-
Content Count
213,921 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii u horeysay ka jawaabtay baaqyo kala duwan oo ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaano. Somaliland ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabkaasi loogu soo jeediyay in deegaanadeeda laga cayriyo wakiilka u jooga Jabuuti, kaasi oo uu xisbiga Ucid u qabtay muddo dhan 24-saac gudahood in looga saaro Somaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir “Faratoon”, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dacwad uu Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland lagu sheegay in uu ka gudbiyay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Wasiir Faaratoon ayaa waxa kale oo uu dalka Jabuuti ka difaacay eedeymo ay u soo jeediyeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Ucid, kaasi oo ay ku sheegen in dowladda Jabuuti ay tahay cadowga koowaad ee leedahay Somaliland. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”. “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”. Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Jabuuti u aragta saaxiib dhow oo cilaaqaad fiicani kala dhaxeeyo, halka ay qaar kamid ah xisbiyada mucaaridka Somaliland u arkaan dowlad cadow ku ah Somaliland, isla markaan gacan saar dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Dagaallo xoogan oo ka dhacay gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Milatariga iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday madaafiic ku qaadeen deegaankaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sidoo kale Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ay maanta ku dagaalameen halkaasi. Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ciidanka Itoobiya kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. View the full article -
Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Mr Maxamed Yuusuf Cali Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, kaasi oo bulshada magaalada Boosaaso lagu amray in haddii ay shirar qabsanayaan ay sii ogaysiiyan maamulka gobolka, si dowladdu u xaqiijiso amniga shacabka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland, ayaa looga dalbaday Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, in ay ka laabtaan go’aankooda, waxaana xafiiska oo cuskanaya qodoba kamid ah Dastuurka Puntland uu in go’aankaasi ku tilmaamay mid lagu cabburinayo xarriyadda iyo xuquuqda shacabka. Xafiiska ayaa ku taliyay in la dhawro, xuquuqda iyo xorriyadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland u degsan ay siinayaan muwaaddiniinta reer Puntland, isagoo ka digay in la cabburiyo cabashada iyo fikirka muwaaddiniinta, sida qoraalka ku xusan. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland oo ka soo horjeestay go’aano ka soo baxay maamulka gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamadaXoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ay la wareegeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen dhamaanba xaafadaha deegaankaasi. Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka qabtay Camaara ayaa shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan. Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda ay baaritaano ka wadaan halkaasi, iyagoona isku ballaariyey waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Camaara. Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
-
Detectives from Pangani on Saturday morning arrested three officers attached to Kayole Police Station and a Cameroonian after they robbed two people of USD 60,000 (Sh6 million) Eastleigh, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
At the end of a three-day mission to Djibouti, Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs and Deputy Emergency Relief Coordinator Ursula Mueller today called on the international community to take immediate action to confront the climate crisis that is heavily affecting the country and the whole Horn of Africa and sustain the support to the humanitarian response. Source: Hiiraan Online
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa shan qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee hoggaamineysay howlaglkaas ayaa sheegay in ragga la soo qabtay uu ku jiro maskaxdii ka dambeysay weerar dhowaan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka oo ka howlgalayey gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in raggaasi oo haatan ku jira gacanta ciidamada amniga inay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgallo ka waday gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona Kalfadhiga 6aad ee Golahaasi. Sida ku ku cad warqada Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna Taariikheysan 09ka October 2019. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-05102019.mp3 View the full article
-
