-
Content Count
215,417 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Ergayga Midowga Yurub danjire Berlanga Martinez, ayaa weji gabax siyaasadeed kala carraabay Hargeysa, ka dib markii aanu ku guulaysan ujeedada socdaalkii uu u yimid. Danjire Berlanga Martinez, ayay ujeedada socdaalkiisu ahayd sidii uu Madaxweyne Biixi ugu qancin lahaa inuu dib ula noqdo xubinimada uu guddiga doorashada u soo xulay siyaasiga Cabdirashiid Riyo-raac oo ay xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen inuu guddi doorasho ka mid noqdo iyagoo ku eedeeyay inuu ka tirsanyahay xisbiga KULMIYE. Ergayga ayaa wuxuu kulan la yeeshay Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiyada mucaaradka. Madaxweyne Biixi ayaa sida ay warar xogogaal ahi u sheegeen Geeska Afrika wuxuu ergaygu Madaxweynaha ka codsaday inuu la laabto xubinimada guddiga doorashooyinka ee Cabdirashiid Riyo-raac, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Biixi ka gaws adaygay. Sida uu warku sheegay Madaxweyne Biixi ayaa ku dooday in haddii uu jiro sharci u diidaya in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid noqdo guddiga doorashada ay golaha wakiiladu soo celin doonaan, markaas oo uu balan qaaday inuu bedeli doono, Golaha wakiilad ayuu Madaxweynuhu ku sheegay hay’adda awooda u leh inay hufto oo kala haadiso xubnaha toddobada xubnood ah ee loo soo gudbiyay. Ergayga oo sidoo kale kulamo kala duwan la yeeshay madaxda xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo UCID iyo weliba shirguddoonka golaha wakiilada, ayaa ka dhoofay Hargeysa isagoo ka niyad jabsan inuu guul ka gaadhi waayay ujeedadii uu u socday. Diblomaasigan ayaa hore ugu guulaystay inay Madaxweyne Biixi iyo xisbiyada mucaaradku ka soo gudbaan khilaafkii ka taagnaa dhismaha guddiga doorashooyinka ee cusub, ka dib markii uu dhex dhigay isfaham siyaasadeed oo sababay in la soo magacaabo xubnahan hadda ay caqabaduhu hortaaganyihiin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Saddex Tuug ayaa ilmo yar oo ay u haysteen boorso ama shandad ku dhaawacay Tooray/muddi. Ilmaha yar oo jiray todoba bilood waxa dhabarka ku sidday hooyadii waxaanay ku war heshay qaylada ilmaha yar markii ay toorayda ay islahaayeen ku jeexa shandadu ilmaha ka waxyeelaysay dhabarka. Dhacdadan ayaa ka dhacday jidka ka tallaaba dooxa Hargeysa ee fooqa Jajabka oo dhanka Bari kaga beegan biriijka weyn ee Hargeysa. Sida ay dad goob joog ah u sheegeen wargeyska Geeska Afrika qaylada ilmaha yar iyo hooyada lafteeda oo dhiigga iyo qayladiisa ku war heshay ayaa argagax ku abuurtay dadkii meesha ka ag dhawaa taas oo keentay in booliska oo kaashanaya dadka goobta ka agdhawaa arrintan u xidhaan saddex qof la rumaysan yahay in ay yihiin kuwa falkan sameeyay. Source
-
Beleweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay barakac ka bilowday gobolka Hiiraan iyo Fatahaada wabiga Shabelle. War qoraal oo ku qornaa Luqadda Engilish-ka oo ka soo baxay wasaaradda Gagaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in dad badan oo gaaraya 12,000 qof ay si iskood uga soo barakaceen gobolka Hiiraan cabsi ay ka qabaan Fatahaada Wabiga Shabelle. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay saameyn xoogan oo ka dhalan karta Fatahaada wabiyada Shabelle iyo Jubba. Ugu dambeyn wasaarada Gragaarka ayaa ugu baaqday hay’adaha Samafalka inay si deg deg ah uga jawaabaan dhibaatooyinka ka jira gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Halkan hoose ka aqriso
-
(SLT-Tel-Aviva)-Raysalwasaaraha Israeal ayaa markii labaad ku Guul-darraystay inuu soo dhiso Golihiisa Wasiirada, kadib markii uu ku fashilay inuu sameeyo isbaheysi cusub ee xisbiyada kuraasta kuleh Baarlamaanka Israel. Netanyahu ayaa sidan ugu guuleysan waayey inuu xukuumada soo dhiso doorashadii dhacday bishii April, hase yeeshee diiday inuu fursad siiyo xisbiga labaad ee mucaaridka inay iyagu soo dhisaan xukuumada, wuxuuna ku dhawaaqay doorasho labaad, taasi oo markale keentay in uu ku guuleysan waayo codka aqlabiyada Baarlamaanka. Benjamin Netanyahu oo u baahnaa taageerada xisbiyada xagjirka ah ee garabka midig ayaa heli waayey codod ku filan ee Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu soo afjaray dadaalkii uu ugu jiray dhismaha xukuumada Isniintii shalay. Waxaa hada hawsha la wareegi doona hogaamiyaha xisbiga labaad ee Israel oo uu hogaamiyo Benny Gantz oo horey usoo noqday Taliyaha ciidamada Israel, ninkaasi oo taageero ka helaya xisbiyada