-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo laga baadi goobayo KENYA
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gudaha dalkaasi ka baadi goobayaan hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shaabab. Hoggaamiyaha la raadinayo ayaa waxaa sirdoonka Kenya ay magaciisa ku sheegeen Cabdullaahi Banaati, kaas oo ay tilmaameen inuu hoggaamiyo koox xiriir la leh Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada Booliska Kenya ayaa ninkaasi ku eedeeyey inuu mas’uu ka ahaa qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi. “Baaritaanada la sameeyey ayaa muujiyey in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen ciidankaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com -
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay in dalkaasi ay ka baadi-goobayaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaayeen qarax miino oo dhowaan ka dhacay meel ku dhow xuduuda Soomaaliya, kaas o lagu dilay 11 Askari oo ka tirsanaa Booliska dalkaasi. Saraakiisha Booliska ayaa ku sheegay magaca ninka hoggaamiyaha ah ee ay raadiyanayaan C/llaahi Banaati, kaas oo hoggaamiye u ah Koox xiriir la leh Al-Shabaab, una qaabilsan qaraxyada lagu aaso deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. “Baaritaanada la sameeyay ayaa muujiyay in Banaati uu madax u yahay Kooxda ka dambeysay qaraxii miino ee lagu dilay dhowaan 11-ka askari, kuwaas oo lala beegsaday, iyagoo ka soo tagey xerada HarHar Camp.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Booliska. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Degow oo dhaca waddada xiriirisa Libooya iyo Damajaale, oo ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ciidamda lagu qarxiyay miino dhulka lagu aasay, xilli ay howlgal roondo ah ku jireen. Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa inay wax ka qabato weerarada joogtada ah ee lagu qaado askarteeda ka howlgala deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya, kuwaas oo mas’uuliyadooda sheegato Xarakada Al-Shabaab. View the full article
-
Maamulka demada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dileen xubno ka mid ah Al-shabaab, kadib weerar ay ciidanka DFS ku qaadeen gaari ay la socdeen xubnahan la dilay. Maxamed Nuur Cagajoof (Dabaashe), guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in 20 ka mid ah Al-shabaab la dilay, sidoo kalena ay kasoo furteen 18 qori iyo rasaas badan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan uu ka dhacay wadada xiriirisa Buulo-burde iyo degmada Jalalaqsi, ayna jidka u galeen gaari Homey ah oo ay saarnaayeen xubnahan Al-shabaabka ah. “Ciidamada howlgalkoodaan wuxuu ahaa mid qosheysan, waxaana jidka loo galay gaari Homey ah oo ay la socdeen Al-shabaab, waxaana kaga dilnay 20, hubna waan soo furannay” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Dabaashe ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalladan ka dhanka ah Al-shabaab. Ururka Al-shabaab weli dhankiisa wax war ah kama aanu soo saarin dagaalyahannada la sheegay in laga diley iyo hubkan laga qabsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlyey nabadda iyo dhibka loo soo maray xorriyada Soomaaliya ayaa baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa ka dalbaday dhalinyarada in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo horumarka dalkooda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhalinyarada ay muhiim tahay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Cod-2-wiilo.mp3 View the full article
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay kulankoodii caadiga ah ku yeelanayaan xaruntooda Muqdisho. Ajendaha kulanka maanta ay xildhibaannada yeelanayaan ayaa ah, hadaljeedinta guddoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Akhrinta Koowaad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiis ku aaddan ilaalinta Hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga ah. Waa Kulankii Koowaad ee Kalfadhiga Lixaad ee golaha shacabka oo fasax ku jiray bilihii lasoo dhaafay. Xildhibaanna golaha shacabka ayaa xalay loo diray ogeysiinta kulankan, iyadoo dhanka kale aad loo adkeeyey amniga xarunta golaha shacabka iyo nawaaxigeeda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Zakiyo Xuseen Axmed ayaa xaqiijisay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigeen askartii ka dambeysa dilka Taliyihii ciidanka Gorgor ee Kumaandooska Somalia. Zakiyo ayaa shaacisay in dhammaan xabsiga loo taxaabay ciidankii ku sugnaa kontoroolka uu dhibku ka dhacay, islamarkaana ay haatan ku socdaan baaritaano. