Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,921
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jubbalad ayaa sheegay in maamulka hawada Soomaaliya oo aad loogu hanwaynaa sidii Soomaaliya ay gacanteeda usoo gali lahayd maanta la is waydiinayo suurta galnimada in ayna Xukuumada Federaalku masuul ka noqon Karin maadama ay arimo siyaasadeed u adeegsanayaan oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah. Dhamaan cunaqabataynada Dowlada Federaalka ah ay kusoo rogtay dadka Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay inayna waxba saamayn ah ku yeelanaynin sida ay diyaarka ugu yihiin Midnimada iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin sidii lagu yaqaanay in shacabka Soomaaliyeed ay isku keenaan oo Mustaqbalka dalkan laga arinsado. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in go’aanka garoonka diyaaradaha Muqdisho lagaga celiyay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed uu yahay xad gudub aan sharciga dalka meela kaga oolin loona baahan yahay in wax la iska waydiiyo. Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka waxaa uu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu qayb ka yahay daynta dalka lagu leeyahay balse wadadii lagaga bixi lahaa ayna haynin Dowlada Federaalka ah. ………..Puntland Post……… The post Axmed Madoobe oo mar kale si adag u cambaareeyay dowladda federalka appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Baqdaad)-Ugu yaraan afar qof oo dibad-baxayaal ah ayaa toogasho lagu dilay iyada oo mudaaharaadyo xooggan oo ka dhan ah musuq-maasuqa iyo shaqo la’aanta ay ku baaheen magaalada ku taalla Koonfurta Iraq ee Amarah, sida ay maanta sheegeen ilo-amni iyo kuwa caafimaad. Dibad-baxe kale ayaa sidoo kale maanta lagu dilay gobolka Dhi Qar, halkaasi oo dhiigga ugu badan ee ka dhashay dibad-baxyada Ciraq uu ku daatay illaa iyo hadda, sida uu sheegay madaxa caafimaadka gobolka Abdulhussein al-Jaberi. Dhimashada cusub ayaa tirada guud ee dadka dhintay tan iyo markii ay dibad-baxyada billowdeen saddex maalin ka hor ka dhigeysa 18, oo uu ku jiro sarkaal boolis. Ra’iisul wasaraaha Iraq, Adel Abdel Mahdi ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucay dhaq-dhaqaaqa dadka laga billaabo 5:00 am, si uu u joojiyo dibad-baxyada sii kordhaya. Booliska ka hor-tagga rabshadaha ayaa rasaas u riday hawada, si ay u kala ceyriyaan tobaneeyo qof oo isugu yimid fagaaraha Taxriir ee magaalada Baghdad ayaga oo jebinaya bandowga. Dibad-baxayaasha ayaan ku faraxsaneyn adeegga dowladda ee liita iyo musuq-maasuqa. Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu horreysay ee weyn ee uu wajaho ra’iisul wasaare Abdul-Mahdi, oo dowladdiisa soo dhigay sanad ka hor. Source
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland ayaa maanta ku geeriyooday Muqdisho. Axmed Jaamac oo sidoo kale ahaa Nabadoon si weyn looga yaqaanay Kismaayo ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar ku qaaday xilli uu ku sugnaa goob Biibito ah oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo, 13-kii September, halkaasi oo ay dhaawca ugu gaysteen. Geerida Qalyar ayaa waxaa xaqiijiyey Cabdirashiid Xidig oo xildhibaan ka tirsan Jubaland, sidoo kalena sheegta madaxweynaha Jubaland. “Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo, garyaqaan Axmed Jaamac Mohamud (Qalyar) oo subaxnimadii hore ee saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho” ayuu Xidig ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook. Illaa iyo hadda gacanta laguma soo dhigin dadkii dilay Qalyar. Mucaaradka Jubaland ee Xidig uu ku jira waxay ku eedeeyeen Axmed Madoobe, halka mamaulka Axmed Madoobe uu sheegay inuu baarayo kooxdii gaysatay falkan. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ka hadlay baadhis uu hantidhawrku ka bilaabay wasiirradiisa iyo halka ay marayso, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. dowladda federalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ayaa ku shiraya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga doorashada doorashada sannadka dambe. Ciidamada Midowga Afrika ayaa lafilayaa inay dalka ka baxaan labada sano ee soo socota. Laakiin caqabado waaweyn oo xagga amniga ah iyo maamul xumo ayaa wali ka taagan Soomaaliya xitaa weliba marka doorashaddu soo dhowaato. Wixii faahfaahin kala socdo Puntland Post The post Dowladda federalka iyo beesha caalamka oo ka shiraya amniga doorashada iyo bixitaanka Amisom appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Ilkacase oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland ayaa dawladda Jabuuti ka raaligaliyay eedaymo uga ymid madax reer Somaliland ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo gaadhay deegaanka Wada-jir oo ka tirsan Degmada Saylac ee Gobolka Selel, ayaa guda-galay xallinta khilaaf sababay dhimashada Hal Qof oo u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi deggan. Wasiirradan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha, Gaashaandhigga, Wasiirka Caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, Taliyaha hawl-gelinta Ciidammada Booliska, ayaa waxay Shalay guda-galeen Xallinta Khilaafka u dhexeeya laba beelood, khilaafkaasi oo sababay in toddobaadkii hore shaqaaqo halkaa ka dhacdo isla-markaana uu dhinto Hal Qof. Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Saleebaan Cali Koore oo markii Weftiga uu hoggaaminayaa halkaa gaadheen hadlay ayaa yidhi “Labada reer ee aanu Arrinkooda halkan u joognaa intii Ilaahay abuurayba way wada noolaayeen, Qoys kastaana way is dhaleen, inuu Qofku intaas fahmo ayuun baa loo baahan yahay, Qof kasta oo ka qayb-qaatayna waanu u Mahad-naqaynaa.” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Waxaanu cid kasta ka codsanaynaa inay u hoggaansamaan garta iyo go’aanka Dawladda. Haddaan Dadku aanay sidii dhaqanka ahayd u heshiinin, garta Dawladnimadana aanay aqbalin, waxa meeshaa ka soo baxayaa wuxuu noqonayaa wax adag.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Bilihii u dambeeyay goobo badan oo la deggan yahay oo Somaliland ah ayaa dhibkaasi ka socday, markaa waxa Dawladda ka go’an inay go’aan adag ka qaadato shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya…” Labada Beelood ee arrinkooda lagu jiro ayaa waxay ku muransan Dhul laga abuurayo Beero cusub. Weftiga Wasiirrada ah ka sakow, waxa hore halkaa ugu sugnaa Maamulka Gobolka Selel iyo Ururro ka mid ah Ciidammada Qaranka Somaliland oo labada Beelood kala dhex taagnaa. Source
  8. Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo u khudbaynayay Bulshada Gobolka Bari ayaa wuxuu jeediyey khudbad aad u qiimo badan oo uu waxyaabo badan [...] Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadiisa. Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, haddana warar la isla dhex marayo oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu dhammaystiray isku shaandhayn iyo xil ka qaadis iyo isku bedel uu muddooyinkii u dambeeyay ku mashquulsanaa oo uu ku samayn doono xukuumadiisa. Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in Madaxweyne Biixi xukuumadiisa ku soo daro rag miisaan culus ku leh siyaasadda, isagoo xilalka ka qaadi doono xubno ka mid ah wasiiradiisa. Siyaasiyiin iyo aqoonyahano culus oo uu ka mid yahay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa garbihii ololaha ee Madaxweyne Biixi, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Biixi inaanu markii uu talada qabatay soo dhisin gole xukuumadeed oo garbo culus leh oo dalka ka saari kara xaaladda siyaasadeed ee uu marayo. Waxa kale oo la saadaalinayaa in Madaxweyne Biixi kala jebin doono wasaaradaha qaarkood oo uu ka dhigi doono labada wasaaradood, waxaana wasaaradda la hadal hayo inuu kala qaybin doono ka mid ah wasaaradda xanaanada xoolaah iyo kalluumaysiga oo markii uu talada qabtay uu ka dhigay hal wasaarad, balse xukuumadihii hore ahaa laba wasaaradood. Dad badan ayaa markii uu Madaxweynuhu xukuumadiisa dhisay dhaliilay labada wasaaradood ee uu Madaxweynuhu isku daray ee kalluunka iyo xoolaha oo uu mid waliba ahmiyadiisa iyo culayskiisa gaarka ah leeyahay. Waxa kale oo ay wararku sheegayaa in Madaxweynuhu xil ka qaadis ku samayn doono xubno ka mid ah agaasimayaashah guud ee xukuumadiisa, isagoo sidoo kale buuxin doona jagooyin agaasime guud oo banaan sida agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhiga. Badhasaabada dalka qaarkood ayaa iyagana la filayaa in Madaxweynuhu isku bedel ku sameeyo, xubno koobana uu xilalka ka qaado. Shacabka ayaa waxay dhawrkii biloodba mar aad u hadal hayaan isku shaandhayn iyo xil ka qaadis ay saadaaliyaan inuu samayn doono Madaxweyne Biixi, lamana garanayo sababta keenta hadal haynta badan ee isku shaandhaynt iyo xil ka qaadista Madaxweynaha Biixi. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guruuje Oo Ka Hadlay Arrinta Qareeno Shaqadii Laga Joojiyay Lana Amaray In Baadhis Lagu Sameeyo, Dalkana Aanay Ka Bixin Karinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Xoggo ku saabsan Wefti Kenya Ah Oo Muqdisho Ku Sugan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan khilaafka DFS iyo sidoo kale maamulkiisa. Axmed Madoobe oo khudbad dheer ka jeediyey munaasabad loogu dabaaldegayey Afar Sano guuradii kasoo wareegtay Tv-ga ku hadla afka maamulkaasi ayaa sheegay in madaxda joogta Villa Somalia ay isku dayeen dhibaateynta shacabka Jubbaland. Ugu horreyn wuxuu sheegay in kadib Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland ay Dowlada Jubbaland xooga saartay sidii loo dhamayn lahaa dadkii tabashooyinka qabay isla markana arintaas guulo la taaban karo laga gaaray wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in iyadoo wali albaabadu ay furan yihiin hadana aan cidna laga ogolanaynin in nabadgalyada ay wax u dhinto arintaasna ay tahay masuuliyad ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland. Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Doorashooyinku markii ay dhamaadeen ay Jubbaland diyaar u ahayd sidii Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Federaalka ah wada hadal loogu dhamayn lahaa balse taas badalkeeda Xukuumada Federaalka ah ay xayiraado iyo cunaqabatayno kusoo rogtay dadka ree Jubbaland iyadoo uu Madaxweynahu sheegay in dad shacab ah ay naftooda ku waayeen xayiraada dhinaca duulimaadka ah ee Dowlada Federaalku ay kusoo rogtay dadka ree Jubbaland taas oo la iskula xisaabtami doono. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in maamulka hawada Soomaaliya oo aad loogu hanwaynaa sidii Soomaaliya ay gacanteeda usoo gali lahayd maanta la is waydiinayo suurta galnimada in ayna Xukuumada Federaalku masuul ka noqon Karin maadama ay arimo siyaasadeed u adeegsanayaan oo lagu dhibaataynayo dadka shacabka ah. Dhamaan cunaqabataynada Dowlada Federaalka ah ay kusoo rogtay dadka Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay inayna waxba saamayn ah ku yeelanaynin sida ay diyaarka ugu yihiin Midnimada iyo wadajirka Umada Soomaaliyeed ayna diyaar u yihiin sidii lagu yaqaanay in shacabka Soomaaliyeed ay isku keenaan oo Mustaqbalka dalkan laga arinsado. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in go’aanka garoonka diyaaradaha Muqdisho lagaga celiyay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya sheikh shariif sheikh Axmed uu yahay xad gudub aan sharciga dalka meela kaga oolin loona baahan yahay in wax la iska waydiiyo. Isagoo ka hadlayay shirka kasocda Magaalada Muqdisho ee Beesha Caalamka iyo Dowlada Federaalka ah u dhexeeya ayuu Madaxweynahu sheegay in hanaanka siyaasada loo dhan yahay ayna dalka ka jirin sidaas darteedna wax walba oo shirkaas kasoo baxa ayna anfacaynin dadka Soomaaliyeed loona baahan yahay kahor in arimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro sida Doorashooyinka iyo dhamaystirka dastuurka. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in hanaanka dayn cafintu uuna dhaqan gali Karin iyadoo Madaxda Villa Soomaaliya joogta ay ku tumanayaan shirciga dalka waxaa uu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah uu qayb ka yahay daynta dalka lagu leeyahay balse wadadii lagaga bixi lahaa ayna haynin Dowlada Federaalka ah. Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Geeljire ayaa waraysi lala yeeshay waxa uu kaga hadlay arrio dhawr ah, Halkan hoose ka DAAWO waraysiga Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Olole Galaafan Kara Maayirka Hargeysa Oo ka Socda baraha bulshada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa) – Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Maxamuud Cali Saleeban (Ramaax), ayaa eedo u jeediyey dawladda Jabuuti, kaas oo sheegay in Jabuuti ay tahay cadowga Somaliland. Sidoo kale Mr Ramaax waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay mudo 24 saacadood ah gudahood ay dalka kaga saarto Safiirka dawlada Jabuuti u fadhiya Somaliland. “Waad