Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Loollanka doorashada madaxtinimadda Galmudug ayaa si xowli ah ku bilaawday, iyadoo durba lasii calaameeyay labadda musharax ee noqon kara kuwa ugu cadcad. Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo loo arko inuu garab ka helaayo Dowladda Federaalka ah iyo Cabdiraxmaan Odawaa oo ah gacanta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu dhexyaala hardanka ugu adag. Dadka qaar ayaa durba bilaabay iney hoos u dhigaan rajadda uu musharax Odawaa ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha Galmudug, waxeyna sabab u dhigayaan saddexdaan qoddob. 1-Farqiga beelaha iyo xildhibaanada Federaalka. Galmudug waxaa degan oo xildhibaanada loo qeybiyaa 11 beelood. Marka la joogo Galmudug waxaa caadi ah in xildhibaanada Federaalku ay saameyn xoogan ku lee yihiin soo xulista xildhibaanada Galmudug. Xafladii uu Cabdiraxmaan Odawaa kaga dhawaaqay musharaxnimadiisa waxaa joogay xildhibaanada 3 ka mid ah 11-ka beelood ee degan Galmudug, halka uu musharax Qoor Qoor soo bandhigay xildhibaanadda 11-kaas beelood ku matala Dowladda Dhexe. Tani waxey muujisay in Odawaa uusan heysan taageerada inta badan beelaha Galmudug. Xildhibaanada Dowladda dhexe ku matala Galmudug ayaa inta badan xusul-duub ugu jira iney soo saaraan qof ay wataan si 2020 ay ugu soo laabtaan Baarlaamanka Federaalka ah. Dadka aadka u faaqida arrimaha Galmudug waxey sheegayaan in musharax Odawaa uu aruursaday xildhibaanadii caanka ka ahaa Facebook halka uu musharax Qoor Qoor aruursaday xildhibaanadii go’aaminayay kuraasta qabiiladooda. 2-Khilaaf ka cararka reer Galmudug Dadka reer Galmudug ayaan 4 sanno helin adeeg maamul. Waxey sanadihii dambe daawanayeen khilaafka Villa Somalia iyo Galmudug. Waxey aaminsanyihiin iney halkaas wax badan oo horumar ah ku seegeen, sidaa darteed waxaa u muuqata in aaney hada xiiso u qabin hogaamiye khilaaf abuur ah. Qodobkaan wuxuu si weyn u saameynaya musharax Odawaa oo dhowaan si dadban u iclaamiyay inuu la dagaalami doono Dowladda Federaalka ah, hadii la doorto. 3- Cadaawadda loo qabo Damuljadiid Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dagaalo ku qaaday Guriceel iyo Dhuusamareeb sanadkii 2015, halkaas oo ay dad-badan ku dhinteen. Weli cidna magdhow iyo raali gelin kama bixin arrintaas. Odawaa wuxuu xiligaas ahaa wasiirkii arrimaha Gudaha iyo qofkii u xil saarnaa arrimaha gobaladda Dhexe. Waxaa la fahamsanyahay in weli colaad badan loo qabo kooxda uu ka tirsanyahay musharax Odawaa. Sidoo kale wuxuu horey meel fagaaro ah uga weeraray kooxda Ahlu Sunna oo deegaankaas ku xoogan waana arrin kale oo saameynteeda leh. Si kastaba waxaan weli la go’aamin xiliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana weli socda shirkii Dib-uheshiisiinta beelaha Galmudug. W/Q: Maxamed Cabdullaahi Sabriye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa Axada wuxuu ka furmayaa Magaalada Garowe, waxaana makarafoonka marka ugu horeeya loo dhiibayaa oo Furaya Madaxweyne Dani. Ganacsato, Shirkada waaweyn iyo [...] Source
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal iyo waxgarad muddo todobaad ah u joogay Magaalada Muqdisho sii deynta Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan oo Shalay dib ugu laabtay Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Doolow ayaa waxay sheegeen in natiijo ay kasoo bixi weyday dadaalkii ay ku doonayeen inay kusoo daayaan Cabdirashiid Janan. Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ula dhaqmay si baal marsan sharciga iyo Dhaqanka sida ay warka u dhigeen. “ Waxaan aheyn odayaashii Berri haddii la xiro Farmaajo u doodi lahaa oo dhihi lahaa maxaad ku heysataan, wuuna naga soo diiday inuu sii daayo Wasiirka, mana rabno inaan banaanka usoo bixino wixii aan kala soo kulanay ” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii Farmaajo u tagay oo saxaafadda la hadlay. Odayaasha ayaa xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka diiday ergeyntii ay wadeen, waxayna Xariga Wasiir Janaan ku tilmaameyn mid xaq darro ah. Sidoo kale Odayaasha ayaa sheegay inuu Madaxweynaha u sheegay inaan wax dambi ah lagu heyn Wasiirka balse xoog lagu heysto. “Madaxweynaha wuxuu noo sheegay inaysan jirin dambi lagu hayo Wasiirka, haddii ay sidaas tahay waxaa lagu heystaa Xoog” Ayuu yiri mid kale oo kamid ah Odayaasha. “Waxaan Madaxweynaha uga imaanay meel fog, waxaana aheyn odayaal badan oo miisaan leh balse niyad jab ayaan kala soo laabanay Muqdisho” ayuu sii raaciyey. Hadalka kasoo baxay Odayaasha ayaa imaanayo Xilli Dowladda Soomaaliya ay dhawaan sheegtay in Wasiirka loo heysto dambiyo waaweyn lana soo taagi doono Maxkamadda. Sidoo kale Amnesty International ayaa soo dhaweysay Xariga Wasiir Janan waxayna ku baaqday in si deg deg ah Cadaaladda loo horkeeno. Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa isna Xariga Wasiir Janan ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Jamaacadda Jazeera ayaa waxay heshiis iskaashi waxbarasho ay la gashay dhigeeda Masar ee Caynu Shamsi. Prof Salaad Ibraahim Fiidow, gudoomiyaha Jamaacadda Jazeera, oo ku sugan dalkaasi, ayaa wuxuu ka warbixiyey heshiiskaasi. Mr Fiidow oo u waramay Shabelle ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiskan uu muhiim u yahay bahda waxbarasho ee waddanka. Si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay in ay uga faa’ideysan doonan ardayda Jamacadda Jazeera iyo kuwa ku sugan gudaha Masar. Caynu Shamsi ayaa waxay kamid tahay Jamaacadaha ugu faca weyn uguna wanaagsan aadka looga tixgeliyo gudaha Masar. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Jamaacadda-Jazeera.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dil ay ciidanka Puntland u geysteen mid kamid ah dhalinyaradda kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed. Marxuumka ayaa la sheegay in lagu khaarijiyey magaaladda dekada leh Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowlad goboleedkaas. Mudane Babab oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka codsadey in uu jawaabo degdeg ah ka bixiyo falkaas. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sharcidejiyaha hoosta ka xariiqay in ay tahay wax aanan loo dulqaadan dilalka dadka kasoo jeeda goboladda Koonfurta ee waddanka oo kusoo badanaya degaanada maamulka Puntland. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Badda.mp3 View the full article
  6. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo magaalada Baydhabo kulan kula qaatay qaar kamid ah haweenka Koonfur Galbeed, ayaa ku boorriyay in ay codkooda kor u qaadaan oo ay qaataan dowrka uga aadan dowladnimada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Xasan Cali Khayre oo caddeeyay in haweenka Soomaaliyeed ay dul qaad badanyihiin, qayb muhiim ahna kasoo qaateen badbaadinta iyo samata bixinta ummadda xilligii ay adkeyd, ayaa kula dardaarmay in ay midbobaan, wada-shaqeeyaan oo ay ka leexdaan waddadii khilaafka, horumuud-na ay ka noqdaan ka dhabeynta rejada dalku leehayay iyo gaaridda hadafyada waaweyn ee la hiigsanayo. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay boqolkiiba konton ka yihiin bulshada, aqoonna ragga ay kala simanyihiin, suuragalna aysan ahayen in dalku uu horumar gaaro, adduunyada-na la tartamo hadii haweenka aan xuquuqdooda la siin oo aan laga tala gelin ka shaqeynta danta iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa haweenka kula dardaarmay in ka qeyb qaataan sugidda Amniga, ciidanka ku dhiiri geliyaan gudashada waajibaadka saaran, xogtana ay la wadaagaan, si bulshada Soomaaliyeed ay u hesho amni la isku haleyn karo. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo la kulmay rugta ganacsiga Koofur Galbeed ayaa uga mahad celiyay dowrka ay ganacsatadu ka qaadatay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidii loo sii horumarin lahaa ganacsiga dalka. View the full article
  7. Wasiir Dhibsaday Weedho Uu Yidhi Afhayeenka Xisniga WADDANI, halkan hoose ka Daawo Source
  8. Baydhabo (SMN) – Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Xuquuqul Insaanka dalka, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya dalbatay in goobaha ay AlShabaab kala wareegto la gaarsiiyo adeegyadda bulshadda. Codsigaasi oo ay daboolka ka qaadey in loo gudbiyey Qaramadda Midoobay iyo Bangiga Aduunka ayey xustay in la aqbalay. Dhinaca kale, Deeqo oo hadalkeeda sii wadata ayaa tibaaxday in xukuumadda ka go’an tahay garab istaaga rayidka degaanada laga saaro AlShabaab. Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo qaybo kamid ah gobolada dalka ay ka socdaan howlgalo saf-balaaran oo ka dhan ah xarakadda. Shalay ayey ahayd markii ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu magaaladda Baydhabo kulan kula qaatay wafdi ka socda UN-ka iyo World Bank, isaga oo kala xaajoodey arrimaha bini’aadanimada iyo in la isla wado gargaarka iyo horumarinta. View the full article
