Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Nuxurka Kulan Dhex-Maray Madaxweyne Biixi Iyo Madax-Dhaqameed Iyo Cuqaasha Gobolka Awdal Iyo Arrimaha Laga Wada-Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan kula qaatay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter oo booqasho ku timid magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo safiirka ayaa looga hadlay adkeynta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo sii wadidda taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo muhiim u ah horumarka iyo dib-u-kabashada dalka. Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya, Annet Gunter, oo bogaadisay guulaha wax ku oolka ee Soomaaliya ku tilaabsaneyso, ayaa ammaantay dadaallada Ra’iisul Wasaare Khayre ee isugu jira dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska Galmudug, waxa ayna ballan qaaday in dowladda Jarmalku ay garab taagantay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dowladda Jarmalka uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku siiyaan dib-u-hana qaadka hey’adaha dowladeed. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habenn-12092019.mp3 View the full article
  4. Burco(SL-T): Muuqalo Murugo Leh Gabadh Yar Oo Ku Nool Magaalada Burco Ildaran Xanuun Iyo Hooyada Dhashay Fariin Murugo Leh Dirtay Muslimiinta Source
  5. Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Safarka Madaxweynaha, qaban qaabada Shirka Maalgashiga, Diyaarinta Siyaasadda Barakacayaasha, Xaaladda Wadooyinka iyo Warbixino kale. AKRHISO PUNTLANDPOST The post Puntland oo u diyaar garoobaysa martigelinta shirka maalgashiga. appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT-Hargeysa)-Cuqaasha Iyo Waxgaradka Deegaanka Ay Ku Sugan Tahay Jabhadda Kornayl Caarre Oo Warbaahinta La Hadlay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe la doonayo in lagu Qarameeyo ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada daacada u ah Roobow ayaa ogolaaday wadahadal dheer, kadib in la qarameeyo. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabad-sugidda iyo xoogga dalka. Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo jeediyey in ciidamadan loo kala saaro ilaa saddex qeybood oo kala ah Boolis, Nabad Sugidda iyo SNA. Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan saraakiisha ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Masuur) oo horay shuruud uga dhigay in hoggaanka ciidanka dowladda ay qeyb ka noqdaan, sidoo kalena la siiyo gaadiid dagaal, hub iyo saanad Milatari intaba. Wadahadallada iyo dadaallada lagu doonayo in lagu Qarameeyo ciidamadan ayaa sii xoogeystay, kadib booqashadii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee gobolka Bakool, inkastoo uu hadda dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamada maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sidoo kale maleeshiyaad beeleed ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Arrimahan ayaa waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo uu weli xiran yahan wadaadka Mukhtaar Roobow oo ay bishii December ee sanadkii hore dowladdu ka soo xirtay Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay sababaha keena in Shacabku Mucaaradaan Xukuumadaha ay soo doortaan. Madaxweynaha oo Maanta hadal ka jeediyey Xaflad ay ku qalin-jebiyeen Arday ka aflaxday Jaamacadda Timo-cadde ee Magaalada Gabiley, ayaa sheegay in aan Dawlad wada wanaagsani jirin, sidaasi darteed aanay jirin sabab Dadka Xukuumadda taageersani u diidaan dhaliilaha Shacabka ka imanaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. At least 11 people including 8 women were arrested in the Somali capital Mogadishu for child smuggling after Somali police launched an operation to dismantle a child smuggling network, officials said on Thursday. Somali police deputy commissioner Brig. Gen. Zakia Hussein said in a Twitter statement that the police dismantled a child smuggling network in Mogadishu after a month of investigation and operation. “The police have arrested 11 people among them 8 women for child smuggling in Mogadishu after a month of operations led by criminal investigation department,” Zakia said. They seized 11 children, aged from 7 months to 12 years old, are currently under police protection, the statement added. This comes a week after Somali police announced that it had suspended all activities at criminal investigation department headquarters in Mogadishu for reforms and investigation. View the full article
