-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019,ka, ka dib markii horay Wasaaradda ay u qaadacday natiijada doorashooyinkii ku soo gabagaboobey fashil ka dhashay afduub iyo musuqmaasuq cad oo lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey. wasaaradda ayaa habraacan ku tilmaantay mid abuuri doona kalsooni lagu qabi karo Baarlamanka loo soo doori doono Jubaland iyo natiijada doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Sidoo kale waxay sheegtay in uu ku dhisanyahay xaqiiqada jirta islamarkaana waafaqsanyahay Dastuurka federaalka iyo kan Jubaland uuna xaqiijinayo isfaham iyo midnimo buuxda oo laga gaaro khilaafaadka taagan. Shaacinta habraacan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo shaacisay habraaca doorasho cusub oo laga qabanayo Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-6102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019-ka. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war rasmiya ka soo saartay wafdi dhowaan la shaaciyay inay ka qeyb gali doonaan caleema saarka Axmed Madoobe. Xukuumada ayaa sheegtay in aan laga qeyb gali karin caleema-saarkaasi, isla markaan si adag uga digtay in lagu milmo arrimaha siyaasada ee ka taagan dalka Soomaaliya. Cabdisamad Cumar Maal, Garyaqaanka guud ee Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee u gaarka ah Soomaaliya, marka laga reebo arinta wadda-hadalada labada dhinac, wuxuuna yiri: “Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada”. “Haddii ay noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya. Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-leeyihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto”. Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maalmihii la soo dhaafay uu soo if baxayey muran baahsan oo ka dhashay in wafdi xildhibaano ka tirsan Somaliland ay ka qeyb-galayaan xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa war-saxaafadeed dheer ka soo saartay qorsheheeda ku aadan maamulka Jubbaland. Qoraalka wasaaraddda oo aad u dheeraa waxaa lagu soo saaray habraac doorasho iyo guddi farsamo oo dajin doona qorshaha lagu soo dhisayo xubnaha baarlamaanka 2-aad iyo doorashada Madaxweynaha ee maamulka Jubbaland 2019. Habraaca doorashada ay wasaaraddu doonayso in laga qabto Jubbaland oo lagu soo koobay 26 qodob ayaa waxaa qodobadaas ugu muhiimsan, in wadaaradda arrimaha gudaha ay ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada maamulka munaasabada looga dhawaaqayana ay ku sugnaadaan goobjoogayaal caalami ah. In xubnaha xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka Jubbaland loo madax banaynayo soo xulidooda odayaasha dhaqanka beelaha ay matalayaan. Sidoo kale habraaca dib u heshiisiinta ayaa waxay qoraalkeeda ku sheegtay wasaaraddu in ay guddi u xil saartay wargelinta iyo xiriirka beelaha, soo uruurinta iyo isku keenidda ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbaland iyadoo loo daadihin doono shirkaas qaabka ugu haboon ee xal looga gaari karo khilaafka bulsho iyo kan siyaasadeed ee ka dhex jira beelaha. Halkaan ka akhriso qoraalka oo aad u dheer Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo u tageen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed. Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad aan sharci aheyn ay ka degtay Magalada Kismaayo, isla markaana halkaas geysay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Xildhibaanka oo Wariyeyaasha Muqdisho kula hadlaayay ayaa waxaa uu intaasi kudaray hadalkiisa in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka, isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya kulamadii markii ay furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga lahaa geyn doonaan, waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab baarlamaanka ka siiso Diyaaradaas. Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Amiin Jeesow ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo, iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana khatar gelisay dalka. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ay badbaadin doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online)– Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo. Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere. Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey. Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere. Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere.
