Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xalay safar shaqo ugu baxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF) Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkaan looga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya. Mudane Xasan cali Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo shir kaga qeyb-galaya Washington appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay safar shaqo ugu baxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF) Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkaan looga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya. Mudane Xasan cali Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray. Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4). View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay u u safray magaalada Washington ee dalka Maraykanka. Wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa Waxaa ay ka qeyb gali doonaan shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF), waxa uuna shirkan ka dhacayaa dalka mareykanka R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo horumarka ay xukumadiisa ka gartay dhinaca deyn cafinta. Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo dalka oo meel wanaagsan soo gaaray. Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Canadian analysts say such an endorsement is rare, but probably won't move the polls. Source: Hiiraan Online
  5. NAIVASHA, Kenya (Reuters) - Kenya’s opened a $1.5 billion Chinese-built railway line linking Nairobi to Naivasha on Wednesday, despite delays in building an industrial park in the Rift Valley town to encourage freight. Source: Hiiraan Online
  6. RIYADH: The Saudi Ministry of Rural and Municipal Affairs has imposed new regulations on restaurants and cafes serving hookah. Source: Hiiraan Online
  7. Former Kakamega Senator Boni Khalwale has asked President Uhuru Kenyatta and his Deputy William Ruto to consider withdrawing Kenya Defense Forces (KDF) from Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. QAWDHAN IYO DUBBAD OO FOODDA IS DARAY ! QAWDHAN: War maxaa lagu beryey saaka Dubbadoow DUBBAD: Qawdhanoow belo ma ogine, xaggiina sidee lagu ahaa QAWDHAN: Dubbadoow belo Jabuuti ka weyn iyo Cumar Geelle saaka ma ogi DUBBAD: War arrinkii maalintii dhoweyd ina Cali Waraabe iyo safiirka ma wax ka danbeeyaa ina dhex maray? QAWDHAN: War ninyohoow dee magaalada waad iska joogtaa warba ma haysid. DUBBAD: War haddaa ma inankii Ina Geelle Arab arrinkiisii baa wax ka soo cusboonaadeen? QAWDHAN: War ninyohoow shakhsiyaad baad ka hadlaysaa anna xaajo qaran baan kaala hadlyaa, sidee wax kaa yihiin DUBBAD: Toloow haddaa ma dekeddii Berberay soo faragelisay Jabuuti, waxan saaka dhiigga kugu kiciyey wax yar maahee, QAWDHAN: War inaadeer Berberdaa iyo waxaasi waa licib saqiire, ninkan ina Cumar Geelle yaa looga dacwoodaa DUBBAD: War heedhe sidee wax u jiraan, bal noo warran. Ma dhankii Xamar ee uu weligiiba u janjeedhay buu hub inagu siiyey QAWDHAN: War Xamartaasaaba sahlanaan lahyde, ninkii miyaanad maqal inuu nimankaynu saaxiibka ahayn ee isku hallaynayney ee walaalaheen uu maanta inoo daba maray DUBBAD: Faan badanaa ma isagaa Imaaraadka cag dhigi kara miyaanad ogayn inay ka dhex taagan tahay oo aanay isuba geli karin. QAWDHAN: War inaadeer Imaaraadkaa ka hadli maayee, dee adna degdeg baa lagugu imtixaanay. DUBBAD: Ma Itoobiyuu haddaa tegey weligiba wuu inagu qanjiidhin jirey taase. Ninku waa nin danihiisa eegta’e dekeddaas Berbera ayaa welwel ku haysee. QAWDHAN: War maahee nin yohoow na dhegeyso.. DUBBAD: Waar bal u kaadi, war ninkii ma Ingiriiskuu aaday, faan badnaa, sawtii la lahaa