Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa wuxuu soo jeediyay in wada hadal lala galo AlShabaab. Mr Saacid oo la hadlay warbaahinataa wuxuu sheegay in xeeladda dagaalka AlShabaab looga adkaan waayey, sidda uu hadalka u dhigay. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku adkeystay in loo baahan yahay in markan la isku dayo qaab siyaasadeed oo wada hadalka ah. “Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa,runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed oo la kari waayay,axaana fiican in laga guuleysto,nabad wadahadal ku timaado lafteeda lama dhayalsan karo,” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo xoogaga dowladda ee howlgalada ka wada gobolada dalka ay qabsadeen degaano horleh. View the full article
  2. Xudur (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee qeybta ka qaatay xoreynta Xudur, Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo ciidamo tababar kasoo baxay, oo la qarameynayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka xoogga dalka ee loo qorsheynayo xoreynta deegaannada Al-Shabaab uga sugan yihiin gobalka Bakool. Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka difaaca dalka iyo madaxweynaha koonfur Galbeed oo ciidanka kula hadlay garoonka kubbada Cagta Dr. Waarebi ayaa sheegay in dhammaan ciidamada la qarameynayo, la qalabeynayo, xuquuqdoodana ay dowladdu bixineyso si ay Shabaab uga saaraan Tiyeglow iyo Rab-dhuurre. Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta diiwaan gelinaya ciidamada, ee dhawaan imaanaya magaalada Xudur si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka ka saaran qarameynta ciidamada. Dowladda Soomaaliya oo wada dadaallo xooggan oo dib-u-baheyn loogu sameynayo ciidamada qaranka ayaa ku guuleystay tirinta ciidamada qalabka sida, bixinta xuquuqdooda, iyo daryeelkooda, waxa ayna horay u qarameysay ciidamo badan oo lagu biiriyay ciidamada qalabka sida ee dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-12092019.mp3 View the full article
  4. Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddiga dib-u furista wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho taas oo ay baahi weyn u qabaan shacabka caasimada. Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah ayaa waxaa uu guddoomiye u yahay guddigaan oo ka kooban 7 Xubnood ayna kujiraan saraakiil ciidan. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddi u magacaabay furista waddooyinka xiran. appeared first on Puntland Post.
  5. Diinsoor (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in meel u dhow Saldhiga degmadaasi uu ka dhacay qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxaas oo ahaa Miino la dhigay agagaarka Saldhiga booliska ayaa waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 4 Ruux oo Shacab ah oo laba ka mid ah ay carruur ahaayeen halka ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo uu ku jiro taliye kuxigeenka Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Diinsoor. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday. Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada qaraxday ee la dhigay meel u dhow Saldhiga Booliska,isla markaana xilli la doonayay in la kala furo ay qaraxday. Qaraxa kadib ayaa Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Diinsoor waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ku dhow dhow halka uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo qabqabtay dad Dhalinyaro u badan wallow markii dambe ay siidaayeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi dhacay xilli Ciidamada ilaalada u ah Guddoomiyaha degmada ay marayeen gudaha magaalada halkaasna kula kacday miino dhulka loo geliyay. Caasimada Online Xafiiska Diinsoor caasimada@live.com
  6. Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii. Khabiirka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams waxa uu baaritaankiisa asaas uga dhigay 5 Ilo-wareedyo iyo Xogaha Ururka Midowga Afrika ee lacagaha la siiyey Qoysaska kuwii ay jeclaayeen ee la dilay tan iyo markii Ciiddanka AMISOM loo soo daad-gureeyey Somalia sannadkii 2007-dii. Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay. Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku sheegay inaysan suurtogal ahayn in la helo tirada rasmiga ee Askarta AMISOM ee geeriyooday, sababo la xiriirta dalalka ay Ciiddanka ka joogaan gudaha Somalia oo aan weli shaacinin Liiska Askartii looga dilay dagaaladii Alshabaab. Dhinaca kale, Derbiga Geesiyayaasha ee ku yaalla Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Africa ee magaalladda Addis Ababa waxaa lagu qoray Liiska magacyada iyo Darajooyinka Askarii Nabad Ilaalinta Ururka Midowga Africa ee lagu dilay Hawlgalladda la socda dalalka Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia. Professor Paul Williams waxa uu Warbixintiisa ku muujiyey in Derbiga Geesiyayaasha ku qornaayeen bishii la soo dhaafay ee August 2019-ka magacyada 1,108 Askarii lagu dilay Hawlgalladda Nabad Ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. The post Tirada ciidanka AMISOM ee lagu laayey weerarada Alshabaab oo la soo bandhigay. appeared first on Puntland Post.
