handed back the chairmanship to Mohamed Ali Alhakim, the foreign minister of Iraq. Awad mentioned that the 6 months that he has been at the helm of Somalia succeeded many things including bringing together the politics of the Arab League and their Allies. In this year, the Arab Foreign Ministers were discussed more the issues and the crises for the people of Palestine, and the endless wars in Libya, Yemen, and Syria. In general, the countries that united in the Arab League have met for all Foreign Ministries, and every year the meeting held in different Arab countries discussed current issues in these united countries. Somalia had the chairman position for the past six months. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Bahal Duulaya Oo Carruur Ku Cunay Degmada Gaashaamo, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Waxaa mudo todobaad ah oo ka billaabanaysa 14-ka bishan la hakiyay dalbashada baasaboorka Soomaaliya. War kasoo baxay heyadda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaliya ayaa lagu sheegay in loo hakiyay arrimo farsamo oo jira. “Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka.” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga waaxda socdaalka Soomaaliya ee facebook. Go’aankaan lagu hakiyay dalbashada baasaboorka mudada todobaadka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale horay muddo seddax maalmood ah loo hakiyay howlaha Hey’adda dambi barista booliska Soomaaliya ee CID-da, mudadaas oo maanta ku ekeed. Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa hay’adaha ugu musuq maasuqa iyo wax is daba marsiiska badan dalka, ayada oo xaruntaas ay tahay meel lagu dhibo lacag badan oo laaluush ahna looga qaato muwaadiniinta baasaboorka doonaya. Hakintan cusub ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inay ugu wacan tahay musuq maasuqa hay’addan oo xargaha goostay, islamarkaana laga yaabo in baaritaan lagu sameeyo. Agaasimaha waaxda socdaalka Maxamed Aadan Koofi, oo marar badan la damcay in xilka laga qaado ayaa waxaa hor-istaagay nin ay isku beel yihiin oo saaxib la ah madaxweyne Farmaajo, mana jirto wax laga qaban karo musuq maasuqa hay’adda. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Diinsoor (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayan qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Qaraxa oo la sheegay in uu ka dhacay goob mashquul badan ayaa la tilmaamay in uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Tiradda saxda ah ee geerida ayaa nan la xaqiijin karin sababo la xiriirta isgaarsiinta degmada oo tan iyo markii weerarku dhacay culus. Ma jiro wax war ah oo ku aadan qaraxan oo kasoo baxay mas’uuliyiinta, sidoo kale, illaa iyo haatan kooxna ma aysan sheegan in ay ka dambeysay. View the full article
-
Xudur (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool ka Dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xuddur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta Gobalka Bakool. Istibaalka Xuddur oo dhismihiisu uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya Bulshada degaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray Magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay. Bulshada ku nool Magaalada Xuddur, maamulka Gobalka Bakool iyo kan Degmada Xudur ayaa markii Ra’iisul Wasaaruhu uu gaaray Magaalada ka codsaday in Dowladdu ay wax badan ka qabato baahiyaha caafimaad, ayaa ka mahad celiyay Dhagax dhigga mashruuca lagu dhisayo Isbitaalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale Xarigga ka jaray mashruuc Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay Waddada isku xirta Gegida Diyaaradaha iyo xarunta Gobaka , wuxuuna mudane, Kheyre Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay Lacag lagu casriyeynayo Garoonka Kubbadda Cagta ee Dr; Waaberi , taa oo uu Ra’iisul Wasaaruhu Maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa. Himilooyinka tubta horumarinta arrimaha Bulshada oo qayb ka ah Afarta tubood ee Qaranka, ayaa waxaa ka mid ah hir-gelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo Lacag la’aan ah iyo sameynta mashaariic lagu horumarinayo Dhallinyarada Soomaaliyeed. View the full article
-