  10. A delegation from the German government arrived on Thursday in Baidoa, the interim headquarters of Southwest, where they were welcomed by officials of the state. The President of the Southwestern State of Somalia Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen) received the delegation from the German embassy in Somalia. Both sides discussed a number of issues during the meeting. The delegation was led by German Ambassador to Somalia Annett Günther and his deputy Markus, who is currently meeting with Southwestern state officials. View the full article
  11. Somali military court declared on Thursday death and life in jail sentences for accused Al Shabaab members who allegedly carried out explosions in Mogadishu. The court said that defendant Hassan Ali Moalim Barre was assigned to allocate the explosives-laden cars for the areas in the capital that claimed to the lives of many civilians. The military courts added that Hassan Barre was responsible for an attack that killed 12 people and wounded seven in Wadajir District in Mogadishu on November 26, 2018. Sayid Ali Adan, the second defendant was accused that he was in charge for Al Shabaab to bring cars bombs and explosive materials inside Mogadishu and he was expert in making IEDs. The third defendant Muhudin Ahmed Khalif was put on trail of being part of Al Shabaab and lying to the Criminal Investigation Department – CID by telling them a fake name. Today the first degree of the Somali Military Court finally made the decision that Hassan Barre was sentenced to death while Sayid Nur sentenced to a lifetime in jail. For the final defendant, Muhudin Khalif was set free after the court ruled that he was not found guilty. The court also mentioned after the sentencing, the defendants are allowed to take appeal if they satisfied with the verdict. View the full article
  12. Lewis Center, Ohio---It’s a very rare in a male dominated and poverty stricken Somaliland for women to move head and run a business. But, a young woman worked hard and saved enough money to get a license to open for a 1,000 Sqft Warsan Ethiopian restaurant, in the dusty town of Burao. She even hired two female employees. However, last week, her dreams of serving the residents of Burao hit a wall after a local police SWAT team raided her business and shut down the restaurant, for failing to separate sexes. The police arrested her and the two of her employees, but they were all released later Source: Hiiraan Online
  13. Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir jaraa’idkiisa u horeeyay tan iyo dib u doorashadiisa ku qabtay Magaalada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashadii Kismaayo, khilaafka dowladda Federaalka, xariggii Wasiirkiisa Amniga oo Ciidamada Booliska ku xireen Garoonka Muqdisho 31 bisha Agosto iyo arrimo kale. Axmed Madoobe ayaa marka hore ka hadlay Xaaladda uu dalka Marayo wuxuuna sheegay inay Muqdisho noqotay meesha ugu badan ay qaraxyada ka dhacaan, isla markaasna madaxtooyada la duqeeyo. Wuxuu tilmaamay inaysan Dowladda ku shaqeysan karin Magaalada Muqdisho halkii markii hore si nabad ah la isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Jowhar si nabad ah. Mar uu ka hadlayey Xaaladda Jubbaland iyo qaabkii loo soo dhisay ayuu ku dheeraaday wuxuuna sheegay in Jubbalanad dhiig loosoo daadiyey haddana ay ku noolaan karaan Jareer iyo Jileec sida uu hadalka u dhigay. “Markii aan Kismaayo soo galeynay dhaawac iyo Meyd ayaa wadanay, dadka hada hadlaya Stursbucks ayay Coffee ku cabayeen” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dowladda Soomaaliya ee uu hoggamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayuu ku eedeeyey inay burburin ku heyso Maamul Goboleedyada halkii ay wax ka qaban laheyd kooxda Al-Shabaab oo canshuur ka qaadeyso Dhismaha waddooyinka iyo dayactirka Garoonka Muqdisho Stadium. Axmed Madoobe oo ka hadlayey Xarigii Wasiir Janan ayaa Dowladda ku eedeeyey inay sharci darro ku xirtay Wasiirkaas, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho ka dilaacay Magafe. Isagoo kasii hadlayo ayuu sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku xirtay