-
Muqdisho (SMN) – Kulankaan oo uu shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga D.F.S Xil.Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Xasan. kulankaan ay masuuliyiintaan la qaateen u qaybsanayaasha Ciidamada D.F.S ee Caalamka, Waxaana laga Dhagastay xog ku aadan dalalka ay somaaliya ku matalaan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u qaybsanayaasha ciidamada D.F.S ee Caalamka ay wax badan ku soo kordhin karaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , iyagoo suurtagalin kara tababaridda ciidamada Xoogga dalka, isla markaana kala hadli karaan tayaynta ciidamada dowladaha ay ku matalaan ciidamada dalkeenna Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa xusay in D.F.S ay ka go’an tahay soo celinta maqaamkii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka . View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Kulankaan oo uu shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga D.F.S Xil.Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Xasan. kulankaan ay masuuliyiintaan la qaateen u qaybsanayaasha Ciidamada D.F.S ee Caalamka, Waxaana laga Dhagastay xog ku aadan dalalka ay somaaliya ku matalaan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u qaybsanayaasha ciidamada D.F.S ee Caalamka ay wax badan ku soo kordhin karaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , iyagoo suurtagalin kara tababaridda ciidamada Xoogga dalka, isla markaana kala hadli karaan tayaynta ciidamada dowladaha ay ku matalaan ciidamada dalkeenna Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa xusay in D.F.S ay ka go’an tahay soo celinta maqaamkii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka . View the full article
-
Munaasabaddaan xarigga looga jarayay dugsiga Baxru-nuur ee deegaanka Balli-Howd oo hoostagta dagmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa ka soo Qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Galmudug,maamulka dagmada guriceel,maamulka dugsiga, waalidiin iyo waxgarad ka tiran dadka deegaanka ku nool, waxgaradka iyo dhalinyarada deegaanka Ballihowd ayaa ka mahadceliyay furitaanka dugsigaan iyagoo sheegay in uu ku soo beegmay waqti ay u baahnayeen. Shiiq Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari iyo Agaasimaha guud ee Madarasada Baxru-nuur oo ka hadlay xafladda lagu furayay madarasaddaan ayaa sheegay in Dugsigan hoose dhexe ee baxru-nuur oo ka howlgala deegaanno farabadan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ay uga gol-leeyihiin sidii Caruurta ku nool deeganada ka fog magaalooyinka loo gaarsiin lahaa adeeg waxbarasho. Wasiirka Waxbarashada Galmudug Mudane Ahmed Deeq oo dhankiisa ka hadlay xafladda ayaa Sheegay inay bogaadinayaan dadaallada waxbarashada lagu gaarsiinayo dadka ku nool tuulooyinka ka fog magaalooyinka Galmudug. Dugsiga Baxru-nuur ayaa horay looga hirgaliyay dagmooyinka Dhuusmareeb Guriceel, Cadaado iyo deegaannada tuulo-caano, Ballicad, goodwiil oo ka tirsan gobolka Galgaduud taas oo dhalinyarada deeganadaas ay ku heleen adeeggii waxbarasho ay u baahnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s Minister of Health and Social Care, Dr Fawziya Abikar, has praised the Qatari people and government for supporting the Somali people and appreciated Qatar Charity’s initiatives to help vulnerable groups, set up hospitals and health units, and care for mothers and children. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa lixdii xubnood ee Somaliland ugu qeyb galayey caleema saarka Axmed Madoobe, ayaa maanta shaaciyay inuu ka baaqday safarkaasi. Xildhibaan Naasir ayaa sheegay inuu dib uga laabtay qorshihii uu markii hore uga mid noqday wafdigaasi, isagoona xusay in arrintaasi dhaawac ku tahay madax-banaanida Somaliland. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yiri “Waan ka noqday go’aankii aan kaga qeyb gali lahaa caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe”. “Waxaan u taanusalay qarankayga iyo shacabkayga Somaliland oo u arkay inay dhaawac iyo dhiig bax ku tahay qaranimada Somaliland in aan caleema saarkaas ka qeyb galo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankiisan uu kaga noqday kamid noqoshada wafdigan ay gacan ku lahaayeen dad badan oo arrinkaasi kala hadlay “Dad badanina wey ila soo xidhiidheen aadna wey igala hadleen arinkaas”. Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dood badan ka taagneed Wafdiga Somaliland ee dhowaan la shaaciyay inuu ka qeyb gali doono caleema-saarka Axmed Madoobe, taasi oo ay si adag uga soo hor-jeesteen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Jalalaqsi)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidammada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo maanta ka dhacay gudaha degmada. Ciidamada Jabuuti ayaa la sheegay inay la wareegeen dhamaan xarumaha maamulka. Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in la hawada laga saaro lana bakhtiiyo xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, kaddibna ay howlo miina baadhis ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi, isla markaana ciidamadii maamulkaas dagaal magaalada lagaga saaray. Waa iska horimaadkii ugu horreeyay ee dhaxmara ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan. Source
-
(SLT-Washington)-Sarkaal ka tirsan booliska Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, ayaa mar uu marayay wado ku taala Magaaladaas waxaa uu kula kulmay gabadh derbi jiif ah oo heeseysa, waxaannu go’aansaday inuu muuqaal kaga duubo telefoonkiisa, balse taas waxay badashay noolasha gabadha. Askarigii ayaa markii uu duubay muuqaalka gabadha iyadoo heeseysa, waxaa uu soo dhigay barta ay booliska ku leeyihiin Twitter-ka, waxaan saacado gudahood daawatay malaayin qof oo ka helay codka gabadha, iyagoo ka damqaday xaaladda ay ku nooshahay gabadha. Emily Zamourka ayaa muuqaalka laga duubay iyadoo ku heeseysa heestii Puccini’s ee ay qaaday fanaanada caanka ah ee O Mio Babbino Caro. Codka hallaasiga ah ee 52 jirkan ee ay heesteeda qaaday gabadha aya soo jiitay quluubta dad badan, oo qaar badan oo ka mid ah ayaa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas, iyagoo aad ula dhacsan codka gabadha ay ku luuqanayso. Mid ka mid ah ayaa waxaa uu yidhi “codkeeda waa cajiib, waxaan u rajeynayaan nolol fiican, wuuna mahadsan yahay sarkaalkii booliska ahaa ee aqoonsaday codka hallaasiga ah ee gabadhan, baraha bulshadana dadka kula wadaagay!” Hase-yeeshee qaar kamid ah isla dadkaas isticmala Twitter-ka ayaa su’aal geliyay in Zamourka ay tahay derbi jiif oo aan heysnin hoy, waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Boorsada ay wadato, dharka ay xidhan tahay iyo sida timaheeda ay nadiif u yihiin marka la eego, waxay u muuqataa qof soo dhar iibsaday oo iska laafiyoonaya” Dadka qaar ayaa sheegay inay hore u arkeen gabadhan, iyadoo derbiyada jiifta,waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Horre ayaa u arkay gabadhan oo waxaan dhowr jeer ku arkay iyadoo baaskiil ku kaxanayso tareenka iyo iyadoo wadada ku quudinaysa shimbiro, waligayna kuma fikirin inay leedahay codkaas hallaasiga”. Ms Zamourka oo la hadashay wargeyks told the Los Angeles Times in dalka Mareykanka ay timi iyadoo 24 sano jir ah, kana timid dalka Ruushka, halkaas oo ay sheegtay inay ku baratay sida loo garaaco turumbada iyo biyaanada heesaha. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Dacwaddii uu Xisbigiisa Maanta u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka taasoo ku saabsaneyd xayiradii Shiikh Shariif ee Garoonka Aadan Caddde. Shiikh Shariif ayaa sheegay inay dacwadaas Maxkamadda Sare u gudbiyeen iyagoo ilaalinayo shuruucda dalka u taalo, wuxuuna sheegay in is hortaaggii lagu sameeyey uu ahaa mid sharci darro ah. “ Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland” ayuu yiri Shiikh Shariif oo qoraal kusoo qoray Boggiisa rasmiga ah ee Facebook. Shiikh Shariif ayaa sheegay inaysan jirin cid ka sareyso Sharciga isla markaasna ay maxkamada Sare ka sugayaan cadaalad, wuxuuna xusay inay dacwadda si gaar ah uga gudbiyeen laanta fulinta ee Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay iyada bixisay amarkii sharci darrada ahaa. “ Ma jirto cid ka sareysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa”. Shiikha ayaa ugu dambeyn sheegay inay dacwadaas Maanta usoo bandhigeen Saxaafadda uuna u akhriyey xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan. “ Shir jaraa’id oo aan ku qabannay xarunta xisbiga ayaan warbaahintana kula wadaagnay, iyada oo uu u aqriyey nuqulka dacwadda aan gudbinnay xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan”. Dhawaan ayey aheyd Markii Shiikh Shariif loo diiday inuu raaco diyaarad u socotay Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland halkaas oo uu kaga qeyb geli rabay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo sababtaas darteed u baaqatay. Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo horey usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo Arbacada la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Dunida kama dhacdo in qof dembiile dagaal ah oo xukun ku dhacay uu sawir la galo shakhsi ka mid ah kuwa caanka ka ah dunida badankeeda sida Heesaaga, Jilayaasha, Madaxweynayaasha, Ra’iisal Wasaarayaasha iyo kuwa la midka ah, waayo waxa uu sawirkaa uu qofka caanka ahi la galay dembiile dagaal, waxa uu sheegayaa inay taageerid u tahay, kuna raacsan tahay dembigii dagaal ee caalamiga ee uu galay. Haddaba Madaxweynaha Somaaliya Farmaajo oo booqasho ku tagay magaalada Washington ee dalka Maraykana bishii hadda ee aan kasoo gudubnay, ayaa waxa uu halkaa kula kulmay dembiile dagaal oo ka mid ahaa Saraakiishii xasuuqa xun ka geysatay Somaliland 1988kii, sida dad nolol lagu gubo ama lagu xabaalo. Kulankaas ka dhacay Washington oo la xidhiidhay Safaarad uu Farmaajo uga furayey Somaaliya, waxa lagu martiqaaday xafladda oo kasoo qeyb galay Dembiile dagaal oo magaciisa caanka ah ee loo yaqaanaa yahay (TUKE-Cabdi Cali) kaas oo ay isla sannadkan Maxkamad ku taal Gobolka Virginia ee dalka Mareykanku u aqoonsatay dembiile dagaal, iyadoo sida la sheegayo uu Madaxweyne Farmaajo ku amray diblomaasiyiintiisa inay ku soo martiqaadaan Tuke xafladdii furitaanka Safaaradda. Farmaajo intaas oo keliya may ahayn ujeeddadiisu, balse waxay daarrneyd inuu inaa-deerkii oo dembiile dagaala, xukun caalami ahna ku dhacay ku ilowsiiyo shaabadda dembiilenimo ee kaga dhegsan wejigiisa iyo sii jeedkiisaba, una muujiyo dadka wadaaga magaca Soomaali madaama uu maanta Madaxweyne yahay in Tuke aanu ka noqon Somaalida dhexdeeda qof laga dido oo dadku ka fogaadaan. Si taasi u hirgasho waxa uu sameeyey fal dembi ama ugu yaraan fadeexad weyn ka ah dunida, kaas oo ah inuu Madaxweyne