(SLT-Denmar)-Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa gabadh Soomaali ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ku xukuntay sannad iyo sagaal bilood oo xadhiga ah, kadibna dalka laga saaro. Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in gabadhan laga qaado oo dowladda ay kala wareegto carruur ay dhashay. Maxkamadda ayaa gabadhan ku eedeysay in caruurta ay hagardaameyn jirtay. Waxa arrintan ka warramaya Saciid Cabdi Cali oo ay gabadha xigto yihiin, kuna sugan dalka Denmark, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-11092019.mp3 View the full article
-
Hadii ay jirto kala fogaansho iyo is fahamka oo xumaad, ma iska celin karnaa Cadowga dibada? Tusaale Dagaalka bada ee nagu socda islamarkaana ay waddo Kenya, waa khatar waxa uuna yeelankaraa wajiyo kale waxaana-nala dagaalamaya dal hey’adiisa dhisanyihiin tan iyo markii uu xorriyadda qaatay. Run ahaantii Dalkaan waxa uu ka soo baxay dagaalo Sokeeye,mana dhicin dunida casriga ah dal ay burbureen hey’adihii dowliga ahaa Dhamaan,Isla markaana toosi waayay 29sano, iyadoo waqti iyo qarash xoog leh la geliyay. Waa ayaan darro,waana ku ceeb siyaasiyiinta, iyo indheergaradka Soomaaliyeed inay sidaa iska ahaato Soomaaliya muddo aad u dheer, sidoo kalana waa ayaan daro in siyaasi kastaa uu meesha laga yimid uusan garanayn,ee uu reerka u wado meeshay la noqoto. Waa in aanan la is yeel-yeelin waxa is hayaa ma aha Dhalinyarada,Haweenka,Culimada , ee waa siyaasiyiinta oo marba dhinac aadaya sida, Maamulada oo hadda aan la ogayn marka doorasho soo dhawaato muxaafidiinta say noqon doonaan. sSidoo kale mucaaaradka lama yaqaan halka uu jirsan doono iyo dowlada dhexdeeda ee hadda iscalman siday noqon doonaan markii doorasho la gaaro. Ma kula tahay in siyaasiyiinta Soomaalida kala adkaanayaan ? Aniga ilama ahan sababtoo ah horay ayey ukala adkaan waayeen,waxaana Soomaalida ugu wacan ayaan darrada heysata, in markii hore ahaayeen dad miyiga ka yimid,hub iska haysta, islamarkaana unoolaa siday doonaan. Sidoo kale ma’ahan waxa la isku hayo mabda iyo caqiidooyin waa wayn. Aduunyada kale ma jiro dal Sanad dowlad la’aan noolaan kara ,anaga dad bay sidaan ugu badisaa ama daneeya dowlad la’aanta. Waxay ila tahay in Dowlada hadda jirta ee Madaxwayne Farmaajo hormuudka ka yahay ay saaran yahay masuuliyad wayn oo ah: In Dastuurka la dhamaystiro asagaa dadka dabri kara. In dib u heshiisiin iyo issa saamaxaad la bilaabo. In laga heshiiyo waxyaabaha la isku hayo. In arinka doorashada 2021-ka laga heshiiyo nooceeda iyo qaabkeeda. In Dowladu inkirin xoogaga siyaasada ee jira kolay way aqbali doontaaye. W/Q: Faysal Ahmed Warsame (Qaran) Gudoomiyahay Dallada Bulshada Rayadka ah ee Puntland (Punsaa) AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa)-Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa sheegtay in Arbacada Maanta iyo Maalmaha foodda innagu soo haya ay Somaliland ka da’i doonaan Roobab waaweyn. Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha, Cabdiqani Galaydh oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay Maalmaha soo socda yareeyaan Safarradooda Gobollada Dalka, maaddaama oo Roobab waaweyni da’ayaan “Maanta, Berri iyo illaa sahan dambe, waxa da’i doona haddii Allaah yidhaahdo Roobab fiican, siiba Maanta oo bishu tahay 11..” ayuu yidhi. Agaasimuhu wuxuu farriin u diray Dadweynaha reer Somaliland “Gobollada galbeedka aad bay Maanta iyo Berri-ba Saxmaddoodu u badanaysaa, Maanta waxa qalin-jabinaysa Jaamacadda Camuud, Dad badan baa Hargeysa iyo Gabiley ka baxay, Gelinka dambena oo soo noqon doona, markaa Shacabka Somaliland waxaanu la socodsiinaynaa inay la socdaan Roobka Maanta gelinka dambe da’aya, iskana ilaaliyaan dooxyada..” Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay gudoomiye kuxigeenka Somaliland u qaabilsan degmada Badhan, sida ay sheegayaan warar hada nasoo gaaray. Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Suldaan Suus” ayaa ciidamada Puntland waxay xireen kadib markii uu ka dhago adeygay baaqyo kala duwan oo maamulkooda ugu soo jeediyen in uu ku biiro, isla markaana iska casilo xilka uu Somaliland u hayo, sidii ay hore ugu biireen maamulka Puntland Guddoomiyihii degmadaasi. Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ku howlaneed qorsho ay Mas’uuliyiinta deegaanada ay isku hayaan Somaliland kula soo wareegayaan, taasi oo mudooyinkii dambe sare u qaaday madaxda ka soo goosatay Somaliland. Guddoomiyihii magaalada Badhan iyo Taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan, ayaa hore ugu biirey maamulka Puntland, kuwaasi oo kordhinayey tirada madaxda Somaliland ka soo goosatay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in cid gaar ah loo xidho kooto, waxaanu si gaar ah fariin iyo talo ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal iyo Shir la filayo inay qabsadaan Beelaha Arab, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii dhawaan qabtay dalka Jabuutii, ee aynu jaarka nahay, oo aan runtii u arko inay Muqdisho aad u taageerto, madax banaanideenana aanay raali ka ahayn, sidaas darteed wax faafaahin ah oo la inaga siiyey socdaalka Madaxweynaha ee Jabuuti ma jiro, sababta dhabta ah ee uu socdaalkiisana si dhab ah looma sheegin, laakiin sida la sheegayo wuxuu u tagay arinta Cable-ka, waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha, waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno” Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in cid gaar ah loo xidho kooto, waxaanu si gaar ah fariin iyo talo ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal iyo Shir la filayo inay qabsadaan Beelaha Arab, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii dhawaan qabtay dalka Jabuutii, ee aynu jaarka nahay, oo aan runtii u arko inay Muqdisho aad u taageerto, madax banaanideenana aanay raali ka ahayn, sidaas darteed wax faafaahin ah oo la inaga siiyey socdaalka Madaxweynaha ee Jabuuti ma jiro, sababta dhabta ah ee uu socdaalkiisana si dhab ah looma sheegin, laakiin sida la sheegayo wuxuu u tagay arinta Cable-ka, waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha, waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno” Mar uu ka hadlaayey tabashada reer Boorama ayaa yidhi “Haddii ay Shacabka Awdal iyo Salel, wax sheegtaan, oo saami-qaybsiga saluug ka muujiyaan xaq bay u leeyihiin in tabashadooda la dhegaysto, laakiin in la iska indho tiro xaq looguma laha”. , waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha, waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno” Mar uu ka hadlaayey tabashada reer Boorama ayaa yidhi “Haddii ay Shacabka Awdal iyo Salel, wax sheegtaan, oo saami-qaybsiga saluug ka muujiyaan xaq bay u leeyihiin in tabashadooda la dhegaysto, laakiin in la iska indho tiro xaq looguma laha”. Source
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa weli ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamo loo qaramayn doono dowladda Soomaaliya lana dagaalami doona ururka Alshabaab. Khayre oo la hadlay ciidanka ayaa ku ammaanay sida ay naftooda ugu hureen difaaca iyo badbaadinta umadda Soomaaliyeed isagoona u balan qaaday inay heli doonaan xuquuqdooda. DAAWO PUNTLANDPOST The post Khayre oo booqday xeryaha ciidamada ee magaalada Xudur. appeared first on Puntland Post.
-
11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas. Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington. Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay. Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001: Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan. Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed. 1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa. 1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii. 26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika. 7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii? 20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”. 7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September. Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka. 18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen. February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada. 1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow. 10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida. 6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro) kaasoo ugu dambeyntii duqeyn lagu dilay. 1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada. 28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo. Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada. 1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta. Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan.
