-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland: NEC Puts On Another Pantomime. The thoroughly discredited current Somaliland National Elections Commission (NEC) have put on another pantomime. The voter registration and voting equipment have been tested once again, for the third time. The equipment works, the commission does not. They are treating the voters of Somaliland as children, putting on these silly displays to justify their existence. Their term ends shortly, during five years they managed to earn good salaries and hold a single, solitary election! Nice work if you can get it. Somalilanders know the equipment workers, our foreign donors know the equipment works, our international friends know the equipment works,even our opponents know the equipment works! But, what we all know is that the current NEC doesn’t work, our political leadership doesn’t work, our legislative bodies do not work, and our political parties do not work. Don’t tell us about the bloody equipment, do your job and hold the elections. Hubris! Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-23092019.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Cali Xassan ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye Ganacsi “Trade Information Portal”. Aqoon-iswaydaarsigan ayaa waxa kasoo qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridkaba. Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaha iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group), waxaana lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia e Addis Ababa. Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusy in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan. Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda. Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nairobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dowladdaha Kenya iyo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed, who held a press conference at his residence in Mogadishu, spoke at length about yesterday’s incident in which he was blocked from flying to the southern city of Kismayo. Sheikh Sharif called on the Somali people and the international community to address the current political tension in the country. Sharif accused the federal government of neglecting the war against Al-Shabaab and focusing on fighting politicians in the country. “If the government has neglected the war against Al-Shabaab, the people of Somalia need to come together for guidance,” Sharif said “What happened to me yesterday is a small issue, it is something that I can forget, but I feel that something bigger is being destroyed. I see the Somali government losing its dignity and sovereignty, and to avoid that we have to unite to protect our nation,” the former president added. Sheikh Sharif said the illegal acts by the government could lead to unexpected situations in the country. He stated that those currently in power have foreign passports and that if anything happens tomorrow they will go back abroad to their children, and leave the Somali people suffering. Finally, President Sharif warned that the current government was heading toward the wrong path as it is violating the basic rights of its citizens. Sharif Sheikh Ahmed served as president of the Transitional Federal Government of Somalia between 2009 and 2012. He was the 7th President of Somalia and is credited with bringing the Federal Government of Somalia through an important transitional period. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiya mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka. Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulida Hawada dalkeena sanado badan dadaal loo galay sidii gacanta Soomaaliyeed loogu soo celiyo lahaa balse aysan mudneyn in shacabka Soomaaliyed loo adeegsado in lagu cunoqabateeyo maamulida hawada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digey in maamulka hawada soomaaliya gacanteeda laga saaro. Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha ka jira magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn in dowlada dhexe ay cunoqabatayn saarto shacabkeeda. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inay baalmareen guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka. “Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka ku nool Muqdisho in noloshu ay ku adkaatay isagoo tusaale u soo qaatay wadooyinka xiran. Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh Maxamuud. Xigasho: Jowhar.com