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay shacabka la soo wadaagi doonaan baaritaanka kiiskaas iyo wax ka soo baxa. Taliyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maxaadeey Saleebaan Eebakar iyo lala toogtay askari ka tirsanaa ilaaladiisa. Dilkan ayaa yimid, kadib markii ay rasaaas ku fureen ciidanka ilaalada Hotelka Maa’ida Ex Naasa-hablood laba ee degmada Xamar Wayne gaari uu watay sarkaalka. Caasimada Online ayaa ogaatay in sarkaalka inta aan rasaasta lagu furin uu codsaday in laga qaado birta si uu u gudbo, balse waxaa ka diiday ilaalada Hotelka. Taliye Maxaadeey ayaa hoggaaminayay howlgalkii Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada kumaandooska lagu soo tababaray dalka Turkiga ee dhowaan la wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya waqooyiga M/Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay koox Bistoolado ku hubeysan ay toogteen shaqaale ka mid ahaa wasaaradda Maaliyadda ee Puntland. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in ragga dilka geystay ay ahaayeen illaa labo dhalinyaro ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xasan Cabdulle Hiraawe, iyadoona aygoobta isaga baxsadeen raggii dilay. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka howlgallo ka bilaabay halkaasi, kuwaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda dilka fulisay. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay illaa 15 qof oo u badan dhalinyaro. Ammaanka Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoo ay howlgallo ka wadeen ciidamo isku dhafka ah ee loo sameeyey magaaladaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-19102019.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka oo ahaa mid dhaba gal oo ay fuliyeen ciidamada dowladda ayaa ka dhacay waddada xiriirisa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte ee gobolkaasi. Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay VOA ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ay ku dileen 20-tan ka tirsanaa Xoggaga Al-Shabaab oo la socday gaari Caasi ah oo ku socdaalayey waddadaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in hub fara badan ay ka soo furteen raggaasi, kuwaas oo isugu jira 18 qoray oo AK47 ah, hal qoray oo RBG ah iyo hal qoray oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Dabajeexa. Ugu dambeyn guddoomiye Cagajoof ayaa sheegay in xogta howlgalkan ay la soo wadaageen dadka deegaanka, kadibna ay suurta gashay inay laayaan dhammaan xubnihii Al-Shabaab ee la socday gaarigaasi. Weerarkan ayaa daba socda, kadib markii Al-Shabaab dhowaan dad u badan dhalinyaro ay gaari kala dageen, kadibna ay ku toogteen gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP. ayaa ku baaqay in si degdeg ah xoriyadiisa loogusoo celiyo weriye Axmed (Tallman) oo shalay lagu xiray magaalada Garowe. Xarriga Axmed Tallman ayaa lala xirriirinayaa war ay baahisay idaacada Daljir oo ku saabsanaa in taliyaha booliiska Puntland Gen Muxidiin iyo ciidankiisu ay dil ugeysteen maxbuus Al-Shabaab ku eedeysanaa. Tallmaan oo ahaa agaasimihii hore ee Daljir, ayaa qoraal uu dhawaan kusoo daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in xeer ilaaliyuhu isku dayey inuu kiiskaas hab sulux ah ku dhameeyo, balse taasi uu isagu diiday. Xeer ilaaliyaha ayaa Talman ku amray inuusan Garowe ka bixin, tan iyo inta kiiskaan maxkamadu go’aan ka gaarayso. PUNTLAND POST The post Ururka Map oo si degdeg ah ugu baaqay in lasii daayo weriye Axmed Tallman appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Netherlands Wopke Hoekstra oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood iyo qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo. Wasiir Wopke Hoekstra oo caddeeyay in dowladda Netherlands ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka caawiso gaarista barta go’aanka deyn cafinta, ayaa hoggaanka dowladda ku bogaadiyay dadaalka ay Soomaaliya uhu jirto arrimaha deyn cafinta. Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo doceedyo xariir ah oo maantaRa’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu Washington kula yeeshay wasiirro maaliyadeed madaxweynaha bangiga adduunka iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Netherland Oo Kulan Ku Yeeshay Washington appeared first on Puntland Post.