Ingiriiska nin ragaa u soo baxay oo Yurub iska furfuraya, kaasaabay rajadeennu ku xidhnayd markuu Yurub iska soo furfuree! QAWDHAN: Waar heedhe inaadeer anigu meelahan aad ku meeraalaysanayso sheegi maayee, waddankii aynu saaxiibtinnimada dheer lahayn ee walaalaheen ee Afrika inoo dhexgeli lahaa baan sheegayaa DUBBAD: Dee maad saa na tidhahdid, waar ninkaasi hadduu Kenya inoo daba maray waa “xiniinyo taabasho” wallaahay waa iska celinaynaa inaynaan dib oo u danbaysa ugu hamranayn. Oo inankii Fariidka ahaa ee Baashe Moorgan miyaa laga dul tallabsaday. Hadda ogoow Kenya marxuumkii cigaal iyo “marxuumkii Joomo Kiinyaati” iyana saaxiib bay ahaayeenoo abaal weyn baynu ku lahaynoo waa tii NFD Cigaal u saxeexay inay Ardu-Sawaaxil raacdo. QAWDHAN: War heedhe Kenya weligeenba waa is ag taagnayne irbadna dun inooma geline, waxaan kaala hadlayaa nimankaynu walaalaha ahayn ee berigii dhoweyd madaxweynaheena casuumadda weyn u fidiyey ee sida caalamiga ah u soo dhoweeyey ee ehelu-koobtarka ku qaaday. DUBBAD: Inaa Lillaah, war heedhe saw adigan sidii dhallaanka u fekeraya, war nin yohoow maanad nin weyn ahayn. Ma NIICDII yarayd ee gaajada ahayd ee Galbeedka Afrika ku taalley ee , waar muxuu ahaa magaceedii awol, war ma Gaanaa la odhan jirey? QAWDHAN: Waar Gaana ma ahayne Gini Koronkoro ayaa la yidhaa. War horta goormaad adduunka kala baranaysaa, ma saasaad ictiraafka dhankaaga kaga raadinaysey. DUBBAD: War ma niicdaasaad saaka nala soo aadday. War taasi iyadaa gaajo u bakhtiyaysa. Wallaahay ina Cumar Geellaanba u baqayaa inay shaxaad nafta kaga gooyaan. Waryaadhaheen war inanka ina Cumar Geelle xidid baynu nahaye cabashadan faraha badan iyo eedayntan aynu kala xishoonno. War bal nabad gelyo telefoonkaa dhacayaan ka jawabayaaye. Niicdaas oo kalaa wax inala qabanaysa maalin danbe hanala soo raadsan iyo yamyam iyo qadaadweyn toonna. War innagay doonaysaa inay “XAQUL-QALIM” inaga qaadato oo tidhaahdo citiraaf baan idin la raadinayaa! Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay doorashada Soomaaliya ka dhacaysa 2021, ayaa ku gacan seeray shakiyada la gelinayo qabsoomiddeeda. Sheekh Shariif ayaa sheegay in dalka ay doorashooyin hore uga qabsoomeen iyadoo xaaladu ay ka adkayd sida ay hadda tahay, wuxuuna dalbaday doorashada waqtigeeda lagu qabto. Wuxuu soo jeediyay in wadatashi saddex geesood ah lagaga arrinsado habka lagu galayo doorashada soo socota ee 2021ka. ” Waxaanu doonaynaa in lagawada tashado oo inta ay wada fariistaan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Xisbiyada nidaamka doorashadu noqon karto oo macquulka ah in la Isla meeldhigo oo doorashada lagu galo” Sidaas waxaa yiri Sheekh shariif. ”Ma doonayno in dowladu keento cudur daar oo ah doorashadii waa la qaban waayay, MAYA, duruuftaas mid ka adag ayaa doorasho lagu soo qabtay, waa in wax cad oo doorasho lagu gali karo oo aysan noqon doorasho cid faraqa ugu jirta” ayuu sii raaciay Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre ayaa soo diyaarisay xeerka doorashadda Federaalka, taasi oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah maamul goboleedyada Dalka, Welina ma cada habka lagu gali doono doorashada barlamaanka iyo Madaxweynaha ee 2021ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa baahiyay bayaan uu hoggaamiyaha Ururka Al Qaacidda Ayman Al-Zawahiri ku bogaadinayo weerarkii ay Al Shabaab ku qaadeen saldhigga Ballidoogle oo fariirinka ugu weyn ay ku leeyihiin ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya. Bayaanka ka soo baxay hoggaamiyaha Al-Qaacidda oo aad u dheeraa ayaa intiisa badan looga hadlay dagaalka ay labada Urur kula jiraan dowladda Mareykanka. Ugu horeyn