  7. President Donald Trump has left the impression with foreign officials, members of his administration, and others involved in Iranian negotiations that he is actively considering a French plan to extend a $15 billion credit line to the Iranians if Tehran comes back into compliance with the Obama-era nuclear deal. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU,(Xinhua) -- Eight al-Shabab fighters were killed on Tuesday night during a fierce counter offensive with Somali government forces in Garbaharey town in the southern region of Gedo, a military official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  9. Kenya Defense Forces working under AMISOM in Somalia will after all have to stay in the war torn country longer that it was expected, it has emerged. Source: Hiiraan Online
  10. Kitui South Constituents have petitioned the government to disarm rogue Somali camel herders or give them guns for protection against their aggressors. Source: Hiiraan Online
  11. As the world pays more attention to the fires burning in Brazil’s Amazon rainforest, NASA’s satellite images show a far greater number of fires on the African continent. Source: Hiiraan Online
  12. The overall death toll for the African Union Mission in Somalia (Amisom) is probably in the range of 1,800 troops, says a new report by a US expert on the war against Al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  13. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Loolan adag oo dhanka doorashada ah ayaa ka billaabmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kaas oo u dhaxeeya qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyo siyaasiinta Soomaaliyeed. Abaabul iyo kulamo joogto ah oo u badan ololeynta musharaxiinta ayaa ka socda Dhuusamareeb waxaana tartanka ugu adag uu dhaxmarayaa laba nin oo qaraabo ah balse kala taabacsan xukuumadda Soomaaliya iyo xisbiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Caasimada Online, ayaa ogaatay in madaxweyne Farmaajo oo garab ka helaya ra’iisul wasaare Kheyre ay wajahayaan xaalad adag oo halis ku ah rajadii ay ka qabeen Galmudug kadib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu soo sharaxay aqoonyahaan, siyaasi dhalinyaro ah islamarkaana saameyn culus ku leh Galmudug. Labadaan madaxweyne ayaa kala wata Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo isna musharaxnimadiisa ku dhawaaqaya dhowaan. C/raxmaan Odowaa, oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sidoo kalane ahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya ayaa loo arkaa in uu leeyahay rajada ugu wanaagsan ee hogaanka Galmudug, halka Qoor Qoor uu wado dedaalo badan isagoo garab ka helaya xukuumadda Soomaaliya. Waa tartankii ugu adkaa oo dhaxmara Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxayna arintaan ay hour-dhac u noqon doontaa rajada 2-da hogaamiye ee doorashada Soomaaliya sanadkaan 2020/21-ka, oo la aaminsanyahay in ay isu soo taagi doonaan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Xog xasaasi ah oo ku saabsan dilkii Jamal Khashoggi oo la soo bandhigay Ku dhawaad 1 sano ayaa kasoo wareegtay dhimashada Jamaal Khaashuqji Wargeys laga leeyahay dalka Turkiga ayaa daabacay macluumaad cusub oo ku saabsan cod la duubay, kaasoo uu wargeysku sheegay inuu diiwaan galiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee uu wajahay wariyihii la dilay ee u dhashay dalka Sacuudiga, Jamaal Khaashuqji. Jamaal oo ahaa nin ku caan baxay cambaareynta dowladda ayaa bishii Oktober ee sanadkii hore lagu dilay qunsuliyadda uu Sacuudiga ku leeyahay magaalada Istambul ee dalka Turkiga. Wargeyskan lagu magacaabo Sabah, oo taabacsan xukuumadda Ankara ayaa sheegay in qoraalka uu maanta daabacay laga sameeyay codka lagu duubay gudaha, ka