-
Former US presidential candidate Hillary Clinton has said Russia is "grooming" a female Democrat in the 2020 White House race Source: Hiiraan Online
-
Anti-terror police have identified an Al-Shabaab operative who is said to have commanded planting of an IED that killed 11 GSU officers in Dadaab constituency. Source: Hiiraan Online
-
Soomaali u sharaxan doorashada Federaalka ee dalka Kanada Afar musharax oo ka soo jeeda Soomaalida haysata dhalashada dalka Kanada ayaa u sharaxan doorashada dhawaan ka dhicidoonta dalka Kanada. Waana markii ugu horreeysay taariikhda dalkan Kanada oo ay iska soo sharaxaan tiro intaa la eg oo ka soo wada jeeda Soomaalida ku nool dalka Kanada. Musharixiintaan ayaa waxay ka kala sharaxan xisbiyada soo socda: 1) Axmed Xuseen oo hadda ah wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa Xisbiga Liberaalka uga sharaxan xaafadda York South—Weston ee magaalada Toronto. Mudane Axmed Xuseen ayaa doorashadii la qabtay 2015 wuxuu ku guuleystay cod ka badan 20,000 ama 46%. Halka xisbigii ku soo dhawaa oo ahaa NDPga uu helay cod gaaraya 13200 ama 30% Deegaanka uu ka sharaxanyahay Axmed Xuseen ayaa lagu tilmaamaa in ay deggen yihiin Soomaalia badan. 2) Dr. Xabiiba Maxamuud ayaa sidoo kale u sharaxan Xisbiga Liberaalka ee Xaafadda Griesback ee magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta. Dr. Xabiiba ayaa ah bare wax dhigta Jaamacadda MacEwan ee magaalada Edmonton. Doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay 2015 waxaa ku guuleystay xisbiga Conservativeka oo helay cod dhan 19,157 ama 39.96%. 3) Cabdul Cabdi ayaa u sharaxan xisbiga Conservativeka ee xaafadda Nepean, galbeedka Magaalada Ottawa ee gobolka Ontario. Waa markii labaad ee Cabdul iska soo sharoxo isla deegaanka uu hadda ka sharaxan yahay. Mushrax Cabdul ayaa wuxuu ka mid yahay Booliska magaalada Ottawa, wuxuuna hadda fasax ka qaatay shaqadiisa si ugu ololeeyo mushaxnimadiisa. Doorashadii ugu dambeysay ee la qabtay 2015 ayaa waxaa deegaankaan ku guuleystay Xisbiga Liberaalka oo helay cod gaaraya 35,212. Magaalada Ottawa ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay magaalada labaad oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan dalka Kanada. 4) Naciima Faarax ayaa u sharaxan xisbiga NDPga ee xaafadda Etobicoke North ee magaalada Toronto. Naciima aya ah gabar u dooda xuquuqda aadamiga (Human Rights advocate). Waxayna ka howl-gashaa arrimaha la xiriira dhallinyada. Doorashadii la qabtay sannadkii 2015 ayaa waxaa deegaankaan ku guuleystay xisbiga Liberaalka oo helay cod gaaraya 26,281. Deegaanka Etobicoke North ayaa waxaa lagu tilmaamaa in deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool magaalada Toronto Doorashada federaalka ee dalka Kanada ayaa la filayaa in ay dhacdo 21ka bishan Oktoobar. Kala soco HOL natiijada aftaan qofood oo ka kala sharaxan magaalooyinka Toronto, Ottawa iyo Edmonton oo ah halka ay ugu badan yihiin Soomaalida ku nool dalka Kanada. Qaran News
-
154 Qaxooti Somaliya oo laga qaaday Itoobiya oo ka degay Dalka Jarmalka+220 ka degi doona… Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Itoobiya ayaa Talaadadii duulimaadkeedii ugu horreeyay oo caalami ah oo siday 154 qaxooti Soomaali ah geysay dalka Jarmalka. IOM waxay taageertay Barnaamijka Dib-u-dejinta Jarmalka dadaalka ay ugu jiraan dib u dajinta 500 qaxooti ah oo ku nool Itoobiya si Jarmalka loogu diro tan iyo bisha Maarso. Qaxooti kale oo tiradoodu tahay 220 ayaa u ambabixi doona Jarmalka, waxayna raacidoonaan duullimaad labaad oo ay hay’adda IOM leedahay, badhtamaha Noofembar. Inta badan dadkaasi waxay horey u mareen waraysiyo muhiim ah iyo qiimeyn caafimaad. Sanadkaan 2019 oo keli ah, IOM waxay caawisay 4,000 oo qaxooti ah si ay dib u dajin uga helaan dalal cusub iyadoo taageero ka helaysa UNHCR. Qaran News