qoraalka oo dhowr bog ka kooban ayaa lagu yiri, “Inkastoo soo duulayaasha reer galbeedka ay dadaal xoogan ku bixiyeen qarinta kaalintooda gurracan ee Soomaaliya, hadana Xarakada Al-Shabaab ayaa dadaal midkaas ka badan gelisay soo bandhigida dowrkooda daahsoon, weerarkii ugu dambeeyay oo ay ka geysteen Ballidoogle waxa uu kalifay in tobanaan ka mid ah ciidamada Mareykanka loo celiyo eheladooda si iyagoo naxashyadooda ku jira. “Waxa uu la mid ahaa xasuuqii October ee sanadkii 1993-kii, kolkaas oo meydadkooda lagu jiid-jiiday wadooyinka Muqdishada dulmi-diidka ah, waxaana tirada meydadka askarta Mareykanka ee xilligaas lagu jiid-jiiday wadooyinka Muqdisho ahaayeen isla tirada halyeeyadii Muslimiinta ee fuliyey duullaankii 11-kii sept” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacidda ka soo baxay. “Waa duullaan kusoo beegmay iyadoo la xusayo duullaan kale, iyo dharbaaxooyin kadaba yimid mid hore. inkastoo hadda dhacdooyinkaas laga joogo muddo sanado ah, hadana Al-Shabaab kalama soocin dhiigga madow iyo midka cad, waxayna halkooda ka sii wadeen siina wadi doonaan masiirada Muqdishada dulmi-diidka ah looga daabulayo Naxashyada loo dhoofinayo Americada badowga ah ee aan ilaa hadda fahmin micnaha fariimahan kaga imaanaya jihaadiyiinta Soomaaliya”. “waxaan u mahadcelineynaa oo dhiiragelin hawada u soo marineynaa walaalaheena Al-Shabaab, Waxaan soo duulayaasha cod dheer ku leenahay: waa tan fariinteena oo ka cad biyo qulqulaya, waxaadna ogaataan in aadan gabaad ka heli doonin dhulalka Muslimiinta, mana ogolaan doono inaad ciqaab la’aan isaga dhex gudubtaan Soomaaliya”. “Qudus, Filistiin, Afghanistan, Sham, Ciraaq iyo dhulalka kale ee Islaamka, maanta waan tan isla iyadii oo aan idinku soo celinay iyadoo sideedii ah, ha eedeynina halyeeyada Soomaaliya ee difaacaya ehelkooda iyo Umadooda ee waxaad eedeysaan naftiina”. “Maraykanku wuxuu maanta ku noolyahay kala qeybsanaan uu dareemi karo qof kasta oo isha ku haya arimahooda gaarka ah, Trump iyo ciidankiisa, haddii dhibaatooyinkii aad kala soo kulanteen Vitnam, ay idin ku illowsiiyeen weeraradii Newyork, Washignton, iyo dagaalladii Ciraaq iyo Afqaanistaan, waxaad illoobi doontaan dhibtii aad kala kulanteen 11-kii septembar iyo dagaalladii xigay” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Qaacidda oo soo socda. “Aan wadno dagaalka wacyiga, inagoo Umadda siineyna talooyin , dhawaaq dheer oo kicinaya shucuurta umadda ee ku aadan Muqadasaatkeedana kula hadleyna. Aan kicino raganimada iyo xamaasadda ku jirta umadda” ayuu hoggaamiyaha Al-Qaacidda kula dardaarmay Al-Shabaab. Isagoo sii bogaadinaya ayuu yiri, “Ogaada inaad u bixineysaan dhiigiina iyo madaxyadiina si ay u noqdaan bulkeetiyada ugu horeeyo ee lagu duminayo nidaamka caalamiga ee cusub oo is heysta, ee ka istaaga la dagaalanka Mareykanka iyo kuwa la jira, mowqifka ay istaagaan halyeeyada, dhismo iyo dhul camirid ma jirto illaa uu dagaalku joogsado”. Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacidda oo xiriir la hel Al-Shabaab ayaa talooyinkii iyo bogaadintii uu u soo diray Maleeshiyada waxa uu ku soo gaba-gabeeyay, “Ku diiwaan geliya duulaannadiina maalmo dhalaalaya oo ay waariso Taariikhda Muslimiinta, haddii ay idin ka tira iyo xoolo badanyihiina, noqda kuwa ka sabar iyo sugnaan badan, ahaadana kuwa joogteeya Jihaadkooda, illaa Umadiina ay ka aragto iftiinka ka xuroobida reer Galbeedka”. Halkaan ka akhriso Bayaanka Al-Qaacidda oo Carabi ah: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa la arkay isaga oo saaran Faras isla markaasna fuulayo buurta ugu dheer dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda. Sawirro dhowr ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa muujinaya isaga oo saaran Faras cad xilli uu korayay buurta uu barafka qariyay ee Paektu. Ma aha markii ugu horreysay oo la arko Kim Jong-un oo fuulayo buurtaas dheereerkeedu uu gaarayo 2,750 Miitar balse dadka falanqeeyo siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in tallaabadan ay astaan u tahay waxyaabaha la filayo inuu shaaca ka qaado. Buurtan ayaa si weyn looga qaddariyaa Kuuriyada Waqooyi, waxaana la sheegaa inay tahay goobtii uu ka dhashay aabihii dhalay Kim Jong-un. “In la arko isaga oo saaran faras oo kora buurta Paektu waa munaasabad weyn oo muujineyso taarikhda kacdoonka Kuuriya”, waxaa hadalkaas baahisay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA. Buurtan Paektu waxaa ka dhasha Folkaano, waxaana la sheegay inuu ku dhashay Dangun oo ah ninkii ugu horreeyay ee aasaaso boqortooyada Kuuriya in ka badan 4,000 sanno ka hor. Buurta ayaa boqolaal Kiiloomitar u jirtaa caasimadda Pyongyang, waxayna ku taal xadka Kuuriyada Waqooyi iyo Shiinaha. Qaran News
  12. July 29, 2018, ayaa Ra’iisul-wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ‘Khadar’ oo Khudbeynayay uu sheegay in ay soo wadaan Xisbi weyn oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. Waxaa uu tilaamay in Xisbigaas uu noqon doono Xisbiga Xisbiyada waxaana guddoomiye ka ahaan doona, ayuu yiri, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mahdi oo la hadlayey Axsaabta, ayaa waxa uu yiri “Xisbiyada qaar waxa ay ka dhawaajiyeen in xukuumadda looga fadhiyo iney dhisato xisbi, xisbi weyn, Illaaheybaa weyne ayaan soo wadnaa, oo xisbigii xisbiyada ah, oo madaxweynaheennu hormuud u yahay, siyasaddii guushii Febraayo uu ku hoggaaminaayo, marka hala iska jiro, yaan la is dhiganin xisbiyada is-diiwaan geliyay , yaan la idin gaadin goor barqo ah adinka oo waaberiistey!.” Sanad iyo labo bilood ka hor ayey baalaxooftadaasi(booto) ahayd, illaa iyo hadda maxaa xisbigii loo sameyn waayey? Siyaasiyiinta mucaaradka maxaa loo laab kiciyey oo axsaab siyaasadeed iney sameeyaan lacago farabadanna ay ku bixiyaan loogu kallifay, haddii aaney Nabad iyo Nolol daacad ka ahayn in doorasho qof iyo cod ah dalkan ka dhacdo 2020? Halkey sartu ka qurun san tahay? Mise waxaa jira xeelado qarsoon iyo muddo korors aan tabaheeda lagu baraarugsaneyn? Markii aan fakaray oo xaajada dhan walba aan ka rogrogay waxaa ii soo baxday 5-sababood oo Nabad iyo Nolol u diiddan iney ku dhawaaqaan xisbi matala ayna la yimaaddaan saaxadda siyaasadda dalka: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul-wasaarihiisa Xasan Kheyrre oo Aan Isku Waafaqsaneyn nooca Xisbi iyo Cidda Madax Ka noqoneysa Cidna kama qarsana hamiga iyo hanka ku jira Ra’iisul-wasaare Kheyrre inuu dalka Madaxtinimadiisa u tartamo 2020, socdaalkii uu ku gaaray Galmudug, habeen uu dhalinarayada Gaalkacyo kula hadlayey xaflad lagu soo dhaweynayey Juley 10, 2019, ayaa afku soo xaday waxa uurkiisa ku jira, dhacdo aan dad badani ku baaraarugsaneyn laakiin anigu aan si gaar ah hoosta uga xariiqday, wiil dhalinyaro ah oo farshaxamiiste ah ayaa waxa uu guddoonsiiyey, sawirka Kheyrre oo gacan ku sameysa oo loo sameeyay si farshaxan leh oo aad u heersarreysa, Ra’iisul-wasaaruhu farxad ayuu kala badbatay, makarafoonka ayuu qabsaday hadal kooban ayaa isagoo sawirkiisa kor u haya uu yiri: “Hadiyadda waad ku mahadsanihiid reer Gaalkacyo, madaxweynaha Mustaqbalka iska fiiriya.”, marlabaad ayuu hadalkii kusoo noqday isagoo farta ku tilmaamaya oo hadalkii ka dhigaya in wiilkan dhalinyarada ah ee farshaxamiista ah uu noqon karo madaxweynaha mustaqalka. Dhanka madaxweyne Farmaajo shaki kuma jiro inuu