-
Content Count
213,917 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey’ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood. Shirka oo dhammaadkiisii l warmurtiyeed aga soo saaray ayaa intiisa badan looga hadlaya tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda, horumarka la gaaray iyo ka wada shaqeynta horumarinta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyada oo taageerada beesha caalamka lagu saleynayo tubaha qaranka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in wadashaqeynta madaxda dalka ay horseedday in horumar laga gaaro isbedelka, xasiloonida, dowladnimada iyo ajandaha dib-u-qaabeynta ee sida wadajirka ah ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee caalamka, kuwaas ee soo celisay rejada ummadda Soomaaliyeeed. Dhammaan mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa isku raacay in horumar ballaaran lagu tillaabsaday tan iyo markii la qabtay shirkii shirkaan ka horreeyay ee sannadkii 2018, waxaana la isku raacay in wadajir loo shaqeeyo si horumarka loo joogteeyo. Saaxiibada caalamku oo qiray guulaha Soomaaliaya ay ku tilaabsatay,ayaa hoggaanka dalka ku ammaanay horumarka ay ka sameeyeen ajandayaasha dib-u-habeynta ee ay kamid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda, dakhliga, la tashiyada qorshaha cusub ee qaranka, dib-u-habeynta amniga, guulaha laga gaaray howl-galladda argagaxisada ka dhanka ah iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada iyo dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu caddeeyay in Dhallinyada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan ee bulshadana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka, haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabana ay diyaar u yihiin ka qayb galka siyaasadda, taas oo meesha ka saareysa dhaqankii hore ee ahaa in siyaasadda dalka ay kooxa yari ay hoggaamiyaan. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War iminka nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee sida gaarka ah u tababaran qaraxyo xooggan lagula beegsaday gobolka Shabeellada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan oo ahaa laba ay ka dhaceen inta u dhaxaysa deegaanka Ceelsha Biyaha iyo degmada Afgooye. Waxaa qaraxyada lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen ciidamada Dana boo waddada marayey. Labada qarax ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan toddoba askari oo ka mid ah ciidamada Danab. Waxaa sidoo kale jira tiro dhaawac ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn, sida uu sarkaal sare u xaqiijiyey Caasimada Online. Dawladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada weli wax war ah kama soo saarin qaraxyadan. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin qaraxyada. Qaraxyadan ayaa imanaya laba maalmood kadib markii ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ay iska caabiyeen weerar ay Al-Shabaab ku qaadday saldhigga garoonka Ballidoogle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa goordhow la soo saaray war-murtiyeedka shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya kaas oo muddo 2 maalin ah ka soconayey magaalada Muqdisho iyada oo la xusay in waxyaabo badan la qaban lahaa haddii aaney isku dhici laheyn dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Halkan Ka Akhriso: War-murtiyeedka Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya: Beesha caalamka waxaa ay dowladda Soomaaliya ku ammaantay horumarka laga gaaray maamulka maaliyadda, uruurinta canshuuraha, habeynta hey’adaha amniga, dhulalka muhiim ah oo laga qabsaday Al-shabaab, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale. Waxaa la soo hadalqaaday caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo abuur la’aanta jirta, koror la’aanta dhaqaalaha dalka, la dagaalanka Al-shabaab, ka jawaabista arrimaha banii’aadnimada iyo dhismaha siyaasadda loo dhan yahay oo ilaalisa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Soomaalida iyo beesha caalamka waxaa ay ku heshiiyeen qorshe mideysan oo isla xisaabtan oo ah arrimaha ay muhiim tahay in xoogga la saaro ka hor December 2020, waxaa la isla qiray in wax badan la qaban lahaa haddii ay si fiican u wada shaqeyn lahaayeen dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxaana hadda lagu heshiiyey in labada dhinac ka wada shaqeeyaan arrimaha amniga, siyaasadda, dib u habeynta iyo arrimo kale. Soomaaliya waxaa ay balanqaaday iney sii wadeyso howlgallada amni iyo dagaaladda ka dhanka Al-shabaab iyo dib u habeyn lagu sameeyo amniga, garsoorka, hey’adaha xuquuqul insaanka. 2020-ka waxaa higelinta howlahan ka wada shaqeyn doona Soomaalida iyo beesha caalamka oo taageeri-doonta, in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha ee meelaha Al-shabaab laga qabsaday, in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada, lacag bixinta iyo tallaabooyin kale sida in ciidamada AMISOM u baxaan si aayar ah oo Soomaalida la wareegto ammmaanka iyo in dowladda federaalka ah ay gacanta ku dhigto amniga caasimadda Muqdisho. Soomaaliya waxaa ay balanqaaday iney ka soo bixi doonto shuruudaha ku xusan heerka 4-aad ee qiimeynta IMF si ay uga mid noqoto sanduuqa kabka horaanta 2020-ka, waxaa ay beesha caalamka soo dhoweysay shirkii dhowaa Adis Ababa, waxayna dhiirigelisay in la sii joogteeyo. Si ay u dhacdo doorasho qof iyo cod 2020/2021, baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu balanqaaday in sharciga doorashada ay ka dhamaadaan December 2019 iyo in la dhameeyo dib u eegista dastuurka June 2020, si loo meelmariyo dastuurka, loo dhiso maxkamadda dastuuriga, guddiga adeegga garsoorka, waxaa kale oo la sii wadi-doonaa dib u heshiisiinta, in haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada ka qeyb galaan arrimaha siyaasadda iyo arrimo kale. Waxaa kale oo dowladda Soomaaliya balanqaaday iney ahmiyad siiso shaqo abuurka dhalinyarada, xal iney u hesho barakacayaasha iyada oo la socodsiinayo qorshaha qaranka, waxay beesha caalamka balanqaaday iney arrimahaas ka taageerto dowladda iyo in laga jawaabo abaarta in ka hartay 2019-ka, waxaa kale oo lagu heshiiyey maamulka biyaha, horumarinta ganacsiga gaarka ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaale. Dowladda Soomaaliya waxaa ay balanqaaday iney dhisto qorshe qaran oo wax looga qabanayo isbadalka cimilada iyo sharciyo badan. Waxaa lagu heshiiyey in NGO yada ay ku shaqeeyaan sida sharciga dhigayo, oo la meelmariyo qorshe qaran oo arrinkan la xiriira iyo in dastuurka uu ilaaliyaa NGO-ska iyo arrimaha la xiriira xuquuqda aadanaha. Waxaa kale oo la ammaanay ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM sida geesinnimada leh ee ay naftooda ugu huraan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, waxaa kale oo ay Soomaaliya beesha caalamka uga mahadcelisay sida ay uga taageerto dhismaha dowladnimada, horumarka iyo degenaanshiyaha ay Soomaalida oo ka dhan ka faa’ideysato. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
War-saxaafadeed. Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku waxay 1dii iyo 2dii bishan Octoobar 2019 kulan ku qaateen magaalada Muqdisho, kulan kaasoo ka mid ahaa kulamadii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka. Ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu abbaarayo caqabadaha harsan. Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood. Sidaa soo kale, waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo u gurmashada dhibaatoyinka banii’aadam nimada, u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka, sameynta dhidhibada siyaasad loo dhanyahay, xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka, ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha laga tirada badanyahay. Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020. Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah, in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada. Madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda labada dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. 2: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee socda, in ay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab iyo in ay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta u leh amniga, caddaaladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Iyadoo diiradda lagu hayo arrimaha kor ku xusan ayaa 2020 si wadajir ah la iskula aqoonsanayaa loona qorsheynayaa, si loo xaqiijiyo in dhammaan qeybaha ku shaqada leh ay mideeyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan inay ku bixiyaan meelihii lagu heshiiyay. Saaxiibada Caalamka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay taageeraan sidii loo heli lahaa ciidammo amni oo u hoggaansan dhowrista xuquuqda aadanaha taas oo ay ka mid tahay xuquuqda dadku u leeyihiin helista caddaalad, kana shaqeeyaan xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, iyo geeddi socodka dib u haybenta shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidammada. Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan qaadista tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo xaalad kala guur oo xasilloon oo ay AMISOM arrimaha amniga dalka ugu wareejineyso Ciidammada Amniga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wada jir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi socodka doorashooyinka federaalka iyo xoojinta amniga caasimadda. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada barnaamijka deyn cafinta ee hay’adda lacagta adduunka ( SMP4) iyadoo saaxiibbda caalamkana ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu dul dhisayo guulaha la gaaray iyo in la qaado talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo go’aannada muhiimka ah ee 2020 ee la xiriira deyn cafinta waddammada saboolka ah. Saaxiibbada caalamku waxa ay soo dhoweeyeen kulan howleedkii Addis Ababa ee ku saabsanaa geeddi socodka deyn cafinta, waxa ayna ku dhiirri geliyeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan dadaalladooda heerka siyaasadeed, si loo xoojiyo loona horumariyo hannaanka maaliyeed ee heerarka kala duwan ee dowladda. Si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay qabato doorasho qof iyo cod ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021 waxaa ka go’an hay’daha fulinta iyo xeer dejinta dalka in ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka bisha December 2019. Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhammeystirto dib u eegista dastuurka bisha June 2020, ansixinta dastuurka ka dib marka wax ka baddelis lagu sameeyo, in la dhiso Maxkamadda dastuuriga ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadista geeddi socodka dhab-u heshiinta Qaranka, iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin haweenku gaarista go’aannada siyaasadeed ee dalka. Saaxiibbada caalamku waxa ay oggolaadeen in la dhiirri geliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo urururta dhaqaale dowladdu ku maalgeliso ansixinta shuruucda hortabinta leh si loo taageero howlaha la soo sheegay, iyo in laga caawiyo Soomaalia in howlahaasi ku qabsoomaan xilliyadii loo qorsheeyay. 3: Soomaaliya waxaa ka go’an in ay mudnaanta koowad siiso xoojinta dhallinayarada iyo in loo abuuro fursado shaqooyin. Iyadoo la dhisayo u adkeysiga, loona marayo badbaadinta bulshada, in loo helo xal waara arrimaha qaxootiga, dadka waddanka dib ugu noqonaya iyo barakacayaasha gudaha, iyadoo la xushmeynayo, mabaadi’da bani’aadamnimada iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegga bulshada. Taas oo noqonaysa in si wanaagsan isula jaanqaadaan taageeridda arimaha horumarinta mudnaanta la siinayo qorshaha horumarinta qaran ee 9aad, xoojinta awoodda dowladda si ay u bixiso adeegyada bulshada, si kor loogu qaado awoodda baniaadmnimo, gaar ahaan in la buuxiyo, inta ka dhiman kaalmada qorshaha baahida bani’aadamnimada ee 2019. Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxaa ay isku raaceen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha adeegyada. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku talo jirtaa in sameyso, siyaasad qaran oo lagu xallinayo is-beddelka cimilada iyo in ay sameyso shuruuc dhiirrigalineysa shaqo abuur . Soomaaliya waxaa ay sameysay horumar sanooyinkii la soo dhaafay taas oo ay mahadeeda leedahay iskaashigii xoogannaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Waxaa ay isku raaceen in ay xaqiijiyaan isna waafajiyaan dadaalladooda, iyada oo kor loo qaadayo isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo, hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulayo hey’adaha qaranka iyo hey’adaha caalamiga ah, taas oo ay ku jiraan in loo sameeyo shuruuc badbaadineysa hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo sidoo kale in lagu daro, dastruurka ku meel gaarka ah iyo sharciga xuquuqal aadanaha, iyo in hey’adaha aan dowliga aheyn ay ku dhaqmaan shuruucda dalka. Madashu, waxaa ay xaqiijineysaa ballanqaadyada dhammaan ka qeybgalayaasha madasha iskaashiga saaxiibada caalamka iyo mabaad’ida ku saleysan hanaanka isla xisaabtan loo wada dhanyahay si kor loogu qaado dadaallada wada-jira ee ku aadan mustqabalka ifaya ee Soomaaliya. Ka qeybgalayaasha madashu waxaa ay bogaadiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dalalka ugu yaboohay ciidamada AMISOM sida geesinimda leh naftooda ugu huray soo celinta nabada Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay caddeyneysaa in ay Sharaf iyo qadarin u heyso dhammaan saaxiibada caalamka ee taageerada kula garab istaagay dib u dhiska dowladnimada, horumarka xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhaan shacabka Soomaaliyeed. Puntland Post The post Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliya iyo deeq bixiyaasha oo Warmurtiyeed laga soo saaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socday Muqdisho laba Maalin ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhawr qodob. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran 1 – Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku waxay 1dii iyo 2dii bishan Octoobar 2019 kulan ku qaateen magaalada Muqdisho, kulankaasoo ka mid ahaa kulamadii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka. Ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga hadleen horumarkii la sameeyay tan iyo kulankii ugu dambeeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee dhacay bishii Luulyo 2018 oo la isku raacay in si wadajir ah loo qaado tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu abbaarayo caqabadaha harsan. Saaxiibada Caalamka waxa ay qireen waxqabadka ay sameeyeen Soomaalidu, waxayna madaxda Soomaalida ku bogaadiyeen horumarkii weynaa ay ka sameeyeen dib u habeynta iyo kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo kobcinta dakhliga canshuuraha, wada-tashigii laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka, dib u habeyntii ballaarneyd ee laga sameeyay Amniga, guulihii laga gaaray howlgalladii dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray alshabaab, kor u qaadistii lagu sameeyay adeegyada bulshada iyo hormarkii laga gaaray dib u heshiisiinta meelaha qaarkood. Sidaa soo kale, waxaa harsan dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, iyo u gurmashada dhibaatoyinka banii’aadam nimada, u diyaargarowga iyo u adkeysiga musiibooyinka, sameynta dhidhibada siyaasad loo dhanyahay, xoojinta ixitraamka xuquuqul insaanka, ka qeyb gelinta iyo matalaadda howeenka iyo beelaha laga tirada badanyahay. Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen hannaanka la xisaabtan loo wada dhanyahay oo lagu soo koobayo si wadajir ahna diiradda lagu saarayo meelaha mudnaanta u leh tallaabada la rabo in la qaado iyo dhaqaalaha lagu qabanayo si loo xaqiijiyo mudnaanta lafdhabarka u ah natiijooyinka loo baahan yahay in la gaaro ka hor Bisha Diseembar 2020. Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, marka laga reebo horumarka laga gaaray ahmiyado dhowr ah, in la xoojiyo wadashaqeynta dhanka siyaasadda ee Dowladda Federaalka iyo xubno ka mid Dowlad Goboleedyada. Madaxda Soomaalidu waxa ay isku raacday ahmiyadda gaarka ah ay leedahay wadashaqeyntaas si horumar looga gaaro arrimaha siyaasadda, arrimaha amniga, dib u habeynta dhaqaalaha, iyo in ay arrimahaas u baahanyihiin ka go’naansho adag ee madaxda labada dhan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. 2 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee socda, in ay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Alshabaab iyo in ay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta u leh amniga, caddaaladda iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Iyadoo diiradda lagu hayo arrimaha kor ku xusan ayaa 2020 si wadajir ah la iskula aqoonsanayaa loona qorsheynayaa, si loo xaqiijiyo in dhammaan qeybaha ku shaqada leh ay mideeyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan inay ku bixiyaan meelihii lagu heshiiyay. Saaxiibada Caalamka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in ay taageeraan sidii loo heli lahaa ciidammo amni oo u hoggaansan dhowrista xuquuqda aadanaha taas oo ay ka mid tahay xuquuqda dadku u leeyihiin helista caddaalad, kana shaqeeyaan xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, iyo geeddi socodka dib u haybenta shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidammada. Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamku waxa ay ku heshiiyeen in ay ka wada shaqeeyaan qaadista tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo xaalad kala guur oo xasilloon oo ay AMISOM arrimaha amniga dalka ugu wareejineyso Ciidammada Amniga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wada jir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo geeddi socodka doorashooyinka federaalka iyo xoojinta amniga caasimadda. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada barnaamijka deyn cafinta ee hay’adda lacagta adduunka ( SMP4) iyadoo saaxiibbda caalamkana ay ka go’an tahay in ay si firfircoon uga taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay u xaqiijin lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu dul dhisayo guulaha la gaaray iyo in la qaado talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo go’aannada muhiimka ah ee 2020 ee la xiriira deyn cafinta waddammada saboolka ah. Saaxiibbada caalamku waxa ay soo dhoweeyeen kulan howleedkii Addis Ababa ee ku saabsanaa geeddi socodka deyn cafinta, waxa ayna ku dhiirri geliyeen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan dadaalladooda heerka siyaasadeed, si loo xoojiyo loona horumariyo hannaanka maaliyeed ee heerarka kala duwan ee dowladda. Si loo xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya ay qabato doorasho qof iyo cod ah dhammaadka 2020 iyo horraanta 2021 waxaa ka go’an hay’daha fulinta iyo xeer dejinta dalka in ay meel mariyaan sharciga doorashooyinka bisha December 2019. Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dhammeystirto dib u eegista dastuurka bisha June 2020, ansixinta dastuurka ka dib marka wax ka baddelis lagu sameeyo, in la dhiso Maxkamadda dastuuriga ah iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadista geeddi socodka dhab-u heshiinta Qaranka. iyo xaqiijinta ka qeybgalka dhammaan qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin haweenku gaarista go’aannada siyaasadeed ee dalka. Saaxiibbada caalamku waxa ay oggolaadeen in la dhiirri geliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo urururta dhaqaale dowladdu ku maalgeliso ansixinta shuruucda hortabinta leh si loo taageero howlaha la soo sheegay, iyo in laga caawiyo Soomaalia in howlahaasi ku qabsoomaan xilliyadii loo qorsheeyay. 3 – Soomaaliya waxaa ka go’an in ay mudnaanta koowad siiso xoojinta dhallinayarada iyo in loo abuuro fursado shaqooyin. Iyadoo la dhisayo u adkeysiga, loona marayo badbaadinta bulshada, in loo helo xal waara arrimaha qaxootiga, dadka waddanka dib ugu noqonaya iyo barakacayaasha gudaha, iyadoo la xushmeynayo, mabaadi’da bani’aadamnimada iyo shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegga bulshada. Taas oo noqonaysa in si wanaagsan isula jaanqaadaan taageeridda arimaha horumarinta mudnaanta la siinayo qorshaha horumarinta qaran ee 9aad, xoojinta awoodda dowladda si ay u bixiso adeegyada bulshada, si kor loogu qaado awoodda baniaadmnimo, gaar ahaan in la buuxiyo, inta ka dhiman kaalmada qorshaha baahida bani’aadamnimada ee 2019. Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxaa ay isku raaceen in si wadajir ah ay wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay, is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iyo hagaajinta kaabayaasha adeegyada. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku talo jirtaa in sameyso, siyaasad qaran oo lagu xallinayo is-beddelka cimilada iyo in ay sameyso shuruuc dhiirrigalineysa shaqo abuur . Soomaaliya waxaa ay sameysay horumar sanooyinkii la soo dhaafay taas oo ay mahadeeda leedahay iskaashigii xoogannaa ee u dhaxeeyey Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka. Waxaa ay isku raaceen in ay xaqiijiyaan isna waafajiyaan dadaalladooda, iyada oo kor loo qaadayo isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo, hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulayo hey’adaha qaranka iyo hey’adaha caalamiga ah, taas oo ay ku jiraan in loo sameeyo shuruuc badbaadineysa hey’adaha aan dowliga aheyn, iyo sidoo kale in lagu daro, dastruurka ku meel gaarka ah iyo sharciga xuquuqal aadanaha, iyo in hey’adaha aan dowliga aheyn ay ku dhaqmaan shuruucda dalka. Madashu, waxaa ay xaqiijineysaa ballanqaadyada dhammaan ka qeybgalayaasha madasha iskaashiga saaxiibada caalamka iyo mabaad’ida ku saleysan hanaanka isla xisaabtan loo wada dhanyahay si kor loogu qaado dadaallada wada-jira ee ku aadan mustqabalka ifaya ee Soomaaliya. Ka qeybgalayaasha madashu waxaa ay bogaadiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dalalka ugu yaboohay ciidamada AMISOM sida geesinimda leh naftooda ugu huray soo celinta nabada Soomaaliya, Soomaaliya waxaa ay caddeyneysaa in ay Sharaf iyo qadarin u heyso dhammaan saaxiibada caalamka ee taageerada kula garab istaagay dib u dhiska dowladnimada, horumarka xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhaan shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dozens of farms in Somaliland’s Awdal region have been invaded by locusts, leaving farmers wondering how they will recoup their losses. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirada Mareykanka iyo wakiilada dalalka Yurub ee ka hadlay Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ayaa dowladda Somalia ugu baaqay inay xal u hesho khilaafka ka dhashay maamulka Jubbaland iyo Doorashadii la isku khilaafay. Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland. James Swan ayaa ka sheegay shirka caalamiga in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay,isla markaana loo diyaar garoobo wadahadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale. “Waxaa loo baahan yahay in la dhameeyo khilaafka ka dhexeeya dowlada federalka iyo maamulka Jubbaland,lagana gudbo su’aalaha ka dhashay awood qeybsiga.”ayuu yiri Danjire Swan. Sidoo kale Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Go’aanka Beesha Caalamka iyo baaqa kasoo baxay ee ku aadan inay Dowladda la heshiiso Maamul Goboleedyada ayaa dhabar jab xoog leh ku noqon doono Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aan diyaar u aheyn inay la heshiiso Maamul Goboleedyada. Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. Waxaana kulankii goob joog ka ahaa qaar ka mid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Fedraalka sida Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynaha Horshabeelle, Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khudbad ka jeedinayey Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa halkaas ka sheegay hadal dhibaato ku ah Dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xaaf oo ka hadlay Siyaasad loo dhan yahay oo qeyb ka aheyd qodobada Shirka ayaa sheegay inuu shirkaan yahay mid aan loo dhameyn. Wuxuu sheegay in Shirka ay ka maqan yihiin qaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada uuna rajeenayo inay yimaadaan madaxda ka maqan. Wuxuu sheegay inay lagama maarman tahay in dib loo midowbo, khilaafkaadka jirana lagu xaliyo wada hadal. Isagoo kasii hadlayey arrintaan ayuu sheegay inuu rajeenayo inay heshiiyaan Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna shirarka soo socdo xataa lagu soo daro Maamulka Somaliland oo horey u sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale. Xaaf ayaa shirka ka sheegay hadal yar oo kooban wuxuuna yiri ” Siyaasadda waa inaan u jiheyno kuwa naga maqan” oo uu ula jeeday in la raadiyo Maamul Goboleedyada shirka ka maqan. Ugu dambeyntii Madaxweyne Xaaf ayaa u mahadceliyey Ra’isulwasaare Kheyre oo shirka ka sheegay in Xaaf la’aantiis aan hormar laga gaari karin dhismaha Maamulka Galmudug uuna qeyb ka yahay dhicitaanka doorasho xor iyo Xalaal ah sida uu hadalka u dhigay Ra’isulwasaaraha. Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug inuu Khudbad xasaasi ah ka jeediyo Shirka Iskaashiga Soomaaliya,isagoona tilmaamay in howlaha dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxaa maalintii 2-aad galay shirka “Madasha xisiyada Qaran” ee ka socday magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya in ka badan 10 xisbi siyaasadeed. Madasha waxaa ay xisbiyada ku dhiseen hoggaan sare iyo xogheyn joogta oo ka arrinsada xaaladda dalka Soomaaliya. Xisbiyada ugu muhiimsan ee ku jira waa: Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waana xisbiyo loolan adag ugu jira doorashada 2020-ka. Waxaa hoggaan ama gole dhexe noqon doona guddoomiyeyaasha xisbiyada qaranka, sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan qorshe cad, ujeedkoodana waa iney la xisaabtamaan dowladda federaalka ah. Madaxda joogta waxaa ka mid aha madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud iyo madax kale oo ay ku jiraan xildhibaanno labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah iyo madaxda xisbiyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa ku baaqay dadaallo wada-jir ah oo ka dhexeeya daneeyayaasha Soomaaliya si loo hubiyo in waddanku uu gaaro guulaha muhiimka ah sannadka 2020. Isagoo ka hadlayey inta uu socday Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka furmay Muqdisho Talaadadii, Swan wuxuu sheegay in la joogo waqtigii maskaxda lagu hayn lahaa si loo hubiyo in 2020 uu noqdo sanadka gaarista yoolka la hiigsanayo. Anigoo qiraya in la gaaray horumar, hadana waa inaan sidoo kale daacadna ka sheegnaa caqabadaha jira, ”ergeyga Qaramada Midoobay ayaa sidaas yiri. ” Waa inaan si dhab ah u dedaalno oo aan ka gudubno caqabadahaas isla markaana aan hubinno in 2020 uu noqdo sannadka gaarista mudnaanta ugu muhiimsan.” Swan waxa uu sheegay dowladda federalka Soomaaliya in looga fadhiyo 2020 xaqiijinta doorashooyinka qaran, dhameystirka hannaanka dib u eegista dastuurka, dabar gaoynta al-Shabaab iyo dhismaha hay’adaha amniga iyo garsoorka. “Maanta, waxaan soo jeedinayaa inaan ka faa’ideysano fursada asxaab badan oo Soomaaliya ah oo miiskaan isugu yimid si aan ugu nuuxnuuxsano talaabooyinka la taaban karo ee loo baahan yahay hirgelinta ballanqaadyadii mudnaanta lahaa ee lagu heshiiyay ,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay. Puntland Post The post UN: 2020 waa in ay noqotaa sanadka gaarista guulaha muhiimka ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaariyey ciidamo Boolis ah oo ka howlgali doono gobolka Sh/Hoose. Lafta Gareen ayaa tirada ciidamadan ku sheegay illaa 400 oo askari, wuxuuna sheegay in lagu wareejin doono deegaanada lagala wareego Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran ka wada Shabeelaha Hoose, iyagoo ka saaray deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillo ka socda wadamada deymaha ku leh Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka. Kulanka ayaa la isaga xog wareystay heerka kala duwan ee uu soo maray qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan maraya, iyo u diyaar garowga shirka sannadlaha ah ee dhacaya bishaan October. Ka qayb galayaasha shirka oo kamid ah ergada shirka madasha iskaashiga Soomaaliya, ayaa ammaanay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay ka guul gaaridda qorsha deyn cafinta dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu cadyahay ajandaha muhiimka ah ee deyn cafinta dalka, uuna udud dhexaad u yahay dhammaan qorshaha dib-u-habeynta socota, dadka Soomaaliyeedna ay ku mideysanyihiin, aadna ugu reja weynyihiin in dalka deynta laga cafiyo maadaama ay aaminsanyihiin in dayn cafintu ay mawaadin kasta oo Soomaaliyeed dan u tahay, qaybna ay ka qaadaneyso horumarka iyo mustaqbalka dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u sheegay ka qayb galayaasha in Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyeen canshuurtii ugu badneyd, dakhliga dalkuna uu kordhay arrintaas oo qeyb ka qaadatay horumarka la sameeyay. Dayn cafintu waxa ay dalka u oggoolaaneysaa maal-gelin hourmarineed ee waqtiga fog, waxa ayna sidoo kale sare u qaadeysaa dakhliga gudaha iyo maal gelinta caafimaadka waxbarashada iyo biyaha dalka, waxa ayna albaabada u furayaa balaayiinta doollar ee sanaadiiqda horumarinta adduunyadu ay bixiyaan. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay madaafiic isku weydaarsadeen gudaha deegaanka Ceel Saliini oo ka tirsan gobolkakaasi. Ilo deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan ay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ku sugan saldhigga Ceel Saliini. Sidoo kale warka ka soo baxay ayaa lagu sheegaya in qarax ka dhacay isla deegaankaasi oo ay la beegsadeen ciidamada dowladda ay ku dileen 5 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weeraradaasi iyo khasaaraha ka dhashay. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada Milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaasi. Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ismaadiimin ah ay ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Ceel Saliini, halkaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen askar badan oo ka tirsanaa kuwa Milatariga Soomaaliya. View the full article