dibna ay gacanta ku dhigeen sirdoonka Turkiga. Waxaa sida la sheegay ku jira xog xasaasi ah, sida erayadii ugu dambeeyay ee uu ku dhawaaqay wariyaha. Khaashuqji ayaa maqaallo u diyaarin jiray wargeyska Washington Post waxaana uu saldhiggiisu ahaa dalka Mareykanka, ka hor inta aan la waayin. Markii ugu dambeysay ee la arkay wuxuu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, 2-dii bishii Oktober ee sanadkii 2018-kii.Wuxuu markaas doonayay inuu halkaas kasoo qaato warqado sharci ah oo uu ugu baahnaa inuu ku guursado haweeneyda u doonaneyd. Dhimashadiisa aan xogta saxda ah laga helin ayaa caro badan usoo jiidday boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo kasoo saartay warar is khilaafsan oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ugu dambeyn dilkii Jamaal ku qeexay howlgal “aan cidna looga amar qaadanin” waxayna dacwad kusoo oogeen 11 nin. Muxuu yiri Wargeysku? Wargeyska ayaa sheegay in Jamaal uu dadkii dilayay u sheegay inaysan afkiisa xirin Wargeyska Sabah wuxuu horay ciwaanno badan oo caalami ah uga sameeyay macluumaadka ku saabsan dilka wariyaha – waxaana ka mid ahaa warar muran abuuray – oo la xiriira dhimasada Jamaal Khaashuqji. Isbuucan wuxuu daabacay labo warbixin oo lagu faahfaahinayo dhimashada Khaashuqji oo ay ka dambeeyeen koox uu ku tilmaamay “kuwa dilalka fuliya”. Warbixintan ugu dambeysay wuxuu wargeysku ku sharraxayaa cod laga duubay goobtii uu dilka ka dhacay. Qormada waxaa lagu xusay xog ku saabsan inuu nin khabiir ku ah dilalka qorsheysan, oo ka mid ahaa kooxda laga soo diray Sacuudiga, kaasoo wariyaha ku tilmaamay inuu yahay “xayawaan loo dilayo danta guud”. Warbixinta Sabah ayaa sheegeysa in Khaashuqji isla markii uu gudaha u galay qunsuliyaddaba uu shakiyay isla markiina loo sheegay in dib loogu celinayo magaalada Riyaad, amar kasoo baxay booliska Interpol awgiis. Hase yeeshee Wariyaha ayaa diiday dalabka raggii halkaas ku sugnaa, oo ay ka mid ahayd inuu farriin qoraaleed u diro wiilkiisa, ka dibna si khasab ah loo diiday, sida uu wargeysku sheegay. Wuxuu markaas ka dib raggii dilayay u sheegay inaysan afkiisa xirin maadaama uu qabo xanuunka neefta, laakiin isla markiiba uu miyir beelay. Khaashuqji waxaa lagu neef qabateeyay bac madaxa loo galiyay, sida uu sheegay wargeyska Sabah oo xiganayay shanqaraha laga maqlayay codka ku duubnaa cajaladda. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in cajalku uu duubay shanqarta ku saabsan in la jarjaray meydka Khaashuqji, waxaana falkaas geystay ninka khabiirka ku ah dilalka. Wali lama helin meydka Jamaal Wararka ku saabsan inuu jiro cajal uu ku duuban yahay dilka Jamaal Khaashuqji aya ala isla dhex marayay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay. Saraakiisha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cajalkaas jiro, waxayna sheegeen inay la wadaageen dowlado caalami ah, laakiin wali ma cadda sida uu wargeyskan ku helay. Iyadoo hadda ay muddo ku dhawaad hal sano ah kasoo wareegtay geerida Jamaal Khaashuqji, wali lama helin meydkiisa waxaana intaas jiray cadaadis dhinaca beesha caalamka ah. Horaantii sanadkan, Khabiir ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku takhasusay arrimaha la xiriira dilalka aan sharciga loo marin ayaa ku baaqday in baaritaanno madax bannaan lagu sameeyo dhimashada wariyahaas. Agnes Callamard ayaa eerida Jamaal Khaashuqji ku qeexday “Dil aan geed loogu gabbanin” waxayna sheegtay in “ay mas’uul ka tahay dowladda Sacuudi Carabiya”, loona baahan yahay in baaritaanno lagu sameeyo. Dowladda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruurtay hadalka haweeneydaas, waxayna si joogto ah u beenisaa inay mas’uul ka tahay dhimashada wariyaha. Qaran News