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran. “Waxaan kuu sheegi karaa in UK ay mas’uuliyadda weeraradii lagu Aramco dusha u saareyso Iran” ayuu yidhi Boris Johnson oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Press Association. Johnson ayaa la filayaa inuu Kulanka Guud ee QM ee New York kula kulmo madaxweyne Hassan Rouhani. Waxa uu sidoo kale Rouhani kala hadli doono weeraradaas, ayada oo ay kulanka kala qeyb gali doonaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaraha Jarmalka Angela Merkel. “Waxaan rumeysannahay in ay aad suurta-gal u tahay in Iran ay mas’uul ka tahay isticmaalka diyaarado drone ah iyo gantaallada kuruuska” ayuu Johnson u sheegay weriyayaasha. “Waxaa cad in arrinta adag ay tahay sidii aynu u agaasimi lahayn jawaab caalami oo arrintan laga bixiyo, iyo wadadda xigta oo ay tahay inaan qaadno.” “Waxaan la shaqeeneynaa saaxiibadeena Mareykanka iyo Yurub, si aan u jawaabno iyo inaan qaboojino xiisadda gacanka.” Ayuu yidhi raysal wasaaraha Britain. Mareykanka iyo Iran ayaa sidoo kale weeraradii dhacay 14-ka September waxay ku eedeeyeen Iran. Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada oo ay sheegteen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ee Tehran ay taageerto. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha iyo duubabka Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku booqday gurigiisa kadib dhacdadii lagu xayiray. Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam oo ah Imaamka Beelaha Mudulood iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa u muujiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed sida ay uga xun yihiin tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si uu uga qeybgalo Caleemka saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe. Odayaashaan oo xal ahaan ugu tagay Shiikh Shariif ayaa ka codsaday in Xaaladda la dajiyo isla markaasna ay iyaga Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajoon doonaan dhacdadaan. Imaamka iyo Ugaaska Maanta u tagay Shiikh Shariif ayaa la rumeysan yahay inay daacad u yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo bil kasta siiso lacago. Dadka Falanqeeyo siyaaddda ayaa aaminsan inay aheyd in Ugaaska iyo Imaamka ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan dhacdadaan isla markaasna ay farriin u cad u diraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Waxaa laga sugayey inay saxaafadda la hadlaan isla markaasna ay si cad uga hadlaan kiiskaan taagan iyo cidda ka dambeyso iyo sida laga yeelayo arrimaha noocaan oo kale ah oo ay dhawr jeer ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka. Shalay ayey aheyd markii xubno uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ay Shiikh Shariif ugu tageen gurigiisa iyadoo wado raali gelin, balse Shiikh Shariif ayaa si cad ugu sheegay inuusan intaan ku qanci karin balse loo baahan yahay inay Dowladda raali gelin rasmi ah ka bixiso. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay qaadeyso tallaabooyin ka baxsan Sharciga oo ka dhan ah Maamul Goboleedyada. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. “Farmaajo isagoo suud iyo boorso wata anaa magacaabay dalkaan wax ka galay ma jiro isagaa ka faa’ideysta, Xasan Cali Kheyre waa la mid annaga waxbaa naga galay inuu burburana kama yeeleyno dariiqaa ku socoto waa qaldantahay waxaan leennahay meeshaa joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isku timaaddo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Galmudug oo diyaar garoobeysa in ay doorato Madaxweynihii labaad ayaa waxaa ka furmay loolan adag oo la aamisan yahay in natiijada kasoo baxda ay go’aamin doonto rajada mucaaradka ee doorashada 2020. Waxaana si rasmi ah u bilowday ololaha doorashada iyada oo musharixiinta ugu cad cad ay ku dhawaaqeen doonistooda. Mucaaradka dowladda ayaa ku duulaya labada musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamal Guutaale halka muxaafadkuna ay riixayaan Axmed Qoor Qoor, waxaa intaas dheer musharaxiin siyaasad qabow oo tartanka qeyb ka ah kuwaas oo aan la saadaalin Karin dhinaca ay u dhammaan doonaan. Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo Muqdisho kaga dhawaaqay rabitaankiisa ayaa tagay Dhuusamareeb oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay balse isaga iyo saaxiibadiisa siyaasadda oo ay ku abtirsadaan Xisbiga UPD ayaa safar saxaafadda laga qariyay ugu soo laabtay Muqdisho iyada oo qaarkood ay usii gudbeen Turkiga, laakiin Odawaa oo aan wali Warbaahinta kasoo muuqan ayaa la rumeysan yahay in uu Muqdisho joogo wali. Waxaa jira xogo hoose oo sheegaya in saaxiibadii ay niyad jabeen kalsoonida ah in ay reer Galmudug ka iibiyaan aragtidooda iyo in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbigooda Xasan Sheikh uu si cad u sheegay in doorashada Galmudug uusan wax lacag ku bixin Karin taas oo ay dheer tahay in Xildhibaan Mahad Salaad uu wada hadal la furay Musharax Qoor Qoor isaga oo quud dareynaya in uu ku biiro Ololihiisa. Haddii sidaan ay wax kusii socdaan waxa ay u muuqataa in Musharax Odawaa uu lumin doono taageerayaashiida oo ay biirin doonaan garabyada kale ee xifaaltanka ku jira. Kamaal Guutaale oo isna ah Musharax aan la dhayalsan Karin oo mucaarad ah ayaa Muqdisho uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa waxa uuna u gudbay Dhuusamareeb, Munaasabaddiisa shaacinta iyo soodhoweynta tagistiisa Dhuusamareeb kuma uusan soo bandhigin garbo culus oo saameyn ku leh siyaasadda maanta laakiin waxa uu ku dhiiran yahay in uu sii wato Ololihiisa. Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Wadajir Saraakiil ka tirsan ayaa laga soo xigtay in lacag iyo maskaxba ay la garab taagan yihiin Musharaxooda oo aysan wax cabsi ah qabin, laakiin dad badan ayaa u arka in saaxiibadiis ay saameyn badan ku lahayn siyaasadda gaar ahaa dowladdan iyo tii ka horeysaba. Musharaxa seddaxaad waa kan aad loo hadal hayo oo loo badinayo in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda Galmudug waana Axmed Qoor Qoor oo taageero badan ka heysta Dowladda iyo dad ay siyaasadda saaxiib ku noqdeen. Qoor Qoor oo Muqdisho iyo Dhuusamareebba kusoo bandhigay dhoola-tus indhaha soo jiitay sidoo kale noqday Musharaxa Ololaha xooggan tan iyo markii uu ku dhawaaqay hankiisa. Siyaasiin saameyn xoogan leh, ganacsato ay soo wada shaqeeyeen, odayaal dhaqan iyo qeybo kale oo bulshada Galmudug ka tirsan ayaa si mid ah u riixaya qorshaha uu ku maamuli lahaa Galmudug afarta sano ee soo aaddan. Haddii dhinacyada mucaaradka aysan wax ka badalin siyaasadda ay ku wajahayaan Ololaha doorashada oo aysan la imaan hab u sahli kara in ay tartan adag gali karaan waxa ay u muuqataa ciyaar natiijadeeda la ogyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa durbo ka falceliyey shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo si adag uga hadlay is hortaagii shalay loogu geystay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Yuusuf Garaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. “Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wxuuu intaas ku daray in aan loo baanheyn in looga sii daro hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro.” ayuu markale yiri Yuusuf Garaad Cumar. Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhexeeya Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay dhakhso u xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay.” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, Mudane Yuusuf Garaad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. .Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Ethiopia ayaa xirtey dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso. Waaxda sirdoonka Ethiopia ee magaceeda loosoo gaabiyo NISS, ayaa shaacisay in xubnaha la qabtay ay qorshanayeen weeraro lagu qaado goobaha la isugu yimaado ee lagu dhigo ciidaha diiniga ah iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin.. NISS ma sheegin tirada dadka la qabtay, laakiin waxay tilmaamtay in lagu xiray magaalada Addis Ababa, degaanka Oromada iyo degaanka Soomaalida. NISS waxay sheegtay in ay Jibuuti kala shaqeynayso sidii loo xiri lahaa hogaamiyaha kooxdaan oo la tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay Jibuuti. Kooxda isku magacowday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa muuqaal ay horey u baahisay ku sheegeen inay qorshaynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya. Dadka falanqeeya siyaasada geeska afrika ayaa arrintan ku sheegay inay kooxdani rabto inay ka faaidaystaan khilaafyada dhexyaala qoomiyadaha Ethiopia. Puntland Post The post Ethiopia oo xirtay xubno looga shakisan yahay Shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynihii hore ee dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay qaabkii shalay loogu xannibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday maagalada Kismaayo, halkaasi oo uu kaga qeyb-geli lahaa xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam. ” Waxaan aaminsanay, qof kasta oo muwaaddin ah oo Soomaaliyeed, in uu xaq u leeyahay in uu u safro meesha uu doono iyo goobta uu doono. Marka waxaan u aragnaa nasiib-darro, in dowlad sharci lagu doortay sharciga ay jebiso, marka waxaanu arkayney tacaddi iyo jebin la jebiyay Dastuurka oo dowladdu si bareer ah oo ula kac ah u samaysay xaqna aysan u lahayn” ayuu yiri madaxweynihii hore, Shariif Sheikh Axmed. Mudane Shariif, waxa uu si cad u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda xilka haysa lagu doortay, nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, sidaasi darteedna loo baahanyahay in ay ku dhaqmaan nidaamka iyo Dastuurka waddanka, balse aan marnaba laga aqbali doonin sharci-darro iyo in ay jebiyaan shuruucdii lagu doortay, isagoo ku boorriyay in ay u hoggaansaman Dastuurka. “Dowladdan hadda jirta ee madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyo, waxaa wax loogu dhiibay doorasho, waxaa wax loogu dhiibay Dastuurku waxa uu faraayo, madaxweyne Xassan Sheikh baa ka horreeyay, isagoo awooddii haysta oo ciidamadii xakuma oo imkaaniyaadkii oo dhan haysta, wuxuu ogolaaday in uu yiraahdo waa la iga guulaystay, waxaan u tanaasulay codka Baarlamanka” ayuu sii raaciyay Shariif. Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay go’aankii saaka ay soo saartay hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ee mudda saddex maalmood ah lagu hakiyay, dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha Kismaayo, laga bilaabo 23-September ilaa 26-ka isla bishan September, si loo carqaladeeyo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana Sheikh Shariif xayiraaddaasi ku tilmaamay cuna-qabateyn la saaray shacabka degaannada Jubaland. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya iyo hannaanka dib u-heshiisiinta dalka labaduba ay burbur ku socdaan, islamarkaana loo baahanyahay in dalka la badbaadiyo “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”. “ Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo boorsadiisa wata oo suudkiisa wata anaa magacaabay, isaga dalkan wax ka galay oo Resource ah ma jiraan, isagaa ka faa’idaystay, Xassan Cali Khayrena waa sidoo kale. Annaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin in uu burburo, dariiqu ku socdo waa qaldanyahay, waxaan leenahay Stop, meeshaad joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaaddo” ayuu sii raaciyay. Hoos ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif oo sheegay in Soomaaliya ay mar kale cagta saartay wadadii burburka appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada Galmudug ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in shalay uu dil ka geystay deegaanka Saddex Xigle ee gobolka Mudug. Saraakiil ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkaasi uu haatan ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen in si deg deg ah cadaallada loo soo hortaagi doono ninkaasi. Inta badan deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhaca dilal salka ku haya arrimo la xariira aano Qabiil. View the full article
-
Kismaayo (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyey xayiraada dhanka hawada oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in uu dowladda ku taageerayo go’aankii ay ku joojisay diyaaraddii siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxa kale uu tilmaamay in Sheekh Shariif uu doonayey in uu ka qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe, si uu ugu noqdo garab iyo gaashaan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-cabdiqani-.mp3 View the full article
-
Ceel Saliini (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab oo Shalay weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini ayaa si deg deg ah usoo bandhigay Sawirada iyo dhibaatada ka dhalatay weerarkaas. Deegaanka Ceel Saliini oo u dhaxeeyo Afgooye iyo Marka ayaa waxaa ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Al-Shabaab, waxayna Shalay Dowladda sheegtay inay iska difaacday weerarkaas. Balse Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay natiijo midaas ka duwan oo muujinayo inay la wareegeen Saldhigga sidoo kalana ay qaateen Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay qaar ka tirsan Askartii Shalay weerarkaas looga dilay Ciidamada Dowladda, waxaana sawirada kaso dhex muuqday Askari nool oo ay AL-Shabaab sheegeen inay ku qabteen dagaalka. Weerarka ayaa ahaa mid ku bilowday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay afaafka hore ee xerada, waxaana wixii ka dambeeyay xilligaas dhacay dagaal fool ka fool ahaa oo dagaalamayaasha Al-Shabaab dhowr jiho ay kaga qaadeen xerada.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta faah faahin ka bixiyey is hortaagii shalay lagu sameeyey, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo muwaadiniinta ay u siman yihiin sharciga, uguna baaqayo in ay dhowraan dastuurka u yaalla dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xayiraadii la saaray ay aheyd mid sharci darro ah, islamarkaana ka hor imaaneysa xorriydda socdaalka, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya uusan madax banaaneyn, islamarkaana aanu laheyn awoodii looga baahnaa. Ugu dambeyn wuxuu aad ugu dhaliilay dowladda nabad gelyada iyo dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay inay ku fashilantay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-1.mp3 View the full article