Farmaajo sawir gaar ah la galay dembiile Yuusuf Cabdi Cali [TUKE] oo ah Sarkaalkii dadka nool ku gubay, isla markaana xabaalay iyagoo nool ee uu ku caddaaday dembigaasi, kadib markuu dacwad muddo dheer socotay ku oogay Farxaan Taani Warfaa oo ka badbaaday shan xabbo oo uu ku dhuftay Tuke, isla markaana uu ku sameeyey Jidh-dil. Tallaabadan waxa kale oo uu Farmaajo ula dan lahaa inuu ku niyad jebiyo shacbiga reer Somaliland ee halganka ugu jira inay xaqooda iyo xuquuqdooda ka helaan dunida, taasoo ah inay mar uun gartaan in Somaliland Qaranimadeedu tahay mid waafaqsan shuruucda Caalamiga ee dal lagu aqoosado, asbaabaha ay uga go’day Somaaliya-na ay tahay tan ugu dembeysay ee hadda uu Madaxweynaha Somaaliya taageerada ku siiyey Tuke oo ka mida kuwii xasuuqay shacbigii aan hubeysneyn ee reer Somaliland. Sidaa darteed, waa in bulshada Caalamku sawirka uu la galay Madaxweyne Farmaajo dembiilaha dagaal ee xasuuqa ka geystay Somaliland wax ka qabataa, maadaama uu dhaawacay damiirka dadka nool ee ay ehelka ahaayeen kuwii uu nolosha ku gubay, isla markaana ku xadgudbay xuquuqda bani’aadanka isagoo Madaxweyne dal sheeganaya, sidoo kalena dib loo eegaa taageerada ay dunidu siiso Xukuumaddiisa. MUXUU YAHAY YOOLKA XUKUNKA FARMAAJO EE MUQDISHO Farmaajo waa nin Madaxweyne ka ah Villa Somaaliya iyo inta ku xeeran oo ku siman illaa Madaarka iyo Dekedda Xamar inta u dhaxeysa, halkaas oo uu weli baaqi ku sii yahay magaca uu saxeexii Somaaliya oo maqaar saar u ah Qaramada Madoobay oo marka xaqiiqada laga hadlayo ah ta ka talisa, isla markaana dejisa qorshaha mustaqablka dembe ee dalkii Somaaliya oo ka kooban labadii dal ee ay u kala talinayeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaaniga ee iskood isku raacay inay isku darsadaan oo la baxaan hal magac, kaas oo ahaa Jamhuuriyadda Somaaliya. Saxeexaa weli ku sii hadhsan xaruntii Villa Somaaliya, waxa haatan sidii Maafiyada Talyaaniga oo kale ugu shaqeyste Farmaajo oo sida dad ku dhaw-dhaw laga soo xigtay in ka hor intaanu ku fadhiisan saxeexa kursigan uu ku riyooday isagoo Madaxweyne ka ah Somaaliya oo ay Fannaaniin faro badan oo wiillal iyo gabdhaba leh ugu heesayaan hees la mid ah kuwii loogu heesi jiray Adeerkii oo ay ku jirto (NOOLOW MADDAALE ) iyo mid kale oo iyana ay ku jireen midhahani [WAQAL HOORRAYOO.. NA WARAABIYOO.. WEYNAHAAN KA TUUGNEE NOO WAAR.] Intaa waxay ku dareen ilahan ka agdhawi, inuu u sheegay iyana goob joog ka ahaayeen, iyadoo ay shacbiga Muqdisho u qaadayaan heestii (NOOLOW MADDAALE) dhawr jeer oo la damcay in reer Muqdisho lagu kiciyo, balse iyagoo eegaya sida firfircoonida leh ee uu Somaliland u jeebeeyey iyo sida uu Shabaabkii uga sifeeyey dalka, ayey shacbigii isu soo bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo ku qabteen fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaa markuu ugu yimidna ay in ku dhaw 30 daqiiqo ku celcelinayeen heestii NOOLOW Maddaale, sidaana uu ku fashilmay shirqoolkii ay la damacsanaayeen Siyaasiyiinta waaweyn ee reer Muqdisho. Intaa wixii ka dembeeyey, waxa uu Farmaajo galka ka saaray seeftii kacaanka ee uu ku riyooday oo la dhex qaaday Madax-weynta magacyada waaweyn ku leh magaalada oo ay ugu horreeyaan kuwa ugu magaca sarreeyaa sida Janaraal Qeybdiid, C/raxmaan C/shakuur, Muuse Suudi Yalaxow, Korneylkii la deldeley ee Janannadiisii dilay yidhaahdeen isagaa isdeldeley iyo kuwa kale oo badan oo isugu jira Wadar iyo keli-keliba sida dadkii degganaa soonka Jaamacaddii Lafoole, Xaruntii Dhallinta kacaanka ee meelaha kale ee kasoo sokeeya ee dawladdu lahayd, balse inta degganeyd