  15. Doolow (Caasimada Online) – Waxaa cabsi wayn laga qabaa in magaalooyin ka tirsan gobalk Gedo ee koonfurta Soomaaliya ay ka bilaawdaan isku dhacyo u dhaxeeya ciidamada degaanka iyo bulshada gobalka Gedo, sida ay noo sheegeen odayaasha degaanka. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo, ayaa Caasimada Online u sheegay in uu jiro kulamo iska soo horjeeda oo ay leeyihiin odayaasha, saraakiisha ciidamada iyo bulshada, kuwaas oo ku nool degmada Doolow oo ah halkii ugu dambeysay ee uu ku sugnaa Cabdirashiid Janaan, ka hor inta aan laga qaban Muqdisho. Kulamadaan oo dhowr jeer ka dhacay Doolow waxaa yeeshay saraakiil taageersan xarigga wasiir Janan, halka kuwa kalane ay qaateen saraaakiil iyo odayaal dhaqan oo diidan xarigga wasiirka amniga Jubbaland Janan. Kulamadan ayaa abuuray walaac ay qabaan dadka degaanka waxaana la sheegayaa in ay jiraan siyaasiin gadaal ka riixaya kacdoon dadweyne oo degaanka ka dhaca. Xubno katirsan maamulka Jubaland ayaa ku wargeliyay dadka degaanka iyo qoyska wasiir Janan, in ay dowladda federaalka Soomaaliya ay diiday sii deynta Janan islamarkaana uu u xiran yahay arimo siyaasadeed oo ka jira maamulka Jubaland. “Waxaan daremeynaa in dad ay abaabulayaan isku dhacyo gobalka ka bilaawda, sababtoo ah waxaa noo muuqata in beesha uu ka soo jeedo wasiir JaNan, aysan mideysneen oo ay dhici karto in dhaxdooda ay dagaalamaan” ayuu yiri qof katirsan dadka degaanka oo la hadlay Caasimada Online. Beesha uu ka soo jeedo Cabdirashiid Janan, sidoo kalane uu ka soo jeedo madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku kala qaybsan waxyaabo badan oo ay ugu horreyso arinta Jubaland, xarigga Janan iyo kuwa kale, waxaana ka dhax-taagan khilaaf aad u adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Baardheere (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa magaaladda Baardheere ee xarunta gobolka ka sameeyay howlgalo balaaran oo dad badan lagu soo qabtey. Dadka lasoo qabtay qaarkood oo tiradooda lagu sheegay 20 ruux ayaa waxaa la sheegayaa in looga shakisan yahay in ay xubin ka yihiin AlShabaab. Shaqsiyaadka oo ku xiran saldhiga magaaladda ayaa waxay badankooda yihiin dhalinyaro laga soo qabtay xarumaha ganacsiga. Saraakiisha amniga magaaladda ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin howlgalada oo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo. View the full article
  17. Have you been somewhere in Somalia in the night of February 8th, 2017?! Certainly if you were, you must have had engaged in one of those street celebrations with those jubilant young, old, men, women Source: Hiiraan Online
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka xilli ciidammada dalkaas ay howgallo ka sameeyeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla xadka dalkaas uu la wadaago Soomaaliya. Dagaalyahano taabacsan ururka Daacish ayaa ka dagaallama dalka Soomaaliya balse waa markii ugu horreysay ay Itoobiya qabato xubno ka tirsan ururkaas. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya, Colonel Tesfaye Ayalew ayaa sheegay in tiro kamid ah ragga la qabtay ay ka kala soo jeedaan dalalka Suuriya iyo Yemen halka ay qaar kamid ah ay yihiin Itoobiyaan. Sarkaalka ma uusan sheegin tirada shakhsiyaadka ay qabteen ee ka tirsan ururka Daacish Tesfaye Ayalew waxaa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay leedahay sirddoon xoog leh, islamarkaana ay xiriir wanaagsan la leeyihiin dalka deriska ee Soomaaliya, taas oo u horseeday inay ku guuleystaan xiridda maleeshiyaadka. Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa dhowaan shaaciyey in kooxdiisa ay beegsan doonto dalka Itoobiya, islamarkaana dagaal-yahanno ka qoran doonto. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa caasimada@live.com