-
Mudane Xasan Cali Khayre xalay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay mas’uuliyiin ka socda dowladda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in kulankan oo ahaa mid xasaasi ahaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo xiisada u dhexeysa labada dal. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulanka uu u dhexmaray Ra’iisul wasaaraha, kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Ababu Namwamba, agaasimaha nabadda iyo amniga ee wasaaradda, John Kilonzi iyo Danjiraha Kenya ee Somalia Gen. Lucas Tumbo. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankan uu daba socdau midkii ay dhowaan Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ku yeesheen magaalada New York. Xiriirka labada dal ayaa muddooyinkii dambe xumaa, kaas oo ka dhashay muranka la xariira arrimaha Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaalada adduunka ee ICJ. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-02102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ambassador Donal Yamamoto oo ah Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliyaoo oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa shuruud adag ku xiray taageerada Dowladda Soomaaliya. Safiirka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay dalka ku maamusho Siyaasad loo dhan yahay si uu dalka horey ugu sii socdo. Mar uu soo hadal qaaday Khilaafka ka dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbalanad ayaa ku celceliyey inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho siyaasad loo dhan yahay wax walbana lagu xaliyo wadahadal. Safiirka oo ka hadlayey qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayuu sheegay inaysan taas kaliya ku xirneen dhaqaale wanaag balse ay sidoo kale ku xiran tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay oo dalka ka hana qaado. Wuxuu tilmaamay in taageerada Dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya ay ku xiran tahay in la helo siyaasad loo dhan yahay khilaafka jirana la xaliyo sida ugu dhow iyo qaabka ugu fudud. Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe ayaa sheegay in madaxweyne aanay xisbi ahaan ogolayn in wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya lagu qabto dalka Jabuuti, isagoo arrintaasna ku sababeeyey in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu taageersan yahay Soomaaliya, dhinaca kalena uu cadaw ku yahay qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo waraysi siiyey telefiishanka HCTV maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 30 September 2019 Eedaynta uu Guddoomiye Faysal Cali-waraabe u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti maaha mid shaqsi-weerar ah, laakiin waa hadal ay wada rumaysan yihiin shacbiga Somaliland, waxaannu Guddoomiyaha UCID yidhi; “Ismaaciil Cumar Geelle waxa aan u sheegaynaa; ‘Ismaaciiloow, adiga iyo front countries-ka (dalalka deriska ee xadka la leh Somaliland iyo Soomaaliya)’ shir ku qabsan mayno, waxaanan adiga kuu qabnaa in Ismaaciil Cumar Geelle arrintayada daacad kama aha oo Muqdisho ayuu ku xidhan yahay, ma ogola Somaliland, sidaa awgeed gurigaaga ku qabsan mayno…waannu kaa xishoonaynaa, laakiin adigu nagama xishoonaysid, waxaanan kuu sheegaynaa haddii aad naga xishoon waydo wax kale kuu sheegi mayno oo gacal ayaad noo tahaye shir noo qaban maysid…Ismaaciil Cumar Geelle wuu innaga soo horjeeday 28-kaas sanno (ee Somaliland jirtay), dadkiisuna waxay ku dhintaan Beled-weyne (askarta Jabuuti ee AMISOM ku jirta), anaguna waxa aannu ku leenahay; ‘waar adiguba iska diiday Soomaaliye anaga maxaad noogu qasbaysaa? Haddii uu Soomaali ka shaqaynayo dee isagu ha ku darsamo marka hore…Ismaaciil waa cadawgeena oo Xamar inuu innagu dhiso ayuu doonayaa oo ciidamo ayuu u sameeyaa, runta ayaan kuu sheegaynaa oo waannu kaa xishoonaynaa ee adigu naga xishoon weydaye waannu iska kaa celinaynaa…” Hadalkan uu jeediyey Guddoomiyaha UCID waa hadal uu ku difaacayo qaddiyadda iyo madaxbannaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland, aniga shaqsiyana iigama muuqato wax aflagaado ama edeb-darro ah oo uu Faysal Cali-waraabe ka sheegay Madaxweynaha Jabuuti, balse hadalka runta ah ee uu iftiimiyey waa in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu cadaw ku yahay qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, hadalkaasina maaha wax cusub ee mid ay wada ogyahay, isla markaana u muuqda shacbiga reer Somaliland. Haddaba, Wakiilka Dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Mr. Xuseen Cumar Kawaaliye oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 1 October 2019, waxa uu ku sheegay inuu ka jawaabayo hadalka uu jeediyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, balse sida ku cad muqaallada saxaafaddu baahiyey ninkan reer Jabuuti wax jawaab ah kama bixin nuxurka hadalka Faysal Cali-waraabe ee ahaa in aannu Madaxweynaha Jabuuti dhex ka ahayn wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu la jiro dhinaca Soomaaliya, isla markaana uu cadaw ku yahay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland. Hasayeeshee taas beddelkeeda waxa Wakiilka Jabuuti uu si shaqsi ah u weeraray Guddoomiyaha UCID. “Waxa aan idiinku yeedhay in aan ka jawaabo hadallo anshax-xun oo fool-xun oo ka soo yeedhay ninka la yidhaahdo Faysal Cali-waraabe. Waxa aan ka leeyahay Faysal Cali-waraabe; ‘anagu dowladda Jabuuti ayaannu nahay, Dowladda Jabuuti-na waxay la shaqaysaa oo wax ka dhexeeyaan Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadda Somaliland iyo shacbi-weynaha Somaliland, waxaanna ka dhexeeya walaaltinimo qoto-dheer iyo xidhiidh qoto-dheer…” Ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti ee fadhigiisu yahay Hargeysa. Mr. Kawaaliye waxa uu ku dooday in aanay Guddoomiyaha UCID meel uga bannaanayn xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, isagoo aad moodo inuu iska indho-tirayo