doonayo inuu xilli kale isku soo sharraxo xilka madaxweyne, waxaa tusaale kuugu filan; inuu August 1, 2019, iska kansalay dhalashadiisii Mareykan, taas oo ka dhigan inaanuu dalka dhinacna uga socon. Muddo Kororsi Ka Dhex Guuxaya Xilligan waxey ahayd in waxyaabo badan la dardargeliyo, dastuurka la dhammeystiro, afti dadweyne loo diyaariyo, axsaabta si rasmi ah loo kala xulo, sharciga doorashooyinka oo baarlamaanka laga meel mariyo, amniga la dardargeliyo oo goobo badan oo dalka ka tirsan loo diyaaro iney doorasho ka qabsoomi karto, arrimahaas oo dhan gaabis ayaa ku jira, oo si caga jiid ah ay waxwalbaa u socdaa, haddii sidaa lagu sii socdo, xaalku waxa uu imaanayaa labo arrimood in sidii Nabad iyo Nolol ay ku yimaaddeen wax loo doorto iyo in muddo kororsi ugu yaraan labo sanno ah baarlaamaanka la marsiiyo, arrintan dambe ayaana u fudud sida muuqata, oo awoodda ay isku halleynayaan waa xildhibaannada ay sida gaarka ah gacanta ugu hayeen ee samaan iyo xumaan aan marnba caasin ee golaha wasiirrada u badan, waxaana hubaal ah haddii aan la helin awood siyaasadeed iyo mid maamul goboleedyadu ka midaysan yihiin oo ka dhiidhiya isku day kasta oo muddo kororsi ah. Muquuninta Maamul Goboleedyada oo Ulajeeddo Leh Nabad iyo Nolol waxey dhibaato u arkaan jirintaan maamul goboleedyo xooggan oo amarkooda diidi kara, maadama doorasho kasta oo dalka ka dhacada ay dowlad gaboleedyadu asal u yihiin, haddii muddo korosi la sameyn lahaa ay lagama maarmaan ah in marka hore ogolaanshiyo laga helo dowlad goboleedyada lagana dhaadhiciyo xaalka oo aaney diidmo kala horimaan, sidaa darteed; waxaa lagama maarmaan noqotay iney dagaal toos ah oo aan gambasho lahayn ku qaadaan is bahaysiga awoodda badan ee dowlad goboleedyada oo qaar ka mid ah ay hadda gacanta ku dhigeen, kuwana ay ku fashilmeen, kuwo kalana ay hadda u hanqal taagayaan oo waxwalba ay u hurayaan maadama mustaqbalkooda siyaasadeed ay ku xireen kolba sida ay gacanta ugu dhigaan maamul goboleedyadaasi. Siyaasiyiinta Hibada leh ee waxgalka ah oo Axsaab Mug iyo Miisaan Leh Furtay Mararka qaar in runta la sheegaa wey fiican tahay, axsaabta hadda dalka ka jirta, waa kuwo awoodooda aan la iska indho tiri Karin, haddii maanta doorasho loo dhaqaaqo waxaa hubaal ah in xukuumadda Nabad iyo Nolol dharaar cad banaanka lagu diyaro, maxaa yeelay; siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee mucaaradka ah waxey u badan yihiin qaran joog, haddii doorasho loo dareero waxey heli karaan dadka ugu badan ee codeynaya oo si toos ah iyo si dadbanba u garab taagan, gaar ahaa marka aad hadda ognahay sumcaddii iyo xiisihii madaxweyne Farmaajo iyo xumaddeediisa loo hayay ay si weyn u luntay, hadda waxey dadku doonayaa oo qura qof ay yaqaannaan oo qaranka la joogay baahidoodana si wanaagsan u fahmi kara. Fashilka Xukuumadda Khayrre ee Ammaanka Dalka Kadib qaraxyadii is xigxigay ee ay dadku ku dhammaadeen iyo qarixii weynaa ee Soobbe ee October, 2017 iyo deegaanno badan oo weli ka maqan caganta dowladda ayaa keentay in shay looga garaaabo oo dadku ay wanaag uga sheegi karaan xukuumadda Nabad iyo Nolol aaney jirin, marka laga yimaaddo mushaar bixin oo wax sidaa u sii buuran ah aan ahayn. Haddii aan eegno guulaha xukuumadihii ka horreyay Nabad iyo Nolol waa kuwo waaweyn oo ishu ay qaban karo, tusaale ahaan; xukuumadihii sheikh Shariif dalka waxey ka hirgeliyeen doorasho si nabad ah uga dhacda gudaha dalka, halka xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh la gaaray guulihii ugu waaweyna oo la dhisay maamul goboleedyada hadda uu dalku ku dhisan yahay intooda badan waqtigiisii la hirgeliyay. Si kastaba, dalkan waxa uu u baahan yahay in la