  19. Istanbul (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxo dalka Turkiga ayaa shaaciyey codkii dilkii naxdinta lahaa ee Jamal Khashoggi. Wargeyska Daily Sabah ayaa sheegay in Sirdoonka dalka Turkiga ay heleen codadka wada hadaladii dhex maray qoraaga reer Sacuudi iyo Saraakiishii 15-ka ahaa ee dilay daqiiqado kadib markii uu galay Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Wargeyska ayaa tibaaxay in Markii uu Jamal Khashoggi galay Safaaradda gudaheeda uu salaamay qof uu garanayo ka hor inta uusan qolka gelin. Codadka la helay ayaa ku bilaabanayo: Abdu Abdulaziz Mutreb oo ah sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Sacuudiga isla markaana ah ilaaliyaha dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salman ayaa dhahay Jamal fadhiiso, waa inaan kuu Celinaa Riyadh oo ah Caasimadda Sacuudiga. Jamal Khashoggi “Majiro wax dacwad ah oo aniga i hor taalo Mutreb: Waxaa jira amar ka yimid Interpol. Interpol waxay codsatay in lagu celiyo. Waxaan halkaan u joognaa inaan ku qaadno. Mutreb: Farriin u reeb wiilkaaga. Jamal Khashoggi: Maxaa u sheegaa wiilkeyga Mutreb: Farriin u reeb, na tusi inaad u reebto Jamal Khashoggi: Maxaa dhahaa wiilkeyga (Goor dhow aad i arki doontaa maan dhahaa)? Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Dhakhso jarjar Mutreb: Waxaa u qortaa sida ” Waxaan joogaa Istanbul, ha walwelin, ima soo gaari kartid” Jamal Khashoggi: Ilama haboono inaan dhaho waa la i afduubtay Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Siib jaakadda Jamal Khashoggi: Sidee wax caynkaas oo kale ah uga dhici karaan qunsuliyadda? Waxba ma qorayo aniga. Qof aan la garan oo kooxda kamid ah: Dhakhso jarjar Jamal Khashoggi: Waxba ma qorayo aniga. Mutreb: Mr. Jamal fadlan deg deg noo caawi si aan kuu caawino, maxaa yeelay ugu dambeyn waxaan kuu celin doonaa Sacuudiga, haddii aadan na caawin waad arki doontaa waxa ugu dambeyn dhaco. Jamal Khashoggi: Shukumaan inta ma yaalaa, daawo maa igu duri rabtaan? Al-Tubaigy: Waxaan rabnaa inaan ku hurdisiino. Hawl wadeennadii ayaa markaa kadib dawo ku duray saxafiga Sacuudiga. Ereyadiisii ​​ugu dambeysay ka hor inta uusan miyir beelin waxay ahayd: “Neef ayaan qabaa. Ha yeelin, waad i lumin doontaa oo uu ula jeedo waa dhiman doonaa. Mutreb ayaa waydiiyey Al-Tubaigy oo ahaa Dhakhtarkii jarjarayey Jamal in sidiisa boorso loogu ridi karo iyo in kale wuxuuna ugu jawaabay: Maya Macquul maahan, waa culus yahay, waa dheer yahay, waa aqaan meydadka, waa garanayaa sida loo yar yareeyo, anigaa si fudud u maareyn doono, sida caadiga ah markaan meydadka jarjarayo dhagaha ayaan gashtaa Sameecado, waxaan dhageystaa Music, intaan howsha wado waxaan cabayaa Kafey sidoo kalana Sigaar ayaan daaranayaa, markaan jarjaro kadib, waxaan hilbihiisa kuugu ridi doonaa baco, boorsada gasho kadibna u bixi dibadda Safaaradda. Markaas kadib Waa la jar jaray sidii hilibkii ayana loo jar jaray waxaana lagu riday Baco kadibna boorsooyin ayaa lagu qaaday. Dilkii Khashoggi ayaa ka xanaajiyay Amiirka kadib markii dunida uu kala kulmay canbaareen wuxuu xumeeyay sumcadda Amiirka oo la rumeysan yahay inuu yahay shakhsiga howshaan ka dambeeyey. Warbixin lagu daabacay Washington Post bishii Abriil ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay siisay Khashoggi afartiisa caruur “guryo qiima ahaan Milyan doollar ah” iyo bil kasta lacag shan-shan kun oo Dollar” oo ah magdhow dilkii Aabahood. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  20. Muqdisho-(Caasimada Online)-Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa magacaabay guddi ka kooban todoba xubnood, oo loo xilsaaray kasoo tala bixinta wadooyinka xiran ee Muqdisho. Xubnaha guddiga ah ee lamagacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax, waxayna lixda xubnood oo kale ay kala yihiin: 1.Saadaq Cumar Maxamed (xubin) 2.Ibraahim Macalin Cabdullahi (xubin) 3.Axmed Xaaji Cabdikariim Ducaale (xubin) 4.Kornayl Cabdi Cismaan Yuusuf (xubin) 5.Cabdi Maxamed Baaruud (xubin) 6.Kornayl Daahir Maxamed Tuuryare (xubin) Guddoomiyaha gobolka ayaa guddigaan uu magacaabay waxa uu faray in ay si habsami leh uga soo shaqeeyaan habkii loo furi lahaa wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa markii ugu horeysay 29-kii bishii hore ee Agosto waxa uu balan qaaday in uu dib u furi doono wadooyinka dhagaxda lagu jaray ee magaalada Muqdisho. Dadka reer Muqdisho ayaa dhib ku qaba dhagax iyo ciidan la dhigay inta badan wadooyinka muhiimka ah, taas oo sababtay in magaaladu ay u kala xiranto labo gadi. Iyadoo taasi jirtana Muqdisho waxaa wali ka dhaca qaraxyo iyo dilal ay mas’uuliyadooda sheegtaan Ururka Al-Shabaab, waxayna dadka reer Muqdisho ku kala aragti duwanyihiin inla furo wadooyinka loo xiray sababaha amni, iyadoo ay wali ka dhacayaan falal ammaanka liddi ku ah. Hoos ka akhriso warqadda magacaabista gudddiga:- Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-11092019.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka hadashay odayaashii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay u hoggaansamay amar kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab uguna tagay goobaha ay ka maamulaan dalka. War-saxaafadeed caawa kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Soomaaliya waxay caddaynaysaa odayaasha ay soo bandhigayeen kooxda Alshabaab intooda badan in aysan aheyn odayaal rasmi ah, ayna yihiin kuwa ay been abuureen una galiyeen koofiyado iyo cimmaamado, isla markaasna ay qasab uga hadal siiyeen”. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin loogu diray dadka u hoggaansama amarada kasoo baxa Al-Shabaab, “Dowladdu, waxay uga digaysaa qofkasta oo u hoggaansama hanjabaadaha iyo marin-habaabinta kooxda Alshabaab, waxeyna xasuusinaysaa shacabka Soomaliyeed in aan bad-qab lagu helayn u nuglaanshaha hanjabadaha kooxdaas argagixisada ah”. Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedka kasoo baxay ku sheegtay in la wiiqay awooda Al-Shabaab, “Waxaana xusid mudan, in kooxda si xoogleh loo wiiqay awoodooda taas oo ay cadayn utahay in ay maalmihii danbe aad u korortay tirada ka soogoosanaysa isla markaana laga saaray goobihii ay ku xooganayeen,waxaana si dar dar leh isku soo dhiibayay saraakiisha iyo horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri qoraaka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Xukuumadda Soomaaliya ayaa cambaareysay cadaadis daran oo ay sheegtay in Al-Shabaab ay ku hayaan dadka ku nool deegaanada ay dalka ka maamulaan, “Dowladda canbaareynaysaa bahdilka, jajuubka iyo xad-gudubka ay kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ku hayaan dadka Soomaaliyeed,ee ku nool tuulooyinka fog gog iyo meelaha yar yar ay ka taliyaan oo ay beryahaan soo bandigayeen iyagoo jirdilaya oo ku qasbaya in ay hadlaan,taasoo ah dhaqan maafiyo, gef-waynna ku ah Diinta iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed”. War-saxaafadeedka caawa kasoo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay sidaan: “Uga danbeyn, dowladda Soomaaliya waxay tillaabo sharci ah ka qaadeysaa cid-kasta oo xiriir dhex maro kooxaha argagixisada ee caadaysatay dhibaataynta shacabka”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu bilaabay olole uu ku raadinayo guddoomiyenimada xisbi xaakimka KULMIYE. Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu ku hawlanaa qorsheyaal uu ku doonayo in ku ruxo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si ugu wareejiyo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi la wareegay tallada dalka waxa uu olole u galay sidii uu hanan lahaa xilka guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE oo hayo Madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu kulamo kala duwan oo gooni gooni ah la qaatay qaybaha kala duwan bulshada reer Somaliland. Warar hoose oo aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in Ex. Wasiir Maxamuud Xaashi uu maalmihii u dambeeyay uu xoojiyay ololaha uu ugu jiro hanashada kursiga guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, isaga oo toos u bilaabay in uu kulamo la qaato qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland. Siyaasiyiin taabacsan wasiir Maxamuud Xaashi oo qaarkood ay ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa marar kala duwan oo ay warbaahinta la hadleen waxa ay Madaxweyne Muuse Biixi ka codsadeen in guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE uu ku wareejiyo siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa ka war helay qorsha uu ku hawlan yahay wasiirkii hore Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi waxaana arrintaasi ay ku abuurtay dareen cadho leh. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan ay arrinta kaga arrinsanayo waxa uu la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ah guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Axmed Cabdi Dheere, waxaana kulankaa lagu go’aamiyay inay sameeyaan wax kaste oo ay kaga hor-tagayaan ololaha Maxamuud Xaashi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa guddoomiyaha labaad ee xisbiga KULMIYE siyaasi Axmed Cabdi Dheere oo ka mid ah dadka ay aad isku dhaw yihiin waxa uu ku amray in uu warbaahinta la hadlo kana hadlo arrinta guddoomiyenimada KULMIYE isaga oo si dadban ugu quus-goynaya Maxamuud Xaashi. Source
  24. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka hadlaya wada-hadalada mudada badan hakadka ku jira ee Soomaaliya iyo Somaliland. Faysal Cali ayaa sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in ay ka qeyb qaataan wada-hadaladaasi dalal ay ka mid tahay dowlada Jabuuti, oo ku tilmaamay kuwo dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi. Faysal ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladahaasi ay ku milmeen dowlada federaalka Soomaaliya, isagoona shiki galiyay dhex-dhexaadintooda ku aadan wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Soomaaliya iyo Somaliland wada-hadaladeeda waxaanu ka sameynay go’aamo is-afgarad, waxayna odhanayaan go’aamadaasi ‘wada-hadalka waanu ogolnahay, hase ahaate waxaanu dooneyna madal caalami ah oo dad noo kala qabta”. “Waxaynu ka joojinay oo aan soo galeyn wada-hadaladaas wadamada bariga Afrika, Jabuuti waxanu nidhi ku marti-gelin mayno, Itoobiya waxaynu nidhi ku marti-gelin mayno kama soo qeyb-galeysid, Eratareya kama soo qeyb-galeysid, maadama dano gaar ah ay leeyihiin, iyaguna Xamar bey ku milmeen, markaa maynu sugeyna dhex-dhexaadnimo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waanu ogolnahay in aanu Soomaali la jaalno, laakiin kuwa hada jooga la hadli mayno, waa nagu ceeb in aynu la hadalno dad aan cidna matalin oo cidna soo dooran, oo weliba isku keen sawiraan xaaraan bey ka tahay”. “Soomaaliya wax la yiraahdo ma jirto, dowladd ka jirta Soomaaliya iyadna majirto, waxa weeyi si loola dagaalamo dhalinyartaas ayaa la ictiraafay, si kheyraadka dagaalka ka socda kharashka ku baxaya sidii looga guran lahaa Badda, ayaa loo ictiraafo laga saxeexay”. Hadalkan Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo aadaya xili ay dowlada Jabuuti mudooyinkii u dambeysay ay dadaalo badan galineysay sidii ay wada-hadaladaasi uga ciyaari laheyd door muhiim ah, iyada oo labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Somaliland socdaalo kala duwan ku tageen caasimada dalkaasi Jabuuti. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com