in Faysal Cali-waraabe ka mid yahay masuuliyiinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, madaxna ka yahay xisbi qaran oo dastuuri ah. “Aniga oo magacii Jabuuti ku hadlaya, aflagaadada iyo hadallada fool-xun ee uu ninkaasi ku hadlayo, anagu waxa aannu ka leenahay anagu xisbi lama sheekaysanno oo xisbi wax naga dhexeeyaa anaga ma jiro ee Madaxeyne iyo Xukuumaddiisa ayey wax naga dhexeeyaan. Meel uu ka soo galo sheekada Jabuuti iyo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti meel uu ka soo galo ugama bannaana,” ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti. Marka aad daawato ama dhegaysato hadalka Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland, waxa ka dhex muuqata fariin hanjabaad ah oo uu ku caddaynayo in Dowladda Jabuuti iska celin doonto Faysal Cali-waraabe, waxa kaloo hadalkiisa ku jira weedho ka baxsan anshaxa diblomaasiyadda ah oo uu wax kaga sheegayo edaabta iyo asluubta Guddoomiyaha UCID. “Haddii aad adigu aflagaadadaasi uma dul-qaadanayno, aniga oo si diblomaasi ah u hadlaya, jawaabtaasna waxa aannu ka sugaynaa Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland, waayo anagu xisbi lama hadalno oo shaqsi lama hadalno, umana jawaabno, nagamana gayo, cayna kaama gayno ee haddii aad asluubtaada iyo edaabtaada ku dhawrsan waydo waan iska kaa *****naa (celinaynaa) oo hadeed kaa gaabsan mayno…adigu haddii aad nagu dhex jirin oo aad balaayo la nagu darsaday aad tahay hore ayaan xirsi kuugu qoranay, xirsi-xijaab ayaan kuu xidhannahay, dee xijaabkii waxba waa kaa qaban waayay, suuratul Yaasiin ayaan kugu akhriyeynaa…” ayuu yidhi Wakiilka Jabuuti. Marka loo fiirsado hadalkan Wakiilka, waxa ku cad hanjabaad ka dhan ah Guddoomiyaha UCID oo ah masuul reer Somaliland, waxaanna muhiim ah in Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ay u yeedho Wakiilka Jabuuti si uu faahfaahin iyo iftiimin (clarification) uga bixiyo hadalkan hanjabaadda ah. Wax fiican maaha in diblomaasiyiinta Caasimadda Hargeysa u fadhiya dalalka saaxiibka la ah Somaliland ay ku degdegaan inay saxaafadda uga jawaabaan xisbiyada qaranka ama cid ka mid ah qaybaha bulshada Somaliland ee sheega wax gef ku ah dalalka ay wakiilka ka yihiin, balse wixii ay dhibsadaan waa inay si toos ah ugala xidhiidhaan dowladda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadibna hab diblomaasiyeed wax looga qabto arrinta ay dhibsadaan diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Hargeysa. Haddaba, degdeg badan ayaa ka muuqday hadalka uu saxaafadda mariyey Mr. Xuseen Kawaaliye, iyadoo weliba cidda uu u jawaabayey oo ah Guddoomiyaha UCID aannu wax gef ah kula kicin qarannimada Jabuuti, balse uu sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle aanu dhex u ahayn Somaliland iyo Soomaaliya. Wakiilka Jabuuti, ayaa sidoo kale sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle yahay Madaxweynaha Soomaalida oo dhan. “… Ismaaciil Cumar Geelle waa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, waa Madaxweynaha Soomaali maanta u ah Madaxweyne dhammaantood ee nin walba oo Soomaali ah meesha uu joogo u adeegga…” Hasayeeshee, arrinta xaqiiqda jirta ah waa in Ismaaciil Cumar Geelle uu yahay Madaxweyne Soomaali ah oo Madaxda u ah Soomaalida Jabuuti, balse waxa aan Mr. Kawaaliye u sheegaynaa in aannu Madaxweyne u ahayn Soomaalida Somaliland, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida Kenya, laakiin waxa suurtogal ah inuu Madaxweyne u yahay Soomaalida Soomaaliya, sababtoo ah Soomaaliya waxa jooga Ciidan Reer Jabuuti ah. Soomaalida reer Somaliland waxay leeyihiin Madaxweyne cod dadweyne lagu soo doortay iyo xisbiyo qaran oo dastuuri ah, kuwaasoo si xor ah ugu tartama doorashooyinka kala duwan ee ka dhaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna xisbiyadaas ka mid ah Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee uu Guddoomiyaha u yahay Eng. Faysal Cali-waraabe, halka sidoo kale ay jiraan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI. Saddexdaas xisbi qaran waxa kala taageersan bulshada reer Somaliland, waxayna dhammaantood ka wada midaysan yihiin qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Marka ay arrintu sidaas tahay, Wakiilka Jabuuti waxa uu ilaalinayaa danaha dalkiisa Jabuuti, Guddoomiyaha UCID-na waxa uu difaacaya danaha dalkiisa Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed cidda reer Somaliland ee Mr. Xuseen Kawaaliye taageero u muujisaa waa cid difaacaysa danaha Jabuuti oo duulaan ku ah danaha Somaliland. Shacbiga reer Somaliland-na waxay la jiraan cidkasta oo ka shaqaynaysa difaaca qaddiyadda iyo danaha guud ee waddanka Jamhuuriyadda Somaliland. Suxufi Maxamed Ciro Tifaftiraha Guud Ee Wargeyska Jamhuuriya Oo Ka Soo Baxa Hargeysa Somaliland Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbga mucaaradka ANC ee dalka Kenya, Musalia Mudavadi oo magaalada Washington kula kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa ka digay in Soomaaliya la siiyo ama loo xukmiyo kiiska Badda oo ay dacwaddiisu haatan hor taallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Mr Musalia ayaa sheegay haddii ay Soomaaliya ku guuleysato kiiskaas ay dhaceyo xasilooni darri, sida uu hadalka u dhigay. “Haddii cadaaladda la garab maro oo la siiyo Somalia waxaa ay abuuri-doontaa xasilooni darro.” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Amani National Congress. Sidoo kale wuxuu dalalka beesha caalamka ugu baaqay inay soo farageliyaan xiisada labada dal, gaar ahaan kiiska badda. Guddoomiyaha xisbiga ANC ayaa xiisada labada ku tilmaamay mid qatar ah oo loo baahanyahay inaysan yareysan beesha caalamka. “Beesha caalamka waa in aaney yareysan arrinkan oo aaney fududeysan sida shirkadaha waaweyn ee shidaal qodista damaca ugu jira aaney dhicisin dadaallada cadaaladda.