-
(SLT-Boorama-)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 974-Arday oo ka qalin-jebiyey jaamacadda Cammuud taas oo lagu qabtay xarunta ay jaamaaddu ku leedahay magaalada Boorama. Munaasibadda qalin-jebinta 974-ka Arday oo ah dufcaddii 18-aad ee ka qalin-jebisa jaamacadda Cammuud, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor, aqoonyahan, madax-dhaqameed, waalidiinta Ardayda qalinjebisay iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta waxbaratay iyo dedaalka ay u galeen horumarinta naftooda. Hormuudka Jaamacadda Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu horrayn munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, guulaha ay gaadhay iyo dedaalka naf-hurnimada leh ee ay ardaydani ugu dhabar-adaygeen inay ka midho dhaliyaan hammigii ay lahaayeen, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay bulshada ugu faa’iideeyaan cilmiga ay barteen. Sheekh Maxamed Aadan oo Afka waalidiinta ku hadlay, ayaa isaguna ku bogaadiyey Ardayda qalin-jebisay dedaalka ay sameeyeen, waxana uu ka codsaday inay ka soo celiyaan abaalkii ay waalidiinta iyo macallimiintuba geliyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey da’yarta cusub ee jaamacadda ka qalin-jebisay, waxana uu tilmaamay inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen sidii dalku u heli lahaa aqoonyahanno diyaar u ah inay dadkooda u shaqeeyaan. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey Ardayda maanta qalin-jebisay, waxana uu xasuusiyey midhaha laga filayo iyo baylahda badan ee hortooda taalla, isaga oo kula dardaarmay inay horumarkooda ka shaqeeyaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu kamid ahaa bahdii kasoo Aflaxay Jaamacadda Cammuud, ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray Ardayda Qalin-jebisay, waxana uu si gaar ah u bogaadiyey hormuudka gacanta ku haya jaamacadda Hargeysa oo uu ku tilmaamay aqoonyahan soo saaray da’yar maanfuran oo aqoon tayo leh lagu canqariyey. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu muujiyey sida uu mar walba muhiimadda u siiyo jaamacadda Cammuud, isaga oo xusay inuu safka hore ka geliyey jaamacadaha uu farxadda qalinjebinta la qaybsanayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan maalmahan farxadda la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacado ka qalinjebinaya, waxana aan Kow ka dhigay oo ugu horraysa Jaamacadda Cammuud, waayo waxa aan ka tirsanahay bahda Cammuud.” Madaxweynuhu waxa uu aqoonyahanka qalinjebiyey ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshada dhexdeeda ka jira, “Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah ardayda qalin-jebisay oo hormuud ahaa kulliyadaha ay ka baxeen, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynahoodu kala qayb-galo qalinbeintooda. Wa-bilaahi Tawfii Source
-
(SLT-Boorama)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Buundada isku xidha jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama oo dhismaheedu in muddo ah socday, horena madaxweynuhu u dhagax-dhigay. Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Mudane Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso Buundadu, waxana uu tilmaamay inay ku han weyn yihiin inay dhawaan dhammaato. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maareeyaha iyo hawl-wadeennada kale ee hay’adda horumarinta waddooyinka ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen dhismaha buundada, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay xil iska saaraan dhammaynteeda. Buuntada isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama, ayaa halbawle u ah isu socodka jaamacadda iyo magaalada, waxana uu madaxweynuhu isaga oo dareensan muhiimadda waddadan uu ballan ku qaaday dhismaha iyo hirgelinta Buundadaas muhiimka ah. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool ka Dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xuddur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta Gobalka Bakool. Istibaalka Xuddur oo dhismihiisu uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya Bulshada degaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray Magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay. Bulshada ku nool Magaalada Xuddur, maamulka Gobalka Bakool iyo kan Degmada Xudur ayaa markii Ra’iisul Wasaaruhu uu gaaray Magaalada ka codsaday in Dowladdu ay wax badan ka qabato baahiyaha caafimaad, ayaa ka mahad celiyay Dhagax dhigga mashruuca lagu dhisayo Isbitaalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale Xarigga ka jaray mashruuc Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay Waddada isku xirta Gegida Diyaaradaha iyo xarunta Gobaka , wuxuuna mudane, Kheyre Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay Lacag lagu casriyeynayo Garoonka Kubbadda Cagta ee Dr; Waaberi , taa oo uu Ra’iisul Wasaaruhu Maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa. Himilooyinka tubta horumarinta arrimaha Bulshada oo qayb ka ah Afarta tubood ee Qaranka, ayaa waxaa ka mid ah hir-gelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo Lacag la’aan ah iyo sameynta mashaariic lagu horumarinayo Dhallinyarada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
