-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa war cusub ka soo saartay afduub 20 bishii November gudaha dalka Kenya loogu geystay Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in dowladda ay ka walaacsan tahay in Silvia si deg deg ah loogu qaado gudaha Soomaaliya. Warkan ayey dowladda Talyaanigu ku sheegtay in kooxaha Afduubayaasha ay qorsheeyeen in ay kala talaabaan xadka Soomaaliya. Dowladdu waxay sidoo kale sheegay inay weli rumeysan tahay in Silvia Romano lagu heysto gudaha dalka Kenya. Sidoo kale waxaa fashilmay wada hadal u socday safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo kooxda Afduubka geysatay. Silvia Romanoayaa oo aheyd shaqaallo gargaar, waxaana xilliga la afduubnayey ay ku suganeyd dalka Kenya. Afduubayaasha ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ay ku dhaawacmeen illaa shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin, kadibna ka tallaabeen wabiga Galaana. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS ayaa shaacisay in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin maanta oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina. Halkan ka akhriso: View the full article
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo la wareegi doona ammaanka xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaaladaas iyo degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud oo ay shalay gaareen. Xarumaha ay ciidamada Midowga Afrika la wareegayaan aaa waxaa ka mid ah; Garoonka diyaaradaha, xarunta lagu qabaayo shirka dib-u-heshiisiinta ee Galmudug iyo xarumo kale oo muhiim ah. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii horay u joogay goobaha ay AMISOM kala wareegi doonto laga saarayo halkaas, waxaana tani ay hordhac u tahay baa la yiri sidii lagu qaban lahaa shir ay horay uga hor-timid Ahlusunna in lagu qabto Dhuusa-mareeb. Sidoo kale, magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunga Galmudug ayaa waxaa shalay gaaray taliyaha ciidamada AMISOM ee Somalia, isagoo kulan la qaatay madaxa xumuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, kaas oo looga hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga magaalada. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa waxay sheegeen in ciidamada ka socda AMISOM ay qayb ka yihiin adkeynta amniga inta lagu jiro shirarka iyo dhimaha Galmudug, wixii markaas ka dambeeyana ay ka bixi doonaan magaalada. Xukuumadda Somalia ayaa dhankeeda ciidammo fara badan geysay xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb, waxaana ciidamadan ay xoojin u yihiin kuwo horay loo geeyay magaaladaas, si loo adkeeyo amniga xubnaha DF ee ku sugan magaaladaas. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Dhuusa-mareeb ka jiray xiisado adag oo dhanka amniga ah, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku dhawaaqeen inuu gabi ahaan burburay heshiiskii ay la saxiixdeen Dowladda Somalia. Ugu dabmeyn, Dagaalladii laga baqayay ayaan dhicin, waxaana degmadaas ku sugan haatan haatan ergooyin hordhac ah oo ka socda Beelaha Gobolka Galguduud daga, kuwaasoo halkaas u tagay inay ka qayb-galaan shirarka dib u heshiisiinta ee la qabanayo dhawaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo la Wareegaya Amniga Xarumaha Muhiimka ah ee Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-31082019.mp3 View the full article
-
Dowladda dalka Kenya ayaa awaamiir cusub ka soo saartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya. Awaamiirtaan ayaa waxa ay la xiriiraan baaritaanadii magaalada Wajeer ee diyaaradaha ka soo duula magaalada Muqdisho iyo Visihii dal ku galka ee laga bixin jirey garoonka diyaaradaha Wajeer. Dowladda Kenya waxa ay shaacisay in wixii hadda ka dambeeya Visaha dal ku galka Kenya laga qaadan doono garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in baaritaan aad u adag ay Wajeer ku mari doonaan rakaabka ay sidaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka ku dhoofaya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Kenya oo awaamiir ku soo rogtey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Nairibi ka degaya. appeared first on Puntland Post.