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Mudavadi. Ugu dambeyn wuxuu Soomaaliya ku tilmaamay dal tabar daran, islamarkaana hoy u noqon kara argagixisada. Xiisada Soomaaliya iyo Kenya ayaa mareysa meeshii ugu darneyd, iyadoona dowladda Kenya ay daneyneyso in markale dib loo dhigo kiiskan oo dib maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ u dhageysan doono 4-ta bisha Novermber ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Maxkamadda Ciidamada Oo Xoogga Dalka Oo Xukun Dil Ah Ridday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday askari horey askari kale ugu dilay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan u qornaa: Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari. Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha 20-kii July Sanadkan. Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan. Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September. 24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac. Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaas oo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta. Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow. Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada. Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib. Source: goobjoog.com -
Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa saaka furay maalinka labaad ee shirka oo ka soconaya Muqdisho ayna ka qeyb galayaan ilaa 50 wafuud matalaysa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. Dooda shirka maanta oo soconaysa ayaa ku bilaabatay dib u habeynta hay’adaha dowliga ah,si gaar ah Dhaqaalaha iyo talaabooyinka loo qaaday horumarinta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka. Mudane Xasan Cali Khayre R/wasaaraha XFS oo guddoominaya shirka ayaa furitaanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dib u habeynta hay’adaha dowliga,isagoo dhinaca kale uga mahad celiyay wafuudda caalamiga ah ee ka soo qeybgashey shirkan. Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay shirka ayaa diirada saaray waxa ka qabsoomay dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo wadahadalka deyn cafinta halka uu marayo,wuxuuna muujiyay in meel wanaagsan ay wax u marayaan,ayna jiraan rajooyin iyo guulo lataaban karo. Waxaa goob joog ah shirkaan qaar ka.mid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sida Madaxweynaha Koofur Galbeed, Madaxweynaha Horshabeelle, Madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maamulkiisa aanu uga qeybgalin shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho. Ugu horreyn wuxuu sheegay in Puntland diyaar u tahay iney miiska wadahadalka la fariisato dowladda federaalka, walibana iyadoo baahin toos ah laga sameynayo warbaahinta ay la xaajoodaan si loo ogaado cidda gardaran. Wuxuu tilmaamay Dani in sababta ugu weyn ee shirka uga hareyn ay tahay in aan laga talogelin ajendaha shirka, sidoo kalene ay baraha bulshada ku arkeen war-murtiyeedka shirkan laga soo saari doono. “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay sida doorashooyinka hadda looga daawado Tv-yada, waxaan rabnaa wadahadal furan oo doodeenna si cad u sheegi karno, dadka si ay u ogaadaan cidda qaldan iyo cidda saxan, dowladda Puntland shirkaasi kama aanay qeybgalin, waxaan rabaa dadweynaha reer Puntland inaan u faah faahinno sababaha aan shirkaasi uga qeybgali weynay, waxaan aad uga xunnahay in shirka noocaas ee intaa la eg aan Puntland laga talogelin, in puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajendaha shirka, in Puntland ay ka aragtay war-murtiyeedka shirka kasoo bixi lahaa oo sii diyaarsan, waxaan ka xunnahay markii aan hubsannay in arrimahaasi sidaasi u jiraan oo aan talo ku lahayn oo Puntland baahiyaheeda la weydiineyn wax ay Puntland qaadan karto ma ahan” ayuu yiri Dani. Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qeybgaleen shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado shirkan maanta in lasoo gabagabeeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur oo ah ka mid ah gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa sheegay in xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ay sameeyeen is badal weyn oo muuqda taasina oo ah in xulalka kala duwan ee dalka ay guulo waaweyn ka gaareyn ciyaaraha caalamka saddexdii sano lasoo dhaafay. “Ma aheyn wax sahlan in xulka qarankeena uu gurigiisa ku ilaashado markii ugu horeesay ama xitaa ku badiyo kulan ka tirsan is reeb reebka koobka aduunyada,balse waa shaqo adag ay qabteen madaxda xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ” ayuu Goobjoog u sheegay falanqeeye Cabdullahi Faarax. Falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur ayaa Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya u soo jeediyay in ay wax ka badal weyn lagu sameeyo tartanka horyaalka Somalia Premier League,isagoo tusaale u soo qaatay xiisaha iyo xamaasada tartanka sanadaha ee kubbadda cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir. “Markaan is bar bardhigno tartanka degmooyinka iyo horyaalka Soomaaliya ma ahan wax isku mid ah waxaana tusaale kaaga filan shacbiyada iyo xiisaha tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka,balse waxaana madaxda X.K.Cagta kula talin lahaa in horyaalka Soomaliya laga dhigo mid ay kasoo wada qeyb galaan kooxaha ka dhisan guud ahaan dalka,si horomarka kubbadda cagta ay u gaarto shacabka ku nool wadanka oo dhan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Cabdullahi Faarax Daguur. Xulka 17-Jirada Soomaaliya ayaa sanadkii 2018 gaaray kama dambeysta tartanka Da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka qabsoomay wadanka Burundi waxayna dhallinyarada Soomaaliya fiinaalka la ciyaareen Tanzania waxayna aheyd taariikhda markii ugu horeesay uu xulkeena soo tiigsado heerkaas. “Inta ay joogaan xafiiska gudoomiye Cabdiqani Saciid iyo saaxiibadiisa waa markii labaad ay soomaaliya gaarto meel aad u saraysa ee dhinaca guulaha xulka qaranka,taasina waxa ay rajo weyn ku beertay taageerayaasha kubbadda cagta Soomaaliya” ayaa hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Cabdullahi. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Falanqeeye Cabdullahi Faarax Siiyay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