Iran’s receptiveness for contact with the Saudis contrasts with its chilly tone toward the United States. Last week, Iran’s president, Hassan Rouhani, dodged an opportunity to speak directly with Mr. Trump while both were attending the United Nations General Assembly in New York. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimda Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey watqiga uu sida rasmiga ah u furmi doono Kalfadhiga Lixaad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulankan uu furmi doono 9-ka bishan October ee 2019. Mudanaayasha golaha shacabka, waxaa u yaalla shaqooyin badan oo muhiim ah, lagana doonayo in si dhaqsi ah ku qabtaan, hase yeeshee baarlamanka Soomaaliya ayaan muddo ka badan sanad ahaa fadhiid. Tan iyo markii madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay hoggaanka baarlamanka ka cayriyeen Maxamed Cusmaan Jawaari kadib dagaal dhowr milyan uu dollar ay ku baxday, wuxuu baarlamanka u shaqeynayey sida wasaarad ka tirsan xukuumadda. Xarunta baarlamanka lama hrokeeni karo wax sharciyo ah oo aysan xukuumadda raali ka ahayn, sidoo kalena lagulama xisaabtami karo xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waa mushaari bishii tobanaan kun ka qaata Villa Somalia, mana lahan awood iyo shaqsiyad uu ku qaato go’aano ku saleysan dastuurka, sidaas darteedna furitaanka kalfadhigga baarlamanka ayaan wax badan laga fileyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed oo ah Xoghayaha hawlaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu si gaar ah uga hadlay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi, hadalkii wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland iyo qodobo kale. Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii Wakiilka Jabuuti ayaa yidhi “Wakiilka Jabuuti u fadhiya qunsilyada Jabuuti ee Somaliland,hadalku uu ka dhacay, oo hadal dimblamaasi kumuu hadal, si xuna oo aan loo baahnayna uu u hadlay, sidaas darteed Wakiilkani inuu dalka ka baxo oo uu dalkiisa ku laabto ayaa u haboon, ta kale Safiirkii Jabuuti wuxuu fadhiya Muqdisho, Safiirkii Turkiguna wuxuu fadhiya Muqdisho, halkana waxa ka dhisan Qunsiliyado, taas ayey nasiib daro Xukuumaddu ogolaatay, iyada oo macnaheedu noqonayo in Muqdisho aynu wax badan u daba fadhino, waxaana xusid mudan in Turkigu aanu inaga waxba ina tarin, halka uu caawiyo Somaliya, ciidamadana uu u tababaro, wax walbana uu la garab taagan qunsiyadaha aynu ogolaanay iyo safaradaha muqdisho ka dhisani waxay inoo horseedeen in maamul goboleed Somaliya ka mid ah la inagu tiriyo”. Mar uu jawaab ka bixinayey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda oo dhaliilay Xisbiga Waddani iyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ayaa yidhi “Anigu waxaan xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, waxaan soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha, ninka masuulka ah ee xilka umadda haya waxaa looga baahan yahay inuu garto xilka iyo masuuliyad uu hayo, waxaa looga baahan yahay inuu aad uga fiirsado hadalada afkiisa ka soo baxaya, Xasan Gafaadhi wuxuu ka sheegay Xisbiga Waddani, halka uu Maxamed Kaahina wax ka sheegay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Waddani, waxaan leeyahay marka aad idinku cid wax ka sheegaysaan dib iskugu noqda, oo idinku isa saxa, Xisbiga Waddani iyo Maxamed Cali, dhaliil ma leh, ee idinka ayaa dhaliisha leh, Xisbiga Waddani-na Xisbiga dalka uga lexe-jeclo badani ma jiro, halka uu maanta dalku marayo, Jabhadaha jira,cadaalada darada iyo saluuga la muujinayaba, waa waxay sabab u tahay Xukuumaddu,ee Maxamed Kaahin iyo Xasan Gafaadhi xilkooda hoos ha u eegaan,oo masuuliyada wasiirnimo ha gartaan, Masuuliyiinta xilalka ka haya Xukuumaddan ha bartaan nidaamka loo hadlo” Source
-
Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyadu waxay dadku kala noqdeen rufucyo, siyaasi waliba wuxuu meel ku xidhay xaafadiisii hoose, taas oo keentay in bulshado furfuranto, illaa haddana sidii xaaladdu ahaato. Bulshada Awdal oo tafaafuruqu ku yaraa waxa saameeyey doorashadii dhowayd, taas oo sidii beelaha kale noqotay sii aanay iyo rufuc rufuc, waxay madax dhaqameedkuna kala raaceen uun siyaasiyiintooda arrintan ku hogaaminaysa. Doorashadani waxay sababtay in xitaa qoysas badan ku burburaan oo nin iyo naagtii kala raacaan musharaxiinta, ka dibna ay halkasi ku kala tagaan, waana doorashadii ugu saamaynta xumayd ee qoysas kala dira. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale waxa uu isku dayey inuu xal u helo tafaraaruqa siyaasaddu sababta u tahay ee gobolka Awdal, waxaanu dhamaan isku keenay madax dhaqameedkii gobolka si bulshada loo mideeyo. Maadaama oo Daahir Rayaale loo arko nin dhexdhexaad ah waxay keentay inay ayidaan arrinkiisii oo isku raacaan oo khilaafyadii beelaha la soo afjaro, waxaanay hortiisa kaga dhowaaqeen in sidii hore xaalka lagu celiyoo oo la iska wada saamaxo oo dhaqankii fiicnaa ee walaalaha lagu ahaa dib loogu noqdo, siyaasadduna aanay bulshada gobolka kala qaybin. Hadaba, mar haddii Rayaale u kacay Awdal, waxa loo baahan yahay in Togdheer iyo Sanaag ka soo dhex baxo shakhsi dhexdhexaad ah oo bulshada isku keena oo xurguftii doorashadu keentay dib u masaxa oo bulshada walaaleeya. W/Q: Barkhad-Ladiif Cumar Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidamada kuwa qaada canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dilka kadib ay meesha gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay baahisay inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, sida gaarka ah u tababaran. Ma shaacin kooxda Al-Shabaab magaca askarigaasi, basle waxa ay sheegtay inuu dhibaato ku hayey shacabka, islamarkaana uu baad ka qaadayey, sida ay u dhigtay. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dilalka iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