isku run sheego, madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa waxaa looga fadhiyaa xisbigii mudada sanadka ah iyo labada bilood la sugayay, si loo hubiyo in xukuumadda ay daacad ka tahay in doorasho xor iyo xalaal ah ay dalkan ka dhacaan marka la gaaro 2020. W/Q: Khadar Xuseen Maxamed khadarhalgan@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Ankara (Caasimada Online) – Mdaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo xog hayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, wax yar ka dib markii uu warbaahinta u sheegay inuusan la kulmi doonin saraakiishaas. Hadalkii uu sida aan ku talagalka ahayn uu u yiri madaxweyne Erdogan ee ahaa in uusan shakhsi ahaan ula kulmi doonin Mike Pence iyo Mike Pompeo marka ay tagaan magaalada Ankara ayaa ahaa hadal u muuqday “bahdil”. Mr Erdogan oo markaas la hadlayay suxufi wareysanayay ayaa sheegay in saraakiisha ka socota Mareykanka ay la kulmi doonaan oo kaliya saraakiisha reer Turki ee ay isku darajada yihiin, halka isaguna uu la kulmi karo madaxweyne Trump oo qura. Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo si dabacsan uga falceliyay hadalkaas ayaa sheegay in si kastoo ay ahaataba uu tagi doono magaalada Ankara ee caasimadda u ah Turkiga. Hase ahaatee, xoogaa yar ka dib, agaasimaha waaxda isgaarsiinta ee Turkiga ayaa shaaciyay muuqaal muujinaya Mr Erdogan oo warfidiyeenka u sheegaya inuu la kulmi doono labada sarkaal ee ugu sarreysa wafdiga Mareykanka. Sidaas awgeed, waxaa iska cad in xurguf diblomaasiyadeed ay ka dhex aloosantay labada dal, balse dalabka Mareykanka xabad joojinta Suuriya ee ay saraakiisha Mareykanku la tagayaan Ankara ayaa wali kasii careysiin doona Mr Erdogan, maadaama uu horayba ugu gacan seyray arrintaas. Isha: BBC
  14. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar__Qubanaha-16102019.mp3 View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex nin ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ka dib markii la weeraray iyagoo la socda Mooto Bajaaj. Saddexdan nin ayaa waxaa lagu dilay inta u dhaxeyso Labada Buundo ee Degmada Waaberi, gaar ahaan meel ku dhow Maqaaxida caanka ah ee Baar Ha I Dhaafin. Dilkan ayaa waxaa gaystay rag bastoolado ku hubeysnaa, kuwaa oo dilka ka dib ay u suurta-gashay in ay ka baxsadaan halkii ay falka ka gaysteen. Wararka ayaa sheegaya in goobtaasi ay ku baxeen ciidanka booliska ee ka hawlgala Degmada Waaberi, waxayna ka sameeyeen hawlgal aanay cidina ku soo qaban Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in raggaasi dilka ka dib laga qaatay bastoolado ay wateen, inkastoo aanay weli tani xaqiijin Saraakiisha hay’adaha ammaanka. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkan, balse dilalka ceynkani oo kala ah ayaa waxaa sheegta Ururka Al Shabaab oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo joogitaanka dalka ee Ciidamada Amisom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. The al-Shabab militant group has sown fear and terror in Eastern Africa for more than a decade. The terrorist group is fighting to oust the Somali government and establish a society based on a rigid interpretation of Islamic Shariah law. Its original leadership was affiliated with al-Qaeda. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Masuul Ka Tirsan Wasaaradda Gaadiidka Somaliland Oo La Xidhay, halkan hoose ka Daawo Source
