Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Hiiraan Online) - Somali journalist Abdi Latif Dahir has been appointed the New York Times East Africa correspondent, the U.S news company has said. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU (Hiiraan Online) - Somali journalist Abdi Latif Dahir has been appointed the New York Times East Africa correspondent, the U.S news company has said. Source: Hiiraan Online
  3. Washington (Caasimada Online) – Bilo un kadib markii uu xukunka qabtay, madaxweyne Donald Trump ayaa isaga oo aad u carreysan waxa uu sii-hayihii xilligaas ee xoghayaha amniga gudaha, Elaine Duke weydiiyey sababta aan wax uu ugu yeeray “qaxootiga Soomaalida liidata” looga mamnuucin Mareykanka. Sheekadan ayaa waxaa lagu faah-faahiyey qeyb ka mid ah buugga cusub ee “Border Wars” oo shaaca ka qaaday in Trump uu rumeysan yahay in Soomaalida ay halis ku yihiin Mareykanka. Bilo ka hor xilliga uu Trump sida carreysan uga hadlayo Soomaalida, waxa uu soo saaray amar madaxweyne oo dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee kasoo jeeda 7 dal oo kale looga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka. “Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqday inay naceyb gaar ah u qabaan Soomaaliya. Ayaga oo inta badan dadka Soomaalida usoo qaadanayey tusaale, marka ay ka hadlayaan halista qaxootiga imanaya Mareykanka,” ayaa lagu qoray buugga. Buugga “Border Wars” ayaa waxaa qoray Julie Hirschfeld Davis iyo Michael D. Shear oo ka tirsan wargeyska New York Times. Bishii October 2017, toddobaadyo kadib markii Trump uu ku cowdsay Elaine Duke, oo xilligaas ahayd sii-hayaha xoghayaha amniga gudaha, waxaa soo wacay Stephen Miller oo ah la-taliyaha sare ee siyaasadda Aqalka Cad ee Mareykanka, isaga oo ku adkeystay in si deg deg ah la joojiyo qaxootiga ka imanaya 11 dal, gaar ahaan Soomaaliya, sida ku cad buugga. Duke ayaa diiday codsigiisa, sababtoo ah waxaa xlligaas socday kiis maxkamadeed oo ka dhan ah amarka madaxweynaha ee lagu mamnuucay dadka ka imanaya Soomaalida iyo 7 dal oo kale. Tan iyo markii uu xukunka yimid Trump, maamulkiisa ayaa hoos u dhac xooggan ku sameeyey tirada qaxootiga imanaya Mareykanka, waxaana tirada sanadkan ay gaartay heerkii ugu hooseeyey oo ah kaliya 30,000. Si kastaba, Trump ayaa damacsan inuu hoos usii dhigo oo uu gaarsiiyo 18,000. Qaxootiga kuma jiraan Soomaalida oo waxaa weli saameynaya amarka Trump oo dhaqan galay kadib markii ay xukmisay maxkamadda sare. Soomaalida kaliya ee Mareykanka iminka yimaada waa dadka kusoo gala Visa-ha, gaar ahaan waalid, caruur iyo xaas qof Mareykan ah, taasi oo xitaa in kasta oo sharci ay tahay, haddana aad loogu adkeeyo, lana marsiiyo baaritaano qaata bilooyin iyo sanado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddi uu dhawaan Golaha Guurtida Somaliland u saaray inuu Xal ka gaadho Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay, ayaa saaka War-bixin siiyey Gole-weynaha Guurtida. Xildhibaannada Guddiga ah oo muddo toddobaad ah ku mashquulsanaa sidii ay xal looga gaadhi lahaa khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa sheegay in Xeer Nidaamiyaha cusub ee wasaaaradda waxbarashadu uu Dastuurka baal-marsan yahay. Wasaaradda Waxbarashada ayaa Xeer nidaamiyaha cusub u cuskatay inaan Deeqaha Waxbarashada ee Itoobiya siisay Somaliland aan lagu darin Ardayda ka soo baxday Dugsiga gaarka ah. Khilaafka Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsiga gaarka ah ayaa bilaabmay markii dugsiyada gaarka ah laga reebay 400 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya, kuwaasi oo lagu koobay Ardayda Dugsiga Dawladda Somaliland. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inay Sharci-darro ah qorshe ay Wasaaradda Waxbarashadu ku doonayso in Dugsiga gaarka ahi ay sannad kasta Wasaaradda iska soo diwaangeliyaan, qorshahaasi oo ay diidan yihiin Dugsiyada gaarka ah. Guddiga War-bixinta siisay Guurtida ayaa Guddoomiyaha Golahaasi uu arrintan u saaray, ka dib markii Maamuleyaasha Dugsiyada gaarka ahi ay cabasho ula tageen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida. Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa wacad ku maray inuu maamulkiisu xooga saari doono wax ka qabashada amniga, nadaafada, canshuuraha iyo dib u dhiska. Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyey inuu la dagaalami doono dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala. Guddoomiye Filish ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarka Caasimada, si loo helo waddooyin dhisan, iyo dhismayaal qurux baqdan. “Muqdisho oo amni ah oo qurux badan oo waddo iyo dhisme burbursan lahayn in aan gaarno oo halkaasi aado ayaan rabaa, barakacayaasha inaan maareynno ayaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan amniga wax ka qabanno, waxaan rabnaa inaan la dagaalanno dadka canshuurta aan bixin ama sida xun u isticmaala.” ayuu yiri Cumar Filish. Tan iyo markii xilkan loo soo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxa uu waday dadaallo lagu hormarayo magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Dowladda Germany ayaa maanta ku dhawaaqday inay bixinayao $73 million oo ah caawinaad dhaqaale oo loogu talo galay Soomaaliy. Safiirka Gernany ee Soomaaliya Ambassador Annett Gunther, ayaa taageeradaan dhaqaale uga dhawaaqay magaaalada Muqdisho xilli uu Germany u dabaal dagayay xuska maalinta midnimada Dalkooda oo lagu qabtay Muqdisho. Ambassador Annett Gunther ayaa sheegay dalkiisu inuu kordhinayo taageerada ku saabsan horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay sii xoojindoonaan xiriirka labada dal. Dhaqaalahaan ayuu Jarmalku sheegay in wax looga qabandoono horumarinta iyo tababarada xirfdaha gacanta, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, horumarinta reer Miyiga, Beeraha iyo maamulka Biyaha. Dowladda Germany ayaa bogaadisay horumarka Soomaaliya ka socda. Dowladda federalka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay helaysay balanqaadyo boqolaal milyan oo dollar oo caalamku ku taageerayo dadaalada lagu gaarayo hiigsiga 2021, oo ah in dalka ay ka dhacdo doorashooyin dadweyne. Puntland Post The post Germany oo ku dhawaaqday inay $73 million siinayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha joogtada ah ee dalka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobey, Mahesh Kumar ayaa sheegay in Soomaaliya iyo waddamo kale ay buuxiyeen shuruudaha dhanka dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey. Mahesh Kumar ayaa shaaciyey in dalalka Somalia, Comoros, Sao Tome iyo Princip, ay dhameystireen shuruudaha dhaqaalaha ee Qaramada Midoobey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay xoghayuhu in hadda dalalkaasi ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan. Dhinaca kale xoghayaha Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa sheegay in dhammaadka bishan October ay istaagi doonaan shaqada ee QM. Xoghayaha ayaa arrintaasi sabab uga dhigay dhaqaale xumi soo wajahay Qaramada Midoobay. Guterres ayaa xusay in laga gaabiyey bixinta Qaaraanka ay ku shaqeyso Qaramada Midoobay oo uu ku eedeeyey dalaka xubnaha ka ah. Arrintan ayaa haddii aan wax laga qaban waxa ay saameyneyn doontaa dhammaan howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Caalamka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Kooxda Heegan Sports Club ee ciidanka booliska ayaa bogeeda bulshada ku shaacisay in ay soo qaateen goolhayaha kooxda degmada Waaberi sanadkan u sahlay in ay usoo gudbaan fiinalaha tartanka kubbadda cagta degmmoyinka 2019 kaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir Abwaanka wuxuuna