(SLT-Tehran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa siidaysay gabadh iyo Nin u dhashay Dalka Australia, kuwaasi oo muddo saddex bilood ah ku xidhnaa Dalka IRAN. Siidaynta labada Qof oo IRAN hore ugu eedaysay Basaasnimo waxa Sabtida Maanta xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia Marise Payne. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia, Marise Payne ayaa sheegtay in lamaanahan oo Magacyadoodu kala yihiin Jolie King iyo Mark Firkin ay ku soo waajahan yihiin Gurigoodii isla-markaana Caafimaad qabaan. Wasiirka Arrimaha dibeddu waxay sheegtay in dhammaan eedaymihii loo haystay oo ay ugu waynayd inay basaasiin ahaayeen la tuuray, sidaasi darteedna “Waxay dib ula midoobayaan Dadkoodii ay jeclaayeen..” ayay tidhi. Labada xubnood ee la siidaayey ayaa la Dawladda Tehran xidhay, markii ay fasax la’aan duuliyeen diyaarad yar oo Drone ah, taasi oo qayb ka ah Sababaha loogu eedeeyay inay basaasiin yihiin. Source
-
Xildhibaan Naasir Xaaji Cali oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo xildhibaano ka qeybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Wuxuu sheegay xildhibaanka in ay la dhaceen qaabkii ay u dhacday doorashada Jubbaland ,sidaasi darteedna ku dhiirogelisay in ay caleema saarka yimaadaan. Xildhibaanka ayaa sheegay in hadda yihiin Lix qof oo Labo ka mid ah ka imaanayaa golaha Guurtida, sidoo kalena waxaa wafdigan qeyb ka ah xubno ma talaya xisbiyada mucaaradka Somaliland. “Annaga safarka aan ku aadi doonno Kismaayo shaqo kuma lahan xukuumadda, markii aan la dhacnay sida ay doorashada u dhacday ayaan ka codsannay madaxweyne Axmed Madoobe inuu nagu casuumo caleema saarkiisa, waana uu inaga aqbalay” ayuu yiri xildhibaan Naasir. Dhanka kale, xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay dan ka leedahay Jubbaland, taasi oo la mid ah kuwa ay Soomaaliya ka leeyihiin Turkiga iyo Qatar, waa sida uu hadalka u dhigaye. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la filayaa in dhowaan lagu caleema saaro magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir loona yaqaan Faratoon ayaa ka hadlay warar maalmahan dambe la isla dhexmarayey oo ah in Somaliland ay iska erin doonto wakiilka Jabuuti u fadhiya magaalada Hargeysa. Wasiirka ayaa shegay in aanay jirin dacwad uga timid Faysal Cali Waraabe oo ku aaddan safiirka, sidaasi darteedna aanu jirin sharci ay ku eryaan wakiilka Jabuuti. “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaaray ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah” ayuu yiri wasiir Faratoon oo la hadlay wargeys lagu magacaabo Geeska Afrika. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno, ee waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo, oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”. Mar uu ka hadlay xiriirka Jabuuti iyo Somaliland waxaa uu yiri “Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu walaalo nahay, waa dal aynu isku diin nahay, waa dal aynu isku dhaqan iyo isku afba nahay, wax badan baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi, xidhiidh nabadgalyo iyo xidhiidh iskaashi baa inaga dhexeeya, xidhiidhkii wacnaa ee hore inooga dhexeeyayna xidhiidh ka sii wanagsan baa hadda inaga dhexeeya, markaas dalka Jabuuti maaha dal inoo cadaw ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey watqiga uu sida rasmiga ah u furmi doono Kalfadhiga Lixaad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in kulankan uu furmi doono 9-ka bishan October ee 2019. Mudanaayasha golaha shacabka, waxaa u yaalla shaqooyin badan oo muhiim ah, lagana doonayo in si dhaqsi ah ku qabtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tababar ku saabsan la dagaallanka Argagixisada.ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga uga socda ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed. Tababarkaan ayaa isugu jira burburinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhacaan iyo howlgalada gaarka ah. Ciidamadaan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qaybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuralayda magaalada Izmir. Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si wayn uga qeyb qaadanaysay tababarka Ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda, kuwaasoo isugu jira Ciidamo Boolis iyo kuwo ka tirsan xoogga dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