  9. Marka (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka Magalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhexeeyay dagaalamyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada militariga Soomaaliya. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan militariga soomaaliya ay weerar ku qaadeen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka deegaanka Jilib Marka ee gobalka shabeellada Hoose. Goobjoogayaal ayaa sheegay dagaalka uu khasaaro xoogan soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay duleedka magaalada Marka ee gobalka Shabeellada hoose. Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay oo ahaa dhinacyadii dagaalka ku dhex maray duleedka magaalada Marka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan dadka deegaanka. Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay militariga soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka warbixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Jilibka marka ee gobalka Shabeellada Hoose. Dhanka kale Wararka saakay laga helayo magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada xooga ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan duleedka Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellada Hoose, maadaama halkaasi uu ku wajahan yahay R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Marka (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladda Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarka oo u muuqdey mid qorsheysan ayaa ka yimid dhowr jiho oo ay kamid tahay; Xaafad RuusiyoWaa Cuneynaa Waa Cabeynaa iyo Ceel Jaale. Iska hor-imaadka ayaa waxaa lagu beegsaday fariisimo ay halkaasi ku leeyihiin ciidanka 14-ka ee milatariga Soomaaliya. Illo degaanka ah ayaa sheegaya in khasaaraha ciidanka dowladda soo gaarey uu yahay hal dhimasho iyo laba dhaawac Dhanka AlShabaab ayey ku sheegeen geerida laba iyo dhaawaca hal dagaalame, inkasta oo aysan xarakadu wali wax war ah soo saarin. Saraakiisha ammaanka oo ay Shabelle la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan weerarkan xalay ka dhacay Marka. Xaaladda ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay mid aad u kacsan, isla markaana dhaqdhaqaaqyo ciidan ay socdaan. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)Maxaa Kala Qabsaday Cali Khaliif, Maxamed Kaahin, Faysal Cali Waraabe Iyo Boqor Buurmadow Oo Meel Fagaare Ah Iska Helay, Halkan hoose ka Daawo Source
  12. EDITORIAL The most senior traditional leader of Hawadle clan, Ugas Hassan Ugas Khalif, has criticised the Federal Government of Somalia for putting pressure on people of Hiiraan to send child soldiers to Dhuusomareeb, where a reconciliation conference is taking place. “We do not oppose the Somali Army. What we oppose is the decision of the Federal Government to deploy child soldiers from Hiiraan” said the influential traditional leader. Another traditional leader from Beledweyne clarified the exchange the Deputy Defence Minister had with Hiiraan traditional leaders. ” The Deputy Defence Minister said the Federal Government will lay off Hiiraan soldiers if we fail to abide by the instruction to send troops to Dhuusamareeb” he said. Although the Federal Government of Somalia introduced several months ago a new system that substantially reduced the number of non-existent soldiers who were on the payroll in Mogadishu and nearby regions, troops in Hiiraan, Middle Shabelle and Galguduud paid in the name of the Somali National Army are still organised along clan lines. The dominant clan of a district or region contributes the largest number of recruits. In essence, Somalia has clan militias paid in the name of a National Army. The security architecture unveiled at 2017 London Somalia Conference aimed to professionalise the Somali National Army and other security sectors has not borne fruit. Puntland, a key Federal Member State, has a separate, clan-based army known as Puntland Defence Forces. In 2017 Commanders from Mogadishu-based Somali National Army paid a visit to Garowe as a part of efforts to integrate regional forces. Integration efforts stalled after Federal Member States formed Inter-state Cooperation Council in Kismayo. Somaliland, an unwilling participant of 2017 election through MPs and Senators selected in Mogadishu, has its own army on war footing with Puntland over territory both administrations claim. Puntland does not benefit from training for Somali National Army. The policy to exclude Puntland from training by Turkey and United Kingdom erodes the political capital built to strengthen trust between Puntland and the Federal Government. The overconcentration of training on South and South-central Somalia poses a threat to coexistence among Federal Member States particularly Puntland and Galmudug, two entities whose people thrived on 1993 Galka’yo Peace Agreement. Rebuilding a National Army for a country whose government relies on peacekeepers requires prudence and the strength to resist the temptation to drive a wedge among war-weary Somali social groups. At the Federal Government of Somalia in Mogadishu those two qualities are woefully in short supply. Send comments to: pp@puntlandpost.com © PUNTLAND POST The post The Somali Army of Clan Militias appeared first on Puntland Post.