xidigan diirada u saarnaa kooxaha waaweyn ee kubbadda cagta,ka dib wacdarahii uu kusoo bandhigay olalahan. Guddoomiyaha naadiga Heegan Cabdiraxmaan Mursal ayaa kooxdiisa kusoo dhaweeyay laacibkan,isagoo sheegay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin soo qaadashada xidigan oo muhiim u ahaa iyaga. “Waxaa kooxda arimo shaqsi ah ugu tagay goolhaye Mustaf Nakuuja oo door wanaagsan kulahaa kooxdeena,talaabadan waxa ay taageerayaasheena u arkaan mid wax badan ka dabooli karta kaalintii uu baneeyay laacib Mustafa” ayuu Goobjoog ugu waramay guddoomiye Cabdiraxmaan Mursal Goolhayahii hore kooxda Heegan Sports Club Mustaf Maxamed Yuusuf (Mustaf Nkuuja) oo arimo shaqo kooxdiisa kaga tagay bilo ka hor ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay howshan uu kaga mahadcelinyo maamulka,ciyaartooyda iyo taageerayaasha naadigiisa. “Goolhaye Cabdiraxmaan waa qof dhallinyaro ah oo hami wanaagsan ka leh in meel sare ka gaaro xirfadan waxaan u rajaynaa in uu guulo waaweyn la gaaro kooxdiisa cusub,balse waa shaqo adag oo u baahan da’daal iyo dhabar adaag” ayuu Goobjoog ugu waramay goolayhii hore kooxda Heegan Mustafa Nakuuja. “Ku biiritaanka kooxda Heegan Waxaan u arkaa in ay tahay mid aad u wanaagsan waxaa la iga sugayaa waa waxa xigadoono in bandhigayga,balse waxaa xooga saarayaa in aan horomaiyo kooxdayda iyo xirfadayda iyo in aan kula guulaysto koobaba badan ayuu goolhaye Cabdiraxmaan Daahir u sheegay Goobjoog. Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle oo ahaa maamulaha dekeda Jabuuti, kuna geeriyooday shalay dalka Faransiiska. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku ahaa walaalkii. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti, ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Ciidammada Somaliland Oo War Xasaasi Ah Soo Saartay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-galaTalefeshinka Universal, agaasimaha ayay ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey. Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xidheen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xadhiggiisa. Warkan wixii ka soo kordha kala soco Somalilandtoday.com Source
  12. (SLT- Minnesota)-Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seygeeda Axmed Xirsi. Ihaan Cumar ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay. Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay isguursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii. “Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan. Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda carruur ah ee ay isu dhaleen. Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka. Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xidhan ee loo doorto Congress-ka Maraykanka. Source
  13. Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa guddoomiyahii degmadaasi ee dhowaan xilka laga qaaday iyo ku xigeenkiisii dhanka maaliyadda. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilka ka qaadday guddoomiyahii Buulo-burde C/casiid Daahir, waxaana xilkaasi si KMG ah loogu magacaabay inuu sii hayo guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda Liibaan Cabdi. Guddoomiye Cabdi Casiis ayaa sheegay in aanu jirin xil laga qaaday, islamarkaana aanay soo gaarin warqaddii shaqada looga joojiyey, sidaasi darteedna uu shaqadiisa sii wadan doono. Saakay ayuu ciidamo la tagay xafiiskiisa, wuxuuna bilaabay in shaqooyinkiisa uu si caadi ah u wato, halka guddoomiye ku xigeenka maaliyadda uu isna dhankiisa bilaabay qabashada shaqadii guddoomiyaha, maadaama si KMG ah isaga xilkaasi loogu magacaabay. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la saadaalin karin sida ay wax ku dambeyn doonaan, iyadoo degmada Buulo-burde arrintan aad looga hadalhayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay arrimo ku aadan caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulkaasi, Axmed Madoobe. Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xafladda caleema saarka ay dhaceyso marka ay soo dhameystirmaan wufuuda ka qeyb galeysa munaasabadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in cadaadiska faraha badan ee ay dowladda federaalka ku heyso Jubbaland uu ka dhalan karto kacdoon shacab, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddo labo jeer ah uu dib u dhac ku yimid munaasabadda caleema saarka, sababa la xariira khilaafka dowladda iyo Jubbaland. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoo aysan jirin illaa iyo hadda wax isku soo dhowaansho oo labada dhinac ah. Khilaafkan ayaa ka soo bilowday doorashooyinkii iska soo horjeeday ee dhowaan ka dhacay Kismaayo, kuwaas oo gabi ahaanba ay ka hortimid dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. (SLT-Washington)-Garsoore ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku amaray inuu waaxda dambi baadhista ee New York uu u soo gudbiyo canshuur celintiisii ee 8-ddii sannadood ee ugu dambeysay. Garsooraha ayaa diiday doodaha qareenada madaxweynaha ee ah in xasaanada guud ay ilaaliso isaga inta uu xafiiska joogo. Mr Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykanka soo maray ee aanan shaacin cashuur celintiisa tan iyo sannadkii 1960-kii. Xukunkaan maxkamadda ayaa waxa uu sahlayaa baaritaanka ku saabsan lacagtii la sheegay in la siiyay labadii dumar ee sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump. 75-ka bog ee xukunka lagu qoray ayuu garsoore Victor Marrero ku sheegay in uusan aqbali karin “sheegasho aan xad lahayn oo ku aaddan xasaanadda madaxweynaha ee nidaamka garsoorka”. Qareenada madaxweynaha ayaa islamarkiiba dacwad racfaan ah u gudbiyay maxakamadda sare. Dhanka kale madaweynaha ayaa xukunka ka dib bartiisa Tweeter-ka soo dhigay in arrintani ay dabada ka riixayaan dacwad oogeyaasha Dimuqraadiga si madaxweyne Trump dambi loogu helo. Baadhintaanka ayaa waxa uu quseeyaa lacag uu qareenkii hore ee madxweyne Trump siiyey laba haween oo sheegay inay xidhiidh la lahaayeen Mr Trump. lacagta la sheegay in dumarkaasi la siiyay ayaanan loo soo gudbin guddiga doorashada ee federaalka. Balse su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah lacagtaasi la bixiyay ma waxaa loogu talagalay in lagu dhowro sumacadda gaarka ah ee Mr Trump ama waxaa lagu difaacayay sharafta musharax madaxweyne. Source
  16. (SLT- Lampedusa)-Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyooday kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Lampedusa, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga. 22 qof oo kale ayaa badda laga soo bad-baadiyey. Doontan siday muhaajiriinta ayaa rogmatay ayada oo doon ay leeyihiin ilaalada ay isku dayeysay inay muhaajiriinta kasoo qaado meel badda ah oo 10 km u jirta Lampedusa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ilaada Xeebaha. Doomo iyo diyaarado qumaati u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaada Xeebaha Talyaaniga ayaa weli raadinaya dad la la’yahay. Warbixino laga soo xigtay mas’uuliyiinta Sicily oo ay soo waceen muhaajiriinta ayaa sheegaya in qiyaastii in ka badan 50 qof ay saarnaayeen doonta. Ururo aan dowli ahayn ayaa sheegay in ku dhowaad 30 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan sideed caruur ay suurta-gal tahay in la la’yahay. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 muhaajiriin ah ay illaa iyo hadda sanadkan dhinteen, ayaga oo ka isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub. Source