shuruudo adag soo deyntiisa oo ay kamid tahay in waxaan jirin laga soo qaado doorashadii ka dhacday Kismaayo iyo in Ciidamada Jubbaland lagu soo wareejiyo Dowladda Soomaaliya. Wuxuuna eedeyn u jeediyey Hey’adda Xuquuq Insaanka ee Amnesty International oo dambi kusoo oogtay Wasiir Janan. “Amnesty International mey wax ka qabato oo shalay uga hadli weyday C/raxmaan C/shakuur ciidankiisa Muqdisho lagu laayay, Dadkii Baydhabo lagu laayay, ninkii lahaa xoog baa leenahay ee lagu dalacsiiyay weliba Taliye laga dhigay” ayuu yiri Axmed Madoobe. Mar uu ka hadlayey xayiraaddii la saaray duulimaayadii Kismaayu ayuu sheegay inay taas keentay in dad jiran iyo kuwa fool ah ay dhibaato ku yeelatay maadaama diyaaradii Dhoobley ka imaan jirtay lasoo marsiiyo Muqdisho isla markaasna ay xeer ilaalinta soo gudbin doonto kiisaskii ay xayiraadaas sababtay. Axmed Madoobe oo ka hadlayey madaxweynayaasha kale ee sheegay in lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay inaysan arrintaas aqbali karin Kismaayana aysan laba madaxweyne isla joogi karin cidii dhibaato ku heysana Magaalada laga qaban doono isagoo ku hanjabay inay yaraan doonto inta ay dulqaadanayaan. Ugu dambeyntii Axmed Madoobe ayaa Dowladda Soomaaliya ugu hanjabay inuu go’aan adag qaadan doono haddii aysan iska badalin dabeecadda uu sheegay inay hadda ku dhaqmeyso oo ah cadaadiska ay ku heyso Maamulkiisa. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. MOGADISHU (HOL) - Police in Mogadishu have uncovered a cell of criminal networks involved in child trafficking in the city and rescued children in custody of the gang. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Badhabo ee xarunta gobolka Baay kula kulmay wufuud ka kala socotay Qaramada Midoobay & Bangiga Aduunka,kuwaasi oo maanta gaaray magaaladaasi. Intii kulanka uu socday ayaa raiisul wasaare Khayre iyo wafuudaasi waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xaaladaha Bani’aadanimo ee dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa,dhismaha Nabadda,qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya iyo fulinta mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyo dalka. Mudane Xasan Cali Khayre raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa beryahan safar ku maraya deegaanada Koonfur Galbeed,isagoo tagay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool,halkaasi oo uu kula kulmay madaxda Koonfur Galbeed,odayaasha dhaqanka,waxgaradka iyo qeybaha bulshada,wuxuuna dhagax dhig iyo xarig jar ku sameyeey mashaariic horumarineed oo laga fulinayo magaaladasi Xudur. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan hoggaanka Galmudug, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Xafladda oo aheyd mid si heer sare loo soo agaasimay, islamarkaana ka dhacday Royal Palace Hotel ayaa waxaa ka qeyb galay, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha, dowladda, madax hore, waxgarad, aqoonyahanno, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Inta badan mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyey munaasabadda ayaa ku boggaadiyey Qoor Qoor inuu isku soo taago xilkaasi iyaga oo qiray inuu yahay mas’uul ka soo bixi kara. Sidoo kale waxa ay reer Galmudug ugu baaqeen inay garab istaagaan musharrax Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor|) oo ay sheegeen inuu samata bixin karo Galmudug. Ugu dambeyn musharrax Qoor Qoor oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay barnaamijkiisa wax qabad, haddii loo doorto xilka madaxweynaha Galmudug, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarka iyo danaha maamulkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Oo Si Kulul Uga Hadlay ugaadhsiga ay xukuumaddu ku hayso Warbaahinta iyo Xabsiga Lagu Gurayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Gabiley)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 150 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda Tima-cadde ee magaalada Gabiley. Munaasibadda qalin-jebinta 150-ka Arday oo ah dufcaddii 7-aad ee ka baxda jaamacadda Tima-cadde, ayaa lagu qabtay hoolka jaamacadda Tima-cadde ee xarunta magaalada Gabiley, waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, hormuudka jaamacadda Tima-cadde, siyaasiyiin, madax-dhaqameed, waalidiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu fooladaynayo