-
Xog-culus:UAE oo si qarsoodi ah uga dejisay Qardho hub uusan ka war-hayn Deni Warbaahinta ayaa ogaatay in maalmahan dambe uu khilaaf xoogani ka dhex oogan yahay Maamulka Puntland iyo Imaaratka Carabta. Khilaafkan oo markii hore salka ku hayay arrimo la xidhiidha mashaariic labada dhinac u dhexeysa ayaa iminka sii xoogeystay kadib markii la ogaaday in garoon ku yaalla magaalada Qardho ay ka soo degtay diyaarad sida saanad milateri, taas oo aysan ka war qabin Puntland. Waxaa shaki weyn dhalisay qaabka qarsoodiga ah ee Imaaratka Carabtu ay saanadan milateri ugala soo degeen garoon cusub oo aysan horay u isticmaali jirin, iyadda oo la wada ogyahay in diyaaradaha Imaaratku isticmaali jireen garoonka diyaaradaha ee Boosaso. Saraakiisha ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Qardho oo ka war helay diyaarada Imaaratka Carabtu leeyihiin ee ka soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho ayaa amray in la xanibo agabka ciidan ee diyaaradu sidaan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo markii horeba safarkiisu ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la gaadhsiiyay warkan la xidhiidha diyaaradan hubka sida ee ka soo degtay Qardho. Deni ayaa saraakiishiisa faray inaan la dejin saanada milateri ee diyaaradu sido ilaa iyo amar dambe. Waxaa Muuqata in qorshahaan uu yahay mid u gaar ah Imaaraadka Carabta oo aysan ka warqabin madaxda Puntland. Shaki weyn ayaa durba soo baxaya kaas oo ah halka ay ku wajahantahay, saanada ciidan ee Imaaraadka sida qarsoodiga ah u keenay isaga oo aan soo wargelin Puntland. Hab dhaqankan cusub ayaa sii xoojinaya tuhun ay mudooyinkii dambe qabeen madaxda Puntland, kaas oo ah in wada shaqeyn ka dhexeyso kooxaha ka dagaalama buuraha Puntland iyo Imaaraatka. Xog la helay ayaatibaaxaysa in saanadan milateri ee sida qarsoodiga ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho in ay tahay mid loo waday buuraha Galgala oo ay ka dagaalaman Al-Shabaab. Maalmo ka hor safarkii uu Madaxweyne Deni uga baxay Puntland ayaa si rasmi ah ugu wajahnaa magaalada Dubai, isaga oo transit ku ahaa dalka Itoobiya, lamana oga saameynta dhacdadan cusub ay ku yeelan karto safarka Deni. Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Xilli Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan dhibaatooyin waa weyn marista Magaalada Wajeer oo lagu baaro, islamarkaana laga siiyo Viisaha dal ku galka dalka Kenya intooda wata Baasaboorka diblomaasiga ayaa dowladda Kenya haddana waxa ay shaacisay Amar cusub. Dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in guud ahaan la joojin doono Viisihii laga qaadan jiray Magaalada Wajeer, taas badalkeena baaris lagu sameyn doono Magaalada Wajeer oo ay hakan doonto Diyaarada ka baxda Muqdisho. Warqad kasoo baxday Waaxda socdaalka dalka ayaa lagu caddeeyay in Viisaha dal ku galka laga qaadan doono Magaalada Nairobi Garoonka Jummo Kenyatta, islamarkaana baaritaano Amni oo xooggan lagu soo marsiin doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed Wajeer. Amarkaan ayaa si gaar ah u sameyn doona dadka haysta Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed ee aadaya Kenya ayaa la kulmaya Caddaadis weyn iyo Waqti lumis ka badan kii ay horay ula kulmi jireen. War ka soo baxay bishii May dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay soo mari doonaan Magaalada wajeer. Sanad ka hor ayaa ay ahayd Markii dowladda Kenya ka qaaday xayiraada diyaaradaha ka soo duula muqadisho iyada oo loo ogolaaday in ay si toos ah uga soo duulaan magaalada muqadishu kana degaan garoonka JKIA. Dowladda Kenya ayaa xoojisay Caddaadiska ay ku heyso Soomaaliya tan iyo markii uu xoogeystay Muranka dhanka badda ah ee ka dhex taagan labadda dal. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
lhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato. Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale, balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba, waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.”, ayay qoraalka twitter-ka ku tidhi Ilhaan Cumar. Qaran News
-