garabka bidix ee kasoo horjeeda xukuumada xagjirka ah ee Netanyahu. Hadii uu Benny Gantz isaguna ku guuleysan waayo inuu soo dhiso isbaheysi xukuumad, waxaa awooda lagu wareejinayaa Baarlamaanka oo iyaga laga codsan doono inay dhexdooda iska soo saaran Raysalwasaare cusub oo soo dhisa xukuumada, taasi hadii iyadana lagu fashilo waxaa khasab noqoneysa in markale dib loogu noqdo codbixin cusub oo noqoneysa doorashadii 3aad oo sanad gudaheed dhacda. Dhinaca kale Netanyahu oo hada u muuqda inuu dhumiyey awoodiisa ayaa cabsi xoogleh ka qaba Baaritaanka la xariira Musuqmaasuq oo uu wado Xeer-illaaliya oo laga yaabo inuu dacwada kusoo oogo markii uu Netanyahu xilka ka dego. Source
-
(SLT-Canada)-Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo xisbigiisa ayaa ku guulleystay doorashada guud ee dalkaasi, balse xisbi xaakimka Liberalka ayaa lumiyay aqlabiyadii uu ku lahaa Baarlamaanka. Maadaama Trudeau aanu hadda heysan aqlabiyada Baarlamaanka ayuu ku khasbanaan doonaa inuu taageero ka raadsado xisbiyada kale ee awooda kuleh Golaha Wakiilada. Waxaana la saadaalinayaa in tani ay keeni doonto in laba sano kadib markale la qabto doorasho cusub. Waxaa weli socota tirinta cododka waxaase la saadaalinayaa in xisbiga Trudeau uu heli doono 156 kursi, codka aqlabiyada ayaa ah 170 maadaama uu Baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay 338 Xildhibaan. Justin Trudeau ayaa kahor inta aysan codbixinta dhicin ay lasoo gudboonaadeen cadaadis xoogleh iyo fadeexado la xadhiidha sawiro la faafiyey oo muujinayey isagoo wajiga marsaday ranji madaw iskana dhigaya qof madow, arrintaasi oo ay dadka qaarkiis ku tilmaamaan astaan cunsurinimo, balse Trudeau oo isagu ah nin taageero badan ka heysta dadka laga tiro badan yahay ayaa iska difaacay eedeynmahaasi, hase yeeshee waxaa dhaawaca ugu weyn u geystay iyadoo aanu kasoo bixin in badan oo kamid ah balanqaadyadii uu horey u bixiyey doorashadiisii koowaad. Source
-
Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo sidoo kale madaxda Ahlu-sunna Waljameeca. Kulanka ayaa ahaa mid saacado qaatay, waxaana looga wadahadlayey arrimo ku aaddan sidii loo qancin lahaa tabashada hoggaanka Ahlu-sunna ee guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug oo dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha soo magacawday. Waxa ay Labada dhinac isla qaateen in meesha laga saaro mad-madowgii soo kala dhex-galay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa guddigan ku sheegay in aan loo dhameyn, islamarkaana ay ku degdegtay DFS, taasi oo keentay in culeysyo ku yimaadaan howlaha lagu dhisayo Galmudug. DFS ayaa wadda dedaal walbo oo ay ku qancineyso Ahlu-sunna iyo cid walba oo tabasha ka ah hannaanka ay xilligan wax uga socdaan degmada Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Japan)-Boqorka cusub ee dalka Japan Naruhito ayaa xalay la caleemo-saaray, xafladaasi oo ay kasoo qeyb galeen madax iyo wafuud ka kala socda caalamka. Naruhito ayaa xilka kala wareegay Aabbihii Akihito oo bishii May ee sanadkan xilka ka degay, wuxuuna Boqorka cusub uu noqonayaa hogaamiyihii 126aad ee Boqortooyada Japan. Source
-
(SLT-Yemen)-Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday duqeyn diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ay ka gaysteen dhulka buuraha ah ee gobolka Sacda ee dhaca waqooyiga Yemen. Duqeyntan ayaa imaaneysa iyadoo bilihii la soo dhaafay dagaalyahanada Xuutiyiinta ay weeraro ku qaadayeen koonfurta Sacuudiga. Dadka ku dhintay duqeynta oo ilaa iyo hada aan la kala cadeyn in ay ahaayeen rayid ama dagaalyahano hubeysan ayaa saarnaa gaari marayay wadada u dhaxeysa magaalada Kitaf iyo degmada Al-Boqeec. Tv-ga ku hadla afka Xuutiyiinta ee Al-Masiirah ayaa shaaciyay geerida dadkaan xalay Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo duulaan ku qaaday dalka Yemen sanadkii 2015-kii ayaa marar badan lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah Xuquuqda Aaadanaha oo ka dhacay Dalkaasi. Source
-
(SLT-Tehran)-Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Javad Zarif ayaaa sheegay in uu diyaar u yahay booqasho uu ku tago Sacuudiga si uu u dajiyo xiisadda ka dhex aloosan Riyadh iyo Tehran. Diblumaasigan sare ayaa hadalkaan sheegay xilli uu ka jawaab celinayay su’aalo la xidhiidha arrintaan oo lagu weydiiyay Tv-ga afka carabiga ku baxa ee kooxda Xuutiyiinta ee lagu magacaabo Al-Masiirah. Mr Zarif ayaa u shardi yeelay booqashadan inay imaan karto marka ay timaado xaalado ku Habboon. Haddii xaalad sahli karta arintaan aan aragno waxaa diyaar u ahay in aa u socdaalo Sacuudiga si aan u soo afjaro kala duwanaashaha u dhaxeeya labada Wadan ayuu Yidhi. Source