  13. Wasaaradda amniga iyo DDR-ta ee dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay bilowday qorshe lagu tayeynayo dhammaan ciidamada kala duwan ee Puntland. Wasiirka wasaaradda amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo warbixin siinayey shirka golaha xukuumadda ayaa sheegay in qorshaha tayeynta ciidamadu uu ka socdo dhammaan gobolada Puntland ay ka kooban tahay si loo helo ciidamo tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan Puntland. Wasaaraddu waxa ay sheegtay in hadda qorshaha tayeynta wajigiisa 1aad uu ku socdo ciidamada ilaalada waddooyinka Puntland ee Taraafikada, ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo xarumaha ganacsiga iyo dowladda. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo tayeyn ku bilowday ciidamada taraafikada iyo ilaalada masuuliyiinta. appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-13092019.mp3 View the full article
  15. Qoraal Ka Soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa heshiiskii lagala noqday ilaa 5 shirkad. Halkaan ka Akhriso. Googjoog News Source: goobjoog.com
  16. Norway has agreed to contribute NOK 88 million (equivalent to $10 million) to support the World Bank's efforts to strengthen the tax systems and customs administrations in countries affected by fragility, conflict, and violence (FCV). Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI (Reuters) - Kenya has banned foreigners from adopting local children and will work toward a new policy governing the process, the presidency said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday in ay joojisay heshiisyo ay la gashay shirkado gaar loo leeyahay oo ka howlgeli jiray garoonka diyaaradaha caaalamiga ah ee Aadan Cadde. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  19. HOUSTON (AP) — Democratic debate night No. 3: Attacks and counter-attacks. Love for one former president, loathing for the current one. A 76-year-old front-runner essentially got called old, and he turned around and called another rival a “socialist.” Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU, Sept. 12 (Xinhua) -- A senior member of the militant group al-Shabab on Thursday surrendered to government forces in the Bakool region, southwestern Somalia, the military said. Source: Hiiraan Online
  21. Drought, al-Shabab violence send thousands of Somalis to Baidoa, putting centuries nomadic way of life at risk. Source: Hiiraan Online
  22. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Dood kulul oo xoog leh ayaa hareeyay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, sida ay noo sheegeyn xubno ka tirsan guddiga qaban qaabada Shirka. Beelaha Soomaaliyeed ee ku kulansan shirka ayaa soo bandhigaya tabashooyin badan oo dhaxdooda ah iyo sidoo kale muran ka taagan nidaamka awood qaybsiga Galmudug oo beelaha qaar tabasho ka qabaan. Beesha Sacad ayaa markii labaad soo jeedisay in awood qaybsiga Galmudug laga dhigo labada gobal ee Mudug iyo Galgaduud ee uu ka kooban yahay maamulkaasi. Talo soo jeedin ay sameeyeen ayey ku sheegeen in ay doonayaan in Galmudug awood qaybsigeeda laga dhigo labada gobal ayna ku xaqiran yihiin. Soo jeedinta beesha Sacad ayaa keentay in doodo kulul ay ka bilaawdaan shirka maadaama gobalka Mudug uu gaar u yahay beeshaasi, markii laga reebo beelo kooban oo la daga. Shirka ayaa lagu wadaa in Isbuuc gudihiis lagu soo xiro islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed sida uu qorshuhu yahay. Guddiga Shirka ayaa doonaya in deg deg loo dhameeyo lagana soo saaro War-murtiyeed, si loo dhameeyo howlaha kale ee horyaala maamulka iyo odayaasha dhaqanka ee Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com