ogtihiin xuduudku xageena wuu ka furan yahay oo way soo gali karaan, iyaga hal gaadhi oo aynu leenahay ma gali karo, habarta khudradda ku beertay halka 40Km u jirta magaalada Jabuuti kuma galin karto magaceeda iyada oo xuduuda Somaliland ka galinaysa. Dalka caynkaa inoola dhaqmaya, waxaanu leenahay xukuumada waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta dadkeeda iyo dhaqaalaheeda may u saamixin, kalamanay hadlin, waxa ku haboon in cirka, dhulka iyo badda ka xidhno xabadda Kalluun ah ee Jabuuti laga cuno badda Somaliland ayaa laga qaadaa,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax). Sidoo kale Xoghayaha Arimaha gudaha ee xisbiga UCID, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa waxa mar uu ka hadlayey dekeda Berbera iyo saamaynta ay Jabuuti ku yeelatay “Waxa uu la wareegay hadana isaga oo sifayaal ganacsi oo kale usoo maraya, maanta dekedii Berberi inay xidhanto ayay ku dhawdahay, boqolkiiba shan iyo afartan Koonteenaradu waxay soo maraan Jabuuti, isagoo u maray hab kale oo diblomaasiyadeed iyo qaybin uu qaybinayo dadka reer Somaliland. Anagu cadawgayaga koowaad ayaanu u aragnaa, haday xaga dhaqaalaha tahay, taa gudoomiyuhu ka hadlayna runtii waan ayidayaa,” ayuu yidhi Mr Ramaax, waxaanu intaasi ku daray oo uu xukuumada Somaliland ugu baaqay in 24 saacadood gudahood dalka lagaga saaro safiirka Jabuuti u fadhiya Somaliland. Xisbiga Ucid oo kaliya kuma eeka dadka ama siyaasiyiinta Somaliland ee eedaha u jeedisay dawladda Jabuuti, waxa isna maalintii shalay warbaahinta kula hadlay hargeysa, xildhibaan Nacnac oo difaacay, isla markaana taageeray hadalkii guddoome Faysal Cali-waraabe ee ka dhanka ahaa dawladda Jabuuti. Xildhibaan Nacnac waxa uu sheegay in Jabuuti tahay cadawga koowaad ee jamhuuriyadda Somaliland. “jabuuti waa cadawgayaga koowaad, waxay innoo qabtaan ma jirto. Haddii maanta madaxweyne Muuse uu Innanta [Seedinimo] u qadarinayo iyo baasaboorkiisa, isagay jirtaa. Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in dalka laga saaro wakiilka Jabuuti Hargeysa u fadhiya. “Haddii 24 saacadood gudahood dalka lagaga saari waayo, Wakiilka Hargeysa u fadhiya dawladda Jabuuti, waxbaanu ka qaban doonaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Ilaa iyo hadda xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Muuse Biixi Cabdi ayaan ka hadal, wax jawaab ahna ka bixin hadallada masuuliyiinta Somaliland ee eedaysay jabuuti iyo wakiilka Jabuuti ee fadhiya Hargeysa ay siweydaarsadeen Source
  16. Dagaal u dhaxeeyey kooxda Macaawisleyda iyo Al-shabaab ayaa saakay waaberigii waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Weerarka dagaalkan ayaa waxaa lahaa kooxda Macaawisleyda, waxaana ay duulaan ku qaadeen saldhig gAl-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Cali Istakiin oo horjooge u ah kooxdan. Istakiin ayaa sheegay in weerarkan ay Al-shabaab kaga dileen dhowr dagaalyahan, kana qabsadeen hub iyo sidoo kale Laba gaari oo nooca dagaalka ah. Dhankooda ayuu sheegay in Hal qof uu kaga dhintay, mid kalena kaga dhaawacmay, islamarkaana ay dib uga soo ruqaansadeen halkii ay weerarka ku qaadeen. Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha ka soo gaaray dagaalkan, iyadoo xaaladduna tahay mid deggan. Kooxda Macaawisleyda ayaa ka dagaalanta Hirshabelle, waxaana ay dagaallo kula jiraan ururka Al-shabaab, iyaga oo marar badan ku weeraray meello ay kaga sugnaayeen Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Jigjiga)-Itoobiya Oo Sheegtay Inay Qabatay Hub Somaliland Uga Soo Gudbay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa isaga oo ku sugan Boosaaso wuxuu kulan degdeg ah isugu yeeray golahiisa wasiirada. Sida wararku ay sheegayaan, kulankaan ayaa ah mid ka duwan kuwii hore, waxaana la filayaa in ay ka shiraan arrimo aad u xasaasi ah. Shirka wasiirada Puntland ee maanta dhici doona ayaa qodobada looga hadli doono waxaa ka mid ah, shirkii shalay kusoo dhammaaday Muqdisho, khilaaka dowladda federaalka iyo Puntland, amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah. Puntland iyo Villa Somalia, waxaa xilligan ka dhaxeeya khilaaf aad u xooggan, iyadoo Puntland ay qaadacday shirkii ishkaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani ayaa la filayaa saacadaha soo socda in uu kulan la qaato xubnaha golihiisa Wasiirrada kulankaas oo lagaga hadlayo arrimo xasaasi ah. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kulankaan oo lagu wargeliyay golaha Wasiirada lagaga hadlayo safarka madaxweynaha Puntland uu ku tegay deegaano ka tirsan gobolka Bari iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa intiisa badan lagu falanqeyn doonaa shirkii kiskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka qodobada ka soo baxay iyo kaalinta casuumaadda maamulka Puntland oo aan ka qeyb gelin shirka. Puntland ayaa qaadacday shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyada oo sheegtay in ayna jirin casuumaad rasmi ah oo ay ka heshay dowladda fedraalka Somalia, sidaas oo kalana waxaa qaadacay mamulka Jubbaland. Source
  20. Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya ;Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudi Carabiya, isla markaana ah Madaxa Xaruunta horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay Labada masuul ugu wada hadleen sidii Sanduuqa (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre) uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaa horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiim ah islamarkana ay ma kale isku ariki doonaan Dalka Soomaaliya. “Waxaan xarunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudiga, isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), ayuu yiri Wasiir Goodax. Wasirka ayaa intaa ku daray in la taliyuhu uu ka codsaday in uu yimmaado Soomaaliya si loo ambaqaado waxyaabaha ay kulankooda Koobaad kaga wada hadl;een, taasi oo uu ka aqbalay.si weynna usoo dhoweeyay. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland oo dhawaan mar kale loo doortay Xilkaas ayaa ka hadlay Shirkii Shalay lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Axmed Madoobe oo Xalay khudbad ka jeedinayey Xafladda sanad guurada afaraad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax la yiraahdo Siyaasad loo dhan yahay. Axmed Madoobe ayaa xusay inaysan suurta gal aheyn cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya inta ay Dowladda Soomaaliya ku tumaneyso Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo sida uu hadalka u dhigay. “Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalka”ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa si weyn usoo dhaweeyey Madasha looga dhaqaaqay Muqdisho kaasoo ay ku mideysan yihiin xisbiyada dalka ka jiro oo ay ugu horreeyaan xisbiyada ay kala hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Beesha Caalamka ayaa Shalay shirkii lagu soo gabagabeeyey Muqdisho ka sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho Siyaasadda loo dhan yahay. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in Dowladda Mareykanka ay shuruud uga dhigtay arrintaas inay dhaqaale ku caawiso Dowladda Soomaaliya. Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland. Sidoo kale Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. (SLT-Pakistan)-Saraakiisha dhanka siyaasadda u qaabilsan ururka Taliban iyo matalayaal ka socda xukuumada Washington, ayaa shalay gaadhay waddanka Pakistan. Madaxa wadahadallada Taliban Mullah Baradar iyo xubno ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo , Zalmay Khalilzad ayaa ka dagay caasimada Islamabad sida tabinayaan warbaahinta dalkaasi. Afhayeenka Ururka Taliban Sabiixulaahi Mujaahid ayaa xaqiijiyay in waftigan ay kala xaajoon doonaan hoggaanka Pakistan arrimo la xidhiidha dib u bilaabida wadahadalladii nabada ee dowlada Mareykanka. Waftigayaga 11 ka xubnood waxay booqanayaan magaalada Islamabad kadib casuumaad kaga timid dowlada Pakistan oo ay kala hadli doonaan wadahadalkii nabada oo Mareykanka dib uga laabtay. Bishii hore ee September ayaa raysal wasaaraha Pakistan wuxuu ugu baaqay madaxweyne Donald Trump, in uu dib u bilaabo wadahadalladii Mareykanka iyo Taliban. Tan iyo markii uu burburay wadaxaajoodka labada dhinac ayaa kooxda Taliban wafti ka socda waxay booqdeen wadamada Ruushka Iiraan iyo Shiinaha, si ay kala hadlaan dadaalada nabada ee dalka Afghanistan. Donald Trump ayaa wada xaajoodka labada dhinac ka baxay 9 bishii September kadib markii 12 qof oo askari ka tirsan Mareykanka lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Kabul. Source