Xujey ka soo degtay Garowe Waxay ahayd tiradii Sucuudigu u qoondeeyay Soomaaliya sanadkan 2019 in ay soo gutaan faralka Xajka 11,500 (Kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo qof. Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayay ahayd cidii maamulaysay qoondaynta iyo kala saarida shirkadihii bixinayay adeega Xajka. Puntland oo qoondo dhan 2,200 oo qof ka heshay tiradii loo ogolaaday in ay ka soo xajiyaan gudaha Soomaalida ee 11,500, waxaa acmaash Xajka soo gutay oo kaliya 400 oo qof. 126 ka mid ah ayaa shalay oo Jamce ahayd ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Qaar ka mid ah xaajiyadaas oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa dowladda Puntland iyo Federaalka-ba ka dalbaday in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan meesha ay aaday qoondadii Puntland ee lagu sheegay 2,200 oo qof. Sidoo kale waxaa gudaha garoonka ka hadlay mid ka mid ah dadkii uu seegay xajku sanadkan, wuxuuna ku baaqay in arrimahan hadda kadib wax laga badalo. Dad badan oo reer Puntland ah oo isu diyaariyay gudashada waajibaadka Xajka ayuu sanadkan seegay, markii ay waayeen fiisaha Xajka. Puntland oo ahayd cidda masuuliyadda kowaad ka saarnayd arrintan, ayaa ka hadalkeeda waxaa ugu dambeysay 7-dii bishii May, markii Wasiirka Caddaalada, iyo arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamid uu dowladda Federaalka ka dalbaday qoondadii Puntland, sidoo kale uu ka hor yimid Guddigii loo magacaabay arrimaha Xajka. Balse wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa muuqatay in Puntland ku qacansan tahay sida ay u socdeen arrimaha Xajka. Warbaahinta PUNTLAND POST oo isku day-day in ay arrimahan wax ka weydiiso madaxda Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland, wali uma suurta galin, balse xiliga ugu horreeya oo aan helno ayaan wax ka weydiin doonaa. Soomaaliya labadii sano ee dambeysay waxaa arrimaha Xajka ka jiray musuqmaasuq iyo is-qab-qabsi. PUNTLAND POST The post Miyaa la musuqmaasuqay qoondadii Xajka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa lafasaxay maalinta Sabtida ah ee berito. War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS waxey shaacinaysaa in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin Beri oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina” Halkaan ka akhriso warqadda:-
-
Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan howlagka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa caawa waxa ay soo gaareen magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee Galmudug. Ciidamada ka socday AMISOM ayaa maanta waxaa duleedka magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaa ku celiyey ciidamo ka amar qaata Ahluu-Sunna, balse dowladda federaalka ayaa u dirtay Saraakiil ka socotay qeybta 21-aad ee xoogga dalka. Wada hadal dheer ka dib ayaa AMISOM loo ogolaaday inay gudaha u galaan gobolka Galgaduud, waxaana qeyb ka mid ah ay ku hakadeen magaalada Gurceel, halka qeyb kalana ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ciidamada ayaa la dejiyey xarumaha ugu muhiimsan magaalada waxaana ka mid ah xarumahaas, Madaxtooyada INJI ee uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug, Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb, Guriga Gobolka iyo Hoolka lagu qabanayo shirka dib u heshiisiin Galmudug. Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay amaanka lasogi doonaan ciidamada ay dowladdu geysay magaalada Dhuusamareeb. Ciidankaan ayaa kasoo amba-baxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna maanta ku hakadeen duleedka magaalada Matabaan, kaddib markii ay is hortaageen ciidamo ka amarqaada hoggaanka Ahlu-Sunna, halkaas oo ay ka baxeen xili dambe oo galabta ah. Ciidamadaan ka socda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee gudaha u galay deegaanada Galmudug ayaa isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan. Dowladda Federaalka ayaa u muuqata inay si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta degaanada Galmudug ee ay ka arimi jireen Ururka Ahlu-Sunna. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-30082019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warqad u diray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku dalbaday in xal laga gaaro khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubaland. Warqaddan oo la qoray 28-kii August, ayaa sax ahaanshaheeda waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey xafiiska Axmed Madoobe iyo ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia. Axmed Madoobe ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Madaxweynaha Jubaland ayaa qoraalka ku sheegay inaysan suurtagal ahayn inuu soo socdo khilaafka iyo is-afgarad waaga ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedka “Mudane madaxweyne annagoo tixgelinayna mudnaanta iyo qadarinta ay leedahay in ummaddeena loogu shaqeeyo si wadajir ah oo ay ku dheehan tahay hufnaan, qadarin iyo is ixtiraam, waxaan soo jeedineynaa in aan isfahan buuxa aan ka gaarno wixii khilaafaad ahaa ee u dhexeeyey DFS iyo DG Jubaland. Arrimahaas oo aan qabno in haddii si qoto dheer loo darso lagu xallin karo si sahlan ayadoo gundhig looga dhigayo xeerarka iyo dastuurka dalka u yaalla.” Ayuu Axmed Madoobe ku yiri qoraalkiisa. “Mudane madaxweyne xaaladaha dalkeenna ka jira awgood suurta gal ma ahan in uu sii socdo khilaafka iyo is afgaran waaga ka jira dhexdeena.” “Sidaa awgeed waxaan soo jeedinaynaa innagoo u hogaansamayna dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan oo kala qeexaya awoodaha ay kala leeyihiin labadda beer dowladeed in aan si dhakhso u dhamayno khilaafka soo jiitamay ee aan wax natiijo ah laga gaareynin.” Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska madaxweynaha ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan wax qorshe ah ka lahayn inuu u jawaabo Axmed Madoobe, sababtoo ah “uma aqoonsana madaxweynaha Jubaland.” Hoos ka arag warqadda Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa maanta gaarey waftigii ugu cuslaa ee ka socda Puntland kana koobnaa in ka badan 10 wasiir, wasiir ku-xigeeno, xildhibaano iyo shaqaale dowladeed. Masuuliyiinta ka socda Puntland oo caawa ku sugan magaalada Badhan ayaa u jeedkooda ugu weyni yahay dhismaha golaha deegaanka Badhan, dardargelinta shaqada dowladda iyo arrimo. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Waftigii ugu cuslaa ee Puntland oo caawa ku sugan magaalada Badhan. appeared first on Puntland Post.
-
Yokohama, Japan, 30 August 2019: The British Ambassador to Japan today threw the spotlight on Azuri Technologies and on next-generation off-grid energy being key to economic development in Africa, during his visit to TICAD7, the long-standing Japanese summit aimed at driving trade and investment to African economies. Azuri, the pay-as-you-go solar pioneer, last month announced a $26 million capital equity investment led by Marubeni which are among the prominent Japanese corporations at TICAD this year showcasing the latest technology and services supporting one of the fastest-growing populations and economies in the world. Since launching in 2012, Azuri is one of the leading providers of pay-as-you-go solar power lighting and TV systems, operating in Kenya, Tanzania, Uganda, Zambia and Nigeria. Attending the conference, Paul Madden the UK’s Ambassador to Japan commented: “Pioneering collaborations between Japanese and British companies, such as the one between Azuri and Marubeni will further accelerate the availability of digital technology across the whole of Africa and increase the speed of progress towards the UN Sustainable Development Goal of universal access to energy.” The British Embassy recently commissioned research, “Off-grid electricity in Africa”, demonstrating the need for more action and investment in this sector and highlighted the positive work of UK companies such as Azuri. “Azuri is delighted to represent on the global stage the depth of Britain’s talent and innovation and demonstrate how renewable energy solutions developed by the UK is helping to change the lives and livelihoods of millions currently without access to energy across Africa,” commented Simon Bransfield-Garth, CEO of Azuri Technologies. From home lighting to satellite TV, Azuri-designed solutions deliver world-class performance and life-changing technology at an affordable price for off-grid customers who live away from mains power. Azuri’s vision is to create a level playing field where all African consumers can access and benefit from the digital economy, wherever they live. Qaran News
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Taliyaha AMISOM ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma waxaa la socday saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika, waxaana kulan gaar ah la qaateen mas’uuliyiin kala duwan. Fadhiga ay yeesheen Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir waxa ay kala hadleen ammaanka Deegaanada Galmudug. War kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug oo ki kooban lagu faah-faahiyay kulanka waxaa lagu sheegay in Taliye Tigabu iyo Sheekh Shaakir ay diiradda saareen sidii howlgal looga sameyn lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Dhinaca kale, wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Booliiska gaarka ah ee Dowladda la geeyay Magaaladaas. Ciidamada loo yaqaan (Haramcad) ee tababarka gaarka ah la siiyay oo laga qaaday Magaalada Muqdisho ayaa laga dajiyay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur. Askarta waxa ay ku biireen ciidamo kale oo katirsan Booliiska sida gaar ah u tababaran oo 25-kii iyo 27-kii bishaan la geeyay Magaalada Dhuusamareeb. Xukuumadda Soomaaliya ayaa xoogga saartay Magaalada Dhuusamareeb oo lagu qabanayo Shirka dib u heshiinta Beelaha, xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxda cusub ee Galmudug.