ardayda qalin-jebisay, laguna dhiirrigelinayo inay tacliintooda sii wataan. Guddoomiyaha jaamacadda Tima-cadde Prof. Cismaan Yuusuf Magan oo madasha daah-furay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, dedaalka iyo dhabar-adaygga ay ardaydaasi sameeyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen kaalintii ardaynimo muddadii ay jaamacadda ku jireen, isaga oo ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dadkooda, dalkooda iyo naftoodaba uga faa’iideeyaan. Xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan oo kamid ah boodhka sare ee jaamaadda Tima-cadde oo ardayda u jeediyey hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira, ayaa maamulka iyo macallimiinta jaamacadda Tima-cadde dedaalka ay ardaydaas geliyeen iyo sida ay uga soo dhalaaleen himiladii reer Gabiley ee ahayd inay Jaamacad aqoonyahanno soo saartay yeeshaan. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna soo dhaweeyey ardayda cusub ee jaamacadda Tima-cadde ka qalin-jebisay, waxana uu ku adkeeyey inay aqoontooda ku muujiyaan Gabiley iyo guud ahaanba deegaannada kale ee Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Ardayda u jeediyey hadallo dhinacyo badan taabanaya, ayaa ku bogaadiyey adkaysiga iyo naf-hurnimada ay sameeyeen muddadii ay geeddiga waxbarashada kusoo jireen, isaga oo xasuusiyey waajibka ka saaran in cilmiga ay barteen ay uga faa’iideeyaan bulshadooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda qalinjebisay xasuusiyey abaalka laga sugayo iyo nuxurka ka dambeeya fooladaynta heer qaran gaadhsiisan ee lagu sharfay, waxana uu yidhi, “Arday kasta oo qalinjebinaya oo koofiyad qaatayow oo qaranka iyo qoyskuba u dabbaal-degayow waa deyn dabbaal-deggaasi iyo sharaftaas, tii macallimiintu kusoo gelisay iyo ta laguugu riyaaqayaaba, hadyadna ma ahee hawl baa lagaa rabaa inaad qabato.” Madaxweynuhu waxa uu guul ku tilmaamay siyaasadda xukuumaddu hormuudka ka tahay ee salka ku haysa in jaamacadaha iyo dugsiyada laga furo oo laga hirgeliyo deegaanka kasta oo Somaliland ah, si uu Arday weliba deegaankiisa uga helo fursad uu ku heli karo heer kasta oo waxbarasho, “Waxan wasaaradda Tacliint,gobollada, mutacallimiinta, qurbejoogga iyo qarankaba ku raacsanahay inay qaateen siyaasadda ah inay tacliintu dadka ugu tagto guryahooda iyo deegaamadooda, siyaasaddaasina waa mid caafimaad qabta oo lagu horumaray, halkii ardayga iyo dadkuba ka doonanayeen tacliinta oo meel fog joogta oo laga yaabo dadka badankiisu inaanay gaadheenba, waana siyaasad dalku ku horumaray, Arday badanina wax ku barteen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah Ardayda qalin-jebisay, gaar ahaan kuwii ugu derejada sarreeyey, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin in madaxweynuhu kala qaybgalay maalmaha farxaddooda Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in qofkii doonayaa uu qaadanayo qofkii kale uu iska daynayo bilaydh (taariko) cusub ee ay dhawaan soo saartay xukuumaddu, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Muqdisho (SMN) – Ciidanka Booliska Somaliya gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Maanta soo qabtay koox oo isku xiran, kuwaas oo ka ganacsada iib geynta Carruurta. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Janaraal; Zakiya Xuseen Axmed, ayaa barteeda Bulshada ku sheegtay in ay waqti badan ku qaadatay sidii loo soo qaban lahaa Dadkan abaabulan, balse ugu dambayn ay ku guuleysteen. Kooxdan ayaa ka kooban 11 Qof, kuwaas oo 8 ka mid ihi ay yihiin Haween , waxaana haatan laga soo badbaadiyay 11 Carruur ah oo ay da’doodu u dhaxayso 11 jir illaa 16 Sana jir, iyagoo dhammaantood ahaa beec sugayaal. Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan laanta dembi baarista ee CID ayaa Dad weynaha ka codsaday in ay lasoo xirriirto Cid kasta oo ay Ilmo ka maqan yihiin. View the full article
  21. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in si dhib ah uga jawaabo xaaladaha dalka jiro, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. MOGADISHU (HOL) - Somali government has rubbished reports that the militant group Al-Shabaab last month assembled elders who participated in parliamentary elections noting ‘most’ of the people appearing in the pictures circulating only were not the legitimate elders under the government list. Source: Hiiraan Online