  18. Muqdisho-(Caasimada Online)-Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay qorshe u eg in ay Muqdisho uga cunna qabateynayaan ganacsiga gobolka Shabeellada Hoose oo ay ugu horeyso Khudaarta ka soo go’da beeraha gobolkaas. Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ka fuliyay gobolka Shabeellda Hoose, waxayna inta u dhexeeysa deegaanada Lambar 60 iyo Buulo Naagey ku gubeen ilaa Afar gaari oo Khudaar u soo siday magaalada Muqdisho. Gadiidka ay gubeen Al-Shabaab ayaa dhamaantood ahaa nuuca loo yaqaano HOMY ama Caasi, waxayna af duubteen dadkii watay gaadiidkaas. Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdii gubtay gaadiidkaas iyo iyaga oo ku soo baxay ay dhex martay is rasaasayn muddo socotay, balse ay baxsadeen horayna u kaxaysteen dadkii watay gaadiidka ay gubeen. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa duhuradii maanta inta u dhaxaysa deegaanka Lambar 50 iyo Awdheegle waxa ay ku dileen darawalkii waday gaari Qaad siday, iyagoo isla goobta ku gubay gaarigii marxuumka, Dhinaca kale dad ku sugan Shabeellada Hoose ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in gaadiid khudaar u soo siday Muqdisho ay Al-Shabaab ku xanibeen maanta inta u dhaxaysa deegaanada Ceel-wareegow iyo Lambar 60, kuwaas oo caawa ku hoyanaya halkaas. Al-Shabaab ayaa horay u baacsan jiray gaadiidka Muqdisho soo galiya Dhuxusha, iyagoo bilihii lasoo dhaafay gobolada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe ku gubay ku dhawaad 20 gaari oo ahaa kuwa loo yaqaano Indhatareega, kuwaas oo Dhuxusha u soo iib gayn jiray magaalada Muqdisho. 48-kii saac ee lasoo dhaafay Al-Shabaab inta u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose waxa ay ka bilaabeen baacsi ay ku hayaan gadiidka khudaarta ka soo daabula dhulka beeraleyda ah ee soo galiya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Waxaana xusid mudan in wadooyinka ay Al-Shabaab ka fuliyeen howlgaladaas ay yihiin kuwo aan horay loo is ticmaali jirin, balse hada ay gaadiidleydu ku khasbanaadeen kadib markii jidadkii hore uu roobkii da’ay biyo dhigay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Moderate to heavy rains continued in many parts of Somalia. The Ethiopian highlands also continued to receive heavy rains in the last few days. Source: Hiiraan Online
  20. Four years ago, almost to the day, we enthusiastically urged voters to back Justin Trudeau and the Liberals. It was high time, we said, to choose a “strong, hopeful alternative” after almost 10 years of regressive Conservative rule. It was an easy choice. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta gaadhay dalka Guinea-Conakary, waxaana garoonka diyaaraddaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaasi Alpha Conde. Source
  22. (SLT-Boorma)-Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Reer Awdal Ah Oo Dagaal Iclaamiyay, halkan hoose ka Daawo Source
  23. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Safiirka Midgowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga. Guddoomiyaha ayaa la wadaagay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaalaaiya horumarka uu ku tallaabsanayo Gobolka, Arrimaha Barakacayaasha, dadaallada dib u dhiska iyo qorsheyaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiye Cumar Filish oo uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa barnaamijyada horumarineed ee Ururka Midowga Yurub uu ka fuliyo Gobolka Banaadir. Dhankiisa, Nicolas Berlanga ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Caasimadda sida ay ugu taagan yihiin horumarka iyo xaqiijinta dib u kabashada Gobolka, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Gobolka. Sidoo kale, Danjire Nicolas waxa uu uga mahad-celiyey Maamulka iyo Bulshada Caasimadda soo dhaweynta diirran iyo fududeynta shaqada tan iyo markii uu soo gaaray dalka. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/WARKA-HABEEN-16102019.mp3 View the full article