-
Nairobi (Caasimadad Online) – Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay go’aankii ay Qaramada Midoobay ku diiday dalabkii Dowladda Kenya oo ahaa in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267. Dowladda Kenya ayaa muujisay sida ay uga xuntahay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay ku joojiyeen inay cunaqabateyn adag ku soo rogaan kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya ee Al Shabaab. Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha Dibada Dowladda Kenya Macharia Kamau ayaa EastAfrican u sheegay in uu aad uga xunyahay in wadamada sida aadka ah ay u sameeyeen Al Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah aysan taageerin soojeedinta Kenya. “Waan ka xunahay go’aanka kasoo baxay Qaramada Midoobay, sababtoo ah macquul ah in dowlad ka tirsan Qaramada Midoobay oo muwaadiniinteeda ku weysay weerarada Al-Shabaab ay diido tallaabooyinka laga qaadayo Ururkaan foosha xun” ayuu dhahay Macharia Kamau. “Waxaan Qaramada Midoobay ka rajeeneynaa inay arrintaan siiso dareen gaar ah sidii loola dagaalami lahaa ururada xagjirka ah sida Al-Shabaab oo Kenya iyo Soomaaliya ku dishay boqolaal qof oo aan waxba galabsan” ayuu sii raaciyey. Hadalka kasoo yeeray Kenya ayaa imaanayo xilli ay Qaramada Midoobay codeyn ku diiday soo jeedinta Dowladda Kenya. Kenya ayaa dooneysay in ururka Al-Shabaab lagu diro qaraarka 1267, si ay taas uga faa’iideysato inay cunqabateyn ku saarto Soomaaliya, islamarkaana ku beegsato hantida ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale shaqsiyaadkii ay doonto. Qaraarkan oo golaha ammaanka uu ansixiyey 15-kii October ee sanaddii 1999-kii ayaa diidaya in wax gargaar ah la gaarsiiyo deegaanada ay maamulaan koox kasta oo qaraarkan lagu daro, taasi oo haddii ay dhici lahayd diidi lahayd in dad badan oo ku dhibaateysan deegaanda ay maamulaan Al-Shabaab gargaar la gaarsiiyo. In Al-Shabaab lagu daro qaraarkan ayaa waxaa diiday lix ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka, oo laba ka mid ah ay yihiin xubnaha joogtada ah. Dalalka diiday ayaa kala ah: USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
. Waxyar uun kadib salaadii casar ayaa waxa Guud ahaanba magaalada Hargeysa siigo cas oo qunyar socota oo aan wada dabaylo Iyo roobtoona, siigadani waxa ay aakhirkii magaalada ka dhigtay mugdi madow iyada oo qoraxdii qarisay. Taariikhda inta la ogyshay magaalada siigo noocani ahi lama sheegin. Sadex cisho ka hor ayay ahayd markii magaalada ay ka da’een roobab laxaadleh oo wata dabaylo kuwaasi oo gaystay khasaare bag Iyo maalba leh. Isbadalka cimilada ayaa loo sibir saarayaa isbadalka cimilada ee Somaliland badiba Ku habsatay Qaran News