  17. (SLT-China)-Shirkadda Batroolka ee dowlada China ayaa la sheegay inay iskaga baxday heshiis Maalgashi oo ay la gashay dowlada Iran, go’aankan oo la sheegay inuu la xadhiidho cadaadiska iyo cunaqabateynta Maraykanka uu saaray wadanka Iran. Wasaarada Batroolka ee Iran ayaa xaqiijisay in Shirkada China laga leeyahay ay hore heshiis maalgashi oo gaadhaya 5 Bilyan oo dollar kula gashay wadanka Iran mashruuca balaadhinta xarumaha Gaaska laga soo saaro badda Iran. China ayaa xiligan dagaal ganacsi kula jirta Dowlada Maraykanka oo cashuur dheeraad ah kusoo rogtay qalabka ay u iibgeeyaan dalkaasi, waxaana hadda socda gorgortan u dhaxeeya Maraykanka iyo China balse aan weli lagu heshiin, waxaana loo badinayaa in go’aanka China ay uu kaga baxday Iran la xadhiidho gorgortanka ay kula jiraan Maraykanka. Source
  18. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkiisa inuu wax ka qabto amniga, nadaafadda, canshuuraha iyo dib u dhiska. Wuxuu sheegay Filish in maamulkiisa rabo in la helo waddooyin dhisan, qurux badan, iyo dhismayaal qurux baqdan si Muqdisho usoo ceshato quruxdii waa lagu yaqaanay. Guddoomiye Cumar ayaa sheegay in sidoo kale ay la dagaallami doonaan dadka aan canshuurta bixin iyo kuwa sida xun u isticmaala waa sida uu hadalka u dhigaye. “Muqdisho oo amni ah oo qurux badan oo waddo iyo dhisme burbursan lahayn in aan gaarno oo halkaasi aado ayaan rabaa, barakacayaasha inaan maareynno ayaan rabnaa, waxaan rabnaa inaan amniga wax ka qabanno, waxaan rabnaa inaan la dagaalanno dadka canshuurta aan bixin ama sida xun u isticmaala” ayuu yiri Filish. Duqa Muqdisho ayaa waxaa sugaya wax ka qabashada arrimo u badan amniga, dib u dhiska, nadaafadda iyo arrimo kale oo muhiim u ah caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Tel Aviva)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegay inay doonayaan inay dowladaha Khaliijka la saxeexdaan heshiis aan la isku soo gardarrooneyn maadaama labada dhinac ay ka siman yihiin dagaalka lagula jiro dalka Iran. Wasiirkaan oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Debadda ee Bahraini Sheikh Khalid bin Ahmed Al Khalifa Bishii ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray in ujeedadka kulankaas uu ahaa sidii looga wada hadli lahaa heshiis nabadeyd oo mustaqbalka lala saxeexdo dowladaha Carabta. Dhammaan Dowladaha Carabta oo gaadhayo illaa 22 Dowladood marka laga reebo Masar iyo Jordan ma aqoonsano Israa’iil maadaama ay xoog ku heysato dhulal Carbeed oo ku yaalla dalalka Falastiin iyo Suuriya. “Maalmahaan dambe waxaan waday wadahadalo siyaasadeed oo ay maalgelineyso Dowladda Mareykanka kaasoo heshiis aan la isku soo gardaroon loola saxeexanayo Dowladaha Carabta” ayuu Twitte-rkiisa kusoo qoray Israel Katz. “Tallaabadaan taariikhiga ahi waxay soo afjari doontaa Khilaafaadka waxayna Shacabka u ogolaaneysaa Iskaashi inta laga saxeexayo heshiisyada Nabadeed” ayuu sii raaciyey. Source
  20. Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale. Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ku sugan Hargeysa, agaasimaha ayeey ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey. Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay. Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xireen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xariggiisa. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wasiirka arrimaha ee HirShabelle, Maxamed Cali (Caadle) ayaa xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, C/casiis Duurow. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiir Caadle ayaa lagu sheegay in xilkaasi uu si KMG ah u heyn doonto, Liibaan Cabdi Nuur (Burisow) oo ahaa ku-xigeenka Maaliyadda degmadaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  22. Dowladda Germany ayaa sheegtay inay Soomaaliya siineyso $73 million oo taageere dhaqaale ah iyadoo ballanqaadday inay xoojineyso xiriirka u dhaxeeya labada dal. Ambassador Annett Gunther ayaa ballanqaadkan jeedisay xilli uu ka qeybgalayey xaflad Muqdisho ka dhacday oo lagu xusayey maalinta midnimada ee Jarmalka taasoo uu sidoo kale kasoo qeybgalay ra’iisul-wasaare Kheyrre. “Innagoo ku taageereynna Soomaaliya waddada ay hayso, Germany waxay sare u qaadeysaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayey tiri Gunther. “Kordhintan oo sida mideysan la isugu raacay waxay xoojineysaa kobaca, xirfadaha horumarineed oo loo sii-marayo tababarro ku saabsan farsamooyinka gacanta iyo xirfadaha waxbarasho, Germany waxay ahmiyad siineysaa horumarinta reer miyiga, beeraha iyo maareynta biyaha,” ayey tiri Ambassador Gunther. Sidoo kale waxaa dhankooda ka hadlay munaasabadda Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Gunther waxay xustay in taageeradan muhiimka ah ee ay Germany siineyso Soomaaliya ay ku sharfeyso horumarka ay sameeyeen dadka Soomaaliyeed. “Ujeedku wuxuu yahay in la taageero joogteynta dariiqa fiican ee ay Soomaaliya qaadday sannadihii dambe,” ayey tiri Gunther. Xafladdan oo ka dhacday xarunta Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu xusayey 29 guuradii kasoo wareegtay dib u midowgii Jarmalka oo ku beegan 3, Oct 1990. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay uu ka furmo Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa socota qaban qaabada munaasabadda lagu furayo Kalfadhigan, waxaana ka qeybgali doona guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, kuwaasi oo shalay gaaray Baydhabo. Mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa in halkaasi ay ka jeediyaan khudbado ay kaga hadlaya shaqooyinka baarlamaanka iyo waajibaadka xildhibaanka. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo aad u badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saaka askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay magaalada Muqdisho. Dilka askariga oo ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa si gaar ah uga dhacay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Ilo deegaanka ah aya Caasimada Online u sheegay in xilliga la dilay Marxuumka uu ka soo baxayey gurigiisa, kuna sii jeeday goobtiisa shaqo. Wararka ayaa sheegaya in askariga la toogtay uu ka mid ahaa ciidanka Xoogga dalka, iyadoona kooxdii dishay ay si aayar ah goobta uga baxsatay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib ay goobta tageen ciidamada Booliska, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, mana jirto cid sheegtay masuuliyadda dilkan, balse Al-Shabaab ayaa sheegata dilalka ka dhanka ah Askarta. Toogashadan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo muddooyinkii dambe dowladda Soomaaliya ay xoojisay howlgallada ka socda xaafadaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  25. (SLT-Washington)-Ciidanka Mareykanka ee ku sugan waqooyiga Suuriya ayaa bilaabaya in ay iskaga baxaan deegaanada ay ku sugan yihiin xilli Millatariga Turkiga uu isku diyaarinayo howlgal ka dhan ah kooxda Kurdida iyo dagaalyahanada Kale. Washington ciidankeeda ma taageeri doono howlgalka Turkiga ee ka dhan ka ah kurdida, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo saari doonaa gobolka Idlib, sidaasi waxaa sheegtay xoghayaha dhanka warfaafinta aqalka cad Stephanie Grisham. Balse ma cada waqtiga rasmiga ah ee Mareykanka ugu danbeyn ciidankiisa uu kala bixi doono waqooyiga suuriya kuwaasi oo tiradoodu ay tahay, 1,000 Askari. Ms Stephanie ayaa intaa raacisay in Turkiga uu bilaabay dhaq-dhaqaaq ku aadan howlgalada milatari ee gobolka Idlib. Afhayeenka aqalka cad ayaa ugu danbeyn sheegtay in Isniinta maanta ah ay ciidankooda ka baxeen laba saldhigyada Tel Cabyad iyo Ras Al-Ceyn oo u dhow xadka Turkiga. Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayaa isku khilaafsan dagaalka ka dhanka ah Kurdida waxaana Mareykanka uu ugu hanjabay Turkiga in cunaqabateyn dhaqaale uu ku soo rogi doono hadii Turkiga uu weeraro Dagaalyahanadan. Source