-
Xikmad somaaliyeed ayaa tidhaa “Duruufi Xeerka Ka Wayn” Bishii February 2005, waxaa golihii wakiillada ee Somaliland ee xilligaas jiray uu ansixiyey Xeer Lr. 20/2005 kaas oo ay ku jireen qodobo caqabad ku noqonayey qabsoomidda doorashadii golaha wakiillada ee la filayey inay dhacdo isla sanadkaas, waxaana qodobada caqabadda ku ahaa doorashada ee ku jiray xeerkaas doorashada ka mid ahaa qodobo ay tahay in la fuliyo ka hor doorashada oo ay ka mid yihiin: 1. Inay mudan tahay in la sameeyo diiwaangelin codbixiye, 2. In la sameeyo tirakoob dadweyne, 3. Sugidda xuduudaha dalka 4. In la kala xadeeyo degmooyinka cusub. Qodobadaas kor ku xusan, dhamaantood waxay ahaayeen caqabado waaweyn oo dabar ku ahaa in doorashada baarlamaanku ay dhacdo sannadkii 2005, hase ahaatee Madaxweynihii Somaliland ee xilligaas Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu 19kii bisha Feb. 2005 uu qoraal u diray xafiiskii Xeer ilaalinta iyada oo xeer ilaalintuna ay maalin ka dib u gudbisay Maxkamaddii Dastuuriga ahayd dacwad nuxurkeedu ahaa in golaha wakiilladu ay ku xadgudbeen xuquuqdii muwaadinka ee ahayd in la doorto ama uu wax doorto. Sidaas awgeed waxay maxkamadda ka codsadeen inay laasho qodobo ku xusnaa xeerkii Doorashada ee Baarlamaankii waqtigaas ansixiyeen, kaas oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale u arkaysay inay caqabad ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada.. Wax ka yar usbuuc maalintii dacwada la gudbiyay, waxay Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ay soo saartay Qaraarkan oo ku taariikhaysan 26/02/2005. “Waxaa Maxkamadda u caddaatay in ay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladu ka soo horjeedaan Dastuurka JSL, Dabar iyo carqaladna ku yihiin qabsoomida Doorashada Golaha Wakiilada mudada loo cayimo. Sidaa darteed, Maxkamadda Dastuuriga ahi waxay laashay qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ee No. 20-2/05 ee 18/01/05. Qodobada la laalay wixii qaab farsamo ah ee looga maarmi waayo doorashada Madaxtooyada Socodsiinta Hawsha Doorashada Golaha Wakiilada, waxaa loo raacayaa xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Dalka ee Lam.20/2001”. Qaraarkaas maxkamadda ayaa horseeday in wax laga bedelo xeerkii doorashada golaha wakiillada, isla markaana lagu qoro, sida ku cad qodobka 12aad ee Xeerka Lr. 20-2/2005 in saamiga kuraasta golaha wakiillada ee gobollada lagu geli karo oo keliya doorashadan (Doorashadii qabsoontay 29/09/2005). Haddaba, muddo 14 sannadood oo ka soo wareegtay Doorashadii Golaha Wakiillada, illaa maanta oo la joogo xal lagama gaadhin arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada. maaha arrin sharci oo keliya hase yeeshee waa arrin siyaasadeed oo u baahan hoggaamin siyaasadeed iyo go,aan qaadasho adag iyadoo la eegayo duruufta lagu jiro iyo danta qaranka oo ah Doorasho. Bayd ka mid ah Maansadii Dabataxan ee Abwaan Gaariye IHN wuxuu odhanayaa:- Nin dariiq xariiqdaa Garan kara dayawdee Dhidarkii ku kacay danab Doc kastaaba waa u toos. Xaalkeena ayaa muuqaalkaas Abwaanku sheegay oo kale ah oo maalinta doorashadu kaabiga soo saarto ayaynu baraarugnaa oo buuqa iyo sawaxanka laysla oogsadaa, iyadoo eeda baylahdana qolaba qolada kale dusha u saarto danbiga cida iska leh? (Xukuumad, Xisbiyo iyo Golayaasha). Hadaba waxa biyo kama dhibcaan ah dhammaan xukuumadihii dalka soo maray midna uma badheedhin inuu xal ka gaadho arrintan, waxaana taas bedelkeedu noqday in la yidhaa bal maantana haloo kordhiyo muda xileedka iyo Guurtida haloo gudbiyo. Mudo kordhintii 6aad ayay ku fadhiyaan Golaha Wakiilada JSL tan iyo markii uu dhamaaday mudo xileedkii sida sharciga ah loosoo doortay, waxaanay mar kale naawilayaan mudo kordhintii 7aad maadaama aanay doorashadu ku qabsoomayn waqtiga loo mudeeyay oo ah dhamaadka sanadkan 2019. Lasoco:—– Xukuumada M/weyne Biixi maxaa la gudboon? Xalka saami qaybsigu muxuu yahay? Waa inoo qormada danbe…. Wabilaahi tawfiiq W/Q: Mohamed Adan Gacayte Hargeisa/Somaliland Gacayte09@hotmail.com Qaran News