u badneyd beesha H/Gidir, iyagoo kala mid ah beelaha kale haddana keligood lagu amray inay ka guuraan. Waxa ka sii darnaa oo waxaas oo dhan isku fuuqsaday, marag muujina u ah sida uu u jilayo Farmaajo ficilladii foosha xumaa ee Adeerkii , markuu ku dhiiraday inuu shakhsi ka mid ah kuwa biri-megeyda u quudhay inuu kula kaco oo ku fuliyo ficil gardarro cad oo qaawan ah, kadib markuu Farmaajo amray in laga soo dejiyo diyaarad uu doonayo inuu u raaco illaa Kismaayo Madaxweynihii ugu soo dhadhawaa in Somaaliya heshiis ka dhaco dhexdooda. Shakhsigaas waa Madaxweyne Sheekh Shariif oo lagu sifeyn karo hoggaamiye ku dhac leh, maadaama uu yahay ninkii ka diiday dalalka Shisheeye ee daneeya Somaaliya iyo Qaramada Midoobay in doorasho dembe oo Baarlamaan iyo Madaxweyne-ba ka dhacdo meel aan ka ahayn dalkiisa. taas oo aakhirkii ka hirgeliyey in dalka gudihiisa lagu qabto doorashooyinka, inkastoo tii ugu horreysay ee uu ku qabtay Muqdisho ay ku abaalmarisay in lagaga guuleysto tartankii aan dhaafsiisneyn Hool lagu soo ururiyey dad gaadhaya dhawr boqol oo intoodii badneyd u codeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud. Reer Muqdisho dhug iyo dareenba ha u yeesheen ficillada Farmaajo inta uu ku soo jaheynayo Somalailand oo hore u tashatay, iskana ilowday wixii hore ugu dhacay oo dhan. Source
-
Awoodda bixinta cafis (amnesty) ama saamaxaad (pardon) waxa iska leh oo ay gaar u tahay madaxwaynaha sida ku cad qodobka 90(5) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ku cad qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta, Madaxwaynuhu wuxuu cafis u fidin karaa cid dembi aan weli lagu soo oogin ama cid eedi ku socoto ama cid la xukumay. Halka saamaxaaddu ku kooban tahay cid dembi lagu helay oo qayb ka mid ah ama dhamaan ciqaabtii la saaray laga saamaxayo sida ku cad qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta. Cafisku mid guud iyo mid gaar ahba wuu noqon karaa. Ka guud dad badan ayuu saameeyaa, ka gaarka ahina cid magacaaban. Cafiska iyo saamaxaddu waa go’aan madaxwayne oo qoran. Awoodda cafisku waa u gaar madaxwaynaha oo cidi lama wadaagto, uma na baahna in cid kale ansixiso. Jawaabta su’aasha waydiinteedu igu soo noq noqtay waa intaas. Source
-
(SLT-Pyongyang)-Wadahadallada Niyuukleer-ka ee u dhaxeeyay saraakiil ka socota xukuumadda Washington iyo Pyongyang, oo ka socday dalka Sweden ayaa burburay sida uu sheegay matalaha dhanka wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi. Shirka oo ka dhacay xarun ku taalla duleedka magaalada caasimada ah ee Stockholm, ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah ay u kulmaan saraakiil sare oo ka tirsan labada dhinac. Madaxweyne Donald Trump iyo hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa bishii June ee badhtamihii sannadkaan isku waafaqay in dib loo bilaabo wadahadalada Niyuukler-ka oo horay hakad u galay. Bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa labada madaxweyne waxay kulan ku qaateen dalka Vietnam, inkastoo ay kala tageen iyagoo aan gaadhin wax heshiis Ah. Matalaha dhanka wadahadalada Kuuriyada waqooyi mr Kim Myong Gil oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee safaarada dalkaasi ku leeyahay magaalada Stockholm ayaa sheegay in ay burbureen. Mr Gil ayaa intaa raaciyay in Mareykanka aanu la imaan dulqaad badan si ay u sii socdaan wadahadalka labada dhinac. Dhanka kale xukuumada Washington ayaa sheegtay in ayna xaqiiqda ka tarjumeyn hadalka Kim Myong Gil, ayna Washington aqbashay casuumaada si loo sii wado wada xaajood dheeraad ah laba todobaad Kadib. Source