-
Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in Todobaadyadii lasoo dhaafay ay dadkii ugu badnaa ka barakaceen deegaanno ka tirsan maamulkaasi, kadib fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabelle. Cabdi Mahad Qoor-gaab, wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Hirshabelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meelaha dadka ay barakaca ka sameeyeen yihiin B/weyne iyo Mahadaay. Dad lagu qiyaasay 450 qof ayuu sheegay in B/weyne ay kasii barakacayaan, una cararayaan meelaha dhulkoodu uu sarreeyo. Biyaha ay dadkan ka barakacayaan ayaa kasoo rogmaday Wabiga, kadib markii uu ku da’ay roob badan oo maalmahanba ka socday gobolladaasi. Wasiir Qoor-gaab ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya, hay’adaha samo-falka ah iyo cid walba oo wax awoodda iney dadkan usoo gurmadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Jubbaland, Axmed Madoobe, balse haatan sheegta inuu yahay hoggaamiyaha maamulkaasi ayaa waxaa lagu eedeeyey tacadiyo iyo dilal ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Maleeshiyaadka ka amar qaata, Axmed Madooeb ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan dhibaatooyinka kala duwan ee ka dhaca magaaladaasi. Kafeeya Cabdi Yuusuf oo ka mid ah Haweenka ku nool Kismaayo ayaa Shabelle uga warrantay dhibaatooyinka ay ku qabaan ciidanka Jubbaland. Shalay ayey aheyd markii dibadbax looga soo horjeeday dilalka ka dhaca Kismaayo ay shacabku ka dhigeen gudaha magaaladaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/444.mp3 View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) ―Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 86 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Maamulka. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1-Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha 2-Waxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda. 3-Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha. 4-Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska. 5-Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waddooyinka Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Caasimada Online Xaafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Xalay Dhuusaareeb kulan kula qaatay hoggaanka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay tabashada ay Ahlu Sunna ka qabto guddiga farsamada Galmudug oo ay dhowaan ku dhawaaqday dowladda Soomaaliya. Ilo ku dhow shirkaasi ayaa sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay, islamarkaana lagu ballamay kulamo kale. Guddiga farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa ka kooban illaa 13 xubnood, kuwaas oo aysan wax hubin ah ku laheyn Ahlu Sunna oo ku xoogan gobollada dhexe ee dalka View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-22102019.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah oo u dhexeeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan guddiga farsamada Galmudug. Sidoo kale shirka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo qaaday, sidii looga qancin lahaa garabka Ahlu Sunna tabashada ay ka qabto dhismaha guddigaasi. Wararka ayaa sheegaya in aan la gaarin wax xal ah, islamarkaaa uu shirka ku soo dhammaaday is faham waa, sida aan xogta ku helnay. Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in saacadaha soo socdo Dhuusamareeb uu dib ugu laabto Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, si ugu yaraan Ahlu Sunna loo qanciyo, kadibna loo sii guda galo lahaa wajiga labaad ee dhismaha Galmudug. Xaaladda Galmudug oo muddo dheer is jiid ku jirtay ayaa waxaa la qorsheynayaa in isbedal maamul iyo doorasho ay ka dhacdo, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
The tournament will bring together players from 14 countries including the Comoros Islands, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Madagascar, Mauritius, Rwanda, Seychelles, Somalia, South Sudan, Sudan, Tanzania, Uganda and Kenya Source: Hiiraan Online
-
Liberal incumbent Ahmed Hussen re-elected in Ontario riding
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Global News is declaring that Liberal candidate and incumbent MP Ahmed Hussen has been re-elected in the Ontario riding of York South—Weston. Source: Hiiraan Online