-
Farmaajo oo Haweenay Kenyan ah u magacaabay la-taliyihiisa gaarka ah+Halisaha ku xeeran Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la-taliyihiisa u magacaabay Aamina Faraax Macallin, oo loo yaqaan Xubbi, oo ah gabar uu dhalay siyaasiga reer Kenya ee Faarax Macallin. Arrintan ayaa soo shaac baxday shalay kadib markii agaasime ku-xigeenka Villa Somalia Cabdullaahi Daddoon uu soo tweet gareeyey sawirrada kulan dhex-maray mas’uuliyiinta Villa Somalia iyo kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Xubbi, waa qofka ka muuqda dhanka bidix ee soke ee safka soo jeeda ee sawirka. Arrintan waxay tusmeyneysaa laba arrin, oo mid ay halisteeda leedahay. Midda koowaad: Aamina ama Xubbi waa gabar Kenyan ah. Ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeya ayada iyo Aadan Barre Ducaale, oo horey ugu baaqay in Kenya ay ciidamo gayso badda ay ku sheeganeyso Soomaaliya, xoogna kula wareegto. Inkasta oo ajaaniib badan ay ka dhex shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, ha ahaadeen Soomaali haysata dhalashada dalal kale sida Xubbi, iyo ajaaniib aanba Soomaali ahayn, haddana kiiskan Xubbi waa mid u baahan in si gaar ah loo eego. Kenya waxay hadda sheeganeysaa badda Soomaaliya, waxaana joogitaanka Xubbi ee halka laga go’aamiyo siyaasadda iyo aayaha Soomaaliya ee Villa Somalia uu gacan weyn siin karaa Kenya una gacan gelin karaa xog muhiim ah. Ma lihin Xubbi waa basaas Kenya, balse sidoo kale yaa damaanad qaadaya in xogta dalka lagu aamino karo, Soomaaliya-se ma qaadan kartaa fursad noocan ah. Sida ku cad boggeeda twitter-ka, Xubbi waxaa u saaran calamada Soomaaliya iyo Kenya, oo macnaheedu yahay in weli ay aaminsan tahay kuna faraxsan tahay inay tahay Kenyan. Sidee qof la-talinaya madaxweynihii Soomaaliya calan dal kale ugu faraxsanaan karaa? Tani waxay astaan kale u tahay sida mar walba madaxweyne Farmaajo u qaato go’aanno aan laga fiirsan ama aan la darsin cawaaqibka ka iman kara. Midda labaad: Magacaabista Xubbi, waxay caddeysay sababta ka dambeysa taageerada waalida ah ee aabaheed Faarax Macallin uu mar walba twitter-ka ugu muujiyo madaxweyne Farmaajo. Faarax Macallin kuma koobna oo kaliya inuu Farmaajo amaano, balse waxa uu mar walba aflagaadeeyaa madaxdii isaga ka horreysay ee dalka soo maray oo ku qeexo erey kasta oo xun oo aadan ka filan karin, sida inay ahaayeen daba-dhilifyo u adeega Itoobiya. Waxaase yaab leh, Faarax inuusan marnaba dhalleeceyn Farmaajo, inkasta oo uu xitaa sameeyey wax uusan madaxweyne Soomaaliyeed weligiis sameyn oo ah inuu muwaadin Soomaaliyeed u gacan-geliyo cadowga Itoobiya. Sida Faarax ay la tahay, Farmaajo oo Itoobiya u gacan geliyey muwaadin Soomaaliyeed daba-dhilif maaha, balse Xasan iyo Shariif oo aan weligood sidaas sameyn waa ay yihiin. Hadda waan ognahayn sababta Faarax sidaas ula tahay. Ilo-wareedyo ayaa Warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah sababaha xilka loogu magacaabay gabadha Faarax ay qeyb ka aheyd taageerada waalida ah ee aabaheed u hayo Farmaajo. Ka hor inta aan la magacaabin Xubbi, Faarax waxa uu ka mid ahaa boqolaalka qof ee Villa Somalia mushaharka uga qaataa amaanta madaxweynaha. Qaran News
